|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
Assalaamu Calaykum: Walaal shahwada aan ulakaca kaaga imaan ma jebiso soonka, ee shahwada la sheegayo ee soonka burrisa waa midda uu qofku kas isaga keeno oo uu macaansanayo.
Haddii qofka biyo ka yimaadaan, oo uu asigu kas isaga keenay asiga oo macaansanaya, ama gacantiisa ha isku xanta-xanteeyo ama qof kale ha ku sahdee, soonkiisu wuu burayaa sida culumadu qabaan, laakiin haddii biyuhu uga yimaadaan si caadi ah asiga oo aan ula kacayn, soonku kama burin. Culumada xukunkaas way isku raacsanyihiin. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:41:51 (CST)
- Su'aal: Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
Ass/c/w/w/h: shiikh maalin ramadaan ayaan isku junuubay junuubaasina wuxuu u dhacay sidaan: aniga oo meel shaqa jooga ayaa waxaa i qabtay kaadi, meeshii ayaan ku daahay shaqadiina wey igu daba dheeraatay, marka waxaan xoogaa yara murjeeyay dakarkii ka bacdina waxaa iga imaaday biyo la hubo soonkaasi ma iga buray misa igama burin? sheekhoow wixii ilaahey kaa fahansiiyay iiga sheeg.
muxyadiin shaykh axmad
muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:37:21 (CST)
- Jawaab: Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh:
Walaal furriinka saddexda dalqadood ah waa dhowr nooc:
1. In uu saddxdaba hal mar ah yiraahdo oo hal meel ah ku wada yiraahdo, asiga oo leh saddex baan kugu furay. Kaasina wuu dhacayaa, naagtuna way furantahay, soomana noqonayso.
2. Haddii uu hal meel ah ku furo oo yiraahdo: waan ku furay, waan ku furay, waan ku furay, saddex jeer, culumadu waxay dhaheen, waxaa la waydiinayaa, maxaad uga jeeddaa saddexdaas jeer, ma saddexda midda hore mooyee, labada kale waxaad uga jeeddaa furriin mise tii hore ayaa akidaysaa, haddii uu dalqaddii hore akidayo oo adkaynayo, waa hal dalqo, haddii uu sadex kala duwan uga jeedana waa saddex, wayna ka furantahay naagtu soomana ceshan karo.
Laakiin haddii uu yiraahdo, hal dalqo ayaan ka wadaa oo labada kale waan ku akidayay, waa hal dalqo, wuuna soo ceshan karaa gabadha, inta aanay cuddadeedu dhamaan.
Marka walaal dalaaqa saddexda dalqadood ah wuu dhacayaa, lagamana soo noqon karo. haddii uu dhacana soonoqosho malaha, mana u bannaana ninkaas in uu naagtaas guursado inta ay nin kale ka guursanayso oo ka tegayso mar labaad.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:32:11 (CST)
- Su'aal: Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh. Akhii waxaan ku weydiinayaa naag 3 dalqadood lugu furay ma furantay misa la soo ceshan karaa hadey furantay?
Muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:25:33 (CST)
- Jawaab: Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
Assalaamu Calaykum: Walaal Xaawo, culumada oo dhan way isku raacsanyihiin in qofka dhaqtarka ah ama dhaqtarka ka shaqeeya ay u bannaantahay in uu arko dadka jirran jirkooda hadba inta baahidu tahay.
Marka walaal waxaa bannaan in la arko meesha jirran ee loo baahanyahay in la daaweeyo ama la daryeelo oo dantu aanay ka fursanayn, laakin meel aanan loo baahnayn in la daaweeyo oo aanan jirranayn lama ogola in ama la faydo ama la arko.
Sidaa darteed, qofkii dhaqtar ah ama kalkaaliso ah ama dadka jirran la shaqaysa ee daawaysa ama caawisa ee markaa lagama maarmaan ay ku tahay mararka qaar in ay cawrada qofka jiran aragto sababo caafimaad awgeed, taas waxba kuma jabna wayna bannaantahay, culumaduna way isku raacsanyihiin, daliilkooduna waa qaacidada usuuliga ah ee leh ad-daruuratu tubiixu al-maxduuraat.
Cowrada Nimanku maxay tahay
Waxaa kale oo aad ogaataa in cowrada nimanku ay tahay mid aad u xaddidan oo ku kooban (qubulka iyo duburka) macnaha (guska iyo futada oo kaliya) sida culumada badankoodu qabaan, shaaficiyaduna waxay qabaan in ay xuddunta iyo jilibka inta u dhaxaysa tahay, marka waxaa muuqata in aanay taasi dhib wayn ahayn, marka walaal shaqadaada haka tegin waxba dambi ah meeshaas ma yaallaan, waxbana kuma jabna in la arko cowrada qofka haddii daruuro timaado oo arrimo caafimaad lagu jiro.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:23:11 (CST)
- Su'aal: Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
Salamacaleykum! waxaan rabba in aan ogaado hadduu dembi yahay inaa nimanka cawradooda la arko, madaamo aan aniga ku qasbanahy cisbitaal ayaan ka shaqeeyaa, marka taasi dembi me igu tahay?
xaawo <xaawo>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:14:11 (CST)
- Jawaab: Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
Assalaamu alaykum: Walaal waajib ma aha in mar kasta wayso cusub lagu tukato, salaaddaaduna way ansaxaysaa haddii aad ku tukato waysadii ama dahaaradii aad ku tukatay salaaddii ka horraysay sida midda aad sheegtay, waysada salaadda subax waad ku tukan kartaa salaadda duhur. Haddii aad cusboonaysiisana ajar iyo fadli dheeraad ah ayaad leedahay.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:11:41 (CST)
- Su'aal: Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
Sheekh inta badan waysada aan salada subax ku tukado ayaan tuhurna ku tukada markasta ma sharcibaa mise wayso cxusub ayaa loo bahan yahay?
Dajiya Cali <dajiya3>
- Thursday, January 26, 2006 at 17:09:08 (CST)
- Jawaab: Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
Walaal salaan kabacdi, su'aashaada ma fahmin, waxaad tiri mowliidka waxaa ku qoran (??) ma fahmin waxa ku qoran mowliidka ee aad sheegayso, maxaadse ka waddaa mowliidka, ma qasiidada (Burdaha) iyo qasaa'idka kale ee ay tiri yeen Imaam Buusiri ayaad ka waddaa?
Haddii aad taas ka waddo, aniguba waan akhriyay qasaa'idkaas wax khalad ahna kuma arag, xataa wahhaabiyadu waxay ku dhegeen meelaha tawasulka lagu sheegay sida bayta ka billowda (wa abyadun ystasqal qamaamu biwajhihi..) iyo baytka ka billowda (Dac maa iddacathu nasaaraa..) laakiin wax kale ma aysan sheegin siiba wax ku lug leh mowduuca micraajka, marka iisoo caddee walaal mas'alada, iisoo sheeg weedha ama jumlada mushkiladu kaa haysato ee aad fahmi la'dahay ama shakigu kaaga jiro.
Anigu ma dhihin: culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen. Hadalkaygana laga fahmi maayo sidaas
Tan kale, walaal anigu ma dhihin culumadii nabi ammaanka burdaha qortay ayaa lunsanayd, hadalkaygana laga fahmi maayo, laakiin waxaan kaaga soo jawaabay mas'aladii aad i waydiisay ee ahayd micraajka, marka Ilaahay fahmada ha kuu toosiyo oo nuurka cilmiga ha ku tuso.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, January 24, 2006 at 08:53:25 (CST)
- Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
Salaamad badan sheekh iyo duco: Sheekh hadii aan daba galo jawaabtii aad ka bixisey micraajka ee aan masdar uga dhigtey mawliidka nebiga (csw) waxaa jawaabtaada laga fahmayaa culimadii mawliidka qortey iney gudcur gudayeen...ileen muslinku ilaa hadan way xusaan mawliidka nebiga. Waxaana la akhriyaa barzanjiga ama dabaciga sidaasina waa kutaal. Kolka hadii mawliidka wax khaldani ku yaaliin maxaad dadka u dhihi weydeen war ha akhriyina waa baadil iyo bidco iyo sheekadi (ina teemiya) ileen dadka aaminsan sida kutaal anigaa ka mida cimrigeyna sidaa kutaal ayaan qabey ina teemiyana kagama dayan ee mawliidkaan ka bartey?
C.M.Cabdalle <chango>
- Tuesday, January 24, 2006 at 08:45:38 (CST)
- Jawaab: Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
Assalaamu calaykum, walaal samiir: Nikaaxu shardi wuu geli karaa, laakiin shardigaas waa in uu ahaado mid aan baadil ahayn, tusaale ahaan, haddii naagtu ninkeeda shardi uga dhigto kolka uu guursanayo in aanuu naag kale la guursan, shardigaasi waa baadil, maxaa yeelay wuxuu khilaafsanyahay shareecada.
Haddii ay shardi kale oo shareecada waafaqsan kula sharatantay sida tusaale ahaan: in uusan khamri cabin haddii uu guursado ka dib, ee ninkii khamri cabo oo ay ku caddaato naagtu khiyaar bay leedahay, haddii ay doonto furriin bay waydiisanaysaa haddii kalena way joogaysaa hadba tii ay doonto ayaa loo yeelayaa.
Marka garan maayo shardiga aad ku guursatay gabadha, maxaa yeelay iima aadan sheegin, sidaa darteed, naagta haddii shardi sidaas ah lagu furo rajactu ma dhihi kartid, xataa haddii aad hal dalaaqo ku furtay waxay noqonaysaa baa'in.
Haddii ay kolka sidaas ahayd ninka kale ee ay guursatay ayay naagtiisii tahay, adigana naagtaadii ma aha. Naagta khuluca lagu furo iyo midda lagu furo fasaqidda iwm dhammaantood soo noqosho malaha xataa haddii hal dalaaqo lagu furo. Haddii ay furriinka khiyaar u lahayd ee aad hal dalaaqo ku furtana soo noqosho malaha haddii aysan ayadu waafiqin.
Laakiin haddii aanan shardi sharci ah jirin ama aanay khiyaar lahayn, ama aanay dhammaan waxyaabaha aan soo sheegay ahayn ee aad hal dalaaqo ku furto inta ay cuddada ku jirto waa soo noqon kartaa, haddii ninkeedu soo celshana waa waajib in ay soo noqoto, haddii ay soo noqon diiddo waxaa loo saarayaa nin adiga wakiil kaa ah iyo nin ayada wakiil ka ah, dabadeedna waxay go'aaminayaan wixii laydinka yeeli lahaa.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, January 23, 2006 at 20:12:22 (CST)
- Su'aal: Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
asalaamun caleykum, sheekh qeyr allah ha ku siyo adiga iyo inta muslim ah: waxaan ku weydinayaa nikaaxa ma galaa sharood, oo hadii an balanta an qaaday aan ka soo bixiwayay, oo la iku qabto, oo nah la iku cadeeyo in aan balan laawe ahay, naagteeyda mala ika furi karaa, hadii la ika furo oo an ogalaaday oo an hal dalaaq ku deeyay oo hadanah 2 maalin ka dib oo an dhahay rajacto oo naagtii i diido oo ay soo gosatay marawo ninkaan, mudo lawo sano ka dib naagteydii hadii la arooso oo nikaax qofkale ah nikaaxsado, ma anaa qawo mase nika hada aroosay ayaa qawo? wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa barakaato.
samiir <samiir21>
- Monday, January 23, 2006 at 20:02:13 (CST)
- Jawaab: Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin
Assalaamu calaykum: Culumadu waxay ugu qaybsameen labo jawaabta su'aashan ah: nafta iyo ruuxdu maxay kala
yihiin:
1. Qaybta koobaad waxay dheheen waa isku mid naf iyo ruux, Ruuxna waxaa laga wadaa jismi
ladiif ah oo qofka Ilaahay gelshay, waxayna soo daliilsadeen aayado iyo axaadiis badan oo
saxiix ah. Culumadaas waxaa ka mid ah:
Al-qurdubi: Ruuxdu waa jisim ladiif ah, ruuxa iyo naftuna waa isku mid. Juz:10,
bog:24, juz:15, bog: 261. wuxuu soo daliilsaday axaadiis saxiixa ah.Ibn Xajar:
Fatxul Baari' Juz: 3 bog: 233. Ibn Cabdul Birri: at-tamhiidu: juz: 5, bog: 241.
Imaam Nawawi: sharx al-Imaam an-nawawi, li saxiix al-Muslim: juz: 13, bog: 33 iyo
qaar kale oo badan.
2. Qolada labaadna waxay dhaheen naf waxaa looga jeedaa, nolosha qofka ku jirta, waana
midda Ilaahay faray in ay ka dheeraato dambiyada oo Ilaahay caabuddo oo la xisaabin doono
aakhiro. Ruuxna waa nolosha ku jirta qofka laakiin ayada lama farin in ay cibaado la
timaado ama ka fogaato xumaanta iwm. Marka waxay dheheen waxaa u dhexeeya in aanan Ruuxu
jismiga ka baxayn marka la hurdo, laakiin naftu ay ka baxayso, iyo in ruuxa aanan laga
rabin wax takaaliif ah, laakiin nafta laga rabo dhammaan takaaliiftaas.
Quraanka:
Aayadaha quraanka ah haddii aad akhriso waxaad arkaysaa in:
Nafs: looga jeedo qof ama shakhsi. Ruuxna: looga jeedo (Malakul Jibriil), wax kale quraanka
laga fahmi maayo, labadaas macne ayaa laga garanayaa.
Waxaa quraanka ku soo aroortay in Ilaahay nafta oofsanayo haddii ay dhimato tii aan
dhimanna uu oofsanayo marka ay huruddo, taasna macnaheedu ma aha in naftu tahay wax jismiga
ka baxsan oo la qaadayo ee waa qofka laftiisa, macnaha Ilaahay wuxuu tusayaa dadka qaabka
dhimashada marka uu qofku dhinto, kuwii aan dhimanna marka ay hurdaan ayuu tusayaa, sidaa
ayaan ka fahmaynaa aayadda.
Waxaa kale oo jira in culumadu isku khilaaftay, meesha ay naftu ku jirto oo ay jismiga uga
jirto, Imaam shaafici iyo qaar kale waxay dheheen waa qalbiga, qaar kalena waxay dheheen
waa maskaxda, qolada hore daliilkoodu waa aayadda (miyaanay lahayn quluub ay wax ku
fahmaan), qolyaha dambena daliilkoodu waa (miyaanay caqli lahayn) iwm, waana aayado badan
oo quraanka ka buuxa.
Waxaa sidoo kale arrinkan aad uga hadlay culumada cilmunafsiga iyo falsafadda,
muslimiintana waxaa ugu caansan (Ibn Siinaa), wuxuuna qoray risaalo uu ku magacaabay
(ar-ruux), in kasta oo kutubtiisa kale sida al-qaanuun iyo as-shifaa' laga helayo cilmi
baarisyo ku saabsan arrinkan, wuxuu markii ugu dambaysay ra'yigiisa ku qoray risaaladaas,
wuxuuna aaminsanyahay in ay isku mid yihiin Ruux iyi Nafs. Kutubtiisa kale sida as-shifaa
wuxuu ku yiri, la soo bixin maayo nafta, laakiin risaalada dambe wuu ka noqday sida
hadalkiisa ka muuqata.
Waxaan ka xumahay in aanan halkan kuugu faahfaahin karin hadalka culumada, waqtiga oo igu
gaaban awgiis, laakiin guud ahaan, waxaan rejaynayaa in aan figrad kaa siiyay.
Aniga aragtidayda:
Aniga waxay iila muuqataa in Ruux iyo naf ay isku mid yihiin, laakiin ay yihiin laba
marxalo oo noloshu soo marayso, oo ruuxdu tahay nolosha billowga ah ee dadka la gelsho ee
ay ku dhashaan, marka ruuxdaasi waa saafi waa nadiif, Ilaah ayaa ku abuuray qofka.
Marka noloshaas asliga ah ee daahirka ah waxaa la yiraahdaa (Ruux).Tusaale ahaan Ruuxdu waa
sida nolosha ku jirta carruurta yaryar.
Naftuna waa nolosha isasaarka ah ee aadanaha waawayn ku jirta, naftaas oo xilkas ah, oo
mas'uuliyad saarantahay oo mukallaf ah, waana midda la faray in ay cibaadada la timaado oo
ciqaabta iyo jisaynta intaba loo ballan qaaday. Wallaahu aclam.
Meelaha ay quraanka uga soo arooreen erayada Ruux iyo Nafs qaar ka mid ah:
Ar-Ruux: al-baqarah: 87, 253, (ruuxul qudus), an-nisaa':171 (ruuxun Minhu),
al-maa'idah: (ruuxul qudus), al-xajar: 29 (min ruuxii)
an-naxal: 102 (ruuxul qudus), an-naxl: 2, al-Israa': 85, as-shucaraa':193, Ghafir:15,
al-Macaarij: 4, an-Naba':38, al-Qadar: 4,
dhammaan waxaa looga jeedaa Jibriil.
An-nafs: al-baqarah: 9, 44, 48, 54, 57, 72, 84, 85, 87, 90. (Anfusuhum, anfusakum,
nafsan) iwm. al-Maa'idah: 45. al-Ancaam: 151 (an-nafsu al-xaraam). Yuusuf: 53 (annafsu
al-ammaarah bissuu'). al-israa': 33 (an-nafsu al-xaraam). al-furqaan: 68 (an-nafsu
al-xaraam).
al-qiyaamah: 2 (an-nafsu allawaamah). an-naazicaat: 40 (Nafsu al-hawaa). al-Fajir: 28,
(an-nafs al-,udma'innah)
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, January 23, 2006 at 19:57:06 (CST)
- Suaal: Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin
Salaamu Calaykum, Anigoo aad ula dhacsan sida aad uga jawaabto su'aalaha lagu weydiiyo, isla markaana uga jaahil saartid dadka soomaaliyeed su'aalaha ay ku waydiiyaan, horena su'aalo kaaga weydiiyey webka, ayaan hadda doorbiday inaan si gaar ah su'aal kuu weydiiyo taas oo inbadan aan ka fikiray isla markaana aan ka maarmi waayay inaan dad ahlu cilmi ah weydiiyo. Hadaba su'aashaydu waxay tahay:
waa maxay farqiga u dhexeeya nafta iyo ruuxda?
Anigoo ku kalsoon inaad iga jawaabi doontid su'aashan iga gudoon salaan wacan.
Abdifatah M. Adam <alhaji_8>
- Monday, January 23, 2006 at 19:56:21 (CST)
- Jawaab:Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?
Assalaamu calaukum, walaal inta aanan jawaabtaada u gudbin waxaan jeclaan lahaa in aan adiga iyo akhristayaasha kaleba xusuusiyo in ay akhriyaan maqaalka aan Israa' iyo Micraajka ka qoray ee webkan ahlusunnah wal-jamaacah ku jira.
Mas'alo Micraaj iyo Meher garoob midna laguma degdego
Culumadeennii Soomaaliya ayaa dhihi jiray mas'alo micraaj iyo meher garoob midna laguma degdego, marka aniga oo arrinkaas og ayaan kuu soo gaabinayaa jawaabta:
Micraajka Quraanka laguma caddayn ee xaddiiska ayaa lagu sheegay
Waxaa quraanka ku soo arooray, dhowr aayadood, sida aayadaha suuradda annajm ee 13, 14, iyo 15. iyo at-takwiir: 23, aayadahaasna laga fahmi maayo micraajka ama in nabiga sare loo qaaday.
Waxaa laga fahmayaa in nabigu nnk ku arkay jibriil meesha uu ku yaal geedka lagu magacaabay (sidratul muntahaa), ee ay ku agtaallo jannatul ma'waa.
Nabigu Ilaahay kulama kulmin Geedkaas hoostiisa sida wahhaabiyadu ku andacootay
Qaar juhalada wahhaabiyada ka mid ah ayaa ku andacooday in Nabigu Ilaahay ku arkay geedkaas hoostiisa oo uu halkaas kula hadlay oo lagu soo siiyay waajibaadka salaadaha ah!!
Hadaba waxaan leennahay sida ku cad axaadiista saxiixa ah Nabigu ma arag Ilaahay markii sare loo qaaday ee wuxuu arkay Jibriil, sidaasna waxaa caddaynaya xaddiiska saxiixa ah ee Imaam muslim ka soo weriyay Caa'isha.
Micraajka waxaa si faahfaahsan u caddeeyay xaddiiska Imaam muslim soo weriyay
Waxaa si faahfaahsan micraajka u sharxay xaddiiska Imaam muslim soo weriyay, ee nabigu ku caddeeyay dhammaan waxyaabihii uu la kulmay intii uu ku jiray micraajka, mana uusan dhihin Nabigu nnk waxaan la kulmay ilaahay, sidaa darteed qofkii yiraahda Nabigu Ilaahay buu la kulmay wuxuu been wayn ka sheegay Ilaahay sida ay Caa'isha Ummul mu'miniin dhahday.
Waxyaabii Nabiga la soo faray waa loo waxyooday ee nabigu Ilaahay lama kulmin
Xaddiiska Imaam muslim ayay ku caddahay in nabiga loo waxyooday kolkii salaadaha waajibka ah la soo farayay, wuxuu yiri: (Kolkaas baa Ilaahay ii waxyooday wixii uu ii waxyooday, oo konton salaadood igu farad yeelay), taas ayaana caddaynaysa in salaadda lagu faradyeelay waxyi ahaan oo uusan Ilaahay la kulmin lana hadlin. Laakiin culumada qaar ayaa waxay dhaheen Waxyigaasi wuxuu ahaa mid uu nabigu maqlay hadalkii Ilaahay ee nafsiga ahaa! taasna daliil looma hayo, maxaa yeelay waxyigu qaabab badan buu leeyahay, xaddiiskana kuma cadda qaabka uu ahaa waxyigani.
Qaadidda nabiga waxaa laga wadaa sharfid ee looma qaadin si uu Ilaahay ula kulmo!
Hadaba waxaan leeyahay, Nabiga qaadiddiisa ama micraajka waxaa laga weday sharfidda nabiga, waxayna ka mid ahayd mucjisooyinkiisa, lagamana wedin in uu Ilaahay la kulmo oo la soo hadlo.
Ilaahay qofkii uu doono meeshii uu doono ayuu kula hadlayaa
Ilaahay wuxuu la hadlay Nabi muuse oo dhulka jooga sida quraanku inoo caddeeyay, marka haddii uu doono in uu muxamad la hadlo wuxuu la hadli karay asiga oo dhulka jooga, shardina ma aha in toddobada samo laga sare maro si Eebbe loola hadlo.
Caqiidada leh: Ilaahay samada ayuu degganyahay waa caqiido habowsan
Hadaba halkaa waxaa ka cad in caqiidada wahhaabiyada ee aaminsan in Ilaahay samada degganyahay ay caqiido habowsan tahay, qofkii rumaysan caqiidadaas waa mulxid, salaad iyo soon iyo cibaado midna laga aqbali maayo, maxaa yeelay, Ilaahay caalamkan asiga ayaa abuuray uma baahna mana dhexdeggana wuxuuna quraankiisa ku caddeeyay in aanuu (Lulloonayn, oo uusan caajisayn, oo uusan daalayn) marka qofkii u malaynaya in Ilaahay ku nasanayo oo uu fadhiyo carshiga dushiisa waa kaafir Ilaahayna ma yaqaan.
Nasaarada ayaa aaminsan in Ilaahay carshiga dushiisa ku nastay
Caqiidada wahhaabiyadu waa caqiidadii nasaarada oo qayaxan, nasaaradu waxay Ilaahay u qaybsheen saddex, wahhaabiyaduna sidoo kale, nasaaradu waxay dhaheen Ilaahay kolkii uu caalamka uumay ayuu maalinta axadda ah nastay oo carshigiisa ku fariistay, wahhaabiyaduna sidoo kale, waxay aaminsanyihiin in Ilaahay carshigiisa ku nastay oo uu meel u banneeyay Nabi Muxamad sidaasna waxaa kutubtiisa ku sheegay Shiikhooda ay caabudaan Ibn Taymiyyah.
Muslimiintu ha digtoonaadeen, Cilmigana hala barto, war Cilmiga nuurkiisa raaca! Intii aad Ibn Taymiyyah iyo Ibn Cabdulwahaab raaci lahaydeen, Cilmiga nuurkiisa raaca!
Hadaba waxaan rejaynayaa in aan jawaab gaaban kaa siiyay arrinka micraajka, waxaanna rejaynayaa in aad iska dhaafto figradda habowsan ee Ibn Taymiyyah keenay ee leh Ilaahay Cirka ayuu fadhiyaa!! subxaana laah, maad cilmiga raacdaan intii aad nin hadalkiis ku mintidaysaan, quraankii iyo xaddiiskii laguma xusin waxaas, marka garan maayo waxa idinku ibtileeyay ictiqaadkaas kufriga ah, kaliya daliikoodu waa Ibn Taymiyyah ayaa yiri, aakhirana tolow maxay dhahayaan? ma ibn taymiyah ayaa inoo sheegay bay dhahayaan, asigana waa la keeni kolkaas buu dhahayaa, waan khaldamay!!
Laaxowla walaa quwata Illaa billaah.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, January 23, 2006 at 19:50:44 (CST)
- Suaal: Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jiro?
Sheekh salaamad badan iyo duco quraanka cadadkiisa. Waxaan ku barbaaray iyadoo muslinku mawliidka akhriyo goor kasta oo kheyr la dalbaayo.
Waxyaalaha ku yaal mawliidka nebiga waxaa ka mid ah micraajka. Taaso uu mawliidku nagu barbaariyey rumeynta micraajka, sidoo kalena quraanku sheegey iyo saxiixeynka. Hadaba waxaa aan ictiqaadsanaa ilaa yaraanteydii in nebigu cirka u dhelmey xagaana uu samo walba anbiyadii ku sii marey isagoo jibriil lasocdo laakin markii la joogey tii todobaad ayaa nebiga iyo jibriil kala hareen halkaasuuna nebegi (csw) ilaah kula hadley shanta salaadoodna lagu soo fary. Marka hadii nebigu ilaaheen kula kulmey cirka maxaa keeney in la la dhoho ilaah cirka inagama xigo oo qofkii dhaha ilaahey cirkuu jira lagu dhoho waa gafey?
Hadii aan tooda raaco sow maaha inaan inkiro micraajka dhicitaankiisa ileen si kale kuma baxsan karaaye? Bal taa sheekh iga jaahil bixi. Keyr baan kugu ogahey if iyo aakhiro.
C.M.Cabdalle <chango_58>
- Monday, January 23, 2006 at 06:18:51 (CST)
- Tahniyad: Waxaan idiinku tahniyadaynaa hoosha fiican ee aad waddaan
Ass/cl. Faddilatu shiikh xirsi iyo dhammaan ikhyaarta la wadda hoosha waxaan idiin soo gudbinaa salaan qiimo badan marka horey, marka labaad aad iyo aad ayaan ugu faraxnay bogga qaayaha badan ee aad habeeyseen ee ku difaacveyseen ahlusunnada iyo jamaacada.
Waxaan joognaa wadanka Ameerica waxaanna idiinla garab taagannahay taageero buuxdo oo dhan kasto leh, waana idinla soo xiriiraynaa insha allah. kheey badan aan idiin rejaynaynaa.
Cabdi xaashi Macallin <macallin_87>
- Monday, January 23, 2006 at 03:07:41 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|