AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: waxyaabaha lagu gaaloobayo..
    Walaal waxyaabaha lagu gaaloobayo culumadu waxay u qaybsheen saddex walxaato.
    1. Ictiqaadaad: oo waxa uu qofku aaminsanyahay ah, waxaana tusaale u ah, haddii qofku aaminsanyahay in Ilaahay sanam meel fadhiya oo kale yahay, ama uu kursi ku fadhiyo sida aadanaha ama uu adduunka ku dhexjiro oo uu ka mid yahay caalamka.

    Waxaa kale oo ka mid ah haddii qofku aaminsanyahay in Nabi Muxamad calayhi as-salaam uu beenlow ahaa ama uu qof xun ahaa ama uu naagaha badan u guursaday jacayl uu u qabo naagaha fuuliddooda, iwm.

    Ama uu aaminsanyahay in diimo kale oo sax ah jiraan oo aan Islaamka ahayn, ama uu aaminsanyahay in ay jiraan dastuurro ama caqiidooyin Islaamka ka fiican, ama aaminsanyahay in Islaamku khalad yahay ama khaladaad ku jiraan diinta Islaamka, waxyaabahaas oo dhan waa lagu gaaloobayaa.

    Sidoo kale, waxaa lagu gaaloobayaa caqiidada ah in Ilaahay waynaayee ku hadlayo xarfo iyo dhawaq iyo wim, oo uu sideenna oo kale erayo iyo xarfo adeegsanayo. Dhammaan waxyaabahaas waxay ka mid yihiin kufriyaadka ictiqaadiga ah.

    Waxaa kale oo ka mid ah in qofku aaminsanyahay in asiga ama kooxdiisa mooyee Muslimiinta kale oo dhan ay gaalo yihiin, sida wahhaabiyadu aaminsantahay, qofkii muslimiinta kufriya asiga ayaa kaafir ah.

    2. Kufriyaadka Falka ah, sida in qofku ku istaago Kitaabka Quraanka asiga oo u kasaya oo arkaya liidid awgeed, ama uu kitaabka quraanka ah kas ugu tuuro qashinqubka iyo meelaha najaasad ah asiga oo u kasaya.

    Waxaa ka mid ah oo kale in qofku u sujuudo sanam iwm, asiga oo caabudaya, ama qof u sujuudo ama caabudo.

    3. Kufriyaadka dhawaqa ah ama (qowliga ah) waxaana ka mid ah in Ilaahay waynaayee loo gafo oo la caayo ama Nabiga al-laha u naxariistee loo gafo oo la caayo, ama qofku yiraahdo Ilaahay uma baahni ama yiraahdo dulmiga Eebbaa laga bartay! ama yiraahdo nabigu Soomali hadduu yahay petrol baan heli lahayn iwm, dhammaan waa khufri qowli ah.

    Waxyaabahaas ayaa tusaale u ah kufriyaadka saddexda jaad ah ee aad i waydiisay.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Monday, April 04, 2005 at 19:58:53 (CDT)
  2. Suaal
    Sheekh Xersi, waxaan kaa codsnaynaa in aad inoo faahfaahiso waxa loo yaqaano kufriyaadka, maxay yihiin waxyaalaha lagu gaaloobayo haddii qofku sameeyo ama yiraahdo ama ictiqaado? Mahad badan. Cali
    Cali Moonye <calimoo12>
    - Monday, April 04, 2005 at 19:45:15 (CDT)
  3. Jawaab: ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale
    Assalamu alaykum; Walaal xasan aad baad ugu mahadsantahay su'aasha muhiimka ah ee aad ina waydiisay, maxaa yeelay waa waajib ina saaran in aan ku baraarujino muslimiinta dhibaatada ay leeyihiin kooxahaa lunsan.

    Haddii aan u soo laabto su'aashaada ah wahaabiyadu ma kufaar baa? Walaal jawaabtaydu waxay tahay sidan: Wahhaabiyadu sida aan wada ognahay waxay aaminsanyihiin dhowr waxyaabood oo ay ka mid yihiin:
    1. In muslimiinta oo dhan gaalo yihiin inta aan wahhaabiyada ahayn, taas macnaheedu waa in ay kufrinayaan qofkii aan mad-habtooda fasahaadsan aaminsanayn. Qofkii muslimiinta oo dhan kufri ku xukumana asiga ayaa kaafir ah sida la ogyahay, marka qodobkaas wahhaabiyadu way ku gaalowday oo waannu ku kufrinaynaa.

    2. Tan labaad wahhaabiyadu waxay aaminsanyihiinin Eebbe kor ahaayee uu jismi yahay uuna shaabaho khalqigiisa samadana uu fadhiyo caalamkana ku dhexjiro, waxyaabahaas oo dhan waxay ku qoreen kutubtooda, xataa kolka ay diinta dadka barayaan waxay uga billaabayaan (Ilaahay xagee jiraa) ama (ayna al-laah) ayaga oo doonaya in ay dadka ka dhaadhacshaan in Ilaahay cirka fadhiyo!. Qodobkaas awgiis culumada Islaamka oo dhan waxay dhaheen qofkii yiraahda Ilaahay waa jismi ama khalqiga ayuu shaabahaa waa kaafir, sidaa darteed wahhaabiyadu waa khufaar, Islaamkana way ka baxeen.

    3. Wahhaabiyadu waxay aflagaadeeyeen nabiga Calayhi as-salaam, sida ay culumadii casrigiisa noolayd caddeeyeen, Maxamad Ibn cabdulwahhaab oo ah ninkii keenay diinta wahhbiyada, iyo ardaydiisu waxay rumaysnaayeen, in Muxamad uusan wax qiima ah lahayn ee uu la mid ahaa sida ninka boostaalaha ah ee waraaqaha dadka u geeya (macnaha diinta uun buu inoo keenay! ee asigu qiime kale malaha!), qaar ardaydiisa ka mid ahna waxay dhihi jireen, ushayda ayaa Muxamad ka fiican, maxaa yeelay ushayda waa lagu dheefsanayaa, Muxamadna wuu dhintay oo waxba anficimaayo! culumada Islaamka oo dhan waxay isku raacsanyihiin qofkii Nabiga calayhi salaam u gafa (ciyaarba haka ahaatee) uu kufrinayo. Quraanka ayaana taas lagu caddeeyay. Sidaa darteed Wahhaabiyadu waa kufaar aanan Islaamka haba yaraatee wax lug ah ku lahayn.

    4. Wahhaabiyadu waxay caqiidada u fasirtay sida caqiidada kirishtaanka ayaga oo yiri: Tawxiidku waa saddex (Uluhiya, Rubuubiya iyo Asmaa was-sifaat) caqiidadan saddexlayda ah waa caqiido kirishtaan waxaana keenay Ibn Taymiyah wuxuuna ka bartay nasaarada Xarraan, wahhaabiyaduna waxay aaminsanyihiin caqiidada noocan ah, Quraankana waxaa lagu sheegay in ay kufriyeen kuwii yiri (Ilaahay waa saddex midkood) ee aaminay caqiidadaas saddexlayda ah, hadaba halkaa waxaa kaaga cad in wahhaabiyada uu quraanku kufri ku xukumay, halkaas ayaadna ka garan kartaa in ay kufaar yihiin oo aaminsanyihiin in saddex Ilaah jiraan.

    5. Waxaa intaa la jirta in wahhaabiyadu ay walaal aaminsanyihiin in umaddii muslimka ahayd ee noolayd siddeedii boqol ee sano ee la soo dhaafay ay gaalo ahaayeen oo aanay fahmin caqiidada sida shiikhoodu sheegay, oo uu ku qoray kutubtiisa in aanuu fahmin caqiidada qof asiga ka horreeyay, taas macnaheedu waa in uusan xataa nabi muxamad iyo asaxaabtiisu fahmin caqiidada! sida uu aaminsanyahay Maxamad bin Cabdulwahhaab! Sidaa darteed waxaa kuu cad in ay wahhaabiyadu raacsanyihiin diin aan diinta Islaamka lug ku lahayn, taas ayaana kuu caddaynaysa in ay gaalo kufaar ah yihiin.

    Walaal waxaan ka xumahay in aanan khaladaadka ay wahhaabiyadu ku kufrisay aanan halkan ku soo koobi karin adilladeediina aanan halkan ku xusi karin, laakiin haddii aad u baahato faahfaahin dheeraad ah waxaan kuusoo dirayaa buug iyo kutub aan ku caddaynay in ay wahhaabiyadu kuffaar yihiin, oo aan salaad lagu daba tukan karin,oo aan xoolaha ay gowracaan la cuni karin oo ay xaaraan yihiin, oo aanay gabdhaha muslimiinta guursankarin, xukunkooduna yahay xukunka murtadka.

    Marka walaal waxaan dhammaan muslimiinta siiba muslimiinta Soomaalida ah ee masaakiinta ah ee aanan aqoon u lahayn firqadan kufrisay, in ay ka feejignaadaan, kana fogaadaan kooxdaas lunsan.

    Waxay wahhaabiyadu dadka ugu sheekaysaa in ay yihiin dad badan oo jamaacada Muslimiinta ah ay ayagu ugu badan yihiin, meel kasta ay joogaan waxaas bay dadka u sheegaan, waxaana xaqiiqo ah in ay yihiin koox yar oo aad u khariban khilaafkooduna joogto yahay, oo ay muslimiinta oo dhan la dagaalsanyihiin, xataa ayaga ayaa dhexdooda is kufrinaya oo isla dagaalaya.

    Taas waxaa ka sii daran dhibaatada ay muslimiinta u soo jiideen, ee ah Maraykanka iyo Yahuudda ay heshiiska hoose la leeyihiin, ee ay dalalka Islaamka midba mar kharribayaan ayaga oo ku andacoonaya in ay jihaad wadaan, waxay kharribeen Soomaaliya, Afqaanistaan, Lubnaan, Ciraaq, Dhulka muslimiinta Ruushka sida Chechniya iyo wadamo kale oo badan oo ay dhibaatooyin badan u gaysteen.

    Waxaa intaas ka daran tafaraaruqa iyo khilaafka ay ka dhexwadaan muslimiinta meel kasta ay joogaan, waxaana intaa taageeraya dowladda sacuudiga oo lacag u soo diraysa si ay ugu kharibaan jaaliyadaha Islaamka ah ee jooga dibadda.

    Haddaba, halaga digtoonaado kooxdaas kufaarta ah, halaga digtoonaado kooxdaas wahhaabiyada ah, kadigtoonaada siiba Soomaalida oo ah dad aanan diinta aqoon fiican u lahayn aad bay ugu khaldameen qaarkood, madhabtan kufriga ah, qofkii soomaali ah ee raacsan madhabtan gaalnimo lagu xukumi maayo inta uu ka ogaanayo kana baranayo waxa ay tahay caqiidada dhabta ah ee firqadan, haddii loo sheego oo la baro oo loo caddeeyo oo uu isla markaa wali ku sii dhegganyahay markaas ayaa kufri lagu xukumayaa.

    Sidoo kale dadka caamada ah ee mad-habtan raacsan la kufrin maayo, kaafirnimo lagu xukumi maayo, maxaa yeelay jaahilnimo ayaa u gaysay, marka waa in qofka loo sheego marka hore, falsafadda caqiidada wahhaabiyada iyo meelaha uu kufrigu uga jiro, kadib ayaa haddii uu ka hari waayo la kufrinayaa qofkaas.

    Waxaan u malaynayaa in aan faahfaahin kaa siiyay su'aashaadii, inkasta oo aanan halkan ku xusi karin dhammaan qodobada ay wahhaabiyadu ku kufrisay iyo addilladooda, waxaan kuu rejaynayaa khayr, haddii aad faahfaahinkale u baahatana ila soo xiriir.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Monday, April 04, 2005 at 18:56:08 (CDT)
  4. Suaal: ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale
    khayr allaha idinka siiyo sida fiican ee aad muslimiinta ugu baraarujiseen dhibaatooyinka ay keeneen kooxahaas lunsan, waxaan jeclaan lahaa in aad ii caddaysaan in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale, maadaama ay mujasimo yihiin, ma ku magacaabi karnaa kufaar sida culumadu u sheegtay qofkii mujasimo ah waa kaafir. marka wahaabiyadu sidaa ma tahay mise ma aha? inoo faahfaahi khayr allaha ku siiyee.
    Mohamed Xassan <xassan263-1>
    - Sunday, April 03, 2005 at 19:13:39 (CDT)
  5. Jawaab: (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
    Salaan kabacdi, walaal waa runtaa oo diinta Islaamku waa diintii xaqa ahayd, taas cidi iskuma diiddana, laakiin sida Imaam Cali yiri "kelimatu xaqin, urida bihaa baadil" waxaa dhacda in kelimaddu xaq tahay asal ahaan, laakiin baadil loola jeedo.

    Sida aad ogtahay wahhabiyadu qofkii aan wahhabi ahayn in uu muslim yahay uma haystaan, oo dadka kale dhammaantood waxay u arkaan kufaar, waxaana taas caddaynaya magaca uu u baxshay ninkii aasaasay ee ahaa "jamaacatu at-tawxiid", wax aan ayaga ahayn oo towxiidka fahmay ma jiraan ayuu yiri Ina Cabdul wahhaab oo ah ninkii aasaasay kooxdan!

    Islamarkaana walaal, ku arki maysid ayaga oo leh, annaga mooyee inta kale waa gaalo, maxaa yeelay waxay ka baqayaan in muslimiintu ka aargoostaan oo la dagaalaan, laakiin kolka aad kutubtooda akhriso sida kitaabka uu qoray ibn Cabdilwahaab iyo kutubta daraasata diinta ee laga dhigo iskuullada sacuudiga dhammaan waxaa ku taal in kooxaha muslimiinta oo dhan gaalo yihiin oo wahhaabiyada kaliya ay ah-lu xaq tahay!!

    Halkaas ayay kolka walaal ka keeneen erayga (xaqqa) oo ah shicaar ay isku yaqaanaan, aayadaha quraankana sidaas ayay u leexsheen oo u fasireen, (inna ladiina aamanuu) kuwii xaqa rumeeyay, ayay u fasireen ama kuwii rumeeyay (xaqqa), ayay u qorayaan. Bal fiiri kitaabka ay afsoomaaliga ku turjumeen ee Quraanka ah ee wahhaabiyadu turjuntay, khaladaadka ka buuxa waxaa ka daran, leexinta macnaha tafsiirka erayada quraanka. Nacuudu billaahi.

    Teeda kale walaal, si aad hadalkayga u hubsato bal akhri qoraalka dheer ee uu qoray qoraaga sacuudiga ah ee dharaandhirshay nidaamka tacliinta diiniga ah ee wahhaabiyada (halkan kala soo deg).
    Qoraagaas wuxuu caddeeyay in wahhaabiyadu ay barayso muslimiinta iyo dhallaanka iskuullada ku jira oo dhan in aanuu qofkii aanan wahhaabi ahayn uusan muslim ahayn, xaqana uusan garan.
    DR. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Thursday, March 17, 2005 at 16:46:12 (CST)
  6. Suaal:(Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
    (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan? waxaad ku doodeeysaa marka lagu daro kuwa xaqa aaminay in ay tahay astaan gaar ah oo eey isugu baaqayaan wahaabiyada iyo xulufadooda.hadii eey tahay sidaa bal faalo dheeraad ah kabixi.xaqa la sheegayo oo eey ku dareen sida aad ku sheektay qoraalkaada ma,ahan miyaa the true religion?
    Olad M. Ahmed <>
    - Thursday, March 17, 2005 at 11:06:33 (CST)
  7. Jawaab: Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta..
    Walaal Kinzi assalamu alaykum, salaan kadib, sida aad sheegtayba beryahan dambe waxaa soo batay dadkii diinta sida ay doonaan u fasirayay ayaga oo aanan wax aqoon ah u lahayn.

    Tusaale waxaa u ah ninka aad sheegtay ee dersiga diiniga ah ka sii daaya telefishinka ART, ee la yiraahdo Camar Khalid. Ninkani wuxuu asalkiisu ka dhashay qoys hodon ah, wuxuuna bartay xisabinta (accounting) oo uu jaamicadaha Masar ku yaalla qaar ka mid ah ka soo qaatay derejada (Bejolarta), hadaba horta cilmigiisu intaas ayuuba ku egyahay ee maaha nin diinta iyo shareecada wax ka bartay.

    Waxaa taas ka sii daran khaladaadka faraha badan ee uu gelayo inta uu wax sheegayo, ninkaas khaladaadkiisii waxaa kitaab ku qoray oo ka digay sheekheenna Cabdullaahi al-Harari khayr allaha siiyee, haddii aad carabiga ku fiicantahay waan kuu soo diri karaa copy ee iisoo sheeg cinwaankaaga.

    Halkan waxaan kuugu soo qaadayaa dhowr tusaale oo ka mid ah khaladaadkii uu galay intii uu ka hadlayay TV-ga:
    1. Cajalad uu ku magacaabay (Xaawo iyo Aadan) wuxuu ku yiri asiga oo ku hadlaya lahjada reer masar illee (Carabi fiican oo fusxo ah mayaqaanee), wuxuu yiri: (Ibliis maa kafarshi) wuxuu ka wadaa (Ibliis ama shaydaan ma kufrin oo kaafir ma aha), macnaha shaydaan kaafir alle ku caasiyoobay maaha!! sidaa ayuu aaminsanyahay, Quraankana waxaa lagu sheegay aayadda 34 aad suuradda al-baqra in ibliis ka mid yahay kaafiriinta. Marka ninkani quraanka ayuu beeninayaa asiga oo aan ogayn, maxaa yeelay ma yaqaanno in ay jirto aayad dhahaysa Ibliis kaafir weeye.

    2. Tan labaad: (al-insaan ya'but illaay hua aawizu) oo ah lahjada masriga loogana jeedo (insaanku ama dadku waxay caabudi karaan wixii ay doonaan) macna qof kasta wixii uu doono in uu caabudo ayaa u bannaan, qofkii sanam doonaya in uu caabudo waa xur sida buudaha, qofkii qorraxda in uu caabudo doonaya waa xur, iwm. Acuudu billaahi bal xaggee waxaas ka soo maqlay, hadalkaas wuxuu yiri, maalintii Isniinta ahayd ee taariikhdu ahayd 11/3/2002dii asiga oo ka khudbaynaya garoonka ciyaaraha ee bayrud ku yaalla dalkaasi Lubnaan. Ilaahay wuxuu yiri (Qofkii raaca diin ahaan wax aan Islaam ahayn lagama aqbalo, aakhirana qofkaasi dadka kuwa khasaaray buu ka mid yahay) aalu-Cimraan: aayadda 85.

    3. Tusaale saddexaad: wuxuu ku yiri cajalad uu ku magacaabay (towbada)(salaadda oo laga tago iyo maalka xaaraanta ah ee la cuno, xasanaad bay isu bedelayaan maalinta qiyaamaha)! quraankana waxaa lagu caddeeyay in (qofkii xasanaad sameeya aadba ha u yaraadee arkayo, qofkii shar sameeyana aadba ha u yaraatee arkayo) maalinta qiyaamaha. Suurada as-zalzala aayadda 7 iyo 8.

    Marka walaaley ninkan dhibaatada haysata waa aqoon la'aan, laakiin qaabka uu wax u sheegayo iyo barnaamijka sida loo habeeyay ayaa aad u fiican taas ayaana keentay in uu dad badan soo jiito.

    Haddaba waxaan annagu uga digaynaa muslimiinta in ay ka digtoonaadaan ninkaas jaahilka ah, ee fatwoonaya asiga oo aanan Islaamka waxba ka garanayn.

    Midda aad sheegtay ee ah in muxaadaradiisa ay soo fariistaan gabdho madaxa detay iyo qaar aanan madaxa dedan, taasi waxba xiriir ah lama laha dersiga xaqiiqadiisa, maxaa yeelay madaxa dedashadiisu haweenka ayay waajib ku tahay, siiba haweenka waawayn ee qaangaarka ah. Gabdhaha yaryar iyo kuwa dhallinyarada ah ee aanan wali guursan ama qaangaarin (waxaan ka wadaa qaangaarka guurka sida 18 ama 20 ama 25jir hadba sida caadada qoonkaasi tahay) ayaga markii horaba xijaab waajib kuma ahayn.

    Xijaabku wuxuu waajib ku yahay hablaha qaangaarka ah ee marwooyinka ah, gabdhaha yaryar iyo kuwa shaqaalaha ah ama khidmaynaya kuma waajibo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <labagarre>
    - Monday, March 14, 2005 at 16:38:37 (CST)
  8. Su'aal
    Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diintay si u fasiraayo,waxaan isku haysanna dariqadda CUMAR KHAALID (MASRI)sida uu oogu sahlaayo dadka ku soo dhawaashada diinta islaamka,isagoo ku soo dhaweeya meelaha uu diinta ka faafinaayo in xijaaban iyo in kaleba.sidey u arkaan walaaleheen kale ee somaalida ah dariqadda ninkaas gaar ahaan adiga dr.Hersi oon aad oogu kalsoonahay mar kasta jawaabahaaga. mahadsanid
    kinzi hussen ibrahim <kinzi2003@hotmail>
    - Monday, March 14, 2005 at 08:40:33 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  2. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  3. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  4. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  5. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  6. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  7. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  8. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  9. Sheekhow iisoo ducee...
  10. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  11. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  12. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  13. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  14. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  15. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  16. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  17. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  18. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  19. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  20. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  21. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  22. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  23. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  24. ma haboon tahay nin aan..?
  25. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  26. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  27. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  28. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  29. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  30. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  31. Mahadnaq iyo bogaadin
  32. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  33. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  34. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  35. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  36. Qof dhintay mala baryi karaa?
  37. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  38. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  39. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  40. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  41. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  42. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  43. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  44. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  45. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  46. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  47. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  48. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  49. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  50. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  51. Is Khat Haram or Halal?!
  52. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  53. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  54. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  55. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  56. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  57. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  58. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  59. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  60. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  61. waxaa jira in leeyga digay..!
  62. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  63. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  64. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  65. xukunka taariku salaadka
  66. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  67. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  68. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  69. Salaan iyo Bogaadin..

  70. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  71. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  72. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  73. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  74. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  75. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  76. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  77. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  78. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  79. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  80. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  81. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  82. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  83. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  84. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  85. zakada dahabka laga bixiyo..
  86. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  87. members of one of the Somali clans..
  88. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  89. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  90. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  91. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  92. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  93. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  94. qoladasi isku diin ma nihin..
  95. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  96. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  97. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]