|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Jawaab: Caymiska baabuurtu ma xaaraan baa?
Assalaamu calaykum: walaal culumadu caymiska way diideen, sababtuna waa in uu ku jiro dulmi farabadan oo dadka loo gaysanayo, tusaale ahaan 10 sano ayaan caymis bixinayay gaarigayga, waligay qof kuma dhicin, lacag badan ayaa la iga qaaday, lacagtii waxba la igama siin!!
Marka dulmigaas wuxuu ka imaanayaa in labada qolo ee heshiiska gelaysa ee ah adiga iyo sharikadda caymiska aadan ku heshiinayna wax cad oo la yaqaan, macnaha xoolaha aad dhiibayso iyo sida ay u adeegsandoonaan iyo wixii kuusoo noqon doona midna kuma cadda heshiiskaas.
Sidaa darteed, caymisku heshiis xalaal ah ma aha oo dulmi ayuu ku salaysanyahay. Laakiin haddii aadan haysan dariiq kale oo aad gaariga ku caymiso, dantu wixii ay ka badin wayso yeel.
Annaga oo dhan ayaa caymiska noocaas ah ku jirna, maxaa yeelay baabuurka laguuma ogola in aad waddo haddii aadan haysan caymiska, marka wixii kaas oo kale ah oo daruuro kuu gaysay oo aadan akhriyaar u lahayn danta ayaaba ku badday, Ilaahay in uu kaa dhaafo waydiiso.
Midda kale ee ah lacagta kaaga soo laabata caymiska, haddii sharikaddu tahay sharikad dalalka gaalada laga leeyaahy lacagtaasi waa kuu xalaal sida ay qabaan culumada qaarkood sida kuwa mad-habta xambaliyada.
Daliilkooda halkan kuuguma sheegi karo oo wuxuu rabaa tafaasiil dheeraad ah laakiin culumada axnaafta ayaa banneeyay in laga qaadan karo xoolo dulsaar ah gaalada haddii dalkooda la joogo oo muslimku faa'iido ku qabo.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <Sh. Hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 14, 2006 at 20:12:16 (CST)
- Su'aal: Caymiska baabuurtu ma xaaraan baa?
sheekh Dr.xirsi iyo asxaabta kale ee ahlusunaha waljamaaca su'ashayd waa caymis baabuurta ma xaaraan baa mase waa xalaal tusaale baabuur aan caymis lahayn lama ogola in uu socdo hadii aan gaari kale ku dhacdid oo aadan caymis lahayna adiga ayaa danbiga lagu saarayaa marka hadii gaarigaygii lagu dhaco lacagtaas ma soo qaadan karaa?
cabdirazaq <inahsuein>
- Tuesday, March 14, 2006 at 20:03:12 (CST)
- Jawaab: Ma la orankaraa: Ilaahay Xad buu leeyahay?
ASalaamu caleykum: Walaal qofkii yiraahda Ilaahay xad buu leeyahay waa qof mushabih ah oo mujasim ah, maxaa yeelay sida aad adiguba sheegta xad ama soohdin waxaa leh mukhluuqaadka oo dhan, xadka ama soohdintuna waxay ku xirantahay dhererka iyo ballaca iyo gaabnida iwm.
Marka wixii xad leh waa maaddo macnaha waa jismi, jismigaasi ama ha yaraado ama ha waynaadee, marka Ilaahay in jismi lagu tilmaamo ama xad lagu tilmaamo ma bannaana, waxaana daliil u ah aayadda suuradda ashuura 11, ee macnaheedu yahay: "Wax ekaankiisa ah ma jiraan", macnaha wax sidiisa ah ma jiraan oo u eg Ilaahay dhan kasta ha ahaatee.
Wahhaabiyada qaar ayaa leh, Ilaahay xad buu leeyahay laakiin keenna oo kale ma aha, kuwa sidaa leh waa kufaar juhalo ah, maxaa yeelay xadku waa mid qura, ee ma jiraan xadad kala duwan.
Waxaad arkaysaa qaar ku leh, sifooyinka Eebbe qaar ka mid ah sida cilmiga ayaa dadku la wadaagaa! Kuwaasina waa juhalo, maxaa yeelay sifada Eebbe waa sifo thaati ah, ee carad ama wax dhacdo ah ma aha, sifada aadanahuna waa wax carad ah oo soo derriyay ee wax aadanuhu asal u leeyahay ma aha, sidaa darteed, dadku cilmiga way bartaan, qofkii aanan baran cilmi malaha, sifadaasna laguma tilmaamo, marka sifadaas cilmiga ah kolka dadka lagu sifeeyo waa sifo carad ah oo aanan daatadiisu asal ahaan u lahayn.
Mid juhalada wahhaabiyada ka mid ah ayaa i waydiiyay: maxaad u leedahay Ilaahay jiho iyo xad malaha, sow dadkaba laguma sifeeyo cilmiga oo Ilaahay sifadiisa ah!! Marka wuxuu kala fahmi waayay sifao daati ah oo asli ah iyo sifo carad ah oo aan asli ahayn.
Hadaba sida uu Imaam daxaawi ugu caddeeyay kitaabkiisa caqiidada daxaawiyada oo culumada ahlusunnada oo dhan isku raaceen, qofkii yiraahda Ilaahay jiho ayuu leeyahay ama jismi ama xad waa kaafir Ilaahayna ma yaqaan.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, March 14, 2006 at 20:01:27 (CST)
- Su'aal: Ma la orankaraa: Ilaahay Xad buu leeyahay?
Salaamu caleykum shiikh: shiikh ma la oran karaa ilaahey xad buu leeyahey ileen wax kasta xad ey ku soo dhmaadaan bey leeyihiin.
shibiin <shibiin22>
- Tuesday, March 14, 2006 at 19:50:53 (CST)
- Jawaab:Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood.
Assalaamu calaykum: walaal jawaabihii su'aalahaagu waa sidan:
1. Naagta ninka kale la noolayd, haddii ninkaasi naagaystay oo jimaacay, gabadheedu way ka xaaraansantahay umana bannaana in uu guursado gabadha naagtaas uu haystay oo jimaacay ama xaaraan ha ugu tago ama xalaale.
2. Naagta labada jeer la furay, haddii la soo celshay intii aanan ciddadii labaad dhammaan ee ninkeedu shan ama lix sano ka dib doono in uu u soo laabto, way suurta gelaysaa haddii naagto waafaqdo oo ay ku heshiiyaan nafaqadii iyo marashadii muddadaas uu manaa.
Haddii aanuu soo celin intii ciddadu socotay, oo ay ciddadii dhamaatay kadibna shan ilaa lix sano laga joogo, marnaba u suurta geli mayso in ay isku soo noqdaan haddii aanay ninkale guursan.
3. Gabadha wacalka ah waa la guursan karaa walaal, ayada shakhsi ahaan waa qof caadi ah, waxaa loo eegayaa akhlaaqdeeda iyo qofnimadeeda, haddii ay waynaatana ayada ayaa is mehrinaysa ama qaalliga ayaa mahrinaya, marka sharci ahaan taasi way bannaantahay.
Laakiin waxaa wanaagsan ninkii naag guursanaya in uu guursado qof nasabkeeda la yaqaan.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 12, 2006 at 17:06:53 (CST)
- Su'aal:Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood.
sc. wr. wbr. sheequnaa waxaan ku weydiinaa sadax suaalood.
1. Naag la qabo oo nin kale haystay ama la nooshahay, marka naagtaas gabadheeda ninka haystay ma guursan karaa?
2. Naag laba jeer la furay oo aan la ogeyn talaaq kale oo hore u dhacay oo mudo shan ilaa lix sano ka soo wareegatay naagtaas ninkii hori u qabay masoo naqsan karaa ayadoo aan nin kale guursan?
3. Gabar wacal eh mala guursan karaa?
Sheeq qeer aan kuu rajeynaa iyo jawaab waafi ah. macasalaama.
Um Layla <Layla>
- Sunday, March 12, 2006 at 16:59:24 (CST)
- Jawaab: Gudniinka Gabdhaha Islaamku muxuu ka qabaa?
Assalaamu Calaykum: Walaal guditaanku guud ahaan madaahibtu way isku khilaafeen, ma sunno baa mise waa waajib, mise midna maaha.
Shaaficiyadu waxay qabtaa in uu waajib ku yahay rag iyo dumarba, Maalikiyaduna waxay qabaan in uusan ahayn, marka waa arrin sida aan qabo muhiim ahayn gudniinka haweenku.
Dhinaca ragga waxaa la sheegay in gudniinku u wanaagsanyahay ragga, daraaso aan akhriyay oo laga sameeyay maraykanka waxay dhaheen haweenkii laga qaaday aftida ragga gudan ayaa ka wanaagsan kuwa aanan gudnayn, dhaqaatiirtuna waxay dhaheen gudniinku wuxuu yareeyaa qabadsiinta AIDska.
Haddii aan kolka u soo laabto guditaanka dumarka oo aan u malaynayo in uu yahay midka aad su'aashaada uga jeeddo, waxaan anigu qabaa in aanan marnaba gabdhaha la gudin, maxaa yeelay wax faa'iido ah u keeni maayo, taas waxaa ka daran in uu dhibaato u keenayo sida aan wada ognahay, gabdhihii soomaaliya iyo meelo kale lagu guday dhibaato iyo cudurro ayuuba u keenay.
Taas waxaa la jirta in casrigaan maanta ah oo muslimiin badan ku noolyihiin qurbaha iyo dhulka gaalada qofkii gabadhiisa guda laga yaabo in uu dhibaato u soo jiido naftiisa, oo la xiro ama carruurta laga qaato, taas waxaa la jirta in kuwa cadawga Islaamka ah ay had iyo jeer ku dhaleeceeyaan Islaamka guditaanka noocaas ah, annaga oo wada og in aanan islaamku arrinkaas si gaar ah u tilmaamin.
Kolka waxaan qabaa in aanan guditaanka gabdhaha lagu degdegin, ee la iska daayo, mashaakilka aan soo sheegay dartiis iyo ayada oo aan diintu ina farin oo aanay inagu waajibin. Khayrkiisa iyo sharta ka imaanaysa maanta, sharta ayaa badan. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Thursday, March 09, 2006 at 23:40:16 (CST)
- Su'aal: Gudniinka Gabdhaha Islaamku muxuu ka qabaa?
sc wr wbr sheekhunaa jazaakallaahu qayr bacda salaan? gudniinka gabdhaha sharciga islaamka muxuu ka qabaa ma sunaa mase waa waajib qeyr ayaan kuu rajeynaa.
axmed <sheqaxmed>
- Thursday, March 09, 2006 at 23:35:02 (CST)
- Jawaab: Maxaa looga jeedaa xaddiiska "ayna allaah"?
Walaal horta xaddiiska "Ayna allaah" ma aha xaddiis saxiix ah, daciifnimadiisuna waxay ka imaanaysaa laba meelood:
1. Inkasta oo xaddiiska Imaam Muslim soo weriyay oo sanadkiisu sax yahay, waa xaddiis "muddarib" ah, maxaa yeelay waxaa lagu soo weriyay erayo kala duwan, sida "ayna allaahu, kolkaas bay tiri: fissamaai", riwaayo kalena: "man rabbuka? kolkaas bay tiri: allaahu", riwaayad kalena waxaa la waydiiyay: "ayna allaahu: kolkaas bay cirka tilmaantay", riwaayad kalena, su'aashau waxay ahayd:"atash-hadiina an-laa-ilaaha illa-laahu? kolkaas bay tiri: nacam".
Marka halkaa waxaa kaaga cad in xaddiiska erayadiisu aanay sugnayn oo ay haysato cillad xagga matniga ah.
2. Mushkiladda labaad ee xaddiiskan haysata waa in uu macnihiisu khilaafsanyahay usuusha diinka islaamka.
Dhammaanteen waxaan ognahay in qofkii la yiraahdo "ayna allaah" ee cirka tilmaama ama yiraahda "fissamaa" aanan islaamnimo loo xukumayn.
Waxaan ognahay in islaamnimada lagu xukumayo kelimadda ashahaatinka oo kaliya haddii qofku la yimaado.
Sidaa darteed, xaddiiskan in kasta oo sanadkiisu sax yahay oo imaam muslum ku soo weriyay kitaabkiisa saxiixa ah, laakiin dhinaca matniga iyo dhinaca macnaha ayuu daciif ka yahay, xaddiis noocaas ahna caqiido laguma dhisi karo loomana soo daliilsan karo.
Marka kooxaha Ilaahay cilmiga nuurkiisa ka indha saabay sida wahhaabiyada, ee xaddiiskan soo daliilsada waxaan leenahay: xaddiskan wax xujo ah kuma sugna, loomana soo daliilsan karo mas'alo caqiido ah.
Ilaahay khalqigiisa ma shabaho
Kooxaha qaar sida wahhaabiyada waxay qaateen caqiidadii nasaarada, kolkaas bay tashbiih ku dhaceen, taas ayaana u keentay in ay had iyo jeer isku dayaan in ay soo daliilshaan in Ilaahay meel fadhiyo, ama cirka fadhiyo ama meel kasta fadhiyo, ama adduunka ku wareegsanyahay sidi qaanso roobaad!!
Marka qofkii waxyaabahaas ictiqaada waa kaafir, culumada oo dhan way isku raacsanyihiin in uu kaafir yahay qofkii yiraahda Ilaahay waa jismi ama meel ayuu fadhiyaa ama meel ayuu ku nagyahay iwm.
Ictiqaadka ahlusunnadu waa in Eebbe jiro meel la'aan, sidii uu markii horeba u jiray intaan meesha la uumin
Culumadu waxay isku raaceen in Ilaahay uusan caalamka ku jirin, ama dhulka ama samooyinka ama carshiga, dhammaan waa caalam, Ilaahayna caalamka wuu uumay ee meel uu dego kama dhigan.
Sidaa darteed Ilaahay beri buu ka yahay dhammaan khalqiga, uma eka, mana u baahna, kumana dhexjiro.
Sidoo kale Ilaahay jiho gaar ah malaha, sida uu Imaam daxaawi ugu caddeeyay caqiidada daxaawiyada, lixda jiho koobi maayaan.
Qofkii yiraahda Ilaahay jiho gaar ah ayuu inaga jiraa ama yiraahda kor ama hoos ama midig ama bidix ama horey ama gadaal ayuu jiraa waa kaafir islaamkana wuu ka baxay, waana mushabih mujasim ah sida wahhaabiyadu aaminsantahay.
madhabta ahlusunnadu waa in Ilaahay jiro meel la'aan iyo aag la'aan, khalqiga intii uusan uumin ayuu jiray, haddana sidii ayuu u jiraa wuuna u jiri doonaa.
Qofkii yiraahda, cirka ayaa waxyigu ka yimaadaa, taas ayaana u daliil ah in Ilaah samada jiro, waxaan leenahay, maxaad ku diidaysaa hadalka qofkii yiraahda Ilaahay kacbada ayuu ku dhexjiraa, ee soo daliilsada in kacbada loo tukanayo xaggeeda!!
Marka qofkii ku murma waxyiga ayaa samada ka soo dega ee taas u soo daliilsada in Ilaahay samada jiro, muxuu ugu jawaabayaa qofkii yiraahda: hadaba Ilaahay kacbadana wuu ku dhexjiraa, maxaa yeelay halkaas ayaan u tukanaa oo u jeesanaa kolka salaadda aan gudanayno!!
Sidoo kale, muxuu ugu jawaabayaa, ninkii yiraahda: maxaad ku diidday in Ilaahay hoos jiro? sow annaka kolka aan sujuudayno foolka dhulka dhigayna, oo kolka aan rukuucayno hoos u foorarsanayno, marka taasi miyaanay daliil u ahayn in Ilaahay dhulka ka hoos jiro!!
Maxaadse ku diidaysaa qofkii yiraahda: Ilaahay miyaanuu dhinaca midig inaga xigin, sow annaga kolka aan salaadda dhamayno, dhinaca midig ku billaabayna ee dhahayna "assalaamu calaykum"!!
Qofkii yiraahda Ilaahay carshiga ama kursiga ayuu ku fadhiyaa, waxaan leenahay hadalkaasi waa hadalkii ibn Taymiyah, cid tiri oo culumada ka mid ahna ma jiraan. Ibn Taymiyana yahuudda iyo nasaarada ayuu ka soo maqlay, ayaga ayaa yiri: Ilaahay intuu caalamka uumay ayuu kursiga ku nastay oo ku fariistay!!
Marka alxamdu lilaahi, annagu kufrigaas Ilaahay baan ka magan galnay, waxaanna aaminsannahay in Ilaahay jiro, meel la'aan iyo jiho la'aan, sidii uu horeyba u jiray intii uusan uumin meelaha iyo jihooyinka iyo caalamka iyo kursiga iyo carshiga, dhammaan asiga ayaa uumay.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Monday, March 06, 2006 at 18:23:40 (CST)
- Su'aal: Maxaa looga jeedaa xaddiiska "ayna allaah"?
salam calykum:- shiikh waxaan wataa suaall aanu maalin dhowed dhalin yaro ku muraney taas oo ku saabsan daatiga eebe iyo "xadiiska eyna allah".
1-Qolo waxey dhahdey ilaah meel kasta wuu jooga sidaasana waxba uga qarsooneyn.
2-Qolona waxey dhahdey ilaahy cirkuu isku sheegey iyo inuu carshiga ka koreeyo waxeyna daliil uga dhigteen kutubta anbiyada ku soo degtey oo malaaigtu cirka ka soo dejisey waxeyna dheheen hadan ilaah cirka jiran yaa kalo malaaigtu kutubta ka soo keentaa? hadana wax ka qarsoomi karaa ma jiraan todobada cir iyo dhulka.
3-Qolo sadexaad waxey dheheen ilaah meelu jiro lama oga meelna laguma sheegi karo laakin wax walba wuu ogyahey. Shiikhow bal arinta ka waran.
saeed sanjab <saeedsan28>
- Monday, March 06, 2006 at 17:02:29 (CST)
- Jawaab iyo Reddin: Wahaabiyo, Ahlu Sunna shaqo kuma leh
Ra'yi [15/02/06]
As/c
Mahadoo dhan Eebe ayay u sugnaatay, naxariis iyo nabad gelyo rasuulkeena Muhammad (Sallallaahu caleyhi wasallam) korkiisa ha ahaato.
Intaa kadib, walaalaheyga muslimiinta meel walbo aad joogtaan dunida iga gudooma salaam.
Ugu horeyn walaalaheygoow anigoo ka mid ah shacab weynaha soomaaliyeed ee ku xiran shabakadaha afka soomaaliga si toos ahna u daalacda mar walba, balse aanan jecleyn inaan wax ka iraahdo arimahan is daba maray iyo waxyaabaha lagu soo qoro website yada soomaaliga ah, haddana waxaa jira inaan ka fursan waayo inaan wax ka iraahdo mowduucyada ku saabsan diinta ee wax loogu dhimayo.
Taa macnaceedu maaha inaan ka mid ahay culimada ku talax tagay ama isku howlay diinta ee naftooda iyo waqtigooda qaaliga ah siiyay sida ( Fadiilatu Sheekh Dr. Xirsi labagarre) laakiin waxaan jeclahay in aanan ka mid noqon kuwa aakhiro loo cadaabayo ayagoo gef iyo been diinta loo geysanayo arkaya, kana aamusay.
Haddaan u daadago mowduucan anigoon ku dheeraan waa sidan:
Waxaa shalay Talaado, 14/02/2006 ku soo baxay website ka caanka ah ee somalitalk.com qoraal uu ku saxiixan yahay nin isku magacaabay C.M. Cabdalla, asagoo goor walba ku howlan sidii uu isaga horkeeni lahaa soomaalidan haddaba qabiilka dilooday, isagoo ka soo galaya dhinaca firqooyinka muslimiinta, uuna raacsan yahay kuwooda ugu xag jirsan ee lunsan waa haddii ayba ka bixin diinta, waayo sida la ogyahay ruuxii ku tilmaama ruux kaloo muslim ah inuu gaaloobay kuna cadeyn kari waaya, isaga ayay ku noqoneysaa, waana sidaas markan leeyahay "haddii ayba ka bixin diinta" .
Arintan Wahaabiyada ee qoraalkan cinwaanka uga dhigay faalo ka bixin maayo oo waxaadba ka daalacan kartaan isla website ka uu ninkan C.M. Cabdalla marqaati ahaanta u soo qaatay www.2garre.com taasoo iga qoslisay.
Sideedaba la yaab ma leh in firqadan Wahaabiyada ay ka been sheegaan wax walba oo masxaladooda ka hor imaanaya xitaa haddii ay tahay Aayadaha qur'aanka - waxaana sidaa ugu wacan hogaamiyeyaalkooda boobay shaarkii culimada islaamka balse sidii loo gashado garan waayey oo uu ugu horeeyo IBNU TEYMIHAHA ka hor yimid culimadii waqtigiisii dhamaantood iyaguna (Wahaabiyadu) ku shaabadeeyeen magaca Sheekhul islaam ( cid aan ayaga aheyn uma aqoonsana) sidoo kale kii waalnaa ee MAXAMED BIN CABDILWAHAAB kaasoo ka hor yimid isagana dad kuwii ugu dhawaa waa Aabihii iyo walaalkii, taariiqdiisa ka bogo isla webka labo 2garre ee kor ku xusan, waxaa soo raaca nin xadkii waallida dhaafay oo meeluu wax u wado garan waayey yirina xadiiskaan anigu oran sax, socon maayo, waa Waalane ALBAANI. Kuwan aan soo sheegnay iyo kuwo badan oo ku fikir ah waa kuwo khilaafay ijmaaca muslimiinta iyo waxyaabihii ey isku raaceen, haddaba sidee bey uga mid noqdeen AHLU SUNNA WAL JAMAACAH maadaama eyba ka soo horjeedaan cilmigii laga dhaxlay.
Waxa iga qosliyay ninkan C.M. Cabdalla ee is yiri umadda fidmeey haddana ka badin waayay inuu ku been abuurto qof nool kana mid ah culimada islaamka ee waqtigan jooga SHEEKH DR. XIRSI LABAGARRE(Allaha xafido eh) kaaga sii darane waxuu daliishaday isla webka 2garre.com isagoo bedelay micnaha ereyga iyo sidii uu ugu qornaa website ka, balse waxuusan ka fekerin in la arki karo si sahlan qaladaadka uu galay iyo meelaha qoraalka uu ka booday ama ka tegay si ula kac ah. Waxaa laguu qaatay C.M. Abdallow inaad iska qarisid bogga aad daliilka ka dhigatay oo si cad kaaga hor imaanaya, waa kuu aqoon dari taa.
Ta aad leedahay waxay Wahaabiyadu u taqaanaa FADIILATU SHEEKH MAXAMED GUULEED (Raxmatu LAAHI caleyhi) AL THAANI, waa u sharaf balse adigu waxaad is laheyd darajadiisa hoos ugu dhig, waayo waa la ogyahay FADIILATU SHEEKH MAXAMED GUULEED (Raxmatu LAAHI caleyhi) iyo qeybtii uu ka soo qaatay fidinta diinta iyo ka hortaga kuwa qaribay caalamka ee had iyo jeer fasahaadka la daba taagan muslimiinta gaar ahaan umadda Soomaaliyeed, fidnadoodiina illaa hadda wey taagan tahay oo adigan baaba ugu horeeyoo la dhex meereysanaya internetka.
Guntii iyo gunaanadkii waxaan idinkula dardaarmayaa Soomaaliyeey ka digtoonaada kuwa doonaya iney ina dhalan rogaan oo berito wadankeenii qaaliga uu goob ay ku hardamaan Soomaali kala aaminsan wax walboo dunida dacaladeeda lagala yimid, waana musiibo ka dhib badnaan doonta waxa hadda taagan ee qabiilka oo aan la ildaran nahay.
Iga raali ahaada haddaan idinku dheereyey qoraalka.
Muuse axmed
museahmed70@hotmail.com
http://www.somaliweyn.com/pages/poems/Feb_06/15Feb8.html
Abdi Xassan <xasanow23>
- Sunday, March 05, 2006 at 23:47:48 (CST)
- Jawaab: Kooxda Tabliiqu maxay yihiin?
Assalaamu calaykum: walaal kooxda Tabliiqa waxaa aasaasay Sh. Maxamad Ilyaas al-Kaandahlawi oo ka mid ahaa culumadii Hindiya.
Wadaadkaas wuxuu noolaa 1303-1364H, wuxuuna sheegay in uu Xajka aaday mar oo uu riyo ku arkay asiga oo kacbada jiifa nabiga oo ku leh "kac oo dadka u bax oo dacwada gaarsii" wuxuuna u soo daliilsaday aayadda aali cimraan 110; (Waxaad tihiin, umadda ugu khayr badan ee loo soo baxshay dadka, waxaad faraysaan macruufka, waxaadna reebaysaan munkarka..).
Kooxdan caqiidadeedu waa Maaturiidiyo, fiqhigeeduna waa Xanafiyo, asalkoodu sidaas bay ahaayeen, waana koox tasawufka ku dhow oo jecel, maxaa yeelay asalkoodu wuxuu ahaa suufiyo.
Waxaa la yiraahdaa, manhajkoodu waa manhajkii suufiga oo dhinaca kale loo rogay, manhajka suufiga ee tarbiyada waa in ardaygu soo raadsado shiikha, laakiin manhajka tabliiqu, waa macallinkii ama shiikhii ayaa raadinaya ardaydii!
Sikastaba ha ahaatee, dadaal badan bay sameeyeen oo dacwada doorfiican bay ka qaateen, siiba waddamada Yurub iyo maraykanka iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka gaalada aad bay ugu guulaysteen in ay diinka gaarsiiyaan.
Tabliiqa asalkoodu waa ahlusunno
Kolka walaal kooxdan asalkeedu waa ahlusunno, waxay haystaan caqiidadii imaam maaturiidi iyo fiqhigii imaam abuu xaniifa iyo dariiqooyin suufiyo ah sida qaadiriyada.
Kolka, waxaa laga yaabaa in aad aragtay qaar wahhaabiyada ku ta'athuray oo lacag jacayl u geeyay, marka kuwaasi tabliiq laguma sheegi karo.
Marka hadalkii oo kooban kooxda tabliiqa asalkoodu waa ahlusunno, haddii aanay khilaafin manhajkaas.
Khaladaadka ay ku dhacaan qaar tabliiqa ka mid ah
1. Qaar waxay heshiis la yihiin wahhaabiyada, ayaga oo soo dhawaynaya oo la tukanaya oo imaam ka dhiganaya mararka qaar, kuwa sidaa yeelaya, inkasta oo aanay caqiidada wahhaabiyada haysan, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in xaalkooda laga diktoonaado, maxaa yeelay wahhaabiyada salaad laguma daba tukan karo, waa mushabiho mujasimo ah, waana mushrikiin kufaar ah.
2. Khaladaadkooda waxaa ka mid ah in aanay caqiidada ahlusunnada difaacayn oo ay qoladii ay arkaan iskala soconayaan ayaga oo aan hubin caqiidadooda iyo waxa ay aaminsanyihiin, marka waa in ayagana laga digtoonaado.
3. Dhinaca labiska iyo nadaafadda ayadana way ku liitaan, taasina waxay figrad xun ka bixinaysaa Islaamka.
4. Kuma dadaalaan barashada diinka iyo cilmiga, badankoodu waa caamo, qofka marka ay arkaan waxay leeyihiin ina raac, asiga oo aanan waxba aqoon ayay leeyihiin dacwada u bax! marka qofka dacwada aadayaa waa in uu yahay qof caqiidada aad u yaqaan, fiqhigana yaqaan.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 05, 2006 at 18:35:17 (CST)
- Su'aal: Kooxda Tabliiqu maxay yihiin?
a/c sayidii waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kula soo xiriiro adigsa oo kale allaha no badiyo adna allah ha ku dhowro aduun iyo aakhriba.
Su'aashaydu waa mowqifkaaga jameecada tabliiq iyo asalkooda oo aad warbixin fiican naga sii sid.
Run ahaan tii in badan oo ayaga ka mid ah munaadaro ayaan wada yeelanay waxaan ku ogaaday inay wahaabiyo yihiin qaarna waxay sheegtaan inay yihiin ahlusunna hada dee calaamadihii ahlusunnaha kuma anan arag.
Waxaan kale oo ka hayaa qoraalo badan inshaa allaah wan idiin soo gudbinayaa inshaa allaaaaaasah a/c. jawaab dedgdeg.
Abuu muxamed Al-shcari <martisoore41>
- Sunday, March 05, 2006 at 17:41:02 (CST)
- Jawaab: Sidee lagu aqbali karaa ducadayda?
Assalaamu calaykum: walaal waan fahmay su'aashaadii, waxaanna ku xasuusinayaa hadalkii Imaam Shaafici ee ahaa "Cilmigu waa nuur Ilaahay, Nuurka Ilaahayna qof Caasi ah lama siiyo".
Marka walaal isda hadalkaaga iiga muuqata, waxaa ku haysta kalsooni la'aan iyo go'aan la'aan, waxaadna u baahantahay in aad barto naftaada sidii aad go'aan adag u yeelanlahayd.
Waxaana taas kugu kaalmaynaya in aad soonto, oo aad toddobaad kasta soonto maalinta isniinta ah ama khamiista hadba tii kuu roon ama labada maalboodba soon.
Midda labaad sababta ducadaada loo aqbali waayay waa caasi nimadaada, salaadda oo aad ka tagto, xaaraanta oo aadan ka fogaan iyo waxyaabo kale oo dambiyo ah ayaa ugu wacan ducadaada in aanan la aqbalin.
Sidoo kale daraasada aad ku dhacday waxaa u sabab ah dambiyadaada, haddii aad ka fogaan lahayd dambiyada oo aad cibaadada ku dhawaan lahayd waad gudbi lahayd, tacliintana waad ku guulaysan lahayd.
Waxaan kuu sheegayaa khibraddayda, markii aan jaamicadda ku jiray waligay gabadh lama hadlin, hadal caadi ah xataa, kuwa jaamicadda jooga kaliya ma aha ee xataa kuwa dibadda jooga waligay kuma darsan, naagna ma guursan intii aan ku jiray derejada 1aad.
Sababtuna waa iska muuqataa, ninkii doonaya in uu wax barto waa in uu dadaal dheeraad ah oo aanan dadka kale la imaan la yimaado.
Haddii aad gaarto daraasaadka sare sida MA am PhD ayaad guursanaysaa gabadh kugu habboon haddii aad hesho, laakiin inta aad ku jirto derejooyinka hoose ee cilmiga waa in aadan gabadh la hadal oo aad ka fogaato waxyaabaha la xiriira haweenka oo dhan.
Si aad kolka naftaada u xakamaysid waa in aad soonto haddii aad dareento raaxo iyo dhereg, akhriskana ku dadaasho oo aad hurdada yarayso, waqtigaaga badankiisa akhris ku dhamee, wixii soo harana cibaadayso, intaa kadin waxaan hubaa in aanuu kuu soo harayn waqti aad ku fiirsato cajalado iyo mid aad gabdho kula sheekaysato.
marka walaal sheekaysi iyo cajalada fiirsasho iyo cilmi doonasho meel islama galaan, kolka waa in aad mid doorato, oo aad go'aan xoog leh oo adag yeelato.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, March 05, 2006 at 17:37:26 (CST)
- Su'aal: Ducadayda sidee lagu aqbali karaa?
Waan ku salaamay sheek, salaan kadib waxaan rabaa inaan dhawr su'aalood ka jaahil baxo, sheekhow xaqa lagama xishoodo.
1. marka koowaad hadaan kuu sheego qisadayda waxaan ahay nin aad u xun saan aaminsanahay, 3 sano kahor ayaan mar gabar la raaxaystay, lakin wax galmo ah nama dhex marin, kadib waan ka soo tagay somalia.
Waxaan dhigtaa hada jaamacad xumaantayda waxay tahay waxaan fiirsadaa filimaan aad u xun oo ah sexy marka, labaad salaada sifiican uma tukado, malina waa tukadaa maalina waa iska daayaa.
Markasta oo aan falkaas sameeyana waan ka xumaadaa ilaahow i cafi ayaan iraahdaa inta 2 rakco tukado, lakin bari ayaan hadana isla howshii ku laabtaaa ee cafis maleeyahay?
2. wax kasto oo aan ku ducaysto in ay ii suurto galaan ma ii suurta galaan, yacni ducadayda ma la aqbalo tusaale: maaddo aad iigu adag ayaan ilahay ka baryay inaan baaso anoo waliba nadar galay, laakiin maadadi waan dhacay ee sidee lagu aqbli karaa ducadayda?
maxamed <seed_168>
- Sunday, March 05, 2006 at 17:25:26 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|