|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Bogaadin iyo Mahadnaq: walalayaal waxaa caawa iigu horaysay webkan qaaliga ah!
Waxaan marka hore idinku wada salaamaayaa salaantaa ay isku salaamaan dhamaaan ummada islaamaka walalayaal.taasoo ah a/c/
Salaamntaas qiimaha iyo qayaha badan ka dib.
Walalayaal waxaa caawa iigu horaysay webkan qaaliga ah waxaana qoraalkaygan idinku soo qoray in aan aad iyo aad idinku mahadceliyo. walalayaal waana mahadsan tihiin. walalayaal ilaahay caafimaad qab iyo cimri dheer iyo cibaado suuban ayaan idinka rejeynayaa. walalayaal wixii hada ka dambeeya ayaan su alahaan qaba idin soo waydiinayaa inshaa allaah.
Prof. Said <prof_Said >
- Monday, March 27, 2006 at 19:54:47 (CST)
- Bogaadin: Salaan iyo Hambalyo iyo xiriir wanaagsan
Waa hambalyo iyo tahniyad Sheekh Dr Xirsi waa inan layiraahdo Xasan Albisri oo ka soo shaqeeyey idaacadaha mogdisho sida hornafrik iyo shabele iyo idaacad ushaqeen jirtay ahlsunna waljamca si wariye diineed ahna ku soo shaqeeyey.
Waxaan hadda joogaa yamen waxana dhigtaa jaamacad layiraahdo ahgaff -university waxaana ilajooga culimo aad kuleyba taqaano sida sheekh max'ed shaakir cali xasan iyo sheekh cabdiraxman mire jimcaale waxaana wada xariirnaa culimo badan oo dalka iyo dibadiisa kashaqeysa oo howlahaaga oo kale wadda marka waxaan jecelanay kadib markii culimada wargalaiya arin kaan in aan xariirno.
Marka eimlkaaga iyo tlaefankaga iyo faxkaagakaba waan u baahnahay waxaana jirta in culimo dhalinyaro ah aan rabno in aan kugu xirno oo kuwadashaqeesaan caqiidadii saxda ah ee ahlusunnah wal jamaacah, dhallinyaradaas oo aan iswada naqaan marka waan kuugu hambalyenaynaa waxaan kaa kaarajeynayaa wadashaqeen iyo in aad taleefanadad nasiiso oo aan iskuxirnaano.
xasanalbasri <xasanal>
- Monday, March 27, 2006 at 17:40:50 (CST)
- Jawaab: Uluuhiyo iyo rubuubiyo ma xaddiis baa mise waa qowl culumadii hore tiri?
Assalaamu calaykum: Walaal ladan,way jirtaa in dadka qaar towxiidka u qaybsheen waxa ay ku tilmaameen (Uluuhiyo, Rubuubiyo iyo Sifaat) laakiin hadalkaas xaddiis ma aha, Nabigana nnk lagama soo werin marnaba in uu towxiidka sidaa u qaybshay, xataa erayadaas lagama soo werin.
Midda kale, Asaxaabta Nabiga nnk iyo taabiciinta iyo culumada muslimiinta qof waxaa sheegay kuma jirto, marka hadalkaas waa bidco, qofkii ictiqaadana waa kaafir mushrik ah, maxaa yeelay waxay aaminsanyihiin in saddex Ilaah jiraan, waxayna ka soo qaateen Nasaarada, qofkii ugu horraysay ee waxaas soo sheegay oo Nasaarada ka soo baawsaday wuxuu ahaa Axmad ibin taymiyyah nin la yiraahdo oo culumadii waagiisa joogtay oo dhan kufri ku xukumeen.
Madaxa wahhaabiyada Ibn Baas ayaa la waydiiyay meesha ay ka keeneen caqiidadaas saddexlayda ah ee ku salaysan tathliithka, kolkaas buu ku jawaabay waxaan kala soo baxnay waaqica dawaynaha!! hadalkiisa ka akhri haamisha bogga 6aad ee matniga caqiidada daxwaawiyada ee uu tacliiqshay.
Marka walaal dadka sidaas caqiidada u fasiraya waa qoon habowsan oo lunsan oo hawadooda iyo khayaalkooda caqiido ka dhigtay, marka intii muslim ah waxaan kula talinaynaa in ay ka digtoonaadaan.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, March 27, 2006 at 00:59:14 (CST)
- Su'aal: Uluuhiyo iyo rubuubiyo ma xaddiis baa mise waa qowl culumadii hore tiri?
Salaamu calaykum, Shiikh Xirsi salaan kabacdi, waxaa aragnay dad towxiidka marka eey dhigaayaan u qeebinaya Uluuhiyo, Rubuubiyo, iyo Sifaat, ma xaddiisaa marka arinkaas mise asaxaabta iyo culumadeenii horey yaa sidaas tiri, kolleey quraan maahee? Bal noo sii iftiimi khayr allaha ku siiyee.
Ladan Axmad <Ladaneey1980>
- Monday, March 27, 2006 at 00:51:44 (CST)
- Jawaab: Aragtida Eebbe qiyaamaha la arkayo ma jiho la'aan baa?
Assalaamu calaykum: Ilaahay waxaan waydiisanaynaa in uu waddada toosan nagu hanuunsho, midda kale, walaalkeenna ina waydiiyay sidee u suurta gelaysaa aragtida Eebbe maalinta qiyaamaha, ayada oo aan jiho looga jeedin iyo xayyiz (xaydaan)?
Waxaan leenahay walaal aayado in aan soo daliilsaday adiga ayaaba sheegay, waxaana caddaynaya in Eebbe qiyaamaha la arkayo aayadda aan soo daliilsaday, haddii aadan ku qancin, anigu kugu khasbi maayo, way jiraan dad badan oo madax adag oo aan wax fahmayn, marka horta taas adiga ayay kuu taal.
Midda labaad ee aad soo naqlisay jumlada carabiga ah, waxaan ku leeyahay hadalkaas waa hadalkii Albaani ka soo naqliyay mujasimada iyo mushabihada, marka ha moodin in uu igu cusubyahay, horey ayaan uga jawaabay haddii aad wax fahmayso jawaabtii aan ka baxshay cibaaradaas waxaad ka heli kartaa qoraalkayga (51 mas'alo oo wahaabiyadu ku kufrissay) ee si fiican u akhri.
Midda kale aniga ayaa kuu caddaynaya in ninka hadalkaas carabiga ah yiri uu mujsim jaahila yahay, tusaale ahaan: adiga waxaan ku waydiiyay, mararka qaar miyaadan riyoon habeenkii? haddii aad riyooto, ama caluusaaddo ama qarawdo, sow ma aragtid waxyaabo, dad iyo xoolo iyo magaalooyin iwm? haddii aad aragto ii sheeg dhinacee kaa xigaan? jihada ay kaa xigaan marka aad jiifto waxyaabaha aad ku riyoonayso ma ii sheegi kartaa? jawaabtaadu waa maya, maxaa yeelay ma jiro qof sheegikara dhiaca ay ka xigaan waxyaabaha uu ku riyoonayo kolka uu jiifo.
Marka haddii aan riyadaas arki karno jiho la'aan iyo xaydaan la'aan, maxaa diidaya in waxyaabo kale la arko kolka aan dhimano? caqliga wax taa diidaya kuma sugna, marka taas ayaa kuu caddaynaysa in midka jumladda aad soo qoray qoray caqligiisu dhimanyahay.
Su'aasha kale ee aan ku waydiinayo waa: marka aad riyoonayso ma indhahaaga ayaad ku aragtaa riyada? jawaabtu waa maya. Taasna waxay daliil u tahay in aanan caqligu diidayn in indhaha la'aantood wax la arko, marka taasina waxay caddaynaysaa in caqliga foorara uu yahay caqliga mushabihada ee uusan ahayn caqliga ahlusunnada.
Marka su'aashaadii tafsiirkeedii waa kaa, marka dambe ee aad su'aal isoo waydiisana si aadaab leh wax u soo waydii culumada, towfiiqdana Allaah ha idin waafajiyo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, March 27, 2006 at 00:20:15 (CST)
- Su'aal: Aragtida Eebbe qiyaamaha la arkayo ma jiho la'aan baa?
slaam u caleykum shiikh : Hadii aad tiri ilaah aakhiro waa la arkayaa aayadna aad soo daliishatay, kolka taasi miyaanay tashbiih iyo tajsiim aheyn? waayo araggu ma arki karo waxaan muuqan oon xayiz iyo makaan laheyn hadii kale xaalku wuxuu noqon:
قد أضحك الناس على عقله من زعم أن الله يُرى لا في محل
Bal taa noo micnee shiikhow?
kaahin salaad ahmed <kahiin_salaad>
- Monday, March 27, 2006 at 00:05:53 (CST)
- Jawaab: Qofka Muslimka ah (jihaad) ma lagu dili karaa? Muxuuse yahay xukunka qofkii muslim dilaya ee Ilaah ku mahadinaya
Assalaamu calaukum: walaal horta (Jihaad) macnihiisu: waa (cadawga gaalada oo lala dagaalo) sida uu Ibn Manduur ugu sheegay kitaabkiisa Lisaanul carab, mujaladka: 3aad, baalka:134. Wuxuu yiri: ad-dabari, Tafsiirkiisa, juska 10aad, baalka:51: Kolkii uu fasirayay aayadda jihaadka, wuxuu yiri: (jidka Ilaahay ku jihaada waxaa laga wadaa: ku dadaala oo naftiina ku dhiba, sidii aad ula dagaali lahaydeen cadawga Ilaahay ee kufaarta ah). Sidoo kale eeg juska 2aad, baalka 355, wuxuu yiri(jihaadku waa la dagaalidda kufaarta).
Dagaalka muslimiinta dhexdooda ah, jihaad laguma tilmaamo
Marka haddii laba kooxood oo Muslimiin ah isdagaasho kaas jihaad laguma timaamo, qofkii jihaad ku tilmaamana waa beenaale dadka khaldaya, Ilaahayna wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay sida loola dhaqmo haddii laba kooxood oo muslimiin ah dagaalaan sida ku cad suuradda al-Xujuraad aayadda 9aad. Ee macnaheedu yahay: (Haddii ay laba kooxood oo mu'miniinta ka mid ah dagaalaan heshiisiiya, haddii ay qolo gardarantahay la dagaala qolada gardaran..).
Qofkii qof muslim ah dila asiga oo u kasaya jasihiisu waa Jahannamo
Sida ku cad aayadda 93aad ee Suuradda an-Nisaa': ee macnaheedu yahay, (qofkii dila mu'min asiga oo u kasya jasihiisu waa jahannamo asiga oo ku waaraya, Eebbana wuu u carooday oo lacnaday, cadaab waynna wuu u sameeyay).
Imaam Tirmidina wuxuu ku soo weriyay Sunankiisa, juska 5aad, baalka 21aad, xaddiiska leh: (Muslimka la dagaallankiisu waa kufri, caydiisuna waa faasiqnimo) wuxuu yiri waa xaddiis xasan ah oo saxiix ah.
Sidoo kale waxaa xaddiis kaas la mid ah soo weriyay Imaam Axmad kitaabkiisa al-musnad, juska 1aad, baalka 178, xaddiiska nambarkiisu yahay 1537, ee leh: In Nabigu nnk yiri: (La dagaallanka Muslimku waa kufri, caydiisuna waa faasiqnimo).
Waxaa sidoo kale mas'aladan ku faahfaahshay kitaabkiisa Fatxul Baari' xaafidkii Axmad Bin al-Xajar ahaa, oo soo xigtay xaddiiska aan soo sheegnay oo yiri: dariiqooyin badan ayaa lagu soo weriyay oo qaarna marfuuc yirihiin qaarna mowquuf yihiin, wuxuuna ku soo gabagabeeyay hadalkiisii in uu saxiix yahay xaddiisku, macnihiisuna uu yahay in la dagaalidda muslimka kufri lagu magacaabay maxaa yeelay waxaa ku sugan nafgooyo.
Sikastaba ha ahaatee, dilka muslimku wuu ka geddisanyahay la dagaaliddiisa, maxaa yeelay dagaalka qaarkiis waxaa laga yaabaa in uusan wax wayn u dhibin qofka, laakiin dilku waa nafgooyo, qofkii qof muslim ah naftiisa gooya asiga oo u kasaya oo xaqdarro ku socdana xukunkiisa aayadda aan soo sheegnay ayaa inoo caddaysay waana in uu Jahanama ku waarayo oo lacanadda Ilaahay mutaystay iyo caradiisa.
Kooxaha wahhaabiyada ah ee jihaad baan wadnaa leh islaam in ay yihiin ayaaba shaki ku jiraa
Arrinka kale ee aan doonayno in aan muslimiinta ku baraarujino waa in kooxda wahaabiyada ah ee Soomaaliya dagaalka ka wadda ay tahay koox caqiidadeedu fasahaadsantahay, inkasta oo ay islaamka sheeganayaan, hadana waxaa xaqiiqo ah in aanay islaam ahayn marnaba, siiba kuwa madaxda u ah, maxaa yeelay caqiidada wahhaabiyadu waxay ku dhisantahay tashbiih iyo tajsiim, culumada oo dhanna waxay siku raacsanyihiin in ay kufaar yihiin mushabihada iyo mujasimadu, marka dadka kooxdaas raacsan waa laba qolo:
1. Qolada madaxda u ah ee wadaaddada isku sheegaya, kuwaasi kufrigooda shaki kuma jiro, xoolaha ay gowracaanna waa xaaraan, gabdhaha muslimiintana ma geeyaan, salaaddii lagu daba tukadana waa in la soo celshaa, maxaa yeelay waa sanaadiqo, waxaa ku shaqaysta wahaabiayada sacuudiga oo ay jawaasiis u yihiin, caqiidadooduna waa tii sanaadiqada, oo waxa ay dhahayaan iyo waxa ay ictiqaadsanyihiin way kala duwan yihiin.
Nimankaas wahhaabiyada madaxda u ah, ee culumada isku sheega ee soomaaliya dagaalka ka wada ee jihaadka ku sheegay, waa niman ictiqaadsan caqiidada wahhaabiyada, caqiidadaas oo ku salaysan tajsiim iyo tashbiih, oo ah caqiido laga soo qaatay diinta nasaarada, marka kuwaas in ay kufaar yihiin shaki kuma jiro, hadaba muslimiinta waxaa ku waajib ah in ay ka fogaadaan nimankaas waxa ay wadaan, oo ay la dagaalaan haddii ay awoodaan in ay la dagaalaan si shartooda dalka looga fogeeyo, kufrigoodana umadda looga badbaadsho.
2. Qaybta labaad waa dadka caamada ah ee iska raacsan ayaga oo aan garanayn waxa ay nimankaasi aaminsanyihiin, kooxdaas caamada ah waa loo digayaa, culumada muslimiinta ee joogta soomaaliya ayay ku waajib tahay in ay caamada u digaan oo uga digaan kooxdaas wahhaabiyada ah, ee marna salafiyo isku sheegaysa marna ahlusunno marna ikhwaan marna wadaaddo, xaqiidadeeduna tahay in ay sanaadiqo yihiin oo ay jawaasiis u yihiin wahhaabiyada sacuudiga, marka dadkaas caamada ah haddii loo digu, qofkii ka soo laabta la kufrin maayo, qofkii ku madax adayga ama ku murma ee yiraahda kufaar ma aha, ama saxa caqiidadooda, asigana waa la kufrinayaa, cuntada uu karsho iyo xoolaha uu qalo waa xaaraan, gabdhaha muslimiintana ma geeyo, salaad iyo soon iyo cibaado noocii ay doonto ha ahaatee midna ka ansixi mayso, maxaa yeelay caqiidadii aasaaska ahayd ayuu ka baxay.
Quraanka akhriskiisa iyo salaadda tukashadeedu Islaamnimo daliil uma aha
Wahhaabiyadaas Soomaaliya ee al-Itixaad isku magacawda qaar badan oo ka mid ah muslimiinta soomaalidu kolkii ay arkeen in ay tukanayaan oo quraan akhrinayaan ayay u maleeyeen inay muslimiin sidaa ku noqonayaan, hadaba muslimiintu waa in ay bartaan axkaamta shareecada, qof kasta oo salaad u foorarsada ama quraan akhriya muslim ma aha, waxaana u daliil ah munaafiqiintii noolayd waagii Nabiga nnk ee ku daba tukanayay Ilaahay wuxuu inoo sheegay in ay ku waarayaa daragga ugu hooseeya naarta, sidoo kale khawaarijtii (wahaabiyada iyo itixaadka maanta joogaa ka yimid) asaxaabta oo dhan baa la dagaashay oo laayay, quraanka iyo salaadda iyo cibaadada kalena khawaarijtaas cid ka badisay ma jirin, laakiin caqiidadooda ayaa baadil ahayd, marka muslimnimadu waxay ku saqlaysantahay caqiido saxiix ah, ciiddii aan caqiidadaas saxan la imaan, boqol jeer haddii ay tukato salaad laga aqbali maayo, quraan haddii ay akhrisana sidaa muslim ku noqon mayso maadaama ay aaminsan tahay caqiido habowsan sida itixaadka aaminsan in Ilaahay daruuraha dushooda kursi kula fadhiyo asiga oo Rasuulkana meel uga banneeyay!!
Xukunka qofkii muslimiinta laaya ee xoolohooda dhaca asiga oo jihaad ku andacoonaya waa in uu kaafir yahay jahannamana uu ku waari doono
Hadaba xukunka kuwa wahaabiyada ah ama itixaadka ee muslimiinta laynaya waa xukunkii khawaarijta oo kale, kuwaas oo uu Imaam Cali la dagalay oo laayay, waxay isu arkaan in ay kaligood muslim yihiin, oo muslimiinta kale gaalo tahay, waxay aaminsanyihiin caqiido fasahaadsan oo aan islaamka sal iyo baar ku lahayn.
Sidaa darted, sida ay caddaynayso aayadda aan kor ku xusnay qofkii muslimiinta laaya ee xoolohooda boobaya sida wahhaabiyada soomaaliya yeelayaan, ayaga oo ku andacoonaya jihaad, waa kufaar, jahanama ayay ku waari doonaan, nacalladdii Ilaahay ayaana ku dhacday iyo caradiisii.
Qofkii dagaalkooda jihaad ku sheega ama Ilaahay ku mahadsha kadib markuu qof Islaam ah dilay, asiguna waa kaafir, jahannama ayuuna ku waarayaa, caradii Ilaahay ayaana ku dhacday iyo lacanaddiisii, sida aayadda ku cad
Hadaba muslimiinta soomaalida waxaan uga digaynaa in ay ka fiirsadaan waxa ay leeyihiin, ma bannaana, taa daaye waaba kufri cad in qof muslim ah la dilo ee Ilaahay loo mahad celsho!! Kufri in ay tahay waxaa u daliil ah in qofkaasi jahanamo ku waarayo sida aayaddu sheegtay, jahanamana waxaa ku waara gaalada, qofkii qalbigiisa xabbad yar oo iimaan ah ku jirtana waa laga soo bixinayaa.
Marka ma bannaana in lagu tilmaamo dadkaas dagaalkooda jihaad, mana bannaana in muslimiinta dadka laynaya lagu tilmaamo muslimiin, sidee muslimiin ku noqonayaan ayaga oo muslimiinta laynaya, qofkii muslim dila waa kufrinayaa haddii uu ulakac u yeelay.
Hadaba sida kutubta cilmiga ku qoran, jihaad waxaa la yiraahdaa dagaalka muslimiintu uga hortegayaan cadawgooda kufaarta ah, jihaad lama yiraahdo dagaal laba qolo oo muslimiinta ka tirsan ka dhexdhaca, haddii laba qolo oo muslimiinta ka mid ah dagaalaan, qolada gardaran ee xaqdarrada ku socota waxaa la yiraahdaa (Buqaat) ama (ahlu Baqyi).
marka qofkii aanan wax aqoon waa in uu iska aamuso, qofkii jihaad ku sheega dagaalka soomaaliya waa qof jaahil ah warkiisana wax la qabto malaha, culumadana waxaa ku waajib ah in ay ka digaan arrinkaas oo caamada ku baraarujiyaan xukunka sharciga ah ee saxa ah.
Khayer baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed
- Sunday, March 26, 2006 at 19:24:50 (CST)
- Su'aal: Qofka Muslimka ah (jihaad) ma lagu dili karaa?
Marka hore waxaan salaamayaa Sh. Dr.Xirsi ow maxamed waxaana ku salaamaynaa salaanta islaamka (asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu).
Salaan kadib sheekha waxan waydiinaynaa maxaay diinta islaamku kaqabtaa qofka ku banaysta dhiigga muslimiinta (jihaad). Maxayse ka qabtaa diintu qofka ku mahdiya ilaahay asaga oo dilay qof islaam ah taas oo ka dhacday dalkeena gaar ahaan dagalada ka socday oo rag wadaado sheeganayaahi ay ku magacaabee (jihaad).
axmed sh, yuusuf sh, aadem <axmadyare52>
- Sunday, March 26, 2006 at 17:28:01 (CST)
- Jawaab: Xagee cinwaanka (Emailka) ku soo qori karnaa?
Assalaamu calaykum: walaalayalaal aad baad ugu mahadsantihiin bogaadinta iyo salaanta, waxaanna Allaah idinkaga rejaynayaa in uu towfiiqda indin waa fajiyo, dariiqa toosanna idinku toosiyo dhammaantiin.
Midda hore, su'aasha ah xaggee cinwaanka ku soo qornaa: Cinwaanka (Emailka) ah ayaan u baahannahay oo kaliya, si aan qofka ula xiriirno haddii ay su'aashiisu tahay mid u baahan in si gaar ah looga jawaabo, maxaa yeelay su'aal kasta jawaabteeda bogga kuma soo qori karno sababo badan awgood.
Sidaa darteed cinwaanka emailka ah ku qora meesha emailka loogu tala galay kulka aad su'aasha soo diraysaan, emailkaas annaga ayuu inoo imaanayaa ee webka aadi maayo, kolka uu inoo yimaado ayaan diiwaanka gelinaynaa, webkana lagu soo qori maayo haba yaraatee oo qarsoodi ayuu ahaanayaa.
Su'aasha labaad ee ah ninku naagtiisa caanaheeda ma cabi karaa? jawaabtu waa haa, xaaraan kama aha, waxbana kuma jabna haddii caanaha naagtiisa leqo ama cabo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 26, 2006 at 17:24:03 (CST)
- Su'aal: Xaggee cinwaankeenna (emailka) ku soo qornaa?
Shaikh waan idin salamaynaa adiga iyo raga kula shaqeeyaba, salaan iyo hambalyo anaga oo ah dhalinyaro ku nool wadanka Kenya siiba magaladaa Nairobi.
Waxaan shaikha waydiinaynaa 2 arimood oo kalla ah sidaan: Waxaan ku aragnay websiteka yaan lugu soo qorin ciwaankiina websiteka dhexdiisa, marka xagee kusooqori karnaa?
Midda kale waa ninku naagtiisa caaneheeda ma cabikaraa?
Ahmed said <xcadde>
- Sunday, March 26, 2006 at 17:18:19 (CST)
- Jawaab: Xaaskaygu ma iga jebshaa waysada?
Assalaamu calaykum: walaal xaaskaagu waysada way kaa jebisaa sida mad-habta shaaficiyadu qabto, marka haddii aad mad-habta shaaficiyada raaci jirtay, waysadu way kaa jebaysaa.
Sikastaba ha ahaatee, haddii aad mad-habta xanafiyada raacdo taabashada jirka kore ah waysadu ku jebimayso. xambaliyada iyo maalikiyaduna waxay qabaan in haddii taabashadu kacsi awgiis ahayd ay jebayso haddii kale oo aanay kacsi ahaynna aanay jebayn.
Miida kale ee aad tiri: Naagtayda naasaha ma ka nuugi karaa, jawaabtu waa haa, waxbana kuma jabna taas, maxaa yeelay nuugista la sheegay ee xukunka qaraabo leh waa midda carruurtu ayaga oo laba sano ka yar nuugaan naagta, culumaduna waxay soo daliilsadeen aayadda 233 aad ee suuradda al-Baqarah.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 26, 2006 at 03:46:58 (CST)
- Su'aal: Xaaskaygu ma iga jebshaa waysada?
walaal waxaan kuweydiyey xaaskaygu ma iga jebshaa waysada? tankale xaasakayga naasaha ma ka nuugi karaa?
faarx maxed aden <jiiraa99>
- Sunday, March 26, 2006 at 03:42:01 (CST)
- Jawaab: Ma la arkayaa Ilaaha aanu caabudno aakhiro?
Assalaamu calaykum: walaal Ilaaha aanu caabudno waa la arkayaa maalinta qiyaamaha, waxaana arkaya dadka reera janno ah, waxayna arkayaan qaab la'aan iyo fogaan la'aan, waxay u arkayaan si u qalanta Ilaahay waynaayee.
Mad-habta ahlusunnada ayaa sidaa ah, waxayna soo daliilsadeen aayaddaha 22-23 ee suuradda al-qiyaamah iyo axaadiis.
Aayadda 143 ee suuradda al-Acraaf ee Ilaahay yiti "I arki maysid" ahlusunnadu waxay ku fasireen in ay tahay adduunyada.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 26, 2006 at 03:40:44 (CST)
- Su'aal: Ma la arkayaa Ilaaha aanu caabudno aakhiro?
Salma caleykum shkh xirsi: Shiikh suaal caqiidada ku saabsan yaan wataa. ma la arkaayaa ilaaheynu caabudno akhiro?
kaahin salaad ahmed <kahiin_salaad>
- Sunday, March 26, 2006 at 03:23:43 (CST)
- Su'aal: Waxaan daba joogaa, su'aashii "alllaahu fissamaa'"!
Assalaamu calaykum: Walaal shibiin, aad baad ugu mahadsantahay dadaalkaaga, waana fahmay su'aalahaagii, waxaanna kaa codsanayaa in aad marka soo socda ee aad su'aal i soo waydiiso soo qorto cinwaankaaga (emailka ah) si aan kuula soo xiriirno kali ahaan, maxaa yeelay bogga fatwada looguma tala gelin munaaqasho isdabajoog ah ee waxaan ugu talagalnay in aan su'aalaha fiqhiga ah iyo kuwa caqiidada ah ee gaagaaban uga jawaabno, maxaa yeelay waxaa akhrisanaya dad jaad walba leh oo caamo iyo culumo isugu jira.
Marka walaal halkan kagama hadli karno axaadiista sanadkooda iyo takhriijintooda, maxaa yeelay arrinkaas ma aha mid caamadu ay fahmayso ulajeedadiisa, laakiin haddii aad doonayso jawaabo faahfaahsan oo arrinkaas ku saabsan emailka iigu soo qor adiga oo mahadsan.
Haddii aan tacliiq yar ku sameeyo su'aalahaaga, midda hore ee ku saabsan sida uu xaddiiska jaariyaddu mudarib ku naqday, waxaan u malaynayaa in aad ka fahamtay baytka aad biiquuniyada ka soo naqlisay ee ah - و ذو
اختلاف سند أو متن مضطرب عند أهيل الفن
Baytkaas ayaa kuu caddeeyay in xaddiisku haddii "matnigiisu ama sanadkiisu" iskhilaafayo uu "muddarib" yahay, waxaanna horey kuugu sheegay in xaddiisku ku soo arooray erayo iskhilaafaya, marka garan maayo sababta aad wali la fahmi la'dahay cilladda aan kuu sharxay!!
Horay waxaan kuugu sheegay in qisada gabadha jaariyadda laga soo weriyay ay iskhilaafsantahay oo la yiri (waxay tiri - fissamaa'i) qaarna waxay ka soo weriyeen in la yiri (atash-hadiina..) qaarna waxay soo weriyeen in la yiri (man rabuka) marka haddii kaasi uusan ahayn khilaaf xagga matniga ka haysta xaddiiska muxuu yahay oo kale!!
Marka adiga ayaa biiquuniyada ka soo naqliyay baytka leh (mudarib waa midka khilaafku ku jiro sanadkiisa ama matnigiisa) markaas baad hadana isii waydiinaysaa sidee xaddiiska jaariyaddu mudarib ku noqday, marka waxaad igu noqotay sidi ninkii yiri: (Hashu maankayga gaddaye ma masaarbay leqday)!!
Haddii aan u soo laabto su'aashaada labaad, ee ah xaddiiska كم الها تعبد؟ waxaan ku leeyahay waa xaddiis daciif ah waxaana caddeeyay Ibn al-Jawsi kitaabkiisa dafcu shubahi at-tashbiih, sidoo kale ka fiiri maqaalat al-kowthari.
Midda kale kutubta aad sheegtay ee aad tiri xaddiiska ayaa ku soo arooray, anigu kuma arag qaar badan oo ka mid ah, laakiin xaddiiskaas waxaan ku arkay Musnadka ar-rawiyaani iyo kitaabka ithbaat sifatil al-culuwi, waxaans e hadalka kuugu soo gaabinayaa in uu xaddiisku daciif yahay.
su'aasha xigta ee ah fahmidda culumadu fahmeen (fissamaa'i) waxaan u malaynayaa in aan kuu sharxay, waana ogahay oo horay ayaan u akhriyay qoraallada aad ii soo qortay ee carabiga ah, horay ayaanna uga jawaabay.
Jawaabaha su'aalaha iyo munaaqashada
Waxaa kale oo aan walaal doonayaa in aan ku ogaysiiyo in sabarku xad leeyahay, waad ku mahadsantahay sida aad u qiimaysay sabarkayga iyo dulqaadkayga xagga ka jawaabidda su'aalaha, laakiin xusuusnow, sabarku xad buu leeyahay.
Anigu waxba kama qabo in aan ka jawaabo su'aalaha intii tabartay ah, laakiin qofkii doonaya in uu munaaqasho cilmiyaysan ila galo, waxaan ku xiraa shuruudo, waana in uu marka hore ii sheego taariikhda waxbarashadiisa iyo mowduuca uu soo bartay iyo derejada cilmiga ah ee uu sito.
Sababta aan sidaa u leeyahay waa in aan ogaado qofku heerka uu waxbarashda ka gaaray, iyo nooca waxbarashada uu soo maray, ma mid taqliidi ah baa, oo shiikh ayuu cilmiga ka qaatay, mise waa mid kale oo jaamicado ayuu ka soo baxay.
Waxaan sidaa u yeelayaa ma aha quursi aan dadka quursanayo, nacuudu billaahi, ee waa in aan ogaado qofka khalfiyaadkiisa si aan ugu jawaabo jawaab u qalanta, midda kale, way adagtahay in aan qof injineer ah kala doodo masaa'ilka caqiidada, maxaa yeelay waxaan ka baqaa in uusan mustalaxaadka fahmayn, cilmi kastana mustalaxaad buu leeyahay.
Marka walaalkeen Shibiin waa in aad ogaato in aan in badan dulqaatay, maxaa yeelay adiga xataa sooma aadan qorin emailkaaga, marka runtii igama mudnayn xataa in aan kuu soo jawaabo, maxaa yeelay qofkii aanan emailkiisa soo qorin oo aanan lahayn qaab loola xiriiro, xaq iiguma laha in aan u jawaabo.
Sikastaba ha ahaatee, dacwada islaamka ayaa waxwalba ka muhiimsan, marka maadaama aad tahay nin waxkororsanaya ayaan waqtigaas ku siiyay aniga oo rejaynaya in aad wax iga faa'iidaysan doonto, marka towfiiqda ayaan kuu rejaynayaa, fasax baadna u qabtaa in aad isoo waydiiso wixii aad doonto, kaliya emailka soo qor, iyo magacaaga oo dhan, haddii aad munaaqasho qoto dheer oo takhasus u baahan sida kuwa aad i soo waydiisay doonaysana iisoo sheeg khalfiyadaada wax barasho iyo derajadaada cilmiga ah iyo waxa aad ku takhasustay iyo waxa aad ka shaqayso si aan figrad fiican kaaga qaato jawaab kuu qalantana kuu siiyo.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Friday, March 24, 2006 at 01:03:33 (CST)
- Su'aal: Waxaan daba joogaa, su'aashii "alllaahu fissamaa'"!
Salam caleykum sh Dr.Xirsi shiikh waad ku mahadsantahey jawaabtaada (runtiina waxaan aad kuugu bogaadinayaa sicatalsadriga aad muujisey iyo haah laanta aadan dhibsaneyn inaad mujiso wixii aad ka qabto wixii lagu soo weydiiyo runtiina waa mid ku yar dadka maanta).
Hadii aad i tiri maxaad u daba joogta xadiiska jaariyad shiikh waxaan u daba joogaa inaan kala barto sida uu u noqdey mudarib isagoo kusoo aroory
صحيح مسلم،موطا مالك،الام للشافعي، وصححه الحافظ ابن حجر العسقلاني في الفتح والبيهقي في الاسماء
Mar hadii aad sanadkiisa wax ka sheegin yacnii sida kutaal bequuniyada iyo kutubta kale ee ku gaar ah cilm mustalax alxadiith
(و ذو اختلاف سند أو متن مضطرب عند أهل الفن
Waayo waxaan filayaa inaad arintaa adigu baxthi ku sameysey laakin aadan cid kaga dayan markaa anaguna aan kala baxno cilmi ku saabsan mustalax alxadiith.
Suaasha labaad waxey tahey bal noo muuji darajada xadiiskan aan ku arkey (لمعة الاعتقاد)
وقال النبي صلى الله عليه وسلم لحصين: كم الها تعبد؟ قال سبعة، ستتة في الارض وواحدا في السماء .قال ومن لرهبتك ورغبتك قال:الذى في السماء. قال فاترك الستة، واعبد الذى في السماء، وانا اعلمك دعوتين. فاسلم وعلمه النبي صلى الله عليه وسلم ان يقول اللهم الهمني رشدي وقني شر نفسي. اخرجه الترمدي واحمد والبخاري في تاريخه الكبير والطبراني في الكبير والبيهقي في الاسماء والصفات والدارمي في الرد على المريسي وابن خزيمة في التوحيد والهندي في كنز العمال
Waxaan kaloo shiikh arintaa fi -alsama sida ey u fahmeen culamdii carbtu sedan ku hayaa:
وقال الامام ابوالحسن
بن علي بن مهدي الطبري تلميد الاشعري في كتاب (مشكل الايات)له في باب قوله (الرحمن على العرش استوي): اعلم ان الله في السماء فوق كل شئ، مستو على عرشه، بمعنى انه عال عليه ، ومعنى الاستواء :الاعتلاء، كما يقول العرب:استويت على ظهر الدابة، واستويت على السطح،بمعنى علوته، واستوت الشمس على رأسي، واستوى الطائر على قمة رأسي، بمعنى علا في الجو فوجد فوق رأسي والله جل جلاله عال على عرشه،ويدلك على انه في السماء عال على عرشه قوله :( أأمنتم من في السماء ) وقوله:(ياعيسى اني متوفيك ورافعك الي)وقوله:(اليه يصعد الكلم الطيب )وقوله (ثم يعرج اليه) وزعم البلخي ان استواء الله على العرش هو الاستيلاء عليه، مأخود من قول العرب :استوى بشر على العراق ،اي استولى عليها، وقال:ان العرش يكون الملك، فيقال له:ما انكرت ان يكون عرش الرحمن جسما خلقه، وامر ملائكته بحمله، لقوله تعالى:(ويحمل عرش ربك فوقهم يومئذ ثمانية). ومما يدل على ان الاستواء ههنا ليس بالاستيلاء، انه لو كان كذلك لم يكن ينبغي ان يخص العرش يالاستيلاء عليه دون سائر خلقه،اذ هو مستول على العرش وعلى الخلق، وليس للعرش مزية على ما وصفته، فبان بذلك فساد قوله. ثم يقال له ايضا:ان الاستواء ليس هو الاستيلاء الذى هو من قول العرب: استوى فلان على كذا، اي استولى، اذا تمكن منه بعد ان لم يكن متمكنا، فلما كان الباري عزوجل لا يوصف بالتمكن بعد ان لم يكن متمكنا، لم يصرف معنى الاستواء الى الاستيلاء
Waad salaamanthey shiikh
shibiin
shibiin <shibiin>
- Friday, March 24, 2006 at 00:33:45 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|