|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. Jawaab: Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
    Assalaamu calaykum: walaal qaabka aad sheegtay dulmi ayaa ugu sugan ninka shaqaalaha ah, maxaa yeelay sida aad adiguba tilmaantay waxaa laga yaabaa in aanan lafihii waligoodba soo noqon.

    Sidaa darteed, culumadu waxay qabaan in qofka shaqaalaha ah mushaar la ogyahay oo la yaqaan oo lagu heshiiyay, oo aanan ka liidan mushaarka dadka sidiisa ah oo kale ku shaqeeyaan in loo yeelo qofka shaqaalaha ah.

    Taasi waa haddii uu shaqaale yahay. Haddii kale, shariko waa in aad noqotaan. Marka qaabka aad hadda sheegtay, sharikona ma aha, shaqaalenimana ma aha. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 16, 2006 at 00:42:48 (CST)
  2. Su'aal: Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
    waxaan leeyahay dukaan s.Africa ku yaala, waxaan ku gatay mathalan $2000, waxaan u dhiibay nin, oo aan iri: ka shaqeey lafahii marka aad soo celisana faa'iidada ka danbeeysa boqolkiiba labaatan(20%) qaado, ninkaas ma ku xadgudbay? waxaa dhici karta in ay dhaqso ku soo laaban waayaan lafihii, mishaarna ma qaato, hada waxa uu cuno iyo jiifna anigaa bixiya, jawaab waafi ah.
    mohamed <biibe>
    - Thursday, February 16, 2006 at 00:38:51 (CST)
  3. Jawaab: Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
    Assalaamu Calaykum: walaal timaha in la midabaysto waxba kuma jabna way bannaantahay, asaxaabta iyo taabiciinta iyo culumada muslimiinta qaar badan oo ka mid ah ayaa gadhka iyo timaha intaba midabaysatay, sida ay soo weriyeen qaar badan oo culumada ka mid ah, sida ku taalla kitaabka al-Muwadha ee Imaam Maalik iyo at-Tamhiid li Ibn Cabdulbir, iyo Saxiixul Muslim iyo Bukhaari iyo kutub kale oo badan.

    Marka walaal rag iyo haweenba way u bannaantahay in ay madaxa iyo gadhka midabaystaan, midabkaasi jaadkii uu doono ha ahaatee, sidoo kale waxaa bannaan in hal midab la marsho ama midabbo badan la marsho intaba. Laakiin qofkii muslim ah waxaa lagula talinayaa in uu hubiyo midabka waxa laga sameeyay, waana in aanay ahayn wax najaas ah, maxaa yeelay haddii wixii midabka laga sameeyay najaas ahaayeen, ma bannaana in midab najaas ah timaha lagu midabeeyo. Kahayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, February 15, 2006 at 16:46:39 (CST)
  4. Su'aal: Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
    sc. wr. wbr. suaal sheekh waxaan rabaa si faahfaahsan inad jawaab iga siisid waxyalaha tinta lagu kalareeyo mabanaan tahay? waana nooc waliba malaga dhigi karaa rag iyo dumarba iga jaahil bixi fadlan jasaakalaahu qayran. macasalaama
    abuarqam <abuarqam1>
    - Wednesday, February 15, 2006 at 16:35:33 (CST)
  5. Jawaab: Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal waxba kuma jabna haddii rasuulka qasiido lagu ammaano, rasuulka ammaaniddiisu waa bannaantahay waxayna ku soo aroortay quraanka, oo lagu ammaanay suuradda al-qalam iyo aayado kale.

    Sidoo kale, waxaa la soo weriyay in ay ammaaneen dad badan intii uu noolaa oo qaar hees ku amaaneen sidii wafdigii xabashada ka yimid, iyo qaar buraanbur ku ammaaneen sidii gabdhihii arooska ka ciyaaray intii uu nabigu noolaa ee reer al-ansaar ahaa, iyo gabyayga carabta qaar ka mid ah sida xassaan bin thaabit, dhammaan waxaa la soo weriyay in ay nabiga hortiisa ku tirsheen ammaan gabay, buraanbur iyo hees intaba ah, ayaga oo durbaan tumaya ama boodaya ama warmo iyo seefo ku ciyaaraya.

    Marka culumadu waxay dhaheen nabiga nnk waa la ammaani karaa haddii aanan amaantaas wax khalad ah ku jirin, oo aanan la dhahayn nabigu qaybka ayuu ogyahay iwm. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 20:54:54 (CST)
  6. Su'aal: Rasuulka qasiido ma lagu ammaani karaa?
    asalaamu calaa mani tabacal hudaa, shiikh waxaan ku weydiin rasuul S.C.W. qasiido ma lagu ammaani karaa?
    Nasra <nasra81>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 20:47:50 (CST)
  7. Su'aal: Sidee wahaabiyo ahlu sunno ku noqotay?!
    Labbagarre ma dhihin waahaabiyo waa ahlu sunnee yaa ka been abuurtey? yaase wahaabiya ahlusunna u qaadanaya waaba (wahaabiye)?!
    Nasra <nasra81>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 20:46:28 (CST)
  8. Jawaab: Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal ahlusunnah waxaa la dhahaa caqiidada ay haystaan muslimiinta sunniga ah dhammaantood, waana caqiidadii laga bartay quraanka iyo sunnada, nabiga ayaa asaxaabta baray, asaxaabtuna taabiciinta ayay bareen, taabiciintiina culumada afarta mad-habadood ayaa ka soo werisay oo habaysay, sida Abuu Xaniifa, iyo Maalik, iyo Shaafici iyo Axmad, iyo Imaam Ashcari iyo Imaam Maaturiidi iyo kumanyaal kale oo aanan halakan lagu soo koobi karin.

    Marka caqiidadaas ayaa la dhahaa caqiidada ahlusunnada. Caqiidadaas wax xiriir ah haba yaraatee lama laha wahhaabiyada, maxaa yeelay wahhaabiyadu saddex boqol oo sano ayay jirtaa, caqiidada ahlusunnaduna waa tii Nabiga lagu soo dejiyay oo uu ku magacaabay in ay tahay caqiidada jamaacada Muslimiinta ah.

    Wahhaabiyadu waa firqo lunsan oo badankoodu waa kufaar, qaarna waa mushrikiin, qaarna waa ahlu bidco, xaalkoodana waxaan ku caddeeyay qoraallo badan oo aan faahfaahshay, marka ahlusunnah iyo wahhaabiyo wax isku shaqo ah ma aha, caqiidadooduna isku mid ma aha, marka walaal yaanay idin khaldin dadkaas ee ka digtoonaada. Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 16:36:52 (CST)
  9. Su'aal: Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
    Walaal waan ku salaamay salaan kadib, walaal aniga oo ku dhex jira maqaal aan ka aqrinaayay webka oo ka hadlaayay caqiidada, ayuu waxa uu ku qoray in mufti ay suufiyadu leeyihiin uu qoray in wahaabiyada iyo ahlusunnuhu ay is waa faqsanyihiin, marka waxaan rabaa in aan wax kaa waydiiyo in ay arrintaa saas tahay iyo inkale, tan kale waxaan rabaa in aan wax ka ogaado shaqsi ahaantaada iyo wax barashadaada,iyo xagga caqiidada cidda aad waafaqsantahay.
    burhaan <anuur02>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 16:28:05 (CST)
  10. Jawaab: Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
    asalaamu calaykum, walaal su'aashan marhore ayaan ka jawaabay, waxaadna jawaab faahfaahsan ka helaysaa halkan:
    1. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah.html
    2. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah2.html
    3. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah3.html
    4. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah4.html
    5. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah5.html
    6. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah6.html

    Marka walaal maqaaladahaas iyo qaar kale oo badan ayaan ku faahfaahshay xaalka firqadaas iyo ictiqaadkeeda, marka waxaan kaa rejaynayaa in aad u laabato oo aad akhriso.

    Sidoo kale waxaad akhrin kartaa jawaabaha aan ku qoray bogga Fatwada oo aan dhowr jeer jawaab shaafi ah ka baxshay su'aalo la iga waydiiyay kooxda wahhaabiyada iyo ictiqaadaadkeeda.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 07:23:52 (CST)
  11. Su'aal: Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu
    asalaamu calaykum, salaan ka dib su'aashaydu waxaytahay: muxuu ku salaysanyahay manhajka wahaabiyadda? ama dadka u nisbasheegta maxamed cabdulwahaab maxay ku salaysantahay caqiidadooda? mahadsanidiin.
    C.M.NUUX <NUUX>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 07:15:28 (CST)
  12. Jawaab: Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
    asalaamu calaykum, walaal diinta Islaamku ma ictiraafsana wax la yiraahdo (copy right), oo cilmigu dadka oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa, qofkii kitaab iibsada xaq wuxuu u leeyahay in uu sii iibsho ama sii badiyo asiga oo aanan ninkii kitaabka qoray idan ka qaadan.
    Midda labaad, qofkii muslim ah ee cilmi meel ka maqla ama meel ka akhrista xaq wuxuu u leeyahay in uu duubto ama qorto asiga oo aanan ninkii qoray ama duubay idan ka qaadan.

    Warkii oo kooban (Copy right) wax la yiraahdo islaamku ma aqoonsana, waana bidco inooga timid dhaqanka reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku ogaysiinaynaa in aad wixii webka ahlusunnah wal-jamaacah ku jira ee ama duruus ah ama qoraal ah aad sidii aad doonto u adeegsan karto, kaliya waxaan kaa rabnaa in aadan qoraaga magaciisa bedelin, ama qofka dersiga duubay, sidoo kale, waa in aadan wax ka bedelin duruusta ku qoran ama ku duuban webka si aanan khalad u gelin, wixii aad doonto waad duuban kartaa ama adigu laf ahaantaada u adeegso ama iibi ama qof kale ku saddaqayso taasi adiga ayay ku jirtaa, annagu waan kuu fasaxnay. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 06:56:45 (CST)
  13. Su'aal: Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
    asalaamu calaykum, salaan kadib shekh waxaan bookhdaa websideyo badan oo aan isleeyahay aad ka faa'iidaysatid cilmiga diinta islaamka, marka wakhtiyo ayaan jeclaystaa inaan casharada qaarkood duubto anigoon ganacsi uga jeedin oo faa'iidadaan karabaa tahay wax barasho, hadana waxaan arkaa ogaysiisyo lasocda, marka hadaan ka duubto fasax la'aan waa arin caynkee ah?
    mahadsanid s/c
    yasiin shekh nor <yasiinnor>
    - Tuesday, February 14, 2006 at 06:50:10 (CST)
  14. Jawaab: Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
    Asalamu calykum: Walaal haddii aad shaqo kale hesho isaga tag, laakiin haddii aadan shaqo kale haysan ka shaqayso, lacagtaasina waa xalaal.

    Culumadu waxay dhaheen waa karaahiyo ee ma dhihin waa xaaraan sida Imaam Axmad iyo Imaam Awzaaci looga soo weriyay kitaabka "Axkaam ahlu al-Milal" ee uu qoray Imaam al-Khallaal.

    Marka walaal haddii aadan shaqo kale haysan shaqadaada haka tegin ama aad shaqo kale wayso ka shaqayso, mushaarkuna waa xalaal, laakiin haddii aad shaqo ka fiican hesho ka tag. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:47:49 (CST)
  15. Su'aal: Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
    Asalamu calykum: sheikh waxaan ka shaqeeyaa dukaan lagu raseeyo amaba lagu soo dajiyo qamriga wershadaha laga keeno marka ka waran shaqadaasi mushaharkeeda ma xalaal baa mise?
    keyse <keyse>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:43:49 (CST)
  16. Jawaab: Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
    Asalamu calykum: Walaal mad-habta shaaficiyada ayaa qabta in ninka iyo naagta isqaba waysada iska jebiyaan. Mad-habta xanafiyaduna waxay qabtaa in aanay iska jebin. Maalikiyada iyo Xambaliyaduna waxay qabaan, in ay waysada iska jebshaan haddii ay shahwo isu taabtaan, haddii kalena aanay jebin.

    Marka walaal waa khilaaf mad-habi ah, daliilkoodana halkan kuma sheegi karo oo waa khilaaf caan ah oo daliilkeedu dhib badanyahay, waana tafsiirka aayadda "Haddii aad haween taabataan", marka taabashada afcarabiga waxay noqon kartaa "jimaaca" ama "taabashada caadiga ah", marka qololada tiri: iskama jebshaan, waxay u fahmeen taabashada "jimaaca" qolada kalena waxay u fahmeen taabashada caadiga ah.

    Marka walaal khayr allaha ku siiyo, uma baahnid in aad kula muranto arrinkaas dad maxaa yeelay waxba dhibi mayso, haddii aad taabato ninkaaga adiga oo aanan u kasayn salaaddaada iska tuko adiga oo aanan wayso qaadan mar labaad, haddii aad ulakac u taabatana wayso qaado, waxbana kuma jabna inshaa allaah. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:42:12 (CST)
  17. Su'aal: Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
    Asalamu calykum w.w. salaan kadib walaal waxan ahay gabar soomaliyeed waxaan joogaa USA waxaan donaya in aan wax kaa waydiiyo dad ayaa waxay qabaan in ay iska jibinin ninka iyo naagta isqaba waysada maxaan daliilsadaa hadaan ku qabsado dadkaa aniga waxaan qabaa in ay iska jibiyaan waysada.
    roodosooyaan <roodosooyaan>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:36:57 (CST)
  18. Jawaab: Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
    Assalaamu calaykum: Walaal ninka iyo naagtu haddii ay dagaalaan, waxaa soo dhexgelaya qaraabada, ninka qaraabadiisa qof ayaa ka imaana, naagta qaraabadeedana qof ayaa ka imaanaya, labaduba waxay wakiil ka yihiin labada qof ee ninka iyo naagta ah, kadibna way dhexdhexaadinayaan oo xal ayay u helayaan khilaafkooda.

    Haddii aanan qaraabo joogin, qaalliga ayaa xaalkooda eegaya oo haddii aanay heshiinayn kala furaya. Mana bannaana in ninku naagta ka tago asiga oo aanan furin oo aan qabin, macnaha waa in uu macruuf ku qabo, haddii kale iska furo.

    Haddii uu kolka gabadha ka tago asiga oo aanan furin ama dhaqin, qaalliga ayay uga dacwoonaysaa waana laga furayaa. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:34:41 (CST)
  19. Su'aal: Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
    sheikh suaasheeydu waxaa weeyan nin iyo xaaskiis ayaa kala tagey saa buq iyo qeeylo ka gadaal ninkii xumeen iyo edeb daro daraadeed ayuu dalqadahii oola laabtey marka arintaas gabadhu ma madax banaaneeyneeysaa amase insha allah waan kaa sugeyaa jawaabta
    asad <qadar83>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:30:43 (CST)
  20. Jawaab: Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
    Assalaamu calaykum: Walaal waxaan u malaynayaa su'aashaadu in ay xiriir la leedahay waxa ay ku magacaabaan "maalinta jacaylka" ama "Volontain day" oo ah maalin ay reer galbeedku dhahaan waa maalintii jacaylka.

    Marka walaal in wax la jeclaado ama dad ha ahaadeen ama xoolo ha ahaadeene waa xaqiiqo jirta, oo Ilaahayba kitaabkiisa wuxuu ku sheegay in dadku jecelyihiin xoolaha iyo carruurta iyo haweenka iwm.

    Marka jacayl ma jiraa su'aasha ah, jawaabteedu waa "haa" wuu jiraa, laakiin "Volontain day" maxay tahay, maalin jacayl ma tahay mise maya? waa arrin kale oo aan dib kaga jawaabi doono inshaa allaah, maqaal ayaan ku faahfaahin doonaa arrinkaas ee ka eeg bogga ahlusunnah caawa insha allaah. Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:28:58 (CST)
  21. Su'aal: Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
    Assalaamu calaykum: walaalayaal. waxaan rabaa in aan ogaado waxa uu ka dhigan yahay kalmada jaceelka ma wax jiraa waa su'aal?
    Fozia Hassan <idhauroon>
    - Monday, February 13, 2006 at 16:16:12 (CST)
  22. Jawaab: Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
    Assalaamu calaykum. Walaal waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay ma aha hal iyo laba oo kaliya, kumana xusna kitaabka towxiidka ee uu qoray cabdulwahhaab, ee meelo kale ayay ku qoranyihiin aniga ayaana kuu sheegaya haddii aadan igu kalsoonayn, oo aad adigu aqoon aad ku akhriso kutubtaas leedahay oo aad ku fahamto waan kuu tilmaamayaa meelaha aad ka helayso kufriyaadka wahhaabiyada.

    Waxaanse doonayaa in aan kuu sheego in ay wahhaabiyadu ku kufrisay masaa'il badan, waxaana ugu mudan oo si cad aad u fahmi kartaa kuwan:
    1. In Shiikhooda Ibn Taymiyyah ku caddeeyay kitaabkiisa Majmuucul Fataawaa, juska 4aad, baalka 374 in Ilaahay Carshiga ku fadhiyo oo uu meel uga banneeyay Nabi Muxamad si uu ugula fariisto carshiga, taasina waa tashbiih iyo tajsiim cad, culumada oo dhanna way isku raacsanyihiin in uu hadalkaasi kufri yahay.

    Diinta Islaamka meel ay uga soo aroortay ma jirto in Ilaahay carshiga ku fadhiyo oo nabiguna kula fariisan doono carshiga dushiisa oo uu meel Ilaahay uga banneeyay carshiga si nabigu ugu fariisto! Way jiraan qaar yiri Ilaahay wuxuu joogaa carshiga dushiisa, kuwaasi waxay ku dhegeen daahirka aayadda quraanka ku soo aroortay ee loo yaqaan aayadda "Istwaha" Daha: 5, laakiin qof tiri waxa Ibn Taymiyah sheegay kuma jirto muslimiinta, ee waa Israa'iiliyaat Yahuudda laga soo baawsaday.

    2. Midda labaad Ibn Cabdulwahhaab wuxuu rasaa'ilkiisa ku caddeeyay in towxiidku saddex u qaybsamo, eeg: Rasaa'ilkiisa, bogga: 146, 145. iyo addurar as-suniyah: juzka 2aad, baalka:34-36.

    Qaybinta towxiidka loo qaybshay saddex, ee uu ka dhigay Rubuubiyo iyo Uluuhiyo iyo Sifaat waa tathliith qayaxan waana midkii nasaaradu ku dhacday ee shirkiga ahaa, Ilaahayna wuxuu quraankiisa ku caddeeyay in ay kufriyeen kuwii yiri "Ilaahay waa saddex midkood".

    3. Ibn Cabdulwahhaab wuxuu kufriyay muslimiinta oo dhan laga billaabo kuwa maanta jooga ilaa laga gaaro qarnigii 3aad ee hijriyada, qofkii muslimiinta oo dhan kufriyana asiga ayaa kaafir ah, maxaa yeelay xaddiiska nabiga ayaa inoo sheegay in aanan umaddiisu dhammaantood lumayn. Fiiri Rasaa'ilkiisa, bogga186-187, si cad ayuu u yiri: aniga qof aan ahayn ma fahmin macnaha towxiidka tan iyo qarnigii saddexaad, taasna ujeedadeedu waa in ay gaalo ahaayeen oo aanay towxiidka fahmin intii asiga ka horraysay, iyo inta maanta joogta ee aanan mad-habtiisa lunsan raacin.

    4. Ibn Taymiyyah wuxuu ictiqaadsanyahay in Carshigu Qadiim yahay oo soo jireen yahay, sidaa ayuuna ku caddeeyay kutubtiisa, culumaduna waxay isku raaceen in uu gaal yahay qofkii ictiqaada in ay jiraan wax soo jireen ah oo qadiim ah oo aan Ilaahay ahayn.

    5. Ibn Taymiyyah wuxuu ku andacooday in ay Naartu dhamaanayso, taasna wuxuu ku beenshay quraanka oo caddeeyay in ay ahlu naarku ku waarayaan waligood naarta.

    Marka walaal masaa'ilkaas oo dhan waa masaa'il caan ah oo culumadu ku kufrisay Ibn Taymiyah iyo wixii ku daba tukada sidi wahhaabiyada, qofkii waxaa aaminsan waa kaafir Ilaahayna ma yaqaan, ama ha caabudo ama yuusan caabudin taasi micne malaha maxaa yeelay maba uu yaqaan Ilaahay qofkaas, qof aanan Eebbe aqoonna cibaado ka ansixi mayso.

    Marka walaal tusaale intaas ayaa kuugu filan, halkan kuma wada sheegi karo masaa'ilka kufriyaadka ah ee wahhaabiyadu aaminsantahay oo ay ku kufrisay, waana masaa'il aad u badan oo aanan halkan lagu wada sharxi karin, kutubta ay ku qoreenna qaar waan kuu tilmaamay haddii aad akhrin karto oo aad fahmayso hadalkooda. Marka waxaan Ilaahay kaaga baryayaa in uu cilmiga nuurkiisa ku tuso.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, February 13, 2006 at 07:41:15 (CST)
  23. Su'aal: Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
    Shiikh waad ku mahadsantahy jawaabtii aad iga siisey maalinti carfa iyo inaan saladii soo celiyo laakin waxaan rabaa inaad ii tilmaanto baalka iyo baabka ey kaga taal kitaabka tawxiidka ee sh. c/wahaab qorey waxyaabaha aad ku gaaleysey oo ey kamid tahey tashbiihda iyo tamthiilka aad ku sheegtey wahaabiyo.
    Sadexle <sadexle22>
    - Monday, February 13, 2006 at 07:15:47 (CST)
  24. Jawaab: Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?
    Asalaamu caleycum: Walaal Xajka arkaantiisa iyo waajibaadkiisa qofkii la yimaada wuu ka ansaxayaa, taasina kuma xirna imaamka dadka tujinaya ee waxay ku xirantahay qofka xajka gudanaya oo laga rabaa in uu la yimaado waajibaadka oo dhan, marka xajkaagu wuu ansaxayaa inshaa allaah haddii aad dhammaan soo buuxisay waajibaadkiisii.

    Salaadda aad ku daba tukatay imaamka wahhaabiga ah waa in aad soo celiso, mana ansaxayso, maxaa yeelay haddii imaamku aaminsanyahay mad-hab tajsiim ah ama tashbiih ah ama tam-thiil ah sida wahhaabiyada, salaaddii lagu daba tukado ansixi mayso, qofku haddii oo hubsado in imaamka caqiidadiisu fasahaadsantahayna waa in uu soo celsho salaaddii uu ku dabatukaday.

    Kolka walaal, xajku wuu ansaxayaa maxaa yeelay salaaddaha faradka ah shardi ka mid ah shuruudaha xajka ma aha. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, February 12, 2006 at 18:21:43 (CST)
  25. Su'aal: Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?
    Asalaamcaleycum: shiikh anigu xajka ayaan aadey berya hore, maalintii carafana waxaa dadka u khudbeeyey tujiyena nin maalintaa dad yaqaana iigu sheegeen inuu kamid yahey culimada wahaabiyada, kolka salaadayadu sidey noqon xajkayaguna siduu noqon?
    Sadexle <sadexle22>
    - Sunday, February 12, 2006 at 18:16:20 (CST)
  26. Su'aal: Shiikhow waxaan ku waydiinayaa afar su'aalood
    Asalaamu calaykum: Walaal Dulmar:
    1. Haweenku in ay is qurxiyaan way bannaantahay, qoridda ilkuhuna waxay ka mid tahay isqurxinta ee ma aha bedelid la bedelayo khalqiga Ilaahay, xadiiska caa'isho laga soo weriyay ayayna culumadu soo daliilsadeen in ay u bannaantahay haweenayda in ay samayso wax kasta oo ay isku qurxinayso, waxay dheheen waxaan bannaanayn in ay timaha madaxa oo dhan xiirto, inta kale way banneeyeen.

    2. Barafuunka waa la marsan karaa, dibaddana way u bixi karaan, cid diiddan culumada arrinkaas ma jirto, caa'isho ayaa ayadana laga soo weriyay in ay bixi jiretay ayada oo iscarfisay oo catar isku daadisay, culumadu waxay dhaheen, haddii aanay haweenaydu u baxayn fidno awgeed, oo aanay isu carfinayn fidno awgeed, ee ay u baxayso danaheeda gaarka ah sida dukaanka aadiddiisa ama wax barasho ama shaqo, dhammaan culumadu way banneeyeen in haweenaydo baxdo oo danaheeda qabsato ama ha iscarfiso ama yaaney iscarfine.

    Qofkii yiraahda Ilkaha qoristoodu ma bannaana oo waa bedelidda khalqiga Ilaahay waa jaahil, maxaa yeelay, culumadu way isku raaceen in ay bannaantahay in iligga la siibo haddii uu foolxunyahay, marka yaa daran ma siibidda mise qoridda! haddii ay bannaantahay in aad iligga iska siibto haddii uu qallocanyahay ama jirranyahay, ama uu foolxunyahay, maxay u bannaan waysay in la qoro oo la qurxiyo ama la toosiyo haddii uu waynyahay, sida hadda gabdhuhu yeelayaan oo ay biraha gashanayaan afka si ay u qurxiyaan ilkaha!! Khalqi waxaa laga wadaa abuurista qaabka kore ee jirka, ee loogama jeedo xubnaha yaryar ee jirka ka mid ah sida cidiyaha iyo ilkaha iyo timaha iwm. Sidaa darteed, timaha jariddooda iyo ilkaha siibiddooda ama qoriddooda iyo toosintooda iyo ciddiyaha midabayntooda dhammaan ma aha bedelidda khalqiga, bedelidda khilqadu waa bedelidda qaabka ilaahay u uumay dadka, sidi qofkii doonaya in uu labada gacmood ku socdo, ee lugaha wax ku cuno, ama doonaya in uu lug iyo gacan ku socdo, marka waxaa bedelmaya qaabkii dadka lagu yaqiin, waxaana isu ekaanaya xayawaankii iyo dadkii, waana waxyaabahaas oo kale waxa la diiday ee ma aha isqurxinta.

    Wahhaabiyada ayaa diidday in ay haweenku baxaan
    Kooxda wahhaabiyada ayaa ku andacootay in aanay haweenka u bannaanayn in ay aqalka ka baxaan ayaga oo aanan nimankooda la socon, Ibn Baaz ayaa ku sheegay fataawihiisa mujalladka 4aad, wuxuuna soo daliilsaday aayadda leh "ku nagaada aqalkiinna" wuxuuna khilaafay hadalkii culumada oo dhan, maxaa yeelay culumadu waxay dheen waxaa looga jeedaa haweenka nabiga, ee haweenka oo dhan ma aha sida aayadda billowgeeda laga fahmayo, marka fahamkaas khaldan ayaa keenay in haweenka dalka sacuudiga jooga oo dhan aanay aqallada ka bixin oo laga xaaraantinimeeyay in ay baabuur wadaan, oo shaqo loo diiday.

    Marka waa in laga digtoonaado tafsiirka khaldan ee noocaas ah ee ay wahhaabiyadu dadka barayaan. Soomaalida qaar badan oo ka mid ah sida kuwa Itixaadka ah ayaa waxaas aaminsan oo wahhaabiyada sacuudiga raacsan, khaladkaas ay fahmeen ayaana u geeyay in ay u diidaan haweenka bixitaanka iyo iscarfinta intaba.

    3. Walaal rinjiga cidiyaha la marsado haddii uu daahir yahay oo waxa laga sameeyay ay daahir yihiin salaaddu way ka ansaxaysaa, maxaa yeelay ciddidu jirka ka mid ma aha ee waa dheeraad go'aya.

    4. Walaal axaadiista in la akhristo way fiicantahay, laakiin waa in uu kuu akhriyo qof wax yaqaan oo macallin fiican ah, sidoo kale cajaladaha aad dhegaysato waa in ay ahaadaan qaar ay duubeen dad wax yaqaan.

    Diintu Cabsi iyo Argagixis ma aha
    Marka walaal diintu argagax dadka uma keento cabsina dadka uma keento, diinta iyo wacdiga qofkii dhegaysta waa in qalbigu u qaboobo, oo uu raaxo xagga jismiga ah iyo mid xagga qalbiga ah iyo mid xagga maskaxda ah dareemo.

    Marka haddii aad dareemayso cabsi iyo argagax kolka aad dhegaysato diinta, waxaan qabaa dadka aad diinta ka barato ayaa sixun wax kuugu sheega, ama waxaad dhegaysatay qaarka dadka uun cabsiiya ee diinta sida xun u fasira.

    Axaadiista qofkasta ma fahmi karo ujeedadooda
    Midda kale, axaadiista qof kasta ma fahmi karo ujeedadooda, maxaa yeelay waxaa jira hadal badan oo culumadu ka dhahday axaadiista, marka hal xaddiis oo kaliya xukun lagama soo saari karo badanaa, sidaa darteed, haddii aad xaddis akhriso ee aad mas'alo ka fahamto, taas macnaheedu ma aha in xukunka sharciga ah sidaa yahay, waxaadna u baahantahay in aad qof culumo ah waydiiso oo aad la tashato.

    Talo iyo waano
    Hadaba Dulmareey waxaan kugula talinayaa adiga iyo kuwa kula midka ahba in aadan xaddiiska waxyaabaha aad ka akhrisaan xukun sharci ah ku salayn, ee aad u akhrisataan cilmi ahaan, sidoo kale waxaa wanaagsan in aad siirada Nabiga nnk iyo Asaxaabta siiradooda akhrisato intii aad Xaddiiska akhrin lahayd, maxaa yeelay siirada ayaa sahlan, xaddiisku wuxuu u baahanyahay aqoon badan oo ku saabsan xagga sanadka iyo matniga iyo usuusha iyo luqadda carabiga iyo madaahibta culumada iyo hadalkooda ay ka dhaheen xaddiiskaas iyo masaa'il badan oo noocaas ah, marka ma sahlana in qof xaddis iska akhriyo ee xukun ka soo saarto sida wahhaabiyadu yeelayso, waana manhaj khaldan oo marnaba aanan waafaqsanayn shareecada islaamka.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 09, 2006 at 08:52:41 (CST)
  27. Su'aal: Shiikhow waxaan ku waydiinayaa afar su'aalood
    Asalaamu calaykum, shekh jazaakallaahu kulilkhayr jawaabaha waafiga ah ee aad nasoo siisid. Shekh waxaan rabaa 3 su'aalood in aan ku waydiiyo:
    1. Su'aashan waxaan kala soo dhexbaxay jawaab aad ayaan dhawayd bixisay oo ahayd in ay dumarku wax kasta isku qurxin karaan, dumarku ilkaha hadii ay qortaan sow macnaheedu maahan in ay abuuritaankii ilaahay ay wax kabadalayan?
    2. Su'aasha kale mabanaantahay in aan barafun isku shubo oon suuqa aado?
    3. Manakiirka cidiyaha salaadu maygu baxaysaa?
    4. Su'aasha u danbaysa sheakhow waxaan isku hayaa cabsi daran markaan akhristo axaadiista iyo markaan dhegaysto muxaadaroyinka marka taas macnaheeda maxaa weeyaan, maxaanse sameeyaa?
    Aad baad umahasantahay.
    dulmar <fardoowsosalah>
    - Thursday, February 09, 2006 at 08:31:50 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  2. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  3. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  4. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  5. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  6. Page [23]
  7. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  8. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  9. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  10. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  11. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  12. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  13. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  14. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  15. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  16. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  17. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  18. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  19. Page [22]
  20. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  21. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  22. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  23. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  24. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  25. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  26. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  27. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  28. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  29. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  30. Page [21]
  31. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  32. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  33. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  34. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  35. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  36. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  37. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  38. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  39. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  40. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  41. Page [20]
  42. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  43. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  44. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  45. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  46. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  47. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  48. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  49. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  50. Page [19]
  51. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  52. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  53. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  54. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  55. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  56. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  57. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  58. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  59. Page [18]
  60. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  61. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  62. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  63. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  64. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  65. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  66. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  67. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  68. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  69. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  70. Page [17]
  71. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  72. Khamrigu ma daahir baa?
  73. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  74. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  75. Page [16]
  76. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  77. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  78. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  79. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  80. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  81. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  82. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  83. Page [15]
  84. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  85. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  86. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  87. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  88. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  89. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  90. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  91. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  92. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  93. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  94. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  95. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  96. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  97. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  98. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  99. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  100. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  101. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  102. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  103. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  104. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  105. Xijaabka haweenku waa noocee?
  106. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  107. Page [14]
  108. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  109. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  110. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  111. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  112. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  113. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  114. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  115. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  116. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  117. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  118. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  119. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  120. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  121. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  122. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  123. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  124. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  125. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  126. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  127. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  128. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  129. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  130. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  131. Kabaha ma ku tukan karaa?
  132. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  133. Page [13]
  134. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  135. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  136. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  137. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  138. Sheekhow iisoo ducee...
  139. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  140. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  141. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  142. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  143. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  144. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  145. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  146. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  147. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  148. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  149. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  150. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  151. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  152. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  153. ma haboon tahay nin aan..?
  154. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  155. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  156. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  157. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  158. Page [11]
  159. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  160. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  161. Mahadnaq iyo bogaadin
  162. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  163. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  164. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  165. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  166. Qof dhintay mala baryi karaa?
  167. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  168. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  169. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  170. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  171. Page [10]
  172. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  173. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  174. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  175. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  176. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  177. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  178. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  179. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  180. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  181. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  182. Is Khat Haram or Halal?!
  183. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  184. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  185. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  186. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  187. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  188. Page [9]
  189. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  190. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  191. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  192. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  193. waxaa jira in leeyga digay..!
  194. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  195. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  196. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  197. Page [8]
  198. xukunka taariku salaadka
  199. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  200. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  201. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  202. Salaan iyo Bogaadin..

  203. Page [7]
  204. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  205. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  206. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  207. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  208. Page [6]
  209. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  210. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  211. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  212. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  213. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  214. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  215. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  216. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  217. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  218. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  219. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  220. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  221. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  222. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  223. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  224. zakada dahabka laga bixiyo..
  225. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  226. members of one of the Somali clans..
  227. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  228. Waan kirishtaamay...
  229. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  230. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  231. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  232. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  233. qoladasi isku diin ma nihin..
  234. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  235. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  236. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  237. Page [5]
  238. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  239. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  240. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  241. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  242. Page [4]
  243. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  244. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  245. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  246. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  247. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  248. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  249. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  250. Page [3]
  251. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  252. Midnimada Muslimiinta..
  253. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  254. Islam is not a violent Religion
  255. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  256. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  257. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  258. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  259. Maxay tahay (Nashuusho)?
  260. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  261. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  262. Page [2]
  263. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  264. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  265. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  266. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  267. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  268. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  269. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  270. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  271. Page [1]
  272. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  273. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  274. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  275. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  276. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  277. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  278. Ilaah baa ku qancin kara..!
  279. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]