|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal, haddii ninkaagu ma dhalays yahay oo uusan dhalayn oo sidaa dhakhaatiirtu hubiyeen, waxaa kuu bannaan in aad waydiisato ninkaaga in uu ku furo, inkasta oo culumadu dhaheen waajib kuma aha, sababaha soo socda awgeed:
    1. Waxaa dhici karta in dhakhtarka baaritaanka sameeyay khaldamay.
    2. Waxaa kale oo dhici karta in ninka xaaladdiisa caafimaad is beddesho, maxaa yeelay taranku wuxuu ku xiranyahay caafimaadka qofka.
    Sidaa darteed culumadu waxay dhaheen ninkii dhali waaya khasab naagta looga furi maayo, laakiin haddii uu asigu garto oo ogolaado waa fiicantahay.

    Tan xigta, marnaba ma bannaana in aad adeegsataan shahwo ninkale leeyahay, maxaa yeelay taasi waxay isku khaldaysaa dadka nasabkooda shareecaduna ma ogola falka noocaas ah.

    Marka haddii uusan ninkaagu dhalayn laba middii kuu roon yeel:
    1. In aad sabarto oo la joogto haddii aad u aragto in laga yaabo mustaqbalka in caafimaadkiinna wax iska bedelayaan, ama aad muddo gaaban wada joogteen, waxaa wanaagsan in aad waqti siisid ininku filan.

    2. Waxaa kale oo kuu bannaan in aad waydiisato furriin oo aad kala tagtaan, haddii uu kaadiido in uu ku furo, oo aadna hubto in uusan dhalayn oo dhowr dhakhtar oo kala duwan hubiyeen arrinkaas, markaa waxaad la kaashan kartaa qaraabada ama sharciga ka jira dalka aad joogto si aad isaga furto.

    Hadal iyo dhammaantiis, marnaba shareecadu ma ogola in aad adeegsataan shahwo uu ninkale leeyahay oo aad sidaa ilmo ku doontaan.
    Mahadsanid
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, December 11, 2005 at 17:27:49 (CST)
  2. Su'aal: Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
    Walaal waxaan rabaa in aan ogaado in oo caadi yahay ilmaha leesku abuuro, ninkeeyga ayaa waxaa lagu dhahay in uu wax dhalikarin, marka waxaan rabaa in aan ogaado hadii leeygu shubo shahwad kale oo ninkale ma danbimiyaa?
    N/A <Hajiro2>
    - Sunday, December 11, 2005 at 17:19:17 (CST)
  3. Jawaab: Sidee Ibliis jannada ku galay?
    Assalamu Calaykum; Walaal Ibliis in uu asalkiisu Jinniga ka mid ahaa quraanka ayaa inoo sheegay, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (wuxuu ka mid ahaa Jinniga) al-Kahf:50. Waxaa kale oo laga fahmayaa aayadaha in uu malaa'ukta la joogay oo kolkii malaa'ikta sujiida la yiri uu asiguna halkaa joogay.

    Waxaa intaa la jirta in ayadana aayadaha laga fahmayo in meesha la joogay ay jannada dhexdeeda ahayd, maxaa yeelay aayadda 36aad ee suuradda al-Baqara ayaa inoo dulmartay arrinkaas oo tiri: (Dega -dhulka u dega- dhammaantiin). Marka erayga "dhammaantiin" waxaa laga fahmayaa in aanay dadka jannada laga soo saaray ahayn aadam iyo Xaawo oo kaliya ee shaydaanna ka mid ahaa, maxaa yeelay "dhammaantiin" waa wadar, afcarabigana wadartu waa saddex iyo wixii ka badan.

    Sidaa darteed, culumada tafsiirku waxay dheheen Shaydaan wuxuu ahaa asalkiisu Jinni, laakiin Eebbe ayaa malaa'ikta ku deray, kadibna wuxuu diiday in uu sujuudo, meesha la joogayna jannada dhexdeeda ayayba ahayd oo aadam jannada dhexdeeda ayaa lagu uumay oo la dejiyay.

    Marka halkaa waxaad ka ogaanaysaa in ay been yihiin sheekooyinka israa'iiliyaadka ah ee leh shaydan si uu jannada u galo abeeso ayuu caloosheed ku dhuuntay!! iyo sheekooyin kale oo aan saxiix ahayn.
    Wallaahu acalam
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, December 11, 2005 at 17:17:04 (CST)
  4. Su'aal: Sidee Ibliis jannada ku galay?
    Sheakh Asalaamucaleykum waxaan ku weydiinayaa ibliis ma malaaikta ayuu ka mid ahaa waayo waxaa laleeyahay malaaikta oo dhan u sujuuda Aadan. Waxaa diidey ibliis oo la nacadalay, hadana waxaa layiraahday Aadan iyo xaawo janada asagaa ka saarey, siduu janada ku degay?
    yassin <oomeey>
    - Sunday, December 11, 2005 at 17:00:39 (CST)
  5. Jawaab: Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
    Assalamu Calaykum: walaal gabadha aad sheegtay iyo wiilku haddii ay markii hore sharci isku qabeen oo aanay wali isfurin waa nin iyo naagtiis sharci ahaan xaq bay u leeyihiin in ay isla degganaadaan.
    Haddii ay doonayaan in ay isfuraan ninka waxaa ku waajib ah in uu gabadha ama si macruuf ah u haysto ama si macruuf ah isaga furo, marka taasina waxay imaanaysaa marka ay isfurayaan, haddii ay isfuraan kadib, furriinku haddii uu rajci yahay way isla joogi karaan, haddii uusan rajci ahayn islama joogi karaan.

    Kolka walaal haddii ay wali si sharci ah isu qabaan gabadha uma bannaana in ay wiilka qolkeeda ka eriso, xaq buu ugu leeyahay in uu firaashka kula seexdo oo ka helo inta naagta la qabo laga helo, laakiin in ay ku tiraahdo qol gaar ah seexo xaq uma laha umana bannaana, furriinkana waxaa leh ninka ee gabadhu xaq uma laha in ay ninkeeda furto.
    Towfiiqda Allaha ina waafajiyo.
    Dr. Hersi aw Mohamed - thursday, december 08, 2005 at 14:42:30 (cst)
  6. Su'aal: Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
    Waxaan ku weydinayaaa waxaa jiro gabar iyo ninkeeda oonah kala dhalay caruur gabadha iyo ninkeeda waxeey jacalyihiin in ay is furaan hadanah hal guri ayeey ku noolyihiin waxeynah kala jiftaan lawo qol gabadha iyo wilkaba waxeey sugayaan in ay ninka guri helo hadii as guri helo ayeey kala tagayaan hadii kale wey is qawayaan lakin waxaa lakala jiifanayaa lawo qof maxeey diinta ka qabtaaa.
    ali <ali123>
    - thursday, december 08, 2005 at 14:42:30 (cst)
  7. Jawaab: Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
    Walaal ma bannaana in Kaniisadda lagu magacaabo "baytullaahi" ama gurigii Ilaahay ama "Meel Ilaah lagu caabudo".
    Waa kufrinayaa qofkii ku magacaaba meelaha ay gaaladu wax ku caabudaan (gurigii Ilaahay), hase ahaatee, Eebbe qowlkiisa kor ahaayee: (Haddii uusan ku reebeyn Eebbe dadka qaarkood qaarka kale waxaa la dumin lahaa golaha cibaadada (Yahuudda) iyo golaha cibaadada (Nasaarada) iyo kaniisadaha (yahuudda) iyo masaajidda) [al-Xaj:40]. Waxaa looga jeedaa meelaha ay wax ku caabudi jireen Yahuudda iyo Nasaaradu intii ay diinka toosan haysteen, maxaa yeelay waxay ahayd sidi masaajidaa umadda nabi Muxamad maxaa yeelay dhammaan waxaa loo dhisay towxiidka Eebbe iyo xusiddiisa ee looma dhisin in lagu caabudo cid aan Eebbe ahayn maxaa yeelay Eebbe wuxuu masjidka al-Aqsa ku magacaabay "Masjid" kana mid ma aha waxyaabihii ay dhistay umadda nabi Muxamad. Kolka qof waliba Eebbe haka baqo hana ka digtoonaado in uu ku magacaabo meelo shar awgeed loo dhisay guryo Ilaahay.
    Mahadsanid
    Dr. Hersi Aw Mohamed - Thursday, December 08, 2005 at 03:35:58 (CST)
  8. Su'aal: Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
    Aslaamucalaykum: sheakh ma la oran karaa kaniisada meel Ilaah lagu caabudo weeye,waayo cajilad oo axmed diidaad dood aska iyo nin masiixi ah ay ku qabteen sweeden oo kaniisad gudaheeda ah, dadki marka ay buuqeen aamusa meel Ilaah lagu caabuda ayaan joognaa.
    yassin <oomeey>
    - Thursday, December 08, 2005 at 03:35:58 (CST)
  9. Jawaab: xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
    Walaal xaaskaagu waysada kaama jebsho haddii aadan ula kac u taaban oo aan taabashada shahwo iyo rabitaan la socon. Su'aashanna horey ayaan dhowr jeer uga jawaabay ee jawaabaha iyo su'aalaha hoose ka eeg faahfaahinta.
    Mahadsanid.
    Dr. Hersi Aw Mohamed - Thursday, December 08, 2005 at 00:27:16 (CST)
  10. Su'aal: xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
    Xaaskayga waysada ma iga jabisaa haddii si kama' ah ay gacanteedu meel iiga taabato.?
    Bashiir xuseen <coofle7>
    - Thursday, December 08, 2005 at 00:27:16 (CST)
  11. Jawaab: Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
    Assalaamu Calaykum: Walaal furriinku waa laba jaad, furriinka uu ninku ku furo naagta hal dalaaqo ama uu dhaho waan ku furay asiga oo aanan waxba sheegin. Iyo Midka uu saddex dalaaqo ku furo asiga oo dhahaya "saddex baan kugu furay" ama dhahaya saddexv jeer (waan ku furay, waan ku furay, waan ku furay) haddii uu uga jeedo saddex jeer.

    Marka furriinka qaybtiisa hore ee ah midka hal dalaaqo iyo laba dalaaqo lagu furayo ama uusanba sheegin dalaaqada waxaa ninka u bannaan in uu soo ceshado xaaskiisa asiga oo dhahaya "waan ku soo celshay" ama "nikaaxayga ayaan kugu soo celshay ama meherkayga ayaan kugu soo celshay iwm" haddii aanuu dhamaan waqtigii "cuddada" ay gabadhu tirsanaysay ee ahaa saddex caado inta ay gabadha uga imaanayso (ama saddex bilood).

    Axkaamta furriinka rajciga ah
    Furriinka noocaan ah wuxuu leeyahay shuruudo:
    1. In aanuu ninku xaq u lahayn in uu gabadha ka eryo aqalkii ay wada degganaayeen haddii aanay (faaxisho la imaan gabadho sida dhillaysi iwm).
    2. In ay xaq u leedahay wixii nafaqo ah iyo marasho ah ee ay u baahantahay.
    3. In ninka ay u bannaantahay in uu jimaaco, laakiin waa in uu niyaysto in uu soo ceshanayo naagta, jimaaciisuna wuxuu noqonayaa soo celin.
    4. Haddii uu cuddada ka dib jimaaco jimaaciisu wuxuu noqonayaa sino, wuxuuna qaadanayaa xukunkii sinada.
    5. Inta ay gabadhu cuddada ku jirto ninka uma bannaana in uu gabadha walaasheed guursado.

    Axkaamta furriinka aan kanoqoshada lahayn "Baa'in" ka ah
    Furriinka baa'inka loo yaqaan ee aan ka noqoshada lahayn axkaamtiisu waa:
    1. Haddii uu saddex ku furo gabadha ama hal mar ah ha wada yiraahdo ama dhowr jeer ha yiraahdo ee waa dhacayaa furriinkaasi.
    2. Furriinka la furo naagta inta aanan loo tegin, haddii uu doono hal dalaaqo ha ahaadee.
    3. Furriinka gabadha yar, (haddii gabadh yar la siiyay oo lagu mehriyay oo uu dabadeed doonay in uu furo) kuma noqon karo.
    4. Haddii naagtu tahay dhalma katag oo ay da' wayntahay oo aanan caado ku dhacayn.
    5. Furriinka "khuluca" ah ee ninka iyo naagtu kala beri yeeshaan.
    6. Haddii uu hadda ka hor gabadha furay laba jeer ee uu soo celshay hadana, marka saddexaad kadib sooma celinkaro.
    Marka walaal waxaan kuu rejaynayaa towfiiqda in Ilaahay ku waafajiyo.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 18:05:01 (CST)
  12. Su'aal: Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
    Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto misana aad mudo kala maqnatiin oo aad damacdo inaad guursato ama aad ku laabato markale.
    sugaal <sugal88>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 17:20:28 (CST)
  13. Jawaab: Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
    assalaamu calaykum: Walaal sida ii muuqata lacagtaadu ammaano ayay ahayd aad ku ammaanaysatay ninkii tikaanka gedayay, marka ninkaas waxaa ku waajib ah in uu lacagtii kuu soo celsho asiga oo ka soo qaadaya meeshii uu dhigay ee ahayd qasnadda dukaankii uu iibinayay sida aad sheegtay.

    Ninka yukaanka iska leh asigana waxaa ku waajib ah in uu ammaanada ehelkeedi celsho haddii loo sheego oo la yiraahdo lacagtaas ayaa qasnaddaada ku jirtay waxaana lahaa ninkaas oo ammaano ahaan u dhigtay halkan waxaana qabtay ninkii aad meesha u dhiibatay ee shaqaalahaaga ahaa.

    Eebbe wuxuu yiri: (Eebbe wuxuu idin farayaa in aad siisaan ammaanada dadkii iska lahaa, haddii aad u garqaaddaan dadkana aad ugu garqaaddaan si caddaalad ah..) an-Nisaa':58. Marka walaal sidaa ugu sheeg labadaa nin midka dukaanka iska leh iyo midkii gedayay ee lacagta kuu hayay kuna waani Alle ka cabsiga oo u nasteexee, haddii ay inaga sug lacagtii waan bixinaynaaye ku dhanaan sabar oo ka sug hana degdegin.

    Haddii ay diidaan oo xoolihii bixin diidaan intaa kadib ama ay inkiraan waxaa kuu bannaan in aad arrinka u bandhigto qaalliga ama maxkamadda haddii meesha aad joogto sharci iyo dowladi ka jirto (ama mid muslim ha ahaado ama mid gaalo ha ahaadee), haddii ay tahay meel aanan sharci ka jirin oo wax dulmiga reebaya oo macruufka faraya aanay jirin sida hadda ay soomaaliya tahay oo kale, la kaasho tolkaaga oo qaab dhaqameed ama xeer qabiilo ah ku doono xoolahaagii. Waxaan kuu rejaynayaa in Ilaahay towfiiqda ku waafajiyo.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 17:18:14 (CST)
  14. Su'aal: Lacag ayaan dukaan dhigtay...?
    Dukaan ayaan dhigtay lacag aniga oo aayn ii taalo ayaa waxaa is dagaalay ninkii dukaanka lahaa iyo ninkii u gadaay lacagteyduna ay qasnadiisa ku jirto waana uu u sheegay gadaha in aan lacagta leeyahay milkiilaha milkiilihii wuxuu yiri wixii qasnadeyda ku jiro anaa leh deyman iga maqan ilaa ay ka soo aruuraana ma bixinaay haddaba sheekhoow yaan u raacdaa lacagteyda?
    Cali Cabdulle <caliqadar>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 17:03:58 (CST)
  15. Jawaab: Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
    Walaal waxba kuma jabna in uu ninku naagtiisa naaskeeda afka gelsho, xataa haddii ay caano ka yimaadaan oo uu cabbo ama leqo waxba kuma jabna, maxaa yeelay nuujinta la sheegay waa nuujinta carruurta yaryar ee 2 sano jirta iyo wixii ka sii yar, laakiin qofku haddii uu 2 sano ka wayn yahay wuu ka waynaaday da'dii nuujinta.

    Sidaa dateed aayadda ku soo aroortay suuradda al-Baqarah: 233 waxay tiri: (Hooyooyinkuna waxay nuujinayaan caruurtooda laba sano oo dhamaystiran qofkii doona in uu dhamaystiro nuujinta..) macnaha inta nuujintu qaadanayso waa laba sano ugu badnaan. Marka qof wayn haddii uu caano naageed cabo taas lama yiraahdo nuujin ama naaskeeda haka cabo ama weel ha ku liso ee dabadeed ha cabbee.

    Sababta loo yiri laba sano waa in carruurtu laba sano iyo wixii ka yar ay aad ugu baahanyihiin caanahaas nuujinta ah oo haddii aanay nuugin aanay kormadoodu dhamaystirmayn. xataa kuwa lagu korsho caanaha aan hooyada kuweeda ahayn sida dhaqaatiirtu sheegtay oo aan annaguna nolosha ku aragnay ma aha sida carruurta naaska nuugtay, way ka fahmo yaryihiin wayna ka adkaysi yaryihiin haddii ay jirradaan oo cudurada way u nugulyihiin.

    Marka walaal horta faham nuujinta qofka noloshiisa wax ka bedelaysa iyo midda aanan waxaba ka bedelayn. Nin wayn haddii uu kabado caanaha naagtiisa ama naag kale waxba ku tari mayso taasi oo dhismaha jirkiisa iyo qaabkiisa iyo maskaxdiisa waxa ka bedeli mayso, laakiin carruurta yaryar laba sano ka yar aad bay u saamaynaysaa nuujintu, sidaa darteed islaamku xukun gaar ah ayuu u yeelay xukunkaasna dadka waawayn ma khuseeyo.

    Waxaa taa la jira in nuujinta ay culumada fiqhigu dhaheen waa in ay shanjeer ahaato ugu yaraan marka taasina waa shardi kale oo loo baahanyahay in aad ogaato.
    Waad mahadsantahay.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 17:00:39 (CST)
  16. Su'aal: Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo
    salaama caleekum wa baarakalaah fiikum Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan len raaxo iyadoo caano ka socon.
    Aweis Mohamed <bismilaahi2525>
    - Wednesday, December 07, 2005 at 16:24:07 (CST)
  17. Jawaab: Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
    Walaal xaaskaagu waysada wuu kaa jebshaa sida mad-habta shaaficiyadu qabto, maxaa yeelay taabashada lagu sheegay quraanka ayay u qaateen in ay taabashada caadiga ah tahay. Laakiin Xanafiyadu ma qabaan sidaa oo taabashada waxay u qaateen in ay tahay jimaaca. Xanbaliyada iyo Maalikiyaduna waxay dhaheen haddii taabashadu tahay mid shahwo ah way jebisaa haddii kalena ma jebiso. Marka anigu waxaan kugu waanin lahaa in aad qaadato mad-habta Xanafiyada ayada ayaa ugu macquulsan howlgalna ah, maxaa yeelay taabashada xaaskaaga way adagtahay in la iska dhowro, maxaa yeelay aqalka ayaad iskula nooshihiin oo had iyo jeer waad wada joogtaan badanaa.

    Arrinka labaad ee ah dahaarada, walaal dahaaradu waa in xadaska yar iyo midka wayn intaba laga marnaado, waxayna ku suurta gelaysaa dhowr siyaabood, waxaa ka mid ah qabayska haddii ay janaabo tahay, ama waysa qaadka haddii ay xadas yar tahay, ama gabbagabbaysiga haddii aan biyo la haysan ama biyuhu qofka dhibayaan, marka axkaamta dahaarada oo dhamaystiran si aad u akhriso : halkan riix aad ayaadna u mahadsantahay.
    Hersi aw Mohamed - Tuesday, December 06, 2005 at 19:20:26 (CST)
  18. Su'aal: Naagtaydu waysada ma iga jebisaa?
    A/caleykum wr wb! Walaal waxaan halkan ku hayaa laba su'aalood.
    1. Xaaskeygu weysada ma iga jabisaa?
    2. Sidee la iskaga daahiriyaa Jinaabada?
    Fadalan walaalayaal iiga soo jawaaba su'aalahaas si Tafatiran.
    Saadiq <abdisaadiq>
    - Tuesday, December 06, 2005 at 19:20:26 (CST)
  19. Jawaab: Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
    Assalamu Calaykum: Walaal culumada afarta madhabadood way isku raacsanyihiin in aanan kitaabka Quraanka ah la qaadi karin lana taaban karin wayso ama dahaaro la'aan, daliilkooduna waa aayadda quraanka ah ee leh (ma taabtaan wax aan ahayn kuwa daahirsan)[Suuradda al-waaqicah:79]
    Waxaa kale oo ay xujo ka dhigteen Xadiiska Imaam Muslim soo weriyay ee Nabigu amray in aan Quraanka loola safrin dhulka gaalada si aanuu gacantooda ugu dhicin. Waxaa kale oo ay xujo ka dhigteen Xaddiiska Imaam maalik ku soo weriyay kitaabkiisa al-Muwada' ee uu nabigu amray in aanuu quraanka qof aan daahir ahayn taaban. Axaadiistaas iyo qaar kale ayay xujo ka dhigteen.

    Axaadiista badankoodu saxiix ma aha waa Maraasiil, laakiin xaddiiska uu soo weriyay Imaam Muslim iyo qiraa'ada ay akhriyeen qurraa'da qaarkood aayadda aan kor ku soo sheegnay iyo waxyaabo kale oo badan oo aanan halkan ku sheegi karin ayay culumadu isu eegeen, kolkaas bay go'aankan gaareen, kaas oo ah in aanan quraanka la taaban oo la qaadin haddii aanan daahir la ahayn, daahirna waxaa looga jeedaa in daahir laga ahaado labada xadath midka wayn iyo kan yar intaba, macnaha in qofku wayso qabo.

    Khilaafka Wahhaabiyada
    Kooxda wahhaabiyada iyo qaar kale oo ahlu bidco ah ayaa banneeyay in kitaabka quraanka ah la qaado oo la taabto xataa haddii qofku junub qabo oo uusan daahir ahayn, waxayna xujo ka dhigteen 1.In axaadiista badankoodu aanay saxiix ahayn. 2.In laga soo weriyay culumada mufasiriinta ah qaarkood sida ibn Cabbaas iyo Ibn Mascuud in ay dhaheen kitaabka la sheegayo waa midka samada yaalla oo (lowxul maxfuudka ah) cidda taabanaysana waa malaa'ikta, marka kitaabkaas cid aan daahir ahayn ma taabato, laakiin midka dhulka yaalla cid waliba way taabanaysaa!!

    Waxaa ka mid ah kooxaha banneeyay in kitaabka dahaaro la'aan la qaato Ikhwaanka oo ayaguna qaatay bidcada wahhaabiyada, laakiin culumada intooda kale siiba salafkii hore qof dhahay ma jiro kitaabka dahaaro la'aan waa la taaban karaa ama la qaadi karaa, maxaa yeelay aayadda waxay u fahmeen in ay tahay (xikaayo amar ah) macnaha (ma taabto qof aan daahir ahayn) waxaa laga wadaa (yuusan taaban qof aan daahir ahayn) sidaas ayay dhaheen culumadii hore ee afcarabiga taqiin, laakiin kooxahaas bidciga ah waxay dhaheen amar maba aha aayaddani!!.

    Falalka Sacuudigu qiyaas uma aha Islaamka
    Midda aad sheegtay ee ah in aad ku aragtay kitaabka quraanka ah asiga oo yaalla hoteellada sacuudiga. walaal horta waxaad ogaataa in aanan sacuudigu Islaamka qiyaas u ahayn, Islaamka cilmiga iyo culumada aqoonta ku xeeldheer hadalkooda ayaa lagu qiyaasayaa ee falka badowda sacuudigu diin ma aha sharcina maa aha islaamkana qiyaas uma aha.

    Dadka qaar waxay u malaynayaan wax kasta oo sacuudigu sameeyo in ay Islaamka waafaqsanyihiin, taasna waxaa u gaysay ayaga oo arkay in Kacbadii ku taallo sacuudiga oo Nabiguna uu carab ahaa oo masjidkiisu ku yaallo madiino, waxyaabahaas kolkii ay arkeen ayay u maleeyeen in carabta siiba sacuudigu yihiin dadkii Islaamka saxa ahaa haysta!!

    Soomaalida badankeedu sidaas ayay u haystaan, mana la socdaan in cilmiga diinta Islaamka dadka qoray iyo soo weriyay aanay ku jirin wax sacuudi carabiya u dhashay, haddii ay jiraanna waa dad aad u yar, laakiin culumada Islaamka ee aan maanta naqaan ee Islaamka ina soo gaarsiiyay badankoodu jasiiradda carabta kama imaan, taa daaye, badankoodu carab ma ahayn ee waxay ahaayeen dad muslimiin ah oo cajam ah.

    Marka waxaa loo baahanyahay in wax la barto, lama noqdo dameeri dhaan raacday. Taa waxaa ka daran qarnigan aan joogno waxaa sacuudiga qabsaday koox wahhaabiyo ah oo caqiido fasahaadsan wadata, caqiidadaas diinka Islaamka way khilaafsantahay, laakiin dad badan ayaa u malaynaya in diinka wahhaabiyadu yahay diinkii dhabta ahaa, sababtuna waa midda aan kuu sheegay ee ah in ay ku qiyaasayaan diinka dalka sacuudiga. Haddii fahamkaas sax yahay, oo ninkasta oo sacuudi ah ama reer maka ah ama reer madiino ah xaqii ku taaganyahay oo diinkii saxa ahaa haysto maxaan kolka u kufrinaynaa gaaladii quraysh ee reer Maka ahaa ee dhalay kuwa maanta jooga!! maxaan u kufrinaynaa Abuu jahal iyo kooxdiisii miyaanay sacuudiyiin ahayn oo reer Maka ahayn?
    Marka walaalayaal diinka laguma qiyaaso dadka carabta ah ama dadka sacuudiga ah ee Culumada ayaa laga bartaa cilmiga kitaabka iyo Sunnada ayaana diinka qiyaas u ah, oo wixii saxan iyo wixii khaldan halkaas ayaa laga ogaanayaa.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi Aw Mohamed - Monday, December 05, 2005 at 16:47:21 (CST)
  20. Su'aal: Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
    kitaabka quraanka kariimka ma taaban karo ilaa qof aan daahir aheen, daahirinta maxaa loo'lajeedaa? waayo waxaan arkey wadanka sacuudiga hoteladiisa waxaa yaala kitaabki quraanka oo lagu fasirey ingriis.
    yassin <oomeey>
    - Tuesday, December 06, 2005 at 19:18:09 (CST)
  21. Jwaab:Waysada hal mar ah ma la dhaqi karaa xubnaha?
    Assalamu Calaykum; Walaal waxba kuma jabna in hal halmar ah loo dhaqo xubnaha kolka la waysaysanayo, waxaa uun muhiim ah in xubnaha si fiican biyaha loo gaarsiiyo. Midda kale ee ah saddexaysiga waa sunno, haddii aad kali-kaliyaysatana waysadaadu way ansaxaysaa inshaa allaah.
    Waad mahadsantahay.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Monday, December 05, 2005 at 16:47:21 (CST)
  22. Su'aal:Waysada hal mar ah ma la dhaqi karaa xubnaha?
    Sheekh ilahay ha kaa rali ahadee, waxaan ku waydiin lahaa, waxaa dhacda in mararka qaar soomaliya qabaw ay tahay sida hada, markasi hadii aan waysada marayo wajiga aan hal halmar wajiga, gacma iyo luga ha aan dhaqo ma dhibaa ka jirta?
    xasan adam <dajiy3>
    - Monday, December 05, 2005 at 16:42:47 (CST)
  23. Jawaab: waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
    Assalamu calaykum: Walaal Laa Ilaaha Illa allaah, waxaa looga jeedaa in aanuu jirin "Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Eebbe ahayn".
    Kelimaddaas arkaan u gaar ah malaha, laakiin shardigeedu waa in uusan qofku la imaan wax burrinaya macnaheeda.
    Cibaadadana waxaa looga jeedaa khuduuca meesha ugu sarraysa oo ah in si dhab ah Ilaah loo caabudo ayada oo loo khuduucayo khuduuc aad u sarreeya.
    Shirkiguna sida quraanka ku cad waa in Eebbe loo shariig yeelo ama cibaado ha ahaato ama khaaliq ahaan ha ahaato ama sifooyinka ha ahaatee waa in aanan loo yeelin Eebbe shirko.

    Guud ahaan jawaabtii su'aashaadu waa sidaas, laakiin waxaa jira kooxo si khaldan u fasira towxiidka sida wahhaabiyada oo is moodaya in ay muslimiinta kale oo dhan ka fahmo badanyihiin sida uu sheegtay Ibn Cabdulwahaab oo yiri aniga mooyee cidkale oo fahamtay ma jirto macnaha Laa Ilaaha Illaa Laah!!.
    Marka walaal kuwaas hadalkoodu ma aha hadal culumo ee ha kusirmin, waa mubtadico fasahaadsan.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi Aw Mohamed. - Saturday, December 03, 2005 at 08:31:55 (CST)
  24. Su'aal: waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
    1- Waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu?
    2- Arkaanteeda iyo shuruudeeda?
    3- Cibaado maxay tahay ama loola jeeda?
    4- Shirki maxaa la dhahaa?
    Waliba haddii aad doonto igala soo xiriir msn-ka towxiid114
    Axmed maxamed <tawxiid2003>
    - Saturday, December 03, 2005 at 08:31:55 (CST)
  25. Jawaab: Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
    Assalamu Calaykum: Walaal horta waxaad ogaataa in nabigii Ilaahay "Luud" uusan ahayn carab, sidaa darteed magaciisa (Luud) kama imaanin (Liwaad) oo ah qaniisnimada, ee magaciisu waa acjami afcarabina ma aha.
    Tan labaad: Sababta aanay muslimiintu ula bixin magacan waa in uu cajami yahay iyo in aanuu mash-huur ama caan ahayn, maxaa wacay nabiyullaahi Luud qoonkiisii badankoodii waa la halaagay wax yar ayaana rumeeyay.
    Muslimiintu waxay isku magacaabaan nabiyaasha caanka ah sida Sayyidinaa Ibraahiim, Nuux, Aadam, Muuse, Ciise iyo qaar kale.
    Waxaa kale oo dhici karta in aanay muslimiintu magacaa jeclaysan maadaama uu u egyahay magaca carabiga ah ee asalkiisu yahay (Liwaad) oo macnihiisu akhaaq ahaan iyo diin ahaan intaba xunyahay.
    Waxaa kale oo dhici karta in ay magacaas kahdeen maxaa yeelay qoonka Nabigaas ayaa magacaas loo nisbeeyaa waxayna ku caan baxeen caadadaa xun ee liwaadka ah.
    Marka waxyaabahaas oo dhan way dhici karaan. Khayr baan kuu rejaynayaa. - Saturday, December 03, 2005 at 08:31:55 (CST)
  26. Su'aal: Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
    A/C/ magacyada magacyada nebyada oo dhan muslinka wey labaxaan ilaa nebi luud mooye sababta maxay tahay weli ma aan arkin qof luud la yiraahdo
    yassin <oomeey>
    - Friday, December 02, 2005 at 22:51:17 (CST)
  27. Jawaab: gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
    Ass/Cal. Walaal adeerku haddii uu xunyahay oo ku kacayo waxyaabo sharcigu uu reebay waa in laga fogaado. Gabadha aad sheegtay adeerkeed haddii uu sida aad sheegtay yahay oo uu khatar gelinayo gabadha nabadgelyadeeda waxaa waajib ah in aan loo ogolaan in uu soo galo aqalka gabadhu deggantahay, haddii ay isku meel degganyihiinna waa in ay gabadhaasi ka fogaato qofka noocaas ah ee jirran.

    Waayahan dame siiba dadka muslimka ah ee u haajiray caalamka galbeedka waxaa ku batay akhlaaqxumada, waxyaabaha aad sheegtay iyo qaar kale oo ka sii xun ayaana ka dhaca bulshooyinkaa dhexdooda, sidaa darteed qofkii sharciga khilaafaya ama adeer ha ahaado ama yuusan ahaane waxaa waajib ah in aan lala saaxiibin oo laga fogaado si uusan xumaantiisa kuugu qabadsiin.
    Mahadsanid.
    Hersi <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, November 30, 2005 at 16:26:49 (CST)
  28. Suaal: Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday...
    S/c Waxaa jiro gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday gabadhaas adeerkeeda sidee ula dhaqmeysaa?
    Hadii adeerka oo hadana dhahay adiga ayaa kula jiifanayaa, ka dibnah uu dhahay iga raali ahoow qalad ayaan galay! gabadhaas sidee ayeey u amineysaa adeerkeeda oo saxa ah?
    Meykal <meykal20>
    - Wednesday, November 30, 2005 at 16:20:29 (CST)
  29. Jawaab: Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
    ass. Cal. Waal Islaamku awoodda furriinka wuxuu siiyay ninka. Haddii marka uusan ninku dhalayn oo ay dhaqaatiirtu dhahaan ma dhalaysid, haweenaydu way waydiisan kartaa furriin laakiin ninka khasab kuma aha sharci ahaan in uu furo.

    Haddii uu doono wuu furayaa haddii uu doonana wuu haysanayaa. Fuqahadu waxay dhaheen lagu khasbi maayo in uu naagtiisa furo, maxaa yeelay ilma la'aantu waa cudur cudur kastana in laga caafimaado ayaa dhici karta, waxaanna aragnaa dad 10 sano dhali waayay ee kadib Ilaahay ferej u furay oo carruur helay, xataa waxaa jira qaar dhaqaatiirtu dheheen dhali maysaan oo Ilaahay dhal siiyay markaa ka dib.

    Marka dhalmadu waa wax ku xiran qofka caafimaadkiisa iyo caafimaadka tarankiisa. Sidaa darteed culumadu waxay dheheen lagu khasbi maayo ninka in uu naagtiisa furo.
    Waad mahadsantahay.
    HersI <hersi@2garre.com>
    - Monday, November 21, 2005 at 16:31:17 (CST)
  30. Suaal:Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
    Hadii naagta ama ninka mid kood daqtarka soo dhoho ma dhaleysid labadooda madka la dhahay ma dhaleysid ma hine kan kale ma weydisan karaa furiin? wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa wabarakaato.
    ali <ali123>
    - Sunday, November 20, 2005 at 15:58:00 (CST)
  31. Jawaab: Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..
    Walaal, Qaraabada (Riximka) xiriirintiisu waa waajib uu Eebbe faray addoomihiisa, qofkastana waxaa ku waajib ah in uu xiriirshi riximkiisa ama qaraabadiisa hadba sida loo yaqaan.

    Marka haddii adeerka aad sheegayso yahay adeerkaa run ah oo aabahaa la dhashay ninkaagu xaq uma laha in uu ku yiraahdo aqalka haka furin hana la hadlin.

    Haddii ninkaasi adeerka ahi qof xun yahay oo sharciga Islaamka kolka loo eego xumaato keenaya sida haddii uu (faasiq yahay, sida haddii uu khamriya cab yahay iwm) ninkaagu xaq buu u leeyahay in uu ku yiraahdo hala hadlin aqalkana haka furin, laakiin haddii adeerku qof muslim ah oo caadi ah yahay, ninkaagu xaq uma laha in uu kuyiraahdo hadalkaas.

    Kolka adiga laba arrimood middoo ayaa kuu bannaan:
    1. Haddii adeerkaa qof fiicanyahay oo wax sharciga ku xun uusan falayn, ninkaagu xaq uma laha in uu kaa reebo la hadalkiisa, marka waxaa kuu bannaan in aad ninkaaga hadalkiisa iska yeesho inkasta oo uu khaldanyahay, dambigana asiga ayaa dusha saaranaya, maxaa yeelay riximka goyntiisa waa dambi.

    2. In aad ninkaaga hadalkiisa iska dhaafto ee aad adeerkaaga xiriiriso oo aad aqalka ka furto ama la hadasho xataa haddii uusan ninkaagu doonayn, taasna xaq baad u leedahay, wax dambi ahna kaasoo gaari maayaan, ninkaaga hadalkiisa aad diidday.

    Ninka daacadiisu waa wixii aan khilaafayn diinka Islaamka, laakiin haddii uu ninku haweenayda ku khasbo in ay ku adeecdo wax diinka khilaafsan ama sharciga aanan ku toosnayn, xaq uma laha, haweenaydana waajib kuma aha in ay ku adeecdo ninkeeda wax aanan Islaamkuba farayn ama Islaamku diidayo.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, November 15, 2005 at 18:48:16 (CST)
  32. Suaal: Ninkayga ayaa yiri adeerkaa aqalka ha ka furin!!
    Ninka iqaba ayaa waxuu iyiri: adeerkagaa mala hadli kartid, guriganeh maka furikartid anigoo an joogin guriga amar laa'anteyda aderkaga mala hadli kartid. Maxaa diintu ka qabtaaa arintaas ma ku raacaa ninka i qaba mise adeerkeyga ayaan raacayaa oo an la hadlaa wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa barakaato
    xalimo <xalimo22>
    - Tuesday, November 15, 2005 at 18:38:09 (CST)
  33. Jawaab: Ninkayga sekada ma siin karaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal Miski, Sekada Fidradu waxay ku waajibaysaa qofkii haleela qayb rabadaan ka mid ah iyo qayb shawwaal ka mid ah, qofkasta oo muslim ah iyo qofkii ay quudintiisu saarantahay waxaa ku waajib ah, haddii ay muslimiin yihiin, midkasta afar sacab (Mud) waana labada sacab oo buuxda, waxayna noqonaysaa (1650g oo Qamadi ah) ama (1kg iyo 650g) oo ah cuntada magaalada laga cuno tan u badan, haddii ay ka soo haraan dayntiisa iyo marashadiisa iyo hoygiisa iyo cuntadiisa iyo cuntada dadka in uu quudsho laga rabo maalinta ciidda ah iyo habeenkeeda.

    Kolka adiga qoyskaaga sekadoodu waxay ku waajib tahay ninkaaga in uu baxsho ee adiga waajib kuguma aha, ninkaaguna xaq uma laha in uu xoolahaaga qaato oo sekada ku baxsho, ee haddii uusan xoolo haysan seko kuma waajibto.

    Haddii aad doonto adiga oo aan seko u niyaysan u hibee xoolahaaga ama ku sadaqayso intii aad doonto, kadibna asiga ayaa sekada idinka bixinaya.

    Ninka uma bannaana in uu siiyo sekada dadka uu mas'uulka ka yahay ee quudintoodu asiga saarantahay, sidaa darteed ninka uma bannaana in uu sekaatul fidriga naagtiisa siiyo ama hooyadiis oo aan wax haysan ama carruurtiisa iwm, maxaa yeelay dadkaas nafaqadoodu asiga ayay saarantahay.

    Marka walaal adiga seko kuguma waajibto maadaama uusan ninkaagu xoolo haysan oo uu faqiir yahay, lakiin haddii aad haysato xoolo ku sadaqayso ama u hibee asiga si uu sekada idinkaga baxsho dhammaantiin.

    Waxaa kale oo kuu bannaan in aad ninkaaga idan waydiisato si aad sekada isaga dhiibto adigu, macnaha in aad ka idan qaadato ninkaaga si aad sekada naftaada uga dhiibto, haddii uu kuu ogolaado oo kuu idmo in aad sekada naftaada ka dhiibto adiga oo xoolahaaga adeegsanaya markaas asiga ayaad siin kartaa sekada aad naftaada ka dhiibayso maadaama uu faqiir yahay, maxaa yeelay adiga nafaqadiisu waajib kuguma aha.
    Mahadsanid
    - Monday, October 31, 2005 at 03:15:10 (CST)
  34. Su'aal: Ninkayga sekada ma siin karaa?
    Asalamu calyeekum walaleyal:
    Suaal walalo: odigeeyga waxuu joogaa somalia, fitrada ma udiri karaa asaga?
    miski <mushda34>
    - Monday, October 31, 2005 at 03:15:10 (CST)
  35. Jawaab: Laylatul Qadarka wax iiga sheeg..
    Assalaamu Calaykum; Walaal, xaddiiska aad sheegtay waa saxiix waxaana soo weriyay Imaam Axmad, sidaa darteed Xambaliyada ayaa xujo ka dhigtay in Laylatulqadarku yahay maalinta 27aad ee bisha soon sida uu Ibn Jawsi ku sheegay Masaa'ilul khilaaf.

    Xaddiiska kale ee aad sheegtay ee ay ku jirto in uu nabigu yiri waan illoobay waxaa xujo ka dhigtay Imaam shaafici, wuxuuna yiri: Laylatulqadarku waa 21ka. Sidoo kale waxaa asiguna arrinkaa ku khilaafay Imaam maalik oo yiri: waa 10ka ugu dambeeya oo dan.

    Marka walaal axaadiis badan ayaa ku soo aroortay mowduucan oo qaar saxiix ah ku jiraan, laakiin culumada ayaa tafsiirkooda isku khilaaftay. Sikastaba ha ahaatee, waxaa aniga ila saxsan in aanan la hubin habeenka uu yahay laylatulqadarku, laakiin waxaa la hubaa in uu 10ka ugu dambeeya ku jiro. Wallaah aclam.
    - Sunday, October 30, 2005 at 11:44:09 (CST)
  36. Su'aal: Laylatul Qadarka wax iiga sheeg..
    Salaamu calaykum sheekhoow khayr allaha ku siiyo: waxaa mugdi iiga jiraa oo aan rabaa in la i fahamsiiyo in uu nibigu (NNKH) laylatul qadriga sheegay iyo inkale.
    Maxaa yeelay waxaan maqlay in saxaabi uu u yimid nabiga (NNKH) oo uu yiri "yaa rasuululaah 10ka oo dhan way igu adagtahee ii sheeg habeen cayiman" nibiguna (NNKH)wuxuu yiri "Calayka bis saabica).
    Waxaan kaloo maqlay in uu nabigu uusan sheegin oo uu ilaabay oo uusan sheegin. Marka midda saxda ah ayaan garan waayay. waan jeclaanlahaa hadii aad ii jilcin lahayd.
    Axmed Aweys <naajix25oct>
    - Sunday, October 30, 2005 at 11:44:09 (CST)
  37. Su'aal: Maxamad bin Cabdulwahhaab Islaamka muxuu ka ahaa?
    Assalaamu calaykum:
    Walaal, Maxamad bin Cabdulwahhaab waa ninkii keenay mad-habta wahhaabiyada ee aasaasay firqada wahhaabiyada loo yaqaan, soomaaliyana aan u naqaan Itixaadka. Ninkaas wuxuu isku sheegay in uu diinka jadiidinayo, wuxuu sheegtay in aanay jirin qof fahamsan Caqiidada Islaamka oo aan asiga ahayn tan iyo casrigii asaxaabta nabiga, wuxuu intaa ku deray in ay gaalo ahaayeen dhammaan dadkii u dhaxeeyay casriga uu noolaa iyo casrigii saxaabada.

    Ninkan ma jiro qof ka mid ah culumadii casrigiisa noolayd oo uga markhaatikacay in uu caalim ahaa, taa daayay dhammaantood waxay sheegeen in uu fidnoole jaahil ah ahaa.

    Qofkii khilaafa ra'yigiisa wuxuu u diri jiray mooryaan habeenkii suuqa ku toogata sida ay hadda yeelayaan wahhaabiyada soomaaliya iyo qaar kale oo badan.

    Ninkan taariikhdiisa iyo mad-habtiisa iyo firqadiisa waxaan ka qoray kitaab la fidshay 1996kii, sidoo kale waxaan ka qoray cilmibaaris badan oo aan dhammaan ku qoray carabi iyo soomaali.

    Hadalkii oo kooban ninkani wuxuu ahaa nin lunsan dad badanna wuu lunshay. Haddii aad carabiga ku fiicantahay akhri kitaabkayga (as-salafiyah al-wahhaabiyah bayna mu'ayidiihaa wa muntaqidiihaa) haddii kalena akhri qoraallada aan ka qoray taariikhda wahhaabiyada ee ku jira boggan, qaybta buugta.
    Aad baad u mahadsantahay.
    - Saturday, October 29, 2005 at 20:31:59 (CDT)
  38. Su'aal: Maxamad bin Cabdulwahhaab Islaamka muxuu ka ahaa?
    assamailkum war harmatulah:
    waalaale waan ku salaamay salaan qaali ah. salaan kadib su aal: ii gawaran ninka layiraahdo mohamed abdi wahaab muxuu ahaa nin kaas oo diinta islaamka maxuu ka ahaa? mahasanid.
    abdi naser <abir521>
    - Saturday, October 29, 2005 at 20:31:59 (CDT)
  39. Mahadnaq: Sheekh cajaladahaad ii soo dhiibtay..
    Aslaamu calaykum waraxma, sheekh salaantaas islamaka kadib: sheekh waxaan kaaga mahad celinaayaaa cajaladahaad ii soo dhiibtay ee aad ka u wanaagsanaaa iyo wali kitaabadii. sheekh illahay subxaana watacaalaa ajjar iyo xasanaad hakaa siiyo anagana kuwii qaata oo ku camal fala allaha naga dhigo aamiin. Aslaamu calaykum warxama,
    khadro <yamaarugleey>
    - Thursday, October 27, 2005 at 19:09:20 (CDT)
  40. Jawaab: Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
    Assalamu calaykum:
    Walaal cabdiraxmaan, Mad-habta shaaficiyada waxay qabtaa in haddii aad illowdo niyaysiga oo aadan habeenkii niyaysan soonka berrito in aad maalintaas afka qabsanayso, oo aad kolka maalinta ciidda la dhaafo qallaynayso.

    Mad-habta Xanafiyada ayaa waxay qabtaa in haddii uu qofku illoobo niyaysiga oo uu waabariisto uu niyaysan karo ilaa inta laga gaarayo maalinta bartankeeda harkii haddii uusan waxba cunin.

    Marka annagu shaaficiyo ayaan nahay soomaali haddii aan nahay, waxaanna kugula talinayaa in aad soonto laba maalmood maalinta ciidda kadib, waddacna ha soomin ciidda kadib adiga oo aan qallaha soomin.

    Midda aad tiri waddacu ma iga gudayaa qallaha, jawaabteedu waa maya, waxaana lagaa rabaa in aad laba maalmood oo faral ah qallayso, maxaa yeelay waddacu waa sunno.
    Mahadsanid
    - Thursday, October 27, 2005 at 05:07:02 (CDT)
  41. Su'aal: Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
    Marka hore shiikh waan ku salaamay, waxaana jeclahay in aan ku weediiyo su'aal ku saabsan ramadaanka, sh: waxaa dhacday in aan iloobo niyada labo habeen oo ramadaanka ka tirsan marka hadii aan wadac soomo ma'ika gudmayaan mise waxaa la iga rabaa in aan soo qaleeyo waa mahadsantahay
    cabdiraxmaan cali mushaani <cchanad>
    - Thursday, October 27, 2005 at 05:07:02 (CDT)
  42. Jawaab: Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
    Assalaamu Calaykum:
    Walaal dadkii dhintay ayada oo aanan loo soo dirin nabi ama rasuul waxay ku dhinteen fidrada waxaana loo yaqaan "ahlufidro". Nabiga aabihiis iyo hooyadiisna waxay ka mid yihiin dadkaa "naajiinta" ah oo badbaadi doona aakhiro, maxaa yeelay waxay ku dhinteen fidradoodi.

    Xadiiska leh "abii wa abuuka finnaar" ee nabiga laga soo wriyay waa xaddiis "muddarib" ah oo aan saxiix ahayn, sidaa darteed daliil uma aha in Nabiga aabihiis naarta gelayo.
    Mahadsanid.
    - Wednesday, October 26, 2005 at 13:53:55 (CDT)
  43. Su'aal: Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
    A/C/W/W suaashaydu waxaa waaye, nabiga intii aan la soo saarin dadkii dhintay ma gaalo ayeey ku dhinteen mase islaam tusaale: nabiga aabihiis oo kale maxaa lagu tirinaa?
    farahyae <farah_yare>
    - Wednesday, October 26, 2005 at 13:53:55 (CDT)
  44. Jawaab: Salaadda tahajudku maxay tahay..
    Walaal Cabdiraxman Cali Mushaani assalaamu calaykum; Kadibna jawaabihii su'aalahaagu waa kuwan:
    1. Salaadda "Tahajudku" waa salaadda uu qofku tukanayo habeenkii asiga oo marka uu seexdo ka kacaya habeenka qaybtiisa dambe, dabadeedna tukanaya salaad naafilo ah ama sunno ah.

    Culumada qaar waxay dhaheen salaaddan waxay ku waajib ahayd Nabiga oo kaliya, laakiin waxaa sax ah in ay markii hore dadka oo dhan ku waajib ahayd, kadibna laga cafiyay oo sunno laga dhigay.

    Kolka macnaha "Tahajud" wuxuu noqon karaa "wuu hurday" waxaa kale oo uu noqon karaa "wuu toosay ama ka kacay hurdo ka dib" marka waa erayada luqada carabiga lagu yiraahdo "ad-daad" oo halka eray ayaa laba macne oo isburrinaya ama iska soo horjeeda leh.

    Halkan waxaa looga jeedaa (wuu toosay jiif kadib" salaadda uu tukado marka uu jiifka ka tooso habeenkii qofku ayaa kolkaa "Tahajud" lagu magacaabaa.

    Marka walaal Nabiga nnk ayaa la faray in uu tahajudo, taasna macnaheedu maaha in uu tahajudku waajib yahay ee waa "fadiilo" ama fadli dheeraad ah ama naafilo. Haddii uu qof Nabiga ummaddiisa ka mid ah tahajudana waxay u noqonaysaa sunno ee naafilo u noqon mayso, sababtuna waa in Nabiga nnk dambigiisii oo dhan loo cafiyay, kii hore iyo kii dambe, laakiin annagu sidaa ma ahin, kolka marka aan salaad tahajud ah tukano waxay inoo noqonaysaa kaalme aan ku kabno wixii aan ka tagnay ee waajibaad ahaa, Nabigana waxay u tahay Fadli dheeraad ah, maxaa yeelay asigu waajibaad kama tegin.

    2.Waa bannaantahay in jamaaco lagu tukado, qofkii jamaaco ku tukadana wuxuu helayaa ajarkii jamaacada, qolada aad ahlusunno ku sheegtay waxaa la yiraahdaa "wahhaabiyo" ee ahlusunno lama yiraahdo, maxaa yeelay ma jiro qof ahlusunno ah oo diidaya in tahajudka jamaaco lagu tukado.

    Ahlusunnadu waa dadka haysta manhajkii Nabiga iyo asaxaabtiisa ee ay soo habeeyeen Imaan Ashcari iyo Imaam Maaturiidi, caqiidadoodo waa taas, fiqhigooduna waa afarta mad-habadood ee Islaamka ee caanka ah.

    Marka qofkii manhajkaas ahlusunnada haysta ma diidayo in tahajudka jamaaco lagu tukado, maxaa yeelay culumada madaahibta aan sheegnay waxay dheheen salaad kasta jamaaco waa lagu tukan karaa haddii arkaanteeda "ficliga ah" isleeyihiin.

    Macnaha waxay ka wadaan salaad kasta oo rukuuceeda iyo qiyaamkeeda iyo sujuudkeedu isku mid yahay waa la isla tukan karaa jamaaco ahaan, marka salaadaha oo dhan jamaaco waa lagu tukan karaa, wixii aan ka ahayn salaadda janaasada iwm ee qaabkeedu ka duwanyahay qaabka salaadda caadiga ah.

    Midda aad tiri nabigu ma falin, waajib ma aha in aan la falin wax kasta oo aan nabigu falin, waxyaabo badan oo aanan nabigu falin oo aanuu amrin oo uusan ogayn ayaan maalin kasta samaynaa, waxaa ka mid ah shaqlidda quraanka, iyo jamaacada salaadda taraawiixda iwm.

    3.Ugudambaystii sidii aan horey kuugu sheegayba qofkii salaadda tahajudka iyo tan taraawiixda iyo tan faradka iyo dhammaan salaadaha kale oo dhan ee lagu tukan karo jamaaco ku tukada jamaaco wuxuu ka helayaa ajar deeraad ah sida ku soo aroortay xaddiiska nabiga nnk in ay salaadda jamaacada ahi 27 derejo dheertahay salaadda kalida ah.

    Marka walaal, ogow salaadda tahajudka ahi ma aha salaadda taraawiixda ah ee aan cishaha kadib tukano, ee waa salaadda aan u kacno habeenkii marka aan seexanno kadib, labadoodana (taraawiixda iyo tahajudka) waxaa laysku dhahaa qiyaamullayl.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, October 26, 2005 at 01:36:11 (CDT)
  45. Suaal: Salaadda tahajudku maxay tahay?
    Shiikh waan ku salamay waxa aan ku weydiiyay tahajudka wa maxay? waa kow tan labaad ma banaan tahay in jameeco lagu dukadaa maadaama culimada ahlu sunada ah ay dhahaan lagama soo gaarin nabiga c/s/w iyo asxaabta in jameeco lagu dukadaa hadii ay banaaneen maxa ay ka heli karaan dadka dukada waad mahad santahay.
    Cabdiraxman Cali Mushaani
    MUSHAANI <CCHANAD>
    - Tuesday, October 25, 2005 at 04:56:27 (CDT)
  46. Jawaab: Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
    Walaal Luul, Islaamku wuxuu farayaa in gabadha kolka la mehrinayo ay lahaato wali, arrinkaas culumadu waxay u fahmeen in aanan wali la'aan meherku ansaxayn, laakiin qaar ayaa waxay dhaheen waa haddii ay gabadhu yartahay oo ay guurkii ugu horraysay gelayso.

    Sikastaba ha ahaatee, haddii uusan aabahaa joogin ama walaalkaa ama adeerkaa ama ina adeerkaa, waad guursan kartaa sheekha ayaadna wakiilanaysaa ama qaalliga haddii meesha qaalli muslim ah joogo.

    Aabbahaa in la ogaysiiyo way fiicantahay, laakiin haddii uusan joogin magaalada aad joogto oo uu ka fogyahay shardi maaha in la ogaysiiyo, maxaa yeelay xaalka dalkaas ka jira kama warhayo.

    Madaahibta muslimiinta qaar ka mid ah sida xanafiyada ayaa waxay qabaan in gabadhu ismehrin karto haddii ay qof wayn oo garaadsaday tahay oo wax fahmaya ama wax bartay.

    Sidaa darteed, gabadhu way guursankartaa haddii aanan wax waligeedii ah aanay markaa la joogin, ayaduna tahay qof garaadsatay oo wax fahmaysaa ama wax baratay.
    - Sunday, October 23, 2005 at 19:15:44 (CDT)
  47. Su'aal: aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
    Sheikh nin ayaan ismahersanay, wali la'aan, aabaheey ma la socodsiinin, meshaan iskumahersanay mel kafog ayaa waalidkaygu joogay. Sheik maherkas ma jiraa mase majiro
    Lul <qaraa>
    - Sunday, October 23, 2005 at 16:38:57 (CDT)
  48. Jawaab: Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
    Walaal Abdullaahi, waad mahadsantahay, waana helnay cinwaankaagii, waana kuu soo diraynaa CD-yadii aad inaga codsatay, waxaanna kuu rejaynaynaa ciid wanaagsan. - Sunday, October 23, 2005 at 19:00:24 (CDT)
  49. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
    Asalama Calaykum,
    Salaan kadib walalayaal waxaan idin rajeynayaa qayr iyo barako in uu ilahay idinkasiiyo casharda aad inoo so dirtaan, marka walalayaa l waxaan codsanayaa in aad iso dirtaan daruustaan hoosku xusan oo aad inoo so bandhigteen in aad naso garsiin kartaan haddii aaan idinsiino adresskena marka waxan si xushmadleh uga codsnayaa in aan idinka helo hadba wixi cajalad ah ee diyaar ah in aad iso garsiisan si aan uga fa'idaysto.

    Aniga cabdulaahi ahaan waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan waxana ku helaa email ahaan, wana ka aflaxay wadna kumahadsantiin, walalayaal ilaheyna ajir ha idinkasiiyo. Adresskeyga waa sidan walalayaal......
    Abdullaahi <risalulxubi>
    - Sunday, October 23, 2005 at 19:00:24 (CDT)
  50. Jawaab: Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
    Walaal Khaalid bin Waliid hooyadiis waxaa la dhahaa: Lubabata as-Suqraa Bint al-Xaarith al-Hilaaliyyati waxaana walaasheed ah Lubaabata al-Kubraa xaaskii al-Cabbaas bin Cabdulmudalib, waana laba gabdhood oo walaalo la ahaa, Maymuunata bintul Xaarith oo ahayd Nabiga haweenaydiisii. Ka fiiri faahfaahinta kitaabka (al-Isaabah fi tamyiiz as-saxaabah - Ibn Xajar al- Casqalaani, juszka 2aad, baalka: 98, dabacadda Kalkata - Hindiya: 1853kii). Mahadsanid. Dr. Hersi. - Thursday, October 20, 2005 at 14:50:11 (CDT)
  51. Su'aal:Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
    khalid bin walid what his mother's name?
    baazi <baazijumac>
    - Thursday, October 20, 2005 at 14:50:11 (CDT)
  52. Jawaab: Kabaha ma ku tukan karaa?
    Assalaamu Calaykum; Walaal su'aalaha aad i waydiisay horey ayaan uga jawaabay oo horey ayaa la iisoo waydiiyay, kolka waan kuu soo gaabinayaa jawaabta:
    1. Kabaha waa lagu tukan karaa.
    2. Waxaa lagu tukan karaa haddii aanay najaaso ku aallin, laakiin haddii najaaso muuqata ku taallo waa in la nadiifsho, haddii najaaso qoyan ku taallana sidoo kale. Tusaale ahaan qofkii kabaha la gala musqusha oo qoyan ee najaas qoyan kula joogsada waa in uu nadiifsho inta uusan ku tukan kabahiisa najaasta ah. Nadiifintooduna waa qallajintooda.

    3. Gabadhu haddii aanay sokeeye ahayn sida (Walaashaa, gabadha walaalkaa ama walaashaa iwm) haddii aadan kas (shahwo) u taaban kaama jebiso salaadda sida ay qabaan Maalikiyada iyo Xambaliyada, shaaficiyaduna waxay qabaan in ay kaajebiso, xanafiyaduna waxay qabaan in aanay kaajebinayn marnaba ama kas u taabo ama kas la'aan u taabee.
    Aad baad u mahadsantahay. - Wednesday, October 19, 2005 at 19:22:54 (CDT)
  53. Jawaab: Hadii aan rabo in aan soomin tommorow...
    Assalamu calaykum; Walaal Ayan, soonka in aad iska dhaafto adiga oo aan wax cudurdaara haysan ma bannaana, waana dambi in aadan soomin adiga oo aanan wax sabab ah haysan.
    Laakiin haddii aad haysato sabab ama cudurdaar sharci ah, tusaale ahaan haddii gabadha caado ku dhacdo ama qof xanuunsan yahay, ama ay uur leedahay oo ama nafteeda u baqayso ama carruurta ama ay carruur nuujinayso oo carruurta u baqayso ama uu qof waayeela oo duq ah yahay ama uusan awoodin in uu soomo jirro awgeed iwm sida qof musaafir ah, dhammaan waxyaabahaas waa cudurdaar sharci ah, waxaana kuu bannaan in aad afurto.

    Marka soonka ka tegiddiisu waxay bannaantahay xaaladaha aan soo sheegnay, haddii xaalkaagu kuwaas oo kale yahay, waxaa kuu bannaan in aad afurtid, kadibna aad qallaysid, dadka qaar aan qalle laga rabinna way jiraan.
    Marka walaal inooma aadan sheegin sababta aad soonka uga tegayso berrito "tommorow" haddii ay sabab sharci ah tahay, wax dambi ah kaasoo gaari mayaan, haddii kalena waa kaa soo gaarayaan.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    - Wednesday, October 19, 2005 at 16:24:26 (CDT)
  54. Suaal: Hadii aan rabo in aan soomin tommorow...
    Assalamu calaykum; Hadii aan rabo in aan soomin tommorow oo aan rabo i aan gudo, danbi miyeey igu tahay, aano ogahay in aan gudaayo.
    ayan <iayalaxow>
    - Wednesday, October 19, 2005 at 16:24:26 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Bogga Fatwada
  1. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  2. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  3. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  4. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  5. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  6. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  7. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  8. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  9. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  10. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  11. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  12. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  13. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  14. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  15. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  16. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  17. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  18. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  19. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  20. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  21. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  22. Xijaabka haweenku waa noocee?
  23. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?
  24. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  25. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  26. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  27. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  28. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  29. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  30. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  31. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  32. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  33. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  34. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  35. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  36. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  37. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  38. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  39. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  40. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  41. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  42. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  43. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  44. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  45. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  46. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  47. Kabaha ma ku tukan karaa?
  48. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  49. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  50. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  51. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  52. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  53. Sheekhow iisoo ducee...
  54. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  55. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  56. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  57. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  58. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  59. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  60. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  61. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  62. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  63. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  64. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  65. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  66. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  67. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  68. ma haboon tahay nin aan..?
  69. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  70. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  71. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  72. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  73. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  74. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  75. Mahadnaq iyo bogaadin
  76. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  77. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  78. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  79. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  80. Qof dhintay mala baryi karaa?
  81. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  82. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  83. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  84. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  85. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  86. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  87. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  88. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  89. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  90. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  91. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  92. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  93. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  94. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  95. Is Khat Haram or Halal?!
  96. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  97. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  98. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  99. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  100. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  101. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  102. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  103. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  104. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  105. waxaa jira in leeyga digay..!
  106. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  107. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  108. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  109. xukunka taariku salaadka
  110. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  111. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  112. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  113. Salaan iyo Bogaadin..

  114. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  115. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  116. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  117. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  118. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  119. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  120. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  121. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  122. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  123. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  124. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  125. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  126. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  127. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  128. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  129. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  130. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  131. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  132. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  133. zakada dahabka laga bixiyo..
  134. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  135. members of one of the Somali clans..
  136. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  137. Waan kirishtaamay...
  138. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  139. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  140. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  141. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  142. qoladasi isku diin ma nihin..
  143. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  144. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  145. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  146. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  147. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  148. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  149. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  150. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  151. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  152. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  153. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  154. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  155. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  156. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  157. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  158. Midnimada Muslimiinta..
  159. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  160. Islam is not a violent Religion
  161. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  162. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  163. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  164. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  165. Maxay tahay (Nashuusho)?
  166. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  167. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  168. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  169. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  170. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  171. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  172. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  173. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  174. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  175. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  176. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  177. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  178. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  179. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  180. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  181. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  182. Ilaah baa ku qancin kara..!
  183. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]