|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
Assalaamu calaykum, Walaal Axmed, waan ku salaamay adiga iyo intii saaxiibadaa ah ee kula joogta ee muslimiin ah, intaa kadib walaal waxaan Eebbe kaaga baryayaa in uu kuu dambi dhaafo adduun iyo aakhiro intaba.
Sida Nabigeennii nnk laga soo weriyay, aadanaha oo dhan waa mid gafa, laakiin waxaa ugu khayr badan kuwa towbad keena, marka waxaan rejaynayaa in qaar badan oo kula mid ah ka faa'iidaysan doonaan khibraddaada oo garowsan doonaan khatarta ay leeyihiin kooxaha fidnada ah ee baadiniyada ah iyo dhibaatada ay u gaysan karaan qofka diinkiisa iyo akhlaaqdiisa intaba, Eebbe waxaan ka rejaynayaa in uu xaqa ina tuso oo waddada toosan inagu hago. Aamiin.
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, January 22, 2006 at 07:17:52 (CST)
- Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
A/C, Shiikh Xirsi, hawada ayaan kuu soo marinaynaa salaamta islaamka aniga iyo jamaacadeeyda waana ku mahadsantahay sida fiican ee u caddaysay fadiixada qolyahan bidciga ah.
Shiikh Aniga waxaan ka markhaati ahay sida aad sheekhtay in qolyahan habowsanyihiin oo akhlaaqda ka xaumaatay, maxaa yeelay aniga kula hadlaya ayaa ka mid ahaan jiray kooxda alitixaadka oo muddo ku jiray, kadibna Ilaahay ayaa iga soo badbaadshay.
Sida aad sheegtay akhlaaqxumada waa ku fidday kooxda al-Itixaad dhexdooda, waxaa xasuustaa aniga oo koox gabdho ah oo Itixaadka ah wax u akhriya oo marka aan dersiga dhameeyo aan marada weeyn ee inoo dhexaysa aniga iyo gabdhaha hoosta uga xaluusho oo markaas middii aan jecleesto la mucaamaloodo hadbo sidii aan rabo ayaguna iga maanicin wixii aan soo doonto ilaahay ha iga cafiyo aniga waan ka toobo keenay diintaas akhlaakhxumoda ku dhisan.
Shiikh iisoo duceeya in Ilaahay iga dambi dhaafo wixii iga dhacay intii aan ka mid ahaa kooxahaas wahhaabiga ah iyo in ilaah igu sugo dariiqa suubban iyo waddada xaqa ah ee dariiqada ahlusunnada iyo jamaacada. Mar kaleeto waxaan idiin baryayaa in Ilaah kheer idin siiyo ifka iyo aakhiraba. w/s.
Axmad C. Xaad <xaad021>
- Sunday, January 22, 2006 at 07:07:21 (CST)
- Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
Assalaamu calaykum: Walaal, Culumadu diinka way kala bartaan, Imaam Axmad wuxuu ahaa ardaygii Imaam Shaafici, Imaam Shaaficina wuxuu ahaa ardaygii Imaam Maalik, Imaam Maalikna wuxuu ahaa ardaygii Rabiicata ar-Ra'yi, Rabicahna wuxuu ahaa ardaygii Imaam Abuu Xaniifa, marka haddii Imaam Ashcari noqday ardaygii Imaam Axmad la yaab malaha, waana sax oo waa la ogyahay in uu Imaam axmad mucaasir la ahaa.
Sheekh Cabdulqaadir ma haleelin Axmad, sidaa darteed, ma aha ardaygii Imaam axmad, laakiin wuxuu ahaa atbaacdiisii, oo wuxuu raacsanaa mad-habta xambaliyada.
Midda kale ee aad tiri, caqiidada Axmad iyo Ashcari iyo Cabdulqaadir waa isku mid, taasi waa sax waana la ogyahay dhammaantoodna waa ahlusunno.
Imaam Axmad Mujasimo ma ahayn
Qaar mushabihada iyo mujasimada maanta (wahhaabiyada) ka mid ah ayaa waxay ku murmaan in caqiidadoodu tahay middii Imaam Axmad, ayaga oo doonaya in ay tajsiimkaas iyo tashbiihaas Imaam Axmad dusha ka saaraan!
Hadaba waxaan leenahay, Imaam Axmad wahhaabiyo ma ahayn, Mujasimana ma ahayn, Mushabihana ma ahayn, ee wuxuu ahaa Ahlusunnah, macnaha wuxuu ahaa madaxa culumada xaddiiska, ahlusunnana halkan waxaa looga jeedaa culumada xaddiiska ee loogama jeedo ahlusunnah wal jamaacah.
Magaca Ahlusunnah wal Jamaacah wuxuu soo baxay Imaam Axmad kadib
Marka haddii ahlusunnah la yiraahdo, casrigii Imaam Axmad iyo wixii ka horreeyay waxaa looga jeedaa (ahlul Xaddiis), haddii la yiraahdo ahlusunnah wal jamaacah, magacaas waxaa looga jeedaa atbaacdii Imaam al-Ashcari iyo Imaam Maaturiidi, labadaas Imaam caqiidadii ay habeeyeen ee ay ka soo weriyeen Imaam Axmad iyo Imaam Shaafici iyo Imaam Maalik iyo Imaam Abuu Xaniifa, iyo qaar kale oo badan oo ka mid ah Asaxaabta iyo Taabiciinta ayaa la yiraahdaa (Caqiidada ahlusunnah wal-jamaacah).
Magaca (al-Jamaacah) wuxuu ka yimid casrigii nabiga
Magacaas axaadiista ayuu ku soo arooray, ujeedadiisuna waa (Jamaacatul Muslimiin) macnaha jamaacada muslimiinta, laakiin waxaa siyaasad ahaan u adeegsaday magacan Umawiyiinta oo Mucaawiyo ayaa taageerayaashiisii ula baxay (al-Jamaacah), sanadkii uu xukunka qabsaday oo Xasan Bin Cali uga degayna wuxuu u baxshay (Caamul Jamaacah).
Marka magaca (ahlusunnah wal-jamaacah) meeshaas ayuu ka yimid, ujeedadiisuna waa (ahulusunnah) oo ah kuwii sunnada Nabiga haysatay, iyo (al-Jamaacah) oo ah (jamaacada muslimiinta, kolkaas bay isku dareen oo ka dhigeen hal magac ah markaas bay dhaheen (ahlusunnah wal-Jamaacah) oo ah kooxda haysata sunnada nabiga ee ah jamaacada muslimiinta).
Sunnada Nabiga waxaa looga jeedaa (Dariiqa nabiga) ee loogama jeedo xaddiiska
Waxaa kale oo loo baahanyahay in aad fahamto in ahlusunnah looga jeedo (sunnada nabiga), sunnada nabigana waxaa looga jeedaa (Manhajka nabiga) ee loogama jeedo xaddiiska, waxaana laga soo qaatay xaddiiska (Calaykum bi sunnatii, wa sunnati al-khulafaa ar-raashidiin), oo ah waxaan idinku ogahay manhajkayga iyo manhajka khulafada raashidiinta ah, taasina waxay caddaynaysaa in aanan halkan sunno xaddiis looga jeedin, maxaa yeelay khulafadu xaddiis ma lahayn ee manhaj iyo dariiq ay dadka ku hoggaansheen bay lahaayeen.
Kooxaha Lunsan waxay isku khaldaan Erayada iyo Magacyada qaarkood, si ay ummadda u lunshaan
hadaba halaga digtoonaad kuwa isku khaldaya erayada iyo magacyada si ay dadka ugu lunshaan sida wahhaabiyada marna isku sheegaysa Ahlu sunnah, marna jamaaco, marna salafiyiin, marna firqatul naajiyah, marna qaacido, marna ahlusunnah wal jamaacah. Dhammaan waa magacyo ay soo xadeen, ayagu ahlusunnah ma aha, muslimiinna ma aha, ee waxay doonayaan in ay muslimiinta khaldaan oo marin habowshaan, marka halaga digtoonaado. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, January 21, 2006 at 23:58:20 (CST)
- Su'aal: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
Salaamad badan sheekh iyo duco:- Sheekh jawaabtaadi ku saabsaneyd caqiidada oo aad igula talisey inaan qaato tan imaam ashcari iyo siduu ku bayanshey kitaabkissa "alibaana". Sheekh markii aan daraasad ku sameeyey kitaabkaas aad adna takhriij ku sameysey waxaan arkey in labada sheekh -C/qaadir iyo imaam ashcari ey isku caqiido noqdeen oo labduba kutubtooda ku bayaamsheen in ey ka kaga deydeen imaam Axmed bin Xanbal....Sheekh bal arintaa iga jaahil bixi. Kheyr baan kugu ogahy if iyo aakhiro....
C.M.cabdalle <chango_58>
- Saturday, January 21, 2006 at 23:34:46 (CST)
- Jawaab: Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia
Assalaamu Calaykum: Muxyadiin, waan idin salaamay adiga iyo intii muslimiin ah ee ku dhaqan dalka Zambia, waxaan idiin rejaynayaa in Ilaahay idinkugu kaalmeeyo fidinta dacwada Islaamka ee xaqa ah, oo uu idinka xijaabo fidnada waayahan dambe badatay ee ay firqooyinka qaar wadaan sida kooxaha lunsan ee maalmahan dambe Islaamka iyo Muslimiinta lagu fidneeyay.
Jannada qof imtixaan la'aan gelaysa ma jirto
Sida quraanka nalookugu caddeeyay qof jannada gelaysa ayada oo aan la tijaabin oo aan Ilaahay jarribin ma jirto, jarribaadana waxaa ka mid ah fidnooyinka muslimiinta lagu sallidayo ee qaar badan oo ka mid ah ay iska daba raacayaan, taasina keenayso in ay dhammaantood naarta ku hoobtaan maalinta qiyaamaha.
Marka walaalayaal waad ku mahadsantihiin xiriirinta iyo dadaalka wayn ee aad ku jirtaan, maanta ummadda muslimka ah ee soomaaliya waxay khatar u tahay in ay diinka Islaamka ka riddowdo dhammaanteed, sababtuna waa in loo qaybshay qaar kirishtaamoobay oo kaniisaddu qaadatay iyo qaar wahhaabiyadu qaadatay, iyo qaar diintiiba ka tegay, saddexdaas ayay umaddii Islaamka ahayd ee Soomaaliya la dhihi jiray noqotay, waxaa haray jamaaco xoog leh oo ahlusunno ah, laakiin way hurdaan oo dadaal badan samayn maayaan, waxay leeyihiin, annagu xaqii waan ku taagannahay oo waxaan haysanaa mad-habtii ahlusunnah wal jamaacah!
Macruufka fariddiisa in laysku kaashado waa waajib
Hadaba walaalayaal, in layskaashado si macruufka loo faro oo munkarka loo reebo waa waajib. Munkarka maanta jirana waxaa ka mid ah fidnooyinka ay wadaan kooxaha sanaadiqada ah ee maanta ku ukumeeyay bulshadeenna dhexdeeda ee dhiigga ka miiranaya har iyo habeen ayaga oo isla markaana ka fidneeyay caqiidadii Islaamka umaddeenna, sida kooxda Wahhaabiyada ama Itixaadka iyo kooxda Ikhwaanka iyo Xisbiga Taxriirka iwm, kooxahaas dhammaantood dibadda ayaa laga soo waariday, waa caqiido la soo dhoofshay oo loogu talagalay in lagu ciribtiro Muslimiinta Soomaalida ah, hadaba dhallinyarada iyo culumada soomaalida ayaa xil iyo waajib ka saaranyahay sidii loo badbaadin lahaa Diinka iyo Umadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed.
Hadaba walaalayaal xiriir wanaagsan, aad baad u mahadsantihiin, wixii talo iyo tilmaan ah ama taageero ah waan idinla garab taagannahay. Khayr baan idiin rejaynayaa.
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, January 21, 2006 at 23:23:52 (CST)
- Salaan: Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia
asalaamu calaykum, salaam kadib, Sheekh Dr. Hersi Aw Mohamed waan ku salaamaynaa annaga oo ah ehlu-sunnaha ku sugan waddanka Zanbia, waana ku faraxsannahay dadaal kaaga, hadda wixii ka danbeeyana waan kula soo xariir doonaa a/c.
Muxyadiin <xarfo8>
- Saturday, January 21, 2006 at 23:23:52 (CST)
- Bogaadin: Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
السلام عليكم ورحمة الله salaan qiimo badan kadib Alaah ayaa mahad iskaleh nabigeena suuban (NNKH) waxaan ku faraxsanahay uguna hanbalyaynayaa inta ka qayb qaadanaysa dacwada iyo difaaca diinta islaamka. mahadsanidiin wabilaahi towfiiq.
mohamud sheikh abdo <sheikh abdo>
- Wednesday, January 18, 2006 at 06:24:29 (CST)
- Duco iyo Bogaadin: Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
Ass/calykm. marka horey waxaan hambaliyo iyo taageero iyo duco u direeynaa ani iyo saaxiibadeey sheekha wayyeen ee ahlusunnada diktoor xirsi waxaana dhehaynaa Ilaahay cimri dheer oo cibaado wata ha kuugu deeqo.
Shiikh waxaan ani iyo saaxiibaday aad ugu faraxney sida aad qolyahan munxarifiinta ah xaalkooda u bayaanisay, waxa aad sheegaty shiikh dhammaan tood waa run.
Waxaan ku aragnay ani iyo gabdhaha saaxiibaday ah nimankan sida ay naagaha u liidaan oo hadafkoodu oo kaliya yahay in ay gabdhaha yaryar iyo naagaha single motharka ah sir ku guursadaan kadibnah furaan laba usbuuc ka bacdi.
Intaas kaliya maaha shiikh ee waxay had iyo jeeraali naga aruuriyaan lacago badan ayaga oo ku dacwinaayo in ay dacwo ku fidinaayaan, ilaahay ayaa inala og been ku sheegi meeno.
Marka shiikh noosoo ducee emailka noogu soo jawaab oo noo soo sheeg sida looga dhqamo dadkaan noocaas ah. mar labaad kheer aan kuu rejeyhaynaa aniga iyo kulligeen gabdhaha saaxiibaday ah. wassaalaamu calaykum/warxmah.
Sahro <sahro89>
- Thursday, January 19, 2006 at 20:40:10 (CST)
- Jawaab: Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
Assalaamu Calaykum. Walaal masaafada waxaa looga jeedaa in gabadh iyo wiil ay u safraan magaalo kale oo ka fog magaaladooda fogaan gaaraysa xadka masaafada oo ah 90KM qiyaastii, ama ha isla socdeen ama ha kala socdeen ee safarka noocaas ah ayaa soomaalidu u taqaan masaafo.
Masaafada iyo Dhaqanka Soomaalida
Soomaalidii hore waxaa dhaqan u ahaan jiray in ay gabadhu haddii ninka ay rabto loo diido ay baxsato oo magaalo kale u fakato ayada oo ninkii ay rabtay kula ballamaysa in uu meeshaas kula kulmo si ay isu mehersadaan, sidaas ayay ku ballami jireen ninka iyo naagtu.
Sababaha loogu diidi jiray gabdhaha nimanka qaarkood
Sababaha keeni jiray fakashada noocaas ah ee masaafada ah waa:
1. Qabyaaladda, ayada oo ninka naagta loo diido qabiil awgiis.
2. Xaaladda dhaqaale, ayada oo waalidiinta gabdhaha dhalay ay damaaci qaarkood yihiin oo doonayaan in ay gabadha xoolo ku qaataan.
Sida kuu muuqatana waxyaabahaasi wax sharciga waafaqsan ma aha.
Qaabka masaafada soomaalida
Badanaa ninku wuxuu soo kaxaystaa qof ama qaraabadiisa ah ama saaxiibkiis uu ku kalsoon yahay ah, waxaana sidaas loo yeeli jiray arrimo nabadgelyo iyo Markhaati in ay noqdaan.
Gabadhuna sidoo kale waxay soo kaxaysan jirtay gabadh kale oo qaraabadeeda ah ama saaxiibteed ah.
Masaafadu mararka qaar waxay ku timaadaa ogolaashada waalidka ama qaraabada
Mararka qaar waxaa dhacda in aabbaha dhalay gabadha uu diido in uu gabadha siiyo ninka, laakiin hooyadeed iyo qaraabada kale sida ilma adeerku ay ogolyihiin in gabadha la baxsho. Waxaa kale oo dhacda in mararka qaar hooyadu diiddo in gabadha la baxsho ayada oo aabbihii iyo qaraabadii ogolyihiin, aniga ayaana taas u soo taagnaa maalin oo arkay dhacdo tan la mid ah, kolka marka ay taasi dhacdo waalidka qaar ayaa ku dhiirigelsha gabadha iyo wiilka in ay masaafo aadaan si khilaafka noocaas ah looga taagsado oo aanan qoysku isu khilaafin.
Xukunka Masaafada
Marka walaal, waxaan u malaynayaa in aad fahamtay masaafada macnaheeda, haddii ay sidaas aan kuu soo sheegay tahayna waxba kuma jabna wayna bannaantahay, maxaa yeelay haddii aanan gabadha aabbaheed joogin oo uu fogyahay waxaa wali u ah gabadha sheekha mehrinaya.
Daliilka Masaafada
Daliilkuna waa xaddiiska laga soo weriyay nabiga nnk, ee ay culumadu soo weriyeen ee leh "nikaax ma jiro wali la'aan", marka masaafadu wali way leedahay, mana aha wali la'aan sida dadka qaar u malaynayaan, waliguna ma aha aabaha oo kaliya ee waa ama aabbaha, ama adeerka, ama awoowe, ama ina adeer, ama qaalliga, ama xaakimka, ama sheekha mehrinaya dhammaan wali ayaa lagu magacaabaa.
Wahhaabiyada ayaa masaafada diidday, waxayna banneeyeen "Mutcada" iyo "dhillaysiga" iyo "qaniisnimada" iyo in "gabar iyo eeddadeed" la isla guursado, iyo in la isla guursado "gabadh iyo walaasheed"!!
Waxaa diiday oo dicaayad ka fidsha masaafada wahhaabiyada, waana lagama maarmaan in aan sheegno ceebahooda, maxaa yeelay ayaguba waxay ceebaynayaan culumada shaaficiyada ee bannaysay oo caddeeyay masaafada.
Marka wahhaabiyada waxaa la gudboon in aanay dadka wax ka sheegin, maxaa yeelay ayaga ayaa wax waxaas ka sii xun falaya.
Wahhaabiyadu waxay banneeyeen "Mutcada iyo dhillaysiga"
Waxaa fatwooday sheekhoodii Indhoolka ahaa, ee ay ku magacaabi jireen Ibn Baaz, fataawihiisa mujalladka 4aad ayuu ku caddeeyay in ay bannaantahay "Mutcadu" taas oo ah in naag la mehersado caawa ayada oo uu ninku doonayo in uu berrito iska furo, oo uu doonayo in uu caawa la tunto oo kaliya, wuxuu yiri: kaliya shardi waxaa ah in uusan gabadha u sheegin oo ka qarsho!! Subxaana laahi, taasi dhillaysi iyo mutco kaliya maaha ee xataa khiyaano ayaa la jirta.
Taas ayaana ugu wacan in wahhaabiyada iyo Ittixaadka joogay Xeryaha qaxootiga ee Kenya ay toddobaad kasta guursadaan afar naagood, toddobaadka dambena furaan, kolkaa bishii dhexdeeda waxay guursanayaan 16 naagood, sanadkiina waxay guursanayaan 192 naagood!! taasina guur lama yiraahdo ee waa dhillaysi cad, marka dadka sidaas yeelaya ayaa masaafo wax ka sheegaya!!
Wahhaabiyadu waxay bannaysay Qaniisnimada
Wahhaabiyada sacuudigu waxay fatwoodeen in aanan xad ku waajibin ninkii qaniisnimo la yimaada, taas daaye waxayba dheheen way bannantahay oo xalaal!!
Bal u fiirso dadka u dhashay dalkaas Sacuudiga iyo kuwa wax ku soo bartay ama ku soo barbaaray akhlaaqdooda, waana akhlaaqda ay wahhaabiyadu ku tarbiyadaysay ee ay dadka barayaan, dadkaas marka ay dalkooda joogaan kufsadka iyo akhlaaqxumadu waa u caado, qofkii aad doonto waydii, qof kasta oo sacuudiga hal sano ku soo noolaaday ama wax ka badan wuu ogyahay arrinkaas. Haddii ay dalkooda dibadda uga soo baxaan u fiirso sida ay u dhaqmayaan, khamriga cabiddiisa iyo dhillaysiga iyo akhlaaqxumadu dhammaan waa u caado, wadaaddada wahhaabiyada ayaana falaya waxaas caamadoodana waxay u fatwoonayaan in ay bannaantahay!
Qiso aan goobjoog u ahaa
Akhristow adiga oo raalli iga ah ayaan qisadan kuu sheegayaa aan goobjoogga u ahaa, 1995kii ayaa wadaad ka mid ah Ittixaadka Soomaalida ee Sacuudiga ku soo barbaaray inoogu yimid Malaysia, kolkaas ayaa la ii xilsaaray in aan wadaadkii hoteel geeyo oo soo dhaweeyo, intaan tagsi ku qaaday ayaan ku dejiyay meel u dhawayd hoteelkii aan u weday, waxayna ahayd fiid abbaaraha sagaalkii fiidnimo.
Sida caadada u ah Ittixaadka wadaadku wuxuu xirnaa Qamiis Sacuudi cad, markii aan tagsiga ka degannay ayaan boorsadii u qaaday wadaadkii oo hor kacay, wax yar kadib ayaan dib eegay, waxaan arkay wadaadkii oo iga lugdambeedshay oo la taagan kuwa qaniisyada ah ee jidka dhinaciisa istaaga fiidkii hoteellada agtooda, markaas baan yaabay oo ku qaylshay, oo ku iri war soo carar oo iska jir dadkan! Markaas buu iga soo daba orday. Markii aan hoteelkii geeyay ayaan soo laabtay oo ku iri kii uu la taagnaa, war maxaad ninka ila socda ugu dhegtay, markaas buu yiri: anigu kuma dhegin ee asiga ayaa igu dhegay oo igu yiri, ii imow hoteelkan baan degayaaye!! Kolkaas baan yaab iyo amankaag la dhacay oo halhaleel u cararay, oo xaafaddaydii qabtay. Qisadaas iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan qaarna anigu arkay qaarna dad badan oo aan ku kalsoonahay iisoo sheegeen, waxaan mid taas la mid ah ka akhriyay cilmi baaris ay soo sameeyeen dhallinyaro soomaali ah oo xataa aanan is aqoonin.
Wahhaabiyadu ama al-Ittixaadku waxay ogolyihiin in kooxdooda qaniisyadu xubin ka noqdaan!
Kooxaha Islaamka u nisba sheegta kuma jiraan wax u ogolaaday dadka falalka xunxun ku kaca sida qaniisnimada in ay xubno ka noqdaan kooxahooda, firqadii ugu horraysay ee u ogolaatay in qaniisyadu xubin ka noqdaan kooxdooda waa wahhaabiyada ama al-Ittixaadka sida soomaalidu u taqaan!
Arrinkaas wuxuu noqday wax la yaab leh, oo muslimiinta oo dhan la yaabeen, maxaa yeelay waxaas oo kale wali Islaamka laguma arag, dad dacwada Islaamka ku maraguntisanaya oo falalka jaadkaas ah ku kacaya!!
Wahhaabiyadu waxay bannaysay in laba gabdhood oo isla dhashay la isla guursado
Taasna waxay ka dhacday qaar badan oo ka mid ah dowladaha Afrika oo ay u fatwoodeen afrikaanka qaar ka mid ah in ay guursankaraan laba gabdhood oo isla dhalatay, si ay ugu soo jiitaan mad-habtooda, maxaa yeelay waxaa jira bulshooyin afrika deggan oo caadaas xun aqoon jirtay dhaqan ahaan, oo hadda soo galay Islaamka walina haysta caadadaas, sida Nayjeeriya iyo Ugandha iyo Brundi iyo South Africa meelo ka mid ah.
Muslimiinta Soomaalidu haka digtoonaadeen caadooyinka xunxun ee Carabta
Wahhaabiyadu waxay diin ka dhigatay caadooyinkii xumaa ee carabta, Soomaalida qaar badan oo ka mid ahna waxay u malaynayaan waxaas in ay diin sax ah yihiin, waxaa ka mid ah caadooyinkaas, qaniisnimada, dhillaysiga jaadad badan oo ka mid ah oo magaalada Maka laga yaqiin Islaamka ka hor, marka wahhaabiyadii waxay soo noolaysay waxyaabihii dhaqanka u ahaa kufaartii Quraysh, ayaga oo ku andacoonaya in kufaarta Quraysh ay ka fiicnaayeen Muslimiinta maanta jooga sida uu sheegay Maxamad Bin Cabdulwahhaab.
Sidaa darteed, waxaan kula dardaarmayaa soomalida siiba dhallinyarada in ay ka digtoonaadaan akhlaaq xumada wahhaabiyadu waddo, waxay doonayaan in ay akhlaaqda ka dilaan dhallinyarada, si ay ugu shaqaystaan.
Diinta wahhaabiyada qofkii gala kama bixi karyo
Sababtuna waa middaas aan kuu sheegay, akhlaaqda ayay qofku marka uu soo galo ka dilayaan oo qaniisnimo iyo dhillaysi sharci been ah cuskan ayay barayaan, kadibna haddii uu doono in uu ka baxo kooxdooda waxay leeyihiin ceebahaaga oo dhan baan dadka u sheegaynaa, markaas bay dicaayad ka fidinayaan, gabdhihii uu ka dhillaystay iyo dadkii uu qaniisay oo dhan bay soo shirinayaan kolkaas bay leeyihiin ku markhaatifura oo dicaayadeeya.
Taas waxaa ka daran wadaaddada kuwa isku sheega ee u madaxda ahna waxay leeyihiin "wuu kufriyay" oo gaalnimo ayay ku xukumayaan, marka kooxdaas qofkii gala waa sidi nin Maasooniyada galay oo kale, kama bixi karyo haddii kale wuu dhimanayaa ama ayaga ayaa dilaya ama asiga ayaa is dilaya murugo awgeed.
Si aad wahhaabiyada uga baxdo, Kaalme iyo Talo haddii aad u baahantahay inala soo xiriir
Marka dhallinyaro badan ayaa nala soo xiriirtay oo aan caawinay una sheegnay tabaha looga baxo xarakaadka noocaas ah ee baadiniyada ah, ee khatarta ah, hadaba qofkii dhallinyarada u baahan kaalme iyo la talin si uu uga baxo kooxdaas hana la soo xiriiro heegan baanna u nahay in aan caawiniono intii tabarteen ah.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 19, 2006 at 20:03:11 (CST)
- Su'aal: Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
a/c sxb waad salaamantihiin waxaan idin wey diinaayaa mabanaantahay masaafada maxaana daliil u noqonaaya? waad mahadsantihiin.
c/casiis nuur gureey <c/casiis nuur gureey>
- Thursday, January 19, 2006 at 19:07:16 (CST)
- Jawaab: Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?Assalaamu Calaykum: Walaal wiilka walaashaa dhashay waad nuujin kartaa haddii aad aabbihiis ogolaasho ka haysato oo aad sidaa ku heshiisiin, siiba haddii aanay hooyadiis caano lahayn ama xanuunsantahay. Laakiin haddii hooyadiis nooshahay oo caano leedahay oo ay caafimaad qabto ayada ayaa u xaq leh in ay nuujiso canugeeda. Mahadsanid.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 17:08:54 (CST)
- Su'aal: Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?Asalaamu calaym waraxmatulaah, sheakh wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?mahadsanid.
dulmar <fardoowsosa..>
- Wednesday, January 18, 2006 at 17:05:39 (CST)
- Jawaab: Salaadaha qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?Assalaamu calaykum: Walaal, cibaadadu waa towqiifi, macnaha Ilaahay ayaa sidaas ku soo dejiyay, lamana yiraahdo maxaa u sabab ah, tusaale ahaan, maxaa salaadda subaxa laba ragco loo tukadaa, salaadda duhurkana afar rakco loo tukadaa? jawaabtu waa in Ilaahay sidaas u soo dejiyay, wax kale oo laga sheegi karo ma jiraan, marka cibaadooyinka oo dhan waa sidaas, waa "towqiifi" macnaha sidaas ayay ku soo degeen in wax laga bedelana ma bannaana. Si kastaba ha ahaatee, culumada qaar ayaa yiri xigmad ayaa ku jirta kolkaas bay waxyaabo xigmad ah sheegaan, laakiin sababta aasaasiga ah waa midda aan kuu sheegay oo an in ay towqiifi yihiin.Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:32:42 (CST)
- Su'aal: Salaadaha qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?salaadaha shanta ah sida salaadda maqrib, cisha ha & salaadda subaxda maxaa loo jahraa ama kor loogu qaadaa faataxada kuwa kalena hoos loogu akhriyaa?
xasan shariif <xasanshariif>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:29:03 (CST)
- Jawaab: waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..Assalaamu calaykum: Walaal farta la bootinayo waa bidco ay wahhaabiyadu diinka ku soo kordhisay ee ma aha wax nabigu amray, waxaana u waxyooday shaydaan iyo ibliis in ay farahooda ku ciyaaraan intii ay khushuuci lahaayeen oo Ilaahay cabsidiisa qalbiga gelin lahaayeen.Fartuna waa xubin jismiga ka mid ah, qofkii xoog u nuuxnuuxsha ee in badan ku wada salaaddiisu in ay burto ayaa dhici karta sida culumadu sheegeen, maxaa yeelay nuuxnuuxsiga badan salaadda ayuu burrinayaa sida culumadu qabaan.Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:27:08 (CST)
- Su'aal: waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..Shiikh waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola in aad sameyso maxay tahay farta la boobootinayo inta ataxiyaadka lagu gudajiro!!
maxamed maxamuud <maxamuud>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:24:17 (CST)
- Jawaab: Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?Walaal, lacagta diibaajiga ah waxaa looga qaadaa qofka aqalka kiraysanaya "damaan" ahaan, oo haddii aqalka wax ka hallaabaan ama uu ijaarka bixin waayo ayaa lacagtaas laga qaadanayaa qofka, marka haddii ay sidaa tahay waxba kuma jabna oo waa damaan. Haddii labada qof ku heshiiyaan oo ay lacagta kala ceshadaan ayada waxba kuma jabna. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:22:33 (CST)
- Su'aal: Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?Marka hore salaan, ka bacdi sheekh waxaan ku waydiinlahaa, ma banantahay lacagta debajiga ee dadku wax ku kala kiraysto? waayo waxaa dhacda in qof laga qado 1000 dolar isla markana uu guriga sanado badan ku jiro kii ka qadayna uu lacagtii isticmalo amma ay meel taloo oo ay ku babado. balse hadii labada qof hashiis ku yihiin in ay kala qataan debajiga ma xaranbaa?
dajiya cali <dejiya3>
- Wednesday, January 18, 2006 at 05:20:15 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|