|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. Jawaab: Gabadhu surwaal ma gashan kartaa?
    Assalaamu calaykum: walaal way bannaantahay in gabadhu surwaal gashato, haddii uu ku dhegganyahay ee jirkeeda qorqorkiisa looga jeedo waa karaahiyo, laakiin surwaalku wuu u bannaanyahay haweenka oo dhan yar iyo wayn ama ha ku dhegganaado ama yuusan ku dhegganaane. Su'aashanna horey ayaan dhowr jeer uga jawaabay ee ka fiiri jawaabaha boggan.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, March 04, 2006 at 18:36:14 (CST)
  2. Su'aal: Gabadhu surwaal ma gashan kartaa?
    Asalaamu caleeykum, waxaan rabaa in aan oogado in gabadha muslimada ah mi yeey ku labisan kartaa surwaal noc kasto uu yahay ba.
    nimco <nali85_03>
    - Saturday, March 04, 2006 at 18:35:48 (CST)
  3. Jawaab: Qofku haddii uu dhinto, talqiin ma lagu akhrin karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal "talqiintu" waa duco loo akhrinayo qofku kolka uu dhinto ee godka la gelsho, dadka duugaya ee meeshaa isugu imaanaya ayaa qofkaas u ducaynaya oo Ilaahay u dambi dhaafwaydiinaya.

    Marka taas waxba kuma jabna, wayna bannaantahay in qofka loo duceeyo oo Ilaahay loo waydiiyo dambidhaaf.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, March 04, 2006 at 18:35:04 (CST)
  4. Su'aal: Qofku markuu dhinto, talqiin ma lagu akhrin karaa?
    Qofka markuu dhinto takhliin meed malagu aqrin karaa?
    Aslax Aba Saafi <mohamednuradin>
    - Saturday, March 04, 2006 at 17:53:56 (CST)
  5. Su'aal: Qof aan mad-hab haysan ma jiraa?
    Assalaamu calaykum: walaal qof aanan mad-hab haysan ma jiro, ninkii aanan afarta mad-habood raacin, wuxuu raacayaa mad-hab kale oo asiga u gaar ah, ama ha yiraahdo kitaabka iyo sunnada ayaan haystaa ama ha yiraahdo shiikh hebel baan haystaa, taasi waxba ka bedelimayso xaalkiisa.

    Qof aanan mad-hab haysan ma jiro, mad-hab waxaa looga jeedaa wado ama dariiq ama qaabka qofku u cibaadaysanayo oo uu diinka u raacayo.

    Marka qofkii yiraahda kitaabka iyo sunnada ayaan haystaa, waa in uu yahay qof mujtahid ah oo kaligiis intuu kitaabka iyo sunnada akhristo mad-hab u gaar ah la soo bixi karo, qofka sidaa ahna waa in uu ahaado qof aad wax u yaqaan sida Nawawi iyo Ibn Xajar iwm. Laakiin qof jaahil ah laga aqbali maayo kitaabka iyo sunnada ayaan haystaa, haddii uu sidaa yiraahdo waxaa kuu caddaanaya in uu lunsanyahay.

    Marka dadku waa saddex qaybood:
    1. Qayb mujtahidiin ah, oo aad wax u baratay sidii culumadeenii hore, shaafici, Abuu Xaniifa, Maalki iwm. Qoladaas waa mujtahidiin, waxayna xaq u leeyihiin in ay kitaabka iyo sunnada la mucaamalootamaan oo kala soo baxaan wixii axkaam ah ee ay ka fahmaan.
    2. Qolada labaad waa qolo wax u billaabanyihiin laakiin aan mujtahidiin ahayn sida dadka sidayda oo kale ah oo jaamicadaha uga soo baxay daraasaadka islaamka ee soo qaatay ijaaso sare sida (PhD) qolyahaas waa muqalidiin waxayna dersaan hadalkii culumada, marka ay nusuusta kitaabka iyo sunnada akhrinayaan, macnaha ayagu iskood isagama fasirtaan nusuusta ee hadalkii culumada ayay ku fasiraan.

    3. Qolada saddexaad waa dadka aanan diinta ku takhasusin ee aanan derejooyinka sare ka soo qaadan jaamicadaha lagu dhigo daraasaadka islaamka, qoladan waxaa ku waajib ah in ay raacaan hadalka culumada, haddii ay aayad ama xaddiis arkaan waxaa ku waajib ah in ay waydiiyaan dadka culumada ah, mana u bannaana in ay iskood u fasirtaan.

    Marka qoladaas saddeexaad waxaa loo yaqaan "Caamo" marka culumadu dadka sidaas bay u qaybsheen. Kolka ninkii yiraahda anigu kitaabka ayaan kala soo baxayaa xukunkii aan doono asiga oo aanan daraasaadka islaamka ku takhasusin waxaa kuu caddaanaya in uu habowsanyahay, waxaana lagu yaqaan hadalkaas, kooxaha lunsan sida wahhaabiyada iyo ikhwaanka iwm sida salafiyada.

    Qolyahaas waxay caabudaan naftooda iyo hawadooda ee Ilaahay ma caabudaan, maxaa yeelay qof jaahil ah oo aayadda aanan fahmayn ee leh xukun ayaan kala soo baxayaa, waxaa kuu cad in uu khaldan yahay.

    ii Akhri aan kuu fasiree
    Halkudheggaas ayaa lagu yaqaan kooxaha wahhaabiyada iwm, waxay dhahaan "ii akhri aan kuu fasiree" macnaha kitaabkii ma akhrin karyo oo quraanka sida loo akhriyo ma yaqaan, kolkaas buu doonayaa in uu fasiro! Xaddiiska ma akhrin karyo, wuxuuna doonayaa in uu fasiro.

    Marka dadka halkudheggaas leh waa wahhaabiyada, waxaana baray shiikhoodii Ibn Cabdulwahhaab, oo ku yiri: xaddiiska iyo Quraanka sidii aad doontaan u fasirta, marka dadkaas waa kufaar islaamna ma aha, marka xaalkooda ogaada oo ka digtoonaada.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, March 04, 2006 at 17:52:27 (CST)
  6. Su'aal: Qof aan mad-hab haysan ma jiraa?
    A/c sheekh Dr.xirsi iyo asxaabta kale allaah khayr badan idinku jazeeyo shaqada aad umada u haysaan.su'aalshaydu waa sheekh qofkii yiraahdka ka waran wax mad'hab ah oo aan haysto ma jirto? qofse ma noqon kara mad'ahab la'aan asaga oo ku andacoonaya qur'aanka iyo xadiith-ka ayaan haystaa
    cabdiwali <cadeyare12>
    - Saturday, March 04, 2006 at 17:37:04 (CST)
  7. Jawaab: Wax iiga sheeg kabaha lagu waysaysto ayada oo aan safar la ahayn?

    Walaal kabaha waa lagu tukan karaa haddii ay soo buuxshaan shuruuddii "khufka" waana sidan:

    1. Waa in ay kabahu daahir ahaadaan oo aanan nijaaso qoyan ama muuqata ku aallin.
    2. In ay qarshaan qoobka lugta.
    3. In si fudud loogu socon karo.
    4. In ayada oo dahaaro la qabo la gashado.
    5. In loo niyaysto masaxidda khufka.
    6. In habeen iyo maalin lagu tukado, oo dabadeedna la siibo, haddii nagaadi la yahay.

    Marka waxaa muhiim ah in shuruudahaas ay buuxshaan oo ay daahir yihiin.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, March 03, 2006 at 22:10:08 (CST)
  8. Su'aal: Wax iiga sheeg kabaha lagu waysaysto ayada oo aan safar la ahayn?

    scw. salaan kadib walaal waxaan rabaa inaad iga jaahiltirtid kabaha lagu waysaysanayo adoon iskabixinin oon safar ahayn.

    Dad aan isku meel waxkabarano ayaan ku arkay marka wakhtiga salaada lagaaro oo meesha waysada layskuguyimaado ma bixiyaan kabaha dusha ayay mariyaan gacmaha. walal waan waydiiyay laakiin war sax ah igama siinin fadlan hadii aad iifaafahinkarto ii soo sheeg.
    cali hasan <calaf931>
    - Friday, March 03, 2006 at 22:06:01 (CST)
  9. Jawaab: Shaydaanku ma bidcada xaggeeda uun buu dadka ka soo galaa?
    Assalaamu calaykum: walaal sheekada aad sheegtay ayada oo dhamaystiran ma arkin, laakiin mid u eg ayaa laga soo weriyay Ibn Cabbaas: oo laga sheegay in uu yiri: "Shaydaanku dadka wuxuu uga yimaadaa dhinaca dambiyada, haddii uu kolka dhinacaas laga xiro wuxuu kaga yimaadaa dhinaca samafalka, si uu sunno uga tago oo bidco u falo". Musnadka isxaaq bin Raahawayhi ayuu ku soo arooray waxaana loo nisbeeyay ibn Cabbaas.

    Waxaa kale oo ku soo arooray kitaabka faydul qadiir ee uu qoray al-Manaawi in Imaam Qasaali yiri: "Shaydaanku dadka wuxuu kaga yimaadaa dhinaca macsida, marka haddii ay dadku iska celshaan, wuxuu kaga yimaadaa dhinaca u naseexaynta inta uu bidco ku rido, haddii uu kolkaa qofku taasna diido, wuxuu faraa in uu isdhibo oo dhegdheg noqdo, si uu u xaaraameeyo wax aanan xaaraam ahayn, haddii uu qofku taasna diido, wuxuu shaki ka gelshaa waysaqaadkiisa, iyo salaaddiisa, .."

    Marka walaal shaydaanku wuxuu uga yimaadaa dadka dhan kasta, waxaa la soo weriyay in uu uga imaanayo dhinaca waysaqaadka, iyo dhinaca salaadda, iyo dhinaca aqalkiisa iyo firaashkiisa iyo naagtiisa iyo dhammaan noloshiisa oo dhan sida aayadda loogu sheegay, oo la yiri: "ku doon fardahaaga iyo lugtaada, kulana shirko noqo maalkooda iyo awlaaddooda.." Marka walaal shaydaanku meel kasta ayuu dadka kaga imaanayaa, caqiidada wuu kaga imaanayaa, kolkaas buu ku leeyahay qofka, waxaa yaa uumay? waxaa yaa uumay? haddii qofku yiraahdo Ilaahay ayaa uumay, wuxuu ku leeyahay Ilaahayna yaa uumay? Sida uu imaam ibn xajar ku xusay fatxul baari'ga.

    Waxaa kale oo xaakim soo weriyay in shaydaanku imaanayo qofka gurigiisa, haddii uu arko irridka oo furan wuu soo gelayaa, haddii uu arko weel afdaloolana wuu ka cabayaa, haddii uusan arkin irrid furan soo geli maayo, haddii uusan arkin weel afdaloolana ka cabi maayo.

    Marka arrinka ah in shaydaanku dadka meelkasta uga imaanayo aayado iyo axaadiis badan ayaa ku soo aroortay oo qaar saxiix yahay, laakiin qisada aad sheegtay Ibn Cabbaas iyo Imaam al-Qasaali ayaa mid u eg laga soo sheegay, sida aad u sheegtayna uma arag.

    Arrinka waxyaabihii ku soo arooray bidcada, waa arrin muhiim ah, laakiin halkan kuma sheegi karno akhbaarta ku soo aroortay mowduucaas oo dhan, hase ahaatee mar kale ayaan dersi ka qori doonaa inshaa allaah ee la soco duruusta webka aan ku soo qoro.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, March 03, 2006 at 06:34:24 (CST)
  10. Su'aal: Shaydaanku bidcada xaggeeda miyuu dadka uga yimaadaa?
    A/c sheekh Dr.xirsi iyo culimada kale allaah khayr idinku jazeeyo waxay tahay su'aashayda: waxaan hada ka hore cajalada nin shiikh ah duubay ka dhagaystay "shaydaan ayaa la weydiiyay halkee bini'aadam-ka ka soo gashaa markaas ayuu yiri meel kasta ayaan ka soo galaa markaa ayaa lagu yiri sheydaan maka soo gashaa dhanka istiqfaarta markaas ayuu yiri maya istiqfaarta waxaa lala xiriiriyay towxiid-ka laakiin bidcooyin ayaan ku faafinayaa markaas ayaysanba allaah uga toobad keenayn"

    marka sheekh arintaas meel ay ku qoran tahay ma arag masdarkiina ma hayo ma jirtaa horta hadii aysan jirin bidcada guud ahaan maxaa ka soo arooray.
    cabdirazaq <inahsuein>
    - Friday, March 03, 2006 at 06:11:50 (CST)
  11. Su'aal: Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
    Assalaamu calaykum: walaal su'aashaada shiikhu qaar la mid ah, ee webka ka akhri.

    Haddii aan si gaaban kaaga jawaabo, naagtaada haddii aad taabato oo aadan shahwo uga jeedin waysadaadu ma jebin. Salaaddana waxaa lagu xirtaa taxriimta ixraamka ama "allaahu akbar". Fartana waad nuuxin kartaa ama waad taagi kartaa intuba way ansaxayaan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Cabdullaahi Xasan <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Thursday, March 02, 2006 at 15:53:40 (CST)
  12. Su'aal: Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
    asalaamu caleeykum jameeco waxaan idiin weeydinayaa xaskaaga weesada makaa jibisaa salaada maxaa lagu xertaa farta mala dhaqdhaq qaankaar marka ataxyaadka la aqriinayo waxaan ahay ahlusunah wal jama/ ah
    cabdulaahi cabdi ciise <iise5>
    - Thursday, March 02, 2006 at 15:50:01 (CST)
  13. Jawaab: Aniga oo garoob ah nin ma guursan karaa wali la'aan
    Assalaamu calaykum: walaal, gabadha garoobka ah way maharsan kartaa nin ayada oo aan waligeeda u sheegin, ama u sheegatay oo ka idan qaadatay, labadaba way ismehrin kartaa.

    Sidaasna culumo badan ayaa qabta, waxaa ka mid ah culumada xanafiyada, iyo Daahiriyada iyo maalikiyada, iyo abuu thow iyo qaar kale oo banneeyay in aagtu haddii ay wayntahay oo garaadsatay ama garoob ha ahaato ama gabadh ha ahaatee ay is mehrin karto.

    Maalikiyada iyo Abuu thowr iyo qaar kale waxay dhaheen haddii ay ka idan qaadato way ismehrin kartaa, Xanafiyada iyo daahiriyaduna waxay dhaheen way ismehrin kartaa ayada oo aan xataa ka idan qaadan.

    Axaadiista waliga ka hadlaysa ee la soo weriyay, midka caa'isha laga soo weriyay waa la isku khilaafay oo xanafiyadu way daciifsheen.

    Waxaa kale oo Maalikiyadu qabtaa in naagtu haddii ay gob tahay ay wali u baahantahay, haddii aanay gob ahaynna ay is mahrin karto, macnaha haddii ay reer sharaf leh ka dhalatay sida haddii aabbaheed wasiir yahay ama maalqabeen yahay iwm wali bay u baahantahay, haddii kalena uma baahna.

    Hadal iyo dhamaantiis mas'aladan culumadu way isku khilaafeen, laakiin warku wuxuu ku koobanyahay, haddii gabadhu wayntahay oo caaqilad tahay, haddii ay kaligeed is mehriso wuu ansaxayaa, haddii waligu idmana wuu ansaxayaa, haddii waligu mehriyo asiga oo ka idan qaatayna wuu ansaxayaa nikaaxu.

    Marka xaaladda aad ii sheegtay, haddii aad nin guursatay oo aad ninkii ka tagtay, maxaad ku kala tagteen? ma is furteen? mise waxaad ka soo qaaddeen nikaax baadil ah? Haddii aad nikaax baadil ah ka soo qaaddeen, taas macnaheedu waa in aad caqdigii ka noqoteen waa haddii ninku kugu raacsanaa.

    Marka ninka kale ee aad guursatay ayaa ninkaagii ah, kii horeyna waad ka baxdeen caqdigii aad gasheen inkasta oo uu sax ahaa.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, March 02, 2006 at 07:02:04 (CST)
  14. Su'aal: Aniga oo garoob ah nin ma guursan karaa wali la'aan
    Sheikh waxaan aqriyey su'aal aad ka soo jawaabtey. marka waxaan rabey in aan wax kaa weydiiyo.

    Waxaa dhacdey in aan aniga oo garoob ah nin isku nikaaxshey "Wali" la'aan aabaheyna markaas uu jirey distance ilaa 5-10 min socod ah.

    Markii aan arinkaas sheikh weydiiye wuxuu yiri: waxba kama jiro guurkaas. Waqti ka dib (sanad meelahaas) ayaan guursadey nin kale.

    Guurkee jira labada guur, maxaasa laga qaban karaaa? Aad ayaad ugu mahadsan tahay jawaabtaada!
    Rajma <raulija>
    - Thursday, March 02, 2006 at 06:20:40 (CST)
  15. Jawaab:Lacag ayuuto ah ma lagu xajin karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal lacagta ayuutadu waa sidi lacag la soo dayntay oo kale, lacagta la soo dayntayna xajku wuu ku ansaxayaa, laakiin ku waajib ma aha qofkaas in uu xajiyo maadaama uusan haysan xoolo uu leeyahay oo uu ku xajiyo.

    Haddii uu xoolo soo daynsado ee uu xajka ku aado xajkaas waa ansaxayaa, laakiin kuma waajib aha.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, March 02, 2006 at 06:17:54 (CST)
  16. Su'aal:Lacag ayuuto ah ma lagu xajin karaa?
    sc wr wbr sheekh waxaan kugu salaamay salaanta islaamka bacda salaan.

    Suaal qof baa wuxuu i weydiiyay malagu xajin karaa lacag ayuuto ah inuu qofka qaato kan ugu horeeya ka dibna ku soo xajiyo ma ansaxaysaa xajkaas jawaab ayaan kaa sugayaa ajar iyo xasanaad ilaaheey hakaa siiyo.
    axmed <shekhahmed>
    - Thursday, March 02, 2006 at 06:15:04 (CST)
  17. Jawaab: Wahhaabiyo ma joogtaa Soomaaliya?
    Assalaamu calaykum: Walaal wahhaabiyo waa joogtaa soomaaliya waxayna isku magacaabaan "al-Itixaad".

    Waxayna asalkoodu ka yimideen dalka sacuudiga oo dhulkeenna ku beeray siddeetameeyadii.

    Wahhaabiyadu waxaa firqo lunsan oo haysata caqiido tathliith ah sida nasaarada waxayna caqiidadaas ku magacaabaan (Towxiid) si ay dadka ugu dhagraan.

    Caqiidadooda ay towxiidka ku magacaabaan waa shirki qayaxan, dhowr jeer ayaanna halkan ku caddeeyay ee ka akhri webkan qaybta firqooyinka.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:29:21 (CST)
  18. Su'aal: Wahhaabiyo ma joogtaa Soomaaliya?
    s/c/w/ sheikhow waxaan ku wareer sanahay ereyga wahaabiyada mida kale ma joogaan dalkeena kuwa ku nool in ey qaar ka mid yahiin iyo in kale?
    abdul aziz <kismayo114>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:25:40 (CST)
  19. Jawaab: Erayo macaan ma ku dhihi karaa gabadha intaanan guursn
    Assalaamu calaykum: walaal erayo dabacsan in aad ku dhahdo gabadha inta aadan mehersan waxba kuma jabna maadaama aadan falayn wax sharciga khilaafsan.

    Sikastaba ha ahaatee, waxaa wanaagsan in aad ku dhahdo erayo macruuf ah oo caadi ah sida "fiicaney" ama "quruxleey" iwm, laakiin aadan ku dhihin jacaylkaygiiyeey iwm ee dareen jinsi laga dareemayo.

    hadal iyo dhammaantiis waxaa wanaagsan in aad ka gaabsatid la hadalka gabadha inta aadan guursan, oo aadan wax salaan iyo waraysi ka badan ugu tegin.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:16:39 (CST)
  20. Su'aal: Erayo macaan ma ku dhihi karaa gabadha intaanan guursn
    Asc. wr. wbk. sheekh bacdal salaan, waxaan Allah kaga baryaya inuu ka abaalmariyo sida wanaagsan ee aad isugu xil saartey diintiisa maalin aan maal iyo wiilba wax tarin Aamin.

    Suasha aan qabo wexey tahay, waxaa jidha gabar aan jecelahay oo hadan rabo inaan guursado mustaqbalka dhow hadii rabi idmo, marka waxa ku idhaahdaa eryo dabcasan, sida Gacaliso, Qaali, Hani, iyo kuwo la mid ah oo ku mujinayo shucuurteyda, iyana marmar wexey igu jawabt kuwa kuwo la mid ah marka ma danbi baa inaan is dhahno waloow aan is guursan rabno maalmo ka dib?
    ibra27 <ibra27>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:12:42 (CST)
  21. Jawaab: Wahabi maxaa looga jeedaa?
    Assalaamu calaykum: walaal wahhaabiyo waxaa laga soo qaatay magacii ninkii aasaasay kooxda wahhaabiyada loo yaqaan, oo la dhihi jiray Maxamad Bin Cabdulwahhaab.

    Firqo kasta oo ka soo dhex baxda muslimiinta waxaa loo baxshaa magac ay kaga soocanyihiin muslimiinta intooda kale.

    Tusaale ahaan, Bahaaiyo, Muctasilo, Khawaarij, Nusayriyo, Faadimiyiin, wahhaabiyo iwm.

    Marka magaca waxaa u baxshay muslimiinta si ay ugu aqoonsadaan firqooyinkaas lunsan ee ka leexday dariiqii muslimiinta.

    Si aad u akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan taariikhda kooxdan iyo ictiqaadkeeda riix linkiga soo socda:
    1. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah.html
    2. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah2.html
    3. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah3.html
    4. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah4.html
    5. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah5.html
    6. http://www.2garre.com/is/wahhabiyah6.html

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:07:07 (CST)
  22. Su'aal: Wahabi maxaa looga jeedaa?
    asalama calaykum waraxma: salan kadib waa maxay wahabi? muxuu ahaa? ma qof magacii baa? maxaa hadda qolo loogu tilmaamay? bal macnaha wahaabi ha la i fahansiiyo isha alahu. wassalama calaykum.
    maxamed xasan cali <abukar33>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 16:00:33 (CST)
  23. Jawaab: Nabigu sow ma dhihin wali la'aan nikaax ma jiro?
    Asalaam caleykum: walaal way jirtaa in uu Rasuulku yiri: "wali la'aan nikaax ma jiro" laakiin hal xaddiis xukun sharci ah laguma saleeyo, dadka aad culumada ku sheegayso ee kugu yiri "waalid la'aan gabadh isma mehrin karto" waa dad aanan wax ogayn, maxaa yeelay waalid lama sheegin ee waxaa la sheegay "wali"

    Marka walaal hal xaddiis kaligiis xukun laguma dhiso, waxaa jira axaadiis kale iyo aayado quraan ah oo mas'aladan ku soo arooray, culumaduna way isku khilaafeen waxa looga jeedo "wali" ma aabaha ayaa looga jeedaa, mise qaraabada, mise muslimiinta oo dhan? qaarba si ayay u arkeen.

    Sidoo kale culumadu waxay isku khilaafeen, waligu shardi ma u yahay naagaha oo dhan mise qaar ayuu u yahay? waxaa culumadu u badanyihiin in gabadha yar ay wali u baahantahay oo aabaheed mehrinayo, laakiin inta kale sida gabadha wayn, ama gabadha garoobka ah ama gabadha agoonta ah, culumada hadalkoodu wuxuu u badanyahay in aanan ayada oo aanan ogolaasho gabadha laga helin aanan la mehrin karin.

    Sidoo kale qaar culumada ka mid ah sida culumada xanafiyada ayaa qaba in gabadhu ismehrin karto wali la'aan, xaddiiska weliga ee aad sheegtayna waxay u fahmeen in looga jeedo gabadha yar.

    Marka meeshan walaal kuma faahfaahin karo mas'aladan iyo wixii culumadu ka dhaheen iyo daliilkoodii, maxaa yeelay suurtagal ma aha, laakiin warkii oo kooban, gabadhu haddii ay wayntahay ama garoobtahay way ismehrin kartaa. Haddii ay doonto qof bay wakiilanaysaa, haddii kalena ayada ayaa ismehrinaysa, waxna kuma jabna, axaadiista waliga ku soo aroortayna ama waliga ayaa looga jeedaa qaalliga ama muslimiinta ama wuxuu ku khaas yahay gabadha yar ee aanan garaadsan.

    Ugu dambaystii waxaan kaaga digayaa in aadan dhegaysan qaarka culumada iska dhiga ee hal xaddiis xukun sharci ah ku saleeya ayaga oo aan soo akhrin hadalkii culumada iyo axaadiista kale iyo aayadaha quraanka ah ee ku soo arooray mas'alada.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 08:42:44 (CST)
  24. Su'aal: Nabigu sow ma dhihin wali la'aan nikaax ma jiro?
    Asalaam caleykum: Sheikhkow, walal, waxan ka maqley culimo leh gabadhta walid la'aan ma guursan karado, diintuna ma ogola, oo rasulka scw aya ku tiilmamey guurka saas ah mid aan wax ka so qaad laheyn, rasulku scw 3 jeer ayu ku celceliyeey.. markas see u nikaxan qarada gabadhta kaligeed nin ajnaab ka ah? rasulku scw hadi u diday iney haweyneydu nin kaligeed iska nikaxado waliidid lahaan? iga so jawaab sheikh alleh haka abaal mariye.
    zeynab <Idil_jamca>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 08:30:19 (CST)
  25. Ma nikaaxsan karaa nin aniga oo aan aabahay la socodsiin
    Assalaamu calaykum: Walaal mad-habta xanafiyada ayaa qabta in gabadhu haddii ay wayntahay oo garaadsatay is mehrin karto ama aabaheed ha joogo ama yaanuu joogine.

    Sidaa darteed, waxba kuma jabna in aad ninkii aad u malaynayso in uu kugu habboon yahay aad guursato haddii uu shuruudihii soo buuxinayo adiga oo aanan aabahaa u sheegin.

    Laakiin la soco, aabaha wuxuu asiguna xaq u leeyahay in uu nikaaxa fasaqo haddii aad guursato nin aanan kufu' kugu ahayn, macnaha nin aanan asaaggaa ahayn haddii aad guursato aabuhu wuu fasaqi karaa nikaaxaas.

    Tusaale ahaan haddii aabahaa nin mudane ah oo maalqabeen ah yahay, ee aad guursato nin dabaqo hoose ka dhashay ama faasiq ah oo diinkiisu toosnayn, aabahaa wuxuu xaq u leeyahay in uu fasaqo nikaaxa.

    Sikastaba ha ahaatee, haddii aad nin guursanayso adiga oo aanan aabahaa u sheegin, hubso marka hore in ninku filkaa yahay iyo in kale, macnaha in uu kuu dhigmo, dhinaca diinka, iyo dhinaca nasabka, iyo dhinaca mih-nada (shaqada).

    Haddii aad ku qanacdo marka aad nikaaxsanayso shiikha iyo shuudda oo maqlaya ayaad ninka ku dhahaysaa (waxaan kugu nikaaxsaday meher intaa iyo intaa qiimihiisu yahay), asiguna wuxuu dhahayaa (waan aqbalay in aan kugu nikaaxsado meherka intaa iyo intaa la'eg), intaas ayaa nikaaxaas ku dhanyahay.

    Shiikha ayaa dabadeed idin wacdinaya oo idiin ducaynaya, laba nin oo shuhuud ahna waa ka marqaati kacayaan.

    Wax kale oo loo baahanyahay ma jiraan, ama aabbe ha joogo ama yuusan joogin nikaaxaas wuu ansaxayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 00:32:48 (CST)
  26. Ma nikaaxsan karaa nin aniga oo aan aabahay la socodsiin
    A/C Sheikh waxaan rabey inaan su'aal kaa weydiiyo guurka xagiisa. Ma nikaaxsan karaa nin anigoon la socodsiin aabahey ama walaalkey oo aan isku meel joogno, horeyna aan guur usoo marey?
    Deeqa <deeqen>
    - Wednesday, March 01, 2006 at 00:24:01 (CST)
  27. Jawaab: Salaatu Duxaha goormaan tukadaa
    Assalaamu calaykum: Walaa salaadda duxaha waxaad tukanaysaa kolka qorraxdu soo baxdo ee ay waran dhererkiis ama jooggiis gaarto, waana 15 daqiiqo ka dib marka qorraxdu soo baxdo, marka garan maayo dalka aad joogto waqtiga qorraxdu soo baxdo, laakiin adigu kolka aad aragto qorraxda oo ay soo baxdo 15 daqiiqo sug, kadibna waad tukan kartaa salaadda Duxaha.

    Waqtigeeduna wuxuu dhamaanayaa inta aanan la gaarin "istiwaaga" ama kala barka harka ama maalinta, marka dhulka aad joogto anigu ma garanayo saacadda qorraxdu cirka kala barto, laakiin adiga ayaa lagaa rabaa in aad ogaatid waqtiga qorraxdu maalinta kala barto, marka waqtigaas intii ka horraysa wad tukan kartaa, waqtiga kala barka iyo wixii ka dambeeya ma tukan kartid salaadda duxaha.

    Salaadda duxuhu waa laba ragco oo sunno ah, waxaad tukanaysaa 15 daqiiqo ka dib marka qorraxdu soo baxdo, waxaana waqtigeedu ku egyahay marka qoraxdu maalinta kala barto ee loo yaqaan "istiwaaga" inta aanan la gaarin.

    Mahadsanid.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, February 28, 2006 at 19:38:50 (CST)
  28. Su'aal: Salaatu Duxaha goormaan tukadaa
    Salaam caleykum warxamdulahi wabarakatuh. Sheikow waxan kalo qaba su'aal ku saabsan salaadda..Walal salada (DUXAA)imisa ayan tukan karaa matalan 10 subanimo ila kow iyo tobanka subaxnimo miyaa tukan kara mise ka hor labada saac een kor ku soo xusay aan tukan? Walal, illahey khayr faro badan ha ku siye iga soo jahli bixi su'alshana....?
    zeynab <Idil_jamca>
    - Tuesday, February 28, 2006 at 19:32:04 (CST)
  29. Jawaab: Ninkii Nabiga nnk u gafa ma la dilayaa?
    Assalaamu calaykum: walaal Idil salaan kadib, qofkii nabiga caaya haddii uu muslim ahaa waa riddoobayaa, xukunka riddada ayuuna qaadanayaa. Haddii uu gaal ahaana waxaa wanaagsan in aan u yeerno oo dood cilmiyeed la yeelano haddii uu yahay qof wax yaqaan, oo markaa culumada muslimiintu la kulanto oo la dooddo, kana codsato in uu ka soo laabtay wixii khalad ahaa ee ka dhacay.

    Haddii uu inaga diido Ilaahay baan u baryaynaa in uu soo hanuunsho asiga iwm ee ama diinka caayaya ama nabigannk aflagaadaynaya.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Tuesday, February 28, 2006 at 19:29:39 (CST)
  30. Su'aal: Ninkii Nabiga nnk u gafa ma la dilayaa?
    salaam caleykum warxamdulahi wabarakatuh. bacdal salaan sheikh waxad iga so jahli bixisa mas'alo aan gabadh isku heysano, taas oo ah (ninka aflagadeyeey)rasulkena muhammed scw in la dilo aan kula taliyeey dhalinyarta somaliyeed ee degen danmark.

    Markas gabadhtu waxay tiri in la dilo qof naafley ah diintu waa inaga xariintey taas aniguba wan ogey.

    Lakiin ninkan waa gaal waana ku faraxsanyahay sawiradan gaacmeedka ah ee uu ku aflagadeyeey(rasulkena suban scw)markas hadi usan ka so laban hadi aan dilo dhiigkisu ma ii xalal baa mise waa iga xaraan?

    Walalo illahey hakaa abaal mariyo dadalkaaga if iyo aakhiro amiin..ee iiga soo jawaab su'ashayda insh aallah? wabilahi altowfiiq.
    zeynab <Idil_jamca>
    - Tuesday, February 28, 2006 at 19:28:47 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
  2. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  3. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  4. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  5. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  6. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  7. Page [23]
  8. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  9. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  10. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  11. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  12. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  13. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  14. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  15. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  16. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  17. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  18. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  19. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  20. Page [22]
  21. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  22. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  23. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  24. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  25. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  26. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  27. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  28. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  29. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  30. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  31. Page [21]
  32. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  33. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  34. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  35. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  36. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  37. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  38. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  39. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  40. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  41. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  42. Page [20]
  43. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  44. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  45. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  46. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  47. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  48. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  49. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  50. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  51. Page [19]
  52. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  53. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  54. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  55. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  56. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  57. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  58. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  59. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  60. Page [18]
  61. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  62. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  63. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  64. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  65. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  66. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  67. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  68. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  69. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  70. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  71. Page [17]
  72. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  73. Khamrigu ma daahir baa?
  74. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  75. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  76. Page [16]
  77. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  78. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  79. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  80. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  81. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  82. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  83. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  84. Page [15]
  85. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  86. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  87. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  88. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  89. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  90. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  91. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  92. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  93. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  94. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  95. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  96. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  97. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  98. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  99. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  100. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  101. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  102. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  103. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  104. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  105. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  106. Xijaabka haweenku waa noocee?
  107. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  108. Page [14]
  109. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  110. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  111. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  112. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  113. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  114. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  115. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  116. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  117. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  118. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  119. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  120. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  121. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  122. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  123. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  124. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  125. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  126. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  127. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  128. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  129. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  130. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  131. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  132. Kabaha ma ku tukan karaa?
  133. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  134. Page [13]
  135. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  136. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  137. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  138. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  139. Sheekhow iisoo ducee...
  140. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  141. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  142. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  143. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  144. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  145. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  146. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  147. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  148. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  149. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  150. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  151. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  152. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  153. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  154. ma haboon tahay nin aan..?
  155. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  156. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  157. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  158. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  159. Page [11]
  160. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  161. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  162. Mahadnaq iyo bogaadin
  163. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  164. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  165. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  166. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  167. Qof dhintay mala baryi karaa?
  168. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  169. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  170. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  171. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  172. Page [10]
  173. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  174. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  175. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  176. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  177. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  178. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  179. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  180. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  181. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  182. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  183. Is Khat Haram or Halal?!
  184. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  185. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  186. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  187. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  188. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  189. Page [9]
  190. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  191. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  192. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  193. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  194. waxaa jira in leeyga digay..!
  195. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  196. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  197. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  198. Page [8]
  199. xukunka taariku salaadka
  200. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  201. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  202. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  203. Salaan iyo Bogaadin..

  204. Page [7]
  205. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  206. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  207. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  208. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  209. Page [6]
  210. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  211. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  212. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  213. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  214. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  215. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  216. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  217. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  218. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  219. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  220. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  221. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  222. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  223. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  224. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  225. zakada dahabka laga bixiyo..
  226. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  227. members of one of the Somali clans..
  228. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  229. Waan kirishtaamay...
  230. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  231. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  232. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  233. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  234. qoladasi isku diin ma nihin..
  235. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  236. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  237. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  238. Page [5]
  239. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  240. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  241. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  242. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  243. Page [4]
  244. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  245. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  246. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  247. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  248. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  249. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  250. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  251. Page [3]
  252. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  253. Midnimada Muslimiinta..
  254. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  255. Islam is not a violent Religion
  256. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  257. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  258. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  259. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  260. Maxay tahay (Nashuusho)?
  261. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  262. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  263. Page [2]
  264. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  265. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  266. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  267. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  268. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  269. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  270. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  271. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  272. Page [1]
  273. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  274. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  275. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  276. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  277. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  278. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  279. Ilaah baa ku qancin kara..!
  280. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]