Mogadishu Friday, 2 January 2009
Dib u eegida diiwaanka noolaha,waxaa ku diiwaansan in koox wax ismoodaa ay dibandaabyo dulmiyeed u gaystaan dadka saaran dunida guudkeeda.iyagoo ku daahan magaca diimeed. Diiwaan kooxeedya diimeedka somaliya ayaa soo maray sadex xili balse hadba ku xuub siibta magac diimeed cusub. Magac jirideedkii ugu horeeyay ayaa ahaa Khawaarij. Kii labaad oo ay uga xuub siibteen aya isna ahaa Wahaabiyo. Kii sadexaad oo ah kan hada aayaa ah Al-shabaab. Isbadbadalka magacyadaan ayaa ku salaysan hadaba wacyiga lagu jiro ee dhaqan dhaqaale,nabadgalyo iyo bulshadeedba.
Waxay dadku ku khaldamaan in ay laba kala yihiin ama ay laba argtiyadood kala wataan,balse arinku sidaa mahaan. Dhab ahaantii haddii aadan eegin magacyada faraha badan ee kooxaha iyo isku gaalnimo xukunkooda ee aad hoos u eegto jiridda aas aaska mabda’ed,waxaa suuragal ah in aad si sahlan u ogaato midnimada kooxahan. Muuqaalka dadku u arkaan in ay yihiin kooxo is diidan ama dagaalsan, waxaan oran karnaa dagaal mahane waa shaqo la qaybsaday oo ay doonyaan in ay toban waji uga mira dhaliyaan kadibna isu keenaaan.
Gaalnimadu waa hal diin ee dhowr maahan ,sidaa si la mida wahaabiyadu waa hal ee laba maahan. Waxaana u daliil ah in ay ka midaysan yihiin ciidan ahaan, dhaqaale ahaan iyo mabaadii ahaan,mana jirto haba yaraatee wax khilaafa oo u dhaxeeya.waxaanad ku ogaan kartaa oo kale habka ay dagaalada u galaan iyo habka ay isugu gurmadaan marka ay is hayaan cid aan wahaabiya ahayn.
Dulucda qormada aya ah in ahlusunna wal-jamaaca oo ah asalkii tiirka diinta islaamka ee somaliya faafinteeda iyo ku tarbiayaynta ubadka somaliyeed ,islaamarkaana ahayd halgamaayashii dalka kula dagaalamay gumaysatadii yurub,ku waas oo ay horkacayeen sayid Maxamed Cabdule Xasan ,Sh Axmed Gurey Sheekh Xasan Barsame iwm.ahlusuna waxay markasta oo dalka dhibaato diineed soo food saarto ay guntiga dhiisha isaga dhigi jireen si ay u difaacaan diinta.
Huwanta wahaabiyada oo in muddo ah isu mujinayey in ay yihiin awooda ciidan ee dalka ayaa waxaa si lama filaan ah dharbaaxo siyaasadeed.ciidan iyo mid dhaqaalaba ku dhuftay ahlusuna wal-jamaaca. Todobaad kama soo wareegan markii ay isku dayeen in ay saydareeyaan gobolka galgaduud kadibna uga sii gudbaan puntland iyo Somaliland.
Waxaa barbar socday isbalaarintooda soo faagida maydadkii saalixiin dalka diinta soo gaarsiiyay qarniyaal ka hor iyo ihaanaysiga culimada noolba. Ahlusunna waljamaaca waxaa u muqatay in diintii iyo ahalkeediiba iyo waliba shacabkiiba ay khatar ku jiraan ayna u baahan yihiin in la difaaco.
Waxaa kacay kacdoon balaaran muddo yar oo asbuuc ah waxaa jilibka laysdaray al-shaabab oo aaminsanaa in aan la loodin karin. Wareegii kowaad labaad sadexaadba waxaa laga sifeyay gobolka oo dhan, iyadoo halkaa la waray halyeeyadoodii.
Waxaa u cuntami waysay in ahlusunna wal-jamaaca jabisay xoogaggii alshabaab oo isuhaystay lama taabtaan.Ahlusunna waxay niaydda u dajisay dadkii soomalaiyeed oo gumaadka lagu hayay oo dadkoodii la laayay.waxay rajo u noqotay in salixiintu ku jiraan qubuurahooda,waxay rajo umuujisay kuwii kawal walsanaa halka lagu aasi doono. Waxay u xaqiijiyeen somaliya in al-shabaab lala dagaali karo iyo waliba in loo xanbaarin karo guul darro agaasiman.
Waxay hor istaageen isbalaarintii al-shabaab iyagoo walibana diyaar u ah in ay ka sifeeyaan gobolada dalka oo dhan,inta layska waydiinayo jiritaanka al-shabaab ee somaliya.ilaa inta calanka nabadgalyada iyo noloshuna ka dulbabado daafaha dalka somaliya dadkuna ay ku heesaan shabaab tagyee roobey sida qisadii dhagdheer.
Qaasim xaaji saalax (USA)