|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Mahadcelin iyo Codsi ka timid Maamulka bogga Fatwada iyo Su'aalaha
Assalaamu calaykum: waxaan mahad wayn u soo jeedinaynaa dhammaan dhallinyarada iyo aqoonyahannada iyo culumda nagala qaybqaadata su'aalaha iyo munaaqashooyinka lagu soo bandhigo boggan.
Annaga oo qaderinayna dadaalkiinna ayaan waxaan doonaynaa in aan idin xasuusino in ay lagama maarmaan tahay in aan helno cinwaanka (emailka) dadka nala soo xiriiraya, enailladaas halkan webka dhexdiisa ah laguma soo qorayo oo qarsoodi bay ahaanayaan, laakiin waxay gelayaa diiwaanka maamulka webka si aan ula xiriirno dadkaas haddii aan u baahanno.
Su'aalaha iyo munaaqashooyinka oo dhan webkan laguma soo bandhigo
Waxaa kale oo aan doonaynaa walaalaheenna inala soo xiriira in aanay suurta gal ahayn mar walba in aan munaaqashooyinka oo dhan halkan ku soo qorno, sababtuna waa in webkan uu ka dhaxeeyo dadka oo dhan macnaha waxa aan halkan ku qorno waxaa akhrinaya dad caamo ah iyo culumo intaba, marka dooni mayno in aan masaa'ilka aad u sarreeya ee takhasuska u baahan ama qoraalka dheer iyo faahfaahinta xad dhaafka ah u baahan halkan ugu soo bandhigno dadka caamada ah.
Sidaa darteed, haddii dadka qaar su'aalo qotodheer ina soo waydiiyaan waxaan ugu jawaabnaa emailka, haddii su'aashaas ay tahay mid u baahan in si gaar ah looga munaaqashoodo.
Marka waxaan dhammaan akhristayaasha ka codsanaynaa in ay emailkooda qoraan oo ay ka tagaan email sax ah, wuxuuna ahaan doonaa qarsoodi inshaa allaah.
Maamulka Bogga Fatwada <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Thursday, March 23, 2006 at 16:39:09 (CST)
- Bogaadin: Shiikh Waad ku mahadsantahay sida aad noogu bayaanisay su'aalaha ku saabsan sifooyinka
sheekh allaah kaa khayr kuugu jazeeyo sida aad noogu bayaamisay su'aalaha ku saabsan allaah sifooyinkiisa waxaana ku darsan lahaa hanuunku waa cadyahay qofkii rabana ha qaato kii wax kale oo fikrad u gaar ah watana ha iska diido..wabbillaahi towfiiq
cabdirazaq <inahusein>
- Wednesday, March 22, 2006 at 23:27:19 (CST)
- Bogaadin: Sh. Dr. Xersi aad ayaad ugu mahadsantahay faahfaahinta ku saabsan mowduuca sifooyinka
Salaamu calaykum Shiikhunaa Dr. Xirsi, marka hore Ilaah waxaan kaaga baryaynaa in ow aqoontaada ummadda ku anfaco adigana ajir iyo xasanaad badan kaa siiyo.
Marka labaad, waxaan si aad iyo aad ah kuugu mahadinaynaa aniga iyo saaxiibaday sida qaayaha badan ee cimiyaysan ee aad ugu sharaxday dhallinyarada ku soo waydiiyay mowduuca sifooyinka Eebbe ku saabsan.
Run ahaantii Diktoor Xirsi waa yartahay qof sidaas oo kale u sharaxday arrimaha ku saabsan masaa'ilka aad uga jawaabtay dhallinyarada, waxaan rejaynayaa in ay kaa faa'iidaysan doonaan.
Shiikh waxaa i cajebisay sidaas u takhriijisay xaddiiska jaariyada oo runtii ah xaddiis wareer badan ka dhashay mushabihada iyo mujasimaduna in badan ku dhegeen, waxaa kaloo i cajebisay sidaad u sharaxday hadalka culumada oo aad qasdigooda iyo dulucda hadalkooda uga dhaalgaartay, marka fahmadaada oo kale shiikhow Ilaahay ha na siiyo adigana ha kuu siyaadsho. wassalaamu calaykum. akhuukum fil islaam.
Dr. Cabdulqadir Cali <Cabdulqadir02>
- Wednesday, March 22, 2006 at 17:28:47 (CST)
- Jawaab: Shiikhow inoo sii bayaani!!
Assalaamu calaykum: walaal shabin, wali waxaad ku wareegaysaa sida ii muuqata xaddiiskii jaariyadda, waxaad tiri, matniga iyo sanadka inoo sii caddee, anigu sanadka in aanan dacwo ka qabin mar hore ayaan kuu sheegay, marka garan maayo sababta aad ii waydiinayso sanadka xaddiiska.
Matnigana waan kuu sheegay in xaddiisku erayo kaladuwan lagu soo weriyay, sida riwaayadda "man rabbuka" kolkaas bay tiri: "allaah" iyo riwaayada ay samada tilmaantay, iyo riwaayada "atash-hadiina" marka erayadaas kala duwan ayaa lagu soo weriyay xaddiiska, kolka haddii aad taas fahmayso, waxaa kuu caddaanaysa in aanan meeshaa wax daliil ah oo caddaynaya in erayga "fissamaa'i" uu yahay daliil qadci ah oo tusaya in Ilaahay samada dhex fadhiyo.
Xataa haddii aan taas sallimno "jadalan" waxaa wali ku hortaagan mushkiladda ah "fissamaa'i" laftirkeeda, maxaa yeelay mushabihada laftirkoodu ma aaminsana in Ilaahay samada dhexfadhiyo ee waxay leeyihiin wuu ka sarreeyaa!!
Waxaa kale oo aan kuu sheegay in xaddiisku mucaaradayo aayado iyo axaadiis saxiix ah oo uu Islaamku ku salaysanyahay, sida xaddiiska al-Bukhaari iyo Muslim soo weriyeen ee leh: "waxaa la i faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaati kacayaan, in aan Ilaahay mooyee Ilaah kale jirin, aniguna rasuulkii Eebbe ahay..".
Sidoo kale aayadda (faclam annahu laa'ilaaha illaa allaah..), dhammaan waxay si cad u qeexeen qaabka islaamka lagu soo galo kaas oo ah ashahaatinka iyo macrifada Ilaahay, marka qofkii gacanta kor u taaga ama fissamaa'i dhaha ma muslim baa?
Macnaha haddii nin gaal ah kuu yimaado ee aad dhahdo aaway Eebbe, ee uu samada gacanta ku taago, ninkaas ma muslim baa? Jawaabtu waa maya, qof dhahday culumada sidaas ayaa lagu islaamayaana ma jirto.
Sababtuna waa in aanay jirin wax daliil ah oo arrinkaas loo hayo oo aan ahaynxaddiiskii jaariyadda oo khilaafaya aayadaha iyo axaadiis asiga ka xoog badan, isla markaana lafdigiisu muddarib yahay.
Marka sidii aan horeyba kuu iri, walaal xaddiiskaas laguma salayn karo caqiido, sababaha aan soo sheegay awgood.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, March 22, 2006 at 07:10:16 (CST)
- Su'aal: Shiikhow inoo sii bayaani!!
Salam caleykum Dr xirsi:
1. Waad ku mahadsantahey shiikhow jawaabtaada laakin taan rabey maha? fadlan hadii aad noo bayaamin karto sanadka iyo matniga uu madaribka ku noqdey laakin sidaas waa jawaab caamaha oo rayi ku dhisan.
2. Shikhow waxaad tiri culimadan aan soo sheegey waxey u qaateen fisama "culuwu ash-sha'ni" bal shiikhow noo tilmaamaan sidaas halkey ku sharxeen?
shibiin <shibiin>
- Wednesday, March 22, 2006 at 06:50:15 (CST)
- Jawaab: Sidee u fahmeen culumadu "fissamaa'i iyo calal carshi"?
Assalaamu calaykum: Walaal Cabdilcasiis, waad ku mahadsantahay nusuusta aad ka soo naqlisay culumada, wax khilaaf ahna kama dhexeeyaan hadalkaygii ahaa in culumadu "fissamaa'i" ka fahmeen "culuwu asha'ani" iyo hadalka aad hadda soo qortay.
1. Waa midda koobaade waad aragtay hadalka Imaam Axmad ee aad soo qortay, in uu caddeeyay in Ilaahay waynaayee khalqigiisa baayin ka yahay, cilmigiisana kula jiro khalqiga.
2. Midda xigta marka imaam axmad la waydiiyay dad leh Ilaahay carshiga ma saarra wuxuu ku jawaabay in muctasilada hadalkoodu kufri ku wareegayo, laakiin ma uusan dhihin Ilaahay carshiga ayuu saaranyahay, ee mafhuumul mukhaalafo ayaad ka fahamteen, oo waxaad u malayseen in uu ka wado "Ilaahay carshiga ayuu saaranyahay" sidaasna ma aha.
3. Sidoo kale waxaad kahalad ka fahamteen hadalka Imaam Abuu Xaniifa, oo aan hadda ka hor soo daliilsaday oo ah in uu yiri ninkii yiraahda Carshigu samada ma jiro waa kaafir, taasna waa run, maxaa yeelay carshigu samada sare ayuu ku yaal. Waxaa kale oo aad kahald ka fahmaysaan hadalkiisa ah (ninkii yiraahda garanmaayo in Ilaahay cirka jiro iyo in uu dhulka jiro) uu yiri waa kaafir, waa runtiis aniguba waxaan leeyahay sidaas oo kale, laakiin hadalka fahma horta.
Hadalkan waxaa looga jeedaa ninkii yiraahda garan maayo Ilaahay in uu dhulka jiro iyo in uu samada jiro waa nin aanan Ilaahay aqoon haba yaraatee, Imaam abuu xaniifa iyo ahlusunnada oo dhanna waxay aaminsanyihiin in "macrifatullaahi" ay towxiidka aasaas u tahay waxayna soo daliilsadeen aayadda "فأعلم أنه لا إله إلا الله" Marka ujeeddadu waa in uu kaafir yahay ninkii aanan Ilaahay aqoon, ee ma aha in uu kaafir yahay ninkii aanan aqoon in Ilaahay samada jiro, taasna imaamku marnaba ma dhihin hadalkiisana mujasimada ayaa sixun u fasirtay.
4. Midda aad Imaam shaafici ka soo werisay, waxaan qabaa in ay u baahantahay taxqiijin, maxaa yeelay culumada Islaamka kuma jiro nin towxiidka shardigaas ku deray, oo kelimadda shahaadada (laa-ilaaha illaa allaah, muxamaddu rasuulu laahi) lagu lifaaqo shardi kale oo an (allaahu fowqa assamaa') shardigaasna waligeen ma maqal, haddii laga soo weriyay Imaam shaficina waa been abuur ee kutubtiisa waxaasi kuma qorna.
5. Tan xigta waa in aad si toosan u fahamtid hadalka culumada ee ah (inna allaah calal al-carshi) waxay ka wadaan istawaa calal carshi, waana nusuus soo aroortay oo sideeda loo rumaynayo, laakiin macnaheedu ma aha in Ilaahay daatadiisa samada dhexdeeda ku nagyahay, qof culumada ka mid ah oo sidaa tiri ma jirto, oo aan ahayn culumada mushabihada iyo mujasimada.
Fissamaa'i macnaheedu waa (samada ku dhexjira), calal-carshi macnaheeduna waa (carshiga ku dul nagaaday), fowqa assamaa'i macnaheeduna waa (samada dusheeda ahaaday)
Dhammaan erayadaas waxaa xujo ka dhigta mushabihada, daliil qadci ahna uma hayaan, taa daaye daliil saxiix ah xataa looma hayo, ee waa ta'wiilaad wax lagu saleeyay iyo hadal culumo oo sixun loo fasiray ama la been abuuray.
Dhanka kale haddii aan ka eegno erayadaas waxay ka soo horjeesanayaan aayado si cad Ilaahay uga nafyinaya shabbihidda iyo jisminimada iyo samiga iyo ekaanshaha iwm, hadda ka hor ayaanna aayadahaas qaar badan oo ka mid ah soo sheegay, marka waxaan rejaynayaa in aad ka faa'iidaysataan.
Ha ku wareerina afcarabiga iyo hadalka culumada laga soo werinayo
Waxaa loo baahanyahay in aad ka fiijignaataan afka carabiga oo af aad u adag ah, qofkii aanan si fiican u aqoon khalad ayuu ka fahmayaa aayadaha iyo axaadiista iyo hadalka culumada.
Sidoo kale, qofkii aanan ku takhasusin oo aan aad u baran aqwaasha culimada si sahlan ayaa loo khaldi karaa, maxaa yeelay ma yaqaan usuusha culumadaas madaahibteedu ku salaysantahay.
Tusaale ahaan nin yaqaan usuusha mad-habta Imaam abuu xaniifa ee caqiidada ma dhaheen Ilaamka ayaa yiri ninkii yiraahda Ilaahay samada ma jiro waa kaafir!
Hadalkaas kama suurtoobo imaam abuu xaniifa maxaa yeelay wuxuu burrinayaa usuusha mad-habtiisa caqiidada ah.
Marka walaal aniga oo kugu dhiiri gelinaya akhriska, ayaan hadana kaa codsanayaa in aad kolka aad wax akhrinayso ka akhrisato qof wax yaqaan, oo aad kitaabka ku akhriso qof wax soo bartay hortiisa aadna waydiiso macnaha looga jeedo, maxaa yeelay la iskama mala awaali karo macnaha nusuusta iyo hadalka culumada, ee waa nin aad culumo ka qaadatid.
Gabagabada mas'aladan
Marka halkaas waxaa ka cad in hadalka culumadu isugu soo biyashubanayo in Ilaahay uu ka nasahaynyahay xadka iyo jihada iyo meesha iyo ekaanshaha iyo jisminimada iwm, mana aha sida ibn taymiyyah ku andacooday ee uu yiri Ilaahay carshiga ayuu ku fadhiyaa, meelna wuxuu u banneeyay nabi muxamad. mar kalena wuxuu yiri: Ilaahay carshiga ayuu ku fariistay kolkaas buu buuxshay. mar kalena wuxuu yiri Malaa'iktu waa kalkaaliyayaasha Ilaahay (acwaantiisa) waaye!! hadalkaas waa hadalka mushabihada waana kufri, wuxuuna ka buuxaa kutubta Ibn Taymiyyah iyo wixii la halmaala ee mushabiho iyo mujasimo ah.
Annaga alxamdu lillaahi caqqidii ahlusunnada ayaan haysanaa waxaan aaminsannahay in Ilaahay waynaayee ka nasahanyahay waxyaabahaas oo dhan, xuluul iyo tashbiih iyo tajsiim dhammaan annagu waan ka nasahaynaa Eebbe, waana taas madhabta quraanka ku cad oo saxa ah.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, March 22, 2006 at 06:45:44 (CST)
- Su'aal: Sidee u fahmeen culumadu "fissamaa'i iyo calal carshi"?
salaam caleykum sh.Dr.xirsi Waxaan daalacdey jawaab aad ugu jawaabtey nin ku soo weediyey xadiska jaariyada waxaadna ku tiri culimadi xadiiska soo wariyey waxay u qaateen "fissamaa'" waxaa looga jeedaa "culuwu ash-sha'ni" shiikhow adigoo iga raali ah sidaa hoos kutal ayaanu culimadaa iyaga ah ka heynaaye bal fadlan noo iftiimi kutubta kale oo naga qarsoon oo ey sidaa ugu tawiisheen? ذكر شيخ الإسلام أبو إسماعيل الأنصاري في كتابه الفاروق يسنده إلى مطيع البلخي: أنه سأل أبا حنيفة لمن قال: لا أعرف ربي في السماء أم في الأرض؟ فقال الإمام أبو حنيفة: قد كفر، لأن الله تعالى يقول: ((الرحمن على العرش استوى)) وعرشه فوق سبع سموات. قلت: فإن قال إنه على العرش ولكن يقول لا أدري العرش في السماء أم في الأرض؟ قال: هو كافر لأنه أنكر أنه في السماء فمن أنكر أنه في السماء فقد كفر. وزاد غيره: لأن الله في أعلى عليين.
وروى ابن عبد البر في كتاب التمهيد: قول الإمام مالك: الله في السماء، وعلمه في كل مكان لا يخلو منه مكان. ونذكر قول أبي عمر الطلمنكي: في كتابه الأصول: أجمع أهل السنة على أن الله تعالى استوى على عرشه بذاته على الحقيقة لا على المجاز، ثم ذكر قول مالك السابق. وأما قول الإمام الشافعي: فقد قال الإمام عبد الرحمن بن أبي حاتم الرازي: حدثنا أبو شعيب وأبو ثور عن محمد بن إدريس الشافعي قال: القول في السنة التي أنا عليها ورأيت أصحابنا عليها أهل الحديث الذين رأيتهم وأخذت عنهم مثل سفيان ومالك، وغيرهما: الإقرار بشاهدة أن لا إله إلا الله وأن محمداً رسول الله، وأن الله تعالى على عرشه في سمائه يقرب من خلقه كيف شاء وأن الله تعالى ينزل إلى السماء الدنيا كيف شاء. وأما قول الإمام أحمد ابن حنبل رحمه الله: قال الخلال في كتاب السنة أخبرني عبد الملك بن عبد الحميد الميموني قال سألت أحمد ابن حنبل عمن قال: إن الله تعالى ليس على العرش، فقال: كلامهم كله يدور حول الكفر. وقال أبو طالب سألت أحمد ابن حنبل عن رجل قال إن الله معنا وتلا قوله (ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم) فقال أحمد يأخذون بآخر الآية ويدعون أولها، هلّا قرأت {ألم ترى أن الله يعلم ما في السموات} فهو بالعلم معهم وغير مماس لشيء من خلقه. ونذكر أيضاً قصة أبا يوسف في بشر المريسي حينما سمعه يقول وهو ساجد: سبحان ربي الأسفل فأراد أن يقيم عليه الحد لقوله ذلك، فقد أنكر قوله تعالى:{سبح اسم ربك الأعلى} رواه ابن أبي حاتم بسند صحيح
cabdilcaziiz <cabdilcaziiz>
- Wednesday, March 22, 2006 at 06:13:29 (CST)
- Jawaab: Shiikhow sidee xaddiiskii jaariyaddu muddarib ku noqday?
Assalaamu calaykum: Walaal mar labaad ayaan kuugu ducaynayaa in uu Ilaahay kuu sahlo cilmiga iyo wixii aad jeceshahay ee sharciga waafaqsan.
Intaa kadib walaal midda ah wax barashada, waa xaq aan isku leenahay in aan isku dhiirigelino cilmiga dalbiddiisa, marka dhammaanteen talaamiid baan nahay, horayna waxaa loo yiri "al-cilmi bayna at-talaamiid" marka inoo soo duceeya adinkuna in Ilaahay towfiiqda ina waafajiyo.
Haddii aan u soo laabto xaddiiska jaariyadda, walaal waa runtaa oo xaddiiska sanadkiisu waa saxiix, taasna la iskuma haysto, culumada wawayn ee aad sheegtay ayaana caddeeyay.
Sikastaba ha ahaatee, xaddiiska jaariyadda laba cilladood ayuu leeyahay:
1. In uu macnihiisu khilaafsanyahay usuusha diinka Islaamka, siiba "lafdiga ayna allaah" iyo jawaabteeda ah "fissamaa'", sababta uu u khilaafay usuusha diintuna waa in uu jaariyadda Islaamnimo u xukumay kolkii ay tiri "fissamaa'" waxaanna dhammaanteen ognahay in aanan Islaamka sidaa lagu soo gelin, waxaa daliil u ah axaadiis kale oo badan oo Nabiga nnk laga soo weriyay, oo uu dadka ka dalbay ashahaatinka, mana uusan dhihin "ayna allaah".
Waxaa taas la jirta, in aanay jirin riwaayad kale ama xaddiis ama aayad caddaynaysa in islaamnimada lagu qirayo "ayna allaah" xaddiiskaas mooyee.
2. Dhibaatada kale ee xaddiiskan haysta waa in uu ku soo arooray riwaayado kala duwan oo mid waliba loo adeegsaday erayo gaar ah sida riwaayadda "man rabbuka" kolkaas bay tiri: "allaah" iyo riwaayada ay samada tilmaantay, iyo riwaayada "atash-hadiina" marka intaas oo dhan waxay ku tusayaan in aanan xaddiiska lafdigiisu xakamaysnayn ee erayo kala duwan lagu soo weriyay, taasna waxay inagu khasbaysaa in aan qaadano riwaayadda la socon karta usuusha islaamka sida midda leh (atash-hadiina..), maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa in la yiri gabadha ashahaado, waana sida islaamku qabo.
3. Cilladda kale ee xaddiskan haysata waa in mas'alada muranku ka taaganyahay ay tahay mas'alo caqiido ah, oo aanay fiqhi ahayn, taasna macnaheedu waa in loo baahanyahay xaddiis mutawaatir ah oo aanan shaki gelayn, arrinkaasna halkan kuma hayno.
Marka sababahaas oo dhan ayaan u dhahnay in xaddiisku uu muddarib yahay waxaanna ka wadnaa xagga (lafdiga) ee sanadkiisu in uu saxiix yahay waan ogahay.
Sikastaba ha ahaatee, culumada aad sheegtay ee diinka ka dhigtay xaddiiska haddii aad hadalkooda u fiirsato waxaad arkaysaa in ay macnaha xaddiiska ta'wiileen oo dheheen "fissamaa'" waxaa looga jeedaa "culuwu ash-sha'ni" sida aan u leenahay "tacaalaa" ama kor ahaayee.
Marka haddii aad u sii fiirsato shuruuxda xaddiiskaas siiba sharaxa Imaam nawawi way fiicnaan lahayd wax badan ayaana kaaga dillaaci lahaa.
Khayr ayaan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, March 22, 2006 at 01:32:12 (CST)
- Su'aal: Shiikhow sidee xaddiiskii jaariyaddu muddarib ku noqday?
Salaam caleykum Dr.xirsi. Waad ku mahdsantahey jawabtaada iyo tashjiicda aad nagu boorisey inaanu wax barano. kolka hadii aanu adiga wax ka baran weyno yaan kaloo ka faaideysan! shiikhow halkan waxaan arkey inaad marwlaba xadiiska jaariyada aad ku sheegto mudarib marka taan maanta wataa waxey tahey inaad noo sharaxdo sidu mudarib ku noqdey iyadoo culimadii xadiiska ee waaweyna sida muslim, shaafici, maalik ,axmed, abudawood,iyo Beyhaqi Abucawana dhamaan ey isku raaceen inuu yahey saxiix diina ka dhigteen? waad mahadsantahey.
shibiin <shibiin>
- Wednesday, March 22, 2006 at 01:12:49 (CST)
- Jawaab: Qofkii Eebbe iyo rasuulka caaya ma kufrinayaa?
assalaamu caleykum: Walaal Amina, qofkii Illaah iyo Rasuulkiisa u gafa wuu kufrinayaa, ama kaftan ha ahaato ama kas ha ka ahaato.
Weedha aad sheegtay qofkii ku dhawaaqa kufri cad oo aanan ta'wiil lahayn ayuu ku dhacay, waana in uu si degdeg ah diinka ugu soo laabto.
Haddii uu kolkaa ashahaato diinka ayuu ku soo laabanayaa, laakiin naagtiisa
waa in uu nikaax cusub ku soo celsho sida mad-habta xanafiyadu qabto,
Shaaficiyaduna waxay qabtaa in caqdigii fasakhmay oo uu ku soo celin karo
rajco maadaama ay ciddadii wali dhammaan, maxaa yeelay riddada waxaa ku
furmaya nikaaxa, marka ninkii ku dhaca kufri noocaas ah waa in uu ashahaato
oo towbad keeno oo isla markiiba naagtiisa ku yiraahdo (waxaan kuu soo
celshay nikaaxaygii).
Daliilkuna waa aayadda attowba 65, ku soo aroortay. Marka waa in qofkaasi towbad keeno kadib kolka uu ashahaatinka qiro oo uu Allaah dambidhaaf waydiisto.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, March 22, 2006 at 01:10:17 (CST)
- Su'aal: Qofkii Eebbe iyo rasuulka caaya ma kufrinayaa?
assalaamu caleykum sheekh hersi walaal waxaan rabaa inaad iiga soo jawabtid su'aashaan oo murug igu heyso ilaahey ha kaa ajar siiyee.
Walaal qofkii allaah iyo rasuulkiisa caayay ee yiri: sida "ilaahaga was iyo nabigaaga" ma kufriyay aniga oo u sheegayay in uu salaada tikado iiguna jawaabay sidaas markaan ka aamusay kadibna dhahay walaalow qofkii saas yiraahdo waa inuu ashahaataa ka dibna ashahaadada qiray hadan dukado walaal iiga soo jawaab ajar iyo xasanaad allaha kaa siiyo wcs wrt wbr
amina <aamina1967>
- Wednesday, March 22, 2006 at 01:04:58 (CST)
- Jawaab: Naag gaalo ah ayaan ka ballan qaaday in aan qabrigeeda ubax dhigo..
asalaamu caleeykum: walaal ubaxa xabaalaha la kor saarayo laba ujeedo ayuu yeelan karaa, midi waa haddii aad gaalada uga dayanayso, taasina ma bannaana.
Midda labaadna waa haddii aad Nabiga nnk uga dayanayso, maxaa yeelay waxaa la soo weriyay in uu laama qoyan saaray qabri ka mid ah qabriyada.
Marka taas labaadna kuuma bannaana maxaa yeelay qabriga uu Nabigu caleemaha dulsaaray waxay ahaayeen qabuuro dad muslimiinta ka mid ah lagu aasay.
Marka inooma bannaana in aan dambidhaaf u barino dad aan islaamnimada ku dhiman, sidoo kale inooma bannaana in aan gaalada ku dayano, sidaa darteed, kuuma bannaana in aad ballantaas oofiso maxaa yeelay waxaa ku sugan dambi.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 21, 2006 at 19:05:15 (CST)
- Su'aal: Naag gaalo ah ayaan ka ballan qaaday in aan qabrigeeda ubax dhigo..
asalaamu caleeykum: yaa aqii waxaa iga su'aal ah, aniga oo ka qaaday balan axdi ah naag masiixi ah, waxaan ka wadaa naag kaafir ah oona daris aan nahay, hadeey dhimato inaan iloobeeynin oo aan xabaasheeda dul saaro fiyoore.
Marka ma fulin karaa axdigaasi haduusan danbi iga soo gaareeynin. Mahadsanid.
umbakri <umubakr>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:59:28 (CST)
- Jawaab: Siigaysigu ma bannaanyahay?
Assalaamu calaykum: walaal horey ayaan uga jawaabay su'aashan, ee baalka fatwada ka fiiri jawaab faahfaahsan.
Haddii aan kuu soo koobo culumadu way isku khilaafeen, Imaam axmad ayaa banneeyay, Shaaficina wuu diiday, qaarka kalena shuruudo ayay ku xireen.
Sikastaba ha ahaatee, aniga sida iiga muuqata hadalka culumada iyo addilladooda, waxaan qabaa in aanay bannaanayn siigadu haddii aanan dan kugu khasbaysa aanay jirin oo aadan ka baqayn wax ayada ka wayn in aad ku dhacdo.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:56:42 (CST)
- Su'aal: Siigaysigu ma bannaanyahay?
aslamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh: Shiikh siigaysigu ma banaan yahay, balse maxay diin tu ka qabtaa? Mahadsanid.
Ali <tom911jerry>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:53:29 (CST)
- Jawaab: Shiikh sidee la isugu keenayaa sifooyinka iyo aayadda (Laysa ka mithlihi shay')?
Assalaamu calaykum: Walaal Khadar waad ku mahadsantahay su'aasha aad inoo soo gudbisay, waxaanna kuu rejaynaynaa in aad dadaalkaaga iyo akhriskaaga halkaaga ka sii waddo.
Intaa kadib walaal aayadda aad tilmaantay ee (laysa ka mithlihi shay') waa sida ay u soo degtay waana rumaysannahay macnaheeda in aanay jirin wax Ilaahay waynaayee ekaankiisa ah, marka taas wax muran ah kama taagna.
Sifooyinka aad sheegtay ee ah samiicun iyo basiirun iyo biyadayya, ayaguna quraanka ayay ku soo arooreen, marka ayagana waxaa waajib ah in la rumeeyo.
Midda aad tiri sidee laysugu keenayaa? horta ogow in aanan wax isgafsanaan ah ka dhaxayn aayadaha Quraanka, dhammaantood way iswaafaqsanyihiin, taas wax muran ah kama taagna, laakiin waxa iskhilaafsan waa fahamkeenna
Marka walaal meesha kaliya ee aan isleeyahay culumadu way ka hadleen waa arrinka (biyadayya) laakiin sifooyinka kale iyo aayadda aad sheegtay wax khilaaf ah kama taagna.
Waxay dhaheen culumaduna Ilaahay subxaanuhu wa tacaalaa, wuxuu ku sifaysanyahay sifooyinkaas (samiicun basiirun) iwm, waxayna dheheen maqalka iyo aragga Ilaahay lagu sifeeyo ma aha sidi midka aadanaha lagu sifeeyo ee aaladaha ku salaysan, annaga araggeenna iyo maqalkeennu wuxuu ku salaysanyahay aalado (indho iyo dhego) laakiin Ilaahay sidaa ma aha, wuxuu maqlaa oo arkaa aalado la'aan.
Haddii aan u soo laabto erayga (biyadayya) culumadu hadal badan bay ka dhaheen, waxayna u kala baxeen saddex qolo, qolo waxay tiri: Ilaahay baa og muraadkiisa uu ka leeyahay, wayna ka aamuseen, qolana waxay tiri: waxaa laga wadaa: daryeelka Ilaahay iyo qudradiisa. Qolana waxay tiri: Laba gacmood oo run ah buu leeyahay!>
Qolada ugu dambaysa waa mujasimada iyo mushabihada, lwaana khaldanyihiin, laakiin labada kale waa madaahib sax ah.
Marka walaal way jirtaa in mas'alada sifooyinku dhib badantahay, laakiin waxaan qabaa in qofkii si fiican u dersa ee mad-habta ahlusunnada barta uu fahmayo macnaha sifooyinka Eebbe, waxaanna webka soo gelin doonaa tarjamo soomaali ah oo arrinkaas ku sabsan dhawaan inshaa allaah.
Aad baad u mahadsantahay mar labaad, khayr ayaanna kuu rejaynayaa.
Sh. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:50:54 (CST)
- Su'aal: Shiikh sidee la isugu keenayaa sifooyinka iyo aayadda (Laysa ka mithlihi shay')?
Salaam caleykum shiikh: Waad ku mahad santahey shiikh jawaabtaada waxaanse weli iga dhaadhicin sidii la isigu keeni lahaa (leesa ka mitlihi shee) iyo sugida gacmaha, samciga iyo basarka (lima khalaqtu biyadeeya)(samiicu albasiir) iwm.
khadar <khadar99>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:33:53 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|