|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Jawaab: Muhiimadda Xaggee Saarnaa?
Assalaamu Calaykum: Walaal Kamaluddiin, aad baad u mahadsantahay, su'aashaadana waan fahmay, waana kugu raacsanahay in la hormarsho Kitaabka iyo Sunnada Nabiga nnk oo waxa Ilaahay Ina faray iyo wixii sunnada ku yimid aan marka hore samayno.
Sikastaba ha ahaatee, Mowlidka nabigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha kitaabka iyo sunnada laga faa'iidaystay oo laga fahmay, sida ay u caddeeyeen Imaam Ibn Xajar al-Casqalaani iyo Imaam Siyuudi waxay dhaheen mowliidku kitaabka iyo sunnada ayuu asal ku leeyahay.
Marka walaal ayada oo kitaabka iyo sunnada la raacayo ayaa misana loo baahanyahay in hadalka culumada la kaashado, maxaa yeelay haddii aadan culumada wax ka baran kuu suurta geli mayso in aad kitaabka iyo sunnada raacdid oo fahamtid.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, April 24, 2006 at 19:50:41 (CDT)
- Su'aal: maxaa muhiim ah maxaanse muhiim ahayn?
Assalamu Calaykum, Akhi aad ayaan ugu farxay markaan arkay sida aad u qortay buugaagtan badan maansha Allah, Ilaahay ha kuu adeegsado si uu ka raali yahay.
Su'aasha aan ku waydiinayo waa mawliidka nabi Calayhi salatu wassalam. Maansha Allah aad ayaad uga hadashay wallaal... taasina waxay tusaysaa sida aad nabiga Ilaahay aad u jeceshahay.
Laakiin waxaa iswaydiin leh muhimka inteen saaraynaa.. ma quraanka iyo nabiga axaadiistiisa mise waxaaan inagu sameynayno! Akhi waxaan halkan uga jeedaa waqti ma u heleysaa inaad dhamayso sunnada iyo quraanka una gudubtaan waxyaalo kale oon innagu samaynayo.
Waxaa dhab ah in haddii aan dhamaanteen sameyno kaliya wuxuu Ilaah iyo nabi na fareen inaan dhamaan mid noqono tafaruqna nagu dhicin, waayo qofna diidi maayo wuxuu nabi iyo Ilaahay na faray.
Akhi bal arrintan ka soo waran.
Kamaludeen <Kamaludeen45>
- Monday, April 24, 2006 at 19:45:20 (CDT)
- Jawaab: Rabigeen xad ma leeyahey mise wuxuu jiidan yahey maalaa nihaaya?
Assalaamu Calaykum: Walaal lixda jiho dhammaad ayay leeyihiin, wax aan dhamaad lahayn ma jiraan, maxaa yeelay dhammaantood waxyaabaha adduunka jooga Eebbe ayaa uumay, wixii la uumayna xad iyo dhammaad bay leeyihiin.
Su'aasha labaad ee ah Eeebbe xad ma leeyahay, mise wuxuu jiidanyahay "maalaa nihaaya" ama dhammaad la'aan. Jawaabtu waa in aanan Eebbe kor ahaayee uusan lahayn xad koobaya, sida Imaam ad-Daxaawi ugu caddeeyay kitaabkiisa Caqiidada Daxaawiyada, wuxuu yriri: (Laa taxwiihi al-Jihaatu as-Sitt), macnaha, koobi maayaan lixda jiho Eebbe.
Midda aad tiri "ma wuxuu jiidanyahay dhammaad la'aan" waxaan ku leeyahay Eebbe ma aha maaddo, mana jiidna, wuu jiraa Eebbe dhammaad la'aan iyo Xad la'aan, laakiin taas macnaheedu ma aha in uu jiidanyahay dhammaad la'aan, sida uu ku andacooday al-Baani.
Lama yiraahdo Eebbe wuu jiidanyahay, lamana yiraahdo caalamka ayuu ku wareegsanyahay, Eebbe kor ahaayee wuu jiraa, meelna kuma naga, xadna malaha, caalamkana kuma dhexjiro, marka Eebbe kor ahaayee waxyaabahaas oo dhan wuu ka nasahanyahay.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, April 17, 2006 at 22:27:37 (CDT)
- Su'aal: Rabigeen xad ma leeyahey mise wuxuu jiidan yahey maalaa nihaaya?
Salaam caleykum shiikh Xirsi. Shiikh lixda jiho dhamaad ma leeyihiin mise waxey jiidan yihiin maalaa nihaaya? Rabigeen xad ma leeyahey mise wuxuu jiidan yahey maalaa nihaaya?
Maxamed cabdi gardaro <Maxamed cabdi >
- Monday, April 17, 2006 at 22:20:58 (CDT)
- Jawaab: Qof wahhaabiyo ah oo aad garanayso salaan ma laga qaadayaa?
Assalaamu calaykum: Walaal dadkan wahhaabiyada lagu tilmaamo waa laba nooc, qaar waa caamo iska daba socda oo aanan garanayn waxa la sheegayo, waana inta badan, qaarna waa kuwa mushabihada ah ee madaxda u ah ee dadka ugu yeeraya tashbiiha iyo tajsiimka.
Marka qoladaas mujasimada ah ama mushabihada ah waa kufaar sidii aan horeyba u caddaynay, laakiin dadka faraha badan ee caamada ah ee iska daba socda la kufrin maayo inta uu wax ka baranayo, haddii uu wax barto ee uu wali ku dhegganyahay tajsiimka ayaa la kufrinayaa.
Marka qaarka aanan salaanta laga qaadayn waa kuwa mujasimada ah ama mushabihada, kuwaas waa kuwa wahhaabiyada madaxda u ah.
Inta kale ee caamada ah waa la tukanaynaa, salaantana waad ka qaadaysaa, waa muslimiin ahlusunno ah, waana badanka dadka wahaabiyada iska daba socda waa jaadkaas.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:54:42 (CDT)
- Su'aal: Qof wahhaabiyo ah oo aad garanayso salaan ma laga qaadayaa?
A/c sheekh Dr.Xirs iyo culimada kale salaan ka dib sheekh su'aashayda waa qof wahaabiyada ka tirsan oo aan hubo in uu wahaabi yahay hadii uu i salaamo maka qaadi karaa salaanta. salaantu waa Assalaamu calaykum.
Cabdifataax <Cabdifataax>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:49:38 (CDT)
- Jawaab: Salaadda ma soo gaabin karaa haddii aan muddo dheer ka maqanahay hoygaygii?
Assalaamu Calaykum: Walaal haddii aad meesha joogtay muddo dheer oo aadan hubin in aad noqon doonto iyo goorta aad noqon doonto, salaaddada oo dhamaystiran tuko hana gaabin.
Culumadu salaadda gaabinteeda iyo jamcinteeda shuruudo ayay u dhigeen, qofkii sidaada oo kale ahna shuruudahaas ka suurtoobi mayaan maxaa wacay waadba nagaatay oo ma hubtid in aad noqon doonto iyo in kale.
Mahadsanid
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:48:04 (CDT)
- Su'aal: Salaadda ma soo gaabin karaa haddii aan muddo dheer ka maqanahay hoygaygii?
Salaama Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu ama bacdu! su'aasha aan qabo ayaa waxay tahay waxaan ahay qof aan ku noolayn meeshii hore aan u deganaa, marka waa mudo dheer inta aan ka maqan nahay hoygeygii hore, marka mana hubo inaan ku noqon doono iyo in kale sababo aanan hubin aawadeed.
Marka waxaan doonaayaa inaan ogaado in salaadaha la iga rabo inaan dukado ay tahay sidii qof safar oo kale oo aan jamciyo mar waliba salaada duhur iyo mida casir iyo salaada maqrib iyo mida cishaha ama inaan u dukado sida caadada ah in salaad waliba aan tukado waqtigeeda marka intaa ayaa iga su'aal ah aad iyo aad ayaadna ugu mahadsan tihiin wasalaama calaykum waraxmatulaahi.
Cabdifataax <Cabdifataax>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:44:41 (CDT)
- Jawaab: Xaaskaaga khasab ku fur haddii la i dhaho maxaan samayn karaa?
Assalaamu calaykum: walaal mas'aladan waxaa la dhahaa "dalaaq al-mukrah" macnaha in lagugu khasbay in aad naagtaada furto adiga oo aanan doonayn.
Culumada qaar waxay qabaan haddii lagu khasbo oo aadan awood u lahayn aad isku difaacdo sida haddii xaakim daalin ah kugu khasbo in aad naagtaada furto in uusan dalaaqaas dhacayn sida uu fatwooday Imaam Maalik.
Laakiin haddii aad joogto dal aanan cidna ku khasbi karin laakiin ay ku cadaadinayaan waxaad awooddaa in aad naagtaada haysato ayada oo aanan dhibaato ku soo gaarin.
Marka adiga oo awooda taas oo naagtaada haysan kara haddii aad furto cadaadis qaraabo iyo xigto kaaga yimid awgiis furriinka noocaas ah wuu dhacayaa ama jeclow ama ha jeclaan, maxaa yeelay cadaadiska lagu saaray ma aha mid sidaa u sii adag oo khatar ku gelinaya.
Marka walaal naagtaada ha ku furin cadaadis kaaga yimid qaraabo xaggeed, haddii aad ku furto way kaa furmaysaa xataa haddii aadan jeclayn.
Mahadsanid.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:39:43 (CDT)
- Su'aal: Xaaskaaga khasab ku fur haddii la i dhaho maxaan samayn karaa?
asalaamun caleykum: yaa sheekh waxaan ku weydinayaa hal su'aal oo ah: aniga waxaan qabaa xaas mudo ku dhawaad 6 sano ilaa iyo hadana wax caruur ah ilaaheey ma i siinin xaaskeyga wey igu faraxsantahay hoyadeda ayaa mar walbo la soo hadleyso oo ay leedahay ninkaga ha is soo daaweeyo hadii kaleneh ha ku soo furo.
Marka maxaan sameenayaa diinta maxeey ka qabtaa arintaas hadii aan jaclahay naagta oo ay qasab ku fur ay i dhahaan maxaan sameenkaraa hadii ay i dhahaan fur oo an furo oo an niyadeyda ka imaanin furinkaas oo aan u sameenaayo walidkeeda dartiisa talaaqo ma iga baxay mase ma iga bixin wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa barakaato.
daud <daud>
- Sunday, April 16, 2006 at 22:34:28 (CDT)
- Bogaadin:
سلام الله عليكم: حضرة الاستاذ الفاضل
حرسى محمد هيلولة
نحن فى تمام الصحة والعافية راجين لكم كذلك
اغلب الظن انك لا تعرفنى ولست فى كثير حاجة ان تعرفنى ولكن المهم اننى قرات 60
صفحة من كتابك الليلة واعجبنى الاسلوب السهل المبسط الميسر الممتع الذى يمكن
للجميع ان يستفيد منه وخاصة فى المصادر القيمة الموثوقة التى ذكرتها فى الكتاب لان كل كتاب قيمته مصادره وهذا ما جعلنى ارتاح لكثير منهم مثل الشيخ عبد الحليم محمود والشيخ ابو زهرة لانهم مع انهم كانو فى الخلف ولكنهم حظهم فى التحصيل لم يكن قليلا عمن مضى وعلاوة على ذلك المصادر التى توفرت عندهم بحكم موقعهم العلمى والنفوذ والجاه
وعلى كل ارتحنا لامثال فيسنيك والاستاد منسنيون ولاباس بزكى مبارك مع انه كان
يميل الى الثقافة الغربية اكثر من الاسلامية وهذ ا مما جعله ينتقد نقدا غير
مسبوق بعيدا عن اخلاق الصوفية وكان ممن انتقد من رموز الصوفية امثال ابو
المواهب الشعرانى وابو حامد الغزالى وغيرهم من كبار المدرسة
ولاغرو لان كل اناء ينضح بما فيه وكل ميسر لما خلق له ولانذكر موتانا الا بخير
ولكن قديما قالو ابتلى الاشراف بالاطراف ونحن لا نقول الا بما يرضى ربنا ولنا
اسوة حسنة بالامام النووى حينما سئل عن الشيخ الاكبر قال "تلك امة لها ماكسبت
ولكم ما كسبتم ولاتسئلون عما كانوا يعملون"صدق الله العظيم
جزاك الله خيرا اخانا الفاضل على هذا الجهد الطيب
وحبذا لو اطلعت على كتاب البروفسور اوفاهى وهو استاد فى النرويج بخصوص الطريقة
الادريسية لان فيه مراجع ومعلومات قيمة لعلها تقع منك فى موضع الاستحسان وكما
لابد مع كل من يكتب عن هذه المدرسة ان يقرا كتاب مدرسة احمد بن ادرس فى السودان
للدكتور يحيى ابراهيم لانه الوافى فى هذا الباب بينما هو باللغة العربية واما
الاول با لانجليزية:
واسم الكتاب الاول هو
enigmatic saint
prof. o'Fahy
وعلى كل هذه الرسالة المكتوبة والفقير على عجلة من امره ارجو من الله ان تكون
من باب النصيحة لله لا من باب الغش لله الذى هو عكس الاول كما ذكره ابو المواهب
فى بحره المورود وغيره من الكتب
وان لم تكن المراجع عندك فلا باس بقراءة مناظرة احمد بن ادريس مع فقهاء عسير
او النفس اليمانى لحفيده السيد
محمد على اليمنى مؤسس الدولة الادريسية فى المخلاف السليمانى (منطقة عسير)او
الديباج الخسروانى لحسن بن عاكش او اعطار ازهار اغصان حظيرة التقديس او منتقى
النفيس او العقد النفيس او رسالة ضوء النهار لذوى الابصار
على كل نرجو لك التوفيق واستعن با لله ولا تعجز
وهناك فى كوالالمبور استاذ جليل اسمه المهندس احمد مبروك سوف يكون لكم عضدا
وعتادا ان احتجت اليه وخاصة فيما يتعلق فى الفقه الشافعى وعقيدة اهل السنة
والجماعة وهو مصرى تخصصه دكتوراة فى الكومبيوتر ولكن ارجو ان تحصيله فى الفقه
والعقيدة اكثر واوثق واخر دعوانا ان الحمد لله رب العالمين
والسلام عليكم
الفقير ابوبكر
اخوكم فى الاسلام
الفقير ابوبكر <الفقير ابوبكر>
- Wednesday, April 12, 2006 at 19:03:47 (CDT)
|
- Jawaab: Shiikh Erayada quraanka ku soo aroora ma daahirkooda in la raaco ayaa waajib mar kasta?
asalaama caleeykum: walaal way jiraan dad ku murma mas'aladaas oo yiraahda waa in erayada quraanka daahirkoodqa la raaco, xaddiiskana sidoo kale.
Marka laga hadlayo erayada sida "Istawaa" oo kale ah waxay leeyihiin carabiga wuxuu ku noqon karaa "istaqarra" taas ayaanna ku dhegaynaa oo waa macnihii maaddiga ahaa! Laakiin kolka erayo kale laga hadlayo sida aayadda aad tilmaantay ee ah (waman kaana fii hazihi acmaa) waxay leeyihiin waa ta'wiilinaynaa, marka manhaj baadil ah oo aanan toosnayn ayay ku socdaan sida kuu muuqata, maxaa yeelay ninkii daahirka ayaan raacayaa yiraahda waa in uu erayada quraanka iyo xaddiiska oo dhan daahirkooda qaato, mana bannaana in marna la ta'wiilsho marna la yiraahdo daahirka ayaan qabsanayaa.
Erayada afcarabiga ah, hal macne ka badan ayay yeelan karaan
Marka qoladaas daahirka ku dhegta dhibaatooyin badan ayaa haysta, waxaa ka mid ah, in erayada carabiga ah badankoodu leeyihiin hal macne ka badan oo luqawi ah, tusaale ahaan erayga "istwaa" wuxuu leeyahay dhowr macne oo luqawi ah, marka sidee ku ogaadeen in midka Ilaahay u danleeyahay yahay (istaqarra)!
Macnaha daahirka ah mar aan la raaci karin ayaa jirta
Sikastaba ha ahaatee, macnaha daahirka ah in la raaco ma bannaana haddii uu ka dhalanayo khalad ama kufri ama uu ka hor imaanayo aayado kale, tusaale ahaan, aayadda aad sheegtay ee ah (waman kaana fii haazihi acmaa) erayga "acmaa" macnihiisa luqawiga ah waa "indho la'aan" ama "indhoole" marka haddii daahirka la raaco wuu noqonayaa macnaha aayadda "qofkii adduunkan indhoole ku ah, aakhirana indhoole ayuu ahaanayaa"! tafsiirkaasna waxaan ognahay in uusan sax ahayn, maxaa yeelay aayado kale ayuu ka hor imaanayaa, oo inoo sheegay in qof waliba camalkiisa heli doono aakhiro.
Sidaa darteed, ninkii yiraahda daahirka oo kaliya ayaan raacayaa waa nin lunsan oo mad-hab bidco ah la soo baxay, firqooyin waa hore soo baxay oo daahiriya la yiraahdo ayuuna raacay.
Diinka Islaamku waa diin shaamil ah, waana in si fiican loo derso macnihiisa inta aanan hal eray lagu dhegin
Hadaba qofkii quraanka fasiraya waa in uu ahaado qof diinka islaamka fahmaya oo aqoon fiican u leh, qof caamo ah ama aanan caamada wax dhaamin uma bannaana in uu quraanka fasiro oo hadba macnihii uu doono qaato, marna ta'wiilsho marna daahirka raaco, taas waa hawo raacid ee sharci raacid ma aha, waana lunsanaan.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, April 12, 2006 at 00:42:55 (CDT)
- Su'aal: Shiikh Erayada quraanka ku soo aroora ma daahirkooda in la raaco ayaa waajib mar kasta?
asalaama caleeykum; Shiikh Xirsi waxaan doonayaa in aad ii sharaxdid, quraanka erayada ku soo aroora sida "istawaa" iyo "waman kaana fi hazihi acmaa fahuwa fil aakhirati acmaa" iwm, ma waajibaa in la raaco daahirkooda? Mase jiraa xaddiis ama aayad dhahaysa raaca daahirka erayada afcarabiga ah ee quraanka ku soo aroora? ajar allaah ha ku siiyo ee bal taas ii bayaani.
Axmed nuur <anuur52>
- Wednesday, April 12, 2006 at 00:27:52 (CDT)
- Jawaab: Ninka dhiiggiisa sixir ma lagu adkayn karaa?
asalaama caleeykum; Walaal su'aashan waxaa fiican in aad waydiiso qof sixirka wax ka yaqaan, anigu sixir waxba kama aqaan, kitaabka aad sheegtayna ma akhrin, marka waxa ku qoran kuuma sheegi karo.
Sikastaba ha ahaatee, sixirka faliddiisu waa xaraan sida culumada oo dhan sheegeen, marka waxaa fiican in laga fogaado wixii dambi kaa soo gaarayo. wallaahu aclam bissawaab.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, April 12, 2006 at 00:19:58 (CDT)
- Su'aal: Ninka dhiiggiisa sixir ma lagu adkayn karaa?
asalaama caleeykum waraxmatulaahi wabarakaatu ........walaalayaal waxaan idin weeydinayaa suaal waxan rabaa in liiga soo jawaabo ...mataqaaniin kutubka ladhaho kanzul maknuun miyey ku jirtaa in ninka in dhiigiisa sixir lagu adkeeynkaro si uun naag ula seexan hada marka sixirka lagafuraayo oo sadex ukun inta lakariyo mid kamid ah lagu dhigo aayado quraanka kamid
zakariye <zakariye>
- Wednesday, April 12, 2006 at 00:16:38 (CDT)
- Jawaab: Warqad ka timid ilaaliyaha qabriga Nabiga nnk!
Assalaamu calaykum: walaal Lubi waraaqaha noocaas ah ee la leeyahay waxaa soo qoray Ilaaliyaha qabriga Nabiga ama Ilaaliyaha kacbada ama wadaado kale ma aha wax cusub, in badan ayaan maqalnay waraaqo noocaas ah, waxayna iila egyihiin wax been abuur ah.
Inkasta oo waraaqahaas waxa ku qoran ay ku jiraan waxyaabo wanaagsan sidi waanada ay dadka ku waaninayaan allaah ka cabsiga iwm, hadana waxyaabo kale oo been abuur ah ayaa ku jira.
Sikastaba ha ahaatee, sheekada waraaqahaas ku timaada waxay badanaa ku salaysantahay riyo ay nimanka waraaqda soo qoray -sida la sheegay - arkeen, sharciguna riyo kuma salaysna ee axkaam iyo addillo ayuu ku salaysan yahay.
Marka anigu marnaba ma qabo in lagu camalfalo waxyaabaha waraaqahaas la sheegayo ku qoran, qofkii doonaya in uu Ilaah ka baqo sharciga ayaa u sheegay sida loo caabudo Ilaahay, marka wadaad riyadiis uma baahna.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_one@hotmail.com>
- Sunday, April 09, 2006 at 07:23:39 (CDT)
- Su'aal: Warqad ka timid ilaaliyaha qabriga Nabiga nnk
asalaamu calykum, sheikh maxaad ka leedahay waraaqdaani Walaalayaasha Muslimiinta ahoow Warqadani waxay ka timid Sacuudi Caraabiya, waxayna ku socotaa dadka islaamka ah ragga iyo dumarka ah.
Sheekh Axmed Daad oo ah illaaliyaha qabriga nabiga S.C.W. waqti habeen ah markuu tukaday salaatu-layl ka bacdi, nabiga NNKHA wuxuu yiri "Sheekh Axmed Daadow waxaa dhintay 6,000,000 (lix milyan) oo qof ka mid ahna janada ma galin".
Sh. Axmed Daad wuu baqay sababta oo ah dadkii islaamka ahaa oon raacin jidka nabiga NNKHA darteed. Dumarka ma ogola inay racaan raggooda markay wax faraan, cawradoodana ma asturtaan, dadka maalqabeenka ah xoolahooda massaakiinta islaamka ah inyar wax ka ma siiyaan, dadka xajka aadana ma tudakadaan waqti kasta.
Nabiga NNKHA waxuu yiri "Sheekh Axmed u sheeg dadka islaamka ah si ay u warriyaan una qaybiyaan warqadan qofkii qaybiya oo badiya riyadooda ama niyadoodu waxay ku qabtaan way arki doonaan hadii Alle idmo, Nabi Muxamed NNKHA isaga iyo carruurtiisa jano ayay helayaan.
Qofkii isagoo dayn qaba warqadan badiya ka dibna dadka islaamka ah u qaybiya Illaahaybaa ka saacidaya inuu daynta iska bixiyo. "Anigoo ah Sheekh Axmed Daad hadii waxaan sheegayo been yihiin Illaahay iima naxariisto, janadiisana ha iga dheereeyo." Muslimiinta oo dhan ha raaceen diinta islaamka waxay farayso, hana ka hareen waxay ka reebayso, qaraabada iyo dadwaynaha ha isku naxariistaan illaahay danbi dhaaf ha waydiistaan, isniin kastana ha soomaan.
Qofkii warqadaan sodon koobi ka qora oo dadka islaamka ah u qaybiya naxariista nabi buu helayaa, wax uusan waligii arkina wuu arkayaa. Warqadan yaysan noqon wax meel la iska dhigo qofkii muslim ah oo arkaa waa inuu badiyo oo uu musliiminta u qaybiyaa si ay ugu camal falaan wax waydiintana ka reebtoonaadaan.
Nin la yiraahdo 'Kitaabi" warqadan markuu arkay waxuu u dhiibay gabar xoghayn u ah waay ka qortay 29 koobi wayna qaybisay maalmo gudahood nasiib wanaagsan ayay heshay. Nin kale oola yiraahdo (Salma)!! warqadan marka uu helay armaajo ayuu ku riday wuuna ku hilmaamay shaqadiisana waa laga eryay markuuse waayay shaqadii ayuu xasuustay warqadii oo 120 koobi ka sameeyay warqadii shaqo tiisa ka fiicana wuu helay.
Nin kale warqadan markii uu helay waxaan macno lahayn ayuu ka soo qaaday wuuna jeexjeexay isla maalmo gudahood ayuu ku geeriyooday ninkii.
Qore sheekh Axmed Daad Fartiin: sheikh waxay ila noqotay markaan aqriyey waraaq shirki iyo benawaas. fadlan iga so jawaab marka aad aqrisey waxayna leedahay in qofkii ka samayo 30 copy uu raxmata alle helaayo warkaa waa war aad u qaldan waa na shirki inaad waraaq aad ka sugtid raxma ta alle. lakiinsee intaan ani ku dagdagin waxaan kaa sugaa jawaab haduu ilaah idmo. wasalaamu calykum !!!
lubi <lubi_maxamed>
- Saturday, April 08, 2006 at 01:04:29 (CDT)
- Jawaab: Tafsiirka ibn Cabbaas ee kelimadda (istawaa)
Assalaamu calaykum: Walaal waad ku mahadsantahay bogaadinta iyo su'aasha intaba, sikastaba ha ahaatee, su'aalahaas horey ayaan uga jawaabay, marka hadda jawaabta waan kuu soo gaabinayaa inshaa allaah:
Tafsiirka IBn Cabbaas ee kelimadda (istawaa)
1. Midda aad tiri tafsiirka ibn cabbaas laga soo weriyay culumadu maxay ka dhaheen, jawaabtu waa in culumadu dhowr meelood ka eegeen tafsiirkiisa: mid waa in loo baahanyahay in la hubsado in uu saxiix yahay, maxaa yeelay tafsiirka asaxaabigaas loo nisbeeyo badankiisu waa beenabuur ee sax ma ahan.
Midda labaad waa in ay u qaateen tafsiirkaas mid luqawi ah macnaha istawaa luqad ahaan waxay noqon kartaa (istaqarra) taasina waa sxiix, laakiin macnaheedu ma aha in lagu saleeyo qaacido caqiido ah.
Tan saddexaad waa in ay dhaheen, haddii xataa ay taasi saxnaato waa in la ta'wiilsho hadalkiisa, maxaa yeelay haddii (istawaa) lagu fasiro (istaqarra) wuxuu tafsiirkaas ka hor imaanayaa aayadda 11aad ee suuradda ash-shuuraa, marka waa in la iswaafajiyo oo la ta'wiilsho tafsiirka ibn Cabbaas.
Marka jawaabihii culumada waa kuwaas, waana ku saxanyihiin. Midda kale, diinku kuma dhisna hebel miyaa cilmi badan mise hebel, ee xaqa ayuu ku dhisanyahay, waxaa laga yaabaa in uu nin cilmi badan jiro, laakiin uusan xaqa haleelin mar ama laba jeer, marka lama dhihi karo xaq uusan ibn cabbaas haleelin annagu sidee ku haleelaynaa! Maxaa yeelay taas wax diidaya ma jiraan.
Ibn Cabdulwahhaab tafsiirkiisu ma aha tafsiir nin caalim ah yiri
Mas'alada xigta ee ah Ibn Cabdilwahhaab, walaal ninkaas wuxuu ka mid yahay dadka tajsiimka iyo tashbiiha ilaahay ku fidneeyay, culumadii casrigiisa ahayd kuma jirin qof culumo ahaan u xisaabisay, xataa Xambaliyada oo ay ka mid ahaayeen walaalkiis iyo aabihiis dhammaan waxay dhaheen nin caalim ah ma aha.
Culumadana waxaa lagu qiimeeyaa hadalkii ay dhaheen culumadii casrigooda noolaa, maxaa yeelay ayaga ayaa iska keen yaqaan, marka tusaale ahaan ninkii qoray as-Suxub al-Waabilah calaa al-adrixatil xanaabilah wuxuu ka mid ahaa culumadii noolayd casrigii ku dhawaa kii ibn Cabdilwahhaab, mana uusan ku derin magaciisa kitaabkiisa, wuxuu xusay walaalkiis Sulaymaan bin cabdilwahaab iyo aabihiis Cabdulwahaab, laakiin maxamad ma sheegin, maxaa yeelay caalim uma arkayn.
Marka maantana ma yaallaan kutub qiima leh oo aan ninkaas ku qiimayn karno oo waa caalim aan dhihi karno, waxa kaliya ee aan ognahay waa in uu mad-habtaas wahhaabiyada ee fasahaadsan ee tashbiiha iyo tajsiimka ku salaysan inoo keenay ayadana wuxuu ka soo qaatay ibn Taymiyyah.
Xaddiiska Jaariyaddu waa xaddiis muddarib ah, sanadkiisuna waa saxiix
Mas'alada saddexaad ee ah xaddiiska jaariyadda, horey ayaan u sheegay in sanadkiisu saxiix yahay, taasna mushkilo kama taagna, waana middaas midda culumadu tilmaamayaan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in xaddiiska lafdigiisu uu is khilaafsanyahay, oo erayo kala duwan lagu soo weriyay, marka haddii aan u laabano cilmiga usuusha xaddiiska waxaan arkaynaa in xaddiiska noocaas ah magaciisa la yiraahdo (Muddarib) aanna xujo laga dhigan karin marka laga hadlayo amuuraha caqiidada ku saabsan.
Sida culumadu isku raacsanyihiin, xaddiiska caqiidada loo daliilsanayo waa in uu ahaado xaddiis mutawaatir ah, haddii uu muddarib yahay ama aaxaad ama mowquuf ama maqduuc ama mursal ama xasan ama daciif ama mowduuc dhammaan jaadadkaas looma daliilsankaro caqiidada.
Taas waxaa ka daran, haddii aan xataa dhahno xaddiiska jaariyadda waa sax oo waa la daliilsankaraa, wuxuu ka hor imaanayaa usuusha diinta islaamka macnihiisu, maxaayeelay qofkii yiraahda ilaahay samada ayuu jiraa, islamnimo loo xugmin maayo ee islaamnimada waxaa lagu soo galaa kelimada ashahaatinka sida axaadiista kale sheegeen oo quraankuna inoo caddeeyay, marka taas ayaa ayaduna mushkilo ku ah xaddiiskaas oo inagu khasbaysa in aan qaadano riwaayada leh (atash-hadiina) maxaayeelay taas ayaa waafaqaysa usuusha islaamka waana in aan ka tagno midda leh (fissamaa'i) maxaa yeelay waxay khilaafsantahay usuusha islaamka.
Marka u fiirso mas'alada, fahmada allaha kuu kordhiyee, Khayrna allaha kusiiyo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, April 08, 2006 at 00:52:33 (CDT)
- Bogaadin iyo Su'aal: Tafsiirka ibn Cabbaas ee kelimadda (istawaa)
Salaam caleykum Dr. Sh. Xirsi, Bogaadin iyo suaalo. Horta waa guul ween oo ummada soomaaliyeed usoo hoyatey hadii ey maanta heleen websitekan oo kale -afsoomaliya- ey kaga bogtaan arimohooda diiniga ah culima soomaaliyeedna sida Dr.xirsi ka qaataan cilmigooda. Waxaan leenahey ilaahey kheyr ha idinka jaseeyo dhamaan cidii isku soo duba ridey bogan. Shiikh arintan beyhaqi iyo istiwaaga ku saabsan aad hore uga hadashey ayaan suaal ku darsanyaa hadii aad ii ogolaato.
Waxaad noo bayaanisey in tafsiirta sidookale (istaqra) laga soo weriyey ibna cabaas (rc)markaa:
1. Culimada danbe oo tafsiirta {istaqara) diidey miyey u dhigmaan ibna cabbaas gaar ahaan ama asxaabtii guudahaan marka loo eego cilmiga tafsiirta quraanka iyo sida loo fahmikaro waxa ilaahey ugala jeedo ereyga "istawa" uu qurankiisa ku sheegey?
2. Hadii culimadii hore ee tafsiirka ka soo weriyeen ibna cabaas taasina ey sugantahey markaa ma la oran karaa ibn c/wahaab ama qofkasta oo kale wuxuu kaga deydey tafsiirtaa ibna cabbaas(rc), ee maaha mid uu ku rabo inuu ku xarifo tafsiirta quraanka?
3. Xadiiska jaariyada aad meelo kale ku sheegtey waa mudarib beyhaqi kitaabkiisa "al-asmaa" xaashiga 422 wuxuu ku sheegey inuu saxiix yahey. marka shiikh culimadi xadiiska ku caan baxey una dhigma beyhaqi qawlashooda iyo waxey ka dheheen xadiiska jaariyada wax nooga sheeg.
Salaan iyo qaderin iga gudoon. Macalin luqada carabida Sharjah. UAE.
caalin maxamuud(odey) <caalin maxamuud(odey)>
- Saturday, April 08, 2006 at 00:21:07 (CDT)
Next Page..
< < < < Laabo
|