|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
    Assalaamu calaykum: walaal cabdicasiis, sidi aan horeyba u sheegay qofkii ugu horreeyay ee towxiidka qaybshay wuxuu ahaa Ibn Taymiyyah oo ahaa nin ay saameeysay caqiidadii Nasaarada iyo tii Xaruuriyiinta oo labadaba la ogyahay in ay kufri ahaayeen.

    Ninkan qof uga horraysay ma jirto qaybinta saddexlayda ah ee caqiidada la qaybinayo ee ay dadka waajib uga dhigeen in saddex Ilaah la rumeeyo.

    Taas haddii aan ka gudbo, su'aashaada ah muxuu uga dan lahaa qaybinta towxiidka, waxaa uu sheegay Imaam Dahabi oo ka mid ahaa culumadii noolayd casrigii Ibn Taymiyyah, in uu Ibn Taymiyah ahaa dadka ku waashay xukun jacaylka oo uu doonay in uu qabsado maamulka diinta ee dalka Suuriya oo ahaa meeshii uu ku noolaa ninkaasu.

    Sidaa darteed si uu isu soo shaacbixiyo ayuu khilaafay culumadii afarta mad-habadood ee waagaas joogtay kolkaas buu qaatay caqiidada kirishtaanka, xataa wuxuu u hiillin jiray nasaarada Suuriya oo kolka la xukumo qof nasaaro ah wuu difaaci jiryay, waxyaabahaas ayaana ka mid ahaa waxyaabihii ay isku khilaafeen culumada.

    Marka hadafka ugu wayn sida uu ad-dahabi sheegay waa xukun jacayl oo wuxuu rabay in loo dhiibo xukunka dalka suuriya.

    Marka taas ayaa kuu fasiraysa dhaqan xumada wahhaabiyada maanta joogta sida kuwan isqarxinaya si ay xukun u qabsadaan.

    Walaal mas'aladan faahfaahinteeda ka akhri maqaaladaha kale ee aan webkan soo gelshay, maxaa yeelay in aan ku soo celsho hadalka looma baahna.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    cabdicasiis nuur gurey <cabdicasiisgureey9>
    - Thursday, January 12, 2006 at 18:13:58 (CST)
  2. Su'aal: Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
    Shiikh horta aniga maihi wahaabiyo, waxaan ahay ruux ahlu sunno ah, mad-habkeyguna waa shaafici, xagga caqiidada waxaan ahay ashcari, xagga kale ee tasawufkane waxaan ahay qaadiriyo.

    Marka waxaan kuweydiinayaa intoowxiidka laqeebiyo miyey saxtahay? middakale: toowxiidka wax qeebiyo yaa ugu horeeyay? danta uu ka lahana waamaxay toowxiid qeebinta?
    cabdicasiis nuur gurey <cabdicasiisgureey9>
    - Thursday, January 12, 2006 at 18:06:03 (CST)
  3. Jawaab: Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
    Assalaamu calaykum: Walaal waa runtaa oo Abiyada iyo rasuullada Ilaahay waxaa loo soo diray in Towxiidka hal ka dhigaan, ee looma soo dirin in ay saddex u qaybshaan.

    Xukunka qofkii towxiidka qaybsha
    Marka xukunka qofkii towxiidka qaybsha ee rumaysan in saddex Ilaah jiraan ee ku magacaaba (Uluuhiyo iyo Rubuubiyo iyo Sifaat) wuxuu la mid yahay sidi nasaarada u qaybisay Ilaahay saddex ee tiri: (Rab, iyo Ilaah, iyo wiil) Rabbi waxay ka wadaan Rubuubiyada, Ilaahna waxay ka wadaan Uluuhiyada, Ibn ama wiilna waxay ka wadaan sifada Ilaahay, macnaha waxay aaminsanyihiin in Ilaahay yeeshay sifo u eg tan aadanaha oo uu u soo degay adduunka si uu dadka uga saaro dhibaatada, waana taas midda wahaabiyadu aaminsantahay ee uu Ibn Taymiyah ku andacooday asiga oo yiri Ilaahay adduunka ayuu u soo degayaa kolkaas buu dadka badbaadinayaa, marka maxaa u dhexeeyaa kuwaas iyo nasaarada, waxayna sheeganayaan in ay caqiidadii toosnayd haystaan!! subxaana laahi, caqliga ayay ka dhoohanyihiin, maiyaanay akhrin diimaha kale, maxay u fiirin waayeen caqiidada nasaarada, haddii ay akhrin lahaayeen diinta nasaarada, waxay ogaan lahaayeen in wahaabiyada caqiidadeeda halkaas laga soo qaatay.

    Xukunka Qofkii baraya oo fidinaya caqiidada wahaabiyada ama nasaarada
    Hadaba qofkii difaacaya ee rumaysan ee iskuullada ka dhigaya caqiidada noocaas ah ee aaminsan saddexda Ilaah ee uu keenay Ibn Taymiyah waa kaafir, xoolihii uu gowraco waa xaaraan, salaad iyo soon iyo cibaado midna ka ansixi mayso maxaa yeelay waa murtad, waxaana ku waajib ah in uu diinta Islaamka ku noqdo asiga oo qiranaya ashahaatinka oo dhahaya (ashaddu an laa'ilaaha illa laahu, wa ashaddu anna muxamaddun rasuulullaahi.

    Qofkii ugu horreeyay ee keenay qaybinta Caqiidada
    Qofkii ugu horreeyay ee keenay caqiidadan wuxuu ahaa Ibn Taymiyah, wuxuuna ka bartay Nasaarada Xarraan oo ah magaaladii uu ku soo koray oo uu ku dhashay, waana magaalo yar oo hadda ka tirsan dalka Suuriya oo ay degaan Nasaarada Carabtu, qof culumada Islaamka ka mid ah oo ibn Taymiyah hortiis sheegay waxaas ma jiro, qofkii isu malaynaya in uu wax yaqaan ha iisoo sheego hal caalim oo caqiidada sidaas u qaybshay oo ka mid ah culumadii Islaamka ee ka horraysay Ibn Taymiyah, ama ii soo sheega hal kitaab oo ay waxaasi ku qoran yihiin.

    Maxaa Ingiriisku ku jeclaaday caqiidada wahhaabiyada?
    Ingiriisku wuxuu jeclaaday caqiidadan sida uu qoray Filpy oo ahaa jaasuuskii Ingiriiska u fadhiyay Sacuudiga qarnigii 20aad bartamihiisii, waxay Ingiriisku arkeen in Caqiidadan saddexlayda ah iyo midda Nasaaradu ay iswaafaqsanyihiin, markaas bay wahaabiyda ku dhiirri gelsheen oo ku taageereen in laga takhaluso dowladdii khilaafada ee haysatay caqiidadii ahlusunnada iyo jamaacada.

    Caqiidada wahhaabiyadu waa shirki qayaxan
    Nabigu nnk wuxuu inoo sheegay in shirkigu ka soo dhuuman ogyahay dhuuracasada madow ee habeenka gudcurka ah socota, ayada oo Nabigeennu sidaa inoo sheegay ayaa waxaa la yaab leh in wahhaabiyadu inoogu yeerto maanta caqiido shirki qayaxan ah oo qof kasta oo caqli leh fahmi karo in aysan kitaabka iyo sunnada sal iyo baar ku lahayn, marka bal waxaad waydiisaan wahhaabiyda maxaa u daliil ah caqiidadan saddexlayda ah ee aad aaminsantihiin, maxaase u dhaxeeya ayada iyo midda nasaarada?

    Bal su'aashaas ha inooga soo jawaabeen, ayaga oo ina tusaya daliilka quraanka ah iyo midka sunnada ah ee caddaynaya in caqiidada nasaaradu Islaamka sal ku leedahay. Haddii ay kolka taas caddeeyaan, waxaaba khalad ah in aan nasaarada kufri ku xukunno, maxaa yeelay ayaga iyo wahhaabiyada waxaaba caqiido toosan Nasaarada, oo ku leh aanagu waxan waxaan ka wadnaa xaalado ee kama wadno Ilaahyo saddex ah. Laakiin wahhaabiyadu waxayba leeyihiin Waa saddex Ilaah oo mid walba geeskiisa in loo rumeeyo ay wajib tahay!! Subxaana laah.

    Bal waydii, waxaad ku dhahdaa, caqiidadiisu ma toosaysaa ninkii rumaysan towxiidka Uluuhiyada oo kaliya ee Rubuubiyo iyo sifaat aan rumaysnayn? waxay ku leeyihiin maya ma toosna. Waydii ma muslim baa qofkii Rubuubiyo oo kaliya aaminsan? waxay ku leeyihiin maya. Waydii ma muslim baa ninkii sifooyinka Ilaah oo kaliya rumeeya? waxay leeyihiin maya!!

    Marka halkaas ayaad ka garanaysaa in dadkani saddex Ilaah caabudaan, inkasta oo ay quraan akhriyaan oo salaad tukadaan oo xaddiis akhriyaan oo masaajidka ka buuxsamaan taasi waxba tari mayso.

    Khawaarijta uu nabigu sheegay in ay gaalo yihiin asaxaabta way ka cibaado badnaayeen!!
    Bal akhri taariikhdii Xaruuriyiinta ee khawaarijta noqday ee Nabigu sheegay in ay quraanka akhrinayaan laakiin uusan dhaafayn dhuuntooda oo uusan qalbigooda gaarayn.

    Khawaarijtaas asaxaabta ayaa la yaabi jiray cibaadadooda iyo sida ay quraanka u akhrinayaan, asaxaabta ayaa la yaabtay oo xataa liidi jiray naftooda kolka ay u eegaan cibaadadooda cibaadada khawaarijta, laakiin taasi uma diidin in la dagaalaan oo laayaan, maxaa yeelay gaalo ayay ahaayeen khawaarijtu, salaad iyo quraan akhrid loogama harin, maxaa yeelay caqiidadooda ayaa fasahaadsan asaxaabtuna taas ayay ogaayeen.

    Caqiidada in la saxdo waa waajib
    Hadaba waxaa waajib ah in caqiidada la saxdo oo saafi laga dhigto, oo shirkiga wahhaabiyada iyo tashiihood iyo tajsiimkooda laga digtoonaado.

    Qofkii shirkiga nasaarada aamina dhammaanteen waan isku raacsannahay in uu mushrik yahay oo naarta gelayo, qofkii aaminsan caqiidadaas saddex layda ah waa sidaas oo kale.

    Nasaaradu waxay bireeyaan xalaal miyaa?
    Qaar ayaa waxay i waydiiyeen, maxaad u leedahay waa xaaraan xoolaha Wahhaabiyadu biraysay, adiga oo isla markaa leh caqiidadoodu waa sida miida nasaarada?

    Jawaabtaydu waa in ay culumadu dheheen xoolaha ay bireeyaan nasaarada carabtu xalaal ma aha, maxaa yeelay nasaarada carabtu ma aha sidi nasaarada kale, ee waa mushrikiin dhagaxya caabud ah, sida ku cad kitaabka at-tanbiih ee fiqhiga shaaficiyada nasaarada carabtu xoolaha ay gowracaan xalaal ma aha, sodoo kale wahhaabiyadu xoolaha ay gowracaan xalaal ma aha.
    Khayr ayaan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Moamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 12, 2006 at 18:00:23 (CST)
  4. Su'aal: ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
    Shiikh waxaan ku weey diinayaa, mabanaan tahay toowxiidka in la qeeybiy?(TOOXIID KII ANBIYADA LOO SOO DIRI JIRAY IN EEY HAL KA DHIGAAN!!). Maxaan ku xukumi karnaa qofkii qeebsho toowxiid ka oo siifidinaayo oo ka dhigaayo schoolada oo ku doodahayo. jawaab bayaansan ayaan karabaa su'aashaas, wabi allaahi toofiiq wasalaamu caleeykum warahmatu allahi wabarakaatu.
    abdikarim aki warsame <abdikarime>
    - Thursday, January 12, 2006 at 17:23:24 (CST)
  5. Jawaab: lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
    Assalaamu Calaykum; Walaal, lacagta dulsaarka ah, haddii ay kaaga timaado bangi dad gaalo ah leeyihiin, waad qaadan kartaa, sidaasna waxaa qaba culumada xanafiyada qaarkood. Haddii ribadu kaaga timaado bangiyo ama meelo ay leeyihiin dad muslim ah, qaado laakiin ha cunin ee wax muslimiinta anfacaya ku samee.

    Tusaale ahaan waxaad ku saddaqaysan kartaa meelaha la dhisaayo ee maslaxada muslimiinta loo dhisaayo sida masaajidda iyo iskuullada iwm.

    Way jiraan culumo leh, yaan loo dhawaan xoolaha dulsaarka ah oo dhan, laakiin taasi jaahilnimo ayay salka ku haysaa, ee fiqhi iyo xigmad kuma fadhiso. Qof kasta wuu dhihi karaa "Ribadu waa xaaraan" taas laba cali iskuma haysato, laakiin taasi jawaab cilmi ah ma aha ee waxay jawaab u tahay nin jawaab waayay.

    Waxaa la waydiiyay su'aashan mid la mid ah "majmaca fiqhiga Sacuudiga" kolkaas bay ku jawaabeen sidan: "Dulsaar kasta waa xaaraan"!! bal u fiirso caajiska ka haysta maskaxda dadkaas, meeshii loo baahnaa in mas'alaha hoos loo fiirsho oo culumo baarta loo saaro laba eray bay uga jawaabeen, waadna ogtahay in mas'aladan awgeen malaayiin muslimiin ah u xoola beeleen oo u gurya beeleen, oo ilaa iyo maanta ay guryo ay ku noolaadaan gadan la'yihiin, ayaga oo ka baqaya ribadaas.

    Marka annagu raaci mayno ra'yiga culumada caajiska ah ee Sacuudiga ee waxaan raacaynaa culumada maskaxdooda ka shaqaysiinaya.

    Masaa'ilka aan kor kuugu soo sheegay, haddii aad si fiican uga fikirto waxaa kuu caddaanaya in aanay ahayn ribadii la yaqiin waagii Nabi Muxammad nnk, isla markaa waxaa kuu caddaanaya in maanta muslimiinta siiba kuwa qurbaha ku nool ay haysato dhibaato badan oo dhica bangiyada kaga timid, marka waxaa loo baahanyahay xal, "Ribadu waa xaaraanna" xal noqon mayso, maxaa yeelay qof kasta oo muslim ah wuu ogyahay in ribadu xaaraan tahay.

    Marka xalka kaliya ee la samayn karo waa sida aan kuu sheegay, waana sida ay culumada al-Azhar qaar badan oo ka mid ah dheen, haddii dulsaarkaas xoolahaaga soo galo, oo aad lacag badan bangi dhigatay ee lacag laguu saar, lacagtaas dulsaarka ah maxaad ku samaynaysaa?

    Bal adigu iiga soo jawaab su'aashaas, maxaad ku samaynaysaa lacagtaas, ma bangiga ayaad u dhaafaysaa? mise intaad soo qaaddo ayaad suuqa ku firdhinaysaa? mise maxaad samaynaysaa?

    Haddii aad tiraahdo lacagtayda bangiga dhigan maayo, waxaa kugu dhacaya sidi wixii ku dhacay sarriflihii kooxda Ittixaadka ee Canada ee lacagtii intay xafiiskooda dhigteen laga boobay!!

    Marka maxaad noola yaabaysaa haddii aan ku fatwoonay ra'yiga culumada qaarkood, inkasta oo uu daciif yahay, wuxuu dhaamaa jawaab la'aan.

    Sida la wada ogyahayna oo culumada Usuushu caddeeyeen, marka daruurooyinku dhacaan waxaa bannaanaya waxyaabo maxduuraad ahaa oo xaaraan ahaa. Haddii aadan jawaab u helin mas'alada fiqhiga ah ee taagan hadda, waxaad ogaataa in dhallinyarada muslimka ah ee ku kora waddamada galbeedku ay diinka ka tegi doonaan oo ay Islaamka ka bixi doonaan, marka in maskaxda laga shaqaysiiyo ayaa loo baahanyahay.

    Muslimiinta ku nool galbeedka
    Hadaba muslimiinta ku nool galbeedka waxaa la gudboon in ay xal raadsadaan oo aanay u fikirin sida ay u fikirayaan badawda wahhaabiyada sacuudiga ku nool ee aanan adduunka waxa ka dhacaya waxba kala socon.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 12, 2006 at 17:19:40 (CST)
  6. Su'aal: Jawaabtii aad kabixisay lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
    Jawaabtii aad kabixisay lacagta dulsaarka ihi maxay tahay. Sheekh waxaan kafahmay jawabtaadii in haddii bangi gaalo lacag dulsaar ah kusiiyo in laga qaadan karo? iyo in ribo lasadaqaysan karo. Hadaba culamada waxaan ka maqli jirnay iskadaa inaad ribo qaadatide in marqaati xitaa adan ka noqon karin. Sheekh adiga oo raali ah noo faahfaahi arintu mafududee?
    mahad <mahad77>
    - Thursday, January 12, 2006 at 16:59:39 (CST)
  7. Su'aal: Sidee caqiidada wahhaabiyada looga cirib tiri karaa Soomaaliya?
    Assalaamu Calaykum: walaal waad ku mahadsantahay su'aasha qiimaha badan ee aad i waydiisay. Sida la wada ogyahay wahhaabiyadu waxay soomaaliya timid wixii 1980kii ka dambeeyay, macquulna ma aha in ay koox noocaas ah sheegato in ay ayaga oo kaliya fahmayaan Islaamka oo ay kufri ku xukumaan muslimiintii soomaalida ahayd ee dhulkaas ku noolayd tan iyo waagii Islaamku soo baxay.

    Sidee looga hortagaa caqiidada wahhaabiyada?
    1. Si looga hortago caqiidadan fasahaadsan, waa in waddanka lagu soo celsho nabad iyo maamul toosan oo dowladeed, maxaa yeelay kooxaha fallaagada ah waxay ku ugaarsadaan biyaha dhiiqada ah dhexdooda. Waxaan uga jeedaa, kooxaha jaadkan ah sida wahhaabiyada waa kooxo ku nool dhulka aanan maamulku ka jirin, ama maamulka xun ka jiro sida sacuudiga, marka haddii la helo maamul toosan oo caddaalad ku salaysan wahhaabiyadu way iska baabi'i lahayd.

    2. Qodobka labaad waa aqoondarrada dadka ka haysata xagga diinta, ayaga oo u malaynaya in qof kasta oo qamiis gaaban gashada oo gadh joqof ah la baxa ee cimaamad ama koofiyad cad madaxa saarta uu sheekh caalim ah yahay. Xaqiiqaduna waxay tahay in cilmigu barasho u baahanyahay, sheekh laguma noqdo sheegasho iyo surwaalka ama qamiiska oo la gaabsado ama gadh joqof ah oo lala baxo ama cimaamad madaxa lagu duubto, cilmiga waa la bartaa, wuxuu leeyahay dariiq loo soo maro iyo meelo laga barto iyo aadaab iyo usluub iyo manaahij la raaco, marka dadwaynaha soomaaliyeed meelkasta ee ay joogaan waa in horta fahmaan oo loo sheego in aanuu Islaamku baawsi ahayn oo aanan bannaanayn in qof kasta laga dhegaysto diinka. Diinka waxaa laga qaataa qof wax bartay oo cilmiga yaqaan oo u soo maray meelaha cilmiga loo soo maro sida macaahidda iyo jaamicadaha isla markaana ahlul cilmi ah oo ku dadaalaya cilmiga barashadiisa, isla markaana Alle ka cabsanaya oo cilmiga diinka ah xaq ka sheegaya.

    3. Dhallinyarada oo cilmiga ku dadaasha siiba cilmiga diinka, oo barta caqiiqada ahlusunnada iyo jamaacada, laguna dhiirigelsho in ay la tashadaan dadka ahlusunnada ah ee lagu kalsoon yahay caqiidadooda, sida aad adiguba hadda yeeshay.

    4. Dhallinyarada oo ka qaybqaadata ka hortagga caqiidada wahhaabiyada, maxaa yeelay caqiidadaas khalad diinta oo kaliya kama gelin ee waa caqiido mutakhallif ah oo dib u socod ah oo doonaysa in ay muslimiinta dib u celiso 1500 sano, taasina dhallinyarada dhibaato badan bay u keenaysaa maxaa yeelay dhallinyaradu waxay doonayaan in ay caalamka maanta jira la qabsadaan oo ka faa'iideeyaan noloshooda ee dooni maayaan in ay dib u laabtaan 1500 oo sano kuna noolaadaan takhalluf iyo jahli.

    5. In la akhristo kutubta ahlusunnada ah ee ay qoreen culumada lagu kalsoon yahay sida: Culumada afarta mad-habadood, iyo dhammaan culumada islaamka ee raacsan mad-habta ahlusunnada sida Ibn Xajar al-Casqalaani iyo Nawawi iyo Imaam Ghazali iyo Zaylici iwm, lagana fogaado kutubta ay qoreen kuwa shaadka ah ee fallaagada ah ee ay wahhaabiyadu ku sheegto sheekhul Islaam iwm. ee kutubtooda bidcada iyo masaa'ilka tala khilaafka ah ka buuxshay.

    6. In loogu yeero wahhaabiyada munaaqasho xor ah oo madax bannaan oo cilmi ku dhisan. Sida la ogyahayba wahhaabiyada dadka raacsan ma awoodaan in ay culumada munaaqasho uga horyimaadaan ee meelaha ayay ku dhuuntaan oo haweenka iyo dhallinyarada aan khibradda badan lahayn ayay meelaha ka ugaarsadaan ayaga oo caqiidadooda beenta ah ka dhaadhicinaya, laakiin haddii munaaqasho loogu yeero mid kaliya oo si cilmi ah uga doodaya masaa'ilka bidcada ah ee ay aaminsanyihiin arki maysid.

    Anigu webkan tan 1998kii ayaan wax ku qorayay, ma arkin qof kooxadaas lunsan dadka raacsan ka mid ah oo si toosan su'aal ii waydiiya, ama cay iyo aflagaado ayay kuu soo dirayaan ama way dhuumanayaan oo aqallada iyo musaska gadaashooda ayay ka caytamayaan, meeshii la rabay in ay si maskaxfuran oo cilmiyaysan uga doodaan masaa'ilka lagu haysto ee diiniga ah. Marka taasi waxay ku tusaysaa in ay ogyihiin in ay khaldanyihiin, laakiin way ku madax-adaygayaan khaladkooda, maxaa yeelay lacag ayaa lagu siiyaa fidintta bidcada wahhaabiyada.

    Marka walaal, qodobadaas aan soo sheegay iyo qaar kale oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa kaalin wayn ka qaadan lahaa cidhibtirka bidcada wahhaabiyada siiba soomaaliya iyo guud ahaan caalamka meelkasta oo ay joogaanba.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <Hersi@2garre.com>
    - Wednesday, January 11, 2006 at 17:34:09 (CST)
  8. Su'aal: Sidee caqiidada wahhaabiyada looga cirib tiri karaa Soomaaliya?
    Waxaan waydiinayaa culumada sharafta mudan, sidee Somaliya looga cirib tiri karaa caqiidada Wahaabiyada,
    C/xakiin Cali Jaamac <anti.wahaabi>
    - Wednesday, January 11, 2006 at 16:48:14 (CST)
  9. Jawaab: Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
    Assalaamu Calaykum. Walaal waad ku mahadsantahay tahniyadda ciidda, adiga iyo dhammaan muslimiintana waxaan u rejaynaynaa mid taas la mid ah.

    Haddii aan su'aashaada u soo laabto, Imaam Shaafici ma ahayn nin cilmiga caqiidada wax ka qoray oo cilmibaaris ku sameeyay, markii la waydiiyo su'aal ku saabsan caqiidada wuxuu dhihi jiray: ha i waydiin su'aal haddi aan khaldamo aad i leedahay waa kufrisay, ee i waydii su'aal haddii aan khaldamo aad i leedahay waad khaldantay.

    Wuxuu uga jeedaa ha i waydiin su'aal caqiido ah, maxaa yeelay haddii aan khaldamo waan kufrinayaa, ee i waydii su'aal fiq-hi ah, maxaa yeelay haddii aan khaldamo, waad khaldantay uun baad i dhaysaa.

    Taas macnaheedu ma aha in uusan aqoon Imaam Shaafici Caqiidada, taa daaye, wuxuu dhihi jiray: Cilmigaas waxaan baranay intaanan midkan baran. Macxnaha Cilmiga caqiidada waxaan baranay intaanan cilmiga fiq-higa baran.

    Kolka walaal culumada Islaamka ninba waxbuu ku caan baxay oo waqtigiisa gelshay oo ka mira keenay, tusaale ahaan Imaam Shaafici fiq-higa ayuu xoogga saaray, Imaam Maalik sidoo kale, Imaam Abuu xaniifa, labadaba xoogga ayuu saaray oo Caqiidada ayuu markii hore qoray, kadibna fiq-higa ayuu qoray.

    Imaam Axmad xaddiiska ayuu xoogga saaray, Imaam Ashcari Caqiidada ayuu xoogga saaray ee fiq-hi ma qorin, Sheekh Cabdulqaadir al-Jiilaani tasawufka iyo akhlaaqda ayuu xoogga saaray, marka culumadu sidaas ayay u dadaaleen.

    Muslimiintu marka waxay raaceen madaahibta culumada, kii caqiidada ku fiicnaa caqiidada ayay ka barteen, kii fiq-hi ku fiican fiq-higa ayay ka barteen, kii tasawuf iyo akhlaaq ku fiican tasawuf iyo akhlaaq bay ka barteen.

    Sidaas ayay muslimiintu yeeleen, ilaa maantana sidaas ayay ku socdaan, waana manhaj sax ah oo cilmi ah, xataa maanta la joogo waad aragtay, jaamicadaha waxaa laga yaqaan waxa loo yaqaan (Takhasus), oo ah in qofku meel gaar ah xoogga saarayo si uu uga dhaal gaaro oo u xaqeejiyo cilmiga meeshaas ku jira.

    Marka walaal, horta faham culumada hadafkooda, ujeedadu ma aha in aan isugu faanno hebel baa fiican iyo hebel baa sidaa yiri, ee hadafku waa raadinta xaqeeqada cilmiga ah, macnaha xaqa raadintiisa, haddii aad xaq raadis tahay, waa in aad nin walba meesha looga dambeeyo ka akhrisatid.

    Marka ninkii fiq-hi ka akhrista Imaam Ashcari wuu khaldanyahay, maxaa yeelay Imaamkaas baabkaas waa looga fiicanyahay, sidoo kale, ninkii Caqiido ka akhrista Imaam shaafici wuu khaldanyahay, maxaa yeelay Imaam shaafici ma qorin cilmi-baaris ku saabsan caqiidada, kutub caqiido ahna kama tegin.

    Marka soomaalidu sida muslimiinta kaleba yeeleen, waxay qaateen caqiidadii muslimiinta oo dhan haysteen, oo ah tii uu habeeyay Imaam al-Ashcari, iyo fiqhigii Imaam Shaafici iyo Abuu Xaniifa iyo Tasawufkii sheekh Cabdulqaadir, marka sidaas si ka fiican oo la yeeli lahaa ma jirto haddii xaq la raadinayo.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, January 10, 2006 at 05:02:08 (CST)
  10. Su'aal: Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
    Ciid wanaagsan sheekh adiga gaar ahaan iyo ummada islaamka guudahaan. Sheekh waxaan marwalba is weydiiyaa, maxaa somaalidu u qaadan weydey caqiidadii imaam shaafici oo ay u qateen ashcariya, mise imaam shaafici(rc) caqiido ma laheyn, haduu lahaana xagaan ka akhriyi kara. Mise labada sheekh -shaafici (rc) iyo ashcari - wey ku kala duwanaayeen caqiidada? Kheyr baan ku baryey if iyo aakhiro.
    C.M.Cabdalle <chango>
    - Tuesday, January 10, 2006 at 04:46:10 (CST)
  11. Ciid wanaagsan: Ciid wanaagsan ku ciida dhammaantiin..
    Sheekh Ciid wanaagsan, kulu caam wantum be kheyr, walaalaha musliminta ah meelkasto aad joogtaan waxaan idiin leeyahay ciid wanaagsan ku ciida, sanadkaan bash bash iyo barwaaqo, kan xiganeh qeyrkiisa Allah hana soo aadiyo, ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay marlabaad. wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa barakaato
    Amiir <shaxshaxlow>
    - Tuesday, January 10, 2006 at 04:43:46 (CST)
  12. Jawaab:Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal ma bannaana in lagu xirto salaad qofkii aaminsan caqiidada wahhaabiyada ama Ittixaadka sidi hadba loo yaqaan, sababtuna waa in ay mujasimo iyo mushabiho yihiin, qofkii Ilaahay khalqigiisa ku shabbaha ama waa jismi yiraahda ama rumaysan in uu xubno jismi ah leeyahay ayaa la yiraahdaa mushabiho iyo mushabiho, wahhaabiyada iyo al-Ittixaadkuna waa sidaas.

    Sidaa darteed, qofkii caabudaya wax uu caqligiisa ka mala awaalay oo uu ku shabbahay uunka ama uu u yeelay xubno jismi ah cibaadadiisu ansixi mayso, qofkii ku xirtana cibaadadiisu ansixi mayso.

    Sidaa darteed, ma bannaana in lagu xirto salaad qof wahhaabi ah ama al-ittixaad ah, salaaddaasina ansixi mayso, ajarna malaha. Imaamku waa in uu ahaado qof caqiidadiisu toosantahay oo haysta caqiidada ahlusunnada iyo jamaacada ee ah caqiidada ay habeeyeen Imaam abul xasan al-Ashcari iyo Imaam abuu Mansuur al-maaturiidi ee muslimiintu haysteen 1000kii sano ee la soo dhaafay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 09, 2006 at 09:03:44 (CST)
  13. Su'aal:Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
    asalamu caleykum, sheekh salaan kadib, waxaan kuy waydiiyay: salaaad ma lugu xirankaraa wahabiyada ama al-itixaad sidii hadba looyaqaan mase lagu dukankaraa masaajidooda, madaama anaan isku caqiido ahaan oo Illaay ka ka aaminsanyihiin waxkale, masaajidoodana hadii qof ku matago ay dheheen waa daahir?
    axmed saciid < saciid>
    - Monday, January 09, 2006 at 08:58:12 (CST)
  14. Jawaab: Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
    Assalaamu calaykum: Walaal waa runtaa oo xaddiiska "ayna allaah" wuxuu ku soo arooray kitaabka al-Ibaanah ee uu qoray Imaam abul Xasan al-Ashcari, waana runtaa oo anigu wax tacliiq ah kuma samayn xaddiiskaas ee waxaan sheegay oo kaliya in uu soo weriyay Imaam Muslim.

    Marka sababaha aan isaga dhaafay waxaa ka mid ah:
    1. Aayada oo xaddiisku uu yahay caan oo dadka badankoodu garanayaan, hadal badanna laga sheegay meelo badanna lagu sharxay.

    2. Ayada oo uu xaddiisku "muddarib" yahay oo erayo badan lagu soo weriyay oo kala geddisan, taas oo macnaheedu yahay in uusan daliil u noqon karin masaa'ilka caqiidada ee muhiimka ah.

    3. Ayada oo macnahiisu uusan wax wayn ka bedelayn ujeedada kitaabka, maxaa yeelay "ayna allaah" waxay noqon kartaa af-carabiga "ka warran Eebbe" ama "jiritaanka Eebbe ma rumaysantahay" iwm, marka macnayaal badan ayuu ixtimaalayaa, haddii uu lafdigu sidaa yahayna daliil qadci ah ma noqonayo.

    Marka sababo badan oo noocaas ah oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayaa jira oo aan xaddiiskas uga tegay, maxaa yeelay hadafkaygu ma ahayn "takhriijin" ee wuxuu ahaa in aan kitaabka matnigiisa saxo oo aan markaa masaa'ilka khilaafiga ah sidooda u dhaafo oo aanan dhexgelin waxyaabaha ay muslimiinta qaarkood isku haystaan, maxaa yeelay markii aan kitaabka diyaarinayay hadafku wuxuu ahaa in loo dhigo ardayda jaamicadda oo uu ahaado kitaab muqarar ama (text book) u noqda ardayda jaamicadda intii aan jaamicadda Islaamka joogay.

    Sikastaba ha ahaatee, ujeedada xaddiisku ma aha in Ilaahay carshiga ku fariistay ama korkiisa saaranyahay, erayga "eyna" na tusi maayo in Eebbe leeyahay meel gaar ah oo uu degganyahay ee wuxuu noqon karaa "ka warran" ama "maxay kula tahay" ama "sidee u aragtaa" iwm.

    Waxaa intaa la jirta in Xaddiisku "muddarib" yahay oo uu daciif yahay, maxaa yeelay daciifnimadiisu waxay ka imaanaysaa xagga matniga inkasta oo uu sanadkiisu saxiix yahay, taas ayaana waxay keenaysaa in aanan xaddiiskan oo kale uusan daliil qadci ah u noqonayn masaa'ilka caqiidada.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sheekh Dr. Hersi <hersi@2gare.com>
    - Sunday, January 08, 2006 at 18:30:22 (CST)
  15. Su'aal:Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
    Salam badan sheekh. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey, ilaaheyna kheyr ha kaa siiyo hawshaa aad muslinka u heysid, laakin waxaan arkey inaadan tacliiq ku sameyn xadiiska "eyna allah" oo imaam ashcari ku soo daliishadey kitaabkiisa alibaana...maxaa sheekh loo qaadan karaa arintaas?
    c.M.Cabdalle <chango>
    - Sunday, January 08, 2006 at 18:08:23 (CST)
  16. Jawaab: Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?
    Assalaamu calaykum: Walaal lacagta dulsaarka ah bangiga ku siiyay ma bangi gaalo leedahay baa, mise waa bangi muslim leeyahay? Haddii bangiga gaalo leedahay oo wixii dulsaar ah ee ay ku siiyeen ka qaado waa xalaal. Haddii muslimiin leeyihiin wixii dulsaar ah ee ay ku siiyaan waa ribo ee intaad ka qaadid sadaqayso.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 07, 2006 at 14:27:09 (CST)
  17. Su'aal: Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?
    Marka hore waan ku salaamay, marka xigo waxaan kuugu hambalyeeynayaa sida qiimaha leh ee aad dadka soomaaleyeed ugu hagar baxday, rabiga hakuu jiseeyo ee halkaaga ka sii wado.
    Su'aasha aan qabo waxaa weeye: bangi ayaan lacag dhigtay, marki aan ka qaadan lahaa ayeey wax dul saar ah ii raaciyeen, lacagtaasi maxeey noqonee bal iga qanci? dadka kalene haka faa'iideen. Waadna mahadsantahay, wabilaahi toowfiiq.
    xaaji cali <abwaan10@hotmail.com>
    - Saturday, January 07, 2006 at 14:23:22 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Bogga Fatwada
  1. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  2. Khamrigu ma daahir baa?
  3. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  4. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  5. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  6. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  7. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  8. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  9. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  10. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  11. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  12. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  13. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  14. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  15. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  16. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  17. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  18. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  19. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  20. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  21. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  22. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  23. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  24. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  25. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  26. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  27. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  28. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  29. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  30. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  31. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  32. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  33. Xijaabka haweenku waa noocee?
  34. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?
  35. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  36. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  37. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  38. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  39. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  40. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  41. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  42. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  43. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  44. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  45. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  46. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  47. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  48. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  49. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  50. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  51. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  52. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  53. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  54. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  55. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  56. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  57. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  58. Kabaha ma ku tukan karaa?
  59. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  60. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  61. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  62. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  63. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  64. Sheekhow iisoo ducee...
  65. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  66. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  67. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  68. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  69. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  70. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  71. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  72. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  73. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  74. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  75. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  76. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  77. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  78. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  79. ma haboon tahay nin aan..?
  80. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  81. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  82. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  83. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  84. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  85. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  86. Mahadnaq iyo bogaadin
  87. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  88. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  89. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  90. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  91. Qof dhintay mala baryi karaa?
  92. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  93. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  94. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  95. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  96. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  97. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  98. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  99. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  100. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  101. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  102. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  103. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  104. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  105. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  106. Is Khat Haram or Halal?!
  107. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  108. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  109. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  110. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  111. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  112. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  113. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  114. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  115. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  116. waxaa jira in leeyga digay..!
  117. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  118. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  119. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  120. xukunka taariku salaadka
  121. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  122. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  123. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  124. Salaan iyo Bogaadin..

  125. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  126. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  127. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  128. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  129. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  130. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  131. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  132. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  133. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  134. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  135. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  136. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  137. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  138. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  139. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  140. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  141. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  142. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  143. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  144. zakada dahabka laga bixiyo..
  145. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  146. members of one of the Somali clans..
  147. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  148. Waan kirishtaamay...
  149. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  150. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  151. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  152. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  153. qoladasi isku diin ma nihin..
  154. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  155. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  156. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  157. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  158. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  159. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  160. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  161. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  162. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  163. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  164. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  165. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  166. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  167. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  168. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  169. Midnimada Muslimiinta..
  170. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  171. Islam is not a violent Religion
  172. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  173. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  174. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  175. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  176. Maxay tahay (Nashuusho)?
  177. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  178. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  179. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  180. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  181. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  182. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  183. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  184. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  185. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  186. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  187. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  188. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  189. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  190. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  191. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  192. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  193. Ilaah baa ku qancin kara..!
  194. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]