|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
Walaal, adiga oo ku mahadsan figradda aad ka dhiibatay ururrada Islaamiga ah, ayaan doonayaa in aan kugu biirsho arrimahan:
1. Marka hore, waa in aad kala saarto islaamka iyo ururrada Islaamiga ah. Islaamku waa diin jirtay kun sano in ka badan, haddana jiri doonta, ururrada islaamiga ahna waa kooxo yimaada oo baaba'a kolka ay joogaan dhowr sano.
2. Urur kasta oo sheegta in uu Islaami yahay, ma aha mid xaq ku taagan, maxaa yeelay ku taagnaashada xaqa iyo sheegashada (urur islaami ah) waa laba arrimood oo aanan wax xiriir ah ka dhaxayn.
3. Waqtiga maanta la joogo kooxo badan oo Islaami sheegta ayaa jira, oo aan ognahay in qaarkood ay islaamka dhib mooyee aanay dheef u soo jiidin.
4. Ogow, ka hadlidda iyo naqdinta iyo dersidda kooxaha Islaamiga isku sheega, waa arrin bannaan oo sharciga waafaqsan islaamkana kama soo horjeeddo, taas daaye, waaba arrin waajib ah oo culumada looga baahanyahay in ay caddeeyaan kooxahaas waxa ay yihiin iyo taariikhdooda iyo manhajkooda si shartooda looga digtoonaado khayrkoodana loogu dheefsado.
5. Kolka aan kooxaha islaamiga ah ka hadlayno, nacayb iyo colaad uma qabno kooxahaas, ee cilmi ahaan uun baan u dersaynaa, wixii ceeb ah ee aan ku aragno waan sheegaynaa annaga oo daliilkeenna wadana, si muslimiintu uga feejignaadaan.
6. Ugu dambaystii, qofka muslimka ah, waajib kuma aha in uu koox isku lifaaqo, diintu inama farin in aan kooxo raacno, oo waaba inooga digtay, laakiin waxaa inala faray in aan kitaabka ilaahay iyo nabigiisa raacno, haddii aad kolka koox raacdo ama aad nin raacdo, khatar waxaad ugu jirtaa in aad lunto, maxaa yeelay kooxaha islaamiga isku sheegaya badankooda xumaantooda ayaa samaantooda ka badan.
Ugu dambaystii, annagu muslimiinta wanaag uun baan la doonaynaa, diin gaar ah iyo koox gaar ahana ugu yeeri mayno, ee kitaabka ayaan ugu yeeraynaa, waxaanna uga digaynaa in ay iska jiraan kooxahaas, maxaa yeelay muslimiinta saiiba soomaalida oo ah kuwa aan ka dhalanay, waa dad caamo ah oo aanan tacliin lahayn, sidii lagu dhagraana way sahlantahay.
Dr.Hersi
- Tuesday, April 30, 2002 at 07:34:45 (CDT)
- Figrad: Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
bismilaahi raxmaani raxiim
waxaan halkan ka dhiibanayaa su'aal taas oo ku saabsan ururada islaamiga ah.
ugu horeyntii waxaaan raacsanahay in jihaadku noqdo mid waafaqsan kitaabka alle iyo sunnadii rasuulka,dadka muslimiintuna ay helaan nabad hadii la siiyo.
walaalkayow miyaan laga fiicneyn inaad carabka ku balaadhisid ururo islaami ah oo aaminsan inay dacwo wadaan
waxaa ila qurux badan in la eego dhibaatada guud ee islaamka lugu hayo, oo ay isu raaceen dadka aan islaamka aheyn, anigu waxaan joogaa india maalin walba waxa la gubaa dad islaam ah oo waxaba aan galabsan, sidaa oo kale ayaa meelo badani dhib ka jirtaa oo weliba aad u naxdin badan.
walaal ha ku hoos noqon bulshada islaamka dhexdiisa hana la joojiyo fikir weerarka.
raali iga ahow hadii aad tahay qof iga sax san
omar jama abtile <abtile10>
- Monday, April 29, 2002 at 09:51:44 (CDT)
- Bogaadin: Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
ASSALAMA CALAYKUM. WALAL DR. HIRSI SALANATA KOR KU XUSAN BACDIGEED AAD BAAD UGU MAHADSAN TAHAY QORAALADAA QIIMAHA BADAN LEH. MAHDASIN AGAIN W/SALAAMA CALAYKUM.
jiihaan ali ahmed <jiihaan>
- Sunday, April 28, 2002 at 09:50:12 (CDT)
- Taageero: waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
Salaan, dhamaan waxaan in dhaweydba akhrisanayey doodaha diiniga ah ee ka socda boga SEJ. Run ahaan qeylo badan iyo sawaxan ayaa halkaa uga jeedaa taas oo ay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi waayo, fikrad cilmiyeysan ayuu bixinayaa. Laakiin dadka kale ee doodaha ama fikrada amaba su,aalaha ay soo bandhigayaan qaar aan dhadhan fiican laheyn. Waxaan odhan lahaa in aaney shirka is keenin qaarkood,su,aalaha qosolka lehna naga daayaan. Waxaa ayaan daro ah in dadka soomaliyeed inta badani goorta ay dooda iyo qoraalka baran-doonaan,waxaa kasii daran in dhibaatooyinka soo socda ee laga baqaayo in fidmo kale soomaliya ka dhex dhacdo ay-tahey kitaabada hoosta lagu wato ee la aqoon waxa ku qoran ee hadii la naqdiyo afka lagu goosanayo, iyo waliba hanjabaada sida, diintaad ka baxdey,fidmo ayaad wadaa,qoladee aaminsan-tahey..iwm. Waa nasiib daro ee goormaanu b....!!.
Martanf <Martanf>
- Sunday, April 28, 2002 at 09:44:51 (CDT)
- Jawaab: Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
Walaal Abdullahi;
Arrinka aad sheegtay ee ah (Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka, iyo daliilka caddaynaya ee quraanka iyo xaddiiska ah), waxaan kuugu jawaabayaa sidan:
1. Horta waa in aad ogaato, waxa culumada saynisku sheegeen waa in dhulku qorraxda ku wareego, ee qorraxdu dhulka kuma wareegto, maxaa yeelay dhulku wuxuu raacsanyahay qorraxda qorraxduse dhulka ma raacsana.
2. Culumada diinta islaamku waxay dheheen Kitaabka Quraanka iyo Xaddiiska nabigeenni NNKHA, ma aha kutubo cilmi saynis ee waa kutubo diimeed, sidaa darteed way diideen in aayadaha iyo axaadiista loo fasiro saynis ahaan.
3. Waxaa jira qaar culumada ka mid ah oo diinta sida sayniska u fasira, laakiin way yaryihiin sida Tafsiirka Jawhari Tantaawi qoray, ee ka midka ah kuwa loo yaqaan (at-tafsiir al-cilmi).
Gabagabadii, culumadu ma ogola in quraanka iyo xaddiiska sidi saynis loo fasiro, laakiin haddii sayniska iyo quraanka ama xadiisku iswaafaqaan, waa alle mahaddiis, waxayna caddaynaysaa in diinkeennu sax yahay 100% xag saynis iyo xag diimeed dhankii laga eegaba.
Marka walaal sidaa ula soco, anigu ka mid maahi dadka jecel in ay aayad kasta ama xadiis kasta ku fasiraan sayniska iyo cilmiga cusub ee la ikhtiraacay, maxaa yeelay quraanka iyo xaddiisku waa diin ee maaha saynis.
Ufiirso, saynisku waa cilmi caqliga lagula soo baxay, diinkuna waa cilmi hibo ah oo xag alle ka soo degay ee aqoonteenna iyo caqligeenna midna kuma aanan helin.
Tan kale, Cilmiga qof kasta oo ku dadaala ayaa baran kara oo haleeli kara, laakiin diinka waxyi baa lagu helaa, wuxuuna ku soo degaa dad gaar ah oo loo yaqaan (Rasuullo ama Nabiyaal).
Marka u fiirso, waxyaabo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa u dhexeeya diinka iyo cilmiga.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 28, 2002 at 09:13:37 (CDT)
- Su'aal: Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
Asalaama calaykum.
Ma ii sharxi kartaa sida qoraxdu ugu wareegto dhulka.
daliil ayado iyo axaadiis, very important.
thanks
Abdullahi <hassanad@aol.com>
- Friday, April 26, 2002 at 07:54:00 (CDT)
- Jawaab: Kabaha musqusha lagu gelayo ma lagu tukan karaa haddii la masaxo?
Walaal, maantay aniga iyo labadii Dr. ee aan kuu sheegay shalay oo kala ahaa
Dr. Sayyid Hamid (Ph.D al-Azhar) Takhasus (Tafsir iyo Xadis), iyo Dr.
Abdalla al-Shami (from Yaman) (Ph.D Manchester UK - Sharicah), ayaa ka wada
munaaqashoonnay arrinka ah kabaha lagu tukanayo waxaana culumadaasi sheegeen
oo aan aniguna ku raacay, in aanay bannaanayn in kabo qoyan oo musqul lala
galay lagu tukado, ama hala masaxo ama yaanan la masaxin dushooda taasi wax
micne ah samayn mayso, maxaa yeelay kabuhu waa najaas haddii musqul qoyan
ama meelo wasakh ah lala galo oo ay wali qoyanyihiin.
Waxaa jira marar kabaha lagu tukan karo oo xadiiska lagu xusay in nabigu uu
asaxaabta ku yiri kolkii ay salaaddii ka baxeen "maxaad kabaha u siibateen,
kolkaas bay dhaheen, adiga oo siibay baan kuu jeednay oo waan kugu dayanay,
wuxuu yiri; jibriil baa ii waxyooday oo najaaso bay lahaayeen kuwaygu sidaas
baanna u siibay.."
Ujeeddadu waa in xaddiiskaasi sheegayo in nabigu banneeyay kabaha in lagu
tukado, waxayse culumadu dhaheen waa haddii duur la joogo oo aanay kabuhuna
najaaso lahayn.
Sidoo kale waxay dheheen kabaha waxaa lagu tukan karaa haddii qofku uu u
niyoodo sida (khufka) oo ayna qoobka qarinayaan buuxinayaanna shuruudihii
(khufka), haddii ay nijaasoobaanna waa in la siibo oo lama ogola in lagu
tukado.
Intaas baan kugu kordhinayaa, wallaahu aclamu...
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 28, 2002 at 08:52:12 (CDT)
- Su'aal: Kabaha musqusha lagu gelayo ma lagu tukan karaa haddii la masaxo?
Walaalkeygii qaaliga ahaayo waad kumahadsantahay sida
sharafta leh oo aad nooga soo jawaabtay su'aashanadii
ku saabsaneyd (MASAAFADA).
WALAAL WAXAAN KALOO DANEYNAYAA IN AAN IDIN WAYDIINO
SU`AASHAN AH, HADII QOF KABIHII UU KU SOCDAY INTA UU
SUULIGA LAGALO HADANA UU DUSHOODA MASAXO MISNA UU KU
TUKADO MAXAY KAQABTAA DIINTA ISLAAMKA SU`AASHAN OO
KALE?
Osman hassan <osman43224>
- Sunday, April 28, 2002 at 08:49:02 (CDT)
- Salaan iyo Su'aal: waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
2garre waa lagu salaamay. Inkastoo aan degganahay Denmark haddana waxaa magacaagu isoo gaaray 1997 anigoo jooga Malaysia. Walaalkey (Xasan Darmaan) ayaad meesha joogi jirteen. Calaa ayi xaal, waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA iyo haddaad qortay kuwo kale oo iyana ku saabsan diinta Islaamka, gaar ahaan caqiiddooyinka iyo madaahibta cusub ee indhoweydba kusoo biirayey dhaqanka iyo wacdiga diimeed ee Soomaalida.
Ujeeddadu waxay tahay anigoo sameynaya filin dokumentari ah oo ku saabsan arrintaas. Sidoo kale waxaan u baahanay meel aan si toos ah kaala soo xiriiro haddaan wareysi kula yeelanayo.
nabadgelyo
walaalkaa,
Cabdirisaaq Y. Cismaan
DENMARK
Abdirazak Osman <zaksom>
- Thursday, April 25, 2002 at 05:24:32 (CDT)
- Jawaab: Maxa uu u sameeyey benladen waxaas fool xumada ah?
Samsam slaan ka dib;
Walaal ninkan bin Ladan la yiraahdo wuxuu ahaa nin ay sameeyeen oo tababareen Maraykanka iyo dowladda Sacuudiga, ayaga ayuu u shaqayn jiray, laakiin kolkii uu dhamaaday dagaalkii shuuciga ee Afqanistaan kadib ayaa sacuudiga iyo maraykanku dooneen in ay ka takhalusaan ninkaas iyo ragiisa, maxaa yeelay dantii laga lahaa waa laga gaaray, waxayna ahayd in lagu jebsho shuuciga.
Ibn Ladan iyo saaxiibadiisna way ogaayeen arrinkaas oo waxay isku deyayeen in ay dowlad ka samaystaan Afqanistaan, si ay uga hortagaan sacuudiga iyo maraykanka oo ah madaxdoodii hore haddase ay ka furteen.
Dagaalkuna sababahaas iyo qaar kale ayuu ku yimid ee Islaamku shaqo kuma lahayn waxaas oo dhan, ee way ku gabbanayaan.
Sidaa darteed fal kasta oo argagixis ah wuxuu ku salaysanyahay dano gaar ah ee umad iyo diin toona u adeegi maayo.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Sunday, April 28, 2002 at 08:45:50 (CDT)
- Su'aal: Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumadabadan in america?
Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumadabadan in america?
samsam <abowe@blu.it>
- Sunday, April 21, 2002 at 13:39:19 (CDT)
- Jawaab: Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
Walaal salaan kabacdi, haddii aan kaaga jawaabo arrinka "Masaafada", horta masaafo waxaa laga wadaa fogaanta qofku salaadda ku gaabin karo oo ay culumadu ku xadeeyeen 89 ama 90 km.
Tan labaad haddii aan u soo laabanno caadada soomaalida ee ah in gabadha reerkeeda lagala baxsado oo lagala fogaado, dabadeedna wadaad loo gaysto oo sidaa lagu mehersado ayada oo ka raalli ah, waxay ku salaysan tahay dhowr arrimood.
1. Masaafada noocaan ah iskama timaado ee sababo ayaa keena, sida waalidka oo diida guurka, ama waalidkii oo aanan joogin laakiin tolkii gabadhu diidaan ama xataa asbaabo kale oo ay ka mid yihiin in hooyada ama qaraabada kale ee gabadhu aanay cidda wiilka jeclayn, sababahaas iwm ayaa keena la baxsashada gabdhaha, kolka waa in aan eegno sababahaas, ma kuwo sharci ah baa mise waa qaar aanan sharci ahayn?
Tusaale ahaan, xaq ma u leedahay hooyadu in ay diiddo gabadha meherkeeda sharci ahaan? Ma bannaantahay in tolka gabadhu diidaan meherkeeda? ma bannaantahay in xataa aabbaha laftiisu diido gabadha meherkeeda asiga oo cuskan sababo aanan sharci ahayn? Waxyaabahaas oo dhan baa loo baahanyahay in la eego haddii la doonayo in la xalliyo mushkiladda masaafada.
2. Mararka qaar siiba waayihii hore, sheekha wax mehrinaya ayaa ka fogaa meesha reerka gabadhu degganyihiin, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in gabadha reerkeedu degganaayeen magaalo aanan sheekhba joogin, dabadeedna ay aadday magaalo kale oo halkaas wiil ku mehersatay nin ay malaha halkaas ku ballameen ama ayba is raaceen, marka midda jaadkan ah waxaa kuu muuqata in ay xoogoo ka duwantahay tan aan horey u sheegay, tan ayaana ah masaafadii runta ahayd ee soomaalidii hore.
Warkii oo kooban, si kastaba ha ahaatee, haddii ay wiilka iyo gabadhu isku mehersadaan sida soomaalidu caadada ka dhigaytay ee Masaafada loo yaqaan meherkoodu waa sax kolka loo eego shareecada Islaamka, maxaa yeelay shuruudihiisii way soo buuxsheen. Laakiin waxaa lagayaabaa in la yiraahdo way dambaabeen oo xeeladda ay sameeyeen ee ah in waliga (aabbaha ama qofkii hadba wali u ah gabadha) laga dhuunto oo xaqiisa laga duudsado taas way ku dambaabayaan baa la orankaraa, laakiin caqdiga meherkoodu waa sax.
Wadaaddada qaar ayaa waxay ku andacoodeen, meherku sax ma aha, maxaa yeelay "wali" gabadhu malahayn, meherkuna wali la'aan ma ansaxayo sida xaddiiska lagu sheegay! Run ahaantii kuwa sidan leh si fiican uma fahmsana masaafada, masaafadu maaha in gabadha la mehrinayo "wali" la'aan, wali way leedahay oo sheekha ayaa wali u noqonaya, maadaama aanan waligeedii joogin ama uu masaafo jiro, marka meherku shuruudihiisii wuu buuxsaday, hadduu shuruudihiisii buuxsadayna sidaas buu ku saxanyahay.
Su'aal kale waxay tahay, maanata casrigan la joogo, ma suurta galbaa in masaafo la aado, maxaa yeelay taleefan baa lagula xiriiri karaa aabbihii gabadha, oo la waydiin karaa ra'yigiisa ama waliga qofkuu doono ha ahaadee. Jawaabtu waa in aanan taleefan waxba lagu qaban karin, maxaa yeelay lama yaqaan qofka jawaabaya cid uu yahay, waxaa laga yaabaa in uusan waligii saxda ahaa ahayn, sidaa darteed arrinka masaafadu wali sidii uu horeyba u ahaa ayuu haddana ahaan doonaa, xukunkiisuna waa sidiisii hore, taleefanka iyo email iwm waxba ka bedeli mayaan.
Wallaahu acalam.
Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
- Saturday, April 20, 2002 at 01:07:46 (CDT)
- Su'aal: Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
Maxey diinta isaamka ah ka qabtaa masaaffada?
osman <osman43224>
- Wednesday, April 17, 2002 at 09:32:04 (CDT)
- Jawaab: Waxaan doonayaa in aan kaa faa'iidaysto..
Walaal, waad mahadsantahay, waxaad igala soo xiriiri kartaa emailkan: hersi@2garre.com .
Dr. Hersi <http://>
- Tuesday, April 02, 2002 at 00:57:37 (CST)
- Su'aal: Waxaan doonayaa in aan kaa faa'iidaysto..
Walaalle waxaan doonayaa inaan kaafaidasto ee soo kuula soo
xariiraa fadlan
MY E-mail is kahin79
yusuf <http://>
- Saturday, March 30, 2002 at 22:37:08 (CST)
- Figrad: boggan 2garre.com qaybihiisa diinta..
Asalaamu Calaykum,
Salaantaa sharafta leh ee kor ku xusan ka dib, waxaan jecelahay inaan fikradayda ka dhiibto halkan taasoo ku wajahan boggan 2garre.com qaybihiisa diinta. Marka hore qof walba wixii uu camal falo ayuu ilaahay ka abaal siiyaa weliba dadka qofkaa wax ka qaatana ama ha noqoto mid ficil ama mid qowlba khayr iyo sharba iyana waa laga abaal mariyaa. Hadaba Hirsi waxaan waydiin lahaa boggan ma waxaad uugu tala gashay inaad somali wax uugu tarto mise inaad wax ku yeesho? Jawaabta adigaan kaa sugayaa.
Waxa fiican qofku inuu wixii uu wax ka yaqaano inuu ka hadlo maaha inuu bad iyo waxaanu waxba ka aqoonin inuu dhex galo waayo waxyeeladiiisa ayaa ka badan wax tarkiisa. Hadaba Dr. Hirsi waxaa kula gudboon inaad iskaga hadho waxyaabaha la xidhiidha Diinta weli waxyaabaha Fataawiga ah waayo sida la wada ogsoonyahay Fatwada waxa iska leh dadka culimo aw diinta ah ama ehel u ah Fatwada, waayo waxa laga yaabaa in dhibaatooyin badani kaa gaadhaan Aduun iyo aakhiraba. Rasuulkeenii wuxuu yidhi (NNKH):"Kiina idiinku defgdeg badan Fatwada ayaa Naartana idiinku degdeg badan". Macnuhu wuu Cadyay.Waxyaabahaan ka akhriyay Boggan Qof walboo muslim ahiba wuu ka naxayaa. Dr. hirsi waa iga talo waayo Rasuulku waxuu yidhi(NNKH):"Diintu waa Nasteexo".
Bal ka soo fikir Dr. hadii aad doonaysid arin intaa kasii faahfaahsan waxaad igala soo xidhiidhaa. emailkan
biixi99
biixi <http://>
- Saturday, March 30, 2002 at 11:36:29 (CST)
- Jawaab: iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!
Asalaamu Calaykum,
Friday, January 18, 2002 7:48 PM
Dr. Yuusuf;
Salaanta Rabbigeen kabacdi, walaal waad ku mahadsantahay su'aasha wanaagsan
ee aad isoo waydiisay, jawaabtana waan kuu soo koobayaa.
Midda hore, horta anigu horey baan u sheegay in aanan koox gaar ah
raacsanayn, oo aan kooxaha mid walba ceeb ku arkay, ceebtaas awgeedna aan
uga cararay, laakiin taas macnaheedu maaha in aan kooxaha wada diidanahay,
maxaa yeelay koox kasta waxay leedahay xasanaad iyo khaladaad, marka
xigmaddu waxay ku jirtaa in aan wixii culumada kooxahaas aasaasay ay keeneen
ee wanaag ahaa qaadano, wixii xumaan ahaa ee ay keeneen ama kuwa raacsani ku
dareen mad-habta kadib markii shiikhii keenay dhintay sida akhwaanka, waxaa
wanaagsan in laga fogaado oo laga dhowrsado.
Tusaale ahaan, Kooxda akhwaanka waxaa aasaasay sheekh caan ahaa oo dadka
dhan ka markhaati ahaayeen wanaaggiisa iyo caqiido toosnaantiisa, laakiin
mad-habtiisii ama xarakadiisii waa la marin habaowshay oo waxyaabo badan oo
uusan sheekhii ogayn baa lagu soo khalday.
Marka haddii Ilaahay, waynaayee, uu cumriga ii dheereeyo, inshaa allaahu
dhammaan buug ayaan ku soo koobi doonaa kooxahaas mid kastana waxa ay ku
toosantahay iyo waxa ay ku khaldantahay ayaan si caddaalad ah u soo bandhigi
doonaa aniga oo kaashanaya usuusha islaamka ee ah Kitaabka iyo Sunnada Sugan
iyo culumada Islaamka warkooda.
Tan labaad ee aad iga waydiisay qolyaha qubuurta caabuda, waxaan u
malaynayaa in aad jawaabtooda garanayo. Islaamku ma ogola in la caabudo wax
aanan Ilaahay ama rabbigeen ahayn. Waxaasi wixii ay doonaan ha ahaadeen, ama
dad ha ahaadeen ama dhagax ha ahaadeen ama mid nool ama mid dhintay dhammaan
waa isku mid, lamana ogola in la caabudo, quraanka bayna ku caddahay taasi
oo aayado ciiddaas la eg baa lagu sheegay arrinkan.
Kolka haddii aad taas igu raacsantahay, oo aad ogtahay in aanan la caabudi
karin cid aanan Ebbe wayne ahayn, markaas waxaa kuu caddaanaysa in ninkii
qabri ama qof ama dhagax iwm caabuda in uu shirki falay, waana ogahay in
wahhaabiyadu sidan leedahay, oo waan isku raacsannahay arrinkan, laakiin
waxaan isku khilaafsannahay macnaha "Cibaadada" iyo "Caabudidda", marka taas
u fiirso wallaal, waxaan dhahay "Cibaado" ama "Caabudid" ee ma dhihin
"Ixtiraamid" ama "Xushmayn" iwm.
Tan kale, ee ah ayamaa fadli badan ma wahhaabiyada mise kuwa qubuuraha
caabudaya, waa su'aal ayaduna meesha ku jirta, anigu sidaan horeyba kuugu
sheegay, qolo kasta wanaag iyo xumaan bay leedahay, sababaha keenay in qolo
kasta xumaan ku darato wanaaggeedana halkan kuma falaanqayn karo
dhammaantood oo qoraal dheer bay u baahanaysaa.
Waxaan rejaynayaa in aan kaaga jawaabay su'aalahaagii, mar labaadna waad
mahadsantahay, wixii munaaqasho ah ama figrad ahna waad igu soo kordhin
kartaa ama iisoo diri kartaa.
- Suaal: iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!
Dear Dr Graka!
waan aqriyey fikradaada inta badan ma ihi nin aqoon dheer u leh diinta islaamka mana ihi nin caamo ah sidaad arkeyso waxaan ahay dhaqtar teeda kale quraanka iyo luqada afcarabiga waan ku fiicnahay oo waan garan tafsiirka! marka walaal firqooyin badan baad usoo jeedisey dhaliil kuna tilamaantey gaalo, somaliaya waxaa joogay kuwo ladheho xer oo siyaarta daka dhintay ka duceysta awliyo kamse hadlin horta adigu ma xer baad tahay? aniguse waxaan u arkaa inkuwaase ay kasii habow sanyahiin tabliiqa iyo alwahaabiya ee iga jaahil bixi?
dr yusuf
Dr Yusuf Ismail Essa <http://xerta>
- Thursday, January 17, 2002 at 10:24:52 (CST)
- Mahadnaq:
salaamu calaykum ilaahay hakaa abaal mariyo waaa markii ugu horaysay aan arko website kan qiimaha leh wax suaal ah maqabo laakin waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha lagu soo waydiiyay inkastoo meelaha qaar aanan kuugu raacsanayn si kastaba ha ahaatee waxaan kuu rajaynayaa in sii wadi doontid dadaalkan qiimaha badan leh jazaakal alaah qayran
c/qaadir <ibnulmucallim>
- Tuesday, April 30, 2002 at 07:34:45 (CDT)
Next Page..
< < < < Laabo
|