|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
- Jawaab: Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
Assalaamu calaykum: Walaal Khadro, Cridet Card-ka waad adeegsan kartaa islaamkuna wuu banneeyay mucaamalao kasta oo aanan dulmi iyo dulsaar lahayn.
Marka haddii aadan dulsaar bixinayn oo aad wixii aad adeegsatay oo kaliya bixinayso, ama accountigaaga lacag kuugu jirto oo aad cridet card adeegsanayso dabadeedna lacagta accountigaaga ku jirta laga jarayo waxba kuma jabna.
Sharikadaha iyo Bankiyada Cridet card-ka leh waxay dadka ka qaadaan laba lacagood, mid waa dulsaar midna waa khidmo, midda khidmada ah in aad dhiibto waxba kuma jabna, laakiin dulsaar ha dhiibin, haddii ay dulsaar keen ku dhahaan, ku dheh anigu khidmo ayaan dhiibayaa ee dulsaar ma dhiibayo, haddii ay kaayeelaan, oo dulsaarkii kaa daayaan, ee khidmo ku saaraan ayaduna waa bannaantahay.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, January 16, 2006 at 17:51:16 (CST)
- Su'aal: Karka Cridet-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
Aslamaamu calaykum waraxmah, salaantaas islaamka ee qiimaha badan kadib. Sheekh Illhay ajar ha kaa siiyo wanaag yadaad samaynaysid. Sheekh waxaaan rabaa in aan ku waydiiyo Sheekh: ma isticmaali karaa "crided card" hadii aan lacagta aan ka isticmaalay aan ku bixiyo wakhtigii la iyiri ku baxi, oo aysan igu darsan lacag korsaara. sheekh maxay diintu ka qabtaaa arrinkaas?
Waxaan kuurajanayaa wanaag, Aslaamu calaykum waraxma.
khadro <khadro2>
- Monday, January 16, 2006 at 17:37:20 (CST)
- Jawaab: Khamrigu ma daahir baa?
Assalaamu Calaykum: Walaal ninka aad sheegatay ee sheegtay in dhiigga iyo khamriga iyo mataggu daahir yihiin, waa sidi yahuudda oo kale, oo Ilaahay kolkii uu ka xaaraantinimeeyay xoolaha dhintay intay subagoodii shiileen oo xayr ka dhigeen oo iibsheen lacagtii cunay.
Marka Islaamku waa diin xaq ah, waxaana loo baahanyahay in laga qaato oo laga barto dad ahlu xaq ah ee dad Ilaahay in ay siri karaan u malaynaya diin lagama barto.
Maxaa u daliil ah in dhiigga iyo khamriga iyo mataggu najaas yihiin
Marka hore, walaal waxaad ogaataa daliilku in uu dhowr jaad yahay, wuxuu noqon karaa aayad quraan ah, waxaa kale oo uu noqon karaa Xaddiis saxiix ah, waxaa kale oo uu noqon karaa qiyaas, waxaa kale oo uu noqon karaa Ijmaac.
Marka culumadu ayaga oo qaacidadaas raacaya ayay dheheen khamriga iyo dhiiggu waa najaas, mataggana sidoo kale, hadalkoodii iyo daliilkoodiina waa kan:
Najaasada dhiigga
Ibn Rushud wuxuu ku yiri kitaabkiisa, Bidaayat al-Mujtahid juska: 1aad. Baalka: 55aad. "Waxay isku raaceen culumadu in dhiigga xayawaanka barriga ku nool najaas yahay".
Daliilkooduna waa: suuradda al-Maa'idah: aayadda 3aad. ee leh: (Waxaa laydinka xaaraameeyay, Maytada iyo dhiigga iyo hilibka doofaarka..) iyo suuradda al-ancaam, aayadda: 145: (kuma arko wixii la ii waxyooday wax xaaraan ka ah mid wax cuna wuxuu cunayo haddii uusan ahayn mayto ama dhiig la daadshay ama hilib doofaar..).
Wuxuu yiri: Ibn Cabdul Bir, kitaabkiisa at-Tamhiid, juska 22aad, bogga 230. aayaddaas ayaa caddaynaysa in dhiiggu najaas yahay, muslimiintuna way isku raaceen oo waa ijmaac.
Imaam Muslimna, kitaabkiisa Saxiixul muslim wuxuu ku qoray baab uu ku magacaabay baabka najaasada dhiigga iyo sida loo nadiifsho, ee fiiri axaadiista uu soo sheegay oo ah axaadiis saxiix ah oo caddaynaysa in dhiiggu najaas yahay. Eeg: Baabu najaasati ad-dami (Muslim. Juska 1aad, bogga 240).
Najaasada Matagga
waxay culumadu isku raaceen in Xaarka iyo kaadida dadku ay najaas yihiin. sida quraanka ku cad: (ama uu idinka yimaado xaar) aayadda 43aad. suuradda an-Nisaa'. Najaasada Kaadida: Xaddiiska muslim soo weriyay ee nambarka 292. Ee nabigu sheegay in qof loo cadaabay, kaadida oo uusan iska dhowri jirin darteed. (Baabu daliili Najaasatil al-bowl).
Mataggana sida uu sheegay Axmad Dardiir, kitaabkiisa ash-arx al-kabiir, juska 1aad, baalka 51aad, wuxuu yiri cilladdu waa isbedelka fasahaadsan ee ku dhacay cuntada. Macnaha matagu asalkiisii hore wuxuu ahaa cunto xalaal ah, sida xaarka iyo kaadida, waxay ahaayeen cunto iyo cabitaan xalaal ah oo daahir ah, laakiin maxay najaaso u naqdeen, waa isbedelka fasahaadsan ee ku dhacay, culumaduna kaas ayay ku qiyaaseen, oo waxay dhaheen najaasadu waa ama waa asli sida najaasada ayga iyo doofaarka iwm, ama waa isbeddel sida najaasada matagga iyo khamriga, maxaa yeelay matagga iyo khamrigu asalkoodii hore daahir bay ahaayeen, laakiin kolkii isbeddel fasahaadsan ku dhacay ayay najaaso noqdeen.
Najaasada Khamriga
Suuradda al-maa'idah, aayadda 90aad, oo lagu sheegay in khamrigu Rijsi yahay lana faray dadka in ay ka fogaadaan. Wuxuu yiri al-Maqdisi kitaabkiisa al-Muqni juska 1aad, bogga 419. (Najaasada ayga iyo dhiiggu ma aha sida najaasada khamriga, maxaa yeelay najaasada khamrigu waxay ku timid doorsoon, kuwaasina doorsoon kuma imaan) wuxuu ka wadaa, najaasada khamrigu waxay ku timid doorsoomiddii uu doorsoomay cabitaankii laga miiray cinabka iwm, haddii ay khal noqotana najaasadeedu way ba'aysaa, maxaa yeelay asalkeeda ayaa doorsoon ku yimid, haddana doorsoon ayay ku baxaysaa. Laakiin haddii eey ku dhaco god cusbada lagu qallajiyo ee uu cusbo noqdo, daahir noqon maayo maxaa yeelay asalkiisa ayaa najaas ahaa, marka doorsoomid ku bixi mayso najaasadiisu sida khamriga.
Khilaafka Wahhaabiyada
Wahhaabiyadu sida aad ogtahayba muslim ma aha, maxaa yeelay dariiqa muslimiinta ma raacaan ee way khilaafaan, qofkii dariiqa muslimiinta dariiq aan ahayn raacana muslim ma aha.
Marka waxay soo akhriyaan kutubta ay qoreen dadka fallaagada ah ee shaadka ah sida Ibn Taymiyyah iyo Ibn Xisam, markaas bay waxay adeegsadaan figradahooda habowsan.
Ninka aad sheegayso ee u fatwooda wahhaabiyda Kenya wuxuu ka soo akhriyaa khuraafaadkaas kitaabka al-Muxallaa ee uu qoray Ibn Xisam, ninkaas Ibn Xizam ahna waa la ogyahay waa nin culumada oo dhan khilaafay, hadalkiisana diin lagama dhigan karo, qofkii ka dhigtana waa qof lunsan, kutubta noocaas ah waxaa akhrista culumada waawayn ee cilmiga baaraya, dadwaynaha iyo caamada waxaas looma sheego, maxaa yeelay khilaafkaas wuxuu dhalinayaa in dadku diinka ka baxaan oo kalsoonidu ka lunto.
Marka walaal xaqu waa kaas aan kuu sheegay, ee culumadu dhaheen. Miyaadan arag in naagtu haddii dhiig ka yimaado aan cibaado oo dhan loo ogolayn! maxaa sidaa loo yeelayaa haddii aanan dhiiggu najaas ahayn, taa daaye xataa lama ogola in la jimaaco, iyo in ay kitaab qaaddo iyo in ay quraan akhriso.
Dhiigga kale ee korkeenna ka imaanayana kaas ayuu ku xukun yahay maxaayeelay waa isku magac oo dhiig ayaa la isku yiraahdaa, sidoo kale quraanka ayaa si cad loogu sheegay in dhiiggu xaaraan yahay.
Wahhaabiyadu waa Yahuud
Marka walaal, wahhaabiyadu waa Yahuud, sida aan kuu sheegay Ilaahay bay isku deyayaan in ay dhagraan sidi Yahuuddu yeeshay, kolkii laga xaaraantinimeeyay cunidda xoolaha bakhtiyay ayay subaggii shiileen oo xayr ka dhigeen oo iibsheen oo cuneen.
Wahhaabiyaduna sidoo kale ayay yeelayaan, aayad kasta iyo xaddiis kasta xeelad iyo dhagar ay ku fasiraan oo ay uga baxsadaan ayay keenayaan, kolkaas bay leeyihiin daliil looma haayo mas'aladan!!
Marka Ilaahay baa xisaabinaya, Allow maxay hoogeen maalinta qiyaamaha, kolka cadaabta loosoo bandhigo ayaga iyo atbaacdooda iyo shayaadiinta u waxyooda khuraafaadka ay buufinaayaan.
Muslimiintu ha digtoonaadeen
Marka walaalayaal halaga digtoonaado shayaadiinta wahhaabiyada iyo khuraafaadka diin ku sheegga ah ee ay wataan. Halaga digtoonaado kuwa sacuudigu lacagta siiyo ee diinkoodii ku iibsaday riyaalaad macduud ah, ee Ilaahay naarta u yaboohay una ballan qaaday.
Nin diintiisii Iibsaday oo Riyaalka sacuudiga ku iibsaday qofkii sheekh ka dhigta in uu lunsanyahay shaki kuma jiro, marka muslimiintu haka fiirsadeen qofka ay diinka ka baranayaan, haddii aanay ka fiirsan berrito anfici mayso "ma ogayn, iyo jaahil baan ka ahaa, iyo Ilaahow ii dambi dhaaf" midna lagaa aqbali maayo maxaa yeelay Ilaahay caqli buu ku siiyay aad ku kala saarto xaqa iyo baadilka.
Sheekh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, January 15, 2006 at 01:18:40 (CST)
- Su'aal: Khamrigu ma daahir baa?
a/c sheekh waxaan kunoolahay kenya, waxaana joogo nin ladhoho umul waxoona sheegay mar uu ka hadlaayay nijaasada in khamriga daahiryahay iyo dhiiga iyo mataga marka waxaan idin weydiinaayaa marunbaa in eey daahiryihiin mase waa been? midda kale nijaas nimadooda maxaa u daliil ah? waad mahadsantihiin.
abdikarim ali warsame <abdikarime>
- Saturday, January 14, 2006 at 23:16:17 (CST)
- Jawaab: Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
Assalaamu Calaykum: Walaal kitaabka aad sheegtay waa sugantahay nisbadiisa loo nisbeeyo Sh. Cabdulqaadir. Taasna cidi iskuma haysato, laakiin waxaa jira culumo badan oo loo saarshay hadal aanay dhihin, sida Sheekh Ibn Al-Carabi, iyo qaar kale oo badan.
Hadalka Culumada Suufiyada
Qaar badan oo ka mid ah culumada suufiyada been ayaa loo saarshay, hadal aanaysan dhihin ayaana kutubtooda lagu deray, arrinkaasna waa la ogyahay, sababtuna waa:
1. Ayaga oo adeegsanaya luqad gaar ah ama mustalax gaar ah oo aanan dadka badankoodu fahmayn.
2. Ayaga oo lahaa cadaw badan, oo dad badan ay ka soo horjeedeen.
3. Ayaga oo mad-habtooda suufiga ah meelo kala fog-fog loo kala qaatay oo aad arkayso in isla mad-habtii dhowr jaad oo kala duwan loo kala haysto, sida dariiqadii Sh. Cabdul qaadir, Induuniisiya waa joogaan, Malaysia way joogaan, Soomaaliya way joogaan, Nayjeeriyana way joogaan, laakiin kooxahaas farqi wayn ayaa u dhaxeeya xagga suluugga iyo sheegashada mad-habtaas, taasina waxay kuu caddaynaysaa in siyaabo kala duwan loo fasiray mad-habtii shiikhaas.
Waxyaabahaas iyo kuwa la mid ah ayaa culumada dersa madaahibta culumadaas ku khasbay in ay ka shakiyaan waxyaabaha qaar loo saarinayo culumadaas oo laga yaabo in aanay dhihin.
Tusaale kale, Axmad Ibn Xambal waxaa loo nisbeeyaa kitaab la yiraahdo al-Musnad oo uu qoray sida la sheego, laakiin culumadu waxay ogyihiin in uusan qorin kitaabkaas ee uu qoray wiilkiisii iyo ardaydiisii.
Waqtigii uu noolaa Sheekh Cabdulqaadir
Taas waxaa la jirta in uu noolaa sheekh Cabdulqaadir qarnigii shanaad dabayaaqadiisii iyo qarnigii lixaad qaybtiisii hore, waana waagii ay mutacasibiinta xambaliyada ay baqdaad waaleen oo xataa dhibaatooyin u gaysteen culumo badan oo uu ka mid ahaa al-Qushayri iyo qaar kale.
Midda kale, waxaa la fiirshaa figradaha kitaabka ku qoran, haddii lagu arko figrad aanan sheekha mad-habtiisa la socon karin, waxaa meeshaas ka cad in ay tahay mid dad kale ku dareen oo uusan asigu qorin.
Kitaabka al-qunya maxaa ku soo arooray
Walaal anigu waan eegay kitaabka al-qunya ee aad tilmaantay ee uu qoray sheekh Cabdulqaadir al-Jiilaani, wuxuuna ashcariyada ku xusay 3 meelood, ama afar meelood, mana uusan dhihin caqiidada ashcariyadu waa baadil, maxaa yeelay asiga ayaaba ashcari ah, laakiin meelaha lagu xusay magaca ashcariyada ee aan kuu sheegay dhammaantood waa meelo aanan hadalka ku qoran uusan la mid ahayn hadalka kitaabka intiisa kale ku qoran, waxa meelahaas lagu sheegayna lama socon karaan hadalka uu sheekhu ku sheegay meelo kale oo kitaabka ka mid ah, taas ayaana u daliil ah in aanuu sheekhu qorin hadalkaas ee ay ku dareen mujasimada xambaliyada ah ee mutacasibiinta ah.
Taas waxaa u daliil ah, hal meel oo ka mid ah meelaha uu ashcariyada ku sheegay waxa uu ku eedeeyay ashcariyada mas'alo khilaafsan xataa mad-habta ashcariyada, taasna waxay daliil u tahay in qofka hadalkaas qoray uusan sheekh cabdulqaadir ahayn, maxaa yeelay, qofkaasi ma ahayn qof yaqaan mad-habta ashcariyada, haddii kale ma uusan ku khaldameen mas'aladaas.
Waxaan ka xumahay in aanan halkan ku soo turjumi karin hadalka ku qoran al-qunyah ee khaladka ah ee aan kuu sheegay maxaa yeelay wuxuu u baahanyahay waqti badan, laakiin u laabo kitaabka ee fiiri juska 1aad baalka 320 dabacadda maktabadda daarul kutub al-cilmiyyah ee bayruut.
Kitaabka sida loo habeeyay fiiri
Midda labaad, kitaabka sida loo habeeyay ayaaba la yaab leh, sida caadada u ah culumada Islaamka, kitaabka waxaa lagu billaabaa baabka caqiidada, kadibna fiq-higa kadibna baabka tasawufka iyo wixii kale ee akhlaaq ama aadaab ah. Laakiin bal fiiri kitaabka al-qunya, wuxuu ka billowdaa baabka fiq-higa, oo ah baab aad u gaaban oo aanan la moodin in uu qoray nin caalim ah, maxaa yeelay hadalka fiqhiga ah ee ku qoran wax macna leh ma aha oo aad ayuu u gaabanyahay waana qabyo, taas ayaana ku tusaysa in aanuu sheekhu qorin waxaas.
Baabka Caqiidada ayaa qoraalka laga billaabaa
Tan xigta, baabka caqiidada asiguna wuxuu imaanayaan baabka fiq-higa kadib, asiguna sidoo kale waa isku miliqsanyahay oo wixii uu sheekhu baalka 1aad ku yiraahdo waa xaq baalka labaad ayaad arkaysaa asiga oo leh waa baadil, marka hadalka ku qoran baabkan oo asiguna hadal aad u gaaban ah waa qabyo waana isburrinayaa, taas ayaa caddaynaysa in aanan sheekhu waxaas qorin.
Kitaabka al-qunyah waa kitaab tasawuf ee ma aha kitaab Caqiido iyo Fiq-hi
Marka aad gaadho baabka uu sheekhu kaga hadlayay akhlaaqda iyo tasawufka ayaad arkaysaa sheekh cabdulqaadirkii aad maqli jirtay, hadalka uu meeshaas ku qoray ayaa hadal culumo ah oo aad arkaysaa sida habaysan ee uu u qoray amuuraha ku saabsan tazkiyada nafta iyo maraatibka loo marayo iyo siyaabaha loo carbiyo nafta iyo guud ahaan wixii tasawuf ku saabsan iyo akhlaaq.
Muslimiintu waahore ayay arkeen kitaabkan
Sidaa darteed muslimiintu walaal waa hore ayay fahmeen kutubtan, wayna ogyihiin in aanan kitaabka al-qunya ahayn kitaab caqiido iyo fiq-hi laga barto, ee uu yahay kitaab tasawuf iyo akhlaaq laga barto, marka annagu caqliga ma li'in juhalana ma ninhin sida wahhaabiyada aanan kala sooci karin caqiidada iyo fiq-higa iyo tasawufka, marka waxaa fiicnaan lahayd in wax la barto inta aanan culumada hadalkooda wax laga sheegin.
Bal u fiirso, kitaabkaas haddii aad maktabadda ka raadiso waxaad ka helaysaa meesha la dhigo kutubta akhlaaqda ee ka heli maysid meesha la dhigo kutubta fiq-higa ama kutubta caqiidada, laakiin subxaana laahi, wahhaabiyadu maktabadaha maba tagaan, sidee kolka ku fahmaan waxa u dhaxeeya kutubta cilmigu ku qoranyahay!!.
Culumada hadalkooda yaa wax ka sheegi kara?
Culumada hadalkeeda waxaa wax ka sheegi kara culumo kale oo fahmaysa waxa culumadii hore tiri, laakiin dad caamo ah oo juhalo ah sida wahhaabiyada uma bannaana in ay hadalka culumada fasiraan, waxaa la gudboonaan lahayd in ay marka hore wax soo bartaan oo kutubta soo akhriyaan inta aysan dhihin sheekh cabdulqaadir ayaa yiri: ashcariyada caqiidadeedu waa baadil!! sidee sidaa ku dhahayaa asiga oo ashcari ah oo ahlusunnah ah.
Wahhaabiyadu kutub badan ayay taxriifsheen
Walaal wahhaabiyadu kutub badan ayay taxriifsheen, waxaa ka mid ah kitaabka al-qunya ee ay taxriifsheen mujasimadii iyo mushabihadii hore ee wahhaabiyada awowyaalkood ahaa, waxaa ka mid ah kitaabka uu qoray Imaam ad-Daxaawi ee ah caqiidada daxaawiyada, ee uu sharxay midka mujasimada ah ee ay ku magacaabaan al-Ciz ibn al-Cabdisalaam, waxaa ka mid ah kitaabka al-Ibaanah ee uu qoray Imaamka ahlu sunnada abuu al-Xasan al-ashcari iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan lagu soo koobi karin.
Wahhaabiyadu waxay taxriifisay kitaabka shiikhooda
Taas daaye, wahhaabiaydu waxay xataa taxriifsheen kitaabkii uu qoray midka ay caabudaan ee ay sheekha ku tilmaamaan ee Cabdulwahhaab la yiraahdo ee uu ku magacaabay "kitaabka towxiidka" xataa kitaabkaas wahhaabiyadu way taxriifsheen, ayaga oo magac been ah ku qoray oo ku fidshay oo u saarshay Imaam Maxamad al-qasaali, fadeexadaasna waa la wada ogyahay, laakiin kuwa Ilaahay wahhaabiyada ku fidneeyay indho ay xaqa ku arkaan malaha.
Wahhaabiyadu waxay taxriifisay Quraanka
Waxay taxriifsheen Quraanka kariimka ah ayaga oo leexshay dhammaan aayadaha macnahooda, aayadii aanan ayaga cajebinayn way ka boodayaan ama way qarinayaan sidii yahuuddu yeeli jirtay ama si xun bay u fasirayaan oo leexinayaan macnaheeda.
Wahhaabiyadu waxay taxriifisay Xaddiiska Nabiga nnk
Waxay taxriifsheen xaddiiska ayaga oo daciifshay xaddiiskii aanan la soconayn hawadooda iyo shahwadooda faasiqnimada ku salaysan iyo caqiidadooda kufriga iyo shirkiga qayaxan ah.
Wahhaabiyadu waxay taxriifsheen kutubtii culumada Islaamka iyo hadalkoodii
Wahhaabiyadu waxay taxriifsheen kutubtii culumada islaamku qoreen siiba kuwa waawayn ee muslimiintu ku kalsoon yihiin, sida imaam Axmad bin Xambal iyo Imaam ad-dahabi, iyo Imaam ibn Xajar al-casqalaani iyo Imaam nawawi dhammaan hadalkoodii waxaa leexshay oo taxriifshay ayaga, oo u saarshay hadal aanay dhihin, laakiin Alle mahaddiis waxaa yaal kutubtii culumadaas oo qofkii wax yaqaan ee u fiirsada kutubtooda ee dib ugu laabta dabacadaha saxiixa ah waa arkayaa xaqa, waana fahmayaa hadalka culumada, waxaana u caddaanaya munaafaqnimada wahhaabiyada iyo kufrigooda iyo sida ay wax u taxriifinayaan.
Wahhaabiyadu Qibladii ayay leexisay
Taas daaye, wahhaabiyadu xataa waxay beddeleen qibladii loo tukanayay, ayaga oo ku khasbay muslimiinta deggan Waqooyiga Ameerika iyo Canada in ay u tukadaan waqooyi galbeed, waxaanna wada ognahay in qofkii Ameerica iyo Canada jooga qibladiisu tahay koofur bari, sidaas yaayayna ahaayeen dhammaan masaajiddii muslimiintu ku dhiseen dhulkaas intii aanan wahhaabiyadu gaarin dhulkaas, sidoo kale, muslimiintii ku dhimatay dhulkaas qabuurahooda waxay u jeedeen koofur bari ee uma jeedin waqooyi galbeed, taas ayaana caddaynaysa in wahhaabiyadu habowsantahay, oo ay xataa leexsheen meeshii ay qibladu ku aaddanayd ee loo tukan lahaa, waana Ameerika iyo Canada oo kaliya ee Umadaha kale ma khaldi karaan maxaa yeelay, muslimiin badan ayaa joogta ama waaba waddamo muslim ah, kolka in aanan laga yeelayn ayay ogtihiin.
Wahhaabiyada Xaalkooda annagu waan ognahay
Marka dadkan xaalkooda annagu waan ognahay, inooma dhuuman karaan, maxaa yeelay Ilaahay ayaa inoogu deeqay aqoon iyo cilmi iyo caqli aan xaqa iyo baadilka ku kala soocno, laakiin waxay khiyaami karaan dadka caamada ah ee aan nasiibka u helin in ay cilmiga bartaan iyo qaar caamo ah laakiin culumo ismoodaya oo jaahilnimo iyo tacasub ku xambaaray in ay wahhaabiyo u xuasulduubaan ayaga oo aan ogayn in ay kooxdaasi kufaar yihiin, iyo qaar caqligoodu daciif yahay oo aanan xaqa arki karin xataa haddii ay wax bartaan.
Dadka wahhaabiyada raacsan waa saddex jaad
1. Qof wax bartay laakiin munaafiq ah oo lacag lagu siiyo sidii uu u fidin lahaa kufriga wahhaabiyada, kaasna waa dadkii Ilaahay u ballan qaaday naarta ee aayadihiisa ku iibsaday lacag yar. Abaalkiisana Ilaah baa siin doona, wuxuuna gelayaa naarta dabaqada ugu hoosayda sida quraanka lagu sheegay (darak al-asfal) ayuu gelayaa.
2. Qof caamo ah oo aanan waxba baran ama caamada oo kale ah oo in uu waxbartay ismoodaya, run ahaantiina aanan waxba aqoonin. Qofkaasina waa lunsanyahay, loona cudurdaari maayo, maxaa yeelay culumadu waxay dhaheen jaahilnimo loogu cudurdaari maayo qofkii aanan baran aasaaska diinka iyo xaqiidada.
3. Qaar aanan caamana ahayn culumana ahayn oo ah kuwa ka soo baxay jaamicadda wahhaabiyada ee ku taalla Madiina ee ay ku magacaabaan (Jaamicadda Islaamka), kuwaasi caamana maaha culumana maaha, waa ducufo saaqidiin ah oo ka luflufta fataataqa wahhaabiyada sacuudigu u soo tuuraan, si ay u fasahaadshaan mujtamacaadkii ay ka yimideen.
Gabagabo
Hadaba hala digtoonaado soomaaliyeey, ninkii wahhaabiyada lacag ku qaata ee sacuudigu lacag siiyo waaba la gartay oo sabab uu u galo gaalnimadaas ayuuba haystaa, laakiin waxaan la yaabay qaarka iska daba socda wahhaabiyada ayag oo aanan xataa walba lacag ku qaadanayn. Marka haddii ay kufri gelayaan maa walba lacag ku qaataan!! Subxaana laahi.
Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, January 14, 2006 at 22:52:07 (CST)
- Su'aal: Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
Salaam calykum sheekh: Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada sheekh c/qaadir (rc)iyo kitaabkiisa "alqunya" in kitaabkaas aan hadal heyno wax laga bedeley sidee loo cadeynkara? ma waxaa la haya kitaabkii asalka ahaa oo la barbar dhigey mise waa male raac ileen waxaan rumeysnaa 40 sano maanta waa hal bacad lagu lisey sidaan u qaato adba waad ogtahy dhibkeeda waana markii iigu horeysey aan maqlo. Fadlan sheekh kitaabkaas asalkiisa xagee laga helaa haduu jiro. Kheyr baan kuu baryey if iyo aakhiro.
C.M.cabdalle <chango>
- Saturday, January 14, 2006 at 21:42:42 (CST)
- Jawaab: Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!!
Assalaamu Calaykum. Walaal horta warqadda aad sheegtay ee la qaybshay ciiddii al-adxaa waan arkay wayna isoo gaartay waana akhriyay, wixii ku dhignaana sida aad adiguba sheegtay waxaa ka mid ahaa masaa'ilka aad sheegtay.
Jawaabta Masaa'ilka been abuurka ah
Marka hore anigu ma aanan fatwoon masaa'ilkaas ee been bay iga sheegayaan, maxaa yeelay anigu duruusta waxaan ka jeedshaa Idaacadda jaaliyadda Islaamka, afsoomaali ayaanna badanaa ku jeedshaa oo carabi wax yar ayaan ku jeedshaa, marka haddii aan waxa ay sheegeen fatwoon lahaa soomaalida ayaa maqli lahayd, qof soomaali ah oo maqlayna ma jiro, duruustii aan jeedshayna ayada oo duuban ayay taallaa dhammaantood, qofkii raba koobi ayaan u soo dirayaa ee asiguba ha dhegaysto. Taas ayaa ku tusaysa in ay been abuur sheegayaan.
Maxay hadaba kugu haystaan wahhaabiyada carabta ah
Haddaan u soo laabto su'aashan, sida aad ogtahayba magaaladan muslimiinta joogta waxaa u badan muslimiinta carabta ah ee ka soo haajiray Lubnaan, waxayna ka koobanyihiin Wahhaabiyo iyo ahlusunno iyo ikhwaan iyo qaar kale sida xisbiga taxriirka.
Anigu sida aad ogtahay ma tago shirarka wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iyo kooxaha kale ee fallaagada ah, ee waxaan ka qayb galaa shirarka ahlusunnada iyo jamaacada.
Sanadkii ina soo dhaafay bartamihiisii waxaa jamaacada ahlusunnah ku qabatay siminaar magaalada bankistown, waxayna iga codsadeen in aan shir guddoomiye ka noqdo siminaarkaas, waanna ka yeelay, guul wayn ayaana ka soo hoyatay siminaarkaas oo muslimiinta oo dhan ku liibaaneen, wuxuuna ku saabsanaa argagixisada, 2 bilood ka dibna waad ogtahay in dowladdu tillaabo ka qaadday oo xirxirtay dad badan oo argagixiso ahaa oo wahhaabiyo u badnaa.
Guddiga metelaya jaaliyadda muslimka ee ku jira dowladda australia
Inkasta oo muslimiinta soomaalida ah ee jooga australia ay dhaafayaan 15000 oo qof hadana guddiga ay dowladdu xushay ee metela jaaliyadda Islaamka qof soomaali ah kuma jirto, waadna ogtahay in aan jaaliyadda soomaalida ee Sydney isugu yeeray oo aan shiriyay intii aanan dowladdu dooran guddigaas, oo aan ku dhahay aan qof ku daranno oo aan midowno. Nasiib darro sida aad ogtahay soomaalidii ma midoobin oo qabiil qabiil ayaa loo kala jabay, taasina waxay keentay in aanan qofi ka qayb gelin guddigii ay dowladdu xulatay.
Aniga waxaa ii yimid niman ka mid ah ahlusunnada Lobnaaniiska waxayna iga codsadeen in aan taageero oo ay ku buuxsadaan magacayga liiska, ayaga oo ku qoray in ay haystaan nin diktoor ah oo taageersan oo ku takhasusay daraasaadka islaamka khabiirna ku ah shu'uunta muslimiinta.
Anigu waan ka yeelay, maadaama aanan soomaali meeshii gelayn waxaan iska goostay in aan taageero wixii kale ee muslim ah ee u baahan taageeradayda. Taasina waxay keentay in dowladdu ka saarto liiska sheekha ugu wayn wahhaabiyada mandiqada Auberne ee ay bedelkiisi qaadato ninkii aan taskiyeeyay ee ahaa Mustafa Kara-Ali ee ka mid ahaa ahlusunnada Lubnaaniiska, ninkaas oo aan anigu u qoray warqad taageero ah oo la habeeyay barnaamijkii uu u gaystay wasiirka thaqaafada.
Barnaamijkaas wasiirka loo gudbiyay ayaa waxaa ku qornaa magacayga iyo derejadatyda cilmiga ah iyo waxyaabo kale sida in aan taageersanahay barnaamijka iyo ninka wada iwm. Kolkii barnaamijkii loo soo bandhigay guddigii dowladdu xulatay ayaa dadkii akhriyay qaar ka mid ah u sheegeen wahhaabiyada qaarkood wixii ku qorraa warqadda guddiga la soo hordhigay, iyo in magacaygu ku qorraa iwm, taasina waxay ka caraysiisay wahhaabiyada carabta ah ee magaaladan Sydney, waxayna ku soo qoreen magacayga warqadda ay fidsheen lambarka saddexaad. Lambarka 1aadna waxay ku qoreen Dr. Ghayath El-Shalah oo ka mid ah dhaqtiirta degmada Bankistown. lambarka 2aadna waxay ku qoreen Xaaji Mohamed Mehyo, guddoomiyaha Idaacadda jaaliyadda Islaamka.
Jaaliyadda Soomaalidu arrinkaas lug kuma laha
Marka walaal dicaayadda iyo cadaawada ku qoran waraaqihii ciidda ay fidisay wahhaabiyadu jaaliyadda soomaalidu shaqo kuma laha, kumana jiraan dad i neceb jaaliyadda soomaalida, mana aysan qorin waraaqahaas, waxaanna wada joognay dad badan oo jaaliyadda soomaalida ka mid ah maalintii ciidda Home-Bush-Bay, mana arag qof igu soo hadal qaada arrinkaas.
Sidaa darteed, cadaawada iyo nacaybka ay wahhaabiyada carabtu ii hayaan waxaa ka dambeeya arrinkaas aan kuu soo sheegay ee ah taageerada aan taageeray carabta ahlusunnada ah, magacaygana waxay ka heleen, warqaddii wasiirka thaqaafada loo gudbiyay ee loo bandhigay referal Committeega iyo joornaallada oo ay ka akhriyeen dhacdooyinkii siminaarkii argagixisada ee la qabtay bishii May ee la soo dhaafay ee aan shir-guddoomiyaha ka ahaa.
Marka xaqeeqadu waa taas, sida aad ogtahayna jaaliyadda carabta ah ee magaaladan deggan waxay u kala codeeyaan labada xisbi ee isku haystada xukunka ee Libaralka iyo midka Leborka, marka soomaalida waxaa loo baahanyahay in ay wax fahmaan, oo aanay dadku waxa ay sheegayaan iska dhegaysan ee iska daba gelin ayaga oo u malaynaya in mas'alo diin ah laysku haysto.
Haddii aan si kooban uga jawaabo mas'aladihii ay igu nabeen, waxaan leeyahay diinta islaamka ayay ku caddahay in uu jirka haweenku cawro yahay dhammaantiis, oo aananay bannaanayn in haweenka muslimka ah ku dabaashaan xeebaha bakini iwn. Sidoo kale, ma bannaana in xoolaha gaalada la xado ama la boobo, aniguna waligey ma fatwoon waxaas qofkii caddayn hayana asiga ayaa laga rabaa.
Soomaaliyey Toos
Marka waxaa murugo ah in jaaliyadda soomaaliyeed oo dalkan Australia ku nool oo tiradoodu kor u dhaafayso 20 kun aanay qof kali ah ugu jirin guddiga metelaya muslimiinta ee dowladda fedaraaliga ah ee Australia ay xushay. Taasna ay sabab u ahayd khilaafka qabaliga ah iyo khilaafka wahhaabiyada soomaalidu dhalisay ee jaaliyadda u diiday in ay midowdo, taasina waxay keentay in ay jaaliyaddeennii ku soo dhacday meel cidlo ah. Marka Ilaahay ayaa qaadir ah, laa xowla walaa quwata.
hadaba waxaan walaalaheenna soomaaliyeed ku guubaabinayaa in ay khilaafka qabiil iyo kooxaysiga iska daayaan, oo iska dhaafaan kooxahan fallaagada ah, waxaad isu qaybinaysaan Islaax iyo Itixaad, adinka oo dhul gaalo jooga, ma idin kafay waayay fiqhigii Imaam Shaafici iyo Caqiidadii Ahlusunnada ee Nabigeennu inoo keenay!! Subxaana laah.
Waad ogtihiin, Busniyaanka deggan dhulkan 500 qof kama badna, qof ayaa ugu jira guddiga ay dowladdu xushay, soomaali oo 20 kun ahna qof uguma jirto, sow ceeb iyo sharaf dhac ma aha taasi, intii aan Islaax iyo Itixaad iyo qabiil isku haysannay ayaa nalaka tegay, kolka goorma ayaa soomaalidu indhaha furaysaa?!
Khayr baan kuu rejaynayaa farax.
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, January 12, 2006 at 19:25:48 (CST)
- Su'aal: Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!!
Assalaamu Calaykum, Shiikh Xirsi, waxaa dhacday inay wahaabiyada magaaladan Sedny ee Australia ay ciiddii qaybsheen waraaqo, waraaqahaasna uu ka muuqday magacaagu oo ay wahhaabiyada (Soomaalidana ma aha ee waa wahhaabiyada Carabta ah) ka qeebsheen "Home Bush Bay" iyo Masaajidka Lekamba, waxyaabihii ay kugu Eedeeyeen waxaa ka mid ahaa:
1. In aad bannaysay in badda xeebaha ay naaguhu ku dabaalan karaan ayaga oo xiran bakini oo madaxa safaleeti saaranaya.
2. In aad bannaysay in ay muslimiinta u bannaantahay in ay boobaan ama xadaan xoolaha gaalada.
Iyo arrimo kale. Marka sheekh bal inoo faahfaahi maxaa ka jira arrimahaas ay wahhaabiyada carabtu kugu eedaynayaan.
Midda labaad maxaa wahhaabiyada carabta ee u badan jaaliyadda Lubanaaniiska ah kugu haystaan haddii aadan dhihin fatwooyinkaas eey sheegeen.
waad mahadsntahay shiikh.
Faarax Yarow <yare>
- Thursday, January 12, 2006 at 18:40:52 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|