|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Jawaab: Dr. Hersi maxaad ka leedahay qoraalkan ku soo arooray kitaabkaaga Usuulu al-Caqiidah..?
Assalaamu calaykum: walaal Shibiin, waad ku mahadsantahay su'aashaada iyo tixraaca kitaabka aad inoo soo gudbisay.
Intaa kadib walaal, kitaabka aad tilmaantay (Usuulu al-Caqiidah) aniga oo kaliya ma qorin ee waxaan wada qornay profesor kale oo magaciisa aad kitaabka dushiisa ka heli karto.
Waxaa kale oo aad arkaysaa haddii aad kitaabka dushiisa eegto in aan anigu ahaa qoraaga 2aad, oo aanan ahayn qoraaga 1aad, taasna macnaheedu waa in aanan ahayn qofkii madaxa ka ahaa projectiga cilmibaarista ee uu ninkaa kale ka ahaa madax.
Sidaa darteed, inkasta oo aan figradaha badankooda isku raacsannahay hadana waxaa jirta waxyaabo aan ku kala gedisannahay aniga iyo qoraaga kale, taas ayaana u sabab ah in aad ku aragto kitaabka cibaarooyin la mid ah sida midda aad soo qortay.
Marka horta sababtaas ayaa keentay in ay kitaabka waxyaabahaas ku soo arooraan. Midda labaad, qoraalka aad soo sheegtay waxyaabaha ka muuqda badankoodu waa nusuus sidaa aan u sheegnay u soo aroortay khilaafkuna kama taagna nusuusta sugiddeeda ee wuxuu ka taaganyahay fasiriddeeda, marka waxyaabo yaryar mooyee inta kale waan ku raacsanahay ustaadka qoray cibaarada, waxyaabahaas yaryarna duruufta ayaan ii saamaxay in aan ishortaago, maxaa yeelay xilka soo qorista kitaabka labadayada ayaa jaamicaddu inoo dhiibtay asiga ayaana madax looga dhigay howsha aniguna kuxigeen baan u ahaa, marka waxaan rejaynayaa in aad fahmayso ujeedadayda.
Sikastaba ha ahaatee, mowqifka aan ka taaganahay masaa'ilka aad sheegtay ee kitaabka ku soo arooray waa la ogyahay meelo badan ayaanna uga hadlay, marka waxaa fiicnaan lahayd in aad kutubta kale ee aan kaliyagy qoray fiirisid bal in aad waxyaabahaas oo akle ka helayso iyo inkale.
Hadal iyo dhammaantiis, aad baad ugu mahadsantahay dadaalkaaga, waxaanna ku leeyahay meeshaada ka sii wad akhriska waad ka faa'iidaysan doontaaye inshaa allaah.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:30:14 (CST)
- Su'aal: Dr. Hersi maxaad ka leedahay qoraalkan ku soo arooray kitaabkaaga Usuulu al-Caqiidah..?
Assalaamu caleykum shiikh Dr. xirsi:- Aad baad ugu mahadsantahey jawaabtaadi ku saabsaneyd suaasheydi, mana aha mid tacjiiziya ama falsafiya laakin waa midda jahmiyo iyo ahlusunna ku kala baxaan.
Mar hadii ey kugu noqotey mid tacjiiziya hadaba waxaan meesha kuugu hayaa mid aan war wareeg laheyn waxaana qorey Dr.xirsi labagarre iyo kitaabkiisa كتاب -اصول العقيدة في ضوء منهج اهل السنة aad ugu tala gashey in ardeyda sanadka hore ee jaamicada islaamiga malysia ka bartaan caqiidada ahlu sunna waljamaaca. sidii aan ka soo xigteyna waa tan:
ونؤمن بأنه تعالى مع خلقه وهو على عرشه، يعلم احوالهم ويسمع اقوالهم ويرى افعالهم ويدبر امورهم، ويرزق الفقير ويجبر الكسير، يؤتي الملك من يشاء، ويترع الملك ممن يشاء ويعز من يشاء ويذل من يشاء بيده الخير وهو على كل شئ قدير. ومن كان هذا شأنه كان مع خلقه حقيقة، وان كان فوقهم على عرشه حقيقة (ليس كمثله شئ وهو السميع البصير) ولا نقول كما تقول المعتقدات المنحرفة:انه مع خلقه في الارض ونرى ان من قال ذلك فهو كافر او ضال،لانه وصف الله بما لا يليق به من النقائص. ونؤمن بما اخبر به عنه رسوله ( انه ينزل كل ليلة الى السماء الدنيا حين يبقى ثلث الليل الاخير فيقول: من يدعوني فأستجيب له؟ من يسألني فأعطيه؟من يستغفرني فأغفر له)..... حتى قولك:- وهذه هي عقيدة اهل السنة والجماعة من اصحاب رسول الله والتابعين لهم باجسان، وهي التي نقلها ابوالحسن الاشعري في كتابه (المقالات عن اصحاب الحديث والسنة) ونقلها غيره من اهل العلم والايمان من امثال الغزالي والرازي والبغدادى وابن تيمية وابن القيم وغيرهم
Hadaba shiikhow hadii aad kutubtaada sidaa kor ku taal ku qortay aadna aaminsantahey iney sax yihiin kuna bareyso ardeyda iney rumeeyaan in ilaahey carshigiisa ka koreeyo kuna tilmaantey caqidadii ahlu sunna waljamaaca sida noo muuqata. Maxaad markaa arintaa shiikhow ka leedahey?
shibiin <shibiin22>
- Tuesday, March 21, 2006 at 18:11:01 (CST)
- Jawaab: Sidee Ilaahay loogu sugi karaa sifooyinka sida Samciga ah?
Assalamu caleykum: Walaal Khadar, sifooyinka aad sheegtay waxay ku soo arooreen Quraanka sidaa darteed Ilaahay ayaa loo sugay, marka waxaa inagu waajib ah annaga in aan wixii Quraanka ku soo arooray Ilaahay u sugno.
Midda ah sidee aadanaha loo siiyay sifooyinkaas, jawaabtu waa in Ilaahay uu aadanaha uumay, uuna la uumay aalado, sida isha oo aragga ah, iyo dhegaha oo maqalka ah iwm, marka aaladahaas Ilaahay wuu ka nasahanyahay. Annaga maqalkeenna iyo araggeenna iwm waxay ku salaysanyihiin aalado, sida dhegaha iyo indhaha, laakiin Ilaahay aaladahaas wuu ka nasahanyahay.
Midda kale, aadanaha iyo aaladihiisa sida indhaha iyo dhegaha iwm waa la uumay, Ilaahayna lama uumin oo waa soo jireen, marka wax shabbaad ah meeshaa kama muuqdaan.
Midda kale waxyaabaha aadanaha lagu sifeeyo sida cilmiga iyo xigmadda iwm, waa sifooyin aanan xaqiiqi ahayn, laakiin sifooyinka Eebbe waa xaqiiqi, ee ma aha wax "caarid" ah sida kuwa aadanaha lagu sifeeyo, marka sifada laga hadlayaa waa midda xaqiiqiga ah ee waxyaabaha kale wax kasoo qaad malaha.
Sifo xaqiiqi ah marka aan leenahay waxaan uga jeedna sifo daa'im ah oo soo jireen ah oo jiruhu uu waligiis ku sifaysnaa kuna sifaysnaan doono, taasna cid aanan Ilaahay waynaayee ahayn uma sugnaan, marka qofkii taas oo kale sheegta waxaan dhehaynaa Ilaahay baad isku shabbahday, shirki ayaadna ku dhacday.
Khayr baan kuu rejaynaynaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 19, 2006 at 19:12:45 (CST)
- Su'aal: Sidee Ilaahay loogu sugi karaa sifooyinka sida Samciga ah?
salam caleykum shiikh: shiikh sidee baa loogu sugi karaa ilaahey samciga, xayaatka, basarka, cilmiga, qudrada? saw intaba bani aadanku ma laha halkaasi miyaaney tashbiih aheyn ilaaheyna tashbiihda wuu ka nazahanyey.
khadar <khadar99>
- Sunday, March 19, 2006 at 19:04:44 (CST)
- Su'aal: Xaggee Ilaahay caalamka ku abuuray?
Assalamu calaykum, walaal shibiin, su'aashaadu waa su'aal falsafi ah ee ma aha su'aal diini ah, marka haddii aad doonayso in aad akhriso figrado falsafad ah oo arrinkaas ku saabsan waxaan ka qoray buug uucinwaankiisu yahay (Mushkilaatul falsafatil Islaamiyah) marka carabi buu ku qoranyahay, ee webka kala soo deg, ee fiiri sida aan ugu barbariiqday masaa'ilka Ilaahiyaadka, baab gaar ah ayaan uga hadlay arrinkaas.
Laakiin walaal annagu halkan uga hadli mayno umuurahaas falsafiga ah ee waxaan ku xirannahay nusuusta diinka, oo sharciga in aan ka baxno ma rabno, marka haddii aanan mas'alada aayad ama xaddiis ku soo aroorin annagau kama hadli karno, maxaa yeelay way ka baxday baabkii diinka, waxayna gashay baabka falsafada.
Meel ama makaan maxaa looga jeedaa?
Culumadu waxay "makaan" ku tacriifsheen (xaydaanka uu makhluuqu ku nagyahay), marka makhluuqu ma jiri karo xaydaankaas la'aantiis maxaa yeelay sidaas ayaa Ilaahay u khalqay.
Laakiin marka aan ka hadlayno daatada Ilaahay arrinkaas kuma qiyaasi karno, maxaa yeelay waxyaabaha makhluuqaadka noloshiisu ku salaysantahay sida meesha iyo goorta Ilaahay waynaayee wuu ka nasahanyahay waxayaabahaas, haddii aad tiraahdo sidee buu uga nasahanyahay? waxaad u gudbaysaa su'aashii falsafadda, maxaa yeelay quraanka ayaa inoo sheegay in Ilaahay ka nasahanyahay waxyaabahaas, marka ma dhihi karno sidee buu uga nasahanyahay?
Waxa kaliya ee inoo bannaan waa in aan aamusno oo aayadda waxa ku dhigan raacno, Ilaahay wuxuu yiri: (Wax Ekaankiisa ah ma jiraan) macnaha misaal malaha, wax u eg ma jiraan, wax sidiisa ah ma jiraan, khalqiga oo dhan wuu ka gedisanyahay, marka ma dhihi kartiid sidee uga gedisnaaday?!!
Waxaadna xasuusataa xaddiiskii Nabiga nnk: ee macnihiisu ahaa (shaydaanku wuxuu leeyahay adduunkan Ilaahay baa abuuray, hadaba yaa Ilaahay abuuray?) marka qofka muslimka ah in uu meeshaa gaaro looma bannayn, halkaas kolka aad gaarto waa in aad dhahdo (Ilaahay baan rumeeyay).
Jiritaankeenna Ilaahay ayaa khalqay oo u sabab ah
Ilaahay waynaayee wuxuu inoo sheegay in uu kownka uumay, ma bannaana in aan dhahno sidee u uuntay?! sidoo kale ma bannaana in aan dhahno adigana yaa ku uumay?!!
Xataa falaasifada sida Rassel waxay dheheen waxaa waajib ah in la ictiraafo in uu jiro Ilaah khayr badan oo koonkan uumay, maxaa yeelay haddii aanan sidaa la aaminin waxaa laga daba tegayaa fadeexooyin caqligu ku dhacayo, wuxuu yiri rassel: haddii kale waxaa jaa'is ah in ay dhici karto in uu jiro shaydaan wayn oo waxa aan runta u malaynayno run inooga dhigay, taasna waxay aadanaha ku ridaysaa wareer aanan dhammaad lahayn, cilmiga oo dhanna macna la'aan ayuu noqonayaa haddii aanan Ilaahay jiritaankiisa la sugin.
Marka muslimiinta iska daaye, waxaa mas'aladan xataa ka baqay falaasifada oo ah dad lagu yaqaan in aanay ixtiraamin wax diin ah haba yaraatee, dantuna ku khasabtay qaar badan oo ka mid ah in ay waajibshaan jiritaanka Ilaahay, kana reebtoomaan su'aashiisa.
Hadafkeenu ma aha in aan waqtiga ku lumino su'aalo cilmul kalaam ah
Marka walaalayaal hadafka aan boggan ka leenahay ma aha in aan waqtiga ku lumino ka murmidda figrado kalaami ah oo aan sharciga cuskanayn, waxaan boggan u furnay oo aan waqtiga ugu luminay in aan uga faa'iidayno bulshada muslimka ah ee Soomaaliyeed waxyaabaha ku lug leh diinta Islaamka, siiba aasaaska Caqiidada, iyo axkaamta shareecada uu u baahanyahay maalin kasta.
Sidaa darteed, waxaan akhristayaasha ka codsanaynaa in ay ina soo waydiiyaan su'aalo aasaas ah oo dadka caamada ah ka faa'iidaysanayaan, iyo su'aalo axkaam ah oo shareecada ku lugleh intii ay isoo waydiin lahaayeen su'aalo "tacjiisi" ah oo aanan jawaab go'an lahayn.
Sikastaba ha ahaatee, aad ayaad ugu mahadsantihiin su'aalihiinna, iyo dadaalka aad ugu jirtaan barashada cilmiga diiniga ah iyo sida aad iigu kalsoontihiin oo aad jawaabtayda u xiisaynaysaan.
Baarakallaahu fiikum towfiiqdana allaha idin waafajiyo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 19, 2006 at 19:02:18 (CST)
- Su'aal: Xaggee Ilaahay caalamka ku abuuray?
salaamu caleykum shiikh Dr.xirsi: Shiikhow hadii aan u soo laabto arintaa “الله موجود بلا مكان" iyo hadalkaaga waxaan ka fahmey in makhluuqaadka mooyee aan ilaah loo nisbeyn makaan waayo isaga ayaa makaanka abuurey.
Hadaba su'aasha meesha imaaneysa waxey tahey: Hadii wujuudku uu ku kooban yahey ilaah iyo caalamkuu abuurey oo keliya, xagee buu markaa ilaahey makaan ey ku negaadaan uga dhigey calaamkaa uu abuurey. Yacni markuu abuurey miyuu isku dhex abuurey mise wuu iska hoosaysiiyay mise wuu iska sareysiiyey ileen makaan bey u baahanyihiine?
Hadii markaa caalamka maakaan loo nisbeyn kari waayo sow lama oraan karo "الله موجود بلا مكان والعالم موجود بلا مكان"
wasalaamu caleykum
shibiin <shibiin22>
- Sunday, March 19, 2006 at 18:04:26 (CST)
- Jawaab: Ma khalad bay fahmeen Imaam bayhaqi iyo Ibn Cabdilbir..?
Assalaamu Calaykum: Dr. Sharif, aad baad u mahadsantahay, waana fahmay hadalkaagii iyo qoraalkii aad iisoo gudbisay, marka khayr Ilaahay ha kaa siiyo towfiiqdana Ilaahay ha ina waafajiyo dhammaanteen, xaqana allaha ina tuso dhammaanteen.
Intaas ka dib walaal, annagu ra'yiga culumada waan ixtiraamaynaa, haddii Imaamyada qaar aayadaha ta'wiilaan oo ta'wiilkaas u fahmaan in uu xaq yahay sida hadda ibnul Mubaarak laga soo weriyay, taasi waa imaamkaas ijtihaadkiisii, in uu khaldamo iyo in uu saxanyahay intaba way dhici kartaa, Ilaahay ayaana asiga ka abaal marinaya.
Qofka Muslimka ah waxaa ku waajib ah in uu caqiidada saxdo oo daliilka cilmiga ah raaco mana bannaana in uu muqallid noqdo
Marka walaal annaga inooma bannaana in aan muqalidiin noqono marka caqiidada laga hadlayo, waana in aan xaqa raadino oo daliilka raacno.
Sida kuu muuqata culumada aad sheegtay hadalkoodu wuxuu ku soo biya shubanayaa xaddiiskii "jaariyadda" ee Muslim soo weriyay, xaddiiskaasna horay ayaan uga jawaabay oo waxaan dhahay daliil ma noqon karo, sababtana waan sheegay oo waa in uu mudarib yahay oo lafdigiisu sugnayn iyo in uu usuusha diinka khilaafayo.
Sikastaba ha ahaatee, hadalka culumada iyo ta'wiilkooda laguma salayn karo caqiido, laakiin waa la kaashan karaa haddii daliil qadci ah la hayo, marka haddii xataa hadalka aad soo sheegtay uu sax noqdo wuxuu ahaanayaa hadal culumada qaar dhaheen, ee daliil sharci ah noqon maayo.
Marka waxaan u baahannahay daliil sharci ah si aan u sugno in Ilaahay samada fadhiyo ama carshiga fadhiyo!!
Daliilkaasna lama hayo sida aad aragtay, waxaana ugu dhaw waxyaabaha ay mushabihada iyo mujasimadu ku murmeen aayadda " suuradda al-mulka:16 iyo Suuradda Faadir:10" ee aan shalay sheegay oo aan caddeeyay tafsiirkooda oo aan iri quraanka ayaa fasiraya in looga jeedo "fissamaa'i Ilaahun" marka daliil kale oo muctabar ah ma jiro, ama aayad ha ahaado ama xaddiis ha ahaadee.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 19, 2006 at 17:59:35 (CST)
- Su'aal: Ma khalad bay fahmeen Imaam bayhaqi iyo Ibn Cabdilbir..?
Salaam caleykum Dr.xirsi Waad ku mahad santahey jawaabtaada waana sidaan filaayey inaan ereygaa laga dhex heleyn kutubta culimadii hore.
Tan ka sareenta Eebana waxaa laga soo xigtey meelahan hoos ku yaal oo kale. Markaa ma waxaad na leedahey Beyhaqi iyo ibna cabdulbar iyo ibnal mubaark khalad bey ka fahmeen aayadaha iyo axaadiista ey ku jirto kilmada
"في السماء"?
قال أبو عمر بن عبد البر في التمهيد: وعلماء الصحابة والتابعين الذين حمل عنهم التأويل قالوا في تأويل قوله تعالى (ما يكون من نجوى ثلاثة إلا هو رابعهم ولا خمسة إلا هو سادسهم) هو على العرش وعلمه في كل مكان وما خالفهم أحد في ذلك يحتج به.
روى الدارمي والحاكم والبيهقي وغيرهم باسناد صحيح إلى علي بن الحسن بن شقيق قال سمعت عبد الله بن المبارك يقول نعرف ربنا بأنه فوق سبع سموات على العرش استوى بائن من خلقه ولا نقول كما قالت الجهمية وفي لفظ آخر قلت كيف نعرف ربنا قال في السماء السابعة على عرشه ولا نقول كما قالت الجهمية
وقال الدارمي حدثنا الحسن بن الصباح البزار حدثنا علي بن الحسن ابن شقيق عن ابن المبارك قال قيل له كيف نعرف ربنا قال بأنه فوق السماء السابعة على العرش بائن من خلقه قال الامام عثمان بن سعيد الدارمي ومما يحقق قول ابن المبارك قول رسول الله للجارية أين الله يمتحن بذلك إيمانها فلما قالت في السماء أعتقها فإنها مؤمنة والآثار في ذلك عن رسول الله كثيرة والحجج متظاهرة والحمد لله على ذلك
ثم ساقها الدارمي رحمه الله تعالى
وذكر ابن خزيمة عن ابن المبارك أنه قال له رجل يا أبا عبد الرحمن قد خفت من كثرة ما أدعوا على الجهمية قال لا تخف فإنهم يزعمون أن إلهك الذي في السماء ليس بشيء
Dr.Sharif <sharif ahmed>
- Sunday, March 19, 2006 at 17:42:46 (CST)
- Jawaab: Shiikh jawaab kamaadan bixin arrintan ijmaaca u eg?
Assalaamu calaykum: Walaal waan gartay hadalka laga soo xigtay Imaam bayhaqi, waxaana soo weriyay Maxamad Shamsul xaqul Cadiim, kitaabkiisa "Cownul macbuud" juska 9aad, baalka 76. Iyo Abu Cabdullaahi, Maxamad Bin Axmad Bin Cusman ad-dahabi, kitaabkiisa "Siyar aclaam an-Nubalaa'" juska 8aad, baalka 402.
Labadaas caalim ayaa xaddiiska soo weriyay, waxayna ka soo xigteen Imaam bayhaqi oo ku xusay kitaabkiisa "al-Asmaa' wassifaat".
Sikastaba ha ahaatee, xaddiisku wuxuu sheegayaa, in Imaam Awzaaci yiri: waxaan dhihi jirnay: " Inna allaah fowqa carshihi".
Marka walaal intaasi daliil xoog leh oo sifo Ilaahay loogu nisbeeyo ma aha, maxaa yeelay sida aan marar badan horey u sheegay, hadalka noocaas ah, xataa haddii uu saxiix yahay, ma aha xaddiis nabiga laga soo weriyay oo mutawaatir ah ee waa qowl taabici.
Sifooyinka Ilaahay waxay ku sugnaanayaan, Aayad muxkam ah, iyo xaddiis mutawaatir ah, laakiin wixii intaas ka sokeeya ma bannaana in Ilaahay loo nisbeeyo.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 19, 2006 at 17:34:45 (CST)
- Su'aal: Shiikh jawaab kamaadan bixin arrintan ijmaaca u eg?
salaam caleykum shiikh:- shiikh arintan ijmaaca u eg ninkani kawriyey beyhaqi jawaab kamaad bixin. روى البيهقي بإسناد صحيح إلى الأوزاعي قال كنا والتابعون متوافرون نقول إن الله تعالى جل ذكره فوق عرشه ونؤمن بما وردت السنة به من صفاته
saeed sanjab <saeedsan28>
- Sunday, March 19, 2006 at 17:11:38 (CST)
- Jawab: Jahamiyada iyo Muctasilada..
Assalaamu calaykum: walaal waad ku mahadsantahay kitaabka aad inoo tilmaantay, sidi aan horey kuugu sheegayna, mas'alada sarraynta Eebbe kolka aan leenahay (Eebbe Kor ahaayee) waxay noqon kartaa sharfid oo ah macnaha saxa ah iyo kor xagga sare oo jiho ah, marka macnaha dambe ee jihada ah culumada mushabihada qaar ayaa ku dhegay, sida dahabi iyo Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhaab iyo qaar kale, laakiin daliilkoodu waa daciif, waxayna xujo ka dhigtaan aayadihii aan shalay kuu sheegay iyo xaddiiska jaariyada, aayadihii waa tii aan kuu sharxay oo waxaan ku dhahay aayado kale ayaa caddaynaya macnaha (fissamaai') waxa looga jeedo, waana (fissamaai' Ilaahun) sida aayadda kale u caddaysay.
Xaddiiska jaariyaddana hadda ka hor ayaan ka hadlay waxaanna caddeeyay in xaddiiskaas laba cilladood leeyahay: mid waa matnigiisa oo mudarib ah oo erayo badan lagu soo weriyay, midina waa in uu khilaafayo usuusha diinta Islaamka oo ah aayadda suuradda ash-shuuraa 11.
Culumaduna waxay isku raacsanyihiin in aanan xaddiis aaxaad ah ama mudarib ah ama daciif ah ama aanan mutawaatir ahayn ama caqliga khilaafaya ama usuusha diinta khilaafaya aanan caqiido lagu salayn karin.
Marka halkaas ayaad ka garan kartaa in qaarka ku dhegay "fissamaai'" iyo xaddiiska jaariyadda sida dahabi uu daliilkoodu daciif yahay, taas ayaana ugu wacan in culumada kale oo dhan ay si ijmaac ah u dheheen "Ilaahay wuu ka nasahanyahay in meel loo nisbeeyo".
Marka khayr ayaan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 19, 2006 at 17:09:09 (CST)
- Su'aal: Jahamiyada iyo Muctasilada..!
Salaam caleycum shiikh Dr. xirsi: Shikh waad ku mahad santahey jawaabtaada suaashi aad igu tiri culimada hadlakaa qortey yey ahaayeen kitaabkeena qoreen? Shiikhow waxaan filaaya inaad arintaa iiga cilmi roontahey laakin sheeko dhani waxey dhex taal kitaabka "العلو" imaam dahabi uu qorey markaa bal iiga so jawaab taa? Waxaadna iiga soo jawaabtaa suaashi hore hadalkii awzaaci oo beyhaqi ka wariyey?
salaad macalin <salaad56>
- Sunday, March 19, 2006 at 16:15:19 (CST)
- Jawaab: Jahamiyo iyo muctasilo sow ma ahayn kuwii ugu horreeyay ee Ilaahay in uu khalqigiisa ka korreeyo inkiray?
Assalaamu calaykum: Walaal horta erayga "ilaahay wuu ka korreeyaa khalqigiisa" laba macne ayuu leeyahay ee la soco. Mid waa (sarreynta sharafta ah) marka haddii looga jeedo in Ilaahay khalqigiisa ka sarreeyo, macnaha uu ka awood badanyahay oo uu Ilaah yahay, taasi waa run, cidina iskuma diidana arrinkaas.
Laakiin haddii aad sarraynta uga jeeddo (Kor ama sare, xagga cirka) arrinkaas qof culumadii hore iyo salafka ilaahay u nisbayday ma jirto.
Marka jahamiyada iyo muctasiladu taas ma aha waxa ay inkirtay, ee waxay inkireen sifooyinka kale sida cilmiga iwm. Waxaa la inkiraa wax horey u sugnaa, mas'alada (ilaahay in uu cirka jiro) cid sugtay oo salafka ka mid ahayd ma jirin, marka maxaa laga inkirayaa?
Midda aad tiri: culumada ayaa kutubtooda ku wada qortay! waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegto magaca culumada iyo kutubta magacooda iyo juska iyo baalka lambarkiisa, sida aan aniguba idinkugu soo qoro, si aan u hubsado warkaaga.
Haddii aadan soo qorin kitaabka iyo ninka qoray iyo juska iyo baalka, warkaaga waxaan u qaadanayaa in uu baawsi yahay ee aanuu cilmi ku salaysnayn.
Hadaba, Ilaahay kor ayaayee wuxuu ku sifaysanyahay (kor ahaan) laakiin taas loogama jeedo korta maaddiga ah ee waxaa looga jeedaa korraynta sharfidda ah.
Kolka aan Ilaahay magaciisa xusno, waxaan dhahnaa (tacaalaa, ama kor ahaayee) taas macnaheedu maaha in Ilaahay korkeenna jiro ama samooyinka korkooda jiro!! Ee waxaa looga jeedaa sharfid iyo in uu ka sarreeyo khalqigiisa xagga sharafta iyo Ilaahnimada iyo qadarka iwm.
Waxaan kuu rejaynayaa khayr badan.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, March 18, 2006 at 20:42:15 (CST)
- Su'aal: Jahamiyo iyo muctasilo sow ma ahayn kuwii ugu horreeyay ee Ilaahay in uu khalqigiisa ka korreeyo inkiray?
slaam caleykum: Shiikh jahamiyo iyo muctazilo sow ma ahaan cidii ugu horeysey ee inkirtay in eebbe khalqigiisa ka koreeyo, sida culimadu ku sheegeen kutubtooda?
salaad macalin <salaad56>
- Saturday, March 18, 2006 at 20:26:28 (CST)
- Jawaab: Qowlka (الله موجود بلا مكان) Lafdigiisa kutubtii culumadii hore ma laga heli karaa?
Assalaamu calaykum: Dr. Shariif, horta waxaan kaa rejaynayaa in aad akhriso jawaabtii aan ka baxshay su'aasha arrinkan ku lug leh.
Midda labaad haddii aad lafdigan (allaahu mowjuudun bilaa makaan) laftirkiisa doonayso, waxaan ku leeyahay culumadii hore ma adeegsan lafdi ahaan, laakiin haddii aad akhriso jawaabihii su'aashan aan ka baxshay waxaad arkaysaa in ay macnaha weedhan adeegsadeen.
Midda kale, sida Imaam Qasaali yiri: (Laa mushaaxata fil asmaa' wal istilaax) anigu lafdiga dadka ku dhega ma ahi, ee macnaha ayaa ii dan ah, hadafka weedhan laga leeyahay waa in Ilaahay laga nasaho (makaanka) ama meesha oo aan loo nisbayn jismi iyo jiho iwm.
Culumadii hore waxay dhaheen (lam ya xill fii shayin) macnaha meelna kuma nagaan, marka adigu sidii aad doonto dheh, erayadii aad doonto adeegso, waxaa muhiim ah in aadan Ilaahay u nisbayn meel uu ku nagyahay ama jiho uu degganyahay, maxaa yeelay mas'aladu waa (ictiqaad) sida aad adiguba sheegtay, ictiqaadkuna waa macnaha aad ictiqaadayso ee lafdigu wax wayn ma aha.
Waxaa kale oo ay culumadii hore dheheen (Laa taxwiihi al-jihaatu as-sittah) sida Imaam daxaawi u caddeeyay, akhri qoraalka aan hoos ku qoray ee aan sida faahfaahsan uga soo guurshay culumada hadalkooda ku saabsan mas'aladan iyo nusuusta aan soo daliilsaday ee Quraanka iyo xaddiiska intaba leh, hana ku dhegin xarafka (Allaahu mowjuudun bilaa makaan) maxaa yeelay xarafka ujeeddadu ma aha ee waa macnaha.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, March 18, 2006 at 20:22:33 (CST)
- Su'aal: Qowlka (الله موجود بلا مكان) Lafdigiisa kutubtii culumadii hore ma laga heli karaa?
Salaam caleykum Sh .Dr xirsi. 3-qawlka "الله موجود بلا مكان" waa arin caqiido aadna muhiim u ah markaa shiikhow ma laga dhex heli karaa culimadii hore kutubtooda qawl sidan lafteeda u dhigan "الله موجود بلا مكان".
Dr. sharif <sharif ahmed>
- Saturday, March 18, 2006 at 20:18:27 (CST)
- Su'aal: Qowlka (الله موجود بلا مكان) Lafdigiisa kutubtii culumadii hore ma laga heli karaa?
Salaam caleykum Sh .Dr xirsi. 3-qawlka "الله موجود بلا مكان" waa arin caqiido aadna muhiim u ah markaa shiikhow ma laga dhex heli karaa culimadii hore kutubtooda qawl sidan lafteeda u dhigan "الله موجود بلا مكان".
Dr. sharif <sharif ahmed>
- Saturday, March 18, 2006 at 20:18:22 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|