|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. Jawaab: waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood
    Assalaamu calaykum: walaal jawaabihii su'aalahaagu waa sidan:

    Qaybta 1aad: Lacagta Ribada ah
    Midda hore ee aad tiri: Bangiga lacagta aan dhigto dulsaarkeeda ma qaadan karaa? Culumadu lacagta noocaas ah ee ku timaada mucaamalada ribada ah ama khamaarka iwm saddex qaybood ayay u qaybsheen:

    A. Mucaamalo muslim iyo muslim ka dhaxaysa, waxayna isku raaceen in ay xaaraan tahay, oo aanay bannaanayn in laba qof oo muslim ah ribo ku kala qaataan xoolo ama qamaar ku kala qaataan xoolo, ama ha joogeen dhulka muslimiinta ama ha joogeen dhulka gaalada.

    B. Mucaamalo Gaal iyo muslim u dhaxaysa ayada oo la joogo dhulka muslimiinta, taasna culumadu waxay isku raaceen in ay xaaraan tahay, oo aanay bannaanayn in qaab ribo ah ama qamaar ah qof gaal ah xoolihiis lagu qaato haddii gaalkaas joogo dhulka muslimiinta oo uu halkaas ku noolyahay.

    C. Mucaamalo u dhaxaysa, muslim iyo gaal ayada oo la joogo dhulka gaalada, mas'aladan culumada qaar way diideen qaarna way banneeyeen, waxayna dhaheen, haddii qof muslim ah uu joogo dhulka gaalada oo uu ribo ama qamaar xoolo uga qaato gaalada asiga oo aan khiyaamin, xoolahaasi waa u xalaal.

    Goormay Ribada iyo Khamaarku xalaal noqonayaan
    Marka walaal sida kaaga muuqata hadalka culumada, mad-habta xanafiyadu waxay qabtaa in ay xalaal yihiin xoolaha uu qofka muslimka ah ribo ama khamaar uga qaato gaalada asiga oo jooga dalka gaalada, laakiin waxay diideen in la khayaamo ama la dhagro gaalada, oo ma bannaana in xoolaha gaalada khiyaamo ama dhagar lagu qaato.

    Sidaa darteed, lacagta dulsaarka ah ee aad sheegtay, haddii aad dhigatay banki gaalo leedahay oo ku yaalla wadan gaalo oo aad halkaan joogto kuna nooshahay, oo lacag dulsaar ah laguu saaro lacagtaadii, dulsaarkaasi waa xalaal sida uu qabo Imaam Abuu Xaniifa allaha ka raalli noqdee.

    Faahfaahin: haddii aad u baahato ka fiiri kitaabka (al-Mabsuud ee uu qoray al-callaamah al-Sarakhsi, mujalladka 14aad, baalka 56aad). Sidoo kale fiiri: (Durr al- Muxtaar calaa addur al-Mukhtaar, juzka 3aad, baalka 249. Sidoo kale fiiri (al-Insaaf fi Macrifati ar-Raajixi minal Khilaaf, juska 5aad, baalka 52) sidoo kale fiiri, (al-Xaafid az-Zaylici, Nasbu ar-Raayah, juzka 4aad, baalka 52). Dhammaantood waxay caddeeyeen in Imaam Abuu Xaniifa iyo Muxamad Bin Xasan al-Shaybaani labaduba banneeyeen in gaalka ribo laga qadan karo khamaarna xoolo looga qaadan karo, xoolo mayto ahna laga iibin karo haddii uu joogo dalkiisa oo uusan joogin dalka muslimiinta. Waxayna Soo daliilsadeen Xadiiska Makxuul laga soo weriyay, iyo qisadii Abuubakar ee ku timiday aayadda ar-Ruum 1-3, iyo akhabaar kale oo dhammaantood caddaynaya mas'aladan.

    Qaybta 2aad: Nikaaxa Mutcada ah
    Walaal Nikaaxa mutcada ah culumada ahlusunnada ah oo dhan waxay isku raacsanyihiin in uu xaaraan yahay, nikaaxaas markii hore Nabigu nnk wuu banneeyay, kadibna waa la joojiyay, kadibna waa la banneeyay, ugu dambaystiina waa la joojiyay, sidaa ayaana culumadu dhammaantood fatwoodeen.

    Wahhaabiyada iyo Shiicada ayaa Mutcada bannaysay
    Mad-habta Shiicada ayaa bannaysay mutcada, sidoo kale waxaa banneeyay Firqada Wahhaabiyada, laakiin labada kooxood waxaa u dhexeeya, in wahhaabiyadu shardi uga dhigayso in aanan gabadha loo sheegin waqtiga uu ninku damacsanyahay in uu furo, oo ninku qalbigiisa ku haysto.

    Macnaha naagta wuu guursanayaa asiga oo niyada ku haysta in uu berri iska furo, laakiin u sheegi maayo ayada oo wuxuu ku leeyahay waan ku guursanayaa oo kaliya.

    Nikaaxa noocaas ah waxaa xalaaleeyay Ibn Baaz oo ahaa Wahaabiyada Muftigooda, wuxuu ku xusay mujalladka afaraad ee fataawihiisa.

    Marka walaal labadaas kooxood wixii aan ahayn muslimiinta intooda kale ee ahlusunnada ah waxay raaceen sunnadii nabiga nnk iyo amarkiisii, waxayna dheheen mutcadu waa xaaraan, mana bannaana.

    Qaybta 3aad: Guurka aanan waalidka laga idan qaadan
    Haddii naagtu gabar yar tahay oo aanay horey u guursan, waa in waalidka laga idan qaato haddii ay joogaan, ama waligeedii haddii uu joogo, haddii aanan waligii joogin qaalliga ayaa kugu mehrinaya gabadha.

    Haddii ay gabadh wayn oo wax baratay tahay, ama naag hadda kahor soo guursatay tahay, oo aanan waligeedii joogin, ayada ayaa qof wakiilanaysa ama shiikha wakiilanaysa ama qaalliga wakiilanaysa ayada ayaana gaaraysa go'aanka guurkeeda, xataa haddii waalidkeed joogo xaq uma laha in ay mehriyaan ayada oo aan ogayn ama raalli ka ahayn.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Monday, February 06, 2006 at 17:08:25 (CST)
  2. Su'aal: waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood
    A/w dr/shiekh waxaan jeclahay inaan ku waydiiyo 3 su aalood oo diini ah waaxa ay kala yihiin sidaan:
    1. Hadaan dhigto lacag bangi oo ay sanad kasta kusiyaado haafkeed diinta islaamka ma xaaraan tinimaynaysaa mise waa caadi oo waan dhigan karaa?
    2.Hadaan guursado gabar ah shiico aan doonayo inaan haysto mudo cayoman sida ay qabto diinta ama mad-habta shiicada masamaynkaraa sidaas mise waa xaaraan?
    3. Hadaan gabar aan wada sheekaysano oo aan ku heshiino inaan is kuguursano waalid keedna ay ku maqan yihiin dal aad u fag amaba uu joogo idinla aan ma is mahersan kartaan gabadhaas mise waa maya? wabilaahi towfiiq.
    Omar A Hashi <mrhashi11>
    - Monday, February 06, 2006 at 16:43:54 (CST)
  3. Jawaab: Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
    Assalaamu Calaykum: walaal, qofkii been ku dhaarta wuxuu falay dambi weyn oo falkaasi wuxuu ka mid yahay "kabaa'irta", marka waxaa ku waajib ah qofkaas in uu si degdeg ah u toobadkeeno.

    Midda labaad beenta sheegiddeedu waa afar jaad:
    1. Beenta laga sheego Eebbe iyo Nabigiisa: Beentaas waa "kufri" haddii qofku asiga oo uu Alle iyo Nabigiisa ku been abuurto.

    2. Beenta dhibaato ka soo gaarayso dadka, sida qofkii been qof kale u sheega ee dhibaato kaga timaado beentaas, beenta noocaas ah waxay ka mid tahay "kabaa'irta" qofkii falana waa in uu ka toobad keeno si degdeg ah.

    3. Been aanan dhibaado dadka uga imaanayn, oo uu qofku isaga hadlo, taasina waa dambiyada yaryar, oo "saqaa'uirta ah" ayada qofku waa in uu ka toobad keeno waana in uusan caado ka dhigan sheegidda beenta yaryar.

    4. Beenta bannaan ee "Jaa'iska ah" waana saddex qaybood:
    a. Beenta ninku naagtiisa u sheegayo si uu u raalli gelsho ama naagtu u sheegayso ninkeeda si ay u raalligeliso. b. Beenta uu qofka muslimka ah sheegayo si uu u heshiisiiyo laba muslim oo dagaashan. c. Beenta dagaalka uu ka sheegayo qofka muslimka ah si muslimiintu dagaalka ugu guulaystaan.

    Afartaas qaybood ayaa culumadu sheegeen, mid kastana xukun ayay u yeeleen, marka sidaa u kala faham walaal. khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, February 05, 2006 at 19:54:07 (CST)
  4. Su'aal: Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
    asc/wrwb/shikhow marka hore iga gudoon salaan 114 quraanka cadadiisa ay dhantahay, salaan ka dib shiikhow waxaan ku waydiinayaa:
    Been ninkii ku dhaarta dambigiisa ma ween yahay? tan 2aad beenta mar ay banaantahay ma jirtaa, waase goormee? ii soo sheek iina soo jabaab jazaukalaahu khayral jazaa. asc wr wb.
    mad_gurey <mad_gurey>
    - Sunday, February 05, 2006 at 17:37:17 (CST)
  5. Jawaab: Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
    Assalaamu calaykum, walaal haddii aad attaxyaadka dhamayso oo imaamkii wali ku jiro attaxyaadka waxaad akhrisan kartaa wixii duco ah ee aad doonayso in aad akhriso, haddii aadan duco aad akhriso aqoon iska aamus oo sug imaamka inta uu ka dhamaynayo oo ka salaama naqsanayo.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, February 05, 2006 at 03:23:15 (CST)
  6. Su'aal: Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
    asc/wr wb shikhow iga gudoon salaan ay ka so goday in tiiba islaam ah, shikhow waxaan rabaa in aan ku waaydiiyo khayr alaha ku siiyee in taad ii faaidaysay, masjidka salaadda lagu jiro haddii aan ku gaaro ka dibna ataxyaadka loo fariisto dadaka dhan ataxyaadka wada aqrinayaan imaamkana ataxyaadka uu dheereyo anigana ataxyaad dheer aan aqoonin, ma iska aamusnadaa maxaan sameeyaa ilaa imaamka ka salama noqsanaya? ii soo jabaab asc/wrwb.
    shaafici <kooshan1>
    - Sunday, February 05, 2006 at 03:21:04 (CST)
  7. RE: Salaan iyo Xiriir: Shiikh waxaan joogaa Newzealand magaalada wellington..
    Assalaamu calaykum: Walaalayaal Abdirashiid iyo jamaacadiisa, waad mahadsantihiin, waana idinku soo dhawaynayaa bogga ahlusunnah wal-jamaacah, waana xiriiri doonnaa inshaa allaah.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, February 05, 2006 at 03:08:09 (CST)
  8. Salaan iyo Xiriir: Shiikh waxaan joogaa Newzealand magaalada wellington..
    Assalaamu calaykum: waan ku salaamay shiikh, waad mahadsantahay sida wanaagasan aad dadka diinta ugu sheegtit, ilaahay hakaa ajirsiiyo adduun iyo aaqiro.
    Shiikh waxaan joogaa Newzealand magaalada wellington dariiqada qaadiriyo xarta rabiiciyo, waaxaan kaa rabaa wexii talo ah, inaad emailka keyga iigu soo dirtit, waxaan rabnaa inaan kula sooxariino.
    Abdirashid <Abdirashidw>
    - Sunday, February 05, 2006 at 03:06:00 (CST)
  9. Su'aal: Qofkii diinta caaya ma muslim baa?
    Assalaamu calaykum: Walaal qofkii diinta caaya ama ku jeesjeesa ama Ilaahay caaya, ama ku jeesjeesa, ama Nabiga caaya ama ku jeesjeesa, waa gaal, haddii uu muslim ahaana waa murtad, waxaana ku waajib ah in uu diinka degdeg ugu soo laabto asiga oo ashahaadanaya, daliilna waxaa u ah aayadda 65-66aad ee suuradda at-towbah ee uu Eebbe ku yiri: (Waxaad ku dhahdaa, ma Eebbe iyo aayadihiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesaydeen. Ha cudur daarana waad kufriseene.."
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, February 05, 2006 at 03:01:44 (CST)
  10. Su'aal: Qofkii diinta caaya ma muslim baa?
    Assalaamu calaykum, Shiikh, qofka caaya diintu waa muslim ma odhan karnaa?
    Mahadsanid.
    aidarus ahmad < shinbir48>
    - Sunday, February 05, 2006 at 02:52:38 (CST)
  11. Jawaab: Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..
    Assalaamu calaykum: walaal, naagtaadu haddii ay deriska dhibayso naseexana kaa yeelayn, deriskuna kaaga soo dacwoonayo, waa dhibaato, waxaanna kugula talinayaa amuuraha soo socda:
    1. In aad diinka wax ka bartid oo aad u dulqaadatid, haddii aadan adigu bari karin qof baraya oo guriga ugu imaanaya u raadi.
    2. Haddii ay diinka wax ka barato salaadda in ay tukato ku guubaabi, Ilaahayna ku cabsii oo Ilaahay ka cabso ku dheh, macallinka diinka barayana u sheeg in uu wacdiyo.
    3. Adiga waxaa lagaa rabaa in aad sabartid oo dulqaad labanlaab ah la timaadid, oo aadan marnaba ku xanaaqin siiba haddii ay carruur kuu hayso.
    4. Deriskaaga la hadal oo u sheeg in xaaskaagu xanaaq badantahay oo aad adiguna u sabraysid, ayaga waydiiso in ay u sabraan oo ku caawiyaan sidii aad haweenaydaada u toosin lahayd.

    Marka walaal waxa ugu muhiimsan ee loo baahanyahay haweenka waa diinka, badanaa waxaa dhaca nimanku in ay arrinkaas iska dhega tiraan, oo haweenkii aan diinka la barin, taasina waxay keenaysaa in ay haweenkii faraha ka baxaan oo ay ninkeeda isxtiraami diiddo, maxaa yeelay ma taqaan xuquuqda uu ninku leeyahay iyo kuwa ay leedahay, inkasta oo ay Islaam ismoodayso oo ninka sharci islaam ku qabto, hadana islaamkii lama barin, marka dambigaas waxaa leh nimanka, ama naagta ninkeeda ama aabaheed iyo ciddii soo korisay oo soo tarbiyaysay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 02, 2006 at 23:40:32 (CST)
  12. Su'aal: Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso oo aanay naseexada yeelayn, maxaan ku sameeyaa?
    asc/wr wb shiikhow iga raali ahaaw, waxaan ku waydiinayaa: nagtayda hadii dariska dhibayso, laakiin anigana aan dhib ku qawin, lakiin qof walba igaaga soo araaranaayo, anigana see wax aan yeelaa! inaan furana ma jacli naagtayda, hadalna igama maqlayso! shiikow iga soo gaar!
    omar sha <kooshan1>
    - Thursday, February 02, 2006 at 23:32:18 (CST)
  13. Jawaab: Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal, tiishuuga ama maryaha cad ee waraaqaha khafiifkaa ah ee musqulaha loo adeegsado xukunkoodu waa xukunka dhagaxda iyo qoryaha, sidaa darteed, qofkii ku astajooda way ka ansaxaysaa haddii uu sidii loo baahnaa u adeegsado.

    Waraaqahaas tiishuuga ah waa xaashi laga sameeyay qoray ama alwaax ama xaashiyo kale oo dib loo adeegsaday, marka way bannaantahay in algu astajoodo dabadeedna la waysaqaato oo la tukado waxba kuma jabna inshaa allaah.

    Haddii waraaqahaas laga sameeyay wax asalkoodu najaas ahaa, ama aan daahir ahayn, oo aad hubsato in wixii laga sameeyay ay najaas ahaayeen, markaa ma ansaxayso in lagu dahaaro qaato. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, February 01, 2006 at 07:27:21 (CST)
  14. Su'aal: Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
    waan ku salamayaa wallaal shiikh, waxaan ku su'aalahayaa tiishuuga musqulaha ma lagu istijoon karaa oo ma lagu tukan karaa? wahhaabiyadu waxey leeyihiin wey banaantahay.
    Abdirashid <Abdirasha-idw>
    - Wednesday, February 01, 2006 at 07:22:50 (CST)
  15. Jawaab: Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal naagtaada haddii aad biilka guriga siisay oo uu biilkaas ku filanyahay, hadba sida naagaha asaaggeeda ah ay biishaan, haddii aad bixisay biilkaas, naagtaas xaq uma laha in ay jeebkaaga lacag aadan ogolayn kaa qaaddo, haddii ay qaadatana waa xaaraan.

    Midda labaad, haddii aad doonayso in aad furto, way kuu bannaantahay wax dambi ahna kaa soo gaari mayaan, maadaama aanay maqlayn naseexada, oo aanay ka reebtoomayn xumaanta ay ku kacayso oo ah maqal la'aanta iyo xoolaha aan loo fasixin ee ay qaadanayso, haddii aad furto waxba kaa soo gaari mayaan.

    Marka walaal, haddii aad doonto in aad furto waa in aad furtaa ayada oo daahir ah oo furriinkaagu ha ahaado furriin sunno ah, kaas oo ah in naagta la furo ayada oo daahir ah oo aanan loo tegin kadib markii ay ka qabaysatay caadada.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 23:36:37 (CST)
  16. Su'aal: Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
    asc/wr wb shiikhow adoo raali ah ilaahayna raali haka noqdee, su'aal aan ku wareeray ayaan rabaa in ana ku waaydiiyo raalina iga ahaaw, su'aasheeda waxay tahay:

    Naagtayda hadii jeebkayga lacag kala baxdo aan biilkeedana aan ahayn, hadii aan dhahana lacag jebkayga hakala bixin, biilkaaga aan wax dhimneen marwalba waan ku siiyaa, jeebkayga lacagta aan ogayn dheeradaka aad kala baxaysid kuuma ogoli, ayadana ay igu sii wado mar walba waanadeedana aan ka daalay, hadaan furo ma dambi baa iga soo gaaraya?

    Jawaab inshalaah, waan yaabanahaye saan wax yeelo ayaan la ahayee tuug koreed miyaan is ka ilaashaa mise xaaskayga ayaan is ka ilaashaa! shiikhow iga soo gaar plzzzzzzz asc/.
    omar shariif <sharma_arke>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 23:31:43 (CST)
  17. Jawaab: Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
    Asalaamu caleykum: Walaal Hibo, gabadha aabaheed khasab wuu ku mehrin karaa, laakiin shuruudo ayaa u yaalla arrinkaas, waana sida soo socota:
    1. Shardiga koobaad waa in uusan khilaaf dhex oollin aabaha iyo gabadha, tusaale ahaan, haddii gabadha iyo aabuhu isku haystaan khilaaf xagga xoolaha ah. Gabahd ayaa hooyadeed dhimatay oo xoolo uga tagtay, aabihii si uu xoolaha gabadha uga qaato haddii uu doono in khasab nin ugu daro, taas sharcigu ma ogola.

    Marka haddii gabadha iyo aabaha khilaaf ka dhaxeeyo oo khilaafkaas ku tacaluqo xaq ay gabadhu leedahay, aabaha uma bannaana in uu gabadha khasab ku mehriyo.

    2. Qodobka labaad waa in aabuhu gabadha ku mehriyo nin u qalma, xagga diinka iyo xagga nasabka iyo xagga shaqada, haddii aabaheed ahaa taajir oo uu doono in uu ku khasbo nin kabatole ah, ama aabaheed uu ahaa nin gob ah oo sharf leh sida haddii uu ahaa wasiir ama madaxwayne ama boqor ama safiir iwm, ee uu doono in uu ku khasbo qof ka hoosayda oo xamaali ah ama aabihiis tagsi wado iwm, taas aabuhu xaq uma laha, nikaaxiisuna ansixi maayo haddii aanan gabadhu waafaqin.

    Haddii uu ku khasbo in uu ku mehriyo nin aanan salaadda tukanayn ama aanan jamaacada jimcada tukanayn ama khamriga cabaya nikaaxaas ansixi maayo haddii aanan gabadhu waafiqin.

    Marka labadaas shardi waa in uu ka soo baxo aabuhu inta uusan gabadhiisa khasbin.

    Marka haddii aan soo koobo warka, culumadu waxay dhaheen, haddii gabadhu bigro tahay oo aanay garoob ahayn, oo ninka uu ku merinayo nin u dhigma yahay gabadha dhinaca diinka iyo dhinaca nasabka iyo dhinaca mihnada (shaqada), oo aanan aabaha iyo gabadha khilaaf ka dhaxay, aabuhu wauxuu xaq u leeyahay in uu ku mehriyo gabadha ninkii shuruudahaas buuxsha haddii ay xataa gabadhu diiddo.

    Sikastaba ha ahaatee, waxaa wanaagsan in aabuhu gabadha ku qanciyo in waxan uu samaynayo ay maslaxadeeda yihiin, oo ninkan uu ku khasbayaa uu yahay nin uu soo tijaabshay oo hubsaday in uu gabadha dhaqi doono dhaqaalayna doono. Sidaas ayaa habboon, mana haboona in la khasbo gabdhaha oo lagu dirqiyo dad aanay doonayn ama jeclayn. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 23:26:30 (CST)
  18. Su'aal: Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
    Asalaamu caleykum wr wb: shiikhow adiga oo mahadsan ayaan rabaa in aan su'aal ku weydiiyo, su'ashas oo ah. Ma mehersameysaa Gabar aabaheed mehriyey weliba iyada oo aan raali ka ahayn oo ay diidey ka dibna uu mehriyey, maxay ka qabtaa diintu meherka noocaas ah? Jazaklaah Qeyr shiikhow .
    Hibo <hibo4460>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 22:54:04 (CST)
  19. Jawaab: Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
    Assalaamu calaykum: walaal salma haweenayda waxaa u bannaan in ay is mariso wax kasta oo ay ku qurxoonaanayso ama midab ha ahaadeen ama barafuun ha ahaadeen, ama ilkaha oo qorato ha ahaadeen ama dahab ay dhegaha gashato iyo sanka ha ahaadeene.

    Marka qaacidada guud waa in haweenka islaamku u banneeyay in ay sameyaan wax kasta oo laysku qurxunayo, islaamku wuu u banneeyay waxyaabahaas oo dhan.

    Marka midabka cidiyaha la marsanayo iyo midka korka la marsanayo iyo midka timaha la marsanayo dhammaan waxba kuma jabna wuu bannaanyahay, diintana wax daliil ah oo diidaya kuma soo aroorin. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com >
    - Tuesday, January 31, 2006 at 16:36:37 (CST)
  20. Su'aal: Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
    Assalaamu calaykum: marka hore shiikhow iga gudoon salaan alle xageeda ah, salaan ka bacdi waxaan rabaa in aan ku waaydiiyo - raalina iga ahaaw - kalarka lamarsanayo madaxa maxuu dhib ah oo leyahay iyo madoobeysada cijiyaha lamar sanayo iiga soo jawaab shiqow iyo sanka oo la durto oo dahab la geliyo maxay ka qabtaa diinta shiikhow . jzkl qeyr .
    salma yoonis <salma>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 16:32:18 (CST)
  21. Jawaab: Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
    Assalaamu calaykum, walaal naagta aad sheegtay haddii ay diiddo in aad diinta islaamka ku guursato waxaan kugula talinayaa in aad ka tagto oo iska dhaafto, waxaad helaysaa kuwa ogol in aad islaamka ku guursato oo muslim ah ama kirishtaan ah.

    Marka walaal ma bannaana in naag sharci aan sharci islaam ahayn lagu guursado, ninkii sidaa yeelay ee naagtaa u tagana waa nin sinaystay ee kaas islaaamku guur uma aqoonsana.

    Haddii ay naagtu doonayso in ay caqiidadeeda kitishtaanka haysato waxba kuma jabna, haddii ay doonayso in ay u dabbaal degto feestooyinkooda oo haysato dhaqankooda waxba kuma jabna, laakiin sharciga aad ku guursanayso waa in uu mid islaam ahaado. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 16:29:01 (CST)
  22. Su'aal: Mala guursan karaa naag kishtan ah?
    salaamu caleykum: Naag kirstaan ah ayaa igu xujeeysay inan ku guursado marka hore diinteeda kiristaanka ah, kadibna musilm, laakin wakhti oow udhexeeyo labaadaas guur. waad mahad santihiin.
    fiidow ahmad <jiniqow>
    - Tuesday, January 31, 2006 at 16:23:56 (CST)
  23. Jawaab: Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?
    Assalaamu Calaykum, walaal islaamnimadu ma aha nabiga difaaciddiisa, Islaamku waa caqiido, haddii aadan caqiidadaas oo saxan haysan Islaam ma ihid, ama nabiga nnk difaac ama ha difaacin taasi shaqo kuma laha, daliilna waxaa u ah, Nabiga Adeerkiis Abuu Daalib, oo ahaa ninkii Nabiga ka difaaci jiray gaaladii Quraysh, wuxuu Abuu Daalib ku dhintay gaalnimo, maxaa yeelay caqiidadii toosnayd in uu qabsado ayuu diiday.

    Marka koox wahhaabiyo ah oo istustus nabiga u difaacaya haddii aad u malaysay in ay Islaamkii xaqa ahaa ku taaganyihiin, barabagaandhe ma aha Islaamku ee waa Cilmi aqoon ku salaysan, Sacuudiguna caqiidada ma matalo mana keenin ee Caqiidada Ilaahay ayaa u soo dejiyay caalamiinta, carabna u gaar ma aha.

    In Islaamku diin Carbeed yahay Yahuudda iyo Nasaarada ayaa ku andacoon jiray
    Hadalka wahhaabiyadu waa hadalkii Yahuudda iyo kii Nasaarada, meel kasta oo aad ka eegto wahhaabiyada waxay ku xusuusinayaan Nasaaro iyo Yahuud, subxaana laah, bal u fiirsada, waxay doonayaan in ay diinta ka dhigaan dhaqan carbeed, oo ay ka dhigaan diin carab kaliya u gaar ah oo aanan dadka kale shaqo ku lahayn.

    Culumada Diinta qoray carab uma badnayn ee waxay ahaayeen cajam
    Hadaba qofkii aanan wax aqoon waxaa la gudboon in uu waxbarto, sida taariikhda Islaamka ku cad, oo kutubta Islaamka ku cad, magacyada culumada qoray diinta Islaamka badankoodu waa dad aan carab ahayn, Bukhaari, Muslim, Abuu Xaniifa, Shiiraasi, Saylici, al-Qurdubi, ad-Dabari, qofkii aad doonto soo magacow, wax yar ayaa culumada carab ahaa, taasna waxay daliil u tahay in Ilaahay uu diinkan khalqiga oo dhan u soo dejiyay, marka wahhaabiyo haddii ay maanta damacday in ay diinka dhaqan carbeed u beddesho taasi waa mid aan ahaanayn ee ku bishaaraysta.

    Nabiga Mustashriqiinta ayaa difaacay
    Waxaa ka mid ah Mustashriqiinta difaacay ee ammaanay Nabiga nnk Mecheal Heart ninkii qoray kitaabkii "Boqolkii qof ee adduunka ugu sarreeyay" oo ku qoray Muxamad ninka 1aad, marka ma waxaad leedahay wuxuu ahaa Muslim? Subxaana laahi, Ilaahow Cilmiga nuurkiisa na tus.

    Tacasubka Indha la'aanta ah iska daaya walaal
    Marka Ilaahay ka baqa walaalayaal, tacasubku waa shay aad u xun, Ilaahay wuxuu yiri "Nacayb aad qoon u qabtaan dartiis xaqa ha uga leexana" aayadda macnaheedu waa sidaas, marka qofka muslimka ah waxaa la gudboon in uu cilmiga nuurkiisa raaco, oo xaqa ku dhego, oo xigmadda qabsado, tacasubka iyo nifaaqa iyo jahliga iyo dhammaan sifooyinkaas xunna uu ka tago.

    Marka qofka u malaynaya in islaannimaduba tahay nabiga difaaciddiisa oo cilmigiisuba intaas la egyahay, ma bannaana in uu ijtihaado oo uu fatwoodo oo uu culumada reddiyo, ee waxaa la quman in uu wax barto marka hore, oo kutubta billowga ah soo akhristo, sida safiinada iyo Caqiidada kana akhristo kutubta ahlusunnada kana barto qof caalim ah oo lagu kalsoon yahay.

    Marka walaalka su'aashan ina waydiiyay waxaan kula talin lahaa in uu akhriyo ama dhegaysto duruusta webkan ku jirta oo qofkii billow ah wax badan ka baran karo, marka aad intaa dhegaysato oo aad akhrisato qoraallada halkan ku jira ayaad inshaa allaahu u gudbaysaa kutubta carabiga ku qoran oo aad baranaysaa wixii Ilaahay kuu qadero.
    Ilaahay towfiiqada ha ku waafajiyo.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 18:07:58 (CST)
  24. Su'aal: Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?
    Sheekh hirsi, Sidey isu gashaa wahaabiyo waa gaalo hadana ey difaacaan rasuulka (csw)?
    Chango Omar <Chango Omar>
    - Monday, January 30, 2006 at 17:46:06 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  2. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  3. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  4. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  5. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  6. Page [23]
  7. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  8. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  9. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  10. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  11. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  12. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  13. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  14. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  15. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  16. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  17. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  18. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  19. Page [22]
  20. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  21. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  22. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  23. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  24. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  25. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  26. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  27. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  28. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  29. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  30. Page [22]
  31. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  32. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  33. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  34. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  35. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  36. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  37. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  38. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  39. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  40. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  41. Page [21]
  42. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  43. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  44. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  45. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  46. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  47. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  48. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  49. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  50. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  51. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  52. Page [20]
  53. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  54. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  55. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  56. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  57. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  58. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  59. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  60. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  61. Page [19]
  62. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  63. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  64. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  65. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  66. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  67. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  68. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  69. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  70. Page [18]
  71. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  72. Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  73. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  74. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  75. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  76. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  77. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  78. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  79. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  80. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  81. Page [17]
  82. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  83. Khamrigu ma daahir baa?
  84. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  85. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  86. Page [16]
  87. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  88. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  89. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  90. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  91. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  92. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  93. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  94. Page [15]
  95. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  96. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  97. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  98. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  99. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  100. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  101. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  102. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  103. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  104. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  105. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  106. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  107. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  108. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  109. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  110. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  111. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  112. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  113. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  114. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  115. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  116. Xijaabka haweenku waa noocee?
  117. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  118. Page [14]
  119. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  120. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  121. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  122. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  123. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  124. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  125. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  126. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  127. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  128. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  129. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  130. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  131. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  132. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  133. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  134. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  135. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  136. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  137. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  138. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  139. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  140. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  141. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  142. Kabaha ma ku tukan karaa?
  143. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  144. Page [13]
  145. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  146. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  147. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  148. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  149. Sheekhow iisoo ducee...
  150. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  151. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  152. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  153. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  154. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  155. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  156. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  157. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  158. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  159. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  160. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  161. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  162. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  163. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  164. ma haboon tahay nin aan..?
  165. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  166. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  167. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  168. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  169. Page [11]
  170. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  171. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  172. Mahadnaq iyo bogaadin
  173. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  174. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  175. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  176. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  177. Qof dhintay mala baryi karaa?
  178. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  179. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  180. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  181. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  182. Page [10]
  183. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  184. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  185. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  186. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  187. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  188. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  189. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  190. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  191. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  192. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  193. Is Khat Haram or Halal?!
  194. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  195. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  196. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  197. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  198. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  199. Page [9]
  200. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  201. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  202. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  203. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  204. waxaa jira in leeyga digay..!
  205. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  206. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  207. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  208. Page [8]
  209. xukunka taariku salaadka
  210. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  211. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  212. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  213. Salaan iyo Bogaadin..

  214. Page [7]
  215. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  216. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  217. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  218. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  219. Page [6]
  220. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  221. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  222. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  223. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  224. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  225. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  226. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  227. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  228. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  229. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  230. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  231. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  232. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  233. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  234. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  235. zakada dahabka laga bixiyo..
  236. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  237. members of one of the Somali clans..
  238. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  239. Waan kirishtaamay...
  240. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  241. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  242. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  243. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  244. qoladasi isku diin ma nihin..
  245. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  246. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  247. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  248. Page [5]
  249. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  250. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  251. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  252. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  253. Page [4]
  254. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  255. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  256. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  257. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  258. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  259. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  260. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  261. Page [3]
  262. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  263. Midnimada Muslimiinta..
  264. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  265. Islam is not a violent Religion
  266. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  267. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  268. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  269. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  270. Maxay tahay (Nashuusho)?
  271. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  272. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  273. Page [2]
  274. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  275. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  276. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  277. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  278. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  279. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  280. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  281. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  282. Page [1]
  283. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  284. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  285. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  286. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  287. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  288. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  289. Ilaah baa ku qancin kara..!
  290. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]