|
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
|
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).
|
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.
TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
|
|
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.
|
- Jawaab: iitilmaam meesha cabdulwahhaab tashbiiha ku qoray kutubtiisa?
Asalaamcalykum: walaal horta qofka waxaa fiican in uu wax barto inta uusan ismoodin caalim, mana fiicna in cilmi aanan aqoon loo lahayn la sheegto, haddii aad sacuudiga dugsi sare uga baxdayna taas macnaheedu ma aha in aad cilmiga oo dhan dhamaysay.
Marka adiga oo iska dhaafaya isla waynida iyo kibirka waxaan kugula talinayaa in aad Ilaahay ka baqdid oo aad tacasubka indhala'aanta ah iska dhaafto.
Haddii aad carabiga ku fiicantahay ka eeg mas'alada tajsiimka ee ibn Cabdulwahhaab rasaa'ilkiisa qaybta 5aad, baalka 129 iyo wixii ka dambeeya, sidoo kale ka fiiri kitaabka addurar as-sunniyah juska 3aad, baalka 181,ilaa 184. iyo meelo kale oo badan oo kutubtiisa ka mid ah.
Ibn Cabdulwahhaab tashbiiha iyo tajsiimka xaggee uga sheegay kutubtiisa?
Waxaan rejaynayaa in aad fahmi karto hadalkiisa, waa haddii carabiga aad aad u taqaan, Ibn Cabdulwahhaab kutubtiisa oo dhan ayuu ku qoray tashbiiha iyo tajsiimka, tusaale ahaan, towxiidka wuxuu u qaybshay Uluuhiyo, rubuubiyo iyo Sifaat, waxaanna horey u caddeeyay in taasi tahay tashbiih kii ugu xumaa, maxaa yeelay Nasaarada ayaa laga soo qaatay qaybinta noocan ah. Marka ibn cabdulwahhaab wuxuu sugayaa saddex ilaah, Ilaah, Rab, iyo Sifooyin, sida nasaaradu u sugtay "Ruuxul qudus, Rab iyo Ibn".
Qaybinta jaadkaas ah waa tashbiih, waxaana beeninaya qowlkii Ilaahay "wax ekaankiisa ah ma jiraan" suuradda as-shuuraa: 11.
Waxaa kale oo aad ka helaysaa Ibn Cabdulwahhaab rasaa'ilkiisa haddii aad akhriso in uu leeyahay salafku ma diidin in Ilaahay jismi yahay, sidaa ayuu ku andacooday wuxuuna soo daliilsaday hadalkii Ibn Taymiyyah, wuxuuna ku andacooday in taasi mad-habtii Ibn Xambal tahay!!
Waxaana culumada oo dhan isku raacsanyihiin in aanan Ilaahay jismi ahayn, salafkana dhammaantood kuma jirin qof aaminsanayd in Ilaahay jismi yahay, Ibn Xambalna lagama soo werin kutubtiisana kuma taal in uu yiri: Ilaahay waa jismi ama uu yiri: salafku ma beenin in Ilaahay jismi yahay.
Marka ninkan ibn Cabdulwahhaab ah dadka ayuu khaldayaa, wuxuu dhihi lahaa Ilaahay waa jismi, kolkaas buu geedaha ku wareegaysanayaa, oo leeyahay salafka qof tiri ma jirto Ilaahay jismi maaha!! subxaana laah.
Ibn Cabdulwahhaab waa nin hadalkiisu isburrinayo
Ibn Cabdulwahhaab wuxuu ku qoray rasaa'ilkiisa qaybta 5aad baalka 12aad, in uusan kufrinayn ibn al-faarid iyo inb carabi, laakiin eeg baalka 189, wuxuu leeyahay way ka kufri badanyihiin labadaas yahuudda iyo nasaarada.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, February 25, 2006 at 09:29:20 (CST)
- Su'aal: iitilmaam meesha cabdulwahhaab tashbiiha ku qoray kutubtiisa?
Asalaamcalykum: Shiikhow ii tilmaan meesha c/whaaab uu ku leeyahey ilaah waa jismi ama wax lamida. tankale kuma hayo jawaabta lafteeda meshaad 51 masalo ku soo tilmaantey. marka shiikhow arintaa waa laga sugaya.
Sadexle <Sadexle>
- Saturday, February 25, 2006 at 08:51:59 (CST)
- Jawaab: Sidee u baxshaa zekada ganacda technologiga
Asalaamu Calaykum: Walaal sekada ganacda teghnologiga waa sidi ganacda kale, oo waxaa lagu qiimaynayaa hadba intii lacag ah ee ay ku fadhido ganacdaas.
Marka haddii aad tukaan internetka lagu adeegsado leedahay ama aad ISP leedahay, waxaad xisaabinaysaa inta lacag ah ee aad ka qabatay sanadkii tukaankaas oo lafaha iyo faa'iidadu ku jiraan, dabadeedna lacagtaas oo dhan ayaad sekada ka bixinaysaa.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, February 25, 2006 at 07:30:01 (CST)
- Su'aal: Sidee u baxshaa zekada ganacda technologiga
Asalaamu Calaykum. Shiikh waan ku faraxsanahay in aad waqti balaaran siisid inaan ka jawaabtid su'aalaha Diinta islmaaka Ilaahayna hakaa Abaal mariyo. Su'aashaydu waxaa weeye. waxan lasoconaa in Technology ay horey u socoto, ganacsiguna wuu galay Technology, waxaan rabaa inaan wax ka ogaado sida Zakadu uga waajibayso qof haysta (ISP)Internet Provider Service. waxaan leeyahay Compny Internetka bixiya Zako makawaajibayaa haday ka waajibayso sidee uga ixinkaraa. Waxaa intaa ii raaca su'aal tan lamid ah. hadii aan leeyahay Internet Cafe, Zako maka waajibaysaa iyadan sidee uga bixinkaraa Zakada
Cabdalqani <geelle2222>
- Saturday, February 25, 2006 at 07:25:42 (CST)
- Jawaab: Gabdhuhu surwaal ma qaadan karaan
Assalaamu calaykum: walaal waxba kuma jabna in gabdhuhu sarwaal gashadaan ama aqalkooda ha joogeen ama dibadda ha ula baxeene, Sida uu Imaam Shiiraazi ku sheegay kitaabkiisa attanbiih.
Marka ma jiro daliil u diidaya haweenka in ay surwaal xirtaan, dadka dhahaya haweenka waa ka xaaraan sarwaalku ayaga ayaa daliilkii sharciga ahaa looga baahanyahay mana hayaan, waxay ku marmarsimoodaan in sarwaalku yahay dhar ragga kaliya loogu talagalay, taasna waxaa beenminaya hadalka culumada oo kutubta fiqhiga ku caddeeyay in haweenku gashan karaan sarwaalka xataa marka ay xajinayaan.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, February 25, 2006 at 07:24:17 (CST)
- Su'aal: Gabdhuhu surwaal ma qaadan karaan
asalamucaleykum sheikh waan kusalamay salaan kadib waxaan kuwey diiyay gabdhuhu miyaay qaadan karaan surweel kuna dhexmarikaraan suuqa ama waxbarasho la aadi karaan khayr baan kuu rajaynayaa.
ahmed said <xcadde>
- Saturday, February 25, 2006 at 07:19:18 (CST)
- Jawaab: Haddii gacmaha gloves iigu jiraan waysadu taabasho ma iiga jebaysaa?
Assalaamu calaykum: walaal taabashada jaadkaas ah ma jebiso waysada, sababtuna waa:
1. In Culumada qaar ka mid ah qabaan in aanan taabshadu sideeduba waysada jebin, sida ay qabto madhabta xanafiyadu, sidoo kale, Maalikiyada iyo Xambaliyadu waxay qabaan in aanay jebinayn taabashadu haddii aanan shahwo darteed loo taaban qofka, Imaam Shaafici oo kaliya ayaa qaba in taabashadu jebinayso waysada.
2. In taabashada laga hadlayaa tahay, haddii jismigu jismi kale taabto, laakiin haddii ay wax u dhaxeeyaan oo ama aad gloves gashato ama maro kaa xigto ama aad qoray iyo bir iwm ku taabato qofka taasi wayso jebin mayso.
Sidaa darteed, waxaan kugula talinayaa in aad salaaddaada iska tukatid oo aadan isku dhibin in aad mar labaad wayso qaadato haddii aad qof taabato lab ah adiga oo caawinaya oo gashan gloves ama wax la mid ah.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Saturday, February 25, 2006 at 00:50:44 (CST)
- Su'aal: Haddii gacmaha gloves iigu jiraan waysadu taabasho ma iiga jebaysaa?
/c/w/wabarakaatahy walaal waxaan ku waydiinayaa su'aal taas oo ah waxaan ahay nures waxaana kashaqeeyaa isbitaal marka waxaanan garanayn haday weeso iidhowrnayd ee aan qof caawiyo ayadoo gac maha gloves iigu jiraan in ay weesadii iga jabayso iyo in kale marka bal iga soo sii jawaab sheeqoow. wasalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatahu.
kaafiya <kaafiya2>
- Saturday, February 25, 2006 at 00:45:23 (CST)
- Jawaab: Ma lixda shawaal ayaan soomayaa mise soonka qallada ah marka hore?
Assalaamu calaykum: Walaal, marka hore soom lixda shawwaal, kadibna qallaha soon, inshaa allaah, maxaa yeelay waxaad haysataa waqti kugu filan oo aad ku soomi karto inta laga gaarayo siinka soo socda.
Khayr ayaan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Friday, February 24, 2006 at 00:23:04 (CST)
- Su'aal: Ma lixda shawaal ayaan soomayaa mise soonka qallada ah marka hore?
Asc. wr. wbr. bacda salaan shiikh waxaan ku weydiinaa qof oo dumar eh oo macnaa aan soomin waqtiga caadada u joogay marka ramadaanka markuu dhamaado hadey rabto lixda shawaal inay soonto marka qalada mey hormarineysaa mase lixdey soomay? qeer ayaan kuu rajeynayaa.
abuarqam <abuarqam>
- Friday, February 24, 2006 at 00:20:52 (CST)
- Jawaab: Haddii alaabtayda oo la xadayo aan arko salaadda ma ka bixi karaa?
Assalaamu Calaykum: Walaal haddii aad aragto alaabtaada oo la xadayo adiga oo salaad ku jira, salaadda ka bax adiga oo salaama naqsanaya, dabadeedna xoolahaaga soo dhacso, kadibna salaaddaada ku soo laabo. Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Friday, February 24, 2006 at 00:10:47 (CST)
- Su'aal: Haddii alaabtayda oo la xadayo aan arko salaadda ma ka bixi karaa?
Assalaamu Calaykum: Waxaan shiikhow ku waydiin lahaa, haddii adiga oo masaajidka ku tukanaya aad aragtid alaab aad leedahay oo la xadayo sidaad yeelaysaa? ma salaadii baad dhammaysanaysaa? ma tuugii ayaad gacanta ku dhigaysaa?maxaad yeelaysaa?
Cabdalle maxamed <roooble>
- Friday, February 24, 2006 at 00:08:53 (CST)
- Jawaab: Qofka maydka ah inta la dhaqayo wax ma maqlayaa?
Assalaamu calaykum: Walaal waad mahadsantahay Ilaahayna khayrka ha ku waafajiyo adduun iyo aakhiraba.
Jawaabta su'aasha 1aad, waxaa soo arooray in qofku haddii uu dhinto oo hantoosha la saaro ay naftiisu dul joogsanayso hantoosha oo haddii uu ahlu janno ahaa ay leedahay "cajiluunii, cajiluunii" macnaha idedejiya, idedejiya. Haddii uu reera naareed yahayna ay leedahay "akhiruunii, akhiruunii" macnaha: dib ii dhiga, dib ii dhiga. Laakiin ma jiraan wax kale oo ku soo arooray in qofka dhintay dareen leeyahay ama naftiisu wax ogtahay inta aanan la duugin.
Akhbaar kale ayaa ku soo aroortay in uu kolka godka la gelsho oo laga soo kala tago maqlayo dhawaqa kabaha dadka sii socda oo ahaa dadkii duugay.
2. Su'aasha labaad, walaal xijaabka haddii aad uga jeeddo midka sharciga ah ee cowrada lagu qarinayo oo aanuu ku jirin wajiga iyo gacmaha, marnaba ma bannaana in ay haweenaydu ka tanaasusho xirashadiisa, maxaa yeelay waa waajib sharci ah oo la isku raacsanyahay.
laakiin haddii aad xijaabka uga jeeddo indha shareerka iwm, waxaan leeyahay kaasi waajib ma aha, wayna u bannaantahay gabadha in ay iska dhaafto.
Kolka haddii meesha shaqadu ku khasabto gabadha in ay iska dhigto xijaabka sharciga ah ee aanuu ku jirin indha shareerku, waxaa wanaagsan in ay la gorgortanto oo waydiiso sababta ay u diidayaan, haddii ay dhahaan shaqada kuma haboona, waxay ledahay mid ku haboon ayaan soo qaadanayaa, oo isla markaana cowrada dedaya, markaa waxay qaadan kartaa cambuur iyo shaati qurxoon iyo khamaar, ama surwaal iyo shaati iyo khamaar wanaagsan oo cowrada qarinaya.
Haddii ay taas diidaan, waxaa wanaagsan in aad shaqada isaga tagto oo aad raadsato shaqo kale, haddii aadan noolaan karin inta aad shaqo kale ka helayso, wixii ay dhahaan iska yeel, laakiin si degdeg ah shaqo kale oo aad ku noolaato u raadso dabadeedna ka tag shaqadaas hore.
Khayr ayaan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Thursday, February 23, 2006 at 23:41:11 (CST)
- Su'aal: Qofka maydka ah inta la dhaqayo wax ma maqlayaa?
sc. wr. wbr. sheequnaa qeyr ilaaheey ha ku siiyo, suaalihii aan ku soo weydiiyay si fiican oo aan ku qanco ayaad igaga soo jawaabtay. Sheeqow noo soo dacey.
Marka waxaan rabaa inaan suaal ku weydiiyo:
1. Qofka meydka eh wax ma dareemaa waxna ma maqlaa markii la dhaqaayo?
2. Qof qurbaha ku nool oo wax ku bartay haddii lugu xujeeyo shaqada inay iska dhigto xijaabka diinta maxay ka qabtaa?
Qeyr ayaan kuu rajeynayaa.
abu arqam <abuarqam>
- Thursday, February 23, 2006 at 23:25:15 (CST)
- Jawaab: Been ma sheegi karaa si aan u helo dukuminti aan ku xajiyo?
Assalaamu calaykum, walaal xajka aad xajinayso haddii uu yahay xajkii 1aad ee waajibka ahaa, oo aadan haysan sabab kale oo aad ku heli karto dukumiinti aad ku xajiso in aad been sheegto mooyaane, waxaan kugula talinayaa in aad ku dhahdo, walaashay baa xanuunsan, adiga uu niyoonaya walaashaa ka mid ah walaalaha Islaamka.
Haddii ay taasi kuu suurto geli wayso, ku dheh hooyaday baa xanuunsan, maxaa yeelay culumadu waxay banneeyeen in qofku been sheegi karo haddii uu ku maslaxaynayo laba dhinac oo dhibaato ka dhextaagantahay, waxaa kale oo ay banneeyeen in qofku beensheegi karo haddii wax xaqdarro ah lagula kaco uuna ku khasbanyahay in uu xaqiisa soo dhacsado.
Tusaale waxay u soo qaateen, haddii ay dowladi nin ganacsade ah ka celiso gelidda dalkeeda, waxay banneeyeen in uu dhihi karo qaraabadayda ama walaalkay baan u socdaa oo dalkaa dhexdiisa deggan.
Marka haddii aad ku khasbantahay oo aadan xal kale haysan aadna u baahantahay oo ay waajib kugu tahay in aad xajiso, waad ku dhihi kartaa hooyaday baa xanuunsan haddii ay kaa diidaan walaashay baa xanuunsan si ay dukumiinti kuu siiyaan.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Wednesday, February 22, 2006 at 22:00:54 (CST)
- Su'aal: Been ma sheegi karaa si aan dukumiinti aan ku xajiyo u helo?
sc wr wbr sheekhunaa ilaaheey haku xafido waxaan ku weydiinaa qof ku nool orobada oo rabo inuu soo xajiyo oona haysto lacag oona caafimaad qabo laakiin ma haysto wax uu ku baxo marka been ma sheegi karaa asagoo leeyahay waalidkeyga ayaa jiran si uu ku helo dukumenti uu ku soo xajiyo marka ma banaan tahay insha alaahu qeyr ayaan kuu rajeynayaa.
ABUARQAM <ABUARQAM1>
- Wednesday, February 22, 2006 at 21:52:47 (CST)
- Jawaab: Qofkii falka asaxaabta Nabiga nnk "bidco" ku sheegaya, xukunkiisu muxuu yahay ma kufrinayaa mise?
Assalaamu calaykum: walaal qofkii falka ay asaxaabta nabiga qaarkood ku cibaadaysteen qofkii shirki ama bidco ku tilmaama waa qof riddoobay oo diinka ka noqday, maxaa yeelay falka asaxaabta nabigu nnk haddii uu yahay wax ay ku cibaadaysteen waa wax xaq ah oo ay ka barteen nabiga nnk, tusaale ahaan ninkii dhahaya asaxaabta nabiga ayaa shirki samaysay ama bidco samaysay kadib markay ku tawasuleen ama ku barakaysteen nabiga nnk qofkii sidaa yiraahda xaalkiisu wuxuu gaarayaa riddo wal-cayaadu billaahi.
Sababtuna waa midda horee, arrinka tawasulka quraanka iyo xaddiiska saxiixa ah ayuu ku sugnaaday, waxaa sidoo kale akhbaar saxiix ah sugtay in asxaabtu ku barakaysteen nabiga mimbarkiisa iyo qabrigiisa iyo waysadiisa sida Imaam nawawi ugu caddeeyay sharaxa saxiixul muslim, marka ninkii bidci ama mushrik ku sheegaya asaxaabta nabiga nnk, waa nin riddoobay waxaana ku waaajib ah in uu toobad keeno oo islaamka ku soo laabto.
Su'aasha labaad ee ah qofkii leh akhbaartaas ama axaadiistaas waa daciif, waxaan waydiinaynaa, yaa daciifshay? ma culumada lagu kalsoonyahay sida bukhaari iyo muslim iyo bayhaqi iyo nawawi iyo ibn xajar iyo saylici mise wahhaabiyada sida ibn baas iyo ibn taymiyyah iyo al-baani?
Haddii dadka xaddiiska daciifshay yihiin culumada lagu kalsoon yahay ee aan kuu sheegay, waa aqbalaynaa, waana ku laabanaynaa xaddiiska oo daliilkiisa iyo xooggiisa ayaan hubsanaynaa, laakiin haddii ay daciifsheen dad ayaguba daciif ah oo aanan gaarin martabada xufaadda sida albaani iyo ibn cabdulwahhaab iyo inb baas iwm, ama dad ahlu bidco iyo ahlu shirki ah sida ibn taymiyyah, annagu aqbali mayno dadkaas daciifintooda sababtuna waa in aanay ahayn dad lagu kalsoonyahay oo caqiidadoodu munxarif tahay, aanna gaarin derejada cilmiga ah ee u ogolaanaysa in ay daciifshaan ama saxaan xaddiiska.
Marka walaal waxba yaanay ku cabsiin kuwa leh daliilkaagu waa daciif, haddii ay ku dhahaan waa daciif, waxaad ku dhahdaa, culumo aan ku kalsoonahay ayaa saxday, adiga iyo wahaabiyana idinkuma kalsooni, daciifin iyo sixid midnana xaq uma lihidiin, maxaa yeelay ma aadan gaarin derejadaas, cilmiga xaddiiskana culumo kama aadan qaadan ee buugta ayaad ka baawsateen sida uu yeelay al-baani.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
- Wednesday, February 22, 2006 at 16:22:54 (CST)
- Su'aal: Qofkii falka asaxaabta Nabiga nnk "bidco" ku sheegaya, xukunkiisu muxuu yahay ma kufrinayaa mise?
Salaamucalaykum, fadiilatu shiikh Dr. Xirsi ilaah khayr ha ku siiyo, waxaan akhristay qoraalkii (51 mas'alo oo wahhaabiyadu ku kufrisay) ee aad sida cajiibka leh u soo habaysay.
Marka shiikh su'aashaydu waxay tahay, dad ayaa ku tilmaamaya falka asaxaabta nabiga nnk bidco in uu yahay, sida asaxaabta qaar ku barakaystay qabriga nabiga iyo kuwa ku tawasulay nabiga nnk, marka qofka sidaa yeela ee falka asaxaabta nabiga nnk bidco ama shirki ku tilmaama xukunkiisu sidee yahay ma kufrinayaa?
Su'aasha labaad, qofkii leh akhbaarta iyo axaadiista ku saabsan tawasulka iyo ku barakaysiga qabriga nabiga nnk iyo mimbarkiisa waa daciif, maxaan ugu jawaabnaa?
Wassalaamu calaykum.
adan bulxan <aadan76>
- Wednesday, February 22, 2006 at 16:10:57 (CST)
- Jawaab: Waxaan ku riyooday aniga oo xarmanaya!
Assalaamu calaykum, walaal waad mahadsantahay, riyadaadana mid khayr ah allaha kaaga dhigo, waxaana laga yaabaa in ay astaan u tahay in aad dhawaan xajin doontid inshaa allaah, marka towfiiqda allaha ku waafajiyo. Khayr ayaanna kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Wednesday, February 22, 2006 at 08:14:50 (CST)
- Su'aal: Waxaan ku riyooday aniga oo xarmanaya!
sc wr wbr sheeq qeer alla haku siiyo suaal riyo ayaan arkay marka waxaan rabaa inaad ii soo fasirtid waxaan arkay anigoo jameeco ah oo hotel joogno oo albaabka lanoosoo garaacay oo lana dhahaayo qubeysta wana xarmada ka bacdi waxaan arkay anigoo buundo mareyno oo darbigiisana qadiim eh oo nuuriyo marsan riyada dhaxdeedane waa ku farax sanahay dadka aan isla jirnane waxay ahaayeen dad waaweyn oo aan aqoonin
umaymah <abuarqam1>
- Wednesday, February 22, 2006 at 08:12:35 (CST)
- Jawaab: noosii iftiimi kufriyaadka wahhaabiyada
Assalaamu calaykum, walaal dhowr jeer ayaa su'aashan la i waydiiyay oo akhristayaashu iga codsadeen in aan soo koobo masaa'ilka ay wahhaabiyadu ku kufrisay kuwa ugu muhiimsan aniga oo soo sheegaya mas'alo kasta masdarkeeda iyo meesha laga soo qaatay, iyo daliilka ay khilaaftay ee caddaynaya in ay kufri tahay.
Hadaba aniga oo dalabkaas oofinaya ayaan waxaan maalmahan soo habeeyay kow iyo konton mas'alo (51) oo ay wahhaabiyadu ku kufrisay, marka adiga iyo akhristayaasha kale ee i waydiistay howshan adinka oo mahadsan ka eega qoraalkaas faahfaahsan webka ahlusunnah bogga hore.
Khayr baan idiin rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Tuesday, February 21, 2006 at 06:42:42 (CST)
- Su'aal: noosii iftiimi kufriyaadka wahhaabiyada
Shiikh Xirsi salaamu calaukum, salaan kabacdi adiga oo mahadsan waxaan kaa codsanaynaa inaad inoo sii iftiimiso oo si kooban oo waadix ah inoogu soo koobto waxyaabaha kufriga ah ee kooxda wahhaabiyada lagu kufrin karo, adiga oon ilaabayn in aad masalo kasta daliilkeeda iyo hadalka wahaabiyada masdarkooda sheegtid. Mahadsanid
Jama Mualim <jamaml2003@yahoo.com>
- Tuesday, February 21, 2006 at 06:38:41 (CST)
- Jawaab: Ma bannaantahay wahaabiyada la dagaallankeedu, qofkii la dagaalase ma gaalbaa?
Assalaamu calaykum: walaal marka hore inta aanan go'aan ka gaarin xukunka wahhaabiyada iyo la dagaallankooda waxaa lagama maarmaan ah in aan ogaanno waxa culumadu ka qabto dadka noocaas ah, oo aan ogaanno waxa wahhaabiyada caqiidadeedu ku salaysan tahay.
Caqiidada wahhaabiyada
Kooxda wahhaabiyadu waxay isku sheegaan in ay kaligood muslim yihiin, inta kale ee muslimiinta ahna waxay ku magacaabaan "mushrikiin" taasna waxaa rasaa'ilkiisa ku caddeeyay Ibn Cabdulwahab, oo ay dhammaantood aaminsanyihiin.
Wuxuu yiri: Ibn Caabidiin oo ka mid ah culumada Xanafiyada, kitaabkiisa Xaashiyatu Radd al-Muxtaar: "wahaabiyadu waa khawaarij, xukunkooduna waa "buqaat" waxay isku magacaabayaan muslimiin inta kalena waxay ku magacaabayaan mushrikiin", marka wahhaabiyadu muslimiinta ayay xaqdarro ku kufrinayaan, annaguna xaq ayaan ku kufrinaynaa, maxaa yeelay ninkii muslimiinta kufriya asiga ayaa kaafir ah, wahhaabiyaduna qodobkaas way ku kufrisay.
Marka haddii ay caddaatay in ay buqaat yihiin, oo ay muslimiinta kufrinayaan, in lala dagaalo way bannaantahay, taa daaye waaba waajib in lala dagaalo oo shartooda muslimiinta laga reebo.
Culumada muslimiintu way isku raacsanyihiin in buqaadda lala dagaalo, sidii ay asaxaabtu samaysay, oo imaam cali iyo imaam Abuu barak sameeyeen.
Wahhaabiyadu waa mushabiho mujasimo ah
Wahhaabiyadu waxay rumaysanyihiin diin tashbiih iyo tajsiim iyo tathliith isugu jirta:
a. Tathliithka waxay ka qaateen Nasaarada oo Ibn Taymiyah ayaa u qoray towxiidka saddexlaha ah kaas oo uu nasaarada iyo yahuudda ka soo qaatay, una qaybshay Ilaahay saddex qaybood, oo uu ku magacaabay (Uluuhiyo, Rubuubiyo iyo Sifooyin).
b. Wahaabiyadu waa mushabiho, maxaa yeelay dhammaantood waxay aaminsanyihiin in Ilaahay uu jiho leeyahay oo Ilaahay uu cirka kursi kula fadhiyo, sidaasna waxaa kutubtooda ku qoray dhammaan madaxda wahhaabiyada sida Ibn Taymiyyah Ibn Cabdulwahaabna wuu ku raacay, sidoo kale waxaa sidaa yiri Albaani iyo Ibn baas sida uu ku sheegay xaashiyada caqiidada daxaawiyada ee uu daabacay, dhammaantood waxay qabaan In Ilaahay cirka kursi kula fadhiyo oo uu meel uga banneeyay Nabiga oo uu nabigu kula fariisan doono. Ibn Taymiyah ayaa ku qoray fataawihiisa arrinkaas, kuwa kalena way ku raaceen oo mid kaliya oo reddiyay ama iska beri yeelay kuma jiro.
Hadaba Fariisiga iyo Nasashada iyo jihada iwm dhammaan waa astaamaha makhluuqaadka lagu yaqaan, qofkii Ilaahay waxaa ku sheega waa mushabih, waana kaafir, waana mujasim.
Wuxuu yiri Imaam Ashcari kitaabkiisa "an-nawaadir" (qofkii rumaysta in Ilaahay jismi yahay, waa qof aanan Ilaahay aqoon, waana qof Ilaahay ku kufriyay).
Wixii Culumadu ka dhaheen Kooxaha Mushabihada ah sida wahhaabiyada
Wuxuu yiri Imaam Cali bin Abii daalib: "Waxaa aakhirusamaanka la arki doonaa umaddan qaar ka mid ah oo kufaar ah, kolkaas baa la yiri: kufrigoodu ma wax cusub oo ay diinta ku derayaan baa mise waa wax ay inkirayaan? kolkaas buu yiri: waa inkirid, waxay inkirayaan Eebbahood, kolkaas bay ku sifaynayaan jismi iyo xubno". waxaa sidaa soo weriyay Ibn Mucallim al-Qurashi, kitaabkiisa Najm al-Muhtadii, baalka 588.
Wuxuu yiri Ibn Xajar al-Haythami, Kitaabkiisa al-Minhaaj al-Qawiim: (Waxaad ogaataa In al-qaraafi iyo qaar kale oo culumada ka mid ah ay ka soo weriyeen Imaam Shaafici iyo Imaam Maalik iyo Imaam Axmad iyo Imaam Abuu Xaniifa Allaha ka raalli noqdee dhammaantood, in ay kufri ku xukumeen kuwa leh: Ilaahay jiho ayuu leeyahay ama jismi).
Wuxuu yiri Imaam Shaafici: (Mujasimadu waa kufaar), waxaa sidaa ka soo weriyay Imaam as-Sayuudi, kitaabkiisa al-Ashaah wan-nadaa'ir.
Sidoo kale wuxuu yiri: Imaam Axmad (Qofkii yiraahda Ilaahay waa jismi aan jismiyada la mid ahayn waa kaafir), ka fiiri Tashniif al-Masaamic, uu qoray Zarkashi.
Waxaa kale oo uu soo weriyay al-xaafid al-Ciraaqi, in Imaam Shaafici iyo Imaam maalik iyo Imaam Abuu xaniifa iyo Imaam al-Ashcari iyo Imaam al-Baaqillaani dhammaan ay kufri ku xukumeen qofkii Ilaahay ku tilmaama jiho gaar ah, fiiri sharxul Mishkaat, Mulaa Cali al-Qaari.
Qofkii yiraahda Ilaahay Carshiga ayuu ku fadhiyaa waa kaafir
Wuxuu yiri Ibn Mucallim al-Qurashi, kitaabkiisa Najm al-Muhtadi: Waxay la mid yihiin dadka kufrigooda la isku raacsanyahay, iyo kuwa aan kufrinay ee ahlu qibalada ka midka ah, sida kuwii yiri: Quraanka waa la uumay, iyo kuwii yiri in aanan Ilaahay ogayn waxyaabaha macduumaadka ah intii aanan la ahaysiin, iyo qofkii aanan qadarka rumaysnayn, waxaana kuwaa la mid ah, qofkii rumaysan in Ilaahay carshiga ku fadhiyo, sida uu ka soo sheegay al-Qaadii Xusayn Naskii Imaam Shaafici.
Wahhaabiyadu waa buqaat, waxaana waajib ah in lala dagaalo oo la laayo
Wahhaabiyadu waxay aaminsanyihiin in ay kaligood muslim yihiin, sidaa darteed waxay bannaysteen dhiigga intii muslim ah ee aan ayaga mad-habtooda lunsan raacsanayn, waxaana manhajkaas faasidka ah u billaabay shiikhoodii Ibn Cabdulwahhaab, sida culumadu soo weriyeen.
Wuxuu yiri, ash-shaykh Maxamad Bin cabdullaahi al-Xambali, oo reer Najid ah oo ka yimid dhulkii uu Ibn cabdulwahhaab ka yimid, oo Xambalina ahaa, wuxuu ku yiri kitaabkiisa "as-Suxub al-Waabilah, calaa adrixatil xanaabilah": (Maxamad Bin Cabdul wahaab, haddii qof khilaafo ra'yigiisa oo uu reddiyo, dabadeedna uu awoodi waayo in uu dilo maalin cad, wuxuu u diri jiray qof soo dila inta uu hurdo sariirtiisa ama asiga oo suuqa socda habeenkii, maxaa yeelay wuxuu aaminsanaa in ciddii asiga khilaafta ay kaafir tahay, wuxuuna bannaysatay dilkooda).
Macnaha, wuxuu ka wadaa in Maxamad Bin cabdulwahhaab qofkii khilaafa oo reddiya mad-habtiisa lunsan uu habeenkii qof toogta u diri jiray, asiga oo qofkaas sariirtiisa jiifa ama aqalkiisa jooga ama suuqa habeenkii socda ayay tooganayaan, waana manhajka ay hadda wadaan wahhaabiyada soomaaliya joogta, sababtuna waa in ay aaminsanyihiin in ayaga mooyee inta kale kufaar yihiin, sidaas ayayna ku bannaysteen dhiiggooda.
Wuxuu ku yiri Sheekh Axmad as-Saawi al-Maaliki, Xaashiyadiisa tafsiirka Jalaalayn, markii uu ka hadlay aayadaha ku soo degay kufaartii quraysh, waxaa la yiri, waxay ku soo degeen khawaarijta kuwaas oo taxriifshay tafsiirka kitaabka iyo sunnada ee sidaa ku bannaysaty dhiigga muslimiinta iyo maalkooda, sida maantaba lagu arkayo kuwan la midka ah waana firqo ka soo baxday dhulka Xijaas oo la yiraahdo wahhaabiyo, waxay isu malaynayaan in ay xaq ku taaganyihiin, waana beenayaal, shaydaan ayaa sasabtay, kolkaas buu xusidda Ilaahay ilowsiiyay, kuwaasi waa xisbiga shaydaanka, xisbiga shaydaanka ayaana khasaare u sugnaaday.
Qofkii wahaabiyada la dagaala ma gaal baa?
Hadaba walaal sida kuu cad oo hadalka culumada kaaga caddaatay, wahaabiyadu waa "buqaat", waana mushabiho mujasimo ah, waana mushrikiin, maxaa yeelay tathliith ayay aaminsanyihiin, oo towxiidkoodu waa kii Nasaarada iyo Yahuudda.
Haddii taasi kuu caddaatay, waxaa meeshaa kaaga cad in qofkii la dagaala Ilaahay uu ajar iyo xasanaad siinayo, ninkii ay dilaan waa shahiid, dagaal ninkii la galana waa mujaahid, jannada ayuuna gelayaa sida Ilaahay u ballan qaaday.
Ninka ku hadlay wahhaabiyada Soomaaliya afkooda ee ku andacooday in lagu kufrinayo la dagaallanka firqada buqaadda ah ee lunsan ee wahhaabiyada ah ee soomaaliya joogta waa jaahil aanan fiqhiga iyo cilmiga waxba ka aqoon, haddii uu caalim yahay daliilkiisa ha keeno, haddii uu mutacasib lunsan yahay, oo uu buqaadda u tacasubayana hadde ayaga ayuu ka mid yahay.
Xukunka sharciga ah waa xukun sharci ah
Marka dhammaan muslimiinta soomaalidu ha ogaadeen, xukunka sharciga ah isma bedelo, ama wahhaabiyadu ha sheegato Islaam ama yaanay sheegan ama ha tukadeen ama yaanay tukan, taasi waxba ku teri mayso, maxaayeelay waa mushrikiin, mushabiho ah, waana kufaar, marka qof kaafir ah ama mushrik ah cibaado ka ansixi mayso, xukunkiisuna waa xukunka murtadka haddii uu asalkiisu islaam ahaa, haddii kalena wuxuu la mid yahay mushrikiinta iyo kufaarta kale.
Khayr baan kuu rejaynayaa.
Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed
- Sunday, February 19, 2006 at 18:44:06 (CST)
- Su'aal: Ma bannaanyahay la dagaallanka wahhaabiyada, qofkii la dagaalase ma gaal baa?
Assalaamu Calaykum: Shiikh waxaan doonayaa inaan ku waydiiyo, waxaa Soomaaliya isku haysta xulafo isbahaysi isku magacawday iyo kooxda wahhaabiyada oo maalmahan dagaal dhexmaray.
Marka su'aashaydu waxay tahay, ma bannaantahay in wahhaabiyada lala dagaalo oo la laayo oo la dilo oo xoolahooda la boobo? Midda kale qofkii la dagaalaya ma gaalbaa? maxaa yeelay nin wahhaabiyada u hadlay ayaa yiri: qolyaha nala dagaalaya waa gaalo oo waa kufriyeen, marka ma runbaa in lagu kufrinayo la dagaallanka wahhaabiyada? waa mahadsantahay.
Xasan Cali <xasanc23>
- Sunday, February 19, 2006 at 17:13:09 (CST)
- Mahadnaq: Dadaalkiinna Allaha ka raalli noqdo
ass/c/w/w/h salaan kadib shaykh waad mahadsantahay waana fahmay jawaabtaadii qiimaha badneyd dadaalkaadana allaha ka raadi noqdo waan ubaahanahay diintaan wax tiir dhexaad u noqda maxaa yeelay waxaa batay burisla yaal aan u aaba yeeleyn waxa eey sameynayaan oo faash aan af leheyn ku kala gooynaya diintaan muqadaska eh, balse wallaahu gaalibun calaa amrih shaykh mar kale jazaakallaahu khayral jazaa.
muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
- Sunday, February 19, 2006 at 16:22:49 (CST)
- Taageero iyo Tahniyad: waa ka dharegsanahay ibnu teymiya iyo maxed c/wahaab intaba sida ay diinta u qaloociyeen
Asalamu caleykum waraxmatulahi wabarkaatuhu yaa shequl ahlu suna waljamaaca waan ku salaamayaa salaan la isa salaamo tan ugu qeyrka badan oo ah 114 quraanka. salaan ka dib. waa ka dharegsanahay ibnu teymiya iyo maxed c/wahaab intaba sida ay diinta u qaloociyeen. Allaha naga qabto manhajkaas qaloocan muslmintana alaha tuso gaar ahaan soomaalida manhajkaas qaloocan.
Marka hadaba waxan doonayaa in aan xiriirno xiriirka caalimiga ah ee aduunka si aan iskula shaqeyno wax weyn ayuu qaban karaa isku tagu. wasalamu caleykum waraxmatulah.
maxamud c/lahi.
maxamud c/lahi <bashirmaxamud>
- Sunday, February 19, 2006 at 16:19:58 (CST)
- Mowliidka Nabiga nnk in la xuso ma bannaantahay?
Asalaamu calaykum, walaal mowliidka Nabiga nnk in la xuso way bannaantahay sida ay sheegeen Imaam Ibn Xajar iyo Imaam Sayuudi labaduba waxay isku raaceen in ay xafladdaasi bannaantahay.
Marka faahfaahinta halkan ka akhri adiga oo mahadsan: http://www.2garre.com/is/default_3.html. Ama halkan ka dhegayso: http://www.2garre.com/audio/mowlid.mp3. Kayr baan kuu rejaynayaa.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
- Sunday, February 19, 2006 at 07:10:24 (CST)
- Mowliidka Nabiga nnk in la xuso ma bannaantahay?
asalaamu calaykum walaal waxaan ku su aali lahaa mowliidka nabigeena muxmed N N K H ma banaan yahay
ahmed mahdi mohamed <axmedmbc>
- Sunday, February 19, 2006 at 07:06:51 (CST)
Next Page..
< < < < Laabo
|