|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
Walaal waxaa iiga kaa muuqata in aad wali yartahay, wiilkana haddii uu sida aad sheegayso yahay waa nin fiican maxaa yeelay wuu ku jecelyahay, laakiin adiga ayaa wali carruur ah oo dhallinyar, markii lagugu derayayna waxaa ii muuqata in aanan markii hore lagaala tashan.
Sikastaba ha ahaatee, waxaan kugula talin lahaa in aad sugto inta aad ka garaadsanayso oo aad ka fahmayso qiimaha uu leeyahay guurka iyo wiilka lagugu deray oo aadan degdegin, hooyadaana la tasho oo ka baro waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee loo baahanyahay in aad barato si aad ula dhaqanto ragga.
Dhinaca sharciga cid kaa furi karta malaha wiilkaas iskamana fasaqi kartid haddii uusan asigu ku furin, maxaa yeelay sida aad sheegayso wax ceeb ah oo lagu diido malaha wiilku si sharci ah ayaadna ku guursatay adiga oo raalli ah ama aan diidin markii hore ee waalidkaa ku mehrinayeen, marka waxaan kugula talinayaa in aad la heshiiso oo aad ninkaaga u laabatid oo aad ama la dhaqantid ama ka dhaadhiciso in uu iska kaafuro.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
- Sunday, June 30, 2002 at 20:28:18 (CDT)
- Suaal: Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
Salaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatu;
suaal aan qabo ayee waxeey tahay hooyadeey aa ii soo bandhigtay inaan guursado wiil habaryarteey dhashay waana ka aqbalay waan is guursanay anigoo 14 jir ah asagana waa 23 jir markaan is guursanay sanadki 2000 mudo laga joogo laba sano ka dib isla habeenkii ninkeeyga waa nin waxba ka qaldaneeyn raganimadiisa laakiin aniga aa waxaan u arkaa walaalkey oo kale sida aan ku iriba walaalkeey oo kale ayaa tahay
asaganeh iguma ogolaan wuxuu iga rabay siduu xaqa u leeyahay inuu sida ilaah ogolyahay sariirta u wada tagno aniga laakiin uma arkeeynin sida nin i qaba oo kale walaalkeey aan u arkaayay waana ka diiday inaan la seexdo mudo laba usbuuc ka dib markaan is qabnay ayuu maalin duhur sariirta iigu yeeray waana ka diiday gacan ayuu ii qaaday oo wuu i dilay ha ahaato dharbaaxi iyo inuu darbiga madaxa iigaga dhuftay hooyadeey iyo hooyadiis oo walaalo ah ayaa guriga noogu yimid waana laga heshiiyay.
Waxaan malin kasta ugu cel celin jiray inuuu i furo asaganeh wa igu diiday ugu danbeeyntii asaga oo waxba dhib ama gacan ii qaadan ayaan iskaga tagay wuxuu i leeyahay kuma furaayo aniganeh walaakeey oo kale aan u arkaa oo sida nin i qaba oo kale uma jecli asaganeh waa i jecel yahay lakiin aniga niyad uma haayi ma iska furi karaa asaga oo aan la tashan haduu diiday inuu i furo even though asagoo wax kasta diyar iila ah masruuf iyo marashabo aniga hada hooyadeey ayaan la daganahay magaalo asaga ka dheer mar kasta oo aan is maqalnaba waa u sheegaa inuu i furo marka sideen yeelaa ma iska fasaqi karaa mise asaga ayaan sugaa oo xal waalid ayaan arinta ku xalinaa; haduu diidana maxaan sameeyaa oo isaga furi karaa aniga iyo asagana waxaan wada daganeey laga bilaabo guurkeena luulyo 2000 ilaa noveber isla sanadkaas 2000 ilaa hadaneh islama aanan joogin wabilaahi toofiiq
maysa hussein cali <cimraana69>
- Sunday, June 30, 2002 at 20:28:18 (CDT)
- Jawaab: Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
Salaanta Islaamka kadib, walaal Farxaan waad ku mahadsantahay munaaqashada aad soo gelisay webka iyo sida wanaagsan ee aad xaqeeqada u raadinayso.
Walaal haddii aan warka ka billaabo erayga "lunsanaan" sida aad sheegtay gaalnimo wuu noqon karaa, laakiin erayada waxaa loo fasiraa hadba meesha ay hadalka uga jiraan iyo waxa laga hadlayo. Taas waxaan ka wadaa haddii laga hadlayo muslimiinta, oo la yiraahdo kooxdaasi way lunsanyihiin ama way habawsanyihiin, taas marnaba looma fahmi karo gaalnimo, mana aha sida aad u sheegtay ee aad tiri quraanka ayaa lagu sheegay erayga, quraanku wuxuu is barbardhigayay kufaarta iyo muslimiinta kolkaas buu yiri, qoladaas kufrisay way lumeen, marka lunsanaantu waa sifo ka mid ah sifooyinka kufaarta sida quraanka loogu adeegsaday eraygaas, waase marka laga hadlayo gaalada.
Laakiin marka kooxaha muslimiinta iyo firqooyinkooda laga hadlayo, macnuhu maaha sida aad u fahamtay, ee waa sida aan kuugu sharxay. Teeda kale, erayga shar, wuxuu leeyahay macne aad u ballaaran, kolka aan ku leeyahay waa kuwa ugu sharbadan kooxaha macnaha waxaan wali ka hadlaynaa kooxaha muslimiinta ah, waana xaqeeqo in ay labadaasi ugu dhibaato badnaayeen kooxahaas, maxaayeelay ayaga ayaa ugu xoogbadnaa, dhibaato badnaantuna waxay ka timiday halkaas.
Hadal iyo dhammaantiis, haddii aad walaalow doonayso in aad aad uga dooddo masaa'ilkaas, isu soo kaaya sheeg, si aan u ogaanno xaalkaaga iyo majaalka aad ku takhasustay, si aan warkaaga miisaankiisa u qiyaasno, oo aan adigana hadal kuu qalma kuugu jawaabno, meeshan hadalka aan ku qorno, waa hadal waano iyo tusaalooyin iyo hadal kuud oo kooban badanaa ah ee maaha hadal loogu tala galay dad mutakhasisiin ah, marka walaalow sidaas ula soco xaalka.
Intaa kabacdi, waxaan doonayaa in aan laba eray kaa iroohdo waxyaabihii aad tilmaantay ee aad tiri, jawaabtaydii hore kuma aadan qancin.
1. Marka hore, waxaa ii muuqata in aad ku qanacsantahay waxii aad adigu aaminsantahay, laakiin munaaqashadaadu maaha mid sabab u ah qaneecadaada, sababta oo ah, waxaad igu diidaysaa war sugan oo kutubta culumadu ku caddeeyeen, tusaale ahaan Maxamad al-Gazali hadalka uu ka yiri akhwaanka ee ah in ay kooxdaasi ka baxday dariiqii toosnaa oo ay gacanta u gashay "Maasooniyada" (ufiirso, Sahyuuniyad ma dhihin anigu, ee waxaan iri, Maasooniyo) farqi baana u dhexeeya labada eray. Sheekhu wuxuu ku qoray hadalkaas buug uu asiga laftiisu qoray oo la yiraahdo humuumu daaciyah, marka waxaa la yaab leh in aadan adiga oo aanan akhrin buuggii sheekha oo aanan hadalkiisii soo ogaan aad igula murmayso sheekhu warkaas ma dhihin, kolka halkaas waxaa iiga cad in aadan ahayn nin qaneecaadkiisu uusan cilmi ku fadhin ee uu ku fadhiyo wixii aad uun jeceshahay, waxaanna jeclaan lahaa in aad isu keen sheegto si aan qirada warkaagu inta ay dhantahay u ogaanno.
Sidoo kale, waxaad ka hadashay wadaaddada salafiyada ah ee aad sheegtay, warkaaguna wuxuu u egyahay sidi qof soo maqlay waxa uu sheegayo, ee uma eka nin inta wax soo dersay soo dharaandhirshay, maxaa yeelay, kifaayo maaha in la yiraahdo hebel iyo hebel Nabiga (CSWS) iyo asaxaabtiisii qofna ugama dhawayn!! warkaasi maaha war culumo.
Tan kale, anigu uma horreeyo qof yiri, wadaaddadaas caqiidadoodu waa tajsiim iyo tashbiih, ee mas'aladaasi waa wax la ogyahay, waxayna soo jirtay tan iyo qarnigii taabiciyiinta, Waana la ogyahay in Axmad bin xambal iyo inta madhabtiisa qaadatay sida Ibn Taymiya iyo Ibn Qayyim iyo Ibn Cabdilwahhaab iyo Ibn Baaz iyo Albaani iwm, ay caqiidadaas tajsiimka ah qabaan, miyaadan maqal shaacirka ku gabyay "wa in qultu xambaliyan -- qaaluu xuluuliyun baqiidun mujasami".
"Wa in qultu min ahlil-xadiisi --- qaaluu taysun laa yadrii wa yafhamu"
Wuxuu ka wadaa, haddii aan dadka ku iraahdo "Xambali" baan ahay waxay leeyihiin Xuluuli nacala qabe ah oo mujasimo ah baad tahay! Haddii aan ku dhaho ahlul xaddiis baan ahayna waxay leeyihiin, Orgay aanan waxna aqoon waxna fahmayn baad tahay!
Hadalkaa waxaa gabyaagaasi yiri qarnigii lixaad ee hijriyada, marka hadalkaygu maaha wax cusub laakiin waxaa ii muuqata in uu adiga kugu cusub yahay.
2. Arrinka kale ee aad sheegtay ee ah in xaqeeqada la raadsho ayaa wanaagsan waaba isku raacsannahay waana kii aan hortaa aniguba iri, waxaa kale oo aan kugu raacsanahay in qofkii samaan fala samaantiisa loo qadersho, laakiin taas macnaheedu maaha in khaladkiisa la qarsho ama dadka lagu khaldo ayada oo wanaaggiisa kaliya la soo bandhigayo, waliba waxaan ra'yi ahaan qabaa in khaladkiisa laga digo ayaa waajib ah, inta aanan samaantiisa la sheegin, sidaas ayaana nabigu (CSWS) yeelay, kolkii ay haweeney u timid ee ay kala tashatay guurkeeda 3 nin oo asaxaabta ka mid ahaa, kolkaas buu u sheegay nin kasta waxa uu ku xunyahay.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Sunday, June 23, 2002 at 08:36:35 (CDT)
- Aragti: Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
Asalaamu Calaykum,
Walaal Xirsi horta anigu ma jecli inaan dood aan u jeedo lahayn galo, midaad tidhi takhasusukaaga soo sheeg anigu waxaan ku takhasusay cilmiga Computer, laakiin in kastoonan Caalim wayn ku ahayn diinta islaamka hadan aqoon fiican ayaan ka haystaa, markaa kolay sidaan imika ka fahmay qoraaladaada arinkaad ku khilaafsantahay qolooyinkaad magacawday maaha wax imika bilowday ee waa arin qoto dheer.
Waayo waxaad ku soo xustay jawaabtaadii dambe inaad xataa Imaamu Axmed Binu Xanbal ka sheki santahay caqiidadiisa taana waa arin dhibkeeda leh waayo Axmed Binu Xanbal caqiidadiisu waxay ahayd tii Imaamu Malik, Shaafici,Abu Xaniifa, Saxanu Basri, iyo taabiciyiintii kale, iyo weliba Bukhaari, Muslim, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayyim iyo muslimiintii joogtay quruuntii dahabiga ahayd.
Markaa walaal malaa adigaa axmed binu xanbal siiyay caqiido kale ee waxba kagamuu duwanayn, hadii caqiidadiisa wax ku jireena kuwaas ayuunbuu la caqiido ahaa, laakiin waxaa jirtay wakhtigiisii Fitnadii ay Tuctasilada iyo dadkii cadowga u ahaa caqiidadii toosnyd ay fidiyeen ee ahayd Quraanku Waa Khalqi taana ilaahay fadligiisa ayuu Imaamkaasi ku joojiyay, markaa anigu ma garanaayo meel axmed binu xanbal iyo culimadii kale sida Ibnu Taymiya iyo ardaygiisii Ibnu Qayyim ku dheheen ilaahay wuxuu shabahaa khalqigiisa taasi waa arin qoloyin kale ku dheceen laakiin meelna kuma cada taasi, haday ilaahay u sugeen sifooyin waa sidii Imaamu Maalik uu ku yidhi markii la waydiiyay Al-Istiwaa.
Walaal si kastaba ahaatee kolay aniga waxa ila fiican in lagu dadaalo wixii maanta umada wax u taraya waayo mawaadiicdaa sifooyinka ilaahay mar ayaa khilaafkoodu socday laakiin imika wuu dhamaaday markaa wax tegay in laysku mashquuliyo ma haboona, adiguna Diktoor waxaad ka midtahay dadka laga sugaayo inay umada Somaliyeed ka saaraan dhibaataday ay maanta ku jiraan. Hadii aad ku lumisid wakhtigaaga waxaan adiga iyo muslim kale midna faiido uugu jirin oo muran iyo khilaaf abuuris ah taasi dhibaatadeeday leedahay.
Walaal hore ayuu walaalkeen Deeq kuu yidhi ku dadaal wixii muda Somaliyeed isku soo dhawaynaya oo hasii kala fugayn laakiin markii aad ku sheegtay mudoo wax loo qabto Riyo iyo waxaan adiga masuuliyadaada ahayn ayaan aad u niyad jabay. Walaal hadalkoo kooban hadii aad leedahay, aniga tani waa shaqadayda oo wanaag ayaan u arkaa, bal waynu eegi halkaa isla gaadhaan. Waad mahadsantay.
Farxaan <Farxaan200>
- Monday, June 24, 2002 at 06:19:34 (CDT)
- Jawaab: Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
Walaal Farxaan, Salaanta Islaamka kabacdi:
Labadaadii su'aalood intaanan ka jawaabin, marka hore waxaan kuu fasirayaa waxa looga jeedo "lunsanaan", eraygan horta sida aad u qaadatay maaha macna waxaad u fahamtay (Kufaarnimo), sidaasna maaha macnihiisu, maxaa yeelay, annagu ma aanan dhihin Akhwaanka iyo Wahhaabiyadu waa kufaar, mana aanan dhihin hebel iyo hebel waa gaalo, ee waxaan dhahnay kooxahaasi waxay aamninsanyihiin figrado caqiido oo khalad ah waxayna ku socdaan manhaj aanan ahayn kii ahlusunnada.
Marka taas macnaheedu maaha in ay gaalo yihiin ee waa in ay ahlu bidco yihiin, oo aanay ku joogin dariiqii toosnaa ee ahlusunnada ee ay culumada Islaamku jideeyeen.
Tusaale haddii aan kuu soo qaado, muctasilada iyo qadariyada iyo shiicada qof tiri waa gaalo ama waa kufaar ma jirto, islaam in ay yihiinna shaki kuma jiro, culumaduna way isku raacsanyihiin, intaanan wahhaabiyada ka ahayn.
Laakiin waxaa culumadu dheheen kooxahaasi ma haystaan dariiqii ahlusunnada, sidaas ayaana loo yiri, waa kooxo bidci ah oo waxyaabo cusub oo aanan ahlusunnadu jidayn ku soo deray diinta, kolka waa kooxo lunsan.
Marka kolka aan leenahay kooxahaasi waa lunsanyihiin, waxaan uga jeednaa waa kooxo waxyaabo bidco ah diinka ku soo deray oo dhibaatooyin keenay, oo ka leexday dariiqii ahlusunnada iyo waddadii ay jideeyeen culumada afarta madhabadood ee muctamadka ah.
Haddii aan kolka u soo laabto, jawaabta su'aalahaaga:
1. Horta culumada aad sheegtay waa shakhsiyaad, mana aha sida aad tiri dad kooxahaas hoggaansha dhammaantood, Sheekh maxamad al-Gazali wuu ka baxay akhwaanka, kolkii xasan al-bannaa la dilay, wuxuuna sheegay in ay kooxdaasi gacanta u gashay maasooniyada caalamiga ah, marka u fiirso wadaadkaas warkiisa, allaha u naxariistee, waa hadde ninkii kooxda wax ka aasaasay asiga iyo sayyid saabiq way ka baxeen kooxda kolkii xasan al-hudaybi loo dhiibay, wuxuuna sheekh Gazaali yiri, kooxdaasi way ka leexatay dariiqii toosnaa waxayna gacanta u gashay maasooniyada caalamiga ah, warkiisa ayaana qaadanaynaa maxaa yeelay asiga ayaa xogogaal u ah, kolka ma garanayo meesha aad ka keentay hadalkaaga ah in maxamad al-Gazaali allaha u naxariistee uu hoggaaminayo kooxda akhwaanka!!
Yuusuf al-Qaradaawi haddii aan kaga hadlo, waa nin labawajiile ah oo siyaasi ah, wuxuu xirtaa koofiyadda azhariyiinta ee guduudan ee cimaamadda cad dhexda uga xirantahay, wuxuuna doonayaa in uu dadka ku khayaamo oo u muujiyo in uu yahay azhari, laakiin waxaan ognahay in uu akhwaan macangag ah yahay.
Sikasta oo u magacdheeryahay Yuusuf al-qaradaawi, Islaamka ma matalikaro, Islaamku halqof kuma xirna, si kasta oo uu u caanbaxo, koolley waa nin dadaalkiisa ayaana lagu qiimaynayaa, wax wayn oo qiimo leh oo uu hadda Islaamka ku soo kordhiyayna anigu ma arag. Buugtiisa badankeedu waa waxyaabo uu soo naqliyay wax ibdaac ah oo nuxur lehna kuma arag. Marka haddii uu aaminsanyahay caqiidadii Ibn Cabdilwahhaab iyo tii sayyid qutub, waxaa habboon in caqiidadiisa laga taxadero oo aan lagu hodmin, laakiin sida iiga muuqata wadaad azhari ah buu isu ekaysiiyaa mana isku magacaabo in uu akhwaanka madax u yahay, marka u fiirso taasna, caqiidada rasmiga ah ee al-azharna waa tii ahlusunnada iyo jamaacada.
Waxaa kuu soo haray Mowduudi, waa nin mujtahid ah khayr allaha siiyo, laakiin figradihiisa meelo aanan toosnayn baa ku jira, mana aha nin akhwaan ah oo xarako hoggaansha ee wuxuu aasaasay kooxda baakistaan joogta ee loo yaqaan jamacat Islaami, asiga iyo shan kale, oo uu ka mid ahaa Mascuud an-nadavi.
Sikastaba ha ahaatee, Kutubtiisa dacwada ah wadaadkaas wax xumaato ah kuma arag, laakiin wuxuu ku khaldamay masaa'il siyaasadda ku saabsan waxaana ku kallifay duruuftii ay ku jireen muslimiinta Hindiga ku dhaqnaa waagaas. Waxaana sidoo kale ku dayday oo sida uu ugu khaldamay ugu khaldamay sayyid qutub oo asiguna waliba intaas ku deray khaladad caqiido ah iyo kuwa sharci ah oo aanan xad lahayn, kutubtiisa ayayna ka buuxaan waxaasi.
Haddii aan u soo laabto, Ibn Baaz iyo Cuthaymiin iyo Naasir addiin al-albaani, iyo wixii la halmaala ee ah culumada wahhaabiyada, nimankaas caqiidadoodu waa wahhaabiyo waana caqiido tajsiim iyo tashbiih ku salaysan, waana caqiido aanan waafaqsanayn caqiidada ahlusunnada iyo jamaacada, culumada oo dhanna way ogyihiin arrinkaas, sidaa darteed waa caqiido aanan toosnayn, waxaana ku waajib ah qofka muslimka ah in uu ka fogaado caqiidooyinkaas fasahaadsan.
Sikastaba arrintu ha ahaatee annagu shakhsiyaad gaar ah ma siinayno wax ahamiyad ah, qofku xaq buu u leeyahay in uu ijtihaado haddii uu caalim yahay sida nimanka aad sheegtay, dhammaantood waa culumo way ijtihaadeen waxna way ku saxnaayeen meelana way ku khaldanaayeen, marka annaga waxaa inagu waajib ah in aan khayrkoodana ka faa'iidaysanno, shartoodana ka fogaanno, ee maaha in aan wixii ay dhahaanba aan sidii quraanka u qaadanno.
2. Su'aashaada labaad waxay ku saabsanayd, qolyaha aad ku sheegtay Suufiyada ee aad tiri Soomaaliya ayay joogaan, waa runtaa in ay joogaan waana ogahay, laakiin kooxahaas shartoodu ma gaarayso sharta ay dhaliyeen kuwa aan kor ku soo sheegnay, wixii ay doonaan ha aamineen, waa la ogyahay masaa'ilka aad sheegtay ee ah tawasulka iyo tabarugga iyo istigaathada iwm, waa masaa'il waligoodba jiray oo culumadu isku khilaafeen, wax cusubna maaha. tan kale, aniga waxaa muhiim ii ah hadba wixii muhiim ah, waxaan xoogga saarayaa wixii markaas dhibaato ku haya ummadda sida Itixaadka iyo Akhwaanka iyo dagaaloogayaasha dhammaan waa isugu kaymid, suufiyada haddii sharteedu soo baxdo oo ay belo falkiyaan ayagana sidoo kale ayaa inshaa allaahu muslimiintu isaga qabanaysaa, laakiin sida aan wada ognahay, qolyahaas aad sheegtay hadda wax wayn oo dhib ah soomaaliya iyo dunida Islaamka kuma hayaan, waa kooxo yaryar oo aanan lahayn awood ay ama ku dagaal galaan ama siyaasad ku afduubaan ama dhaqaale ku boobaan sida Akhwanka iyo Itixaadka.
Hadalkii oo kooban, wixii dhib wada waa in farta lagu fiiqo oo muslimiinta looga digo, waxaan u malaynayaa in aadan taas igu diidanayn. Tan xigta waxaan u malaynayaa in aadan igu diidanayn in Ittixaad iyo Ikhwaan Soomaaliya iyo dunida Islaamka inteeda kaleba dhib wayn ka gaysteen walina ka wadaan.
Ilaahay in uu nuurka cilmiga ku tuso baan kuugu ducaynayaa, kooxahaas waa sida khamriga, ninkii gala caqliga ayaa doorsoomaya, kolkaas buu sidii qof sakhraansan oo kale uga dabadhacdhacayaa!! Cilmiga iyo aqoontana waa laga indha saabayaa, kolkaas buusan fahmayn wax aanan ahayn waxa ay kooxahaasi sheegayaan!!
Waxaan rejaynayaa in aan ka jawaabay su'aalahaagii.
Wabillaahi attawfiiq, wal hiddaayah.
Wallaahu subxaanahu watacaala aclam.
Dr. Hersi 2garre. <Hersi@2garre.com>
- Saturday, June 22, 2002 at 07:19:44 (CDT)
Aragti: Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
Salaamu Calaykum,
salaan ka dib, walaal marka hore waad ku mahadsantay jawaabtii aad ka bixisay Su'aalahaygii.
Hase yeeshee walaal kumaan gancin jawaabtaadii su'aasha hore, sababa badan agood.
Anigu Farxaan ahaana cidna uuma garbinayo ee wixii aan xaq u arko ayaan raadinayaa,
xaquna dhinac kasta wuu ka iman karaa diinteenuna waxay
ina faraysaa inaynu xaqqa ka qaadano cid kastoo la timaada,
markaa Dr Xirsi anigu waxaan ahay xaq raadis sidaa darteed
ayaan su'aalahan kuu soo waydiiyay, laakiin walaal arinta haboon inaynu had iyo jeer
ugaanno waxa weeye in cidii wanaag samaysa loo celiyo fadliga oon looga soo horjeesan
kala fikirbaa tihiin ama kala urur, taasina waa waxa dhibaatada keenay maanta.
Walaal hadaan hadalkaygii usoo noqdo,waxaad iigu soo jawaabtay inaanad cidna gaalo ku sheegin,
laakiin Qolooyinkaad magacawday aad ku sheegtay inay Lunsanyihiineen,
sida la ogyahayna marka qof lagu leeyahay wuu 'LUNSANYAY' waxay
la mid tahay qof lagu yidhi waa gaal waayo kalmada LUNSAN macnaheedu waa sidaa
hadii loo eego carabi iyo hadii loo eego somaliba, ilaahayna dadkuu
ku tilmaamay inay LUNSANYIHIIN waa gaalada ee maaha qof muslim ah
mana haboona in qof muslim ah sheego inuu lunsanyahay, waayo qofka
lunsani waa mid jidkii islaamka ka lumay kii Naartana qaaday, markaa walaal anigu
waxaan u arkaa dadkaad ku timaantay inay lunsayihiin inaad uula jeedo way ka baxeen diintii,
qof walibana sidaa ayuu u fahmayaa maqaaladaada, markaa hadii aad leedahay
waa muslimiin ee fikir ayaanu isku haynaa dee inaad marka horeba
noo cadayso ayay ahayd oonad adeegsan kalmadaha halista ah.
Mida kale waxaad ku sheegtay inay Ahlu bidco yihiin, taasaana sii cadaynaysa
inay ka leexdeen jidkii toosnaa ee Nebegu la yimid waayo Bidca waa in diin laga dhigto
waxuu qofku isagu samaysto oo Sunadii Nebega laga tago, qof hawadiisa raacay oo dariiqii toosnaa
ka baydhayna waa gaal sida ku cad quraanka, waxa kaloo hadaladaada ka mid ahaa inaad ku sheegtay
inay yihiin kuwa uugu shar badan khalqiga ilaahay, taa macnaheedu waa xataa gaalka way ka shar badanyihiin,
Dr Xirsi markaa maxaad kaga tagtay wax ku sahlanayd inaad aayar iska tidhaahdo waa gaalo ee ka dheeraada.
Walaal mida kaleen fahmi waayay waxa weeye midaad Culimada ka sheegtay tusaale ahaan,
waxaad tidhi Sheekh Mohed Qazaali ilaahay ha u naxariistee muu ahayn Ikhwaan waaxaanu
ku tilmaamay Ikhwaanka inay Sahyooniyad yihiin,
walaal midaa kuguma raacsani waayo taariikhdu way qorantahay, sheekh M qazaalina
marna kumuu sheegin ikhwaanku inay sahyooniyadi ka dambayso mid caqliga geli kartana
maaha waayo sahyooniyadu waa tii dishay ninkii aasaasay Xasanu Banna ikhwaanka
ilaa maantana dagaalka kula jirta, sheekh qazaalina in kastaanu xubin ka ahayn Ikhwaanka hadan
sida kutubtiisa iyo dacwadiisiiba ku cad waxuu aaminsanaa Fikirka Ikhwaanka,
laga soo bilaabo bilowgii ilaa intii uu ka geeriyoonayay.
Walaal mida kale eed ka sheegtay Sheekh Yusuf AlQardaawi waa arin aad
u xun in caalim muslim ah lagu tilmaamo laba wejiile ku gabanaya diinta,
anigu shakhsiyan mudo dheer ayaan la soo noolaa sheekh Yusuf AlQardaawi markaa
sida gaal iyo muslimba ogyahay waa indhaha kaliya ee maanta umadu haysato,
waxaan filayaa inay halkaa kaa yara qaloocatay waayo waxaanad aqoonin waa in laga fugaadaa.
Walaal arinta kale eenan ku qancini waxa weeye midaad ka sheegtay Culimada imika inaga hooseeya
ee Sheekh Ibnu Baaz, Albaani,Caysamiin ilaahay dhamaantioodba ha u naxariistee,
waxaad ku sheegtay inay ka leexdeen dariiqii Ahlusuna wal jamaaca taasi
run maaha waayo sida la ogyahay cid uuga dhowi ma jirto culimadaas caqiidadii
Ahlu suna wal jamaaca(saxaabadii iyo dadkii suubanaa),wakhtigoodii ayay u hureen sidii
ay dadka u gaadhsiin lahaayeen diinta toosan.
Walaal Dr Xirsi anigu sidaan horeba kuugu sheegay wixii aan wanaag u arko
waan qaadanayaa wixii xumaan ahna waan ka tegayaa waxba igama gelin magacuu
sheeganayo waayo asalku waa Kitaabka ilaahay iyo sunada Nebiga, wixii ka soo
hadhaa waa hadal bani aadam khalad iyo saxba wuu yeelahay,markaa waxa ila fiican
in loo celiyo wixii laysku qabto asalkii oo laga tago tacasubka, sida qabiilka
qof waliba jeebka ku sito. Qofkana haduu khalad ka dhaco waa in lagu dadaalo
sidii loo sixi lahaa iyadoon wax loo dhimi, sidaa ayay diinteenu ina faraysaa.
walaal waxaan filayaa inaan maqaalka dheereeyay laakiin waxay iga tahay sida fiican ku dadaal.
Mar labaad waad mahadsantahay.
Bye Farxaan.
Farxaan <farxaan2000>
- Sunday, June 23, 2002 at 01:35:41 (CDT)
- Assalaamu Calaykum,
Salaantaa islaamka ka dib, Dr Xirsi waad ku mahadsantahay dadaalkaad wadid, laakiin waxaan ku soo waydiin lahaa laba arimood oo aan doonayo inaan wax ka ogaado waayo kumaad cadayn markaad ka hadlaysay dadka lunsan:
1: Waad sheegtay Dr Xirsi dadka sheegta Wahaabiya, Ikhwaan, Tabliiq, Salafiya, Jamaacatul Islamiya iyo qaar kaloo badan inay wada lunsanyiin. Markaa arinta aan ii cadaanini waxa weeye kol dahay dadkaasi lunsanyihiin muslimna aanay ahayn taa macneheedu waxa weeye wadaada dadkaa hogaamiyaa way lunsanyihiin Sida : Sheekh Yusuf Al- Qardawi, Sheekh Ibnu Bas, Sheekh ibnu Caysamiin, Sheekh Albani, Sheekh Shacraawi, Sheekh Qazaali, Sheekh Abu Xasan AlNadawi, Sheekh Sayid Qudub, Sheekh AlMawduudi, Sheekh Fatxi Yakun, sheekh maxamed iliyas iyo culumida kale ee hogaanka u ahaa ururadaa, waayo walaal noomaad kala saarin markaa si layskaga ilaaliyo qolooyinkaa waa in layska ilaaliyaa miyaa culimadaas aan kor ku ku soo xusan iyo culimada somaliyeedba ee dalka dacwada ka wada.
2: Arinta labaad waxa weeye walaal waxba kamaad sheegin qolooyin wadaado ah oo dalkeena mudaba ku noolaa waa qolooyinka Suufiyada ku waasoo aaminsan waxyaabo khuraafaad ah sida qubuuraha loo laga ducaysto iyo arimo badan oon diinta islaamka asal ku lahayn, iyagu maka midyihiin qolooyinka lunsan ee haboon in layska ilaaliyo.
walaal aladaa suaalood ayaan doonayaa inaad iiga soo jawaabtid.
Waad mahadsantahay.
Bye Farxan
Farxaan <Farxaan2000>
- Saturday, June 22, 2002 at 00:54:32 (CDT)
- Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
Walaal waad ku mahadsantihiin taageeradiinna, waxaan ilaahay ka rejaynayaa in dadwaynaha Soomaaliyeed dhibaatada uu ku jiro ka baxsho. Sida aan wada ognahay dadwaynaha soomaaliyeed meel kasta ha joogee, hana ugu darraadeen kuwa soomaaliya ku noole waxay marayaan marxalad aad u arag oo lagayaabo in ay keento dabargo' ku yimaada ummaddaas muslimka ah ee tiradeedu gaarayso 10 milyan.
Sababta ugu wayn dhibaatadaas waa jaahilnimada iyo ismaqal la'aanta waxaana ka dambeeyay oo cudurkaas keenay kooxaha isku sheega in ay dacwada islaamka halkaas ka wadaan, maxaa yeelay umadda soomaaliyeede ayada oo hal madhab ah haysata (Shaaficiyo) oo culumadeeda iyo mashaa'iikhdeeda ka dambaysa oo wadaaddada la ixtiraamo oo laga baqo oo diinka la ixtiraamo oo laga baqo oo la dhowro ayaa waxaa yimid waxa loo yaqaan Wahhaabiyada Ittixaadka Iyo Akhwaanka, kolkaas bay dheheen Shaafici waxba ma yaqaan oo suufiyo waa kufaar, sheekh warkiisa yaan la dhegaysan, ee ninwalbow kitaabkaaga adigu sidii aad doonto u fasiro.
Taas daaye xataa waxay dheheen nabigu barako malaha oo karaamo malaha!! Subxaana laahi, waa hadalkii Maxamad Bin cabdulwahaab aabbihii wahhaabiyada kaas oo dhihi jiray "Maxamad wuxuu ahaa "dhaariq" wuxuu kawadaa (boostaale!!) ninka waraaqaha dadka u geeya ee boostada u shaqeeya!
Bal u fiirsada arki maysaan qof kooxda Ittixaadka ama Akhwaanka ku jira oo dadka Ixtiraama ama akhlaaq toosan leh, badankooda waxaan ku kulannay jaamicadaha iyo masaajidda, wallaahi Jordan waxaan ku arkay culumadooda oo (Professero) ka ah jaamicadda kuna jira baarlabaanka dalka joordan oo dadka khayaamaya oo been u sheegaya.
Suudaan sidoo kale, waxaan aragnay safiirkooda jooga Malaysia oo kufsaday haweeney ka mid ah kuwa ay qabaan shaqaalaha Safaaradda. Waxaan ku aragnay soomaaliay kumanyaal dhahaya Rasuulku (SCW) barako malaha!! Waxaan ku aragnay Kacbada horteeda kuwa wahhaabiyo ah oo qofkii la hadla caayaya oo dadka kolka ay tukanayaan fikilaya oo tuuraya!!
Waxyaabahaas oo dhan waa waxyaabo aan indhaheenna ku aragnay ee maaha waxyaabo inookala sheekeeyay. Soomaaliya Ittixaadkeedu wuxuu galay dagaalkii sokeeye, waa la ogyahay meesha uu uga soo haray, iyo ceebta iyo guuldarrada ay ka keeneen.
Akhwaanka soomaaliya wuxuu ka qaybqaatay bililiqadii iyo boobkii Soomaaliya, Ittixaadkuna sidoo kale, waxay ka qaybqaateen been abuurka iyo dilka iyo dhaca iyo qabyaaladda iyo burcadnimada iyo jujuubka iyo xirxirka ay dad aanan dambi lahayn ku xireen waxa ay ku magacaabeen maxkamadaha sharciga ah ee ay ayagu samaysteen.
Soomaaliya Ittixaadkeedu meelaha uu wali ugu xoogbadanyahay waxaa ka mid ah Gedo, bal eega xaalkeedu sida uu maanta yahay, waa meesha soomaaliya ugu xassilloonida daran oo ugu colaadda badan. Sababtuna waa dhibaatada ay meeshaas ka dhalsheen ayaga oo yiri, xabashi baan dalka ka xuraynaynaa!!
Qofkasta oo Soomaali ah waxaan uga digaynaa in ka fogaado kooxahaas, siiba Ittixaadka iyo Ikhwaanka, waa laba kooxood oo intii ilaahay khalqay ugu sharbadan, dhibka ay islaamka u gaysteen qarnigii la soo dhaafay ayaa wali dabkiisii muslimiintu ku gubanayaan.
Dhibaatada kooxahaasi la yimideen oo dhalsheen ma aha mid Soomaaliya kaliya ku siman, laakiin soomaalidu waxay ahaayeen dad caamo ah, mana aysan lahayn aqoon ay ku kala saaraan waxa ay kooxahaasi sheegayaan, taas ayaana keentay in ay ka daba dhacaan huuhaada ay wadaan, markaas baa dhibaatadii xooggeedii soomaalida ku dhacday.
Ummadaha kale ee muslimka ah badankoodu waxay ahaayeen dad diinta aqoon fiican u leh, ama ugu yaraan ay dalkooda ka jireen macaahid iyo jaamicado iyo culumo, marka kooxahaasi kolkii ay ka dhasheen dhulalkaas, dadkii kooxana way qaateen dacwadaas dadka badankiisiina wuu iska diiday.
Bal u fiirso, al-Azhar oo ah jamciyad caan ah oo ay ku jiraan kumanyaal culumo ah ku arki maysid nin akhwaan ah ama wahhaabi ah, taa daaye, xataa culumada al-azhar waxay aaminsanyihiin in ay kooxahaasi lunsanyihiin oo aanay ku taagnayn dariiqa ahlusunnada, waana ku saxanyihiin oo waan ku taageersanahay, maxaa yeelay daliil cad baa taas loo hayaa.
Towfiiqda allaha ina waafajiyo.
Dr. Hersi 2garre <hersi@2garre.com>
- Saturday, June 22, 2002 at 06:24:49 (CDT)
- Taageero: muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
Walaal Isir, marka hore waad salaaman, Kadibna walaal adiga ayaa iiga markhaati ah iyo intii Muslim ah oo caddaaladda iyo runta jecel in ay labada kooxood ee aan sheegay ee ah (Wahhaabiyada ama Ittixaadka iyo Akhwaanka) ay ku caanbexeen kufrinta Muslimiinta aanan kooxdooda ku jirin.
Wahhaabiyada ama Ittixaadka
Wahhaabiyada ama Ittixaadka horta kuwaas u malayn maayo in aad muran ka qabto, maxaa yeelay kutubtooda ayay ku wada caddahay, waadna ogtahay in Ibn Cabdilwahhaab Rasaa'ilkiisa ku yiri: (Ninkii aanan qolyaha wahhaabiyada ka soo horjeeda kufrin waa kaafir, ninkii aanan kaasi diiday in uu kufriyo dadkaas kufrinna waa kaafir).
Macnaha Ibn Cabdilwahhaab ma kufrin oo kaliya dadka ka soo horjeeda wahhaabiyada ee wuxuu xataa kufriyay kuwii diiday in ay dadkaad kufriyaan, wuxuuna hadalkaas ku caddeeyay kutubtiisa iyo rasaa'ilkiisa, atbaacdiisa maanta joogtana isla caqiidadaas bay raacsanyihiin, waxaana ka mid ah Salafiyada Shaam iyo Ittixaadka Soomaaliya iyo Ansaarusunnaha Masar iyo Suudaan.
Kooxaha Akhwaanka
Intaa kabacdi aan u gudubno kooxaha Akhwaanka lagu sheego, runtii kuwani waxay u kala baxaan kooxo badan oo mid walba tankale kufrinayso, sida Takfiirka (Jamaacatu al-muslimiin), iyo Jihaadka (al-jammaacah al-Islaamiyah) iyo Islaaxa iyo Akhwaanka kalle ee siyaasiga ah.
1. al-Hijra Wattakfiir
Qolada hore ee loo yaqaan (Hijra wattakfiir) ayaguna isu baxshay (Jamaacatul muslimiin) ee uu aasaasay shukry faysal (oo masar lagu toogtagtay) intii aanan kooxdooda ku jirin si cad bay kufri ugu xukumayaan, taasina waxay ka muuqataa magacooda oo ah (Jamaacatul Muslimiin) macnaha waxii aan jamaacadooda ahayn muslim maaha.
2. Jamaacat al-Jihaat al-Islaami
Waxaa kooxdaas ku soo xiga kuwa (Jamaacat al-Jihaad) loo yaqaan ayaguna isu baxshay (al-jamaacah al-islaamiyah) ayaguna sidoo kale, qofkii aanan dhihin waxa ay dhahayaan oo aanan mad-habtooda soo raacin, kufri bay ku xukumayaan, dowladda iyo shacabku in ay kufaaryihiin bay aaminsanyihiin, oo dhiiggooda iyo xoolahoodu bannaanyihiin.
3. al-Akhwaan al-Muslimuun
Waxaa kuwaas ku soo kiga akhwaanka siyaasiga ah ee xukun u dirirka ah waxayna si fiican u joogaan Jordan oo ay baarlabaanka ku jiraan iyo Masar iyo suudaan oo ay xukunka inqilaab ku qabsadeen, waxaana loo yaqaan kuwa suudaan (xarakat al-inqaad al-islaami), iyo Jasaa'ir oo ay loollan ba'an u galeen sidii ay xukunka ku qabsan lahaayeen, laakiin aanay ku guulaysan, iyo Malaysia oo ay baarlabaanka ku jiraan loona yaqaan (Parti Islaam Malaysia ama PAS), iyo Indonisia iyo Pakistan oo loo yaqaan (Jama'at Islaam) iyo meelo kale oo badan oo caalamka ka mid ah, kooxdan si cad muslimiinta aanan ayaga raacsanayn uma kufriyaan laakiin waxay leeyihiin ninkii aanan dhihin (xukuuma islaamiya) waa waajib ee adeecsan xukuumadaha hadda jooga waa kaafir.
Waxaa kale oo ayaga iyo kuwa aan hoos ku sheegi donno u dhexeeya in ay kuwani aaminsanyihiin (inqilaab) ama xoog in xukunka lagu qabsado, kolka dhinacaas marka aad ka eegto waa sida shuuciyada.
3. Al-Islaax al-Islaami
Ugudambaystii waxaa jira kuwa islaaxa isku sheega, oo soomaaliya jooga ayaguna waxay ku figrad yihiin kooxda siyaasiyiinta ah ee aan kor ku sheegay, si cad uma dhahaan muslimiinta aanan ayaga raacsanayn waa kufaar laakiin waxay qabaan figradda ah in xukuuma islaamiya la dhiso ayada oo loosoo marayo dhinaca tarbiyada iyo toosinta dhallinyarada kuwaas oo kolka ay kacaan xukunka la wareegi doona, haddii aadan figraddaas ku raacsanayn ayaguna waxay kuu arkaan in aad tahay nin ka soo horjeeda dhisidda waxa ay ku magacaabeen (Xukuuma Islaamiyah), taasna macnaheedu waa in aad gaal tahay ama aadan muslim toosan ahayn sida ay u arkaan.
Hadal iyo dhammaantiis dhammaan kooxaha Ikhwaanku waxay aaminsanyihiin figradihii Sayyid Qutub iyo Ibn Cabdilwahhaab, sida aan ognahayna sayyid Quttub wuxuu tawxiidka ku deray shardi cusub oo uu jeebkiisa kala yimid oo qofkii aanan qirin uu kufrinayo waana waxa uu ku sheegay (Towxiid al-xaakimiyah).
Gabagabo:
Marka walaal waxaan u malaynayaa in aan kuu faahfaahshay xaaladda labada kooxood ee aad i waydiisay, waliba maqaalka ayaa dheeraanaya, ee aad baan kuugu sii faahfaahin lahaa.
Su'aashaada ah adigu qolama ayaad tahay, aniga inta i taqaan waydii, waligay koox ma raacin, haddana ilaahay baan ka magangalay in aan koox fallaago ah u xusulduubo, laakiin waxaan haystaa dariiqqii culumada muslimiinta iyo culuuntii Islaamiga ahayd ee Dugsiyada iyo School-ada iyo Masaajidda nalaku soo baray, waxaan ku dhaqmaynaa madaahibta fiqhiga ah ee culumadu dejiyeen, caqiidadeennuna waa tii ahlu sunnada, intaa ayaana inagu filan umana baaahnin asalraacnimo iyo argagixis isugu jira mid jismaani ah iyo mid nafsaani ah sida ay akhwaanka iyo wahhaabiyadu yeelayaan.
Aad baad u mahadsantahay, su'aal kale haddii aad qabto walaal i soo waydii adiga oo aanan cidna ka baqin, anna waxaan kuu ballan qaadayaa in aan si cilmiyaysan kuugu faahfaahsho.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi
- Monday, June 17, 2002 at 07:02:13 (CDT)
- Taageero: muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu. Walaal hirsi waad ku mahadsan tahay sida qiimaha badan ee aad iigu soo jawaabtay 100%.
intaa kadib walaal muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay inay diinta ku gabanayaan waxan u arkaa niman qadiyad calooleed ku dagaalamaya oo muslinimadana shaadh ka dhiganaya isla markaana iska dhigaya niman xaqii muslimiinta laga dhacay soo dhicinya. walaal hirsi ilaahay ayaa kaa abaal marin doona uga dig dadka caamada ah ee ay luminyaan .walaal wixii danbe ee su'aalana waan ku soo weydiin.barbarkaaga ayaan taaganahay aniguna sidaas iyo xidhiidh wacan.
by isir deeq
isir deeq <isir90>
- Thursday, June 20, 2002 at 06:29:58 (CDT)
- Jawaab: Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
WalaalSacdiyo, waad mahadsantahay, kadibna kooxaha aad i waydiisay waxaabo ay ku kala duwanyihiin baa jira, waxyaabo ay isaga mid yihiinna way jiraan, waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin waxaa ugu muhiimsan xagga taariikhda iyo aasaaska labada kooxood ama dhalashada, si aad kolka u aragto farqiga u dhexeeya labadaas kooxood dhinaca dhalashada eeg labadan maqaal ee hoos xiriirkoodu ku yaallo.
1. Taariikhda akhwaanka: http://www.angelfire.com/ms/sej/20020421.html
2. Taariikhda Wahhaabiyada: /is/wahhabiyah.html
Dhinaca Caqiidada:
Intaas kadib haddii aan u leexanno dhinaca caqiidada labada kooxood aad bay isugu dhawyihiin oo Akhwaanka kolkii uu dhintay xasan al-Bannaa oo ahaa ninkii kooxda abuuray, way ka leexdeen dariiqii uu wadaadkaasi u dhigay, waxaana kooxda afduubay dad ay ka mid ahaayeen xasan al-Hudaybi iyo Sayid Qutub iyo Saynab al-Gasali iyo qaar kale oo badankooda lagu tuhunsanaa in ay Maasooniyada caalamiga ah iyo Safaaradda maraykanka ee Masar ku xinaayeen, oo ay taageero ka heli jireen si loo majaxaabsho xukuumadii jamaal cabdinaasir ee Ishtiraakiyada ahayd.
Haddaba laga soo billaabo markii uu dhintay xasan al-bannaa wixii ka dambeeyay, kooxdu waxay qaadatay caqiidadii Ibn Cabdilwahaab oo ah midda hadda Ittixaadku haysto, waana caqiido fasahaadsan oo aanan raacsanayn caqiidada ahlu sunnada, taasna maha mid aan anigu leeyahay ee muslimiinta oo dhan baa og in caqiidada Ittixaadku aanay ahayn mid toosan oo aanay kitaabka iyo sunnada raacsanayn oo ay tahay caqiido Tashbiih iyo Tajsiim ku salaysan, Ilaah ha naga magan gelshee.
Marka labada kooxood dhinacaas waxba uma dhexeeyaan oo caqiidadoodu waa fasahaadsantahay. Kolka si ay dadka caamada ah ugu qarshaan fasahaadda caqiidadooda ayay waxay diideen in la akhriyo ama la raaco fiqhigii culumadii afarta madhabood ee ahlusunnada lagu yaqiin!! sidoo kale waxay diideen caqiidadii toosnayd ee ahlusunnada lagu yaqiin ee 1000kii sano ee la soo dhaafay muslimiintu ku camal-falayeen.
Dhinaca ladhaqanka Bulshada:
Intaas waxay ku dareen argagixisnimo, iyo hendadaad iyo kufrin ay muslimiinta kula kacayaan har iyo habeen oo laga joogi waayay, meel kasta oo aad tagto waxaad ku arkaysaa ayaga oo dunida qasaya.
Haweenka waxay ku khasbaan in ay hugtaan dhar madow oo tin iyo cirib qarinaya, uma ogola in ay shaqayso haweenaydu, uma ogola in ay waxbarato ama gaari waddo ama dhar quruxsan labisato. Taas daaye, xataa carruurta gabdhaha ah ee yaryar waxay ku waajibsheen in ay khamaar xirato. Ragga sidoo kale waxay ku waajibsheen in ay gadhka daystaan oo qamiis carbeed gaaban xirtaan koofi xunna madaxa sartaan!!
Gabagabo:
Islaamku ma qabo waxyaabahaas ay kooxahaasi dadka ku waajibinayaan, culumadeennii suubanaa ee jiray tan iyo casrigii rasuulka NNKH waxay sheegeen in ay waxyaabahaas badankoodu sunno yihiin oo gardha la daysan karo lana gaabsan karo, sidoo kale, taariikhda Islamka laguma maqal lagumana arag haweeney loo diidayo in ay gaari waddo, sida hadda sacuudigu yeelayo, casrigii nabiga haweenku geela iyo fardaha intaba way fuuli jireen, Caa'isha oo haweeneydii nabiga ah ayaa neef geel ah ka fuushay maka kolkaas bay ayada oo duullaan ah oo ciidan hoggaaminaysa ku tagtay Kuufa oo ah magaalo ku taalla dhulka ciraaq.
Marka walaal waxaan kugu waaninayaa in aad ka digtoonaato kooxahaas fallaagada ah ee hadafkoodu yahay in ay islaamka iyo ahalkiisa wiiqaan oo luggooyaan, shartooda Islaamka allaha ka qabto, Aamiin.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi
- Monday, June 17, 2002 at 14:21:50 (CDT)
- Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
Walaal asalaamu calaykum waraxmatulaah wabarakaatuh,
walaalayaal waxa aan jeclaa inaad ii soo faahfaahiso kooxaha al-itihad iyo al-islah waxa faraqa u ah ee udhaxeeya
sacdiyo <sacdiyo74>
- Sunday, June 16, 2002 at 14:21:50 (CDT)
- Dr. 2Garre, adigu kooxdee raacsantahay?
Marka hore waad salaaman tahay dr hirsi. marka xiga waxaad dadkii oo dhan ku wada tilmaantay inay lunsan yihiin, ka soo qaad sidaa aad sheegtayba erayadan soo socdaa waxay ka mid ahaayeen jawaab aad mid ugu jawaabtay(cid gaara anagu kumaanan tilmaamin waa gaalo,laakiin waxa erayadaa lagu yaqaanaa kooxaha lunsan ee falaagoobay (wahabiyo iyo ikhwaan) ee anaga nalugama maqal) hadaba qoladan aad ku jirtid ee toosani waa tii dr hirsi marka hore isasoo cadee adigu.
isir deeq <isir90>
- Sunday, June 16, 2002 at 07:02:13 (CDT)
- Jawaab: Diintu ma caqlibaa?
Baismillaahi Raxmaani Raxiim, Walaal khayr iyo hanuun baan kuu rejaynayaa,intaa ka dib waxaan doonayaa in aan kaaga jawaabo saddex arrimood oo aad qoraalkaaga hoose ku waydiisay waana sidan.
1. Midda hore waa tan aad tiri (diintu caqli maaha), hadalkaasi run maaha, waana war aad ka soo maqashay kooxaha wahhaabiyada ee inkirsan caqliga, daliilkayguna waa sidan.
A. Qof aanan caqli lahayn horta diin malaha, salaad iyo soon iyo dhammaan wixii waajibaad ahna lagama rabo waana (Marfuucul qalam), sida dadka waalan ama caqligoodu xumaaday cudur awgiis ama markii horeba caqlixumo ku dhashay, taasina waxay ku tusaysaa in caqligu yahay asalka diinta.
B. Quraanka waxaa lagu sheegay boqollaal aayadood erayga caqliga iyo magacyada ama ficillada ka farcama, waxaana aayado aanan xisaablahayn lagu soo gabagabeeyay (miyaaney caqli lahayn), iwm weero la mid ah oo dhammaantood tusaya qiimaha uu quraanku u yeelay caqliga.
C. Wax daliil ah looma hayo in aanay diintu caqli ahayn, weedha aad sheegtay ee aad Imaam Cali kasoo werisayna haddiiba ay sugnaato, waa ra'yi saxaabi ee aayadna maaha xaddiisna maaha.
D. Culumada Muslimiinta intaanan ka ahayn Axmad Ibn Xambal way isku raaceen in Caqligu diinta asal u yahay, qof aanan caqli lahayna aanan diin laga rabin haba yaraatee.
E. Intaa kadib qof kasta oo cilmiga iyo kutubta tafsiirka ama fiqhiga akhriya wuxuu arkayaa in dhammaan ay culuuntaasi tahay culuum caqliga lagula soo baxay, ee aanay ahayn culuum sideeda waxyi ahaan ugu soo degtay.
Marka intaas, kadib waxaa laguu qaatay in aad kutaabka quraanka ah akhrisid, oo aad eegto erayada sida (Yacqiluuna, Tacqiluuna, tafqahuun, yafqahuuna, tatafakaruuna iyo wixii la mid ah ee ah sida absaar, yubsiruun, albaab, ulul albaab,..) ee dhammaantood caqliga ku macna ah daba deedna aad deristo ee aad wax barato intii aad la soo yeeri lahayd eray aad Wahhaabiyada ka soo maqashay.
2. Mas'alada labaad ee ad sheegtay waa tan aad tiri; dadkii baad wada kufrisay daliilna uma haysatid.
Beenbaad walaal taas ku sheegtay anigu qof gaar ah ma aanan magacaabin, mana dhihin hebel baa gaal ah ama lunsan, hadalkaas waxaa lagu yaqaan kooxaha fallaagada ah sida Wahhaabiyada iyo Ikhwaanka ee annaga nalakama maqal.
Anigu warka aan iri waa in kooxahaasi dhibaatooyin u soo jiideen Islaamka iyo Ahalkiisa, dhibaatooyinkaas waxay isugu jiraan kuwa diimeed, oo diintii bay khald u fasireen, caqiidadii bay habaajiyeen, shareecadii bay leexsheen ayaga oo raacaya hawadooda iyo shahwadooda, taasna daliil cad waxaa u ah kutubtooda iyo wararka ay har iyo habeen sheegayaan.
3. Arrinka saddexaad ee aad sheegtay waa tan aad tiri; haddii aanan wax la aqoon waa in culumada loo laabto! Waa cajiib waabaad sheegaysaaye, maad ku camal fashid, oo haddii aadan wax aqoon dadka wax yaqaan ka faa'iidaysatid?
Waxaa laguu qaatay intaadan dadka ku dhihin wax ma taqaanid in aad horta adigu naftaada eegto, oo aad wax barato.
Ugu dambaystii khayr baan kuu rejaynayaa. Waadna ku mahadsantahay su'aalahaaga.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Wednesday, June 12, 2002 at 23:11:08 (CDT)
- Suaal: Diintu ma caqlibaa?
Assalaamu Calaykum;
Dr Xirsi salaan ka dib, waxaan doonayaa inaad wax iiga sheegtid maadaama aanad waxba kaga tegid dadkii muslimiinta ahaa ood ka wada dhigtay dad lunsay oo jidka Eebe ka leexsan. diinteenuna way inaga reebtay in qof muslim ah waa gaal lagu yidhiaah, hadaanu wax cad oo gaalnimo keensanaya lagu arag.
Markaa Dr Xirsi maqaalada aad qortid marnaba kumaad sheegin wax cad oo u daliil ah in dadkaa aad magacawday gaalo yihiin haday noqoto Quraan iyo Sunaba, wax culumo ah oo aad soo daliishanayso hadalkooda iyo ijtihaadkoodana ma jiraan, markaa anigu waxaan filayaa inaad adigu qaadi noqotay oo caqligaaga wixii uu ku tuso inuu saxyahayna waa sax wixii khalad uu kuu tusana waa kuu khalada, laakiin walaal waxaad ogaataa diintu inaanay ahayn caqli ee ay tahay wixii daliil ah oo waa faqsan kitaabka Quraanka iyo Sunada Nebiga in la raacayo.
Imaamu Cali ayaa yidhi hadii Diintu Caqli ahaan lahayd waa in khufafka (Sharabaadada)hoosta laga masaxo laakiin diintu waxay ina faraysaa in dusha laga masaxo ka dibna lagu tukado. Qofku waa u xur inuu ra'yigiisa cabiro laakiin ilaahay waxuu yidhi "As'aluu Ahla Dikri in kuntum laa tacmaluum" waydiiya dadka aqoonta leh hadii aydaan waxba garanayn. Markaa waa in Culamada ll Noqdo wixii la fahmi waayo.
Waad mahadsantay.
biixi <biixi99>
- Wednesday, June 12, 2002 at 12:51:43 (CDT)
- Salafiyo Maxaa laga wadaa?
Hordhac
Toddobaadkii hore waxaan akhristayaasha ka ballan qaadnay in aan faahfaahinno waxa looga jeedo erayga (Salafiyo) oo asalkiisa ka yimid erayga (Salaf), sababtuna waxay ahayd in aan aragnay in dad badan oo taageerayaal u ah kooxo ka mid ah kuwa waalay caalamka Islaamka waqtigan aan maanta joogno sida kooxaha Wahhaabiyada iyo wixii ka farcamay sida Ittixaadka iyo Ansaarusunnaha, iyo kuwa Akhwaanka loo yaqaan iyo wixii ka farcamay sida Islaaxa Soomaalida iyo Jihaadka iyo Takfiirka iyo Xarakatul Inqaad tan looyaqaan ee Suudaan iyo qaar kale oo aanan la soo koobi karin.
Kooxahaas dhammaantood waxay ku andacoodaan in ay ku taaganyihiin dariiqii (salafka), qofkii aanan warkooda iyo waxa ay sheegayaan soo raacin ama aanan sida ay yeelayaan yeelin, waxay ku tilmaamayaan (Kaafir) ama (Bidco) ama (Suufi) iwm oo ay uga jeedaan in qofkaasi yahay qof diinta ka baxay ama anaan diin sax ah haysan!
Kolka si qofka muslimka ah ee soomaaliyeed uu xaqeeqada indhaha u saaro ugana badbaado beenta iyo barabagaandhaha ay kooxahassa iyo kuwa u xusulduuba shubayaan, ayaa waxaa waajib inagu noqotay - sidii caadada inoo ahaydba - in aan maanta nalka ku shidno erayga (Salaf ama Salafiyo) oo ah god ka mid ah godadka ay ku gabbadaan kooxahaas fallaagada ah.
Daraasada ku Saabsan salafiyada
Sanadkii 1991kii ayaan qoraal dheer oo lagu fidshay joornaalka (al-Liwaa') ee toddobaadlaha ah ee ka soo baxa (Amman, Jordan), oo cinwaankiisu ahaa (dacwatun ilaa daraasat taariikh al-fikir as-salafi) ayaan ku falaanqeeyay kaalinta ay kooxaha noocaas ah uga jireen taariikhda Islaamka, waxaanna hadalkaygii ku soo gabagabeeyay in kooxahaasi ahaayeen sidi (Xisbi mucaarad ah) oo aanay waligood noqonin (Islaamka Rasmiga ah) ee loo yaqaan (Ahlusunnah Wal Jamaacah).
Sanadkii 1996kii ayaan marlabaad daabacay buug uu cinwaankiisu ahaa (al-slafiyah al-wahhaabiyah, bayna mu'ayidiihaa wa muntaqidiihaa) oo aan daraaso dheer ku sameeyay kooxda (wahhaabiyada) loo yaqaan ee Sacuudiga ka talisa, kuwaas oo aan u arkayay in ay yihiin kooxda ugu xoogga badan Salafiyada maanta jirta.
Maqaalka aan kor ku xusay waxaa la fidshay muddo 10 sano kor u dhaafaysa ka hor (1991kii), Buuggana waxaa la fidshay 6 sano ka hor, figradihii aan uga dooday maqaalkaas iyo buuggaas wali waan aaminsanahay waxna kama bedelin, halkaas marka waxaa akhristow kaaga cad in waxa aan sheegayo aanay ahayn wax aan maanta ama shalay soo maqlay ama aan buug dhowr maalmood ka hor ka soo akhriyay ee ay yihiin figrado maskaxdayda ku raagay tobaneeyo sano ka hor oo aan aad uga fikiray dhowr jeerna raajacshay culuma iyo caamo intabana kala dooday.
Waa Maxay Salaf?
Salaf luqad ahaan waa wixii tegay ama ku dhaafay ama kaa horreeyay, sidoo kale awowyaalkeen iyo qaraabadii inaga horreysay waxaa lagu tilmaamaa (salaf), waxaa kale oo salaf la yiraahdaa "daynta ama amaahda". Istilaax ahaan (Salaf) waa eray uu adeegsigiisa billaabay (Axmad bin Xambal) uuna uga jeeday Asaxaabta iyo taabiciinta iyo wixii culumo ahaa ee waqtigiisa ka hor jiray.
Badanaa waxaa la yiraahdaa (Salaf as-saalix) oo looga jeedo (Salafkii suubbanaa) waxaana looga jeedaa (asaxaabta iyo Taabiciinta iyo wixii culumo ahaa ee hore siiba kuwii noolaa 300 ee sano ee u horraysay taariikhda Hijriyada) oo badanaa loo yaqaano qaaruumihii suubbanaa.
Salaf ma mad-hab baa?
Sida aan horey kuugu sheegnay Salaf waa dadkii noolaa qarniyadii barakaysnaa ee saddexda ahaa ee u horreeyay taariikhda Hijriyada, sida asaxaabta iyo taabiciinta iyo culumadii madaahibta fiqhiga iyo tafsiirka iyo culuunta islaamka inteeda kale laga bartay ee dhintay wixii ku sinnaa qarnigii Axmad Bin Xambal (qarnigii afaraad ee hijriyada).
Halkaas kolka waxaa kaaga cad in aanan Salafku mad-hab ahayn, ee ay yihiin koox culumo iyo asaxaabtii nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo taabiciin isugu jirta.
Waxaa kale oo aan ognahay in Asaxaabta nabiga (NNKH) iyo Taabiciinta iyo Culumada kaleba aanay lahayn mad-hab dhammaantood ka dhaxaysa oo lagu yaqaan oo la yiraahdo mad-habtii (salafka), maxaa yeelay sida aan ognahay, asaxaabtu diinka sidii ay nabiga (NNKH) uga maqleen bay u barteen, Taabiciintuna (sidii ay uga barteen asaxaabta) bay u qaateen.
Waxaa kale oo aan ognahay in Asaxaabta Nabiga allaha ka raalli noqdee qaar badan oo ka mid ah ay madaahib ayaga u gaar ah lahaayeen sida Ibn Cabbaas oo tafsiirka ku caan baxay iyo ibn Mascuud oo asiguna tafsiirka ku caan baxay laakiin mid kasta wuxuu lahaa dariiqo u gaar ah oo tan midka kale ka duwan.
Sidoo kale qaar badan oo asaxaabta ka mid ahaa iyo taabiciinta iyo taabici-taabiciinta waxay lahaayeen madaahib u gaar ah oo ay ku caan baxeen.
Taas waxay kuu caddaynaysaa in aanay jirin hal mad-hab oo ay lahaayeen salafku, ee ay ahaayeen culumo isugu jirta Asaxaabtii nabiga iyo taabiciin iyo taabici-taabiciin kuwaas oo nin kasta uu lahaa aragti asiga u gaar ah oo ku salaysan hadba sidii uu diinka u soo bartay.
Waa maxay Salafiyo?
Salafiyo waa eray loo nisbeeyo (Salaf) waxaana looga jeedaa (kuwa mad-habta salafka raacay), waxayna billaabatay u nisba sheegashada salafku qarnigii afaraad, horayna waxaan u soo aragnay in aanay jirin wax la yiraahdo (mad-habtii salafka). Dadka u nisba sheeganaya salafka ee isku tilmaama (salafiyo) waa dad raacsan mad-habtii Axmad ibn Xambal oo (xambaliyo ah) Caqiidadooduna waa tii karaamiyada iyo mushabihada ee ma aha dad ka mid ah ahlusunnada.
Salafiyadu sharciga ma waafaqsantahay
Sida kaaga cad qoraalka kore Salafiyo iyo salaf labaduba maaha magacyo uu Nabigu (NNKH) baxshay, mana aha magac asaxaabta iyo taabiciintu ogaayeen, sidaa darteed halkaas waxaa kaaga cad in uu yahay eray (Bidco) ah oo aanan diinta meelna kaga qornayn.
Sidoo kale waxaa kuu cad in aaney jirin wax la yiraahdo (mad-habta salafka) maxaa yeelay salafku maahayn dad mad-hab lahaa, mana bannaana in mad-hab aanay ayaguba lahayn oo samayn loo sameeyo dabadeedna la yiraahdo waa mad-habtii salafka sida ay yeelayaan wahhaabiyadu.
Beenta iyo barabagaandhaha kooxaha salafiyada
Kooxaha Salafiyada isku sheega ee ay horseedka u tahay Wahhaabiyada Sacuudiga joogta, waxay ku andacoodaan in ay raacsanyihiin oo haystaan dariiqii salafka, mana dhahaan badanaa (mad-habtii) salafka, maxaa yeelay waxay ogyihiin in aanay jirin mad-hab salafku lahaa, kolka waxay ka baqayaan in ay ku fadeexoobaan, laakiin waxay ku bedeleen (dariiq) ama (jid) ama (Manhaj) iwm oo aanan macno wayn samaynayn, maxaa yeelay dadku dabbaal maaha qof kasta oo wax bartayna wuu ogyahay in aanay erayadaasi waxba ku kala duwanayn kolka sidaas loo adeegsado.
Tusaale ahaan haddii aad tiraahdo, waxaan haystaa Mad-habtii shaafici ama dariiqiisii baan raacsanahay, ama jidkiisii baan haystaa ama waddadiisii baan ku taaganahay, ama manhajkiisii baan ku socdaa, iwm. dhammaan waa isku ujeeddo, kolka halkaas waxaa kaaga cad kooxahaas ku andacoonaya in ay ku joogaan ama haystaan dariiqii (salafka) ama manhajkii (salafka) ama waddadii (salafka) ama Jidkii (salafka) iwm. Ee isku magacaabaya (Salafiyo), waxaa kuu cad in ay qiiq isku qarinayaan oo ay lafcad toobin ku hayaan bacadna hal ku lisayaan diinna aanay fara ku hayn, ahlusunnana aanay raacsanayn.
Waa maxay sababta ay magacaas isugu magacaabayaan?
Sababta ay kooxahaasi magacaas (salafiyada) ah isugu magacaabayaan way iska muuqataa, waxay doonayaan in ay ceebtooda ku qarshaan oo khaladkooda dadka ka indha saabaan, siiba dadka caamada ah ee aanan aqoon u lahayn diinta kolka ay maqlaan (salafka) waxay u malaynayaan in ay ahaayeen koox dariiq gaar ah ku joogtay oo mad-hab gaar ah oo lagu yaqiin lahayd oo isugu jira nabiga asaxaabtiisii iyo taabiciintii!! kolkaas bay sidaas ku raacayaan kooxahaas sida ku dhacday shacabka dhibaataysan ee Soomaalida qaar ka mid ah oo badan, kuwaas oo Wahhaabiyada Sacuudigu been u sheegtay qaarna lacag ku sabatay, qaarna jaamicaddeeda wahhaabiyada ee madiina ku taalla ku tababartay.
Soomaaliya dhibaatadeeda yaa u sabab ah
Dhammaanteen waxaan ognahay in ay kooxahaas diimeed ee fallaagada ah ee Islaaxa iyo Ittixaadku ahaayeen kuwii ugu darraa ee kaalinta libaax ka qaatay burburkii Soomaaliya, dagaalkii sokeeyana hurshay, ilaa iyo maantana ka shaqaynaya sidii ay u sii kordhilahayd dhibaatada soomaaliya ayaga oo marna ku gabbanaya diin, marna ganacsato marna qabiil marna dagaal-oogayaasha.
Waxaa intaas kaaga daran in ay u adeegayaan xoogag shisheeye, oo Ittixaadkuna u adeegayo dowladda Sacuudiga iyo Khaliijka intiisa kale, kuwaas oo la ogyahay mowqifka ay ka joogaan midnimada iyo jiritaanka soomaaliya iyo kooxda Ikhwaanka (Islaaxa) oo ayaduna u adeegta maasooniyada caalamiga ah iyo masar iyo Suudaan, oo ayaguna har iyo habeen ku tuugsanaya magaca Soomaaliya.
Goormaa dadwaynaha soomaaliyeed indha furi doonaa?
Dhibaatooyinka ay kooxahaasi u gaysteen dadwaynaha soomaaliyeed ma aha wax la soo koobi karo, waxaanse halkan ku xusayaa dhowr tusaale.
1. Ayaga oo dalkii fidno iyo dagaal ka kacshay, oo marna ku gabbanaya Qabiil, marna Ganacsato, Marna Diinta marna Dagaal-oogayaasha.
2. Ayaga oo marin habowshay caqiidadii ahlusunnada oo ku faafshay bulshada soomaaliyeed caqiidada wahhaabiyada ee muslimiinta oo dhan ogtahay in ay tahay caqiido habowsan oo (Tajsiim iyo tashbiih) isugu jirta kitaabka iyo sunnada iyo madaahibta culumadana aanan meelna ka soo gelin.
3. Ayaga oo tafaraaruq iyo khilaaf joogto ah ka dhex dhalshay bulshada soomaaliyeed ee qurbaha u soo baxday ee ka soo qaxday dagaalka sokeeye, oo u kala qaybinaya kooxo iyo firqooyin is laynaya.
4. Ayaga oo kala fogaynaya qoysaska oo colaad ka dhex dhalinaya ninka iyo naagtiisa, dabadeedna kala furaya ee naagta ayagu guursanaya!! kuna andacoonaya in sidaas diintu dhigayso.
5. Ayaga oo kufri ku xukuma ciddii aanan waxa ay sheegayaan soo raacin, oo falkooda oo kale samayn, ama waa bidci iyo waa lunsanyahay dhahaya si ay u cabsiiyaan oo ugu khasbaan in uu mad-habtooda lunsan soo raaco.
6. Quraanka Kariimka ah iyo Xaddiiska Sharafta leh ee Nabigeenna Calayhi as-salaatu wassalaam, dad ku dheggan in ay yihiin bay dadka ugu sheekeeyaan, tafsiir iyo sharax been ah oo aanan culumadii hore midna laga maqal ayayna ka baxshaan, oo ay badankiisa ka soo baawsadeen Ibn Taymiya iyo Ibal Qayyim iyo Ibn Cabdilwahhab.
7. Jahliga ka haysta Luqadda carabiga iyo Taariikhda Xadaaradda Muslimiinta iyo Madaahibta Fiqhiga ah ee Muslimiinta ayaga oo doonaya in ay qarshaan ayay waxay ku andacoodaan in aanay bannaanayn in la raaco madaahibtaas ee ay waajib tahay in Kitaabka iyo Sunnada lagu dhego!!
8. Ku arki maysid dadka madaahibtan lunsan u xusul duuba nin aqoon fiican leh oo aqoonta u soo maray jidadka loo soo maro, tusaale ahaan, badankoodu maaha dad jaamicado iyo macaahid sida la yaqaan oo dadka kale uga soo baxaan uga soo baxay, ee cilmigoodu wuxuu u badanyahay "baawsi".
9. Badanaa waxay isku qiimeeyaan wax ay ku magacaabaan (Tazkiyo) oo ah in qof ayaga ka mid ah ku ammaano, haddii kale caqiidadaada iyo iimaankaaga midna ictiraafi maayaan, waxayna isku yaqaanniin halkudheg ah (xaqqa waagaan aragnay) ama (xaqqa allaha ina tuso) iwm sida (akhiiyow), oo badanaa erayga (xaq ama akhii) soo gelayaan, waxayna uga jeedaan (xaq) madaahibtooda fallaagada ah ee diinka toosan ugama jeedaan, (akhii)-na waxay uga jeedaan qofka ay isku kooxda yihiin, ee (ikhwaannimada Islaamka) ugama jeedaan.
10. Muslimiinta kale lama tukadaan waxna kuma darsadaan, haddii aanan masaajidkooda lagu tukanayn, masaajid ayaga u gaar ah bay ku tukadaan, haddii ay magaalada ku badanyihiin, haddii ay ku yaryihiinna meelo ayaga u gaar ah bay ku tukadaan!! Maxaa yeelay waxay aaminsanyihiin in dadka kale lunsanyahay oo ay ayagu saxanyihiin. Masaajidyada qurbaha laga dhisay badankooda ayaga ayaa dhisay oo dowladda sacuudiga ayaa lacag siisay ama ikhwaanka caalamiga ah iyo maasooniyada ayaa lacagta u soo aruursha.
11. Raggoodu waxay ku caan yihiin in ay xirtaan qamiis carbeed gaaban garkana la baxaan, koofi cadna madaxa saartaan ama cimaamad kasii kormarshaan. Haweenkana maro madow oo wayn oo ay jilbaab ama qamiis ku magacaabaan oo kolka haweenaydu socoto gadaal soo jiitamaysa bay ku hugshaan! Indhaha iyo afka iyo gacmaha iyo wajiga iyo korka haweenka oo dhanna waxay leeyihiin waa cawro!
Hadafka Kooxahan muxuu yahay?
Hadafka kooxahan waa mid indheergaradka caalamka islaamka oo dhan ogyahay, waana:
1. Hadaf (siyaasi) ah, waxay isku dayaan in ay bulshada kontoroolaan ayaga oo diinka ugu gabbanaya ama dhaqaale ku majaraynaya ama wixii kale ee ay adeegsan karaan adeegsanaya, sidoo kale waxay ku fidaan ciidanka iyo askarta dhexdooda iyo xisbiyada siyaasadeed si ay halkaas xukunka uga soo boodaan.
2. Hadaf Cunsuri ama qabyaaladeed, waxaan wada ognahay, in kolkii wahhaabiyadu sacuudiga qabsatay ay takooreen wixii aanan aalushaykh iyo aalu sacuud ahayn. Sidoo kale, kolkii kooxda xasan al-Turaabi qabsatay Suudaan waxay u magacaabeen xafiisyadii dowladda oo dhan dadka ayaga qabaa'ilkooda ah intii kalena way fogeeyeen. Waxaa kale oo aan ognahay in Soomaaliya ay kooxahaas Itixaadka iyo Islaaxu qabiilooyinka ku gabbanaayeen, tusaale ahaan nin Ittixaad ah ayaan 1994kii ku iri, maxaad qabanaysay kolkii dagaalka sokeeye socday, wuxuu igu yiri "mujaahidiinta ayaan dhiiri gelinayay oo yaasiiminayay"!! wuxuu ka wadaa qabiilkiisa, maxaa yeelay soomaaliya Jihaad kama jirin sida aan wada ognahay.
3.Hadaf dhaqaale. Waxaa caado u ah kooxahaas in ay ilaha dhaqaalaha bulshada afka u dhigtaan ayaga oo dariiq kasta oo ay xoolo ku heli karaan soo maraya, ugu dambaystii haddii ay wax kale waayaan waxay ku tuugsanayaan magaca shacabka.
Sidee looga hortegi karaa kooxahan?
1. In diinta la barto, mana aha taas macnaheedu in aayado iyo axaadiis aanan macnahooda la fahmayn la xifdiyo, ee waa in la akhristo tafsiirkooda, kadibna la barto ama la akhristo casharro ku saabsan taariikhda iyo xadaaradda muslimiinta ayada oo isla markaasna waxyaabaha aasaasiga ah sida salaadda iyo waajibaadka kale ee diiniga ah laga baranayo culumada toosan ee aanan raacsanayn kooxahaas fasahaadsan.
2. In laga fogaado qof kasta oo isku tilmaama in uu kooxahaas raacsanyahay ama aad aragto asiga oo ammaanaya. Haddii ay kuula yimaadaan waano iyo wax sheegid, waxaad ku tiraahdaa horta ma ii ogoshahay in aan muslim ahay mise gaal baad ii haysataa? Haddii uu ku yiraahdo muslim baad tahay, hadaba inakala daa ku dheh? sidii reer Afqaanistaan ku dhaheen Bin Laadan (Annagu Muslim baan nahay, umana baahnin wax ina islaamsha)!
3. In lagu tukado masaajidka wayn ee ahlusunnadu isugu imaanayaan, oo aanan lagu tukan meelaha ay kooxahaas gaarka ka dhigteen ee ay kaligood ku tukanayaan ama duruusta ku akhrisanayaan.
Qodobadaas iyo wixii la mid ah ayaa ka mid ah waxyaabaha qofka taageeraya in uu ka fogaado madaahibta fallaagada ah ee aan kor ku soo sheegnay.
Wixii su'aalo ah waxaan rejaynayaa in aad iigu soo hagaajisaan halkan hersi@2garre.com ama aad webka iigu qortaan, si aan uga jawaabo, wa billaahi at-tawfiiq wal hiddaayah.
Dr. Hersi Labagarre
University Brunei Darussalam
hersi@2garre.com
- Tuesday, June 11, 2002 at 09:24:44 (CDT)
Next Page..
< < < < Laabo
|