|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada..
Assalaamu Calaykum;
Walaal waad ku mahadsantahay bogaadintaada, waxaan had iyo jeer isku dayaa in aan sharax dheeraad ka baxsho masaa'ilka halakn layga waydiiyo, inkasta oo aanan waqti badan haysan, haddana waxaan isku dayaa in aan qanciyo dadka su'aalaha isoo waydiiya, sababtana waad iska fahmi kartaa maxaayeelay, waad aragtay wahhaabiyada fasahaaddeeda, culumada ahlusunnadu way ka xishoonayaan in ay ku hadlaan waxyaabaha wahhaabiyadu ku hadlayso, bal fiiri, culumada al-Azhar, dhammaantood waa ahlu sunnah wal-jamaacah, maqlina maysid ayaga oo wahhaabiyada wax ka sheegaya, laakiin wahhaabiyadu fursaddaas bay ka faa'iidaysteen, kolkaas bay dhaheen "waa kufaar ahlusunnadu"!!
Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa
Kolka walaal, wahhaabiyadu way ina kufrinayaan, waxay inagu xukumeen kufri, annaga oo ka xishoonayna oo intaa isleh kolley mar uun bay khaladkooda garan doonaan, oo Ilaah baa soo hanuunin doona. Kolka xishoodkii culumada ahlusunnada ayay u maleeyeen in uu cajzi iyo laciifnimo yahay, kolkaas bay dooneen in ay boobaan magaca "ahlusunnah" ayaga oo ayagu isku magacaabay!!
Hadda iyo dan, annaga kolka danta ayaa inagu khasabtay in aan kufrino wahhaabiyada, maxaa yeelay ayaguba way ina kufrinayaan, maxaad ku samaynaysaa qof ku leh (kaafir baad tahay)? Waxa kaliya ee aad samayn karto waa in aad ku tiraahdo (adiga ayaa kaafir ah)!
Sheekh Cabdulqaadir al-Jiilaani (Allaha ka raalli noqdee).
Walaal, kolka haddii aan u soo laabto ubucda su'aashaada, Sheekh Cabdulqaadir al-Jiilaani wuxuu ku dhashay meel la yiraahdo Jiilaan 470kii Hijriga, kadiban Baqdaad ayuu u soo guuray sanadkii 478kii(H), wuxuuna halkaa ku dhigtay shareecada siiba fiqhiga xambaliyada, iyo tasawufka kadibna wuxuu ka shaqeeyay dacwada Islaamka. Wuxuu geeryooday 561H.
Qaadiriyada iyo Dacwada Islaamka
Kolkii sheekhii dhintay, waxaa dacwadiisii sii weday ardaydiisii oo dacwadiisii ku fidshay Hindiga iyo Ciraaq iyo Shaam iyo Afrika iyo meelo kale. Waxayna ahayd qaadiriyadu dariiqadii doorka wayn ka ciyaarta dacwada Islaamka ee Africa, siiba Soomaaliya.
Manhajka Qaadiriyada
Manhajka qaadiriyadu wuxuu ku salaysanyahay dhowr umuurood, midka hore waa in laga fogaado raaxaysiga adduunka si nafta loo edbiyo, maxaa yeelay sida sheekhu sheegay, nafta aadanuhu waa mid had iyo jeer doonta xumaanta sida lagu sheegay aayadda 53 ee Suuradda Yuusuf. Kolka naftaasi waa mid indha la' oo dhega la' oo xumaanta uun ku degdegta sida istustuska iyo Nifaaqa iwm, sidaa darteed, qof kasta oo muslim ah waxaa la gudboon in uu la jihaado naftiisa oo ka celsho waxyaabahaa xumaanta ah, arrinkaana waxaa lagu caddeeyay aayadaha 40-41 ee suuradda an-Naazicaad.
Mujaahadadaasna aasaaskeedu waa cibaadada iyo xusidda Ilaahay, si ay qofka ugu suurta gasho in uu naftiisa u xakameeyo waa in uu labadaa badsho (Cibaadada iyo xusidda Ilaahay ama digriga)sida laga fahmayo aayadda 26aad ee suuradda Saad iyo aayadda 23aad ee suuradda an-Najam, iyo aayadda 28aad ee suuradda al-Kahf.
Dikriga Qaadiriyada
Digriga qaadiriyadu waa digriga loo yaqaan (Jahriga) ee codka kor loo qaadayo, kolka haddii aad Eebe xusto, sheekhu wuxuu qabaa in aad intii xooggaaga ah ku dhawaaqdid digrigiisa, mana aha digriga (Khafiga) ah ee (Naqshabandiyada) maxaa yeelay wuxuu aaminsanyahay in aanuu daawaynayn cudurada nafta digriga (Khafiga) ah.
Qaadiriyada Soomaaliya
Sida aan horey u sheegnay, sheekha keenay madhabta qaadiriyada Soomaaliya waa sheekh Aways, kadibna culumo badan ayaa ka qaatay oo ay ka mid yihiin culumada koofurka soomaaliya sida sheekh cali Maye iyo culumada waqooyiga sidi mashaa'iikhda Saylac.
Halkan riix si aad u dhagaysato digriga mashaa'iikhda qaadiriyada ee koofurta.
Halkan riix si aad u dhagaysato digriga qaadiriyada (Zayliciyada) waqooyiga soomaalia.
Kolka walaal, waxaa culumada taariikhda suufiyada dersa dhahaan, sheekh Cabdulqaadir wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee tasawufka u soo bandhigay dadwaynaha caamada ah. Waagii hore tasawufka iyo akhlaaqdiisa waxaa adeegsan jiray oo baran jiray culumada waawayn qaarkood, ee dadka hoose looma ogolayn aqoontaas, laakiin sheekh Cabdulqaadir ayaa bedelay manhajkaas, oo aasaasay waxa loo yaqaan dariiqada, taas oo u saamaxday dadwaynaha caadiga ah in ay bartaan oo la qabsadaan akhlaaqiyaadka tasawufka iyo manhajkiisa.
Arrinkaasi wuxuu keenay in ay dad aad u badan diinta soo galaan oo Islaamku ku fido meelo aad uga fog jasiiradda carabta sida indooniisa iyo Afrika iyo Hindiga iwm, halkaas oo ay gaarsiiyeen dacwada Islaamka ardaydii sheekhaas.
Kutubtii Culumada Qaadiriyada ee Soomaaliya
Walaal intaa kadib waxaa jira kutub aad u muhiim ah oo ay qoreen culumada qaadiriyada ee Soomaaliya, waxaana badankooda kutubtaas lagu kaydshay maktabadaha masar ee al-Azhar, iimana soorta gelin in aan helo nuskhooyin ka mid ah kutubtaas, maxaa yeelay lacag aan masar ku aado oo cilmibaaristaas ku sameeyo ma haysto, aniga wahhaabiyo riyaalkeed kuma adeego, cid kalena kharash ima siiso, laakiin Ilaahay haddii uu ii fududeeyo waxaan ku tala jiraa in aan kutubtaas ka daba tago oo derso oo daraaso fiican ku sameeyo soona gelsho kitaab aan ku mashquulsanaa in muddo ah oo cinwaankiisu yahay (Mashaahiir Culamaa' as-Soomaal).
Iisoo duceeya, taageeradiinnana hanaga hagrana, aanna iskaashano si aan ugu khidmayno diinka, una soo noolayno madhabtii ahlusunnada iyo jamaacada, loogana hortago bidcada wahhaabiyada.
Wa billaahi at-towfiiq wal-hidaayah.
- Saturday, June 25, 2005 at 09:21:52 (CDT)
- Suaal: Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada..
Walaal Waad Ku mahad santahay sida aad uqeexdo iyo sharaxaada dheeriga ah aad ka bixiso Ahlu sunnada iyo duliga Wahaabiyada .
Maanta waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada ka farcanto ee Shiikh C/qaadir (Jiilaani)iyo taariikhdiisa guud ahaan dariiqooyinka ahlu sunada ah sida loo aas aasay si ay ugu faa'iideestaan kumanaan dad ah oo si qaldan loogu turjumay ama macnaha dhabta ah aan fahamsaneen waadna mahad santahay
Qaalid <Xubbi_1>
- Saturday, June 25, 2005 at 09:21:52 (CDT)
- Jawaab: Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
Assalamu Calaykum; Walaal, taageeradaada waad ku mahadsantahay.
Dalaaqa aad sheegtay waxaa la yiraahdaa "ad-dalaaq al-bidci" naagtuna way furmaysaa, laakiin ninka naagta sidaa u furaa wuu dambaabayaa.
Dalaaqa saxa ah waa midka haweenayda la furo ayada oo daahir ah oo caadada ka qabaysatay aanna la jimaacin, laakiin ninkii fura ayada oo aan caadadii ku dhicin ama ka qabaysatay laakiin jimaacay waxaa la dhahaa ad-dalaaq al-bidci waana dhacayaa oo naagtu way furmaysaa, laakiin ninku wuu dambaabayaa.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Hersi Aw Mohamed <hana@2garre.com>
- Tuesday, June 21, 2005 at 08:12:18 (CDT)
- Mahadnaq iyo Su'aal: Naagtu ninkeeda markey xeelka qabto maka furunta..?
Walal adigo rali ah waxa su'aal ka qaba nagta ninkeeda markey xeelka qabto maka furunta? teeda kale waxan kaaga mahdcelinaa sida aad uga jawaweyso su'aalaha iyo sida aad ula dirireyso wahaabiyada
omar <lliverpoll>
- Friday, June 17, 2005 at 11:20:45 (CDT)
- Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal..
Marka hore waad salaman tihiin dhamaan bahda webka iyo dhamaan aqristayaasha ayaga sida aan xadka laheen uga faa'iideestay qoraalada muhiimka ah ee noo soo diyaariyeen qeer alaah siiyo mashaa'iqda leh webkaan.
waxaase la yaab leh in markasto bulshada eesan aqrinba qormooyinka webka ku jiro iyo jawabaaha la siiyo asaagooda ee isku fikirka yihiin dabcan qof su'aal waa qabi karaa laakin bal aqri in su'aal taada la mid ah aay ka jawaabeen mashaa'iqda iyo in kale marka walalayaal idinka oo mahad san mashaa'iqda anaga ayeey diyaar noo yihiin sida ay noo qancin lahaayeen laakin su'aalaheena ha noqdaan kuwo ku cusub webka waad mahad santihiin
C/raxman Sh: C/laahi <Farxad95 >
- Monday, June 13, 2005 at 09:45:14 (CDT)
- Jawaab: Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?..
Assalaamu calaykum;
Samsam, walaal waxba kuma jabna inshaa Allaahu, ee nadarka aad nadartay in aad Ilaahay u soonto la imaaow kolka ugu horreeysa ee aad awooddo ee munaasabka kuu ah. Xaddiiska Nabiga nnk ee uu bukhaari soo weriyay ee ah "qofkii ballan qaada in uu Eebbe adeeco ha yeelo, qofkii ballan qaada in uu Eebbe caasiyana yuusan falin" ayay culumadu nadarka u soo daliilsadeen.
Culumaduna waxay dheheen qofkii ballan qaada cibaado ama saddaqo iwm ee shardi uga dhiga haddii uu helo wixii uu doonayay waa in uu la yimaado ballanqaadkaas. Ballanqaadkaasna wuxuu la imaanayaa marka uu awoodo, maxaa yeelay Ilaahay waynaayee dadka kuma kallifin wax aanay awoodin, sidaa darteed walaal waxaa kula gudboon in aad soonka aad ballan qaadday la timaadid marka ugu horraysa ee aad awooddo ee munaasabka kugu ah.
Kayr baan kuu rejaynayaa.
Monday, June 13, 2005 at 09:30:34 (CDT)
- Su'aal: Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?..
Asalaamu calaykum sheeq;
Waxaan rabaa in aad su'aashaan iga soo jawaabta.
Sheeqow waxaan dhigtaa college. Hada waxaan ku jiraa waqtigii imtixanada u dambeeyey marka imtaxaana dana aad ayey u adak yihiin. Marka waxaan baryay rabigay waxaana dhahay hadaan ku baaso imtixanadaan waxaan ku soomi 2 maalin.
Ilaah amarkii waan ku wada baasay kuligood. Ilaah markaan baryaayey maanan dhihin waxaan kuu soomi malintaa mise waqtigaa.
Waxaana jogaa uk salata maqribkana waxaa la tukanayaa 9.30 Salaata subaxne waxay soo gali 3.20wayna igu adagtahay in aan sooma hada .Runti mana ilawsani balanta aan rabigay la galay . waxaan jeclaystay inaan sooma marka ramadaanka la gaaro.
Sheeqow ka waran arintaaa miyaan samayn karaa mise waa in aan hada sooma ???? wabilaahi towfiiq
zamzam <lubi_maxmed >
- Monday, June 13, 2005 at 09:30:34 (CDT)
- Jawaab: Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen!"..
Assalamu calaykum;
Walaal Maxamad, waad ku mahadsantahay su'aalagaaga, jawaabihiina waa kuwan:
1. Qofka Muslimka ah kaafir laguma magacaabi karo, mana bannaana in qof muslim ah la kufriyo hol haddii uuba muslim yahay oo shuruudihii Islaamnimada buuxinayo, laakiin haddii uusan muslim ahayn, ama uu Islaamnimada ka baxo ama uu wax looga baxo dhaho ama falo ama ictiqaado waa la kufrinayaa. Waxyaabaha lagu gaalaynayo qofka waa:
A. Kufriga ictiqaadiga ah, sida qofkii ictiqaada in Ilaahay jismi yahay ama sanam yahay ama meel fadhiyo, ama soconayo ama guud ahaanba u malaynaya in uu uunka oo kale yahay, maxaa yeelay Ilaahay quraanka ayuu ku caddeeyay in uusan u ekayn uunka, kolka qofkii sidaa ictiqaada waa kaafir, Ilaahayna ma yaqaanno mana caabudin ee wuxuu caabudaa sanam. Waxaana kuwaa tusaale u ah, mujasimada iyo mushabihada iyo wahhaabiyada iwm, dhammaan waa kuffaar.
B. Qofkii ku hadla qowl kufri ah, sida asiga oo yiraahda: Nabigeennu boostaale ayuu ahaa, ama muslimiinta oo dhan waa gaalo sida wahhaabiyadu leedahay, qofkii muslimiinta oo dhan gaaleeya asiga ayaa gaal ah. Kooxda wahhaabiyaduna waxay aaminsantahay in aan ayaga mooyee inta kale muslimiin ahayn, sidaa darteed waxay isku magacaabaan (al-firqah an-naajiyah) oo ay ka wadaan kooxda kaligood jannada geli doona! Marka qofkii sidaa yiraahda ee kufriya umadda nabi Muxamad oo dhan asiga ayaa gaal ah, maxaa yeelay waxaan ognahay sida xaddiiska Nabiga lagu caddeeyay in aanan ummaddiisu kufri ku kulmayn dhammaantood.
C. Qofkii kufri fala, sida asiga oo musxafka ku istaaga ama qashinka ku tuura asiga oo u kasaya oo in uu kitaabka liido uga jeedo, ama sanam u sujuuda ama u tukada iwm, waxaa loo yaqaan fal kufri ah, qofkii falana waa kaafir, waana in uu ka soo laabto kufrigaas oo diinta dib u soo galo asiga oo ashahaadanaya.
Islaamnimadu Dhaxal ma aha
Dadka qaar waxay u maleeyaan in Islaamnimadu dhaxaltooyo tahay oo haddii ay ka dhashaan qoys Islaam ah ama mujtamac Islaam ah ay waligood Islaam Iska ahaan doonaan, xataa haddii ay falaan kufri, marka walaal waxaa loo baahanyahay in la ogaado in islaamku caqiido yahay, oo qofku u baahanyahay in uu caqiidadaas niyaysto kuna dhawaaqo, uuna ka ilaalsho wixii burrinaya ee ay ka mid yihiin kuwa aan soo sheegnay.
Hana u malaynin muslim qof kasta oo ama muslimiinta la socda ama waxa ay falayaan falaya, ama aad aragtay asiga oo tukanaya ama aad aragtay asiga oo kitaab akhrinaya, munaafiqiintuba nabiga ayay ku daba tukan jireen quraankana way inaga badsheen, sidaa ay tahay ayaga ayaa gaalada ka cadaab badan, haddana qaar badan oo muslim isku sheegaya ayaa sidaa ah oo munaafiqiintaas la mid ah, waana kuwa u shaqeeya cadowga islaamka sida wahhaabiyada.
2. 2. Qaybta labaad ee su'aashaada ee ah maxaad kutubta culumada u saartay istillaabka, walaal kutubta waxaa ka buuxa khalad, waana in laga digo khaladkaas oo lagu baraarujiyo muslimiinta, sidaa darteed, haddii aad rabto in aad khaladkaas ogaato akhri waxaan ku soo qornay webka ee fiiri oo arag, haddii aanan khalad ku jirin aniguba iskuma daalsheen, laakiin khalad cad oo ula kac ay ugu dareen ayaa ku jira, oo ay quraanka ku leexinayaan.
Haddaba adiga iyo intii muslim ah waxaan uga digayaa kutubtaas dhammaanteed shirki iyo nifaaq ayaa ka buuxa, waxaa ka sii daran khaladka cilmiga iyo midka manhajiga ah, maxaa yeelay dadka qoray maaha dad wax yaqaan oo cilmiga u soo maray meelaha loo soo maro ee way baawsadeen.
Adigu ma qaadiriyo ayaad tahay mise sayliciyo?
3. Qaybta saddexaad ee su'aashaada haddii aan ka jawaabo, walaal horta waa in aad fahamto waxa qaadiriyada iyo sayliciya laga wado, maxaa yeelay soomaalida jahli xun baa ka haysta (tasawwufka) waxa la yiraahdo, waxay u malaynayaan in uu diin gaar ah ama caqiido gaar ah yahay, taas ayaana ugu wacan jaahilnimadooda, maxaa yeelay taswufku waa dariiqo akhlaaqeed ee diin ama caqiido gaar ah maaha.
Aniga ayaa inshaa allaahu halkan ku faahfaahin doona duruus ku saabsan tasawufka, laakiin halkan waxaan kuugu sheegayaa in tasawwufku yahay manhaj akhlaaqeed dadka manhajkaa ama dariiqaas raaca ayaa la yiraahdaa waa suufiyo, aniguna hadda manhaj gaar ah ma raaco ee manaahijta culumada islaamku qortay ee akhlaaqiga ah oo dhan waan jecelahay wixii igu habboonna waan ka qaataa, maxaa yeelay waa akhlaaq iyo suluug iyo aadaab ee maaha caqiido iyo fiqhi iyo towxiid.
Tan kale, allaha ku soo hanuunshee, ma ogtahay in Sayliciyo iyo Qaadiriyo ay isku mid yihiin? mise maba ogid? Walaal Ilaahay ha kuu kaalmeeyo ee cilmiga baro, maxaa yeelay adiga oo aanan garanayn waxa sayliciyo iyo qaadiriyo kala yihiin ayaad jawaabahayga duraysaa oo aad i mucaaradaysaa!!
Halkan ayaan soo gelin doonaa inshaa alaahu duruus faahfaahsan oo Suufiyada iyo manaahijteeda ku saabsan, ee la soco duruustaas, haddii aad carabi taqaanna la soo deg kitaabka aan ka qoray taariikhda Tasawufka iyo Akhlaaqda ee webkan ku jira ee bilaashka ah.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Hersi Aw Mohamed
- Monday, June 13, 2005 at 01:09:14 (CDT)
- Su'aal: Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen!"..
Sheekow, qof Muslim ah GAAL malagu orankara? maxadse adiga kitaabada culamada soomaliyeed oo caanka ah oo layaqaan qoreen istalabka aad usaartay? adigu ma qadiriyaad tahay mise salixiya?
Mohamed
- Monday, June 13, 2005 at 01:09:14 (CDT)
- Jawaab: Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?!"..
Assalamu alaykum:
Muna walaal, waad mahadsantahay, intaa kadib, su'aashaada waxaan uga jawaabayaa saddexda qodob ee soo socota:
1. Midda hore, horta walaal waad ku khaldantahay midda aad tiri dadka ha caayin ama culumada ha caayin, adiga oo kaliyana maaha ee akhristayaasha qaar ka mid ah oo badan ayaan kala sooci karin (Naqdiga cilmiga ah) iyo (Cayda).
Kolka walaal (Naqdi) waxaa laga wadaa: "kolka aad qof khaldan oo cilmiga ku gafay ama sharciga khalad ka sheegay aad saxayso oo aad khaladkiisii muujinayso", taasna cay lama yiraahdo oo kutub badan oo naqdi la yiraahdo ama Jarx ama tacdiil la yiraahdo ayaa jirta haddii aad cilmiga wax ka akhrisatay.
Naqdigu waa sixidda ay culumadu ku saxayso khaladaadka dadka cilmiga ku khaldamaya
Caydu waa aflagaaddada iyo xumaan ka shiigidda qofka ayada oo aan cilmi laga hadlayn, kolka walaal horta u fiirso, marka cilmi laga hadlayo, haddii aan iraahdo ninkaasi wuu khaldamay, ama beenlow weeye, taas cay lama yiraahdo ee (Naqdi) ayaa la yiraahdaa waana jaa'iz, mararka qaarna waajib ayayba noqonaysaa, sida middan aan anigu wado, maxaa yeelay waa waajib in laga digo firqooyinka Bidcada wada ee lunsan khaladkooda sida wahhaabiyada.
Aayadda Suuradda al-Axzaab, ma surwaal bay ka hadashay?
2. Midda labaad, aayadda aad sheegtay ee suuradda al-axzaab, walaal shaqo kuma laha xirashada surwaalka, ee waxay haweenka fartay in ay cowradooda qarshaan, cowradana waxaa lagu qarinayaa dhar kasta oo munaasib ah oo cowrada qarinaya, xataa jilbaabka lagu sheegay aayadda kaligiis cowro qarin maayo, maxaa yeelay jilbaabku waa garbasaarta.
Haddii aad fahmayso macnaha aayadda, waxay leedahay (nabiyow, ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaaga iyi haweenka mu'miniinta.. jilbaabkiina isku howiya..) Jilbaabkuna waa garbasaarta, marka sababta jilbaabka la isugu huwinayana waa in la aqoonsado, sidaa darteed, Imaam Cumar wuxuu u diidi jiray jilbaabka Jaariyadaha yaryar iyo khaddaamadaha, laakiin taas macnaheedu maaha in khaddaamadaha iyo jaariyaduhu qaawanaan ku socon jireen.
Kolka qofkii khalad ka fahma aayadda sidi adiga oo kale, ee u maleeya in haweenku ay xiranayaan jilbaabka oo kaliya, wuu khaldamay, maxayeelay jilbaabku cowrada oo dhan qarin maayo ee waa maro qaarka kore laga hugsado sida garbasaarta.
ii akhri aan kuu fasiraayee!
Marka walaal horta Quraanka ha fasirin adiga oo aanan aqoon u lahayn, wahhaabiyada oo dhan waa sidaa, waxay fasirayaan aayadaha iyo axaadiista ayaga oo aanan cilmiga soo baran.
Wuxuu yiri ninkii qoray al-awraaq al-baqdaadiyah, kolkii uu wahhaabiyada ka sheekaynayay: ((waxaa dhulka najid waayahan ka soo baxay qolo caamo ah oo midkooda aanan Quraanka akhrin karin uu ku leeyahay midka akhrin kara "ii akhri aniga ayaa kuu fasirayee!)).halkan riix si aad u akhriso al-awraaq al-Baqdaadiyah
Marka walaal looma baahna cilmi noocaas ah, oo baawsi ku salaysan, aayadda aad sheegtayna sarwaal yaan haweenku xirannin ma dhihin, sarwaalna meelna loogama sheegin, ee haddii aadan wax aqoon, wax baro, Quraankana ha fasirin, ma bannaana in uu fasiro quraanka qof adiga oo kale ah, ee adiga waxaa kugu waajib ah in aad cid waxtaqaan waydiiso oo aad muqallid ahaato.
Macanaha xaddiiska sheegaya haweenka ragga isku shabbaha..
3. Haddii aan u soo laabto xaddiiska aad sheegtay ee ah (Ilaahay wuxuu nacaladay haweenka ragga isu ekaysiiya iyo ragga haweenka isu ekaysiiya) walaal xaddiiskan ka hadli maayo xirashada surwaalka, ee wuxuu ka hadlayaa, dadka jinsiga kale isu ekaysiiya, sida kuwa aan hadda ku aragno dhulka gaalada ee Nimanka qaniisyada ah ee naagaha sidooda u dhaqmaya ee marsanaya wajiga iyo afka waxyaabaha naaguhu marsadaan, sidoo kale, naagaha aan waddamada gaalada ku aragno ee nimanka iska dhigaya ee timaha u xiiranaya sidi nimanka ama u soconaya ama u dhaqmaya sidii ragga ayaa xaddiisku sheegayaa.
Sarwaalku uma gaar aha ragga oo kaliya
Tankale, sarwaalka khalad haka fahmin, sarwaalku maaha wax cusub oo hadda soo baxay, waligiis wuu jiray tan iyo casrigii nabiga, waana la xiran jiray, asaxaabtuna way xiran jireen, nabiguna wuu soo iibsaday mar dhowr surwaal.
Tan labaad, sarwaalku uma gaar aha ragga oo kaliya, ee ragga iyo haweenka ayaa ku shirko ah, dharkuna waa saddex qaybood, mid raggu gaar u leeyahay, iyo mid ay ragga iyo haweenku wadaagaan, iyo mid haweenku gaar u leeyahay.
Sida aan wada ognahay sarwaalku waa dhar ay wadaagaan ragga iyo dumarku ee maaha dhar u gaar ah ragga oo kaliya. Tan labaad, sarwaalka haweenku wuuba ka duwanyahay midka ragga, kolka waxaaba iiga kaamuuqata in aadan waligaa sarwaal xiran, maxaa yeelay sarwaalka haweenka waxaa loo xirtaa qaab ka duwan sida loo xirto midka ragga.
In la fasiro Quraanka iyo Xaddiska aqoon la'aan ma bannaana.
Haddaba walaal, waxaan ku dhihi lahaa uma bannaana in uu axaadiista iyo quraanka fasiro qof adiga oo kale ah, maxaa yeelay malihid aqoon kugu filan oo aad ku fahamtid ujeedada nusuustaas, xaddiiska nabiga nnk waxaa lagu sheegay in uu naarta gelayo qofkii nabiga been ka sheega, qofkii xaddiska khalad u fasirana waa sidii qof nabiga been ka sheegay.
Xaddiis kale ayaa asigana lagu sheegay, "in uu khaldamay qofkii Quraanka aqoon la'aan fasira haddii uu doono haba saxnaadee".
Marka waxaan ku waaninayaa wahhaabiyada in ay iska daayaan isla waynida iyo jaahilnimada, oo aysan fasirin nusuusta Quraanka iyo Axaadiista ayaga oo aanan aqoon u lahayn oo aanan cilmiga soo baran, waxaa waajib ah in uu qofku waydiiyo qof wax yaqaan oo wax soo bartay, haddii uusan asigu wax soo baran, sida quraanka ku cad: "waydiiya ahlu digriga haddii aadan adinku aqoon" ahlu digriguna waa dadka waxbartay ee aqoonta aad ugu fogaaday, ee ahludigri lagama wado qof soo bawsaday dhowr aayadood ama qof ka soo dhegaystay ama meel xoogoo ka soo akhriyay, ama aanan waxba soo baran.
Culumadu dadka saddex bay u qaybsheen
Culumadu walaal dadka saddex qolo bay u kala saareen:
1. Nin caalim ah oo mujtahid ah oo cilmiga Islaamka oo dhan jaadadkiisa aad u bartay, waana qof wax soo bartay oo ijaaso sare u haysta in uu fatwoodo, qofkaas culumadu waxay ku magacaabaan mujtahid.
2. Qof aanan mujtahid wayn ahayn oo aanan cilmiga Islaamka jaadadkiisa oo dhan koobin, laakiin cilmiga derejo sare ka gaaray oo meel gaar ah uga takhasusay, sida dadka Diktoorrada ah ee maanta jooga, mujtahidiin waawayn maaha, sidii culumadii hore, laakiin waxay ku takhasuseen meelo gaar ah, kuwaas waxaa waagii hore lagu tilmaami joray (Mujtahid muqayad) oo looga jeedo mujtahid mad-hab gaar ah ku fatwoonaya.
3. Inta kale ee aan labadaa qolo ahayn waa caamo, mana u bannaana in ay nusuusta fasiraan, waxaana ku waajib ah in ay waydiiyaan culumada haddii ay u baahdaan mas'alo sharci ah.
Marka waxaan dhammaan wahhaabiyada uga digayaa in ay ka fogaadaan fatwada cilmi la'aanta ah, aanayna ka xishoon in culumada wax waydiiyaan oo wax bartaan.
Mahadsid, khayr ayaanna kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Saturday, June 11, 2005 at 18:40:22 (CDT)
- Suaal: Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?!"..
Assalaamu aleykum marka hore walal waad salaamantahay,ta la baad walaal markaad ka hadleysay asturka haweenka waa adiga yiri saraawiisha weey xiran karaan dumarka,miyaad ilooway ayaadka alle subxaana wa tacaalaa
sida surada al axzaab aayada 59 miyeeyna micnaheedu eheeyn in dumarka oo dhan jirkooda asturaan,midakale hadithka nabiga salawaatullahi wasallaamuhu calleyhi miyuuna dhihin illaahey ha lacnado raga dumarka shabaha iyo dumarka raga shabaha. Ta kale waa adiga caayaya culimada oo ku sheegaya in eey munaafiqiin yihiine,miyaadan ogeeyn in taasi dambi aad ku leedahay? hadaad cilmileedahay si kheeyr leh oo sharaf badan dadka wax ugu sheeg adoon cidna caayin,qof kalimada laa ilaaha ilalahu dhahayana waa gaal ha dhihin,hadaad tahay qof cilmi leh.cid saxan ilaah baa og laakiin dad baan caayi iyo diin baan faafin isku meel magalaane ee ilaahi kabaq oo naftaada iyo ehelkaaga uturo.jawaab i qancisa walaal adigoo raali ah.wabilahi towfiiq.
muna <umabdallah_17>
- Saturday, June 11, 2005 at 07:08:43 (CDT)
- Jawaab: Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay?!"..
Assalamu calaykum;
Walaal qofkii kugu yiraahda Diinta waxaa keenay wahhaabiyada Sacuudiga, ama kugu yiraahda diinta dhamba sacuudiga ayay ka timid, ama yiraahda wahhaabiyada iyo sacuudiga ayaa diinta ugu yaqaan dadka kalena waxba ma yaqaan!
Qofkii sidaa yiraahda ku dheh:
1. Diinta waxaa soo dejiyay Ilaahay waynaayee, waxaana loo soo dejiyay khalqiga oo dhan ee looma soo dejin wahhaabiyada iyo carabta sacuudiga oo kaliya.
2. Culumadii cilmiga Islaamka qortay badankoodu waxay ahaayeen ajaanib muslimiin ah ee wax carab ah way ku yaraayeen, wax sacuudi ahna kumaba jirin, wahhaabiyana warkeedaba iska daa, culumo maba laha kuwaasi.
3. Qofkii yiraahda cid aan sacuudi ahayn Islaamka fahmi maayo, waxaad ku dhahdaa yaa qoray kutubta shareecada iyo caqiidada iyo xaddiiska iyo tafsiirka? dhammaan waxaa qoray dad aan carab ahayn.
4. Waxaad ku dhahdaa diinta wahhaabiyadu keentay waa diin cusub ee maaha midda aan annagu ka hadlayno, annagau waxaan ka hadlaynaa diintii nabi Muxamad nnk lagu soo dejiyay ee Islaamka ahayd ee Nabiyaashii ka horreeyay nabigeenna oo dhan sheegeen oo raacsanaayeen, taasina shaqo kuma laha khusacbalaadka iyo bidcada wahhaabiyadu hadda waddo.
5. Waxaad ku dhahdaa, ma ogtahay in aanan Sacuudiga madaaris waawayn oo Islaami ah ku oollin, sida al-Azhar, ama madaaristii Qurduba ama Kuufa ama Basra ama Baqdaad ama Harar, ama Yaman, ama Bukhaara, ama Asfahaan, ama Tarmud, ama Dimishiq, iwm. Dhulkaas waaye dhulka madaarista Islaamka ah ku tiillay, ee Maka iyo Madiina madaaris waawayn oo la yaqaan ma ahayn, siiba maka, madaraso ma ahayn, ee waa meel loo cibaado tago, madiino ayaa waagii Imaam maalik joogay madaraso cilmi ka jirtay, kadibna way xirantay.
Wahhaabiyadu waxay ka timid dhulkii Musaylama al-Kaddaab
Marka waa in la barto meelaha Islaamku ku kobcay oo culuumta Islaamka lagu qoray oo culumada iyo cilmigu ka soo baxeen. Wahhaabiyadu waxay ka timid, Najid, ee Mako iyo Maddiina kama imaan, reer Maka iyo reer Madiina wahhaabiyo maaka, ee waa ahlusunnah ashcariyo ah, laakiin waxay ka baqayaan dowladda wahhaabiyada oo hadda sacuudiga gacanta ku haysa.
Wahhaabiyadu waxay ka timid Najid waligeedna Madaraso Islaami ah laguma sheegin, waxay ahayd meel ay ka soo baxaan dadka nabinimada sheegta, sida Musaylama al-kaddaab, iyo Tulayxa iyo Ibn Cabdulwahhaab oo ah ninkii wahhaabiyada keenay, dadkaas ayaa dhulkaas ka imaan jiray, marka sidaa u fahamsii, khayr ayaan kugu ogahay.
- Saturday, June 11, 2005 at 07:08:43 (CDT)
- Suaal: waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay?!"..
Sheekh Xirsi, waad mahadsantahay sida aad ugu jawaabtay kooxda wahhaabiga, waxaan aragnaa dad leh, wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay oo ayaga ayaa sacuudiga iyo mako iyo madiino joogo oo dadka kale ka yaqaan diinka, marka dadka sidaa ku dacwinaya maxaan ugu jawaabnaa?
Mahadsanid. Salax.
saalax cali <saalal21>
- Thursday, June 09, 2005 at 22:50:30 (CDT)
- Jawaab: Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso?..
Walaal Siciido, assalaamu calaykum,
Salaan kadib, walaal kutubta ay wahhaabiyadu qaybinayaan waayahan dambe waa laba qaybood:
1. Kutub afsoomaali ku qoran oo la turjumay oo kala ah sidan:
A. Qaar ku qoran magacyo been ah sida (Kitaabka Towxiidka) ee uu qoray Maxamad bin Cabdul Wahhaab, oo ah ninkii keenay wahhaabiyada, laakiin kitaabka waxaa lagu fidshay magac kale oo ah (Maxamad al-Qasaali) oo ah Imam abuu xaamid mohamed al-qasali, oo ah Imaam as-cari ah oo ahlusunno ah, oo kutub iyo cilmi badan ka tegay, soomaaliduna aad u jeceshahay, wuxuu yiri: Dr. Xassan Maki, kitaabkiisa (As-Siyaasaat ath-thaqaafiya, bogga: 56) (waxaana aad ugu fiday soomaaliya, Kutubtii Imaam abii xaamid al-Qasaali, siiba kitaabkiisa Ixyaa' Culuumu addiin).
B. Qaar kalena waa kutub soomaali loo turjumay oo khaladaad badan ka buuxaan, sida kitaabka tarjamada quraanka.
2. Qaybta labaad waa kutub af-carabi ku qoran oo ay maalmahan dambe ku qaybinayaan dibadda dalka sacuudiga, sababtuna waa in kutubtaasi tahay, kutubtii laga dhigi jiray Iskuullada Wahhaabiyada Sacuudiga, dabadeedna la ogaaday in khaladaad badan oo dhinaca Caqiidada ah ka buuxaan, waxaana taas lagu caddeeyay shirkii lagu qabtay Maka sanadkii la soo dhaafay dhexdiisii, kaas oo wasaaradda waxbarashada sacuudigu ku soo bandhigtay cilmibaaris si cad u tusayda khaladaadka ka buuxa kutubta diinta siiba caqiidada ee laga dhigo iskuullada sacuudiga. halkan riix si aad ula soo degto cilmibaaristaas oo carabi ku qoran.
Waano guud ahaaneed
Kolka walaal kutubtaas oo dhan waa kutub khaldan oo ay ayaguba iska soo tuureen oo aysan doonayn, laakiin waxay doonayaan in ay ku khaldaan muslimiinta! Marka waxaan intii muslim ah, siiba soomaalida kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan kutubta wahhaabiyada.
Haddii aad aragto kitaab ay wahhaabiyadu qortay ama qaybinayso la tasho qof wax yaqaan, aniga email iisoo dir, aniga ayaa kuu sheegaya xaalkooda dadkaase.
Haddii kale, qof lagu kalsoonyahay, oo aanan ahayn kuwa wahhaabiyadu ay Riyaalaadka luflufka ah siiso la tasho, maxaayeelay, kuwaas laguma kalsoona waa munaafiqiin, naarta derejada ugu hoosaysa ayayna geli doonaan.
Khayr ayaan kuu rejaynayaa walaal, in aad feejignaato oo aad ka digtoonaato wahhaabiyada ayaa waajib ah, intii muslim ahna gaarsii oo uga dig kooxdaas waalan ee fasahaadsan.
Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, June 09, 2005 at 23:56:56 (CDT)
- Suaal: Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso?..
Sheekh Xirsi ama Diktoor, waad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee aad inoogu caddeesay dariiqa ahlusunnaha iyo jamaacada isla markaana u caddeeysay xaalka wahaabiga iyo shartiisa. Wxaan ku waydiin lahaa, maalmahan kutub la qaybinaayo oo afcarabi ku qoran aan aragnay, siiba australia dhexdeeda kutubtaas oo sacuudiga laga keenay, ee bal wax nooga sheeg maxay yihiin?
mahadsanid
Siciido <haynaa76>
- Thursday, June 09, 2005 at 18:31:43 (CDT)
- Jawaab: Shiikh Uways Axmad yaa dilay?..
Walaal khaalid, Sheekh Uways taariikhdiisa halkan laguma soo koobi karo, laakiin kitaab aan hadda ku mashquulsanahay oo aan ugu magac deray (Mashaahiir Culamaa' as-soomaal) ayaan ku caddayn doonaa arrimaha aad halkan iga waydiisay, waxaan rejaynayaa in uu kitaabkaasi dhawaan soo baxo, ee inaga warhay, kolka uu soo baxo waxaa turjumi doonaa maqaaladihiisa qaar ka mid ah oo aan webkan soo gelin doonaa inshaa allaahu.
Intaa kadib, haddii aan figrad gaaban kaa siiyo su'aashaada, Sheekh aways wuxuu ahaa ninkii dalkeenna keenay Dariiqada Qaadiriyada, waxaa kutubta qaar sheegeen in uu Ciraaq ka yimid asalkiisu, haddii aad afsoomaaligiisa eegtana waa arkaysaa in uusan ku dhalan soomaaliya, waxaanna halkan kuugu soo guurinayaa qoraal uu qoray sheekh Uways oo ku qoran Carabi la soomaaliyeeyay, sida uu sheegay (Martino Mario Moreno, Il Somalo della Somalia, Rome: Inistituto Poligrafico della Stato, 1955, p.296) Wuxuu yiri:( laa ilaha ilaah kaliyeetoo mmaba yaallo, Illaa Allaahu, Illaa Abookeey ween maayee. Iimaan al-lowkaa, Iimaan Malaykaa, Iimaan Kitaabkaa, Iimaan Rasuulkaa, Iimaan qiyaamkaa, Qudra lahaayee..).
Sidaa ayuu u soo guurshay Martino qoraalkaas, waxaad kale oo eegtaa kitaabka uu qoray: (Daved D. Laitin, Polotics, Language, and Thought: The Somali Experience)baalka 2aad.
Waxaa kale oo aad fiirisaa: (Buqyatul aamaal, fi taariikhi as-soomaal, as-Shariif Cayduruus) wuxuu yiri: Shariif cayduruus, (bogga:225)kolkii uu ka sheekeeyay dariiqooyinka suufiyada ah ee soomaaliya yimday, wuxuu yiri: (Kadibna waxaa Soomaaliya yimid Sheekha dariiqada qadiriyada, Sheekh Uways, Bin Maxamad, Bin Maxaad, bin Bashiir al-qaadiriy).
Kadibna shariif cayduruus wuxuu sheegay culumadii uu sheekh aways ka qaatay cilmiga iyo ardaydii asiga ka qaadatay iyo waxyaabo kale oo badan.
Kolka walaalow raalli iga ahow, mas'aladan maaha mid aan halkan uga jawaabi karo, maxaayeelay waxay u baahantahay kitaab ama cilmibaaris madax bannaan oo gaar ah.
Haddii aan wax kaaga taabto dilkii sheekha, anigu waxaan aaminsanahay in ay dileen Talyaanigu, maxaa yeelay, waxay ka baqeen in ay iskaashadaan asiga iyo Sayyidku iyo mashaa'iikhda kale, kolkaas bay u soo direen fardooley u eg kuwii sayyidka.
Macquul maaha in Sayidku askar u diray koofurta soomaaliya si uu wadaadkaa awliyada ah u dilo, asiga oo ku mashquulsan gaalada Ingiriiska, laakiin sidii aan horeyba kuugu sheegay arrinku wuxuu u baahanyahay cilmibaaris qotodheer, ee halkan loogama jawaabi akro.
Iisoo ducee in Ilaahay ii fududeeyo, waxaan rabaa haddii eebbe idmo in aan qoraalfiican oo ku raalligelsha adiga iyo inta cilmiga jecelba ka qoro siirada culumada soomaalida, oo dabadeed u soo bandhigo bulshadeenna ay habaajisay wahhaabiyadu ee lumaisay, ee kufriga iyo shirkiga ku hoggaamisay ayaga oo ku iibsanaya daraahima macduudatin iyo riyaalaad!! Laaxowla walaa quwata illaa billaahi.
Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, June 09, 2005 at 23:14:35 (CDT)
- Suaal: Shiikh Uweys Axmed yaa dilay?..
Walaal marka hore Asalamu Caleykum Waraxma tulaahi Wabarakaatuhu Salaan kadib waad ku mahad santahay sida aad iiga qancisay su'aasheedi hore waxa hadana u baahnay in aad noo faah faahiso taariikhdii shiikhi weynaay ee shiikh uweys axmed oo ku duugan meesha la dhaho biyooley iyo dilkiisa waxa sababay iyo raga ka danbeeyay waadna mahad santahay
Qaalid Cisman <Xubbi_1 >
- Thursday, June 09, 2005 at 05:56:19 (CDT)
- Jawaab-> Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?..
Assalaamu calaym, Walaal(msjeedalle), waad mahadsantahay, wayna wanaagsantahay talada aad soo jeedisay ee ah in si tartiib ah loo saxo khaladka waana kugu raacsanahay.
Laakiin su'aashaada ah, (miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?) waxaan ku leeyahay: horta annagu dadkan wahhaabiyada la yiraahdo sababta aan waa gaalo u leenahay waa sida soo socota:
1. In ay u arkaan gaalo muslimiinta oo dhan inta aan wahhaabiyo ahayn, ayaga oo isku magacaabaya (Muwaxidiin ama Ikhwaan ama Salafiyo ama Ahlusunno ama al-firqah al-naajiyah) inta kale ee muslimiinta ahna waxay ku magacaabaan (ahlu dacwo) oo ay kawadaan in ay yihiin dad gaalo ah oo loo baahanyahay in dacwada Islaamka loogu yeero.
2. Towxiidka oo loo qaybsho saddex sida Nasaaradu yeelayaan, oo ay ku magacaabeen (Uluuhiyo, Rubuubiyo iyo Asmaa wassifaat).
3. Cayda nabiga nnk iyo inkiridda nabiyaasha qaarkood, sida ayaga oo inkiray (Nabi Aadam), ayaga oo aaminsan in aanan nabigu qiime wayn lahayn oo uu ahaa sidi nin boostaale ah oo uu diinka ka keenay xag alle, kadibna uu dhintay, dabadeedna uusan qiimo lahayn.
Kolka Nabiyaasha qaarna way inkireen oo waxay dhaheen Nabi maaha sida Nabi aadam oo ay inkireen iyo qaar ay caayeen oo liideen sida Nabigeennii Muxamad ahaa NNK.
Ninkii nabiyaasha Ilaahay ama inkira ama liidana waa gaal.
4. In Ilaahay Cirka kursi wayn kula fadhiyo meesha ku aaddan kacbada dusheeda, oo uu habeenkii soo degayo, iyo in ay jihooyinku koobayaan, taasina waa gaalnimo sida uu caddeeyay Imaam daxaawi oo ku cad al-caqiidah al-daxaawiyah, lasoo deg ayada oo aan soomaali u turjumay waxay ku jirtaa webkan laftiisa.
5. In Carshigu Azali yahay oo uu sidi Ilaahay qadiim yahay, sida uu sheegay Ibn Taymiya oo sheekhoodii waynaa ah, qofkii sidaa aaminsan, culumadu waxay isku raaceen in uu mushrik cad yahay. Sidoo kale ibn Taymiya wuxuu aaminsanyahay oo uu kutubtiisa ku sheegay in Ilaahay (Maxallul xawaadis yahay) oo ay dhacdooyin badan oo isdaba joog ah ka dhacayaan!! Hadalkaasna waa kufri sida culumada oo dhan isku raacsanyihiin.
6. In ay quraanka beensheen, ayaga oo yiri Naartu way dhammaanaysaa, kolka la cadaabo gaalada, taasina waxay sicad u burrinaysaa kitaabka kariimka ah oo caddeeyay in gaaladu naarta ku waari doonto waligood, mu'miniintuna jannada ku waari doonaan walidood.
7. In saaxiib la yihiin Yahuudda iyo Maraykanka oo ay had iyo jeer dhagar u dhigayaan muslimiinta, taasna waxaa caddeeyay oo si cad looga ogaan karaa kutubta ay taariikhdoodu ku qorantahay ee caddaynaya in ay asalka wahhaabiyadu ahaa koox ay taageereen reergalbeedku si loogu jebsho khilaafada islaamka. Ilaa iyo maantana saaxiib ayay la yihiin maraykanka oo ayaga ayaa u samaynaya fidnooyinka uu Maraykanku ka dhigtay dhabbaqo si uu ugu duulo caalamka islaamka.
Kolka walaal waxyaabahaa hal ka mid ah oo kaliya ayaa kufri ah, adiguna waxaad leedahay maxaa loo kufrinayaa wahhaabiyada! Subxaana laahay, waxaan ka yaabay waxay idin siiyeen, waa adinka difaacayaa, xumaantooda maad aragtaan.
Waxaan idiin rejaynayaa in Ilaahay idin soo hanuunsho, oo aad aragtaan kufriga wahhaabiyada, wallaahi nasaarada iyo yahuudda ayaa ka kufri yar wahhaabiyada, haddii aad fahmi lahaydeen dadkaas caqiidadooda.
Towfiiqda allaha idin waafajiyo, kana digtoonaada wahhaabiyada, yaanay idinku khaldin riyaalka ay qaybinayaan iyo quraanka iyo xaddiiska ay akhrinayaan, quraan iyo xaddiis mustashriqiintuba way akhriyaan, aad ayayna u yaqaannaan, laakiin sidaas muslim ku noqon mayaan.
Tan kale, Laailaah Illalaahu waxay leedahay shuruud, waxaana shuruuddeeda ka mid ah in aadan wax burrinaya towxiidka la'imaanin sida ( adiga oo ku hadla waxa wahhaabiyadu ku hadlayso ee aan soo sheegay) qofkii waxaa ku hadla ama kelimadda towxiidka ha sheego ama ha iska daayo waa gaal, haddii uusan ka soo laaban kufrigiisa oo aanuu ka reebtoomin.
Wabillaahi at-towfiiq wal-hidaayah, wassalaamu calaykum wa raxmatullaahi.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, June 09, 2005 at 22:47:48 (CDT)
- Aragti:
assaalaamu calaykum.
Labagaroow walaal waad mahadsan tahay qoraalka aad qortay ee aad dadka wax
ugu sheegayso,laakiin walaalow miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah oo
laaillaaha illa laahu leh gaal ku sheegtid ilaa kelmada kufri dhulka ma
dhacdo eh.
walaal waxaan kaaga nasteexaynayaa inaadan hadalada caynkaas oo kale ah ku
deg-degin.
masalo waa la isku khilaafi karaa laakiin niman aad masalo diini ah isku
qabsateen inaad gaalnimo ku sheegto waa mar loo noqoy,hadalkaasina uma eka
hadal nin aqoon leh ee waxaad saxayso si nasteexo ku jirto ku sax.
waxaan ula jeedaa hadalkaa nasteexo ilaa muslimiintu waa kuwa isu
nasteexeeya e.
msjeedalle <msjeedalle>
- Wednesday, June 08, 2005 at 20:08:07 (CDT)
- Jawaab: Is Khat Haram or Halal?..
Walaal Daa'uud, Saanta Islaamka kadib, aad ayaad ugu mahadsantahay taageerada iyo bogaadinta.
Runtii waxaa loo baahanyahay in muslimiintu iskaashadaan si looga hortago munkarka wahhaabiyada iyo fasahaaddooda, sidaa darteed waxaan rejaynayaa in aad kaalintaada ka qaadan doonto arrinkaas:
Haddii aan kaaga jawaabo su'aalahaagii:
1. Su'aasha hore ee ahayd: Qaadku ma xaaraan baa? Walaal wax caddaynaya qaadku in uu xaaraanyahay ma jiraan laf ahaantiisu, maxaa yeelay maanka ama maskaxda doorin maayo.
Lakiin haddii aad uga jeeddo in uu sabab u yahay waxyaabo kale, sida salaadda oo qofka uu illowsiiyo iyo qofka oo ka baaqda waajibaadkiisa xagga qoyska ka saaran, waxaan ku leeyahay wax kasta oo keena ka baaqashada waajibaadka kale, waa xaaraan in la falo, qofkii falana waa caasi.
Tusaale ahaan qofkii qaad u fariista ayada oo qoyskiisii in uu u adeego ama carruurtiisii dar yeelo laga sugayay, waa caasi, falkiisa qaad cunidda ahna waa xaaraan.
2. Haddii aan u gudbo su'aasha labaad ee ah, Qoyska habayntiisa ama waxa loo yaqaan (family planning), waxaan ku leeyahay, Islaamku waxba kama qabo in qoyska la habeeyo, oo naagtu ama ninku adeegsado waxyaabo uurka celinaya.
Laakiin culumadu waxay diideen in dhasha la gooyo oo loo joojiyo si joogto ah, laakiin haddii labada qof isku raacaan in ay laba carruur ah ama hal ama saddex hadba intii ay doonaan oo kaliya dhalaan kadibna iska dhowraan carruur kale, taas waxba kuma jabna maadaama ay ninka iyo naagtiisu isku raacsanyihiin.
3. Su'aasha saddexaad ee ah: Guditaanka fircooniga ah, walaal guditaanku guud ahaan madaahibtu way isku khilaafeen, ma sunno baa mise waa waajib, mise midna maaha.
Shaaficiyadu waxay qabtaa in uu waajib ku yahay rag iyo dumarba, Maalikiyaduna waxay qabaan in uusan ahayn, marka waa arrin sida aan qabo muhiim ahayn gudniinka haweenku.
Dhinaca ragga waxaa la sheegay in gudniinku u wanaagsanyahay ragga, daraaso aan akhriyay oo laga sameeyay maraykanka waxay dhaheen haweenkii laga qaaday aftida ragga gudan ayaa ka wanaagsan kuwa aanan gudnayn.
Haddii aan kolka u soo laabto guditaanka dumarka oo aan u malaynayo in uu yahay midka aad su'aashaada uga jeeddo, waxaan anigu qabaa in aanan marnaba gabdhaha la gudin, maxaa yeelay wax faa'iido ah u keeni maayo, taas waxaa ka daran in uu dhibaato u keenayo sida aan wada ognahay, gabdhihii soomaaliya iyo meelo kale lagu guday dhibaato iyo cudurro ayuuba u keenay.
Taas waxaa la jirta in casrigaan maanta ah oo muslimiin badan ku noolyihiin qurbaha iyo dhulka gaalada qofkii gabadhiisa guda laga yaabo in uudhibaato u soo jiido naftiisa, oo la xiro ama carruurta laga qaato, taas waxaa la jirta in kuwa cadawga Islaamka ah ay had iyo jeer ku dhaleeceeyaan Islaamka guditaanka noocaas ah, annaga oo wada og in aanan islaamku arrinkaas si gaar ah u tilmaamin.
Kolka waxaan qabaa in aanan guditaanka gabdhaha lagu degdegin, ee la iska daayo, mashaakilka aan soo sheegay dartiis iyo ayada oo aan diintu ina farin oo aanay inagu waajibin.
Waxaan rejaynayaa in aan ka jawaabnay su'aalahaagii. Aad baad u mahadsantahay. Wixii kale ee dheeraad ahna waad isoo waydiin doontaa.
Dr. Hersi aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, June 09, 2005 at 22:25:44 (CDT)
- Suaal: Is Khat Haram or Halal?..
Dear Dr Garre,
I am glad to have you around, because of the current upheaval in the Islamic world that Wahabism is trying to destabalise and hijack the real Ummah, however, our Somali Muslim brothers/sisters some of them think they could make you Kufur or Muslim in their own judgement although the judgement is from Allah Subhanah wata ala.
While in conference in Oslo between 27-05-05 ilaa 29-05-05 on crime and culture for the ethnically Somali-born youths or at least Somali-born parents end up in juvenile detentions across European jails with no future of ever getting out of the vicious circle of crime and drugs especially our green poison the Khat as we know it.
Is Khat Haram or Halal?
We know the social upheaval Khat causes in our society there are no doubt about it .
Is family planning according to Islam allowed for the Muslims or not?
Is genital mutulation Halal or Haram?
I thank you for your outstandign effort you put on Wahabism and its Fitna, I thank you for that personally and may Allah give the ultimate reward here after.
Your friend since 1997
Daud Ali Ahmed, Holland <daud65>
- Wednesday, June 08, 2005 at 20:04:51 (CDT)
- Jawaab: Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?
Assalamu alaykum, Brother Hagi yousuf, the answer of you question is: Yes, women and young girls are allowed to wear pants or trousers, (Trousers also US pants) is
a piece of clothing that covers the legs and has a separate part for each leg, the requirement of Islamic clothing is that: it can cover the awrah, and not revealing.
Wahhabis claim that it is Haram for women and young girls to wear pants, however, they fail to present authentic proof from the Quran or Sunnah, therefore, their claim is Kufur, because Allah only has the right to decide what is haram and what is halal and whoever makes halal things haram will become kafir as well as the one who make haram things halal.
Kolka walaal waxyaabaha Ilaahay xalaaleeyay qofkii xaaraameeya diinta wuu ka baxayaa, maxaa yeelay Ilaahay waynaayee oo kaliya ayaa xaq u leh, xalaalaynta iyo xaaraamaynta.
Ilaahay waynaayee wuxuu ku yiri suuradda al-acraaf aayadda 26aad (Bina aadanow, waxaan idiin soo dejinay dhar xumaystiinna qarinaya", axaadiista iyo fiqhiguna waxay caddeeyeen in cawrada oo la dedo ay tahay shardiga 1aad ee dharka xirashadiisu leedahay, dabadeedna culumadu waxay dhaheen dharku waa in uu ahaan mid aad u khafiif ah oo jirka qofka looga jeedayo, intaa kadib qofku dharkii uu doono ayuu xiran karaa.
Kolka wahhaabiyada oo doonaysa in ay dhaqankii badowda carabta inooga dhigto diin ayaa waxay dhaheen waa xaaraan, oo u diiday haweenka xirashada saraawiisha kuna khasbay in ay maro wayn oo jawaan la moodo isku hugiso indhahana iska xirto, bannaankana aanay u bixin, shaqana aanay qaban!
Hadaba walaal, waxyaabahaas wahhaabiyadu sheegayso islaamka asal iyo baar toona kuma laha ee waa dhaqankii badowda carabta, sidaa darteed waxaad arkaysaa kuwa ilaahay ku ibtileeyay diintaan wahhaabiyada ee xataa ragga ah, qamiis carbeed gaaban bay wada xiran yihiin, ayaga oo u malaynaya in uu dharka kale ka fadli badanyahay, jaahilnimo ayaana u gaynaysa, oo wahhaabiyada ayaa maskaxda ka dhaqday.
Gabdhaha yaryar iyo dharka wahhaabiyada!
Sida shareecadu ina farayso, carruurta yaryar ee aanan qaangaarin loogama baahna in ay xirtaan dharka dadka waawayn ee qaangaaray looga baahanyahay in ay xirtaan. Carruurtu inta aanay qaangaarin waxaa u bannaan in ay xirtaan wixii ku munaasib ah ee waalidku u dooro, gabdhaha waajib kuma aha in ay madaxa qarshaan ama shuko xirtaan, ee wixii ay doonaan bay xiran karaan.
Dharka haweenka xirashadiisa Islaamku saddex qaybood ayuu ka dhigay, qaybta hore waa dharka loogu talagalay haweenkii nabiga iyo gabdhihiisii, iyo haweenka muslimiinta oo looga jeedo naagaha la qabo, kaas oo ah in ay jirkooda oo dhan qarshaan inta aan gacmaha iyo wajiga ka ahayn.
Qaybta labaadna waa jaariyadaha iyo khaadimadaha iwm, oo looga jeedo gabdhaha dhallinyarada ah ee aan la qabin iyo khaddaamadaha iwm, kuwaas dharkoodu waa sida midka ragga.
Qaybta saddexaadna waa carruurta yaryar ee aan qaangaarin oo aan ayaga marnaba looga baahnayn in ay dhar gaar ah xirtaan maxaa yeelay cowro malaha. Saddexdaa qolo waxaa si cad u sheegay aayadaha ku soo arooray suuradda al-axzaab: aayadda 59aad ee leh: (Nabiyow, ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu'miniinta isku huwiya jilbaabkiinna). sababtana waa la sheegay, oo aayadda dhamaystirkeeda ayaaba caddaysay, oo tiri (Sidaa ayaa u dhow in la aqoonsado oo aan dhibaato loo gaysan), macnaha haweenka nabiga iyo gabdhihiisa iyo naagaha mu'miniinta oo looga jeedo haweenka ay qabaan nimanka mu'miniinta ah ama muslimiinta ah, ha xirteen dhar jilbaab ah oo qarinaya korkooda.
Taas macnaheedu maaha in maro wayn laysku hugiyo, ee jilbaabku waa dhar kasta oo qarinaya cowrada, kolka haddii ay haweenayda la qabo surwaal gashato oo shaar xirato oo safaleeti madaxa ku xirato qarinaya qoorteeda iyo timaheeda, sida ay haddaba yeelayaan haweenka muslimiintu waa sax oo way qarisay cowradii.
Intaa kadib waxaa kuu soo haray, haweenka yaryar ee aan la qabin ee foodlayda aan dhahno ama carabtu jaariyadaha dhahaan, iyo kuwa khaddaamadaha ah oo ayaguna la mid ah labadaa qolo loogama baahna in ay xijaab xirtaan, sidaa darteed waxaad arkaysaa haddii aad akhriso kutubta taariikhda iyo siirada iyo fiqhiga qaarkood culumada qaar leh, annaga ayaa aragnay gabdhaha jaariyadaha ah oo madiina dhexdeeda socda oo madax qaawan, sidoo kale, fuqahada oo dhan waxay isku raacsanyihiin in gabdhaha shaqaalaha ah ee jaariyadaha ah aan looga baahnayn in ay madaxooda iyo majahooda iyo gacmahooda qarshaan.
Intaa kadib, carruurta yaryar ayaga lamaba sheegin, cid isku soo qaadday hadalkooda maba jirin, maxaa yeelay ayagu maba qaangaarin, kolka walaal waxaa loo baahanyahay in diinka la fahmo ee jaahilnimo khayr keenimayso, qolyahan inkaaran ee Islaamkii dhinaca khaldan uun u fasiraya waa dad munxarifiin ah, caqiidadoodu dad ay khaldan tahay awalbaan khayr laga sugimayn, adduunna way seegeen aakhirana way seegeen.
Diinta, Dhaqanka iyo kooxda Wahhaabiyada!
Bal u fiirso, haddii aad xasuusato, soomaaliya intii aan wahhaabiyada iyo diintan khaldan ina soo gaarin, gabdhaha dhallinyarada ah ee aan la qabin timaha ma dedan jirin ee way tidcan jireen, ayaga oo madax qaawan ayayna socon jireen, dharkana waxay xiran jireen maro garraar leh oo garbaheedu qaawanyihiin, culumaduna waxba ma dhihi jirin, marka ma waxaad u malaynaysaa in afartan wahhaabiyada ah ee shalay timid uun diinka la fahamsiiyay!! oo intii ka horraysay oo dhan ay waxba fahmin? subxaana laahi, waa sida uu ku andacooday sheekhoodii hore Maxamad ibn Cabdilwahhaab oo yiri: "aniga qof aan ahayn Islaamka ma fahmin!!" Bal u fiirso haddii aad xasuusato, waddamada islaamka oo dhan waa sidaas xataa carabta shaam iyo ciraaq iyo muslimiinta aasiya deggan iyo soomaaliya iyo afrika inteeda kale, wahhaabiyada kahor iyo xataa hadda meelaha aanan wahhaabiyadu gaarin, ku arki maysid gabar yar oo dhallinyaro ah ama jaariyad ah oo madaxa dedanaysa ama jilbaab isku huginaysa, maxaa yeelay waajib maaha, wayna ogyihiin.
Malaysia iyo indooniisiya gabar madaxa dedata waxaa ugu horreeyay 1979kii kolkii aayatullaahi ku soo booday xukunka iiraan, wixii ka horreeyay naagaha la qabo uun baa xiran jiray ilyarta madaxa la saarto soomaaliyana sidoo kale.
Kolka dadkan wahhaabiyada ah waxay beddeleen diintii saxa ahayd ee Ilaahay soo dejiyay, kitaabka quraanka ah ayay ku dhigantahay in xijaabka laga rabo naagaha nabiga iyo gabdhihiisa iyo haweenka mu'miniinta, kolkaas bay intay aayaddaas lexsheen ama inkireen, haweenkii oo dhan ku khasbeen in ay madaxa iyo majaha detaan saqiir iyo kabiir, wallaahi waxaan arkay ayaga oo xijaab u gelinaya gabar yar oo 2 bilood jirta! acuudu billlaahi kufrigooda iyo dalaalkooda, kolkaas bay culumadeennii oo dhan jahli ku xukumayaan oo leeyihiin kufaar bay ahaayeen, oo aabayaasheen iyo hooyooyinkeennii kufri ku xukomayaan, oo aabayaashood iyo hooyooyinkii xataa ayaga dhalay kufri ku xukumayaan!!
Marka waxaan intii muslim ah ku waaninaynaa in ay ka fogaadaan diinta wahhaabiyada, waa diin cusub, dadkaasi Islaamka meelna kama soo galaan, quraanka ay akhrinayaan iyo axaadiista ay akhinayaan yaanay idinku sirin, qalbigooda ma gaarayo quraanku, maxaa yeelay waa kufaar mulxidiin ah, nasaarada iyo yahuudda ayaa Islaamka kuwaa uga dhow.
Wa billaahi at-towfiiq wal-hidaayah.
Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, June 07, 2005 at 19:22:24 (CDT)
- Su'aal: does the Women/Kids (girls) allowed to wear trouser?
salamu alaykum, sheik i would like to know if the woman can wear trouser? does the Kids (girls) allowed to wear trouser?
jazakallaahy.
Hagi Yusuf <naajix25oct>
- Tuesday, June 07, 2005 at 16:25:04 (CDT)
- Jawaab: Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago..?
Assalamu alaykum:
Walaal horta waad ku mahadsantahay bogaadinta iyo taageerada, khayr Allaha ku siiyo.
Jawaabta su'aashaadu waa sidan: Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago, oo uu tusaale ahaan ragcad shanaad u istaago adinka oo duhur tukanaya ama mid afaraad u istaago adinka oo maqrib tukanaya, qofka ma'muumka ah waxaa u bannaan laba arrimood middood in uu yeelo:
1. In uu niyaysto ka furashada imaamka oo uu salaadda ka salaama naqsado oo sidaa uga baxo kuna dhameeyo salaaddiisa.
2.In uu sugo inta uu imaamku ka soo laabanayo asiga oo rejaynaya in imaamku khaladkiisa xusuusan doono, oo kolka imaamku soo laabto la salaama naqsado.
Sidaa ayay sheegeen culumadu, siiba shaaficiyadu, sida ku taalla kitaabka (Nihaayatul Muxtaaj, ilaa sharx al-minhaj, mujalladka 2aad, baalka 86. iyo (al-Iqnaac) juska 1aad, baalka 157.
Waxayna culumada madaahibtu qabaan in aanay bannaanayn in imaamka lala istaago haddii uu u istaago ragco dheeraad ah, culumada xanafiyadu waxayba qabaan in imaamka salaaddiisu burayso haddii uu u istaago ragco dheeraad ah, laakiin maalikiyada iyo shaaficiyada iyo jumhuurka culumada kale waxay qabaan in aanay burayn sida Imaam Nawawi ku caddeeyay kitaabka (Sharx Saxiix al-Muslim, juska 5aad, baalka 64.
Daliilkooduna waa xaddiiska Bukhaari iyo Muslim iyo qaar kale oo badan soo weriyeen ee leh in nabigu maalin tujiyay asaxaabta salaadda duhurka, dabadeedna uu shan rakco tukaday, ee kolkii uu salaadda ka baxay, ay asaxaabtu ku dhaheen (Nabiyow ma salaaddii baa la badshay?) kolkaas buu yiri: maxaa dhacay. kolkaas bay dhaheen shan ragco baan tukanay. kolkaas buu sujuuddu sahwi sujuuday.
Kolka xaddiiskan laftiisa waxaa ka muuqda in asaxaabtu la tukadeen ragco shanaad oo ay ku daydeen oo la istaageen kolkii uu u istaagay ragcadii shanaad, laakiin culumadu waxay dhaheen, asaxaabtu waqtigaas waxay joogeen waqti waxyigu socday oo uu waxyi soo degayay, sidaa ayayna isaga daba keceen nabiga, sidaa darteed, imaamku haddii uu khaldamo oo aad hubto khaladkiisa, khaladkaas ama waa mid la malayn karo ama waa mid aan la malayn karin.
Khaladka la malayn karo, ee ah sida attaxyaadka uu ka tago, ama ragco uu ka tago, ama sujuud uu ka tago, iwm, waad ku raacaysaa imaamka, maxaa yeelay waa khalad la malayn karo oo ay culumadu ku magacaabeen (Khata' mac-huud), imaamka raaciddiisuna waa waajib.
Laakiin khaladka ah sida midka aad sheegtay ee ah ragco shanaad, iwm, ee dheeraad salaadda ka baxsan ah, ma bannaana in aad ku raacdid imaamka, ee ama waad ka furanaysaa ama waad sugaysaa adiga oo rejaynaya in uu khaladkiisa garan doono, dabadeedna waad la salaama naqsanaysaa.
Kayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw MOhamed <hersi@2garre.com>
- Monday, June 06, 2005 at 20:07:43 (CDT)
- Su'aal: Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago maxaan sameeyaa..?
Assalamu alaykum:
Marka hore waa idin salamay bahda webka iyo inta ku xiran meel kasto oo aad joogtaan, teeda labaad ilaah ha abaal mariyo kuwa had iyo jeeraale dadka usoo bandhigo caqiidada qaldan ee wahaabiyada.
Teeda kale walaal su'aasha aan qabo ayaa ah hadii salaad aad ku jirto oo imaamkaaga ragca qalad ah is taago waxa la yiri hadii aad ku raacdo adiga oo og in uu qaldamay salaada waa buree hadii aad ka hartana waa buree marka shiikhow sideen yeelaa?
Qaalid Cisman <Xubbi_1 >
- Monday, June 06, 2005 at 11:09:56 (CDT)
- Jawaab: Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo ..?
Assalamu alaykum:
Walaal horta waad ku mahadsantahay bogaadinta iyo dhiirrigelinta, Ilaahna ha kaa abaalmarsho, waa waajib in wixii wanaagsan ee aad aragto la sheego oo xaqa iyo wixii toosan la ammaano lana taageero, marka khayr Allaha ku siiyo, dadka kale ee akhristayaasha ah ee soo booqda bogganna sidoo kale ayaa looga baahanyahay.
Walaal, Jawaabta su'aashaadu waa sidan: Horta mas'alada shaqada haweenka cid muran ka qabta oo diiddan kuma jirto culumada Islaamka, kaliya waxaa diiday oo in ay shaqeeyaan iskaba daaye, xataa haweenka u diiday in ay guriga ka soo baxaan oo gaari ama baabuur wadaan wahhaabiyada, kooxaha Islaamka intooda kale cid diidaysa ma jirto.
Ibn Baaz (oo shiikhii wahhaabiyada ahaa) ayaa ku andacooday aayadda (wa qarna fii buyuutikunna..) [ee suuradda al-axsaab aayadda 33]. wahhaabiyada inteeda kalena way ku raacsanyihiin, sidaa darteed, haweenka sacuudiga iyo kuwa la midka ah ee jooga meelaha ay dadkaasi ku badanyihiin looma ogola in ay shaqeeyaan iyo in ay aqalka ka baxaan iyo in ay gaari wadaan.
Haddii ay xataa aqalka ka baxdo waxay ku khasbaan in ay ninka soo daba socoto ayada oo toban ama labaatan tillaabo ka dambaynaysa! waa bidco ay kooxdaasi la timid, oo aan Islaamka sal iyo baar toona ku lahayn.
Shaqada Dhakhtarnimada iyo Nursing-ka iyo wim
Haweenku in uu shaqeeyo culumadu way isku raacsanyihiin, ma jiro daliil leh haweenku yaanay shaqayn, amuuruhuna sidooduba waa bannaanyihiin oo waa mubaax, qofkii diida haweenka shaqadiisa asiga ayaa daliil laga rabaa.
Ma jiraan shaqooyin haweenka u gaar ah?
Diinta Islaamku shaqooyinka rag iyo haween uma kala qaybin, sida cibaadada loo faray ayaa ragga iyo haweenka shaqadana loo faray, laakiin waxaa wanaagsan in qofku ka shaqeeyo shaqada ku habboon, habboonaashaduna maaha rag iyo dumar ee waa aqoon iyo xirfad.
Waxaan aragnay ragga ka shaqeeya meelaha haweenka lagu umuliyo, waxaan arkay in qaar badan oo ka mid ah ka wanaagsanyihiin umulisooyinka haweenka ah, marka shardi maaha in umulisadu haweenay ahaato, haddii nin khibrad leh joogo asiga ayaa qabanaya shaqadaas, haddii loo baahdo.
Sidoo kale, haddii haweenay khibrad leh oo ku takhasustay cudurrada ragga qaarkood haddii loo baahdo way daawayn kartaa wixii rag ah ee xanuunsan.
Sidoo kale, kalkaalintu ama nursingku waaba shaqada aad ugu habboon haweenka oo sida aan aragno haweenka ayaa shaqadaas ka wada shaqeeya, maxaa yeelay way dulqaad badanyihiin wayna naxariis badanyihiin, qofka xanuunsanna ayaga ayaa fahmi og dhibaatadiisa una damqanaya, sidaa darteed, Islaamku waxba kama qabo in haweenaydu nursing noqoto oo shaqadaas ka shaqayso haddii ay barato waxbana uma dhaxeeyaan (nin jirran iyo naag jirran) maxaa yeelay taabashada jirka ragga waxaa la diiday oo kaliya haddii uu shahwo yahay, dhaqtarnimaduna taasi kuma jirto sida aan wada ognahay.
Marka walaal, hadalka waxaan kuugu soo gabagabaynayaa waxaa jira dad doonaya in muslimiintu waligood mutakhalif ahaadaan oo aan haweenkoodu wax baran, oo aan raggeedu dhaqaalaha baran, oo aan haweenkeedu dhaqaatiir noqon, sidaas ayaa gaalada iyo kuwa gaalada u shaqeeya doonayaan, kolkaas waxaa fududaanaya in muslimiinta la gumaysto, maxaa yeelay dad aan dhaqtar lahayn, oo aan injineer lahayn, oo aan culumo dhaqaale lahayn, waligood waa la gumaysanayaa.
Marka walaal, qofkii dumar ah ee doona in uu nursing ka shaqeeyo way u bannaantahay, diinta Islaamkana ma jiro daliil diidaya, laakiin waxaa jira qaar quraanka iyo axaadiista Nabiga nnk leexinaya oo ay aqoon gaabi u gaysay ama shaydaannimo u gaysay, sida ninka aan kor ku soo sheegnay, culumada oo dhan waxay dhaheen aayaddan waxaa looga jeedaa haweenka nabiga oo kaliya, laakiin madax adayggiisa iyo munaafaqnimadiisa ayaa u gaysay in uu tafsiirkaas khaldan la yimaado ee gumaysiga xun gelsho kumanyaalka haweenka ah ee jaad walba leh ee ku nool jasiiradda carabta iyo meelo kale oo wahhaabiyadu ku badantahay!
Haweenaydu dhakhtarad way noqon kartaa, ragna way daawayn kartaa, haddii shaqadeedu sidaa tahay, kalkaalisana way noqon kartaa, wayna kalkaalin kartaa rag iyo dumar midkii hadba looga baahdo, Islaamkana wax diidaya shaqada noocaas ah oo daliil ah kuma jiraan, qofkii daliil hayana halkan ha ku soo qoro aan isla aragnee.
Kolka qofkii ku yiraahda ma bannaana waxaad ku dhahdaa, halkan ku qor daliilkaaga, aayad ama xaddiis, kolka uu kuu sheego iisoo sheeg, maxaa yeelay wahhaabiyada waxaa caado u ah in ay leexshaan aayadaha iyo axaadiista, oo ay khalad ku fasiraan, waxaana u gaynaya aqoon yarida iyo munaafaqnimada qalbigooda ka buuxda, marka ka digtoonow kuwaas, la tasho dad wax yaqaan oo aqoonta u soo maray dariiqa loosoo maro.
Mahadsanid, khayr baan kuu rejaynayaa.
Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, June 01, 2005 at 18:52:30 (CDT)
- Bogaadin iyo Su'aal: Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo..?
Asalamucalekum, walaal howsha aad waddo waa hool wayn dad badan baana ka faa'iidaystay, dadka somalida qofkii aay raadinayeen baad tahay.
Su'aasheydu waxeey tahay: Shaqadan nursinka mise kalkaalisada mise daqtarba mexeey ka qabtaa diinta islaamka qof dumar ah haduu qabto iyadoo islamarkaa laga shaqeeynayo rag iyo dumarba jirkiisa?
Waad mahadsantahy. Wabillahi toowfiiq
Maandeeq <darmaan30>
- Wednesday, June 01, 2005 at 11:52:45 (CDT)
- Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero..
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Salaanta islaamka kadib Waxan Halkan Hambalyo aan la soo koobi karin ugu soo jeedineenaa dhamaan inta isku howshay Webkaan Cajiibka lah ee saamaxay in kumanaan dad ah ka faa'iideestan isla markaana ka jaahil bixiyo kuwa bulshada duufasaday zamankaan danbe.
Marka hore ilaah ha idin jiseeyo abaalkiina mana ahan amaantiina mid la soo koobi karo waxan isku hooshiin howl utaalo dhamaan culuma'udiinka somaiyeed in ay ka qabtaan bulshadooda dhibka loo geestay diintooda iyo caqiidadooda oo ilaa iyo hada socoto oo waxa ognahay in somalia ay ka jiraan schoolaad wax barasho intooda badana ay hoos tagaan qolooyinkaan lunsan taas oo ay saamaxday riyaalka sacuudiga.
Marka walaalayaal aan iskaashano bulshadana aan ka difaacno bililiqada loo geysanaayo diinkooda iyo caqliga iyo maskaxda jiilka soo koraayo, walaahi hadii aan hurdada laga kicin dadkaan xaalkooda waa sii siyaadayaa inkastoo ay xiriirsamayaan un wixi alle dartii loo wado laakin waxa aan alle raacsaneen ma xiriirsamaan ilaahna garabkooda waa ka baxaa marka waxa aad iyo aad mar labaad iyo mar sadexaad u hambalyeenayaa mashaa'iqda isku soo dubariday hooshaan cajiibka leh oo ugu horeeyo Sheekh Dr. Hersi, iyo Dr.Xaashi, Dr.Cabdi, Dr.Mustafa, Dr.Faaruuq iyo kuwa kale ee la midka ah, waxana rajaynayaa in xiriir intaan ka balaaran aan idinla soo sameyn doono hadii alle idmo.
Waxa qoray Dhambaalkaan Culumo Ahlu Sunnah Waljamaa'ah Gaar ahaan Reer Sh: C/raxman Sh: Cumar oo fadhigoodu yahay Somalia Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Ahlu Sunnah Waljamaa'ah <farxad95>
- Sunday, May 29, 2005 at 05:32:08 (CDT)
- Jawaab: Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah..
Assalamu Calaykum; Walaal Axmed Egueh, waad mahadsantahay, su'aasha aad i maydiisay ee ah culumada soomaaliya ee wahhaabiyada ah, sida aad adiguba sheegatay walaal, culumada soomaaliya oo dhan waa ahlusunno, dhowr qof oo Sacuudiga u shaqeeya mooyaane, sida kuwa aad sheegtay, inta kale waa ahlusunno.
Sida aan ognahay Soomaaliya caqiidadeedu waa caqiidadii Islaamka ee casrigii nabiga iyo asaxaabta iyo taabiciinta jirtay, taas oo uu soo habeeyay Imaam Ashcari iyo qaar kale sida Imaam Abuu xaniifa kitaabkiisa (al-fiqh al-akbar), iyo Imaam Axmad iyo Imaam Maalik iyo Imaam Shaafici.
Imaamyadaas kadib, waxaa caqiidadaad aad u sii habeeyay, Imaam Ghazaali kitaabkiisa (al-Iqtisaad fil Ictiqaad), iyo (al-Munqid mina dalaal) iyo (Tahaafut al-Falaasifah) iyo Ixyaa culuum ad-diin), iyo Imaamu al-xaramayn al-juwayni, iyo Imaam Baaqillaani, iyo Imaam Subki, iyo Imaam Nawawi, iyo Imaam Axmad Zaylici, iyo Imaam Cumar Zaylici, iyo Imaam Cabdullaahi Zaylici iyo awliyada waawayn sida Sheekh Awbarkhadle ama (Yuusuf al-kownayn) hadba sida loo yaqaan, iyo Ibn Xajar al-Casqalaani, iyo kumanyaal kale oo aanan halkan magacyadooda lagu soo koobi karin.
Caqiidada ahlusunnada dadkaas ayaa soo habeeyay oo iska dhaxlay oo Nabiga iyo Asaxaabtiisa ka bartay oo inooga soo weriyay.
Wahhaabiyada
Kolka ma waxaan raacnaa Caqiidada aan kor ku soo sheegnay oo ah caqiido (mutasil) ah oo tan iyo Nabigii nnk dadkii soo weriyay la yaqaan, mise waxaan raacnaa caqiido cusub oo 200 oo sano kahor ay ikhtiraaceen (Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhaab)?
Nin kasta oo caqli leh wuu garan karaa xaqa iyo waxa toosan iyo runta, laakiin ninkii Sacuudigu Riyaalaad siiyo ee diinkiisa doonaya in uu iibsho, kaasi markii horeba iimaan malahayn.
Cumar Faaruuq
Wadaadka aad sheegtay ee la yiraahdo cumar faaruuq wuxuu u shaqeeyaa wahhaabiyada sacuudiga caqiidadiisuna ma toosna, tafsiir xun oo khalad ah dhammaantiis ayuu duubay oo dad badan oo soomaali ah muslim ah lunshay, xaalkiisa si fiican ayaan u caddayn doonnaa iyo khaladaadkiisa, marka soomaalidu waa in ay ka digtoonaato ninkaas iyo kuwa la midka ah ee u adeega jaasuuskana u ah wahhaabiyada sacuudiga ee diintooda ku iibshay Riyaalaad.
Sidee lagu kala gartaa culumada?
Soomaalida qaar badan oo culumo isku sheeg ah ayaa ka buuxa laakiin halkan ayaan kuugu sheegayaa dhowr qaacido oo aad ku kala garan karto sida loo kala saaro culumada iyo looxgaabta:
1. Haddii aad aragto mid isku sheegaya in uu sheekh yahay ama caalimyahay, waxaad dhahdaa, horta inoo sheeg xaggeed wax ka soo baratay, maxaadse soo baratay? macallimiintaadiise yahay ahaayeen?
2. Haddii uu ku yiraahdo (xaqa) ayaan ku taaganahay, (aniga) waa la iyaqaan, (waa la isoo tazkiyeeyay) iwm, hadalkiisa ha dhegaysan, ogowna in uu yahay mid lunsan.
3. Haddii uu ku yiraahdo (aniga jaamicaddaas ayaan shahaadadaas ka soo qaatay, oo uu kuu sheego derejadiisa cilmiga ah iyo jaamicadda soo siisay iyo waxa uu soo bartay) markaas waydii wixii aad doonto haddii aad ku qanacdo derejada uu sheeganayo.
4. Iska ilaali kuwa ka soo baxay jaamicadaha sacuudiga, sida jaamicadda wahhaabiyada ee Madiina iyo tan Maka ee loo yaqaan Ummul Qura, iyo tan Riyaad ee loo yaqaan Jaamicadda Boqor Maxamad bin Sacuud, dhammaan waa meelaha madaxa looga soo dhaqo dhallinyada ee wahhaabiyadu ku tababarto dadka, cilmina lagama barto.
Kolka qaacidada aasaasiga ah waa in qofku wax soo bartay oo uu cilmiga meelaha laga barto ka soo qaatay derejo la aqoonsanyahay oo sax ah, laakiin nin asigiiba saaqid ah oo iskuulka ama jaamicadda ku dhacay ama aanan jaamicadba tegin, sidee dad wax ugu sheegayaa?!
Wahhaabiyadu kuwa ay ku shaqaysato dhammaantood waa saaqidiin, waxay ku soo dhaceen jaamicadda ama waxay uga soo gudbeen (Maqbuul) kolkaas baa tazkiyo lagu soo xoojiyay, meel kale oo ay ka shaqeeyaan kolkii ay waayeen ayaa wahhaabiyadu siisay lufluf ay ugu adeegaan si ay u fidneeyaan dadkii ay ka dhasheen.
Wahhaabiyada badankeedu waa taksiileey
Kuwa isku sheegaya culumo ee wahhaabiyada ah, waxaad arkaysaa mid cilmiga ka shaqeeya arki maysid, dhammaantood waa taksiileey oo taxi bay wadaan, bal u fiirso, waddamada gaalada kuwa jooga, dhammaantood taxi bay wadaan wax cilmi ah ma akhristaan, ayaga oo sidaa ah bay (fatwo) bixinayaan, oo isku magacaabayaan mashaa'iikh!!
Ugudambaystii walaal waa runtaa oo howlkasta waxay u baahantahay dadaal dheeraad ah, arrinka dacwaduna wuxuu u baahanyahay dadaal badan, wahhaabiyada iyo kooxaha fasahaadsan waxay haystaan xoolo badan, maxaa yeelay shaytaan ayaa ku shaqaysta oo ay u adeegaan, oo taageera, laakiin ahlusunndu waa dad masaakiin ah, bal fiiri (al-azhar) waa culumadii islaamka ee xaqa ku taagnayd, laakiin waa masaakiin, gaalada ayaa cagta hoosteeda gelisay si aanan hadalkooda loo maqal, wahhaabiyadana kumanyaal lacag ayaa la siiyay si ay dunida u fasahaadshaan, Ilaah baa imtixaanaya dadkiisa!!
Marka walaalayaal, Imtixaanka waa in laga gudbo, ha moodina Riyaalka wahhaabiyada in uu janno idin gaynayo, Riyaalka wahhaabiyadu naarta ayuu idiin jiidayaa ee ka feejignaada! wahhaabiyadu waa kufaar islaam ma aha, caqiidadeedu waa fasahaadsantahay, muslimiinta ayay gaalaynayaan, gaalada iyo maraykanka ayay jawaasiis u yihiin, caalamka islaamka ayaga ayaa fasahaadshay, dhibaatooyin badan bay gaysteen, haddana wali way wadaan dhibkaas, marka muslimiintu waa in ay hurdada ka kacaan oo iska qabtaan dadkan waalan.
Khayr ayaan kugu ogahay walaal, towfiiqada allaha ku tuso. aamiin.
Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, May 28, 2005 at 17:15:03 (CDT)
- Suaal: Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?
Salama calaykum wa raxmatullahi waa barakaatuh;
Salan kadib Dr. Xirsi horta waad ku mahaad santahay durusta cilmiyaysan eed aad webkan kaasidaysid, aad banaan uu xiiseeyaa.
Dr. ama sheikh ama prof waxaa loo baahanyahay ficil dhab ah in lala yimaado.
Mesha somaalidu ku badaantahay (waa somalia). Wayoo waxaad doonaysa in aad somali wax u sheegtid. Waaxan ulajeedaa maad ka howlgashid dhulkii Hooyo. Waxaan kaloo ku waydiin lahaa: waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah? Anigu Waxaan garanayaa culimada aan dhegaysto ee caanka ka ah soomaaliya sida: Sheikh Mustafa Burco, Sheikh cumar faruuq (lakiin sheikhan aad uma dhegaysto wayo sucudiga ayaa soodirtay oo lacagsiiya, si uu waxay donaan u aqriyo), sheikh Cabdillahi Nuux (Djibouti) iyo Sheikh Cabdiraxman Bashir (Djibouti).
Bal iisoo Sheeg kuwa lunsan aan ka foojignaadee iyo waxay soo barteen iyo hadaad garanaysid kuwa kale oo somali ah.
Waad ku mahad santahay hadaad ka soo shawabtid.
axmed egueh <aegueh@caramail.com>
- Thursday, May 26, 2005 at 06:54:26 (CDT)
Next Page..
< < < < Laabo
|