|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Jawaab: Sheekh goormaad billowday website-kan?
Assalaamu Calaykum: Walaal webkan waxaan billownay 1998kii laakiin dacwada Islaamka khaas kuma ahayn waagaas, wuxuu noqday mid dacwada ku khaas ah wixii 2001dii ka dambaeeyay, kadib markii ay dhaceen qaraxyadii maraykanka iyo dagaalladii Afqaanistaan iyo Ciraaq ee caalamka Islaamku khatartaas soo waajahay.
Marka dadaalkan yar waa qayb ka mid ah difaaca aan ku difaacayno dacwada Islaamka iyo muslimiinta.
Jaamicadda aan wax ka dhigi jiray waxaa leh dowladda Malaysia waxaana jaamicad ahlusunnah wal jamaacah manhajkeeda ku socota.
Hadda jaamicad ma dhigo waxaan ka shaqeeyaa daarul Fatwa oo aan cilmibaaris iyo fatwada xaggeeda ka caawiyaa.
Khayr baan kugu ogahay.
husein ahmed buul <ibnudahir_9>
- Thursday, April 06, 2006 at 20:09:36 (CDT)
- Su'aal: Sheekh goormaad billowday website-kan?
Waxaan rabaa inaan ku waydiiyo sheekhunaa, goormaad bilowday websitekan su'aasha labaad jaamicadda aad dhigto ma ahlusunna waljamaa leh?
husein ahmed buul <ibnudahir_9>
- Thursday, April 06, 2006 at 20:06:24 (CDT)
- Jawaab: Ducada salaadda ka dib ah ma bidcaa?
Assalaamu calaykum: Walaal, Salaadda kabacdi wixii duco ah ee aad doonto waad akhrisan kartaa, ama koox ahaada ama kali-kali ahaada taasi way bannaantahay.
Qofkii ku yiraahda ma bannaana waxaad ku dhahdaa daliilkaaga keen. Haddii uu ku yiraahdo Nabigu nnk ma falin, waxaad ku dhahdaa taasi daliil ma aha, wax kasta oo aanan nabigu falinna xaaraan maaha siiba haddii ay kitaabka asal ku leeyihiin, ducaduna kitaabka ayay asal ku leedahay, oo Ilaahay ayaa addoomihiisa ku yiri (I barya aan idinka aqbalee).
Midda kale ee ah, Masaafada, horey ayaan uga hadlay ee faahfaahinta webkan ka akhri, jawaabtayduna waa in ay bannaantahay culumada oo dhan ayaana isku waafaqsan taas.
Haddii uu ku yiraahdo masaafadu wali ma laha waxaad ku dhahdaa waa beentaa weli way leedahay. haddii uu ku yiraahdo waligu waa aabaha oo kaliya ama walaalka waxaad ku dhahdaa waa beentaa oo Ilaahay baa noosheegay in muslimiintu wali isu yihiin, marka wali waxaa noqonaya nin kasta oo caadil ah oo gabadhu ku lasoonaato oo wilaayo saarato.
Xataa culumada xanafiyadu waxayba banneeyeen in gabadhu kaligeed is mehrin karto haddii ay wayntahay.
Haddii ay soo daliilsadaan xaddiiska leh nikaax ma jiro wali la'aan, waxaad ku dhahdaa kaas waxaa looga jeedaa gabadha yar ee aanan ayadu mas'uulka iska noqon karayn.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, April 06, 2006 at 20:04:02 (CDT)
- Su'aal: Ducada salaadda kabacdi ah ma bannaantahay?
Assalaamu calatkym: ducada salaada marka la tukado kaddib ma bidcaa mise waa bannaan tahay?
Masaafada lagu soo nikaaxiyo haweenka ma bannaan tahay mise wax jira ma aha?
calibaashi <alifiqi>
- Thursday, April 06, 2006 at 19:56:34 (CDT)
- Bogaadin: waad ku mahadsantahay sida aad ugu jawaabtay dadka iska hadla
Marka hore iga Gudoon Salaanta Islaamka oo ah (Asalaamu Caleyku Waraxma tulaahi wabarakaatuhu), intaas ka dib ilaahay ha kaa abaaal mariyo wacdiga toosan ee aaad ugu jawaabtay iska hadla yaaasha.
Mohammed H. Ismail <xajiNur1>
- Thursday, April 06, 2006 at 19:54:50 (CDT)
- Jawaab: Wax nooga sheeg taariikhdii Sh. Maxamad Guuleed
Assalaamu calaykum: Walaal aad baad u mahadsantahay, su'aashaada hadda kama jawaabi karo oo Sh. Maxamad Guuleed taariikhdiisu waxay u baahantahay in qaraabadiisi lala xiriiro, marka hadda waxaan aadayaa usbuucan Melbourne, waxaan soo laabanayaa usbuuc kadib, markaas ayaan maqaal fiican oo ku saabsan Shiikheenna Sh. Maxamad Guuleed allaah ha u naxariistee webka soo gelinayaa.
Khayr allaah ha ku siiyo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, April 06, 2006 at 19:53:22 (CDT)
- Su'aal: Wax nooga sheeg taariikhdii Sh. Maxamad Guuleed
salaam calekun shiikh Dr.Xirsi. Shiikh wax nooga sheeg taariikh nololeedka sh. maxamed guleed alle ha u nuxariiste.
abdi hassson <abdi hassson>
- Thursday, April 06, 2006 at 19:50:48 (CDT)
- Jawaab: Aabbuhu gabadha guurka ma u diidi karaa waxbarasho awgeed?
Assalaamu calaykum: walaal guurku wuxuu waajib noqonayaa haddii uu qofku u bahdo uuna awoodo, marka haddii aabahaa kuu diiday in aad guursato adiga oo awooda una baahan, taas wuu ku khaldanyahay, haddii meesha aad joogto qaalli muslim ah leedahay qaalliga u sheeg si uu aabaha ugu yeero uguna sheego waxa islaamku ka qabo arrinkaas.
Haddii aanay lahayn qaalli muslim ah, la kaasho wadaaddada iyo culumada si ay aabahaa uga dhaadhacshaan in uu kuu guursho qofkii aad isfahamtaan, haddii uu diido u sabar intii tabartaa ah iskuna day in aad ka dhaadhicisid, haddii aad kari wayso guurso idankiisa la'aantiis adiga oo raadsanaya qof kale oo qaraabo ah sida alaal ama adeer ama awoowe iwm. Haddii aad intaas oo dhan waydo guurso adigu adiga oo wilaayadaada saaranaya shiikha ku mihrinaya ama qofkii kale ee aad ku kalsoon tahay.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, April 03, 2006 at 01:34:10 (CDT)
- Su'aal: Aabbuhu gabadha guurka ma u diidi karaa waxbarasho awgeed?
Wax baro (cilmudunyaa) ma sabab xaq ah baa hadii ay gabadhu ka baqayso inay xaaraan ku dhacdo? Sheeqoow waxaan daraad ku weydiyey inaan guursan karo aabahay fasax la'aantiis haduu wax asbaab ah hasan.
Jawaabta waxay aheyd inaan weydiiyo asbaabta uu u diiday haday macquul tahay. Wax baro ma sabab uu ii gu diidi karo guurka baa?
Adoontii Alle <Adoontii Alle>
- Monday, April 03, 2006 at 01:28:55 (CDT)
- Jawaab: Malaa'iktu Ilaahay ma arkaan?
Assalaamu calaykum: walaal malaa'iktu makhluuqaadka Ilaahay ayay ka mid yihiin, laakiin Ilaahay adduunka kuma arkaan ee waxay ku arkayaan Aakhiro.
Aad baad u mahadsantahay.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, April 03, 2006 at 01:24:39 (CDT)
- Su'aal: Malaa'iktu Ilaahay ma arkaan?
Salaamcaleykum Sh.Dr xirsi. shiikhow suaal yaan wataa :- Malaiktu waxey ka mid yihiin makhluuqatka ilaahey kolka malaaiktu ma`arkaan ilaahey hadey arkaana sidey u arkaan?.
Naasir shiikh cumar <Naasir shiikh cumar>
- Monday, April 03, 2006 at 01:22:16 (CDT)
- Jawaab: Ma guursankaraa aabahay la'aantiis haddii aabuhu sabab la'aan guurka ii diido?
Assalaamu caleykum. Walaal aabbahaa waydii sababta uu kuugu diiday in aad guursato, haddii uu kuu sheego sabab macquul ah, waa la gartay haddii kalena guurso adiga oo ama walaalkaa wali ka dhiganaya ama ciddii kale ee qaraabo ah ama Islaam ah.
Waliga macnihiisu ma aha aabbaha oo kaliya, walaalka iyo adeerka oo kaliyana maaha, ee wuxuu noqonkaraa, qaalliga ama imaamka iwm.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Friday, March 31, 2006 at 06:09:01 (CST)
- Su'aal: Ma guursankaraa aabahay la'aantiis haddii aabbuhu sabab la'aan guurka ii diido?
Assalaamu caleykum. Waxaan ahay gabar dhalin yaro ah oo ku nool yurub. Alxamdullillahi ladii hadaanii. Waxaan rabaa in aan guursado wiil saalix ah taasina suurto gal ma aha maxaa yeelay abahey baa ka soo hor jeeda sabab la aan. 2 wiil oo saalix ah oo i soo doonatay buu ii diiday. Anigana waxaan doonayaa guur xalaal. waxxaan ku suganahay xaalad guurka igu waajibo. Ee ma guursan karaa abahay la aantiis waxaa ila dhashay wiil ilaahey hanuuniyey wali ma ii noqon karaa.
Adoontii Alle <Adoontii Alle >
- Friday, March 31, 2006 at 06:05:38 (CST)
- Su'aal: Siduu Imaam Bayhaqi u ta'wiilshay erayga "al-istiwaa'"?
Assalaamu calaykum: Walaal erayga (istawaa) culumada oo dhan waxay qabaan in aanan (istiqraar) lagu fasirikarin, sababtuna waa in istiqraarka ay ka imaanayso (jiho) jihadana ay ka imaanayso (xad) xadkana uu ka imaanayo (makaan) ama meel, meeshana ay ka imaanayso (xaadithnimo) sida uu al-Qurdubi ugu sheegay tafsiirkiisa.
Marka taas culumada ahlusunnada ah way isku raacsanyihiin oo muran kama taagna, macna in aanan (istawaa) loo fasirin (istaqarra).
Sababtana waa midda ay sheegeen culumada oo dhan sida bayhaqi iyo al-Qurdubi iyo sayuudi iyo qaar kaleba, waana in ay ka hor imaanayso aayadda suuradda ash-shuura ee leh (wax ekaankiisa ah ma jiraan), marka qaacidadaas ayay qabsadeen culumadu, qodobkaas aan kuu sheegayna way isku raaceen.
Marka waxaa kuu soo haray waxyaabaha culumada qaar laga soo weriyay ee ah: midda aad tiri: Ibn Cabbaas ayaa Muqaatil iyo Mujaahid iyo Kalabi ka soo weriyeen in uu yiri: (Istwaa) waxaa looga jeedaa (Istaqarra), hadalkaas waa la ogyahay, culumaduna way arkeen riwaayadan, Muqaatil bin Sulaymaan ayaana ka soo weriyay mujaahid asiguna wuxuu ka soo weriyay ibn Cabbaas inta kalena asiga ayay ka maqleen.
Marka waxaan kugula talin lahaa (haddii aad tahay nin caqiidada ku takhasusay oo derejo sare ka gaaray jaamicadaha) in aad akhriso maqaalka aan ka qoray Muqaatil Bin Sulaymaan ee ku jira kitaabkayga (al-Khilaafaat al-figriyyah, baabka 21aad), haddii aad qof caamo ah oo aanan derejo sare oo cilmiya diraasaadka islaamka ka gaarin tahayna kugula talin maayo in aad kitaabkaas akhrisid, si aadan khalad uga fahmin.
Midda xigta ee aan kuu sheegayo waa in Muqaatil ninka la yiraahdo oo runtii caalim wayn ahaa uu shiicada ka mid ahaa, oo uu mujasimada ka mid ahaa, kitaabkiisii tafsiirka wuu yaallaa, walina lama daabicin, waxaana loo daabici waayay sababtaas, macnaha waa kitaab ku salaysan tajsiim, marka qof kasta wuu iska dhaafay mana xaqeejin.
Taas ayaa ku tusaysa in culumada aad sheegtay ay ka soo xigteen riwaayadaas ninkaas mujasimada ah. waxaa taa la jirta, sida uu imaam sayuudi ugu caddeeyay kitaabkiisa al-idqaan, in haddii xataa riwaayadaas ay sugnaato oo ay caddaato in Ibn cabbaas yiri: ay lagama maarmaan tahay in laba middood la yeelo: In la yiraahdo waa macnaha luqawiga ah ee erayga (istwaa) oo aanan laga wedin macnaha aayadda lafteeda, iyo in la yiraahdo waa la ta'wiilinayaa, maxaa yeelay waxuu ka hor imaanaya hadalkaas Ibn cabbaas aayadda suuradda ash-shuura 11.
Hadalka Imaam Bayhaqi, ee ku yaalla kitaabka al-Ictiqaad
Midda xigta ee aan doonayo in aad fahamto waa in aanan Imaam bayhaqi u ta'wiilin erayga (istiwaa) (istowlaa), culumaduna erayga siyaabo kala duwan bay u fasireen, al-qurdubi wuxuu xusay 14 waji, sayuudina 7 waji, culumo kalena waxay ka hadleen mas'aladan, marka hadalka culumada u laabo haddii aad tahay nin wax u billaabanyihiin oo u sabar, maxaa yeelay cilmigu sabar badan ayuu rabaa sahalna laguma gaaro salkiisa.
Midda kale, Imaam bayhaqi wuxuu u ta'wiilshay "man fissamaa'" "man fowqa assamaa'", "man fowqa assamaai'"-na wuxuu u ta'wiilshay "man calal carshi", marka u fiirso meesha hadalkiisu u dhacayo. Mase kula noqonaysaa taasi in ay xujo u noqonayso mujasimada iyo mushabihada (wahhaabiyada) maanta joogta!!?
Kolka waxaan hadalka kuugu soo koobayaa in Ilaahay ka nasahanyahay tashbiiha iyo tajsiimka, aayadahaas soo arooray iyo axaadiista saxiixa ahna sidooda loo sugayo oo ay xaq yihiin, laakiin aanan loo ta'wiilayn sida wahhaabiyadu u ta'wiilayso bal xagee ka keeneen (in istawaa calal carshi) tahay (istawaa calal carshi bizatihi), sow taasi ta'wiil munkar ah maaha?!
Quraanku waa xaq, xaddiiska saxiixa ahna waa xaq, Ilaahayna wuu ka nasahanyahay jismiga iyo shabihidda, ictiqaadka ahlusunnaduna waa kaas.
Marka khayr ayaan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, March 30, 2006 at 20:04:55 (CST)
- Su'aal: Siduu Imaam Bayhaqi u ta'wiilshay erayga "al-istiwaa'"?
Shiekh Dr.xirsi aslaam caleykum. shiikh waxaan akhristey 51 masalo ood ku kufisey wahaabiyo waxana ka mida tan halka kutaal:
Wahaabiyadu waxay leexisay tafsiirkii Quraanka Kariimka ah ayada oo aayadaha u fasirtay sidii hadba ku habboon danahooda gaarka ah iyo dookhooda, tusaale ahaan waxay erayga "al-istiwaa" ku fasireen "istiqraar" qofkii diidana way gaalaynayaan.
Inkasta oo culumada waawayn oo dhan ay diideen tafsiirka noocaas ah sida Imaam Bayhaqi uu kitaabkiisa al-Ictiqaad ku yiri: "Waxaa waajib ah in la ogaado in aanan istwaha Ilaahay ahayn iska toosin qallooc ama istiqaraar –nagaasho- meel lagu nagaanayo, ama taabasho khalqigiisa uu taabanayo.." ka eeg hadalka wahhaabiyada kitaabka Tambiihaat ee Ibn Baaz, baalka 84).
Kolka suasha meesha taal waxey tahey: miyuu beyhaqi u tawiiliyey istiwaaga (istowlaa)"ÇÓÊæáì"?.
Tan kale Waxaan rabaa inaad noo biyaamiso sida ibna cabbas, mujahid, muqatil, alkalbi istiwaaga ku fasireen?
Wallahu almufiq.
hassaan <hassaan>
- Thursday, March 30, 2006 at 18:10:42 (CST)
- Bogaadin: Ka timid Ahlusunnada joogta dalka Ingiriiska
assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa-barakaatuhu.
salaan ka bacdi waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay websaytka ahlusunna
wall-jamaaca in aan ka helay kombiyutarka aniga oo iska wareegaaleysanaya
caalamka.
Meelo badan waan arkay kanise wuxuu ahaa kii iigu qiimaha badnaa oo
si waafi ah u qaada dhigaya ahlusunna wal-jamaaca.
Waxaan ka mid ahay ikhiyaarta la socota hadba meesha wax marayaan iyo
afkaaraha cussub ee tashwiishka ah oo ay nagu soo siyaadiyeen wahaabiyada
iyo inta la halmaasha, waxaana ilaahey ka rajeynayaa in guul walba laga gaarayo xaqiiqada.
Maanta ayaan waqti badan ku bixiyay in aan mawaadiicda ku wada xado
isha, waxaanse dhex galay badweyn ay soo diyaariyeen rag aqoon yahanno ah iyo
farsama yaqaano.
Waxaana goa'ansaday in aan labadaan sadar kuu soo qoro aan idiinkugu mahad celinayo, xiriir sokeeyana aan idinla yeesho, oo waliba aan ka wada soconno horumarinta ahlusunna wal-jamaaca.
Anigu waliba waxaan ka mid ahay dadka london degan oo xiriirka fiican la
leh ahlusunada ku sugan halkaan sida shiikh cali maxamad iyo maxamad cabdi
wali, ajar allaah ha ka siiyo wax qabadkooda e.
waxaa ii haray kaliyah in aan mar labaad halkaan uga mahad celiyo adiga iyo
inta isku howshay webkan habayntiisa ee culamaauddika, qorayaasha iyo farsamayaqaanad
ah, mahadsandiin.
calibaashi maxamad <calibaashi>
- Thursday, March 30, 2006 at 17:05:13 (CST)
- Jawaab: Yuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee wahhaabiyada Soomaaliya keenay?
Assalaamu calaykum: walaal horta way adagtahay in aan kuu sheegno nin gaar ah oo ka masuul ahaa keenidda figradda wahhaabiyada Soomaaliya, laakiin waxaa jira dhowr qof ama meelo ay figraddaas markii ugu horreeyay dalka ka soo gashay.
Tusaale ahaan meelihii ugu horreeyay ee ay figraddaas dalka ka soo gashay waxay ahayd xafiiskii loo yaqiin (raabidada caalimka islaamka) ee laga furay soomaaliya ee xaruntiisu ahayd waddada km afar.
Sida aad ogtahay Soomaaliya waxaa ka furnaa xafiiskii al-Azhar ee culumada al-azhar nooga soo diri jiray kaas oo ku yiillay meel u dhawayd guddoonka waxbarashada banaadir ama Martiini meeshii loo yaqiin.
Xafiiskaas wuxuu soo diri jiray culumo asaatido ah oo kulliyadaha iyo macaahidda iyo madaarista iyo masaajidda wax ka dhiga, waxayna wax ka dhigi jireen Machadkii Macallimiinta iyo Machadkii Sh. Suufi iyo Dugsigii Allaahida (Jamaal cabdunnaasir) iyo meelo kale.
Raabidadu kolkii ay timid waxay xambaarsanayd figradaha wahhaabiyada waxayna soomaaliya ka furtay xafiis abbaaraha 1974kii waliba waqtigaas ka hor ayaa la billaabay dhismaha masjidka ay isugu magac dareen ee loo baxshay isbahaysiga islaamka ee laga dhisay dhagaxtuur agtiisa.
Sikastaba ha ahaatee, xafiiskaas raabidada ayaa ugu horreeyay wax rasmi ahaan wahhaabiyada u fidsha oo minxooyin siiyay dhallinyaro badan oo sacuudiga aadday dabadeedna la soo laabatay figradaha habowsan ee wahhaabiyada.
Mashaa'iikhdii hore ee Soomaalidu wahhaabiyada way maqleen mana qaadan mad-habtooda
Waxaad walaal ogaataa in dadkan soomaaliyeed ee qaatay mad-habta wahhaabiyada aanay asalkoodu ahayn dad diinka wax ka yaqiin, ee waxay ahaayeen dad caamo ahaa ama aan markoodii hore ahludiin ahayn ama aan sharcigaba soo baran.
Culumadii hore ee soomaalida sida Sh. Maxamad Guuleed, sheekhii axmadiyada iyo Sayyid Maxamad cabdullaahi Xasan iyo Shiikh Cali Maye iyo qaar kale oo badan dhammaantood way arkeen mad-habta wahhaabiyada laakiin midna ma qaadan, maxaa yeelay waxay ogaayeen in ay bidco dhawaan soo baxday tahay.
Sidoo kale culumada soomaalida xataa qaarka yaryar iyo qoysaska ahludiinka ah iyo macalimiinta quraanka dhigta iyo mashaa'iikhda suufiyada dhammaan cid qaadatay mad-habta wahhaabiyada ma jirin.
Hadaba su'aashu waxay tahay: Yaa qaatay mad-habta wahhaabiyada?
Jawaabtuna way sahlantahay, annagu haddii aan soomaali nahay waan isnaqaan oo qabiilooyin iyo qoysas isgaranaya ayaan nahay, ninwalibana waa la yaqaan degaankiisa iyo qolada uu ka dhashay, taas ayaana nagu caawinaysa in aan si sahlan u xadidno dadka wahhaabiyada galay waxa ay yihiin, waana sidan:
1. Dad ka yimid qoysas aanan markoodii horeba ahludiin ahayn. Sida aan ognahay soomaalida waxay qabtay qoysas aad diinta uga fogaa oo caadooyinka xunxun ee soomaalida ku dhegganaa sida boobka xoolaha iyo dilka iyo dhaca iyo kicinta colaadda iyo dagaalka, marka qoysaskii sidaa ahaa qaar badan oo dhallinyaradooda ka mid ah kolkii ay dooneen in ay diinka soo galaan waxay u soo galeen maslaxo awgeed, badanaa maslaxo adduunyo ama in ay lacag helaan ama in ay gabadh ay guursadaan helaan oo raqiis ku soo gasha.
2. Dhallinyarada qaar aanan markoodii horeba qoysas la yaqaan ka imaan una ciil qabay sidii ay mar uun mujtamaca dhexdiisa meel uga riixan lahaayeen.
3. Dadkii galay xisbigii hantiwadaagga ee guulwadayaasha iyo kacaanka iwm ahaa, kolkii dowladdii dhacday oo xisbiyadii ay ku jireen burbureen ayay ku biireen kooxda wahhaabiyada.
4. dadkii dowladdii Siyaad barre mucaaradka ku ahaa qaar ka mid ah ayaa ayaguna si ay ugu marmarsimoodaan diinta ku biiray wahhaabiyada.
5. Askartii ciidanka milateriga soomaaliya qaar ka mid ah ayaa ayaguna ku biiray wahhaabiyada siiba markii dagaalka sokeeye ka dhacay soomaaliya maxaa yeelay waxaa loo baahday khibraddooda, sidaa ayayna horjoogayaal ku noqdeen.
6. Ugu dambaystii wahhaabiyadu waxay soo jiidatay qaar ka mid ah ganacsatada siiba kuwa lacagaha xawila qaar ka mid ah oo badan, waxayna u galeen maslaxo adduunyo iyo in ay dadka u muujiyaan in ay dad aamin ah oo ahludiina ah yihiin si loo aamino oo aanan looga shakin.
Marka walaal dadka diinta wahhaabiyada galay dadkaas bay ahaayeen, ee ma ahayn dad ahludiin markii horeba ahaa ama ka soo jeeda qoysas ahludiin ah ama diinka soo bartay.
Taas ayaa kolka ugu wacan in ay mad-habtan wahhaabiyadu noqoto diintii (mooryaanta iyo tuugada iyo burcadda iyo wax ma kastada) arkina maysid qof muxtaram ah ama gob ah ama waxgarad ah ama qoys la yaqaan ka soo jeeda ama aqoonyahan ah oo diintaas gelaya.
Midda kale ee aad tiri: Imisa kooxood ayaa joogta soomaaliya? Walaal soomaaliya waxaa jooga Wahhaabiyo iyo Ikhwaan, waxa kale waa firqooyin ayaga ka fallaagoobay oo boqollaal magac oo aan Ilaahay soo dejin ayay isu baxsheen.
Wahaabiyada Sacuudiga iyo akhwaanka qutubiga ah ayaa soomaaliya jooga labadubana waa kufaar diinka islaamka way ka bexeen maariqiin weeye, xukunkoodana horey ayaan u caddeeyay.
Soomaalida waxaa ku waajib ah in ay diinka qabsadaan oo kitaabka iyo sunnada u soo laabtaan
Hadaba soomaalida waxaa ku waajib ah in ay kitaabka iyo sunnada nabiga nnk ku dhegaan, kolka fidnadu badato waxaa la qabsadaa kitaabka iyo sunnada, sidee loo qabsanayaa? waxaa laga baranayaa culumada lagu kalsoonyahay ee la yaqaan ee cilmiga u go'day, laakiin mooryaanta diinka lagama barto iyo ciyaala suuqa iyo burcadda iyo tuugada, sidee diin uga baranaysaa nin aad ogtahay in uu tuug yahay ama khaa'in yahay ama aanan asalkiisa la aqoon ama cid soo diratay oo jaasuus ah!!?
Soomaaliyay Ilaahay ka baqa oo caqiidada saxda ah ee Ilaahay u soo laabta
Kolka soomaali ayada ayay u taallaa haddii ay Ilaahay ka baqaan oo ka haraan madaahibta fallaagada ah ee dibadda laga soo waariday ee ay u soo laabtaan culumadooda iyo diinka islaamka ah waxaa laga yaabaa in Ilaahay u dambi dhaafo kana qaado ciqaabta joogtada ah ee 15ka sano in ka badan korkooda la saaray, waxaa laga yaabaa in ay tiihan ka baxaan oo ferej ilaahay u furo.
Towfiiqda allaah ha idin waafajiyo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, March 29, 2006 at 17:38:35 (CST)
- Su'aal: Yuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee wahhaabiyada Soomaaliya keenay?
salan kadib sheekh dr xirsi waxaan rabaa nin kii ugu horeeyey ee somaliya soogaliya fikradda wahaabiya iyo inta urur ee somliya joogta.
xasanalbasri <xasanalbasri>
- Wednesday, March 29, 2006 at 16:51:41 (CST)
- Jawaab: Qof dhintay ma soo noolaan karaa?
Assalaamu calaykum: Walaal waxaan Ilaah kaaga baryaynaa in uu towfiiqda ku waafajiyo, hooyadaa naxariistii janno ka waraabsho. Midda aad tiri riyo ayaan ku arkay qisada aad noo sheegtay, walaal riyada mu'minka qaybo ka mid ah waa xaq, laakiin riyo kasta xaq ma aha, sidoo kale culumada qaar waxay dheheen haddii aad ku riyooto qof dhintay riyadiisu waa xaq maxaa yeelay wuxuu joogaa daarul xaq.
Sikastaba ha ahaatee, qofkii dhinta xaqiiqo ahaan soo noolaan maayo ilaa laga gaaro maalinta bacthiga ee Ilaahay uunka oo dhan soo saarayo.
Midda ah tafsiirka riyadaada waxaan ka cudurdaaranaynaa in aanan halkan kaga hadli karin arrinkaas, maxaa yeelay boggan waxaan ugu talagalnay arrimaha fatwada oo kaliya, laakiin haddii aad riyo ku aragtay hooyadaa oo ay ku tiri dugsi ayaan ku gaynlahaa, waxaa laga yaabaa in ay dhimatay ayada oo kula jecel in aad quraanka barato, marka si aad wixii ay jecleed u samayso adigu dugsi quraan ama meel aad quraan ka barato aad oo quraanka barashadiisa ku dadaal.
Midda labaad waxaa kula quman in aad u soo ducayso hooyadaa oo aad Ilaahay dambidhaaf u waydiiso, oo aad sadaqo ula baxdo hadba intii tabartaa ah.
Khayr baan kuu rejaynaynaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <herai@2garre.com>
- Wednesday, March 29, 2006 at 16:49:55 (CST)
- Su'aal: Qof dhintay ma soo noolaan karaa?
sc wr wbr sheeq qeer alla ha ku siiyo, hooyadey waa dhimatay marka riyo ayaan ku arkay waxaan arkay aniga oo ciyaal suuq oo kale eh naag ayaa waxay i leedahay hooyadaa waa soo noolaaneey waxaan dhahay qof dhintay soo ku soo noolaanaa markaas naagtii waxay i tiri: Gadaashaada fiiri! markaan gadaal fiiriyay waxaan arkay hooyadey markaasaan waxaan weydiiyay sidee ku soo noolaatay? waxay i tiri ha i weydiinin.
Markaas waa is raacnay waxay i tiri: dugsi quraan ayaan ku geynayaa. markaan taaban rabo waxay i leedahay dhinac dhan yaa i xanuunaayo ha i taabanin! marka sheeq jawaab ayaan kaa sugayaa. macasalaama
Yonis <schequna18>
- Wednesday, March 29, 2006 at 16:37:11 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|