|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
Assalaamu Calaykum:
Walaal Faarax yare, khudbada jimcada in luqad aan carabi ahayn lagu akhriyo waxba kuma jabna, laakiin arkaanteeda ayaa carabi lagu akhrinayaa, taas oo ah:
1. Mahadnaqa alle iyo nabiga nabadgelyo iyo naxariise korkiisa ha ahaatee oo lagu salliyo, iyo in labada khudbo alle kacabsi la iskula dardaarmo.
2. Iyo aayad la fahmayo oo la akhriyo inta lagu jiro labada khudbo middood.
3. Iyo mu'miniinta oo loo duceeyo khudbada labaad dhexdeeda.
Marka walaal saddexdaa qodob waa in carabi lagu akhriyo, qodobka koobaad, waa hadal aad u gaaban oo carabi lagu akhrinayo oo ka kooban, Ilaahay oo loo mahadcelsho iyo nabiga oo lagu salliyo iyomu'miniinta oo alle kacabsi la faro.
Qodobka labaadna waa in aayad quraan ah la akhriyo. Qodobka saddexaadna waa mu'miniinta oo loo duceeyo. Marka intaas waxaa lagu dhihi karaa dhowr eray oo afcarabi ah oo aan qaadanayn waqti badan, intaa wixii aan ahayn way bannaantahay in lagu akhriyo af aan carabi ahayn.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
- Saturday, October 15, 2005 at 11:27:39 (CDT)
- Su'aal: Labadada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu:
su'aashaydu waxa weeye qudbateeynka (labada qudbo) ee salaada jimcaha ma lagu aqri karaa luqad aan carabi ahayn daruuf kasta ha jirtee. Tusaale: wadan aan carabiga laga aqoon oo kale oo dadkiina ay u baahanyihiin inay fahmaan qudbada malagu akhri karaa qudbada luqadaas si dadku u fahmaan?
farax <farah_yare>
- Saturday, October 15, 2005 at 11:27:39 (CDT)
- Jawaab: Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
Assalaamu calaykum; Walaal taabashada jaadkaas ah wayso ma burriso, sidaas ayaa culumadu u badanyihiin, sida Xanafiyada iyo Maalikiyada iyo Xambaliyada, dhammaan waxay qabaan in aanay wayso burrinayn taabashada aan ula kaca ahayn, laakiin shaaficiyada ayaa qabta in taabasho noocii ay doonto ha ahaatee burrinayso waysada, marka waxaan kugula talinayaa in aad qaadato madhabta jumhuurka oo ah in aanan taabashada aanan ula kaca ahayn aysan wayso burrin.
Waadna mahadsantahay.
- Saturday, October 15, 2005 at 11:08:59 (CDT)
- Su'aal: Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
Anigoo jecel inaan wax badan ka faa'idaysto wabkan ayaan codsanayaa suaashaas inlayga soo jawaabo kuwa kale waan hayaa waad mahadsantihiin:
Taabashada dumarka ee aan ula kaca ahayn waysada ma ku bureeysaa? masalan anigoo socdo ayuu jirkeedu meel iga taabtay ama meel ciriiri ah oo kale ayaa lamarayey labadeena jir baa is gaaray? <farah_yare>
- Saturday, October 15, 2005 at 11:08:59 (CDT)
- Jawaab: Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
Assalaamu calaykum:
Walaal Ahmed Ali, kooxaha aad sheegtay Islaamka ayay u nisba sheegtaan sida aad ogtahay, Islaamkuna waa diin Ilaahay soo dejiyay, wuxuuna leeyahay usuul iyo caqiido la yaqaan oo qoran, qofkii usuushaas iyo caqiidadaas oo saxan la timaada ayaa muslim saxa ah, qofkii caqiidadaas iyo usuushaas waxyaabo kale ku khalda ama taxriifsha ama leexsha, ama Islaam ha sheegto ama yuusan sheegan, ee Islaamnimadiisa waxba kama jiraan.
1. Kooxda Ittixaadka
Kooxda Ittixaadku waa koox mubtadico ah, bidcadeeduna waxay ka timid caqiidada tashbiiha iyo tajsiimka ah ee ay aaminsanyihiin ee ay ka qaateen wahhaabiyada, waxay aaminsanyihiin in Ilaahay jismi yahay oo uu ku fadhiyo kursi cirka yaalla, hadalkaas dadka caamada ah u sheegi maayaan oo waxay ka baqayaan in laga kala cararo haddii xaqeeqadooda la ogaado, laakiin Ibn Taymiyah oo sheekhoodii ah ayaa ku qoray kutubtiisa oo sidaa gooyay, wayna ku raacsanyihiin dhammaantood.
Si aad u akhriso qoraalka Ibn Taymiyah uu qoray ee uu ku yiri: Ilaahay Cirka ayuu kursi kula fadhiyaa, meel ayuuna uga banneeyay kursigaas Nabiga oo la fariisan doona sida uu sheegay, si aad u akhriso hadalkiisa halkan riix.
Sababta aan u dhahnay waxay caabudaan dad kale waa taas, maxaa yeelay Ittixaadku iyo wahhaabiyadu waxay caabudaan Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhaab ee Ilaah ma caabudaan, culumada kale oo dhan intay hadalkoodii diideen oo kufri ku xukumeen ayay waxay waajibsheen hadalkii Ibn Taymiyah oo kaliya!! Marka annaga Ilaahay inaguma waajibin hadalka Ibn Taymiyah, qofkii inagu waajibsha hadal nin uu yiri, waxaan leenahay haddii aad adigu ninkaas caabuddo annagu Ilaahay baan caabudnaa ee la soco, Ilaahna inaguma waajibin in aan qof gaar ah caabduno oo wixii uu xaaraan yiraahdo aan dhano waa xaaraan wixii uu xalaal yiraahdana dhahno waa xalaal sida wahhaabiyada iyo Ittixaadku yeelayo.
Kooxdaas wahhaabiyadu waxay aaminsanyihiin in Towxiidku saddex yahay (sida nasaarada) hadalkaasna waxaa keenay Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahaab, marka bal iisheeg ma ilaah bay caabudaan mise Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahaab?
2. Kooxda Ikhwaanka: Siiba kooxda sayyid Qutub, waxay towxiidka ku soo dareen shardi cusub
oo ay ku magacaabeen Towxiid al-xaakimiyah, ayaguna towxiidkaas cusub ee aan la aqoonin waxay ka soo qaateen Sayyid Qutub, oo ay caabudaan, Ilaahay sooma dejin towxiid la yiraahdo towxiid al-xaakimiyyah, marka qofkii towxiid cusub oo aan Ilaahay soo dejin oo aan culumadu soo sheegin inoo keena annagu ka qaadan mayno ninkii qaata ee ictiqaada ee muslimiinta kufriya sida ay yeelayaan kooxdaas ee dhiiggooda bannaysta ee maalkooda bannaysta waxaan leennahay adiga ayaa kaafir ah ee muslimiintu kufaar ma aha.
3. Kooxda Xisbiga taxriirka:
Kooxdan ayaguna waxay ka qaateen figradahooda Taqiyuddiin an-Nabahaani oo u soo dejiyay caqiido cusub oo fasahaadsan, oo ku salaysan in addoonku uu abuurayo falkiisa, caqiidadan waxay ka soo qaateen muctasilada, waxayna aaminsanyihiin in aan Ilaahay awood u lahayn in uu falo falalka uu addoonku falayo ee ah falalka xunxun oo dhan.
Waxay dhaheen Ilaahay wuxuu siiyay awood addoonka uu ku falo macsida, marka addoonka ayaa falalkiisa abuuraya oo Ilaahay shaqo kuma laha.
Arrinkaasi wuxuu beeninayaa quraanka oo caddeeyay in Ilaahay uu dadka oo dhan iyo falalka ay falayaan dhammaan uu asigu uumay, marka quraanka ayay beensheen, culumaduna way isku raacsantahay kufrintooda oo muctasiladii sidaa tiri way kufriyeen, qofkii maanta sidaa yiraahdana waa la mid oo isla xukunkii ayuu qaadanayaa.
Waano ku socota Muslimiinta Soomaalida
Hadaba waxaan doonayaa in aan soomaalida uga digo kooxahaas, kooxahaas sheeganaya Islaamka dadka caamada ah ee soomaalida ah ee aanan dersin usuusha iyo fikirka kooxahaas ma garanayaan xaqeeqadooda, Soomaalida badankoodu waa caamo, waa dad caadifad badan, wixii ay arkaan ee islaam sheeganaya waxay u malaynayaa run.
Soomaalidu ma laha aqoon qoto dheer oo ku saabsan cilmiga firqooyinka iyo kooxaha habowsan ee Islaamka soo maray, kolka marka ay arkaan koox sheeganaysa Islaami way iska daba kacayaan ayaga oo aan garanayn waxa ay ictiqaadsanyihiin.
Koox kasta oo Islaam sheeganaysa Islaam ma aha
Tusaale waxaa inoogu filan, kooxihii faraha badnaa ee soo maray caalamka Islaamka, Mujasimadii, mushabihadii, khawaarijtii, qaraamidadii, faadimiyiintii iyo qaadiyaaniyada, ismaaciiliyada, wahhaabiyada, Ikhwaanka, duruusta, nusayriyiinta, taxriirka, iyo kumanyaal kale oo aanan halkan lagu xusi karin oo dhammaantood ah ahaa kooxo fasahaadsan oo caqiido baadil ah aaminsan.
Taariikhda ku Cibra qaata
Kooxahaas caalamka Islaamka ayay horey u soo mareen, qaar way joogaan wali, qaarna way dabar go'een, marka Islaamku ma aha kooxo, ee waa diin sugan oo qoto dheer, oo ku salaysan cilmi iyo caqiido la yaqaan, kooxahaas waxay isku dayaan in ay taxriifshaan si ay dantooda ugu gaaraan, laakiin ugu dambaystii xaalkooda waa la ogaanayaa, diinka Ilaahay ee toosan wuu harayaa, kooxahaasina way dhimanayaan.
Kolka qofkii u malaynaya in wahhaabiyo iyo Itixaad iyo Ikhwaan iyo taxriir waligood jiri doonaan, waxaa loo qaatay in uu ku cibra qaato kooxihii faraha badnaa ee soo maray islaamka ee dabar go'ay.
Hadaba Soomaalida waxaa la gudboon in aanay dameeri-dhaan raacday noqon, ee ay diinka Islaamka uun ku sinnaadaan, iskana dhaafaan waxan ay ka daba socdaan ee kooxaysiga ah, hana ogaadeen in aanan wax xiriir ah ka dhaxayn islamka iyo kooxahaas, islaamkuna waa diin Ilaahay soo dejiyay, kooxahaasina waa kooxo dan gaar ah wata oo islaamka ku gabbanaya.
Marka qofka muslimka ah waxaa la gudboon in uu diinka uun ku sinnaado oo akhristo kutubta cilmiga ah sida quraanka, xaddiiska, sida bukhaari, muslim iyo kutubta fiqhiga sida fiqhiga afarta madhabadood intaas ayaa ku filan, dabadeedna siirada nabiga iyo wixii la mid ah, kadibna taariikhda muslimiinta iwm, marka intaas ayaa aasaas ah, waxyaabaha kale ee kooxahan wadaan waa kufri iyo fasahaad iyo bidco, marka soomaaliyay jahliga iska dhaafa, indhaha fura, waligiin dad uun baad daba socotaan sidii xoolihii, caqli iyo cilmi aad adinku ku socotaan miyaadan lahayna? maxaa inagu khasbay in aan daba dhashlayno kooxahaas fallaagada ah, kitaabka iyo sunnada iyo madhabtii imaam shaafici ma idinku fillaan waayeen?!! subxaana laahi, ilaahow idin soo hanuuni.
- Saturday, October 15, 2005 at 11:08:59 (CDT)
- Su'aal: Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
Salaan kadib, sheekhoow su'aashaydu waa:
Haddaad tahay wadaad Somaliyeed oo diinta ku fiican maxaa kuugu wacan weerarkan aad ku hayso walaalahaaga kale ee islaamka iyo somaalidaba ah? miyayna fiicnayn in aad intaad weerarkan iska dhaaftid dadka aad diinta si fiican u barto haddaad wax ku dhaanto.
Kooxahan aad ugu yeerto ama loogu yeero itixad, akhwaan muslimiin, taxriir waxaad sheegtaa in ay caabudaan dad. maxaad taa ku cadaynaysaa. Sawnaga og in aan ilaahay mooyee cid la caabudaa 00 kale aanay jirin. Islaamku waa mid sideedaba, kooxo in la noqdana waa laga fiican yahay. Mise weerarkan dana gaara ayaad ka leedahay ee hor ilaahay kaama aha?
Fadlan ka soo jawaab. oo kaga soo jawaab webkaagan, waad mahadsan tahay.
Ahmed Ali <Aali>
- Thursday, October 13, 2005 at 20:35:14 (CDT)
- Jawaab: Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
Assalaamu Calaykum, walaal jawaabta su'aashaada hore waa sidan: Ma bannaana in qof muslim ah la gaaleeyo, qofkii gaaleeyana asiga ayaa gaal noqonaya, haddii aanan midka hore gaal ahayn. Sidoo kale waa gaalnimo in Islaamnimada iyo gaalnimada la isla mid dhigo, iyo in muslimka gaal laga dhigo. Marka sidaa ula soco walaal.
Su'aasha labaadna, walaal wixii daruuro kuu hayso sideeduba way bannaanyihiin xataa haddii ay markii hore xaaraan ahaayeen, diinkeennuna waa fudud yahay ee ma culusa, culumaduna waxay qabaan in aanay burrinayn soonka wixii dhegta la gelsho haddii aanan wax qoyaan ah lagu shubin.
Dr. Hersi aw Mohamed
- Thursday, October 13, 2005 at 02:03:21 (CDT)
- Suaal: Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
Waxaan si sharaf leh idinkaag codsanayaa in aad iga siisaan arintan jawaab: su'aashu waa:
1. Qof islaam ah qofkii gaalnimo u ictiqaadaya ama yiraahda waa gaal xugunkiisu waa maxay?
2. Su'aasha kale waa, hadii qof soomani uu dhagaha iska qoryeeyo isagoo daruuro ay u gaysay. Waxaa jira xanuun xagga dhaga ah. Soonku ma ka jabayaa? iigu soo gudbiya jawaab waafi ah cinwaan kagyaga wasalaamu caleykum
warsame <warka16>
- Thursday, October 13, 2005 at 02:03:21 (CDT)
- Jawaab: Sheekhow iisoo ducee..
Walaal waad mahadsantahay, waana kuu soo duceeyay, waxaanna Ilaahay kaaga baryayaa in uu wixii khayr ah ee aad jeceshahay wu siiyo oo fahmo fiican ku siiyo cilmigana kuu nuursho.
Haddii aad cinwaankaaga iisoo dirto waxaan boostada kuugu soo dirayaa kitaab yar oo Carabi ku qoran oo ay ku yaallaan Ducooyin ma'thuuraada ah iyo CD-yo duruus Islaami ah oo soomaali ah ku duubantahay si aad u dhagaysato. Waad ku mahadsantahay xiriirinta.
Dr. Hersi aw Mohamed
- Wednesday, October 12, 2005 at 19:56:03 (CDT)
- Suaal: Sheekhow iisoo ducee..
Aslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaaduhu, sheekh salaantaas kadib sheekhoow waxaan kaa codsanayaa in aad ii soo ducaysid, ood waliba iigu soo ducaysid fahmada, (macnihii school ayaan aadaa, so waxaa ihaysa fahmo daro, quraankana in aan barto ayaan jaclahay, marka sheekh illahay khayr ha ku siiyee ii soo ducee, hadii ay jiran ducooyin la akhristo ii soo sheeg. Waxaan kuu rajaynayaa wanaag badan aduun iyo aakhro
khadra <zahaam01>
- Wednesday, October 12, 2005 at 19:56:03 (CDT)
- Mahadnaq: ajar iyo xasanaad ha kaasiiyo jawaabtaad ii soo jawaabtay..
Aslaamu calaykum waraxma, sheekh illahay ajar iyo xasanaad ha kaasiiyo jawaabtaad ii soo jawaabtay taladaadana waaan qaatay sheekh, inkastoo sheekh uusan aabaheey iyo aniga aanan isku wadan aanan ku nooleeyn hadana insha allaah sida fiican ayaan suubinaayaaa marlabaad waaad mahad santahay
khadro <khadro>
- Wednesday, October 12, 2005 at 19:26:57 (CDT)
- Jawaab: Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa..
Aslamu calaykum, walaal Khadro sida shareecada Islaamku qabto guurku waa in uusan qarsoodi ahaan oo la iclaansho dadkana la ogaysiiyo, taasi waa marka dadka kale laga hadlayo, laakiin kolka aabaha ama waliga laga hadlayo, guurku maba ansaxayo la'aantiis.
Marka walaal ma bannaana in aad guursato nin ayada oo aan aabbahaa ogayn, waa haddii uu kula joogo.
Aabbaha ama waliga kale ee sida walaalka ah waxaa laga kaaftoomi karaa haddii uu ama maqanyahay ama uu sabab aan shacrci ahayn ku diiddo in uu gabadha baxsho oo mehriyo. Kolkaa qaalliga ama sheekha ayaa mehrin kara, ayada oo aan asiga laga idan qaadan, laakiin maadaama uu joogo oo uusan waxba diidanayn waa waajib in laga idan qaato.
Madaahibta muslimiinta qaar ayaa u bannaynaya in gabadhu ismehrin karto wali la'aan haddii ay qof garaadsatay tahay oo ay wayntahay ama ay guur horey u soo aragtay sida madhabta xanafiyadu qabto.
Marka walaal warkii oo kooban haddii aad gabadh yar oo aan horey u guursantahay waxaa kugu waajib ah in aad ogaysiiso guurkaaga aabbahaa ama waligaaga maadaama aanuu waxba diidanayn oo uusan wax sharciga khilaafsan idinku khasbayn, taasna maslaxaddaada ayaa ku jirta, maxaa yeelay wiilka aad leedahay wuu fiicanyahay oo waan isfahamnay, waxa uu noqon doono lama oga, sidaa darteed aabbahaa wuu kaaga khibrad badanyahay dhinacaas, wax aan mustaqbalkaaga u wanaagsanaynna aabbahaa fali maayo oo mustaqbal fiican buu kula jecelyahay, marka sidaa u fahan arrinka, towfiiqdana Allaha ku waafajiyo.
- Tuesday, October 11, 2005 at 19:42:57 (CDT)
- Su'aal: Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
Aslamu calaykum waraxma, sheekh salaantaas islaamka kadib. Sheekhoow nin ayaan sheekaysanay, waxuu lahadlay aabahay, kadib waxuu ku yiri aabahay: adeer markaan soo diyaar noqodo ayaan kuu imaanayaaa, markaa kadib waxaan go'aan ku gaarnay aniga iyo asaga in aan hoos iska mahersano, marka arintaas kawaran aabahay oon ogayn. mark ma danbi ayey igu tahay? hadhowna aan maher wayn oon aabahay ogyahay aan samaysano
khadro <khadro2>
- Tuesday, October 11, 2005 at 19:42:57 (CDT)
Next Page..
< < < < Laabo
|