| Education | Downloads| Links|
Contact Us
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
    Walaal Idil, salaan kabacdi, cuntada dadka shiinaha ah ee aaminsan diimaha aan ahayn Masiixiyadda ama yahuudiyadda ama Islaamka, lama cuni karo haddii aysan ahayn waxyaabo sidi rootiga oo akel ah.

    Shiinuhu waa umad wayn qaar muslim ah iyo qaar nasaara ah ayaa ku jira, kolka annagu shiinaha jinsi ahaan xukun sharci ah kaama siin karno, laakiin shiinaha aan muslimka ahayn oo aan nasaarada ahayn cuntadooda waa sidan:
    1. Haddii ay khudaar ama fawaakih gedayaan oo iibinayaan waad ka iibsan kartaa oo waad cuni kartaa.
    2. Haddii ay rooti ay dubeen oo aad ogtahay waxa ay ka sameeyeen ay iibinayaan waad cuni kartaa oo waa xalaal.

    3. Haddii ay cunto ay karsheen oo ay sameeyeen iibinayaan ama ku siiyaan ma cuni kartid, maxaa yeelay cuntadu waxay ka koobantahay waxyaabo badan oo aanan garanayn waxa ay yihiin.

    4. Haddii uu dukaan iibinayo qof shiine ah oo aan muslimna ahayn nasaarana ahayn yahuudina ahayn, waad ka iibsan kartaa wixii cunto ah ee fiican ee aad garanayso in aanay xaaraan ahayn. maxaa yeelay in wax laga iibsado way banaantahay laakiin in cuntadooda ay samaysteen la cuno ayaan bannaanayn sababtuna waa in aanan garanayn waxa ay ku sameeyeen cuntada iyo sida ay u sameeyeen.

    Haddiise aad garanayso in ay cuntadu tahay baasto tukaanka laga soo geday ee hortaada uu ku karshay ee uu gasac tuunno ah oo kalluun ah ku deray waad cuni kartaa, sidaa darteed haddii uu makhaayad khalluun iibinayo oo uu kalluun oo kaliya kaa iibsho waad cuni kartaa, marka waxa xaaraanta ah waa cuntada uu karshay ee aanan ogayn waxa uu ka sameeyay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, July 21, 2005 at 20:12:15 (CDT)
  2. Su'aal iyo Mahadnaq: Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
    Salaamu caleykum waad mahad santahay suaashi aad igaga soo jawaabtey, ilaah hakaasiiyo ajir iyo asxaan.
    I want to ask you another question please; I would like to know if chineses food is haraan my mother told me is haraan because of they don't have any Religion and I love to eat.
    Ilaaheey hana wada cafiyio. adigana ajir iyo asaxaan alaah kaasiiyo all of these thing your doing for the muslim people.
    idil <iayalaxow>
    - Thursday, July 21, 2005 at 10:54:30 (CDT)
  3. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
    Assalaamu calaykum; Salan kabacdi, waad ku mahadsantahay bogaadinta, ducada aad inaga codsatayna waan kuu soo ducaynaynaa in Ilaahay wixii aad jeceshahay uu ku siiyo.

    Intaa kadib waxaad ogaataa in Carruurtu ay mararka qaar dadka qaar dib uga dhacaan, waxaad tiri laba sano ayaan sugaynay, laba sano wax badan maaha, waxaan anigu ogahay dad 5 sano sugayay oo kadib carruur helay, taa daaye waxaa hadda inala deris ah gabar 8 sano sugaysay, haddana wiil iyo gabadh bay haysataa, marka horta ha degdegin, laba sano waqti la dhararo maaha.

    Tan labaad, waxaan kugula talinayaa in aad dhaqaatiirta kaashataan adiga iyo ninkaaga labadiinuba waa in aad dhaqaatiirta la tashataan oo aad baaritaan samaysaan haddi ay jiraan wax jirro ah oo idinka hortaagan dhalitaanka si la idiin caawiyo.

    Waxaa kale oo aad ogaataa maanta casrigan la joogo in uusan jirin qof madhalays ah, oo waxyaabaha dhasha joojiya badankooda si fudud looga hortegi karo, marka dhaqaatiirta waxyaabahaa ku takhasusay waa in aad la tashataan. Midda aad tiri ii sheeg duco quraanka ah oo aan akhristo, walaal waxaad akhrisan kartaa (Qul acuudu birabinaas, iyo birabil falaq, iyo aayatul kursiga, iyo suuradda al-acraaf, iyo wixii kale ee aad awooddo ee quraanka ka mid ah), quraanka oo dhan waa wanaagsanyahay akhriskiisuna fadli badan buu leeyahay, marka wixii kula fududaada ee aad awooddo akhriso siiba aayadaha aan kuu tilmaamay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa iyo barwaaqo.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, July 19, 2005 at 20:40:24 (CDT)
  4. Su'aal: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
    Salaamu caleeykum, Walaal Waxaan rabaa in aad ilaah ii barisaan in uu ilmo isiiyo, waxaan raadineeyney mudo labo sano ah. Maxaadse igulatalin laheed? quraanka oo duco ah oo aan aqristo habeen walbo. Waad mahad santahay, ilaah hana wada cafiyo adigana ajir iyo xsaanaad alah kaasiiyo.
    waankaxishoonaa magaceeyga <hajiro2>
    - Tuesday, July 19, 2005 at 16:07:20 (CDT)
  5. Mahadnaq iyo bogaadin
    Asc Dr Hersi labagarre,
    Waan ku salaamay salaanta muslinka, salaan ka dib waxaan mahad iyo bogaadin kaaga soo jeedinayaa sidii aad u cadaysay Masiibada wahaabiyada iyo dhagartooda.

    Walaal waxaan akhristay qaybta afka Soomaaliga oo kaliya maqaalkii aad ugu magcdartay e: [ahlusunnah Waljama'ah]Kufriga iyo Kufrinta oo 10-ka qodob ka koobnaa. Nasiibdaro qaybaha Qur aanka iima soo bixin lama arkayo maxaa ugu wacan?

    Waxaan hubaa in ay tahay cilad acrobat reader-ka la xiriirta marka wixii aad igu dhaanto ila soo socodsii. Waxaan Illaah kaaga baryayaa in ajar iyo xasanaad kaa siiyo dadaalka aad ugu jirto ka hortaga baadida iyo fidnada wahaabiyada.

    Daauud Cali Axmed
    Breda, Holland
    <Da'ud65>
    - Monday, July 18, 2005 at 03:25:27 (CDT)
  6. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
    Assalamu Calaykum; Walaal Cabdala Xasasan waad ku mahadsantahay su'aashaada, haddiise aan kaaga jawaabo, horta waxaad ogaataa in siyaarashada qabuurta ay bannaantahay oo culumada cid diidday aanay jirin, daliilkuna waa xaddiiska Nabiga ee ah "waxaan idiindiiday in aad qubuurta siyaarataan, laakiin hadda soo siyaarta maxaa yeelay waxay idin xasuusinaysaa aakhiro".

    Waagii hore intii muslimiintu gaalnimada ku dhawaayeen oo Nabigu noolaa waa la diiday, laakiin axaadiis saxiix ah ayaa caddaynaysa in kadib la banneeyay.

    Siyaarashada Qabuuraha Saalixiinta
    Ayaduna waa mustaxab, daliilkuna waa xaddiiskii Abuu Hurayra ee ku yimid qisadii Nabi Muuse, ee Nabigu yiri: wallaahi haddii aan meeshaa joogi lahaa waan idin tusi lahaa, kadibna uu u tilmaamay asaxaabtiisa meesha Nabi Muuse ku duuganyahay waddada qarkeeda, meesha burunbuurta cas ah ayuu yiri.

    Culumadu waxay dhaheen xaddiiskaas ayaa daliil u ah in ay mustaxab tahay siyaarashada qubuurta saalixiinta iyo nabiyaasha iyo awliyada iyo aqoonsashada meelaha ay ku aasanyihiin.

    Waxaa kale oo jira xaddiiska (Maaliki ad-daar) ee ku yimid qisadii roobdoonka, kaas oo leh in uu nin ka mid ahaa shaqaalaha Imaam Cumar Bin Khataab yimiday Qabriga Nabiga nnk oo waydiistay roobdoon, xaddiiskan waa saxiix, laakiin wahhaabiyadu waxay isku dayday in ay dhahaan waa daciif, maxaa yeelay Maaliki ad-Daar waa majhuul.

    Jawaabtuna waa in Ninkaasi uu ahaa shaqaalaha Imaam Cumar, Imaam Cumarna nin xun shaqaale ka dhigan mayn, marka Imaam Cumar shaqaalayntiisa ayaa inagu filan, macna ninkii Imaam Cumar shaqaaleeyay waa Caadil, ama majhuul ha ahaado ama yuusan ahaane, kolka halkaas wahhaabiyada xujadoodii ayaa ku burtay.

    Marka halkaa saddex daliil ayaan kuugu sheegay oo dhammaan saxiix ah oo bannaynaya siyaarashada qabuuraha iyo aqoonsigooda iyo booqashadooda.

    Khilaafka inoo dhaxeeya annaga iyo wahhaabiyada
    Midda labaad walaal waxaad ogaataa, in horta khilaafka inoo dhaxeeya annaga iyo wahhaabiyada uusan ahayn (siyaarashada qabuuraha ma bannaantahay mise ma bannaana?) annagu siyaarashada qabuuraha dan kama lihin, waligayna anigu qabri ma siyaaran, xattaa kii aabahay wallaahi in aanan tegin, laakiin mas'aladu waa mas'alo sharci ah, wixii bannaan waa in la qirto, wixii aan bannaanaynna waa in la sheego.

    Qofkii qabri masaxda ama dhunkada muxuu yahay?
    Midda kale, annagu ma aanan dhin qabuuraha hala dhunkado ama hala masaxdo ama carro halaga qaato, waxyaabahaas oo dhan ahlusunnah wal jamaaca way diidayaan, nagumana badna sida aad moodday, laakiin annaga iyo wahhaabiyadu waxaan isku khilaafnay: Qofkii dhunkada qabri ama ku masaxda ama carro ka qaata, ma kaafir baa?

    Mas'aladaas ayaan isku haysanaa, annagu ahlusunnah wal jamaacah haddii aan nahay waxaan dhahnay, qofka noocaas ah ee jaahilka ah wuxuu sameeyay fal bidco ah, laakiin in kufri lagu xukumo maaha ee waa in la baro sharciga wixii bannaan iyo wixii aanan bannaanayn.

    Wahhaabiyaduna waxay dhaheen waa kaafir, waana in qoorta laga gooyo, maalkiisana la boobo, naagtiisana la addoonsado!

    Marka u fiirso, sidaas ayay yeeleen wahhaabiyadu, waana kaas khilaafka inoo dhaxeeya, hadalkaasna kutubtooda ayuu ka buuxaa.

    Dhunkashada Qabriga Nabiga nnk, iyo Taabashadiisa iyo Masaxidda Mimbarkiisa way bannaantahay
    Intaa waxaa la jirta in culumadu banneeyeen oo axaadiis saxiix ah ku soo aroortay Taabashada iyo dhunkashada iyo masaxidda Qabriga Nabiga iyo Mimbarkiisa, sida ku xusan Kitaabka al-Cilal ee Imaam Axmad bin Xambal baalka 492, xaddiiska lambarkiisu yahay (3243) Wuxuu yiri Cabdullaahi bin Axmad bin Xambal oo ah inankii Imaamka: "Waxaan waydiiyay (Imaam Axmad) nin taabanaya mimbarka rasuulka nnk oo ku barakaysanaya taabashadiisa oo dhunkanaya oo sidaa oo kale yeelaya qabrigana ama si la mid ah, asiga oo taas ka doonaya in uu Ilaah ugu dhawaado waynaayee oo kor ahaayee, kolkaas buu yiri (Imaam Axmad): Waxba kuma Jabna arrinkaas".(Halkan riix si aad u akhriso naska carabiga ah).

    Sidoo kale waxaa soo weriyay Ibn Casaakir, kitaabkiisa Taariikhu Dimishiq, Juzka 5aad, baalka 265 -qisadii Bilaal Allaha ka raalli noqdee- Waxayna qisadiisu ka koobantahay, in Bilaal oo ahaa mu'adinka nabiga nnk, uu kolkii uu Nabigu geeryooday kadib uusan addimin, oo uu u dhoofay Dimishiq, asiga oo halkaa deggan ayuu habeen riyo ku arkay Nabiga nnk, dabadeedna Nabiga ayaa ku yiri: Maxaad ii goysay? oo aad iisoo booqan waysay? Dabadeedna Bilaal ayaa halkaa ka soo safray oo soo booqday Masaajidka Nabiga kolkii uu yimid Madiina ayuu fariistay qabriga Nabiga agtiisa kolkaas buu billaabay in uu halkaa ku ooyo asiga oo wajigiisa ku xoqaya ama ku masaxaya qabriga Nabiga nnk korkiisa.. (Halkan riix si aad u akhriso naska carabiga ah).

    Waxaa kale oo soo weriyay xadiis saxiix ah Imaam Xaakim, kitaabkiisa al-Mustadrak, juzka afaraad, bogga 515aad. Xaddiiskaas oo leh in Marwaan bin al-xikam uu maalin arkay nin wajigiisa saaray qabriga (Nabiga) kolkaas buu qoorta ka qabtay oo ku yiri: ma garanaysaa waxa aad samaynayso? kolkaas baa ninkii yiri haah. Kolkaas buu xaggiisa u soo jeestay (ninkii baa marwaan xaggiisa u soo jeestay intuu qabrigii foolkiisa ka qaaday) kolkaas buu arkay in uu yahay "Abuu Ayuub al-Ansaari" (macnaha ninka qabriga foolka ku hayay wuxuu ahaa saxaabiga wayn ee caanka ah ee Abii Ayuub al-Ansaari) (Marwaanna waa xaakimkii umawiga ahaa ee uu Mucaawiyo u dhiibay magaalada madiina), kolkaas buu abii ayuub yiri: waxaan u imid Nabiga Ilaahay nnk, ee uma aanan imaan dhagaxan, waxaanna maqlay Rasuulkii Ilaahay oo leh: Ha u calaacalina Diinka haddii qof ahalkiisa ah uu wilaayadiisa qaado, ee waxaad u calaacashaan haddii uu wilaayadiisa qaado qof aanan ahalkiisa ahayn!", (macnaha, wuxuu ka wadaa Marwaanow adigu Islaamka ahalkiisa ka mid maahid, waxaadna qaadday wilaayadiisa). Wuxuu yiri Imaam Xaakim: Xaddiiskan Sanadkiisu waa saxiix, mana aysan soo werin labada Imaam ee Bukhaari iyo Muslim.(Halkan riix si aad u akhriso naska carabiga ah).

    Kolka walaalayaal halkaa waxaa ka cad in Masaxidda iyo taabashada iyo dhunkashada qabriga Nabiga iyo Mimbarkiisa aanan waxba ku jabnayn oo ay bannaantahay oo nusuus sax ah ku soo aroortay, laakiin waxa muranku ka taaganyahay waa qabuurada kale ee ama nabiyaasha kale ama awliyada ama muslimiinta saalixiinta ah iwm ma sidoo kale ayaan yeelaynaa oo waan dhunkan karnaa oo masixi karnaa mise maya?

    Culumada ahlusunnadu waxay dhaheen waxaas oo dhan waa bannaanyihiin ayaga oo ku qiyaasaya qabuurada qabriga nabiga iwm, qaarna waxay dheheen waa in qabriga Nabiga iyo Mimbarkiisa iwm oo kaliya lagu simo oo aanan lagu qiyaasin waxyaabaha kale.

    Marka bal u fiirso sida mas'aladu tahay, hana moodin in ay shirki iyo kufri tahay sida wahhaabiyadu ku andacoonayso. Tan kale annagu dadka ma anaan ku dhihin kaalaya qabuuraha ku barakaysta ama soo dhunkada ama soo xataa siyaarta! Laakiin mas'aladu sida aan horeyba kuugu sheegay waa cilmi baaris, waana in xaqeeqada laga sheego, maxaa yeelay ma bannaana in cilmiga la qarsho ama been laga sheego ama la taxriifsho sida wahhaabiyadu yeelayso!

    Tan kale haddii qof caamada ka mid ah oo qabri masaxanaya ama dhunkanaya la arko (ama ha ahaado qabriga nabiga ama ha ahaado qabri kale) ma bannaana in la kufriyo ama la yiraahdo shirki baad ku dhacday, maxaa yeelay mas'aladu waxay u dhaxaysaa in ay bannaantahay oo sunno tahay, sida ay qabaan culumada soo daliilsaday axaadiista aan soo sheegay, iyo qaar yiri waa bidco, marka meeshaas ayayba taagantahay ee ma taagna shirki iyo kufri, marka hadalka wahhaabiyadu in uusan sal iyo baar lahayn halkaas baad ka ogaanaysaa.

    In wax la fahmo ayaa loo baahanyahay
    Marka walaal, horta faham khilaafka aasaaskiisa iyo salkiisa, inta aadan eedayn ahlusunnada, annagu qofkii caamo ah ee jaahil ah ee reer baadiyo ah ama reer magaal ah laakiin aanan sharciga aqoonin, ee aan aragno asiga oo qabri dhunkanaya ama carro ka qaadanaya ama ku masaxanaya waan u yeeraynaa si tartiib ah, kadibna diinka ayaan baraynaa, waxaanna u sheegaynaa in waxani bidco yihiin oo aanay ku soo aroorin wax addillo ah oo saxiix ah in la masaxdo qabuuraha ama la dhunkado inta aanan qabriga Nabiga ka ahayn, si tartiib ah ayaa marka qofka diinka loogu sheegayaa, laakiin seef qoorta uga goyn mayno sida wahaabiyadu qabaan, naagtiisa iyo carruurtiisana addoonsan mayno, maalkiisana boobi mayno, wahhaabiyadu sidaas ayay qabtaa, sidaas ayayna yeeleen muslimiintii reer Daa'if oo dhan, way laayeen, xoolohoodiina way boobeen, naagahoodii iyo carruurtoodiina way addoonsadeen, kutubta taariikhda ayay ku caddahay, kolkii ay isku khilaafeen mas'aladan.

    Tawasulka iyo Istiqaathada iwm
    Haddii aan usoo laabto arrinka tawasulka iyo istiqaathada iwm, culumadu way isku raacsanyihiin in ay bannaanyihiin, xataa wahhaabiyadu way waafaqsantahay arrinka tawasulka, laakiin fahmo xumadooda ayaa u gaysay in ay dhahaan, ma bannaana in lagu tawasulo qof aan noolayn oo aan joogin, Ibn Taymiya ayaa taas ku andacooday.

    Culumada kalena waxay dhaheen tawasulku wuu bannaanyahay ama ha noolaado oo ha joogo qofku ama ha dhinto ama ha maqnaadee.

    Marka waa intaas khilaafka inoo dhaxeeya xagga tawasulka. Ibn Cabdulwahaab, kutubtiisa meelo ka mid ah wuxuu ku yiri anigu ma diidin tawasulka meelo kalena wuxuu ku yiri waa xaaraan, marka hadalkiisu wuu isburrinayaa oo nin wax bartay ma ayahn, jaahil buu ahaa, xukun jacayl waalay.

    Gabagabada Mas'aladan
    Marka walaal waxaa loo baahanyahay in aad fahamto mas'alada asalkeeda, annagu waxaan ugu dhegayno mas'aladan ma aha "qabuurra jacayl"sida wahhaabiyadu inagu dicaayadaynayso, qabuurana ma jecla ahlusunnadu, laakiin sababta aan ugu dhegnay waa: 1. ayada oo sharcigu banneeyay oo ay xaq tahay in aan caddayno, maxaa yeelay way inkirayaan. 2. iyo ayaga oo dhahaya qofkii fala waa kaafir mushrig ah oo dhiiggiisa bannaynaya iyo maalkiisa.

    Marka si loo horjoogsado fasahaaddaas, waxaa lagama maarmaan noqotay in aan mas'alada ku dhegno oo caddayno, laakiin kolkii ay arkeen in aanay daliil haysan, ayay ahlusunnada dicaayad uga dhigeen oo dhaheen (qubuuriyiin) baad tihiin!!

    Wahhaabiyadu waa fidno
    Marka wahhaabiyadu waa fidno, meeshii loo baahnaa in ay si daacad ah u caddeeyaan sharciga iyo xukunka Islaamka ayay dicaayad ka fidinayaan ahlusunnada si ay u khaldaan dadka caamada ah, marka waxaa halkaas kaaga cad in aanay ahayn dad liwajhillaahi cilmiga iyo sharciga u baranaya ee waa shayaadiin, juhalo ah.

    Wahhaabiyada annagu in ay kuffaar yihiin mulxidiin ah ayaan aaminsannahay, sidaas ayaanna fatwooday, xukunkoodu waa xukunka mulxidka, sababtuna waa in ay muslimiinta kufrinayaan, Nabigeennuna wuxuu inoo sheegay in Umaddiisu ay xaqa ku taagnaan doonto Ilaa qiyaamaha, dariiqooda ayaana dariiqa xaqa ah, sida quraanka lagu sheegay, kolka ninkii raaca dariiq aan dariiqa muslimiinta ahayn, ee muslimiinta oo dhan kufri ku xukuma asiga ayaa kaafir mulxida ah sida wahhaabiyada.

    Taas kaliya maaha ee waxaa jira in ka badan 10 mas'alo oo ay wahhaabiyadu ku kufrisay, oo aanan halkan ku soo koobi karin hadda masaa'ilkaas iyo adilladooda, laakiin kitaab gaar ah ayaan ku caddayn doonaa inshaa allaahu.

    Wallaahu tacaalaa aclamu, wa billaahi at-towfiiq wal hidaayah, wassalaamu calaykum..
    Dr. Hersi aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, July 12, 2005 at 08:07:05 (CDT)
  7. Su'aal:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
    walal waan ku salamay, salan kabacdi, waxan rabaa in aan ku weeydiiyo su'aal ah diini, taas oo ah sida tan: in qabuurta la siyaarto oo caro laga qaato madiinbaa? in qabriyada la dhunkado madiinba mase waa bidco? maxase daliil u ah? hadeynu nahaay ahlusunna waljamaaca waa nagu badantahay arinkaas! wabilaah towfiiq
    cabdala xasasan <cabdulow10>
    - Tuesday, July 12, 2005 at 02:39:54 (CDT)
  8. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
    Assalamu Calaykum walaal Saciid Cabdullaahi, horta waad ku mahadsantahay bogaadinta, waxaanna Eebbe ka rejaynaynaa in uu dhammaanteen ina tuso waddada toosan, inooguna kaalmeeyo sidii aan u qabsan lahayn dariiqa ahlusunnada iyo jamaacada oo ah dariiqii Nabigeenna nnk uu ka dardaarmay, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu inaga magangelsho fidnada iyo fasahaadda firqooyinka lunsan ee ka baxay diintii Ilaahay iyo dariiqii Muslimiinta, sida wahhaabiyada iwm.

    Kutubta aan kadignay!
    Walaal horta kutubta aan kadignay ee aan dhahnay yaan lagu kedsoomin, waa kutub khalad iyo kufri badan ka buuxo, waxaanna caddeeyay meelaha qaar khaladkaas ku jiro oo aan tusaale u soo qaatay, sababta aan uga digayana waa sabab sharci ah, wallaahi anigu ma aqaan dadka qoray, waxna inagama dhexeeyaan, laakiin waa waajib diini ah in laga digo wixii khaldan siiba haddii ay yihiin wax Quraanka iyo shareecada la xiriira.

    Maxaa badiil ah oo kutub ah
    Walaal waa su'aal runtii u baahan in loo helo xal, waana ku howljirnaa sidii xal loogu heli lahaa oo loo soosaari lahaa tarjamo fiican oo saxan oo waafaqsan caqiidada ahlusunnada oo Quraanka Kariimka ah, laakiin waqti ayaan u baahannahay, waana ku howlannahay aniga iyo dhowr Diktoor ayaa arrinkaas hadda jilibka u laabtay.

    Xaqa in la taageero ayaa loo baahanyahay
    Marka walaal adiga iyo intii xaqa jecel waxaan ka rejaynaynaa in aad taageertaan mashruuca turjumidda macnaha Quraanka kariimka ah, maxaa yeelay annaga wahhaabiyo Riyaal inama siiso sida kuwa ayada u shaqeeya, waxaan ku tiirsannahay xooggeenna iyo xoolaheenna gaarka ah iyo taageerada inta xaqa iyo dariiqa sunnada nabiga nnk jecel.

    Marka qofkii aanan wax kale tari karin waa in uu afka inaga taageero, oo baadilka diido, oo aanuu cabsan, wallaahi waxaan arkay dad soomaali ah oo muslim ah, laakiin waxay ka cabsanayaan wahhaabiyada!! Laaxowla walaa quwata! waxay igu dhaheen waa ognahay in warkaagu run iyo xaq yahay Dr. Xersi, laakiin ganacsato ayaaan nahay meesha aan joognana wahhaabiyo ayaa u badan, kolka waxaan ka baqaynaa in ay ganacsiga naga fidneeyaan!

    Laaxolwla walaa quwata Ilaa billaah, fidnada ganacsiga iyo fidnada caqiidada yaa daran? inkasta oo aan ognahay oo ganacsigu muhiim yahay oo loo baahanyahay in la shaqaysto, laakiin taas macnaheedu maaha in caqiidadaada lagu gorgortamo. Sidoo kale, waxaan arkay qaar Imaam ka ah masaajidda qaar, waxay dhaheen, mushaarkeenna ninyahow waxaa dhiiba sacuudiga, waxaanna ka baqaynaa in mushaarka nalaka goosto, sidaa darteed wahhaabiyada waa iskala mucaamalootamaynaa!!

    Laa'ilaaha Illallaahu, war miyaanay Ilaahay ka baqayn, war Ilaahay baa dadka irsaaqa oo quudsha, wahhaabiyo Riyaalkeeda u dhiman maysaan haddii aad alle tawakushaan, marka bal u fiirsada, maanta dadkii caqiidadooda iyo mushaarkooda mushaarkooda ayaa la muhiimsan!! Ilaahay towfiiqada ha ina tuso. Marka walaal carruurtaada u dhigo quraanka, webkan kala soo deg dhowr buug oo aan turjumay ayaa jirtee, dhawaanna waxaan gelin doonnaa kutub fiqhi iyo caqiido ah oo hadda tarjamadoodu socotaa, marka hala sabro, towfiiqdana allaha ina waafajiyo dhammaanteen.
    - Monday, July 11, 2005 at 06:42:39 (CDT)
  9. Su'aal iyo Bogaadin: waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey Salaantaas islaamka ka dib, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey inaad uga digtaan bidcada wahhaabiyada iyo sharteeda ummadda Somaliyeed oo 100% muslimka ah, laakiin weli wax baa dhiman waxaad tiri ha ku kadsoomina tafsiirka quraanka oo ay akhriyaan bidcadu, mana jiro meel laga heli karo mid ay akhrirayaan culimada wanaagsan, sideen yeelnaa ubadka? Maxaa loo sameyn waayey taas waxaan aqaan ilaa iyo hadda: 2garre.com, cawaale.com, hlusunna.org, intaasi weli ma leh ee noo sameeya inshaa allaaah. Mpls. Mn. USA.
    Saciid Cabdullaahi Ismaaciil <saciidtumaal>
    - Monday, July 11, 2005 at 06:42:39 (CDT)
  10. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
    Walaal, mushkiladda ku soo waajahday waxay qabatay dhallinyaro badan oo kula mid ah, oo salaaddii dhibsaday kolkii ay Yurub tageen, sababuhuna waxay u badanyihiin:
    1. Jawiga qaboow ee dhulkaas.
    2. Mujtamaca dhulkaas oo aan salaadda tukashadeeda kugu dhiirrigelinayn.
    3. Badanaa ayada oo aan meelo lagu tukado laga helin goobaha shaqada.
    Iyo qaar kale oo la mid ah mashaakilkaas.

    Sidaa darteed, horta waxaan kuu sheegaynaa in aad ogaato in salaaddu waajib tahay oo marwalba lagaa rabo in aad waqtigeeda ku tukato. Midda labaad haddii jawigu qabow yahay isku day in aad xirato Khuf ama iskaalshooyin aad ku tukato oo aad masaxdo maalin iyo habeen si aadan marwalba uga wehsan waysaysiga.

    Waxaa kale oo aad yeeli kartaa haddii aad meel ka shaqayso oo meeshaas aanay lahayn meel lagu tukado ama aadan heli karin waqti aad ku tukato oo aanay ku siinayn waqti aad ku tukato, waxaad isku daydaa in aad salaadda dib u dhigto oo aad casirka iyo dukurka isku mar tukato, adiga oo waqtiga duhurka dabayaaqadiisa tukanaya duhurka, waxyar kadibna casarka tukanaya.

    Sidoo kale salaadda Maqribka iyo Cishaha isku dhawee ee laba waqti oo isku dhaw tuko si aadan uga caajisin.

    Iima sheegin sababta kuu diidaysa in aad salaada daa'into, laakiin haddii aanay jirin wax sabab ah ee ay caajis uun kaa tahay, waxaad samayn kartaa adiga oo akhrista kutubta cilmiga ah ee fiqhiga ah si aad dib ugu xasuusato ahamiyadda salaaddu diinta u leedahay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa iyo towfiiq.
    Hersi Aw Mohamed
    - Saturday, July 09, 2005 at 16:26:55 (CDT)
  11. Suaal:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
    Asalaamu caleeykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu sxb akhii fillaah waxaan deganahay magaalo ku taalo dalka Norwey waxaana igu adkaatay salaadii waxaan u baahanahay waano iyo wax idaaweeyo oo igu soo celiyo salaadeeydii intaanan imaanin yurub ka hor aad ayaan u taabacsanaa salaadeeyda oo intaan waan ka fiicnaa marka waxa iigu dhaw ee iigu fudu oon sameeynaayo ii sheega walaalayaal jizaakumullaahu kheyr
    Cabdullahi <imaqal>
    - Saturday, July 09, 2005 at 16:26:55 (CDT)
  12. Jawaab: Qof dhintay mala baryi karaa..
    Walaal siciid waad ku mahadsantahay, jawaabtaadii email ayaan kuugu soo diray, sidii aad adiguba iga codsatay, halkanna waxaan ku qorayaa jawaab gaaban si dadka kale uga faa'iidaystaan.

    Dadka dhintay baryiddooda sidii aan horeyba kuugu sheegay waxay bannaantahay haddii aad ogtahay in aanay ayagu laftoodu waxba ku tari karin, laakiin aad ka baryayso in ay Ilaahay kuu baryaan, marka qofkii aad u malaynayso in uu ahalukhayr yahay ama culumada iyo awliyada ka mid yahay, ama nabiyaalka iwm, waad waydiisan kartaa in ay Eebbe kuu baryaan.

    Wahhaabiyada ayaa ku andacootay in aan la ogolayn baryada noocaan ah, waxayna dheheen waa (Duco) ducadana ma bannaana in cid aan Ilaahay ahayn loo duwo.

    Waxay soo daliilsadeen aayadaha leh (Eebbe cid kale hala baryina) ee suuradda al-Jinn: 18 iyo suuradda al-shucaraa:213 iyo qaar kale ayaga oo aan kala soocin oo aan sheegin waxa dacwo ama baryada laga wado.

    Hadaba waxaan leeyahay, wahhaabiyadu waa dad maangaab ah oo aan cilmiga aqoon, erayga (dacwo) macnihiisu maaha (cibaado) oo kaliya sida wahhaabiyadu ku andacootay ee wuxuu noqon karaa (Uyeerid) ama waxa loo yaqaan (Nidaa') ama (istigaathah) ama (Tawasul) oo dhammaantood erayo isku ujeeddo ah.

    Sida ku soo aroortay quraanka (dacwadu) cibaado kaliya loogama jeedo sida wahhaabiyadu ku andacootay ee waxay noqon kartaa (Uyeerid) sida ka cad aayadaha soo socda: al-baqarah: 69, 70. an-naxl: 125. al-Xaj:67. al-Qasas: 87. Gaafir:49. as-shuuraa:15. Iyo aayado kale oo badan oo dhammaantood ay ku soo aroortay weedha (Duco) ujeedadeeduna aanay cibaado ahayn ee laga wado u yeerid.

    Sidaa darteed, ninkii yiraahda (Yaa cabdul-qaadir) ama (Yaa rasuulallaahi) ama (Yaa shiikh aways) iwm, waxba kuma jabna culumaduna waxay dheheen waxaa la yiraahdaa (Nidaa') cibaadana maaha.

    Sidoo kale ninkii yiraahda: (Cabdulqaadirow Ilaahay ii bari, awoowoow ilaahay bari, rasuulkii Ilaahayow ina haleel iwm) ayaga oo og in dadkaasi aanay ayagu wax tarayn kaligood ee ay Ilaahay baryayaan culumadu waxay dhaheen waxaa la yiraahdaa (Tawasul ama Istiqaatha) dhammaantoodna way banneeyeen.

    Xataa wahhaabiyada kuwa ay caabudaan ee ku sheegaan Imaamyada iyo Shaykhul Islaam sida (Ibn Cabdulwahhaab iyo Ibn Taymiya) way banneeyeen, mana aysan dhihin waa xaaraan iyo waa kufri ama shirki.

    Laakiin wahhaabiyada kuffaarta ah ee waayahan soo baxday ee mulxidiinta ah ee diinkii Ilaahay ka tegay ee raacay caqiidadii sanamya caabudka iyo mujasimada ayaa waxaas ku andacooday, lacag badan ayay haystaan, Isticmaarka maraykanka iyo Ingiriiskana way kaashadeen, markaas bay doonayaan in ay kufrigooda sandulle inagu marsiiyaan.

    Marka kuwaas hala ogaado in ay Yahuudda iyo Nasaarada kasii kufri badanyihiin, hana la iska jiro, wallaahi nasaarada iyo Yahuudda ayaa Islaamka uga dhow kuwaas, maxaa yeelay kuwaasi waxayba aaminsanyihiin in Ilaahay uusan jismi ahayn, laakiin nasaarada ayaa tiri xuluul iwm.

    Kutub badan ayaa mowduucaan laga qoray, waxaana la yiraahdaa (Tawasulka, ama istiqaathada ama nidaa' iwm) culumada ahlusunnaduna waa isku raacsanyihiin in ay bannaantahay, maadaama qofku ogyahay in uusan qofka kale asigu shakhsi ahaan wax tarayn, ee uu Eebbe kaalma waydiisanayo.

    Waxaa kale oo wahhaabiyadu ku andacoodeen in ay bannaantahay in aad barido oo tiraahdo Alle ii bari qof nool, waxay dhaheen qofkiise dhinta lama ogola in sidaa la yiraahdo!! acuudu billaahi jahli badanaa! Xaggee waxaa ka soo akhriyeen? axaadiis uu isku soo maleegay oo uu marin habowshay al-Baani ayay soo daliilsadeen oo ku murmaan!

    Waxaan ugu jawaabaynaa: Ilaahay agtiisa qof dhintay iyo qof nool, waa isku mid, jaahilnimadooda waxay u malaynayaan in qofkii dhintay Ilaahay nacay oo aanuu ducadiisa maqlayn! Ilaahay qof dhintay ama qof nool waa isugu mid, qofkii asiga oo wanaagsan noolaa Ilaahay wuu jecelyahay, haddii uu dhintana wuxuu ahaanayaa qof wanaagsan sida nabigeennii Muxamad ahaa nnk, intii uu noolaa waa wanaagsanaa Ilaahayna wuu jeclaa ducadiisuna ijaabo ayay ahayd, markii uu dhintayna waa sidiisii ee Ilaahay ma nicin, ducadiisana ma diidin! sida ay wahhaabiyadu u malaynayso. Awliyada iyo addoomaha Ilaahay ee suubanna waa sidaas dhammaantood.

    Axaadiista beenta ah ee al-Baani isku soo maleegay ee uu daliilka ka dhigtay waxaan leenahay al-baani xadiisna ma yaqaan xaafidna maaha, manhajkiisuna manhaj aan aqbali karno maaha, waxaanna kula kulmay al-baani jordan intii uu noolaa oo aan ku arkay, mana ku qancin wixii uu sheegayay kutubtiisana waan akhriyay mana ku qancin wixii uu ku dhigay maxaa yeelay waa nin habowsan oo waxa uu sheegayo iyo waxa uu qorayo aanan garanayn waxa looga jeedo.

    Sidaa darteed, soomaalida Ilaahay ku ibtileeyay wahhaabiyada ee caabuda ibn Cabdulwahhaab iyo ibn Taymiyah iyo al-baani waxaan leeyahay intii aad caabudi lahaydeen dadkaas , iftiinka cilmiga raaca oo noorka aqoonta tiigsada oo waxbarta oo jahliga iyo taqliidka indha la'aanta ah ka hara.

    Haddii aad sidaa yeeshaan waxaa laga yaabaa in aad cilmiga barataan oo aad xaqa haleeshaan oo aad diinka saxiixa ah fahamtaan, haddii kale, adinka oo sidiinna u indha la' oo dhega la' oo ibn Taymiya iyo Ibn Cabdulwahhaab iyo al-Baani caabudaya ayaad kufrigiinna ku dhimanaysaan oo naarta jahannama Eebbe idinku cadaabayaa.
    Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, July 06, 2005 at 23:04:20 (CDT)
  13. Suaal: Qofdhintay mala baryikaraa?
    As/c wr wbr: Walaal waxan rabaa in aad iiga soo jawaabto su'aashaan hoos ku qoran jawaabtana E-mail iigu soo dura, Hadii Qof Muslim ah uu Baryo Qof Dhintay sidda Shiikh C/qaadir(RC) ma Danbi baa? W/w/w
    Sa'iid H Kalif <Shkalif>
    - Sunday, July 03, 2005 at 02:38:05 (CDT)
  14. Jawaab:
    1. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya!
    Walaal waad mahadsantahay su'aalaha aad isoo waydiisay, waxaan isku deyayaa in aan si degdeg ah uga jawaabo maxaa yeelay way badanyihiin
    Marka su'aashaada 1aad, jawaabteedu waa in ay soomaaliya joogaan kooxo firqooyin ah oo dhammaantood dibadda laga soo waariday, mid dalka ku dhalatay kuma jirto, mid kasta waxay hugantahay magaca islaamka, waxaana ugu khatarsan kuwa loo yaqaan wahhaabiyada ama Itixaadka iyo Ikhwaanka, hoos ayaan faahfaahin ku saabsan kooxahaas ku qoray ee fiiri.

    2. Maxaa sababey wahaabiyada in ay soomaaliya ku sii xoogsan?
    Walaal wahhaabiyadu soomaaliya kusiixoogaysan mayso sida aad moodday ee way siidhimanaysaa, daliilna waxaa u ah in ay maanta wahhaabiyadu caalamka oo dhan ka sii dhimanayso oo ay sii daciifayso, sababtuna waa fadeexooyinkeeda oo soo baxay iyo dadkii oo tacliinta aad u bartay oo fahmay khaladaadka caqiidadeeda iyo kufiga ay ku salaysantahay falsafaddoodu.

    Waxaa intaa la jirta wahhaabiyada ayada lafteeda ayaa iskhilaaftay oo kooxo u kala jabtay, waxaana kooxahaas ugu caansan kuwa taageera dowladda sacuudiga ee isku magacaaba (al-firqah al-naajiyah) oo ayagu sheegta in ay jannada kaligood geli doonaan inta kalena muslimiinta u arka in ay gaalo kufaar ah yihiin oo ay naarta geli doonaan. Kooxda labaadna waa kuwa loo yaqaan (jihaadiga, ama wahhaabiyada, ama salafiyada jihaadiga ah) waxaana kuwaa aasaasay Maraykanka oo ku shaqaysta waxaana ka mid ah (al-qaacida, iyo kooxda abuu muscab iyo qaar kale oo badan oo maalinkasta magac cusub la baxa) kuwani waa koox maraykanku kharash siiyo oo uu tababaro oo uu ku shaqaysto sidii caalamka islaamka loo burburin lahaa oo muslimiinta loo layn lahaa ayuu u adeegsadaa.

    Marka wahhaabiyada xaalkooda waa la ogaaday, waana soo shaacbaxay al-xamdulillaahi Ilaahay ayaa fadeexeeyay oo Nifaaqooda iyo kufrigooda muslimiinta tusay, marka waa in aan hurdada ka kacno oo dadkan iska qabanno, oo nafteenna iyo nafta intii muslim ah ka badbaadino kooxdan kufrigeeda.

    Kooxdani waxay la mid tahay oo xataa ka sii xuntahay Qaadiyaaniyada iyo baadiniyada iyo qadariyada iyo dhammaan kooxihii lumay ee Ilaahay umadda ku fidneeyay, taariikhda akhriya si aad u aragtaan fidnada kooxdan oo aad ugu cibra qaadataan.

    3. Sidee loo heli karaa culimo ka madax banaan muslimiinta dalalka kale oo soomaali ah, oo ayaga buugaagtooda qora?
    Waa su'aal muhiim ah, waana lagama maarmaan in la helo culumo soomaaliyeed oo madaxbannaan oo aanan "dameeri dhaanraacday ahayn" sida wahhaabiyada iyo ikhwaanka, waana aasaaska dacwada aan annagu wadno arrinkaas.

    Waxaan culumada soomaaliyeed ugu yeeraynaa meelkasta ha joogeene in aan annagu ahaanno dad isku filan oo cilmigii culumadeennii inooga tagtay aan barano dabadeedna aan kutubtoodii dib u habayno oo aan wixii lagu derikaro ama lagu kordhin karo ku kordhino.

    Uma baahnin in aan wahhaabiyo khaliijka carabta ka soo waaridano ama aan ikhwaan ka soo dhoofsanno Masar ama aan kooxo kale sida Tabliiq ka soo dhoofsanno Paakistaan.

    Umad muslim ah ayaan nahay, culumo badan ayaan leenahay, miyaanay ahayn in aan fikirka muslimiinta wax ku soo kordhino oo aan annaguna kaalin ka ciyaarno xadaaradda Islaamka?

    Maxaa inoo diiday in aan sidaa yeelno? Aqoonla'aan? mise Caqliyari? mise??
    Anigu waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhallinyarada hadda waxbaratay iyo culumadii hore inta in aan annagu haddii aan soomaali nahay aan kaalintii nalaka rabay ka soo baxno oo aanan noqon badeeco hadba sidii la doono loo kala iibsado oo marna wahhaabiyo iangu shirtagto marna Ikhwaan marna Tabliiq!!

    Waxaan arkay dadka quraanka ugu xafidi og muslimiinta waa soomaalida, isla markaa carruurtooda waxay u gaystaan Tabliiqa ama wahhaabiyada ama ikhwaanka si ay quraanka ugu dhigaan!! Kuwa isku sheegaya wahhaabiyada ama Ittixaadka ee qurbaha aan ku arkay kuma jiro mid isku kalsoon oo carruurta quraanka u dhigi kara! Sow layaab maaha! gadhkiisana inta aadan salaamin ayuu indhaha kaa gelayaa!! oo wadaaddada Ittixaadka waxaadba moodaa in la yiri gadhka uun isugu faana laakiin cilmi kale iyo caqli kale laga sugi maayo, xataa carruurta quraanka ma bari karaan!!

    Marka walaalayaal aan dib isugu noqono, oo aan annagu isu nimaado oo aan kawada hadalno sidii aan xadaraddeenna Islaamiga ah ee Soomaaliyeed usoo noolayn lahayn oo aan u soo noolayn lahayn kutubtii culumadeennii hore ay inooga tageen iyo cilmigoodii.

    War wahhaabiyo waxay ku duushay magaca (ibn Cabdulwahhaab) oo la ogyahay in uusan cilmiga iyo culumada meelna ka soo gelin, kolkaas bay ku magacaabeen "Imaam", Suudaan waxay ku duushay "Mahdiga" oo aan ognahay in uusan waxwayn kusoo kordhin fikirka muslimiinta ee uu ahaa wadaad suufi ah oo waliba suufiyadiisu ay khuraafi ahayd oo aysan ahayn suufiyo toosan oo sunno ah sida midda soomaalida.

    Annagu haddii aan soomaali nahay waxaan ka tagnay cilmigii saxiixa ahaa ee ay inooga tageen culumadeennii waawayneed ee ay ka mid ahaayeen Culumada Saylac, iyo harar, iyo Kuwa koofurta sida culumada Muqdisho iyo Kuwa bariga iyo waqooyiga iyo dhammaan dhulkeenna tuuladii aad tagto wadaad caalim ah oo kutub iyo cilmi ka tegay baa jooga, marka imaanka ayay soomaalidu la'dahay, inta ay dhulkii musaylama al-kaddaab u doonayaan diinta maa bartaan midda hoostooda taalla ee saxiixa ah!!

    4. Makulatahey in culimada soomaalida dib u heshiisiin loofuro sida (warlordsKa)
    Soomaaliya ma joogto culumo dagaashay. Waxaa dagaalay culumo iyo mooryaan ee culumado dhexdooda kama dagaalin, Itixaadka iyo Ikhwaanka wim kuwaasi culumada kuma tirsana ee waa mooryaan, marka waxaa loo baahanyahay in laga takahluso oo qalin looga takhaluso, maxaa yeelay dadkaas looxgaabta ah dad dibadda laga soo diray oo jawaasiis ah waaye, dhammaantood waxaa laga maamulaa dibadda oo mushaarkoodu dibadda ayuu ka yimaadaa, marka kuwaasi ma culumaa? mise waa calooshood u shaqaystayaal iibinaya diinta iyo dalka?

    Culumadu waa kuwa sida daacadnimada leh ugu shaqaynaya umadda, haddii ay kuwaasi culumo fiican oo dalka iyo diinta iyo dadka u daacad ah yihiin ma waxa soomaaliya ku dhacay ayaa dhici lahaa?

    Wixii soomaaliya ka dhacay ee kharaabka ahaa ayaa daliilcad u ah in kooxaha iyo firqooyinka sida Ittixaadka iyo Ikhwaanka iwm ay dhammaantood kufaar munaafiqiin ah yihiin oo ay dalkii iyo dadkii iyo diintii iibsheen ayaga ayaana ka dambeeyay oo ka qaybqaatay kharribiddii Soomaaliya walina way ka shaqaynayaan.

    Marka waa in kuwaa laga takhaluso, waxay la mid yihiin Dagaal oogayaasha, kuwaas iyo aygu waa isku mid, ayada oo labadaa dalka laga dhamayn ama la daciifin oo aan talada lagala wareegin waligiis toosi maayo dalku, marka soomaali ayay u taallaa, sidii ay yeeli laahaayeen ayaga ayay jirtaa, siiba waxgaradka iyo aqoonyahanka soomaalida ayay mas'uuliyaddu saarantahay.

    Faahfaahin ku saabsan kooxaha soomaaliya ka jira kuwa ugu sharta badan ee loo baahanyahay in laga digtoonaado kufrigooda iyo khayaanadooda iyo nifaaqooda:

    Wahhaabiyada ama Ittixaadka
    Wahhaabiyada ama Ittixaadka horta kuwaas u malayn maayo in aad muran ka qabto, maxaa yeelay kutubtooda ayay ku wada caddahay, waadna ogtahay in Ibn Cabdilwahhaab Rasaa'ilkiisa ku yiri: (Ninkii aanan qolyaha wahhaabiyada ka soo horjeeda kufrin waa kaafir, ninkii aanan kaasi diiday in uu kufriyo dadkaas kufrinna waa kaafir).

    Macnaha Ibn Cabdilwahhaab ma kufrin oo kaliya dadka ka soo horjeeda wahhaabiyada ee wuxuu xataa kufriyay kuwii diiday in ay dadkay kufriyaan, wuxuuna hadalkaas ku caddeeyay kutubtiisa iyo rasaa'ilkiisa, atbaacdiisa maanta joogtana isla caqiidadaas bay raacsanyihiin, waxaana ka mid ah Salafiyada Shaam iyo Ittixaadka Soomaaliya iyo Ansaarusunnaha Masar iyo Suudaan.

    Kooxaha Akhwaanka
    Intaa kabacdi aan u gudubno kooxaha Akhwaanka lagu sheego, runtii kuwani waxay u kala baxaan kooxo badan oo mid walba tankale kufrinayso, sida Takfiirka (Jamaacatu al-muslimiin), iyo Jihaadka (al-jammaacah al-Islaamiyah) iyo Islaaxa iyo Akhwaanka kalle ee siyaasiga ah.

    1. al-Hijra Wattakfiir
    Qolada hore ee loo yaqaan (Hijra wattakfiir) ayaguna isu baxshay (Jamaacatul muslimiin) ee uu aasaasay shukry faysal (oo masar lagu toogtagtay) intii aanan kooxdooda ku jirin si cad bay kufri ugu xukumayaan, taasina waxay ka muuqataa magacooda oo ah (Jamaacatul Muslimiin) macnaha waxii aan jamaacadooda ahayn muslim maaha.

    2. Jamaacat al-Jihaat al-Islaami
    Waxaa kooxdaas ku soo xiga kuwa (Jamaacat al-Jihaad) loo yaqaan ayaguna isu baxshay (al-jamaacah al-islaamiyah) ayaguna sidoo kale, qofkii aanan dhihin waxa ay dhahayaan oo aanan mad-habtooda soo raacin, kufri bay ku xukumayaan, dowladda iyo shacabku in ay kufaaryihiin bay aaminsanyihiin, oo dhiiggooda iyo xoolahoodu bannaanyihiin.

    3. al-Akhwaan al-Muslimuun
    Waxaa kuwaas ku soo kiga akhwaanka siyaasiga ah ee xukun u dirirka ah waxayna si fiican u joogaan Jordan oo ay baarlabaanka ku jiraan iyo Masar iyo suudaan oo ay xukunka inqilaab ku qabsadeen, waxaana loo yaqaan kuwa suudaan (xarakat al-inqaad al-islaami), iyo Jasaa'ir oo ay loollan ba'an u galeen sidii ay xukunka ku qabsan lahaayeen, laakiin aanay ku guulaysan, iyo Malaysia oo ay baarlabaanka ku jiraan loona yaqaan (Parti Islaam Malaysia ama PAS), iyo Indonisia iyo Pakistan oo loo yaqaan (Jama'at Islaam) iyo meelo kale oo badan oo caalamka ka mid ah, kooxdan si cad muslimiinta aanan ayaga raacsanayn uma kufriyaan laakiin waxay leeyihiin ninkii aanan dhihin (xukuuma islaamiya) waa waajib ee adeecsan xukuumadaha hadda jooga waa kaafir.

    Waxaa kale oo ayaga iyo kuwa aan hoos ku sheegi donno u dhexeeya in ay kuwani aaminsanyihiin (inqilaab) ama xoog in xukunka lagu qabsado, kolka dhinacaas marka aad ka eegto waa sida shuuciyada.

    3. Al-Islaax al-Islaami
    Ugudambaystii waxaa jira kuwa islaaxa isku sheega, oo soomaaliya jooga ayaguna waxay ku figrad yihiin kooxda siyaasiyiinta ah ee aan kor ku sheegay, si cad uma dhahaan muslimiinta aanan ayaga raacsanayn waa kufaar laakiin waxay qabaan figradda ah in xukuuma islaamiya la dhiso ayada oo loosoo marayo dhinaca tarbiyada iyo toosinta dhallinyarada kuwaas oo kolka ay kacaan xukunka la wareegi doona, haddii aadan figraddaas ku raacsanayn ayaguna waxay kuu arkaan in aad tahay nin ka soo horjeeda dhisidda waxa ay ku magacaabeen (Xukuuma Islaamiyah), taasna macnaheedu waa in aad gaal tahay ama aadan muslim toosan ahayn sida ay u arkaan.

    Hadal iyo dhammaantiis dhammaan kooxaha Ikhwaanku waxay aaminsanyihiin figradihii Sayyid Qutub iyo Ibn Cabdilwahhaab, sida aan ognahayna sayyid Quttub wuxuu tawxiidka ku deray shardi cusub oo uu jeebkiisa kala yimid oo qofkii aanan qirin uu kufrinayo waana waxa uu ku sheegay (Towxiid al-xaakimiyah).

  15. Suaal: Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
    Maxaa sababey wahaabiyada in ay soomaaliya ku sii xoogsan? Sidee loo heli karaa culimo ka madax banaan muslimiinta dalalka kale oo soomaali ah, oo ayaga buugaagtooda qora? Makulatahey in culimada soomaalida dib u heshiisiin loofuro sida (warlordsKa), Bal Dr.xirsiyoow jawaab na soosii su'aalaha kor ku xusan. Waad mahadsantahey,naxariis iyo nabadgalyo korkaaga ha ahaato.
    saidali76 <saidali76>
    - Friday, July 01, 2005 at 22:15:27 (CDT)
  16. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
    Assalaamu calaykum Sh. Dr. Hersi aw Maxamad adiga iyo ardaydaada webka kaala socda ama raadiga kaa dhegaysta waxaan hawada kuu soo marinaynaa tahniyad iyo bogaadin annaga oo joogna yurub waxaan Allah kaaga baryaynaa in uu khayr badan ku siiyo uu towfiiqda ku waafaqsiiyo.

    Waxaan ku faraxsanahay sida fiican ee aad uuga jawaabayso hadalka uuna sharxayso su'aalaha una redinayso firqooyinka bidada ah ee fidnada wada waalayana dadkeena iyo dalkeenna.

    Dhammaanteeyo ani iyo saaxiibayaalkay waxaan ku leenahay afkaaga caano laku qabay, wa jasaakumu allaah.
    Sassan Cali <saami_n>
    - Wednesday, June 29, 2005 at 20:39:15 (CDT)
  17. Jawaab: Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
    Assalaamu alaykum Abdi:
    Salaan kabacdi, sida aad sheegtay walaal maanta wax wayn baa iska bedelay dacwadii Islaamka, sababtuna waa firqooyinka Islaamka sheegta oo faraha ka batay, oo dhammaantood diinta Islaamka sheeganaya laakiin aanan Islaamka lug ku lahayn.

    Firqooyinkaas xataa waxaa ka mid ah qaar maraykan ah iyo qaar Ingiriis ah, oo magacyo been ah ku adeeganaya, sida ay inoo caddeeyeen dad ka yimid Ciraaq, waxay dhaheen dadka wax qarxinaya waa dad u shaqeeya jawaasiista maraykanka oo wahhaabiyada ka mid ah, waxay jawaasiistaasi furteen xafiisyo ganacsi iyo howlo kale isugu jira, kolkaas bay ayaga oo adeegsanaya wahhaabiyada halkaas hub iyo lacag ku siiyaan oo u diraan meelaha ay doonayaan in ay qarxiyaan iyo dadka ay doonayaan in ay dilaan ama ay afduubaan.

    Islaamka iyo Firqooyinka
    Hadaba walaal horta waa in aan laba arrimood kala saarno: 1. Islaamka iyo 2. Firqooyinka. Islaamku waa diin xaq ah waxaa loo soo dejiyay khalqiga oo dhan, qofkii doonaya in uu Islaamka bartana waa barankaraa, maxaa yeelay diintu way caddaysay sida loo barto cilmiga, waana:
    1. In aad qof waxyaqaan oo cilmiga asigu soo bartay ka baratid, quraanka ayay ku caddahay in qofku haddii uusan wax aqoon ay waajib tahay in uu waydiiyo ahlu-digriga ama raasikhiinta dadka ah, waana dadka cilmiga sida tooska ah u soo bartay ee meelaha loo soo maro u soo maray, ee jaamicadaha iyo macaahidda iyo mashaa'iikhda ka qaatay cilmiga.

    2. Waa in uusan qofku ka qaadan cilmiga qof aanan iimaankiisa iyo akhlaaqdiisa lagu kalsoonayn, ee uu ka qaato qof akhlaaq leh oo Ilaahay ka baqaya oo xaqa sheegaya.

    3. Waa in uu ka fogaado firqooyinka, maxaayeelay, firqo iyo Islaam meel islama galaan. Haddii aad aragto nin firqo ku jira ama u xusulduubaya ka fogow, maxaa yeelay waxaa kuu cad in uu diinkii rasmiga ahaa ka baxay oo firqo u baxay.

    4. Diinka xaqa ah waa Islaamka, madhabta jamaacada, ee ah middii ay muslimiintu waligood haysteen (caqiidadii imaam ashcari iyo fiqhigii afarta madhabadood, iyo kutubta tafsiirka iyo xaddiiska saxiixa ah) ayaad akhrisanaysaa, intaas ayaa xaqa ah, waxyaabaha kale ee ay wadaan firqooyinku waa baadil badan iyo xaq yar oo ay isku mileen oo ay dadka ugu qurxinayaan baadilkooda.

    Ma kutub iyo kolay baa isu eg?
    Waa maahmaahyo soomaaliyeed oo facwayn, kutub iyo kolay isuma eka, wayna kala duwan yihiin, marka Islaamka iyo firqooyinkuna waa sidaa. Marka walaal adiga iyo intii muslim ah waxaa ku waajib ah in ay cilmiga aasaasiga ah bartaan, kana bartaan culumada la yaqaan ee cilmiga ka dhaxashay culumadii hore, macnaha waa in aad wax ka barato qof cilmiga "macalin" ama "shiikh" ka bartay, haddii kale waxaad noqonaysaa qof aqoontiisu baawsi tahay sida wahhaabiyada.

    Cilmiga firqooyinku waa baawsi asalna malaha
    Haddii aad u fiirsato, wahhaabiyada iyo firqooyinka la midka ah sida ikhwaanka, waxaad arkaysaa in cilmigoodu baawsi yahay oo aanuu sal iyo baar lahayn, bal waydii dadkaas, suaalaha soo socda:
    1. waydii jaamicaddee wax ka soo barteen, ama machadkee wax ka soo baratay? Haddii uu ku yiraahdo Jaamicadda (Sacuudiga) ama jaamicadda wahhaabiyada ee madiina, waxaad ogaa taa in uu fidnaysanyahay, maxaa yeelay meeshaas cilmi laguma dhigo, shahaadooyinkeeduna muctaraf maaha, maskaxda ayaa looga dhaqaa dadka oo oryantayshan ayaa lagu hayaa, waana sidii xeryihii shuuciga ee dadka lagu shirinjiray.

    2. waxaad waydiisaa sheekhee ka qaadatay cilmiga iyo akhlaaqda, haddii uu ku yiraahdo sheekh uma baahni oo kitaabka iyo sunnada ayaan akhristay, waxaa kuu caddaanaysa in cilmigiisu baawsi yahay, maxaa yeelay kitaabka haddii qof kasta iska akhrisankaro, nabigeennii nnk ayaa iska akhrisan lahaa, oo jibriil uma baahdeen.

    3. Haddii uu ku yiraahdo asaxaabtuba jaamicado ma gelin, waxaad ku dhahdaa way galeen ee caqli baadan lahayn, maxaa yeelay waxay ka soo baxeen jaamicaddii ugu waynayd adduunka oo ah tii "nabigeenna" nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

    4. Waxaa daliil u ah, in macalinku ama sheekhu muhiim yahay, nabigeenna tacliintiisii, maxaa yeelay Ilaahay ayaa inoo soo diray nabi ummi ah si uu inoo baro in aanan cilmigu akharsi ahayn.

    Islaamku waa diin dhexdhexaad ah
    Islaamku hadaba walaal waa diin dhedhexaad ah oo "wasad" ah, macnuhuna waa in aysan firqo ahayn oo midg iyo bidix toona u janjeerin, haddii aad u fiirsato waxaad arkaysaa in firqooyinku u janjeeraan dhinacyo gaar ah oo ay mid walba dhinac u xaglinayso, taas ayaana daliil u ah in ay lunsanyihiin, nabiguna wuxuu yiri:"man shatha, shatha finnaar" qofkii gees u baxa naarta ayuu u baxay.

    Hadaba waxaa halkaa kaaga cad in Islaamku yahay diintii xaqa ahayd, oo anuu firqo shaqo ku lahayn, waxaa aasaas u ah waxbarashada toosan ee ku salaysan cilmiga iyo manhajka saxiixa ah, ee culumada iyo macaahidda iyo jaamicadaha laga barto.

    Marka iska ilaali baawsiga, soomaalidu waxay tiraahdaa "loox gaab" ama "kitaabgaablow" ninka quraanka ama cilmiga baawsada, wahhaabiyada iyo firqooyinkooduna waa sidaa.

    Wahhaabiyadu waa askartii siyaad barre iyo kuwii ka haray xisbigii shuuciga ahaa
    Sida aan wada ognahay, wahhaabiyada soomaaliya waa askartii siyaad barre haraagoodii, iyo haraagii xisbigii hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed wixii loo yaqiin, waxaa ka mid ah Kornayl Xasan Awayskan hadda jooga ee la baxay (shiikh xasan!!) oo aan dhammaanteen wada naqaan iyo kuwa la midka ah, oo aan wada ognahay in aysan diinka asal iyo baar toona ku lahayn ee woxoodu yihiin xoogsi iyo boob, diinkuna xoogsi iyo boob maaha ee waa aqoon iyo alle kacabsi.

    Marka taariikhda bal dib u eega, waxaad arkaysaan in waxani aanay cusbayn, oo islaamka Ilaahay ku imtixaanay firqooyin badan, sida qaraamidadii, faadimiyiintii, saljooqiyiintii, ismaaciiliyada, muctasilada, duruusta, qadariyada, mushabihada, mujasimada, qaadiyaaniyada, wahhaabiyada, ikhwaanka, tabliiqa, dhammaan waa isku mid, waa firqooyin lunsan.

    Bal u fiirso, salaaxuddiin al ayuubi wuxuu soo baxay waqtigii islaamku u kala go'ay duwaylaadka, dowladdiisii waxaa loo yaqiin "ad-dowlah al-ayuubiyah" ama ayuubiyiintii, muslimiinta oo dhan waxay isku raacsanyihiin in ay muslimiin toosan ahaayeen oo xaqa ku taagnaayeen, wixii kale ee casrigiisa jirayna aaway? waxay ahaayeen dhammaantood firqooyin lunsan, sida buwayhiyiintii, iyo faadimiyiintii iwm, sababtuna waa in salaaxiddiin hastay dariiqii xaqa ahaa ee ahaa (caqiidada ahlusunnada iyo jamaacada oo ah caqiidadii imaam ashcari iyo imaam maaturiidi, iyo fiqhiga madaahibta afarta ah) intaas wixii ka baxsan waa bidco gaalnimo kugu hoggaaminaysa.

    Sidee loo badbaadshaa caqiidadaada?
    Caqiidadu walaalayaal maaha wax ciyaar ah, maxaa yeelay camalkaaga oo dhan iyo iimaankaaga oo dhan way burayaan haddii aadan caqiidadaada dhowrin, marka waxaa waajib ah in la badbaadsho, hadaba sidee loo badbaadshaa?

    1. Waa in aad qabsataan caqiidadii muslimiintu haysteen 1000kii sano ee la soo dhaafay ee ay kala hareen Nabigeennii suubanaa nnk. taas oo ah caqiidada ashcariyada iyo maaturiidiyada, taas ayaa ah caqiidadii ay salafku ogaayeen oo inooga tageen.

    2. In laga fogaado dhammaan caqaa'idka cusub ee aanan la garanayn dadkii aasaasay, sida wahhaabiyada oo uu keenay nin ka yimid najid oo ah dhulkii musaylama al-kaddaab, kana dhashay isla qabiilkii uu musaylama ka dhashay ee ahaa banuu tamiim, marka qof sidaa ah sidee caqiido uga qaadanaysaa oo asalkiisuba shaki ku jiro.

    3. In la barto cilmiga aasaasiga ah ee lagama maarmaanka ah, maxaa yeelay wahhaabiyadu waxay ka faa'iidaysatay jaahilnimada haysata umadda, kolkaas bay mad-habtooda fasahaadsan u leexsheen.

    4. In laga fogaado fidnada iyo dagaalka oo dalka nabad lagu soo dabbaalo, maxaa yeelay wahhaabiyada iyo dhammaan firqooyinkaasi waxay ka faa'iidaysanayaan nidaam la'aanta ka jirta dalka, haddii dowladi jiri lahayd ama nidaam siyaasi ah oo sugan jiri lahaa waxaasi ma dhaceen, firqooyinkaas oo dhan sooma baxeen.

    Marka walaal intii muslim ah waa in aad uga digtaa khatarta firqooyinka, waana in aad qabsataan dariiqa ahlusunnada iyo jamaacada oo ah mid soo jiray tan iyo cah-digii nabiga iyo asaxaabta iyo taabiciinta, loomana baahna diin cusub oo boqol sano ama konton sano kahor soo baxday oo mushabiho iyo mujasimo iyo kufri isugu jirta.

    Wahhaabiyooy, taariikha dib u eega oo ku cibro qaata!
    Hadaba walaalayaal, waxaad ogaataan in firqooyinkaasi dhammaanayaan oo Islaamku harayo, waxay u dhammaanayaan sidii ay u dhamaadeen kuwii ka horreeyay, wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iyo Taxriirka iwm dhammaan way baabi'idoonaan taariikhda ayaa lagu qori doonaa, kooxahaas lunsan in ay mar caalamka islaamka waaleen, marka hanoqona kuwa lagu fidneeyo firqooyinkaas ee taariikhda magacxumo u gasho aakhirana cadaab xun uga horreeyo, waad ogaan doontaan, taariikhda ayaa lagu qorayaa, sidii loo qoray firqooyinkii kale, ee mushabihada iyo mujasimada iyo qaraamidada iyo qadariyada iyo wixii la mid ahaa ayaa wahhaabiyadana loo qori doonaa oo loo caddayn doonaa, diinta Islaamkuna way jiri doontaa, wahhaabiyana way dhammaan doontaa oo waligeed jiri mayso, hadaba kuwa u malaynaya in wahhaabiyo ay jiri doonto Ilaa qiyaamaha, haku cibra qaato wixii firqo ahaa ee adduunka soo maray aaway? xagee aadeen? Islaamkii khaaliska ahaa ayaa haray, intii xumayd ee bidcada ahayd ama kufriga ahaydna way baaba'een. Wa saddaqallaahu al-cadiim, maxaa yeelay wuxuu inoo caddeeyay in xaquna hari doono baadilkuna baaba'ayo.

    Khayr baan idiin rejaynayaa dhammaantiin.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 27, 2005 at 19:04:42 (CDT)
  18. Su'aal: Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
    Asalaamucaleykum walaal 2garre suasha aan ku soo weydistay in aad iga jaahilbixisid waa: waxaa aad ula yaabanahay soomaalida maanta ee diinta laga baranayo in ay soo wajahday kala qaybsanan sida hadda diinta loo raacdo, ay soo gashay shaki abuuraya in aan anigoo si fiican u aqoon diintii doonayana in aan raacdo aan kala garan la'ahay kuwooda xaqa si toosa u gudbinaya iyo kuwooda aan xaqa si toosa u gudbinayn.

    Marka walaal tan iyo burburkii soomaliya wax weyn ayaa soo kordhay ay tahay in lakala baxay fidintii diinta ay sababo loo kala yeelay oo kooxyo soo baxeen sida aad adiguba tilmaantay waahabiyo, marka walaal bal i fahansii yaa xaqa ku taagan? waana mahadsan tahay>
    abdi hussein <abdihussein>
    - Monday, June 27, 2005 at 10:21:47 (CDT)
  19. Jawaab: sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal..
    Assalaamu Calaykum; Walaal Mohamed, sida xadiiska Nabiga ku cad, waxaa lagu soomaa rabadaanka aragtida bisha, waxaana lagu afuraa aragtideeda, haddii bisha la arki waayana soddon ayaa laga tirshaa shacbaan, kadibna waa la soomaa, haddii kolkaa bishi la arko waa la afuraa, haddi la waayana soddon ayaan rabadaan laga soomaa, kadibna waa la ciidaa.

    Marka Imaamka aad sheegtay haddii uu sidaa yeelay oo uu dadka afurshay kadib markii uu qaacidadaa raacay waa saxanyahay, laakiin haddii uu dadkii afurshay ayada oo aan bishii la arag, ama aanan soddon la dhamaystirin Rabadaan ama aan laga billaabin kadib markii ay soddon noqotay shacbaan, ee ay iskood u soomeen ama iskood u afureen, ma bannaana in lagu xirto imaamkaas, waana bidci, waxaana waajib ah in laga fogaado.

    Imaamyada Wahhaabiyada iyo Kooxaha qaar
    Waxaa jira in kooxaha qaar ay tala khilaaf yihiin, oo ay afurayaan ayada oo aan waqti la afuro la joogin, sida wahhaabiyada, aniga ayaa ku arkay Jordan ayaga oo afuraya inta aanan qorraxdu dhicin, waxaana sidaa u fatwooday wadaadka ay caabudaan ee al-baani la yiraahdo.

    Sidoo kale, waxaan arkay ayaga oo ciidaya inta aanan bisha rabadaan dhammaan, marka dadkaas bidcada ah sida wahhaabiyada waa in laga feejignaado oo kufrigooda iyo bidcadooda laga fogaado.

    Qofkii ku xirta wahhaabi imaam ah salaaddiisu ansixi mayso, waana in uu qalleeyo, maxaa yeelay dadkaasi muslim ma aha, ee waa munaafiqiin kufaar ah, sababtuna waa caqiidada kirishtaanka ee saddexlayda ah ee ay aaminsanyihiin, iyo kufrinta ay muslimiinta oo dhan kufrinayaan iyo Ilaahooda Sanamka ah ee ay aaminsanyihiin.

    Waxyaabahaas oo dhan ayaa caddaynaya in aanan dadkaas salaad lagu xiran karin, oo qofkii ku xirtaa aanay salaaddiisu ansaxayn, oo ay waajib ku tahay in uu tukado mar labaad.

    Dariiqa ahlu sunnada waa in la qabsado
    Waxaan muslimiinta oo dhan ogaysiinaynaa in ay lagama maarmaantahay in aasaaska caqiidada la barto, oo ay qof kasta waajib ku tahay in uu barto macnaha towxiidka iyo sifooyinka waajibka ah ee Eebbe leeyahay, iyo arkaanta islaamka, iyo waxyaabaha uu u baahanyahay maalin kasta ee shareecada ku tacaluqa.

    Haddii uu qofku ganacsade yahay waa in uu bartaa waxyaabaha uu shareecada uga baahanyahay ee shaqadiisa la xiriira, haddii uu farsamayaqaan yahay sidoo kale, haddii uu dhaqtar yahay sidoo kale, kolka waa in qof kasta bartaa shareecada waxa uu uga baahanyahay iyo aasaaska caqiidada.

    Jaahilnimo laysugu cudur daari maayo
    Hadaba dadka moodaya in qofkii wahhaabiyada iska daba kaca loo dambi dhaafayo waa in ay ogaadaan in aanan Ilaahay jaahil baan ahaa qofna ugu dambi dhaafayn, ee ay waajib tahay in wax la barto, qofkasta waa in uu hubsado waxa ay aaminsanyihiin kooxda uu la socdo, laakiin yaan la moodin in qof kasta oo qamiis gaaban gashaday oo gadh joqof ah la baxay uu jannada gelayo su'aal la'aan.

    Masaajidda waa in laga ilaalsho wahhaabiyada kufaarta ah
    Muslimiinta waxaa waajib ku ah meel kasta oo ay joogaan in aysan masaajiddooda u dhiiban dad mujasimo ah, sida wahhaabiyada, wahaabiyadu waxay xoog ku qabsadeen ayaga oo ingiriiska kaashanaya labada xaram ee Maka iyo Madiina 80 sano ka hor, ilaa iyo haddana ayaga ayaa xoog ku haysta, waxaana waajib ah in laga kacsho oo lala dagaalo, laakiin muslimiintu maanta way liitaan oo xoog iyo xeelad malaha, wahhaabiyaduna waxay kaashatay ingiriis iyo maraykan lacag badanna way haystaan.

    Kolka fidnadooda oo dhan waxay qaybshaan waqtiga xajka ayaga oo fursaddaas ka faa'iidaysanaya. Sidaa darteed, wahhaabiyadu masaajidda ayay badanaa afduubtaa, si ay dadka caqiidadooda fasahaadsan ugu khasbaan, sidaa darteed, waa in laga feejignaado kooxdaas lunsan, oo aanan marnaba loo ogolaan in ay masaajidda imaamyo ka noqdaan.

    Salaaddu in ay ku dhaafto iyo in aad wahhaabi ku daba tukato teebaa roon?
    Intii aad wahhaabi ku dabatukan lahayd waxaa laguu qaatay salaadda oo ku dhaafta oo aad dabadeed qallayso, maxaa yeelay ma bannaana in aad wahhaabi ku xirato adiga oo og in uu aaminsanyahay caqiido fasahaadsan oo tajsiim ah, laakiin haddii aadan ogayn waxa uu yahay, iskala tuko.

    Ugu dambaystii muslimiinta siiba soomaalida oo dhan waxaa ku waajib ah in kufriga wahhaabiyada laga digtoonaado, waxay idinkugu yeerayaan naarta, waa mujasimo mulxidiin ah, waxay aaminsanyihiin in Ilaahay Sanam yahay, sidii sanamyaddii ay caabudi jireen kufaartii quraysh, marka halkaa waxaa kaaga cad in nasaarada iyo yahuuddu ka caqiido toosanyihiin wahhaabiyada.

    Wahhaabiyadu xoolaha ay gowracaan mala cuni karaa, gabdhaheenase ma guursankaraan?
    Waxaan ogaysiinayaa dhammaan muslimiinta soomaalida ah in aanay bannaanayn in la cuno xoolo ay wahhaabiyadu gowracday, maxaa yeelay dadkaasi waa mujasimo mulxidiin ah, gabdhaha muslimiintana aanay guursankarin, in ay soo islaamaan mooyee, gabdhaha muslimiinta ma geeyo ninkii caqiidadaas gala, haddii uu qabay gabadh muslim ahna wuu riddoobay oo way ka furmaysaa, haweenka muslimiinta ee ay qabaanna xaaraan bay ku qabaan, jimaacooda ay jimaacaan naagta ay qabaanna waa sino.

    Marka waa waajib in la barto caqiidada Islaamka ee toosan, lana barto caqiidada mujasimada iyo mushabihada wahhaabiyada, sidoo kale waa in la barto xukunka wahhaabiyada iyo wixii ku caqiido ah sida mujasimada iyo mushabihada, dhammaan waa isku xukun.

    Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynaa qowlkii shicirka ahaa: (wa inqultu xambaliyan (wahhaabiyan) qaaluu, xuluuliyun baqiidun, mujasami) wuxuu ka wadaa: (haddii aan Iraahdo wahhaabi baan ahay, waxay leeyihiin muslimiintu: Xuluuli xun oo ahlu tajsiim ah baad tahay)!
    Kayr baan idiin rejaynayaa.
    Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.om>
    - Monday, June 27, 2005 at 03:36:06 (CDT)
  20. Su'aal: sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal?
    Waxaan rabaa in aan ku su'aalo sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal ama soon fur isla markaasna aan la heyn cid lagu kalsoon yahay oo aragtay bisha? Waxaa sanadki dhawaay halkaan ka dhacday in masjid halkaan ku yaal laga furay soonka dadki ku dukanaayay ayadoon la arag bishi isla markaasna laga dukan ciid, oo imaanki uu yiri: dukan meyno bari, laakin waa iska afuri karnaa salaada ciidane waxaan la dukan doonaa muslimiinta maalinta xigto dukaneyso! Marka sidee lagu furi karaa ayadoon la dukaneeyn? In la soonaado iyo in la afuro lana dukado maxaa u dhaxeyn kara?
    Maxamed Shiikh Cumar <warshiikh8>
    - Sunday, June 26, 2005 at 07:17:17 (CDT)
  21. Jawaab: (Bogaadin iyo Salaan) Afsaxallaahu Lisaanaka..
    Assalaamu calaykum;
    Walaal waad ku mahadsantihiin dhammaantiin bogaadinta iyo taageerada, waxaanna rejaynayaa in aan iska kaashan doonno sidii loo fidin lahaa dacwada Islaamka ah ee saxa ah ee aan bidco iyo nifaaq lahayn.

    Sida aan dhowr jeer halkan ugu sheegayba wahhaabiyadu waxay malaayiin lacag ah ku kharashgaraysay sidii ay u fasahaadin lahaayeen diintii Ilaahay ee saafiga ahayd, ayaga oo adeegsanaya lacagta petrolka sacuudiga.

    Marka intii muslim ah waxaa ku waajib ah in ay u istaagaan difaaca caqiidada Islaamka, kana difaacaan kooxdaas fallaagada ah, kooxdaas waxay la mid tahay Qaadiyaaniyada iyo Duruusta iyo baadiniyada inteeda kale sida Ismaaciiliyada, sida uu sheegay ninkii qoray kitaabkii (xaadir al-caalam al-Islaami), laakiin khatarta wahhaabiyadu waxay ku jirtaa in ay ka soo baxday kooxdan Sacuudiga oo ay qabsadeen 1920kii Maka iyo Madiina, kadibna ay bidcadoodii muslimiinta ku khasbeen oo diin rasmi ah inooga dhigeen.

    Ismaaciiliyadu waxay ka timid hindiya, qaadiyaaniyaduna Iiraan, Duruustuna Lubnaan, marka khatartoodu waa yartahay kuwan maxaa yeelay ma haystaan magaalooyinka muqadaska ah ee kacbada iyo masjidka nabigu ku yaallaan sida Maka iyo Madiina sida wahhaabiyada.

    Wahhaabiyadu waxay adeegsataa munaasabadaha Xajka si ay bidcadooda u fidshaan ayaga oo u qaybinaya muslimiinta xajka timaada kutub baadil ah, isla markaana waxay xajka ka baxshaan boqollaal imaam oo ku nool sacuudiga dibaddiisa oo ayaga u adeega oo diintoodii ku iibsaday riyaalaad macduud ah.

    Marka walaalayaal, waxaan idinku guubaabinayaa in aad ka qaybqaadataan dacwada Islaamka oo aad dadaalkiina halkiina kasii waddaan, oo aad umadda u caddaysaan fadeexooyinka wahhaabiyada iyo caqiidadeeda lunsan.

    Xukunka Caqiidada Wahhaabiyada
    Xukunka Caqiidada wahhaabiyada waa sida caqiidada Qaadiyaaniyada iyo Ismaaciiliyada iyo Duruusta, Islaamka sal iyo baar kuma laha wahhaabiyadu, sidaa darteed waa kuffaar, qofkii ictiqaadkooda faasidka ah aaminsanna waa kaafir, qofkii inta loo caddeeyo kufrigooda yiraahda kufrin maayana waa kaafir.

    Marka walaalayaal halaga digtoonaado dadkaas iyo kuwa la macaamiila ee ka luflufta riyaalaadka ay qaybinayaan oo ey diintooda ku iibsanayaan. Yaanayna idinku khaldin quraanka iyo xaddiska ay akhrinayaan, maxaa yeelay munaafiqiintii noolayd casrigii nabiga ee nabiga ku dabatukan jirayba quraanka iyo xaddiiska way akhrin jireen, aad bayna u yaqiinneen, laakiin sidaa ay tahay, Ilaahay waynaayee, wuxuu caddeeyay in ay gelayaan daragga ugu hooseeya naarta.

    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    - Saturday, June 25, 2005 at 20:48:26 (CDT)
  22. Bogaadin iyo Salaan: Afsaxallaahu Lisaanaka..
    assalaamu calaykum waraxmatullaah
    Waxaan kugu salaamaya salaanta qaaliga ah ee salaamta islaamka. Salaan kadib waxaan kuleeyahay khayr badan ilaahay hakugu abaal mariyo aamin, sida aad u difaacayso caqiidada ahlusunnah waljamaa'ah, una radinaysid caqiidada baadilka ah ee ay bidcadu haystaan.

    Magaycaygu waakan aan hoos kuqoray, waxaan joogaa wadanka maraykanka, jamaaca badan ayaan nahay, waxaanan kuleenahay afsaxallaahu lisaanaka. wabillaahi towfiiq.
    wali said <walio8>
    - Saturday, June 25, 2005 at 20:48:26 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan

  1. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  2. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  3. Mahadnaq iyo bogaadin
  4. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  5. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  6. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  7. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  8. Qof dhintay mala baryi karaa?
  9. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  10. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  11. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  12. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.
  13. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  14. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  15. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  16. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  17. Sheekhow iisoo ducee...
  18. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  19. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  20. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  21. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  22. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  23. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  24. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  25. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  26. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  27. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  28. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  29. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  30. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  31. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  32. ma haboon tahay nin aan..?
  33. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  34. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  35. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  36. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  37. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  38. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  39. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  40. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  41. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  42. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  43. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  44. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  45. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  46. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  47. Is Khat Haram or Halal?!
  48. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  49. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  50. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  51. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  52. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  53. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  54. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  55. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  56. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  57. waxaa jira in leeyga digay..!
  58. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  59. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  60. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  61. xukunka taariku salaadka
  62. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  63. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  64. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  65. Salaan iyo Bogaadin..

  66. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  67. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  68. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  69. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  70. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  71. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  72. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  73. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  74. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  75. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  76. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  77. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  78. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  79. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  80. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  81. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  82. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  83. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  84. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  85. zakada dahabka laga bixiyo..
  86. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  87. members of one of the Somali clans..
  88. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  89. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  90. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  91. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  92. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  93. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  94. qoladasi isku diin ma nihin..
  95. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  96. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  97. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]