|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada,
Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. Jawaab: Aayadaha iyo axaadiista saxiixa ah miyaanay caddaynayn in Ilaahay caalamka ka korreeyo?
    Assalaamu calaykum: Walaal Zaahid, qoraalka aad soo qortay iyo xaddiiska aad tilmaantay ee aad tiri: sow daliil uma aha in Ilaahay caalamka ka sarreeyo, jawaabteedu waa sidan:

    1. Horta Xaddiiska aad sheegtay waa saxiix oo Bukhaari iyo Muslim iyo Bayhaqi iyo qaar kale intuba way soo weriyeen. Laakiin taas macnaheedu maaha sida aad u qaadatay aniga ayaana kuu caddaynaya hadalka culumada iyo daliilka fasiraya axaadiista iyo aayadaha noocaan ah.

    Sikastaba ha ahaatee, haddii aan hadalkaagii ku laabanno, waxaan arkaynaa in aad xataa xaddiiskan macnihiisa khalad ka fahamtay, sababtuna waa in xaddiisku leeyahay "man fissamaa'i" taasna macnaheedu luqad ahaan ma aha "caalamka ka korreeya ama ka sarreeya" ee macnaheeda daahirka ah waa "samada dhexdeeda" "fi assamaa'i" waxaa carabiga laga wadaa "samada dhexdeeda".

    Marka haddii aan tafsiirkaaga raacno iyo sida aad xaddiiska u fahamtay, waxay noqonaysaa in aan dhahno "Ilaahay samada ayuu ku dhexjiraa"!! ee ma aha sida aad u sheegtay ee aad tiri: "Miyaanuu caddaynayn in Ilaahay caalamka ka sarreeyo"!!

    2. Midda labaad, xaddiiskaas oo kaliya ma aha nusuusta daahirkoodu tusayo macnayaal jaadkaas ah oo qofkii caamo ah uu u malaynayo in Ilaahay samada joogo ama ku dhexjiro samada iwm.

    Aayadahaas waxaa ka mid ah:
    ءأمنتم من في السماء- سورة الملك:16
    Iyo:إليه يصعد الكلم الطيب والعمل الصالح يرفعه - سورة فاطر:10

    Marka aayadahaas iyo axaadiis la mid ah oo daahirkooda qofka caamada ah ka fahmayo wax uu u malaynayo in Ilaahay samada joogo ama uu kor jiro way jiraan laakiin hadalka culumada iyo waxa ay ka dhaheen arrinkaas waa sidan:

    A. Culumadu waxay isku raacsanyihiin in Ilaahay ka nasahanyahay shabbihidda iyo jisminimada
    Kolka taasi waa qaacido caam ah, culumada oo dhan waxay isku raaceen, salaf iyo khalaf intuba in Ilaahay uu ka nasahanyahay jisminimada oo uusan khalqigiisa shabihin marnaba.

    Waxayna daliilsadeen addillo naqli iyo caqli intaba leh oo la wada yaqaan laakiin ay u caansantahay aayadda ku soo aroortay suuradda ash-shuuraa:11 ee leh: (Wax Ekaankiisa ah ma jiraan).

    B. Culumadu waxay isku raaceen in nusuusta daahirkooda loo malaynayo tashbiih iyo tajsiim aanan macnahoodu ahayn sida daahirkooda ka muuqata
    Marka taasna waa qaacido kale, oo ay ijmaac ka dhigeen culumadu, waxayna isku wada raacsanyihiin in aayadaha iyo Axaadiista daahirkooda loo malaynayo in Ilaahay jismi yahay ama shabbaho khalqigiisa uu dhammaantood macnahoodu aannay ahayn sida daahirka laga fahmayo.

    T. Culumadu waxay isku raaceen in aayadahaas iyo axaadiistaas saxiixa ah ay dhammaantood xaq yihiin oo ay waajib tahay in la rumeeyo
    Qodobkaasna way isku raaceen culumadu, oo waxay aqbaleen dhammaantood in la rumeeyo in aayadahaas iyo axaadiistaas saxiixa ah ay hihiin waxyi xaq ah oo xag Alle ka yimid ayna waajib tahay in loo rumeeyo sida aayadaha iyo axaadiista kale loo rumaynayo.

    J. Culumadu waxay kolka isku khilaafeen sidii aayadahaas iyo axaadiistaas loo rumayn lahaa
    1. Qoloda hore waxay dheheen Ilaahay baa og wixii xaqeeqadoodu tahay, wayna ka aamuseen, waxaana loo yaqaan "tasliim" manhajkan, waxaana u badnaa culumadii hore ee asaxaabta, maxaayeelay ayaga lama su'aalin tafsiirka aayadahaas, waqtina umaanay hayn dersidda iyo dhiraandhirinta aayadaha noocaan ah iyo axaadiista la mid ah, maxaa yeelay waxay ku mashquulsanaayeen jihaadka iyo fidinta dacwada Islaamka.

    2. Qolada labaad waa culumadii dambe ee loo yaqaan "khalfka" waxayna dheheen waa in aan ta'wiilino aayadahaas iyo axaadiistaas, si aan u helno sharax macquul ah oo la socon kara usuusha Islaamka iyo tanziiha Ilaahay. Qoladan ayaa kolkaa u qaybsamay laba kooxood:
    A. Koox tiri: Ta'wiilkaas ama tafsiirka aayadahaas iyo axaadiistaas waa in uu ahaado (Tafsiili) macnaha mid faahfaahsan, oo aad loo dhiraandhirinayo, oo lala kaashanayo naqliga iyo caqliga iwm.

    B. Qolo dhahday waa in uu tafsiirkaasi ahaado mid ku siman tafsiirka ay nusuustu isfasirayso, macnaha aayadahaas iyo axaadiistaas waa in aan aayado iyo axaadiis kale oo fasiraysa ka raadino Quraanka iyo sunnada, maxaa yeelay waxyigu asiga ayaa isfasiraya.

    Ujeedada aayadaha iyo axaadiista aan kor ku soo sheegnay
    Kolka walaal macnaha (fi assamaai') loogama jeedo (samada dhex deggan) ama (samada ka sarreeya ee waxaa looga jeedaa (Samada Ilaah u ah) waxaana taas inoo caddaynaya aayadda kale ee leh:
    وهو الذي في السماء إلهٌ وفي الأرض إله - سورة الزخرف:84
    Iyo: وهو الله في السموات وفي الأرض - سورة الأنعام:3

    Kolka walaal aayadahaas ayaa kuu fasiraya xaddiiska aad ku wareertay iyo aayadaha kale ee aad u malaysay in ay leeyihiin Ilaahay samada ayuu ka korreeyaa ama ku jiraa!!

    Labada aayadood ee aan kuu soo sheegay si cad ayay kuugu macneeyeen waxa laga wado (fi assamaai') waana in lagawado "fissamaa'i Ilaahun"macnaha (samada Ilaah ka ah ama u ah) sidoo kale (dhulkana Ilaah u ah).

    Hadalkii oo kooban, waxaa laga wadaa (Ilaahay samada iyo dhulka iyo wixii ku dhexjira ama caalamka oo dhan ayuu Ilaah u yahay) macnaha guud waa kaas.

    Hal xaddiis ama hal aayad xukun sharci ah ama caqiido laguma saleeyo adiga oo aan nusuusta oo dhan soo akhrin ama aqoon dheer u lahayn
    Walaal waxaan u malaynayaa in aad hadda fahmayso sababta ay culumadu ugu diideen dadka caamada ah in ay quraanka ama xaddiiska sidii ay doonaan u fasirtaan, maxaa yeelay qofkii arka aayad leh (fissamaa'i) wuxuu u malaynayaa in Ilaahay samada dhexfadhiyo, haddii uu arko xaddiis leh (fi samaai)-na sidoo kale sida aad adiguba hadda ugu malaysay.

    Marka culumadu mar hore ayay ka digeen arrinkan, laakiin subxaana laahi, dadkii akhrin maayaan hadalkii culumada, kolka sidee wax ku baranayaan!!

    Qaar ka mid ah wixii culumadu ka dhahday mas'aladan
    Halkan ayaan dhowr tusaale kuugu soo qaadayaa, oo ka mid ah hadalkii culumadu ka dhahday mas'aladan:

    1. Wuxuu yiri Mufasirkii caanka ahaa ee Fakhriddiin al-Raazi (606H): (Waxaad ogaataa in Mushabihadu ay xujo ka dhigatay si ay Ilaahay meel ugu nisbeeyaan qowlkii Ilaahay: (Ma waxaad rumayseen mid samada jooga) al-Mulk:16. Waxayna ka wadaan in Ilaahay carshiga ka korreeyo ama wax taas la mid ah waana ictiqaad faasid ah".

    2. Wuxuu yiri: Xaafidkii Ibn al-Jawzi, kitaabkiisa Dafcu shubhati at-tashbiih, baalka 58aad: (Waxaana waajib ah in aan ictiqaadno in aanan daatada Ilaahay aanay meeli koobayn, aanna lagu sifayn isbeddel iyo guurid).

    3. Wuxuu yiri: Imaam Abuu Xaniifa (150H): Kitaabkiisa al-Fiqh al-Absat baalka 12aad: (Qofkii yiraahda ma garanayo Eebbe in uu Samada joogo iyo in uu dhulka joogo wuu kufriyay. Sidoo kale qofkii yiraahda Carshiga ayuu saaranyahay, mana garanayo carshigu in uu samada jiro iyo in uu dhulka jiro). Macnaha qofkii sidaa yiraahda waa kufriyay.

    Wuxuu yiri Imaam al-Ciz ibn Cabdusalaam, asiga oo hadalka Imaam Abuu xaniifa tacliiqinaya: (Maxaa yeelay, hadalkaas waxaa laga tuhmayaa in Ilaahay meel ku suganyahay, qofkii u maleeya in Ilaahay meel ku suganyahayna waa mushabiho) wuxuu sidaa ku yiri kitaabkiisa Xallu arrumuuzi, sida uu ka soo naqliyay Cali Mulaa al-qaari' oo ah ninkii sharxay kitaabka fiqh al-Akbar ee Imaam abuu Xaniifa qoray.

    4. Wuxuu yiri Imaam Abuu Jacfar ad-Daxaawi oo ah ninka qoray caqiidada daxaawiyada oo geeryooday (321H): (qofkii Ilaahay ku sifeeya wax ka mid ah waxyaabaha basharka lagu sifeeyo wuu kufriyay).

    Macnaha qofkii Ilaahay meel buu fadhiyaa ama meel buu degganyahay ama meel buu ku nagyahay yiraahda waa sidi nin khalqiga iyo Ilaahay isku shabbahay, maxaa yeelay basharka iyo xoolaha iyo uunka oo dhan ayaa meel ku nagaada, ee Ilaahay waynaayee waxaas wuu ka nasahanyahay.

    5. Wuxuu yiri Imaam Nasafi: (Ilaahay wuu ka nafyay daatadiisa in ay u ekaato waxyaabaha kale, kolka qofkii Ilaahay meel ku tilmaama wuxuu noqonayaa qof reddiyay naskii muxkamka ahaa ee (wax ekaankiisa ah ma jiraan) ahaa, kaas oo aan wax ixtimaala haba yaraatee aanuu ku jirin, reddinka naskuna waa kufri, qofkii naska reddiyana waa kaafir, Eebbe taas ha inaga magangelshee) Eeg kitaabkiisa tabsiratul addillati, juska 1aad, baalka 169.

    6. Wuxuu yiri Shiikh Maxamad caleesh al-Maaliki (1299H), asiga oo ka hadlaya waxyaabaha lagu kufrinayo: (Waxaa ka mid ah in la ictiqaado in Ilaahay jismi yahay, ama uu meel ku suganyahay, maxaa yeelay taas waxaa ka laazimaya in uu xaadith yahay uuna u baahanyahay mid muxdith ah), eeg kitaabkiisa "manx al-jaliil, sharx mukhtasar al-khaliil, juska 9aad, baalka206".

    7. Imaam cali waxaa laga soo weriyay in uu yiri: (Eebbe wuxuu jiray ayada oo aan meeli jirin, haddana waa sidiisii), eeg: al-farq bayna al-firaq, cabdulqaahir al-baqdadi, baalka 333.

    8. Waxaa kale oo Imaam cali laga soo weriyay in uu yiri: (Ilaahay carshiga wuxuu u uumay in uu awooddiisa soo bandhigo, ee meel uu dego kama uusan dhigan), eeg. Xulyatul awliyaa, abuu naciim al-asfahaani, juska 1aad, baalka 73.

    9. Waxaa kale oo Imaam Cali laga soo weriyay in uu yiri: (Qofkii ku andacooda in Ilaaheen xad leeyahay, khaaliqa la caabudo wuu ka jaahil noqday) macnaha Ilaahay ma yaqaan qofkii yiraahda Ilaahay xad buu leeyahay, qofkii aanan Ilaahay aqoonna waa kaafir. eeg: kitaabka Itxaaf as-saadah al-mutaqiin, murtada azabidi, juska 4aad, baalka 380.

    10. Wuxuu yiri Imaam Jacfar assaadiq: (qofkii ku andacooda in Ilaahay meel ku suganyahay wuu shirkiyay) eeg: kitaabka athiqaat, ee uu qoray Ibn Xibbaan, juzka 6aad, baalka 131.

    Gabagabada Mas'aladan
    Kolka walaal hadalkii culumada salafka iyo khalafka waa kaas, waxayna isku raacsanyihiin sida aan horayba kuugu sheegay in Ilaahay ka nasahanyahay waxyaabaha khalqigiisu ku sifoobaan sida meel ku nagaashada iyo jihada iyo xadka iwm, dhammaan Eebbe kor ahaayee wuu ka nasahanyahay, maxaa wacay Eebbe wuxuu jiray intaanan la uumin waxyaabahaas, walina wuu jiraa, umana baahna meel iyo goor iyo jiho iyo xad iwm.

    Qofkii kolka ictiqaada in Ilaahay meel ku suganyahay ama jiho leeyahay ama xad leeyahay sida wahhaabiyada waa kaafir, mushrik ah, waadna aragtay hadalka culumada iyo aayadaha iyo axaadiista.

    Kolka qofkii hal aayada ku dhega ama hal xaddiis ku dhega asiga oo jaahil ah oo aanan soo akhrin cilmiga iyo aayadaha kale iyo axaadiista kale iyo hadalka culumada, waa qof lumay oo jaahilnimadiisu ay kufri ku ridday, cudurdaarna malaha.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, March 18, 2006 at 09:08:18 (CST)
  2. Su'aal:Aayadaha iyo axaadiista saxiixa ah miyaanay caddaynayn in Ilaahay caalamka ka korreeyo?
    salaam caleykum dr xirsi:- Shiikh kitaab ayaan sidan ka akhriyey.
    وفي الصحيح قوله عليه الصلاة والسلام: ألا تأمنوني وأنا أمين من في السماء يأتيني خبر السماء مساء وصباح روى البيهقي بإسناد صحيح إلى الأوزاعي قال كنا والتابعون متوافرون نقول إن الله تعالى جل ذكره فوق عرشه ونؤمن بما وردت السنة به من صفاته

    Marka hadlakaa ijmaaca ah iyo axaadiis kale oo badan oo saxiixa kamid yahey micraajku iyo aayado badan oo quraanka ku sugan ayaa tilmaamaaya in illahey caalmka ka koreeyo.

    Marka qawlka leh "allahu mawjuudon bilaa makaan" miyaanu ka soo hor jeedin taa? Azhari.
    zaahid <zaahid_20>
    - Saturday, March 18, 2006 at 07:39:57 (CST)
  3. Jawaab: Laba su'aalood ayaan ku waydiinayaa
    Assalaamu Calaykum: Walaal mad-habta ahlusunnadu waa in Eebbe xadka iyo soohdinka iwm ka nazahanyahay, maxaa yeelay qofkii xad u yeela Ilaahay wuxuu ku shabbahay makhluuqaadka, taasina waa kufri.

    Xad waxaa leh wixii kor iyo hoos iyo bidix iyo midig iyo horay iyo gadaal leh, wixii intaas leh ayaa xad leh, maxaa yeelay xadka macnihiisu waa soohdin koobaysa jismiga la xadaynayo, Eebbana kor ahaayee jismi ma aha, wixii aan jismi ahaynna xad malaha.

    Midda labaad, Imaamyada Ahlusunnada oo dhan sidii aan horeyba u sheegay waxay qabaan in Ilaahay waynaayee uusan shabbihin khalqigiisa, taasna macnaheedu waa in aanan Eebbe waynaayee uusan meel ku nagayn, maxaa yeelay wixii "meel" ku sugan waa jismi, Ilaahayna wuxuu jiray "meesha" intaanan la uumin ka hor.

    Jawaabtan mid ka horraysay ayaan ku faahfaahshay mas'aladan oo ku xusay hadalkii Imaam Shaafici iyo Axmad iyo Abuu Xaniifa iyo qaar kale, marka akhri maqaalkaas.

    Imaam Ashcari asigana waxaa laga soo weriyay in uu yiri: "qofkii Ilaaheen ku tilmaama in uu jismi yahay, wuu ka jaahil ahaaday Eebbaha la caabudo" Waxaa kale oo laga soo weriyay in uu yiri: "Qofkii Eebbe jismi ku tilmaama Eebbe ma yaqaanno waana kaafir".

    Marka culumadu kolka ay leeyihiin Eebbe jismi ma aha, ama ay leeyihin Eebbe khalqiga ma shaabaho, waxay uga jeedaan "Eebbe uma eka uunkiisa" macnaha sidi uunka uma baahna meel uu ku sugnaado iyo goor uu sugnaado iwm dhammaan Ilaahay wuu ka nazahanyahay waxyaabahaas, sidaa darteed, waxay dhaheen Eebbe wuxuu jiray ayada oo aanan wax kale jirin, sida xaddiiska al-bukhaari soo weriyay ku soo aroortay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, March 17, 2006 at 08:47:59 (CST)
  4. Su'aal: Laba su'aalood ayaan ku waydiinayaa
    Salaam caleykum shiikh Dr. Xirsi. Shiikh laba suaal ayaan wataa:
    1. Labda qawl kee baa la raacaa (ilaah xad wuu leeyahey iyo malaha) kee baa saxa.?).

    2. Allaah mawjuudon bilaa makaan maxey shaafici iyo maalik iyo xanbal iyo ashcari ka dheheen waayo anigu nimaankas qowlkooda ayaan aad ugu kalsoonahey runta markaan u hadlo? wa salaamu caleykum.
    saalax axmed <saalax axmed >
    - Friday, March 17, 2006 at 08:35:28 (CST)
  5. Jawaab: Ilaahay xad malaha, laakiin taas macnaheedu ma aha in uu jiidanyahay dhammaad la'aan
    Assalaamu calaykum: Walaal hadalka aad ii soo qortay ee afcarabiga ah waa hadal sax ah, wuxuuna ka digayaa kuwa leh Ilaahay wuu midan yahay dhammaad la'aan sida Ibn Taymiyah iyo al-Baani dhaheen. Ibn Taymiyah wuxuu qabaa in Ilaahay carshiga ku fariistay oo uu Nabiga meel u banneeyay, kitaab kalena wuxuu ku yiri: Carshiga ayuu ku fariistay oo wuu buuxshay meelnina kama bannaana.

    Wuxuu yiri Ibn Taymiyah Ilaahay samada adduunyada ayuu u soo degaa, kolkii la waydiiyay sidee buu kursiga dushiisa ugu fadhiyaa isla markaana u soo degayaa, wuxuu yiri: wuu soo degayaa asiga oo kursigana ku fadhiya, taas waxaa culumadu u fahmeen in uu ka wado (Ilaahay waa sidii wax laastikada oo kale ah oo jiidmaya!!) Subxaana laah.

    Waxaa kale oo ku murmay in Ilaahay jiidmayo dhammaad la'aan Al-Baani oo yiri: Ilaahay caalamka ayuu ku wareegsanyahay oo macnaha sidi wax laastiko ah oo jiidmaya oo caalamka oo dhan ku duuban in uu yahay ayuu ku fasiray wuxuuna khalad ka fahmay aayadda leh: (Eebbana waa mid koobay wax kasta) suuradda annisaa: 126.

    Wuxuu aayaddaas ka fahmay in Ilaahay ku wareegsanyahay adduunka oo dhan!! Marka labadaas nin ayaa yiri: Ilaahay wuu jiidmayaa sidii laastikada dhammaad la'aan, hadalkaasna waa kufri, Ilaahayna wuu ka nasahanyahay waxaa ay ku tilmaameen.

    Ilaahay wuu jiraa, meel la'aan, taas macnaheedana maaha in uu jiidanyahay dhammaad la'aan
    marka walaal waa in la fahmo hadalka culumada iyo macnaha aayadaha iyo axaadiista, Ilaahay in uu jiray meesha iyo goorta ka hor shalay baan kuu sheegay oo kuu caddeeyay aayadaha iyo axaadiista laga soo qaatay macnahaas.

    Wuxuu ku yiri Imaam Abuu Xaniifa qaar ka mid ah kutubtiisa caqiidada: (SIDEE BUU U SHABBAHAYAA UUMUHU UUNKIISA) Oo looga jeedo: ma toosna caqli ahaan iyo diin ahaan in uu u ekaado uumuhu uunkiisa.

    Wuxuu yiri Imaam esh-Shaafici Eebbe ha u naxariistee: (KUMA BANNAANA DOORSOONKU NAFSADDIISA KUMANA BANNAANA ISBEDDELKU SIFOOYINKIISA)Waxaa sidaa ka soo weriyay al-Xaafid az-Zabiidi kitaabkiisa Itxaaf as-Saadah al-Muttaqiin.

    Wuxuu yiri Imaam Axmad bin Xambal iyo al-Imaamu Duu Annuuni al-Misri Ardaygii Imaam Maalik Eebbe ha u naxariistee: (WAX KASTA OO AAD LAABTA KA MALAYSO, EEBBE WUU KA GEDISANYAHAY) Eebbe ma aha wax laabta lagu malayn karo, maxaa yeelay waxa la malaynkaro waxay ka mid yihiin uunka. Kolka Eebbe wuu ka nasahanyahay jismiga iyo meesha iyo goorta iyo qoolaabka iyo qaabka iyo fariisiga iyo doorsoomidda iyo nagaashaha iyo jiidmidda iwm.

    Marka walaal qoraalka carabiga ah ee aad hoos iigu soo qortay ee ah (وليس معنى نفي الحد عن الله انه ممتد الى غير نهاية، فاليحدر هذا التوهم) waxaa qoray qaar ahlusunnada ka mid ah, waxayna ku reddinayaan wahhaabiyada, macnahiisuna waa: in ay wahhaabiyadu kolkii la yiri Ilaahay wuu ka nasahanyahay xad-ka ay u qaateen in uusan xad lahayn oo uu meel kasta ku fidsanyahay.

    Subxaana allaah, bal fiiri sida maskaxdooda habowsan u fikirayso, Ilaahay haddii uu qof towfiiqda ka lunsho, way adagtahay in uu xaqa haleelo, Eebbe jiritaankiisu Xad malaha waxaa looga jeedaa (jiritaankiisu meel kuma xirna) macnaha (Meel la'aan ayuu jiray, haddana wuu jiri doonaa), marka (xad) loogama jeedo (dhamaad). Wahhaabiyadu kolkii ay taas ku fashilmeen ayay waxay dheheen Ilaahay wuu jiidanyahay sidii laastiko, marka kufrigooda ha laga digtoonaado.

    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, March 15, 2006 at 18:35:57 (CST)
  6. Su'aal: Ilaahay xad malaha, laakiin taas macnaheedu ma aha in uu jiidanyahay dhammaad la'aan
    Salaamlaeykum shiikh Dr.xirsi waad ku mahdsantahey jawaabtii aad iga siisey suaasheydi ku saabsaneyd xadka eeba.

    Marka shiikh kitaab aan u maleeyey in wahaabiyadu qortey ayaa sidan qorey (وليس معنى نفي الحد عن الله انه ممتد الى غير نهاية، فاليحدر هذا التوهم) shiikh hadalkaa sidaasa sow laguma radiyo karo Jawaabtaadi hore?
    shibiin <shibiin22>
    - Wednesday, March 15, 2006 at 18:12:19 (CST)
  7. Codsi: waxaan idinka codsanaynaa subac iyo dikri
    Assalaamu calaykum: Walalayaal, Inshaa Allaah waan dadaalaynaa, dalabkiinana waan soo oofinaynaa, dad badan ayaa na soo waydiistay digri iyo subac iyo duruus ku saabsan mowlidka, marka waxaan rejeynaynaa in aan wixii cusub ee ina soo gaara sidegdeg ah idinkugu soo gudbino. Baarakallaahu fiikum.
    Sh. Abdullaahi Salaad <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 21:33:34 (CST)
  8. Codsi: waxaan idinka codsanaynaa subac iyo dikri
    Shiikh Dr. Hersi waxan idinka codsanaynaa inaad nosoo galisiin subac & digri & mowliidka, waxan u qabnaa maxabo ee waan kaa codsanaynaa aniga & akhyarta kale. Mahadsanid.
    axmed maxamed <axmed824>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 21:30:37 (CST)
  9. Jawaab: Kabaha oo lagu tukado ma bannaantahay, iyo Bisinka in hoos loo akhriyo?
    Assalaamu calaykum: walaal axmad, kabaha haddii ay daahir yihiin oo qallanyihiin waa lagu tukan karaa, laakiin haddii ay najaas leeyihiin in lagu tukado ansixi mayso.

    Waana ogahay in wahhaabiyadu ku tukato kabahooda oo najaaso leh, salaaddooduna ansixi mayso kuwaas, maxaa yeelay caqiidadooda ayaaba fasahaadsan.

    Bisinka oo hoos loo akhriyo waa mad-habtii Xambaliyada, marka wahhaabiyadu waxay u malaynayaan diin cusub oo waxay doonayaan in ay dadka istusaan in ay diin cusub heleen oo ay dadka fahmo dheeryihiin!!

    Subxaana allaah, hadaba walaal, bisinku waa aayad ka mid ah faatixada sida uu qabo imaam shaafici iyo culumo badan oo kale, marka haddii uu ka mid yahay faatixada aayadaheeda waa in kor loo akhriyo kolka la akhrinayo faatixada salaadaha jahriga ah ee kor loo akhriyo sida subaxa iyo maqribka iyo cishaha iyo jimcada.

    Marka taasi way iska caddahay, laakiin culumada qaar ayaa qaba in aanuu bisinku aayad ahayn, ee billow u yahay suuradaha quraanka taas ayaana keentay in ay hoos u akhriyaan culumada qaar, sikastaba ha ahaatee, wahhaabiyada iyo itixaadka jaahilnimo ayaa ku qaadday in ay dhahaan waa xaaraan in kor loo qaado bisinka akhriskiisa.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <Sh. Hersi@2garre.com>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 21:27:43 (CST)
  10. Su'aal: Kabaha oo lagu tukado ma bannaantahay, iyo Bisinka in hoos loo akhriyo?
    Asalamucaleykum sheikh hirsi, sheikh waxaan ku waydiiyey Kabahaa oo lugu tukadaa maxayka qabtaa diinta islaamku iyo bisinka oo hoosloo dhigoo saladahaa qaarkood waxaan doonayaa arinkaas inaad sifiican iiga dhaadhiciso waxaa isticmaalaa Wahabiyadaa+ Itixaadka.
    ahmed said <xcadde1>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 21:21:26 (CST)
  11. Su'aal: "Allaahu mowjuudun bilaa makaanin" asalkeedu xaggee ka yimid?
    Assalaamu calaykum: walaal oraahda (Allaahu mowjuudun bilaa makaan) waaxaa laga soo xigtay quraanka iyo xaddiiska iyo culumadii salafka iyo taabiciinta iyo fuqahada hadalkoodii.

    Quraanka: waxaa oraahdaas laga soo xigtay aayadaha: (wax ekaankiisa ah ma jiraan) ash-shuuraa: 11. (Ma garanaysaa wax Eebbe samigiisa ah) Maryam: 65. (Uma sugnaan Eebbe wax ekaankiisa ah) al-Ikhlaas: 4.

    Aayadahaas oo dhan ayaa si cad kuu tusaya in Ilaahay jiro, isla markaana aanay wax la mid ah jirin, taasna macnaheedu waa in Eebbe jiro meel la'aan, maxaa yeelay caalamka ayaa meel leh, Ilaahayse meel kuma sugna oo kuma naga jiritaankiisuna meel uma baahna, laakiin caalamka jiritaankiisu meel buu u baahanyahay.

    Xaddiiska: Oraahdaas waxaa sidoo kale laga soo xigtay xaddiiska uu soo weriyay Imaam Bukhaari iyo qaar kale, Wuxuu yiri Nabigu nnk: (Eebbe wuxuu ahaaday ayada oo aan wax aan asiga ahayn aanay jirin), macnaha Ilaahay wuxuu jiray ayada oo aanay meeli jirin, haddii aanay meeli jirin, inta kalena ma jirin, maxaa yeelay inta kale meel ay ku sugnaadaan ayay u baahanyihiin si jiritaankoodu u suurta galo.

    Waxaa kale oo Imaam Muslim soo weriyay xaddiiska leh: (Eebbow adiga ayaa horreeyay wax kaa horreeyayna ma jiraan, adiga ayaana dambeeya, wax kaa dambeeyana ma jiraan, adiga ayaana daahir ah wax kaa sarreeyana ma jiraan, adiga ayaana qarsoon wax kaa sokeeyana ma jiraan), xaddiiskaas wuxuu caddaynayaa in Ilaahay jiray ayada oo aanan wax kale jirin, macnaha meel ma jirin, goorina ma jirin, wax kalena ma jirin.

    Kolka halkaas ayaa culumadu ka fahmeen in Ilaahay jiray meel la'aan, waana taas midda ay uga jeedaan (allaahu mowjuudun bilaa makaanin).

    Marka walaal halkaas ayaa lagala soo baxay macnaha oraahda aan kor ku xusnay, waxaana looga danleeyahay waa ujeedada ee lafdigeeda oo sidaas ah ma aha, lafdiguna macne wayn malaha ee ujeedada ayaa muhiim ah.

    Waxaa sidoo kale soo weriyay culumo farabadan oo sheegay in uu arrinkaasi Ijmaac yahay, culumadaasna waxaa ka mid ah cabdulqaahir al-baqdaadi, kitaabkiisa al-farq bayna al-firaq, iyo Imaam al-xaramain al-juwayni, kitaabkiisa al-irshaad, iyo fakhriddiin ar-raasi tafsiirkiisa, iyo qaar kale oo badan, oo dhammaanteed sheegay in ay muslimiinta oo dhan iyo culumadeedu ijmaac ku dheheen in Ilaahay uusan meel iyo geer jiritaankiisu ku xaddidnayn oo uu jiro meel iyo goor la'aan.

    Kolka haddii qaar wahhaabiyada ka mid ah ku dhahaan eraygan xaggee ka keentay? waxaad ku dhahdaa "laa mushaaxata fil asmaa'"sidii imaam qasaali yiri: oo ah in aanan erayadu ahayn wax lagu murmo ee ujeedadu tahay muhiim, una sheeg waxa looga jeedo iyo daliilka quraanka ah iyo midka xaddiiska ah, iyo hadalka culumada.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <Sh. Hersi@2garre.com>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 21:19:32 (CST)
  12. Su'aal: "Allaahu mowjuudun bilaa makaanin" asalkeedu xaggee ka yimid?
    Salaam caleycum: shiikh dr. xirsi waxaan daalacdey websitekaaga waxaana ku arkey oraah oranaaya sidaan:(allahu mawjuudon bilaa makaan) oo carabi ku qoran.

    Shiikh oraahdaasi ma xadiis baa, ma qawl saxaabi baa, ma qawl taabici baa, mise waa qawl laga hayo imaamyadii shrafta lahaa sida maalik shaafici ibna xanbal ashcari iyo sh. cabdilqaadir iwm?
    cismaan saalax <cismaan >
    - Tuesday, March 14, 2006 at 20:58:57 (CST)
  13. Bogaadin iyo Taageero: Ka timid ardayda Jaamicadda al-Azhar
    Assalaamu calaykum: walaal Sulaymaan aad baad u mahadsantihiin adiga iyo dhallinyarada kale ee wax ka barta jaamicadda al-Azhar.

    Waxaan dhammaantiin idinku soo dhawaynaynaa webka ahlusunnah wal jamaacah, wixii kaalme ah ee xagga cilmiga ahna waxaa diyaar u ah in uu idinka taageero Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed oo naftiisa u huray khidmada diinta islaamka iyo reddinta madaahibta bidciga ah iyo kufriyaadka firqooyinka fallaagada ah sida wahhaabiyada iyo ikhwaanka iyo takfiirka iyo taxriirka iwm.

    Marka waa allaah mahaddiis haddii casriga maanta ah la helay caalim diinka iyo cilmiga uga soo baxay jaamicado oo ku soo qaatay derejooyin sare sida Sh. Dr. Hersi isla markaana diinka uga hadlaya si xaq ah asiga oo aanan laaluush ka qaadan sacuudiga ama dowlad kale sida ay yeelayaan kooxaha qaarkood.

    Hadaba ardayda soomaaliyeed ee ee jaamicadaha ku jira waxaa ku habboon in ay ka faa'iidaystaan duruusta uu habeeyay Sh. Dr. Hersi, qofkastana wuu soo dhawaynayaa oo gacmo furan iyo qalbi furan ayuu ku qaabilayaa.

    Hadaba waxaan idin leenahay xiriir wanaagsan haddii aad tihiin ardayda al-Azhar dhigata, waxaad joogtaan rugtii ahlusunnah wal jamaacah, waana in aad ka qaybqaadataan dacwada islaamka fidinteeda iyo difaacidda diinka silaamka iyo culumada islaamka.

    Shiikh Maxamad Guuleed allaah ha u naxariistee waxaa sharaf ugu filan in uu kacshay arday uu ka mid yahay Dr. Hersi, oo ka mid ah kuwii tafsiirka iyo caqiidada ka dhegaystay sheekhaas, koox habaowsan oo wahhaabiyo lagu tilmaamo ayaa marka kufrinaysa culumadii wax bartay culumada maanta joogta, marka waxaasi wax la qaadan karo ma aha, wax shareecadu aqbalaysana ma aha, waxaanna ku mahadinaynaa Ilaahaygii inoo soo diray Sh. Dr. Hersi kaas oo shaaca ka qaaday fadeexooyinka iyo kufrinimada kooxda wahhaabiga, kuwo asiga oo kale ahna Ilaahay ha noo badsho. aamiin.
    Sh. Abdullaahi Salaad
    Xoghayaha Webka Ahlusunnah wal Jamaacah
    Sh. Abdullaahi Salaad <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 20:31:48 (CST)
  14. Bogaadin iyo Taageero: Ka timid ardayda Jaamicadda al-Azhar
    Salaan kadib, walaalaha sharafta badan ee uu u horeeyo sh: Dr: Hirsi aad ayaay ugu mahadsan yihiin dacwada islaamka in ay si wanaagsan ugu wadaan aalada webka ee casriga ah.

    Anigu su'aal aan weeydiinayo malahan hadii aan is magacaabana waxaa lay yirahdaa: suleyman muxumed qasaaye, waxaana ahay arday wax ka barta wadanka masar gaar ahaan jaamacada Al AZHAR qeybta shareecada islaamka aad ayaana inkugu mahad naqayaa dhamaantiin in kastoo aan jeclaan lahaa isbarashadu in aay siyaado oo iimaylada si aan inkaga faa'ideysano, gaar ahaan anigoo webkani aad u jecel su'aalihiisa iyo muxaadarooyinkiisa oo ahaa xerti sh. maxamuud guuleed ee kenya naxariisti janno ilaah hasiiya ee oo waliba aad uga helo raga dhalanyarada ah oo nashaadka diiniga ah wado, mar walibana u soojeedo.

    Maxaa yeelay mar kasto ilaahay diintiisa rag ayuu ku ayidaa oo ku nooleeyaa. xiriirkaanagana intaas noqoni maayo oo kaliyah bi'idnilaahi WABILAHI TAWFIIQ AXBAABUL KIRAAM.
    suleyman <suleman_faaris>
    - Tuesday, March 14, 2006 at 20:20:14 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
  2. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  3. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  4. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  5. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  6. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  7. Page [23]
  8. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  9. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  10. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  11. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  12. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  13. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  14. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  15. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  16. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  17. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  18. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  19. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  20. Page [22]
  21. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  22. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  23. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  24. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  25. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  26. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  27. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  28. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  29. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  30. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  31. Page [21]
  32. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  33. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  34. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  35. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  36. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  37. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  38. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  39. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  40. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  41. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  42. Page [20]
  43. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  44. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  45. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  46. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  47. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  48. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  49. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  50. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  51. Page [19]
  52. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  53. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  54. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  55. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  56. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  57. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  58. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  59. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  60. Page [18]
  61. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  62. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  63. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  64. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  65. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  66. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  67. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  68. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  69. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  70. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  71. Page [17]
  72. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  73. Khamrigu ma daahir baa?
  74. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  75. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  76. Page [16]
  77. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  78. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  79. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  80. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  81. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  82. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  83. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  84. Page [15]
  85. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  86. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  87. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  88. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  89. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  90. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  91. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  92. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  93. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  94. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  95. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  96. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  97. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  98. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  99. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  100. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  101. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  102. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  103. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  104. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  105. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  106. Xijaabka haweenku waa noocee?
  107. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  108. Page [14]
  109. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  110. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  111. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  112. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  113. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  114. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  115. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  116. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  117. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  118. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  119. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  120. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  121. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  122. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  123. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  124. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  125. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  126. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  127. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  128. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  129. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  130. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  131. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  132. Kabaha ma ku tukan karaa?
  133. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  134. Page [13]
  135. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  136. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  137. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  138. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  139. Sheekhow iisoo ducee...
  140. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  141. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  142. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  143. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  144. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  145. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  146. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  147. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  148. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  149. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  150. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  151. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  152. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  153. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  154. ma haboon tahay nin aan..?
  155. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  156. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  157. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  158. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  159. Page [11]
  160. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  161. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  162. Mahadnaq iyo bogaadin
  163. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  164. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  165. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  166. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  167. Qof dhintay mala baryi karaa?
  168. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  169. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  170. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  171. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  172. Page [10]
  173. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  174. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  175. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  176. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  177. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  178. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  179. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  180. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  181. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  182. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  183. Is Khat Haram or Halal?!
  184. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  185. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  186. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  187. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  188. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  189. Page [9]
  190. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  191. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  192. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  193. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  194. waxaa jira in leeyga digay..!
  195. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  196. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  197. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  198. Page [8]
  199. xukunka taariku salaadka
  200. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  201. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  202. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  203. Salaan iyo Bogaadin..

  204. Page [7]
  205. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  206. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  207. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  208. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  209. Page [6]
  210. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  211. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  212. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  213. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  214. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  215. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  216. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  217. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  218. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  219. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  220. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  221. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  222. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  223. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  224. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  225. zakada dahabka laga bixiyo..
  226. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  227. members of one of the Somali clans..
  228. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  229. Waan kirishtaamay...
  230. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  231. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  232. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  233. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  234. qoladasi isku diin ma nihin..
  235. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  236. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  237. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  238. Page [5]
  239. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  240. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  241. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  242. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  243. Page [4]
  244. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  245. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  246. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  247. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  248. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  249. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  250. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  251. Page [3]
  252. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  253. Midnimada Muslimiinta..
  254. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  255. Islam is not a violent Religion
  256. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  257. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  258. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  259. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  260. Maxay tahay (Nashuusho)?
  261. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  262. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  263. Page [2]
  264. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  265. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  266. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  267. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  268. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  269. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  270. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  271. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  272. Page [1]
  273. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  274. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  275. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  276. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  277. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  278. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  279. Ilaah baa ku qancin kara..!
  280. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]