Hordhac
Sidee.. iyo xagee.. Sidee uunku u billowday… sidee uunku isugu xigaa… sidee yahay jiritaanka goorta iyo meesha… xagee baa loo socdaa… xagee la aadayaa dhimashada kadib…. Xagee baa lagu nagaanayaa xageese loo iilanayaa… sidee baad sax ku ahaanaysaa.. sidee baad xaqa ku haleelaysaa… side noloshaada u noolaanaysaa… jawaabta dhamaystiran oo kugu filan waxaad ka helaysaa kitaabkan yar ee faa'iidada badan.
Gogoldhig:
Ilaah baa mahadi u sugnaatay kaas oo jira meel la'aan, kana nasahan qaabka iyo meesha iyo qoolaabka iyo midabka. Salaad iyo salaanna waxay ahaatahay Muxamad korkiisa sayyidkii intii Cadnaan dhalay, iyo ahalkiisii iyo asaxaabtiisii inta laga gaarayo maalinta xisaabta loo taagayo miisaanka.
Intaa kadib:
Dad badan baa ka hadlay arrinka billowga uunka iyo halka uu u dhuranayo dadku dhimashada kadib, kolkaas bay lumen kana lunsheen (dadka) waddadii toosnayd, markaas bay lagama maarmaan noqotay in xaqa la caddeeyo, sida ku soo arroortay kitaabka Ilaahay kor ahaayee, iyo sunnada Rasuulka la doortay korkiisa naxariis iyo nabadgelyo ha ahaatee.
Intaa kadib, caqligu wuxuu markhaati u yahay sharciga, sharciguna la imaan mayo wax aan caqligal ahayn, sharciguna waa sharcigii Ilaah, asiga ayaana uunkiisa u ogaal badan.. sidaa darted hadalka Ilaahay iyo hadalka Nabigiisa ayaa xujo ah, taas oo loo laabanyo si loo ogaado xaqeeqada ummuuraha.
Eebbe ayaanna waydiisanaynaa, oo Muxamadna ku tiirsanaynaa, in uu Eebbe inagu sugo waddada toosan dusheeda iyo qaabka hagaagsan, asiga ayaa wax walba awoodee.
Sidee uunku ku billowday?
Wuxuu yiri: Nabigii Ilaah Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkii la waydiiyay billowgii nolosha: "Eebbaa ahaaday, wax kale oo aan asiga ahaynna ma ahaan, carshigiisuna wuxuu ahaaday biyaha dushooda, wuxuuna ku qoray looxa wax kasta, kadibna wuxuu abuuray samooyinka iyo dhulka" waxaa soo weriyay Bukhaari.
Nabigu wuxuu uga jawaabay - nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee - su'aashan in aan Eebbe jiritaankiisu bilow lahayn (oo uu soojireen yahay), soojireen aan asiga ahaynna ma jiro, ujeedadu waa: in kolkii horeba aanay jirin wax aan Ilaah ahayn kor ahaayee, Eebbana kor ahaayee asiga ayaa uumay wax walba. Wax walba asiga ayaa uumayna, waxaa looga jeedaa: in uu asigu ka soo saaray inta nool oo dhan la'aan, oo uu usoo saaray jiritaanka.
Eebbana kor ahaayee waa noole aan dhimanayn, maxaa wacay dhammaad malaha jiritaankiisu (oo waa sii jireen), kolka ku soo derrin mayso la'aantu, maxaa wacay haddii la heli lahaa la'aan kadib, waxaan suurtagal u noqon lahayn horraynta (oo ah soojireenka).
Xukunka qofkii leh: "Eebbe ayaa abuuray uunka, hadaba yaa Eebbe abuuray" waa in la kufrinaayo shakila'aan, maxaa yeelay Eebbe kor ahaayee buu u saarshay la'aan jiritaanka ka hor, lagumana yiraahdo sidaa wax aan ahayn dhacdooyinka uunka, kolka Eebbe kor ahaayee jiritaankiisu waa waajib oo ah (in aan maskaxda lagu malayn karin la'aantiis), kolka jiritaankiisu sidi jiritaankeenna dhacdada ah maaha, maxaa wacay jiritaankeenna Eebbe ayaa keenay kor ahaayee, wixii aan Eebbe ahaynna jiritaankiisu waa bannaanyahay oo ah (in ay garaadka suurta gal ku yahay jiritaankiisu la'aan kadib, iyo la'aantiisa jiritaankiisa kadib) haddii laf ahaantiisa loo eego sida garaadku goynayo.
| |
Qaybaha jiritaanku waa saddex
Kan 1aad: waa soo jireen siijireen ah: waana Eebbe waynaayee kaligiis, billow iyo dhammaad ma laha jiritaankiisu.
Xukunka qofkii yiraahda: "waxaa jira wax soo jireen ah oo aan Eebbe ahayn" waa kufrin shaki la'aan, sidaa darted, falaasifadu way kufriyeen waxaana ugu wacan ictiqaadkooda doqonnimo ee ah in caalamku duq soojireen ah yahay, maxaa yeelay soojireennimadu cid aan Eebbe waynaayee kaligiis ahayn uma ansaxayso.
Kan 2aad: waa siijireen mana aha soojireen, oo ah (in uu billow leeyahay dhammaadna uusan lahayn), waana jannada iyo naarta, waana la uumay labadaba taas oo ah (in ay billow leeyihiin) hase ahaatee, dhammaad malaha, taas oo ah (in ay siijireen yihiin), sidaa darted, kusoo derrin maayo baaba'u ama dhammaadku maxaa yeelay Eebbe ayaa doonay in ay siijiraan, haddiise laf ahaantooda la fiirsho waxaa garaadka ku bannaan in ay dhammaadaan.
Kan saddexaad: Soojireenna maaha siijireenna maaha (maxaa wacay billow ayuu leeyahay iyo dhammaad) waana dhammaan inta dunidan ku sugan ee ah samooyinka toddobada ah iyo dhulka, oo ay lagama maarmaan tahay in ay dhammaadaan ayaga iyo wixii ku dhex nool ee dad iyo jinni iyo malaa'ig ah.
Horraynta Eebbe waqtiga kuma xirra
Eebbe kor ahaayee wuxuu jiray goorta iyo meesha ka hor iyo mugdiga iyo ilayska ka hor, kolka asigu kor ahaayee, lama mid aha caalamka culus sida (dhulka iyo dhaxa iyo xidigaha iyo dhirta iyo dadka), lana mid aha caalamka fudud sida (Ilayska, iyo ruuxa, iyo hawada, iyo jinniga iyo malaa'igta) maxaa yeelay wuu ka geddisanyahay dhacdooyinka, taas oo ah in uu ka geddisanyahay uunka oo dhan.
Haddii la yiraahdo: miyaanay magacyada Eebbe ka mid ahayn "al-ladiif"?
Jawaabtu waa: in looga jeedo "al-ladiif" oo ah magac Eebbe: in uu u naxariisto addoomihiisa, ama uu yahay mid ka qarsoon malaha oo aanuu haleelayn.
Kolka wax la mid ah ma jiraan, kor ahaayee, wax ekaankiisa ahna ma jiraan, laf ahaantiisa, iyo sifooyinkiisa iyo falalkiisa, maxaa yeelay haddii uu u ekaan lahaa uunkiisa ma uusan ahaadeen kii ayaga uumay.
Casharkan mudnaantiisa awgeed ayuu Imaam Abuu Xaniifa yiri: "qofkii yiraahda in sifooyinka Eebbe wax la uumay yihiin ama ka shakiya ama ka joogsada, waa kaafir" wuxuu ku sheegay kitaabka wasiyada.
Faa'iido ku saabsan sida waswaaska laysaga eryo
Waxaa muslim ku soo weriyay saxiixiisa xadiiskii Abii Hurayra Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: wuxuu yiri nabigii Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee "dadku iswaydiin joojin mayaan inta laga yiraahdo sidan: wuxuu abuuray Eebbe uunka, ee yaa Eebbe uumay? Ee qofkii sidaa dareema ha yiraahdo: Waxaan rumeeyay Eebbe iyo rusushiisa".
Xadiiskan ayaana daawo u ah dareenka nafta taabanaya, ee dadka qaar badan ku sheekaysanayaan, waana dheceen wixii nabigu ku sheegay xaddiiska, hadalkooda ah: yaa Eebbe uumay? Waa su'aal aan caqligal ahayn, waana kufri.
Maxaa yeelay sida addillada caqliga ah iyo nusuusta Quraanka ah caddaynayso waa in kii uumay caalamka ay lagama maarmaan tahay in uu soojireen yahay, kolka waxaan caqligal ahayn in uu lahaado uume, intaa waxaa dheer, in soojireenku aanuu ahaanayn wax aan siijireen ahayn, maxaa yeelay wixii aan jiritaan la'aani ka horreyn jiritaan la'aani haleelimayso, kolka uumenimada iyo la uumenimada wax wayn baa u dhaxeeya.
Haddii uu kolka kaasi yahay wax laabta ku dhacaya, daawadiisu waa sida xaddiiskaasi sheegay, waana in uu ka leexdo waxaas una leexdo wax kale, oo ku mashquulsho maskaxdiisa wax kale, kuna caabbiyo wixii ictiqaadka saxiixa ah, hana yiraahdo: waxaan rumeeyay Eebbe iyo rusushiisa, ama: waxaan rumeeyay Eebbe iyo Eebbe rusushiisa, kolka kaas ayaa wax taraya si uu isaga ba'sho waswaaskaas. Waswaaskuna waa wax aadan adigu xukumin oo aadan iska reebi Karin dareenkiisa, waxaana lagu yaqaannaa in uu yahay wax aan la iska doonin, laakiin shakigu waa doonis.
| |
In Eebbe laga nasaho meesha
Eebbe kor ahaayee, wuu ka kaaftoonyahay uunkiisa, oo wuu ka deeqtoonyahay wixii asiga ka soo hara, horey iyo hadda kadibba, kolka uma baahna meel uu joogsado ama wax uu dhexgalo ama aag.
Waxaana ku filan nasahidda Eebbe laga nasahayo meesha iyo xaydaanka iyo aagga Hadalkii Eebbe kor ahaayee: ?Wax ekaankiisa ah ma jiraan? [suuradda as-shuuraa:11] haddii uu kolka meel lahaan lahaa wuxuu lahaan lahaa ekaan iyo dhinacyo: dherer iyo balar iyo dhumuc, wixii sidaa ahna waa wax la uumay una baahan wixii ku xaydaamay dhererkaas iyo ballacaas iyo dhumucdaas, daliilkanna quraanka ayaa laga soo qaatay.
Daliilka xaddiiska ahna waxaa ka mid ah qaarka ay soo weriyeen Bukhaari iyo ibn al-Jaaruud iyo Bayhaqi sanadkuna saxiix yahay in Nabigii Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri: "Eebbe wuu jiray wax kalena ma jirin" oo macnihiisu yahay in uu Eebbe waligiiba jiray markii horaba wax kalena aanay la jirin, ama biyo ha ahaadeen ama dabayl ama dhul ama cir ama kursi ama carshi ama dad ama jinni ama malaa'ig ama goor ama meel, kolka asigu kor ahaayee wuxuu jiray meesha ka hor meel la'aan, waana kii uumay meesha, kolka uma baahna ayada, waxaana taa laga fahmayaa xaddiiska la soo sheegay.
Wuxuu ku yiri Bayhaqi kitaabkiisa "al-asmaa' was-sifaat": "Qaar asaxaabteenna ka mid ah ayaa u soo daliilsaday si ay Ilaah meesha (makaanka) uga fogeeyaan oraahdii nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Adiga ayaa muuqda wax kaa korreeyana ma jiraan, adiga ayaana qarsoon wax kaa hooseeyana ma jiraan" haddii aanan kolka wax ka korreeyaa jirin, wax ka hooseeyaana jirin ma ahaanin meel (Makaan). Wuu dhamaaday (hadalkiisii).
Xaddiiskanna wuxuu reddinayaa sidoo kale kuwa Eebbe ku sheegaya jihada kor ahaayee. Amiirul Mu'miniin Cali wajigiisa allaha karaameeyee, wuxuu yiri: "Eebbe wuu jiray ayada oo aan meeli (makaan) jirin, haddana Eebbe waa sidii uu hore u ahaa" waxaa ku soo weriyay Abuu Mansuur al-Baqdaadii kitaabkiisa "al-Farq bayna al-Firaq".
Ictiqaadka gunuddiisuna baawsi maaha, ee waa waxa uu caqliga saxan ee nabad qabaahi goynayo kaas oo ah markhaatiga sharciga, sidaa darted, waxii xaydaamani waxay u baahanyihiin ciddii ku xaydaantay xaydaankaas marka Ilaah ma ahaanayaan.
Kolka sida uu u sugnaaday jiritaanka Eebbe meel la'aan iyo jiho la'aan inta aan la abuurin meelaha iyo jihooyinka, sidaa oo kale ayaa jiritaankiisu u sugnaanayaa kadib markii la abuuray meelaha meel la'aan iyo jiho la'aan, kaasina ma aha inkiryada jiritaankiisa kor ahaayee.
Caddayn in uunka wixii ugu horreeyay ay biyo ahaayeen
Wuxuu ibn Xibbaan saxiixiisa ku soo weriyay xadiiski Abii Hurayra wuxuu yiri: waxan iri: Rasuulkii Ilaahayow, anigu haddii aan ku arko waan isu bogaa laabtuna way ii qabowdaa, ee wax kasta iiga warran. Wuxuu yiri: "wax walba biyo ayaa laga abuuray" Suddi-na wuxuu tafsiirkiisa ku soo weriyay sanadyo dhowr ah: "In Ilaahay uusan wax uunkiisa ka mid ah abuurin inta uusan biyaha abuurin". Tafsiirkii Cabdirisaaq ee Qataada-na ee sharaxa qowlkii Alle kor ahaayee: ?Carshigiisuna wuxuu ahaaday bihaya dushooda? [Huud:7]. Waxaa lagu sheegay: "Kani waa billowgii uunkiisa intii uusan abuurin samooyinka iyo dhulka".
Ibn Jariir ad-Dabari-na wuxuu ku soo saaray tafsiirkiisa oo ka soo weriyay Mujaahid Allaha ka raalli noqdee in qowlkii Ilaahay: ?Carshigiisuna wuxuu ahaaday biyaha dushooda? wuxuu yiri: "intii aanuu abuurin waxba". Laakiin wax laga soo weriyay Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ee ah: "Wixi ugu horreeyay ee Eebbe abuuray waa caqliga" waa xaddiis munkar ah.
| |
Iskuxejinta uunka
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: ?Waxaan ka yeelnay biyaha wax kasta oo nool? [al-Anbiyaa':30]. Kolka biyuhu waa uunka wixii ugu horreeyay, kadibna carshiga, kadibna Qalinka sare, kadibna Looxul Maxfuudka, kadibna Eebbe wuxuu abuuray samooyinka iyo dhulka.
Kolka biyuhu waxay asal u yihiin uunka intiisa kale, ayagana waxaa la abuuray asal la'aan, kolka billowga caalamku wuxuu ahaa curiye la'aan, caqliga fayowna diidi maayo jiritaanka asalka curiye la'aan, Kolka Eebbe wax cajsi gelinaya ma jiraan, wax kastana wuu awoodaa. ?Waxkalana maahee, amarkiisu haddii uu doono wax, waa in uu yiraahdo ahaw, kolkaas buu ahaanayaa? (Yaasiin:82]. Marka biyaha jiritaankooda awgood ayaa goorta iyo meeshu ahaadeen, laakiin intaa ka hor ma jirin goor iyo meel toona.
Kolka Eebbe wuxuu qalinka sare faray in uu looxul maxfuudka ku qoro wixii ahaaday iyo wixii ahaan doona inta maalinta qiyaamaha. Looxana waxaa astadiisa ku soo arooray in uu johorad cad yahay, labadiisa dhinacna dahab cas ku wareegsanyahay, ballarkiisuna uu yahay shan boqol oo sano (intii loo socdo).
Samooyinka iyo dhulkana waxaa la uumay afartaa walxaato kadib, waana konton kun oo sano kadib, sida uu caddeeyay xadiiska Muslim: "Eebbe wuxuu qoray maqaadiirta uunka ka hor intii uusan uumin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sano".
Samooyinkuna waa toddoba dhulkuna waa toddoba, samo kastana way ka go'antahay midda kale bannaan ballaran baana u dhaxeeya, mid kastana midda kale bay ku kor aaddantahay, waxaana la abuuray lix maalmood gudohood, maalin kasta oo maalmahaas ka mid ahna waa kun sano oo sanooyinkeenna hadda ah. Kolka yuusan dhihin mid hadlaa: Eebbe wuxuu uunka abuuray lix maalmood gudahood, ee waxaa la yiraahdaa, Wuxuu abuuray samada iyo dhulka iyo waxa ku dhexjira lix maalmood gudahood, sida Quraanka ku soo arooray.
Burrinta aragtida qaraxa wayn (Big Bang)
Aragtidan habowsan waxay leedahay: in adduunku ahaa wax ah sidi hal curiye oo curjisan, kadibna qarxay qarax wayn iyo awood aad u badan oo lagu magacaabay (Big Bang), kadibna unugyadii ugu horreeyay ayaa isu yimid ayaga oo qaab electronno iyo borotoonno ah, kadibna waxaa soo baxay gaaska haydrojiinka iyo gaaska hiliyuumka, kadibna adduunka ayaa ahaaday, sida ay sheegayaan, asiga oo ah qaabka kulanka labadaa gaas, kadibna gaasaskaas kulul ayaa billaabay in ay kulmaan oo isku curjismaan danabka awgiis oo sameeyay wax u eg haaw oo ay ka samaysmeen xiddigaha iyo meerayaasha iyo dhulka iyo nidaamkeenna qoraxda.
Waana aragti aanan caqliga toosani aqbali Karin, maxaa yeelay ma gaarayso xaqeeda cilmiga ah ee aan isbedelayn isdabayaalka taariikhda, aragtidaana waxay ku qeexeen qaar badan oo culumada iyo aqoonyahannada ka mid ah, oo ay ka mid yihiin, Dr. Amiin Jabar Duumat oo barfasoor booqasho ku yimid ah qaybta fiisikiska ee jaamicadda Maraykanka ee Bayruut, kaas oo ku xusay juska koobaad, baalka 98 ee buuggiisa "Tusmada macalimiinta usuusha baridda culuumta": Nadariyadaha cilmiga ahna waa sheegidda waxyaabaha aan dareenka ku garanayno iyo malaha ee ku saabsan uunkaas iyo sababa qarsoon ee aanay suurtagalka ahayn in la arko… laakiin malayaasha qaar badan oo ka mid ah oo aragti ah malaha wax derjo hubaala ah, waxayna culumada qaar u haystaan male aad uga fog waaqica sida aragtiyada ku saabsan billowgii dunida iyo dhammaadkeeda.
Aragtidaana waxaan uga jawaabaynaa:
1. Xaggee bay ka yimaadeen xiddiguhu?
2. Xaggee buu ka yimid haawgu?
3. Waxay dhahaan kuwa fiisikisku: haddii ay jiraan laba jirmi (2 particles) oo uu dhaco kala dudid (repulsion) isuma soo dhawaadaan labadaas wax ka badan in fogaan la ogyahay ah, wax qarax ahna ahaan mayaan, kolka sidee isugu soo dhawaadeen in intaa ka badan si qarax uga dhasho awooddii kala dudidda (repulsion)!
4. Haddii aan keenno buufin gaas ka buuxo ee uu qarxo, maxaa gaaska ku dhacaya? Ma meel buu ku kulmayaa? May, taa daaye wuuba fidayaa!
5. Isla bustaa daruurteeda iyo gaaska ayaa waxaa ka soo baxaya waxyaabo leh cimilooyin isu eg, hase ahaatee, dhulku uma eka meerayaasha!!
Aragtidanna waxay khilaafsantahay weedhii Eebbe kor ahaayee: ?Waxaad dhahdaa idinku ma waxaad ku kufrinaysaan kii uumay dhulka laba maalmood gudohood?[fusilat:9]. Kolka aayaddu waxay ina tusaysaa in markii ugu horreeyay ee dhulka la abuuray aanay samadu jirin, maxaa yeelay Eebbe ayaa markaa kadib isdabayaalka aayadaha ku sheegay samooyinka uunkooda, kolkaas buu yiri: ?kolkaas buu ka dhigay toddoba samo laba maalmood gudahood?[fusilat:12], waana laba maalmood oo ka duwan kuwii dhulka lagu uumay gudahooda.
| |
Dhicitaankii aragtidii daarwin
Aragtidani waxay sheeganaysaa in aadanaha asalkiisu daanyeer ahaa, kadibna uu koray intii uu ka noqday dad! Waxana waa gaalnimo cad.. oo uusan qaadan karayn caqlilowga garaadka leh.
Waxaana cilmibaarisyadii oo dhan go'aamisay dhicitaanka aragtidan, taa daaye, waxay cilmibaarisyadaasi caddeeyeen in aanay suurtagal ahayn in waxaas oo kale dhacaan cilmiga bayoolojiga haddii la raaco, waxaana lagu eedeeyay been abuur aqoonyahankii Ingiriiska ee waxa loo yaqaan cilmiga ajnaasta "Arther Kaith" kaas oo sheegtay in uu helay qolfoof lafo ah oo qaarkiis aadane yahay qaarka kalena daanyeer! Kolkaa ay caddaatay in uu isu keenay lafahas oo uu dib isugu aadiyay! Sida uu sheegay wargayska "al-sharq al-awsat" (tirsiga:4226 – Talaado 19/8/1990kii).
Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee: ?Waxaan u abuurnay dadka qaab toosan?[at-Tiin:4].
Waxaa kale ee Eebbe yiri waynaayee oo kor ahaayee: ?Wuxuuna baray Aadam magacyada oo dhan?[al-Baqarah:31].
Kolka Aadam waa aabihii aadanaha wuxuu ku hadli jiray luqadaha wuxuuna tumi jiray lacagta dharkana wuu tolijiray, guryahana wuu dhisi jiray wuuna yaqiin sida uu noloshiisa arrimaha ku xiran u habaysto.
Daliilka Caqliga ah ee Jiritaanka Eebbe
Caalamka waxaa lagu magacaabay caalam maxaa yeelay wax kasta oo ku dhex jira waxay calaamad u yihiin jiritaanka Eebbe, kolka daliilka caqliga ah ee jiritaanka Ilaahay waa in ay lagama maarmaan tahay in farsama kasta ay leedahay qof farsameeyay, fal kastana uu leeyahay mid falay, dhisma kastana leeyahay mid dhisay.. waxaaba kolka mudan oo lagama maarmaan ah in caalamkan uu leeyahay gabigiis abuure sameeyay kaas oo ah Eebbe nasahnaayee oo kor ahaayee.
Kolka caalamku maaha mid iskii isaga yimid, mana aha mid ay dabiicaddu abuurtay, asiguna isma abuurin, laakiin Eebbe ayaa ka soo saaray la'aan oo jiritaanka ugu soo saaray awooddiisa nasahnaayee.
Muxammad maaha khalqiga kii ugu horreeyay
Waxaa ka mid ah khaladaadka qaar ku fiday caamada dexdooda, waxa ay caadada ka dhigteen kuwa mowliidka nabiga ee sharafta leh akhriya qaarkood iyo kuwa addima qaar ee ah oraahdooda: Muxammad waa uunka kii ugu horreeyay, taasna wax kale maahe e', waxaa dhexdooda ku fiday xadiiska jaabir ee beenta ah ee ah "Wixii ugu horreeyay ee uu Eebbahaa uumay waa ilayska Nabigaaga jaabirow".
Xadiiskanna cid saxday oo xufaadda ka mid ah ma jirto, taa daaye, wuxuu yiri xaafidkii as-Sayuudi ahaa: "Wax sugan maaha".
Intaa kadib, qofkii aaminsan in Eebbe uumay ilayska Muxammad waxyaabaha kale kahor oo dhan, la kufrin maayo wuuse khaldanyahay, maxaa wacay wuxuu khilaafay saddex xadiis oo saxiix ah oo sugan, waxaana sidaa oo kale ah qofkii aaminsan in ruuxa Muxammad laga abuuray ilays lana kufrin maayo, hase ahaatee, qofkii aaminsan Muxammad jirkiisa laga abuuray ilays waa kaafir quraanka uu beenshay awgiis, Eebbe waynaayee wuxuu yiri: ?Waxaad dhahdaa waxaan ahay bashar indinla mid ah?[al-kahf:110].
Wuxuu Buusiri yiri: [Gabay]:
Inta laga ognahay waa in, dad nabigu yahay
Iyo in uu khalqiga Ilaah oo dhan, ugu khayr badnaa.
Kolka waxaa loo qaatay kuwaa addimaya in ay dhahaan aadaanka kadib: Naxariis iyo nabadgelyo korkaaga ha ahaato, kii ugu dambeeyay rasuulladii Ilaahayow, intii ay dhihi lahaayeen: naxariis iyo nabadgelyo korkaaga ha ahaato khalqiga Eebbe kii ugu horreeyow.
Laakiin xadiiska "Waxaan ahaa nabi ayada oo aadan ruuxa iyo jirka u dhaxeeyo" waa saxiix waxaa musnadkiisa ku soo weriyay Axmad, ujeeddadiisuna caddayn mayso horrayntiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu ka horreeyo uunka oo dhan, hase ahaatee, wuxuu caddaynayaa, in Rasuulka loo aqoonsanaa nabinimo malaa'ikta dhexdeeda ayada oo aanay dhamaan uumista jirka Aadam oo aan naf la gelin.
Muxammad ayaa sabab u ah jiritaanka dunida
Waxaa ku soo arooray xaddiis ay saxeen qaar ka mid ah culumada, qaar kalena ay daciifsheen, in Eebbe kor ahaayee ku yiri Aadam: "Muxammad la'aantiis kuma abuureen" waxaa soo weriyay al-Xaakim iyo qaar kale, ujeedadiisuna waa: waxaan dunida u uumay si aan u soo bandhigo Muxammad oo ah doorkeeda ama kii ugu sharaf badnaa uunka, marka waxaa taa laga garanayaa in ay bannaantahay in la yiraahdo: Muxamad ayaa sabab u ah jiritaanka dunida, taasina waa sharfid.
Ibn Taymiyyah iyo Falaasifada
Waxaa hubaal ah in uu lumay Axmad bin Taymiyyah asiga oo yiri: in uu makhluuq la jiray Ilaahay asalakii hore, waxaa kele ee uu yiri: Ilaahay laftiisa waxaa ku dhacay sifooyin, kolkaas baa doonis (iraadooyin) ku dhacayaan iradooyin kale kadib, hadalna ka imaanayaa hadal kale kadib, xaqeeqaduna waa in haddii sifooyin ay nafta ku dhacaan ay ahaanayso (naftu) wax dhacdo ah, waxaana xaqeeqo ah in uu beensheegay qofkii yiri: in Ibn Taymiyyah yahay afahayeenkii mutakalimiinta manhajka salafka! Asiga oo dhab ahaantii ah bidci xagga caqiidada iyo xagga axkaanta wuxuuna jeexay ijmaaca masaa'il fara badan oo ku saabsan furriinka iyo waxyaabo kale, sida uu sheegay xaafidkii Abuu Zurcah ahaa ee ciraaqiga ahaa.
Qofkii rumaysta in caalamku soojireen yahay oo aanuu billow lahayn, oo uu Eebbe waligiis la jiray luddiisa iyo qaabkiisa ama luddiisa (curiyaashiisa) oo kaliya sida Ibn Taymiyah waa kaafir. Sarkashi wuxuu ku yiri kitaabkiisa "Tashniif al-Masaamic": Caalamkan dhammaantiis kiisa kore iyo kiisa hoose, jowhartiisa iyo muuqaalkiisu waa wax la sameeyay luddiisa iyo qaabkiisa, wuxuu ahaa la'aan kolkaas buu jiritaan noqday, waxaana isku raacsan umadaha oo dhan, cid khilaaftayna ma jirto oo aan falaasifada ahayn, waxaana ka mid ah Faaraabi iyo Ibn Siinaa, waxay dhaheen: "Waa soo jireen luddiisa iyo qaabkiisuba, waxaa kale oo la yiri: waa soo jireen luddiisu qaabkiisuna waa la sameeyay" kadibna wuxuu yiri: Sarkashi: "Waxaana lunsanaan ku xukumay muslimiinta oo kufriyeen" wuxuuna uga jeedaa, in waxani kufri yihiin oo culumada Islaamku isku raacsanyihiin.
Xigmadda ku jirta uumidda Jinniga iyo Aadanaha
Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: ?Uma abuurin jinniga iyo aadanaha wax aan in ay I caabudaan ahayn?[ad-daariyaad:56-58].
Kolka Eebbe wax ku dheefi maayo cibaadada addoomihiisa, dhibna u gaysan mayso caasinimada adoomihiisu, kolka asigu wuu ka deeqtoon yahay caalamka, wuxuuse adduunyada u uumay si uu addoomaha u jarribo oo u imtixaano, asiga oo xaalkooda og.
| |
|
Carshiga
Waa jiinbaar wayn oo afar lugood leh, maha sidi jiimbaarteenna, oo ay xambaarsanyihiin afar ka mid ah malaa'ikta, waana uunka kii labaad xagga jiritaanka biyaha kadib. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: ?(Eebbaha) Raxmaanka ahna Carshiga ayuu ku ekaaday?[Daha:5].
Wuxuu ku fasiray Sayyidinaa Cali bin Abii Daalib Eebbe ha ka raalli noqdee asiga oo yiri: "Ilaahay wuxuu carshiga u uumay in uu awooddiisa soo bandhigo, mana uusan ka dhigan meel uu dego" sida uu uga soo weriyay Abuu Mansuur al-Baqdaadi kitaabka "al-farq bayna al-firaq".
Maxaa samooyinka iyo dhulka loo uumay lix maalmood gudahood?
Wuxuu yiri Eebbe waynaayee: ?Waxaanna uunnay samooyinka iyo dhulka iyo waxa ku dhex sugan lix maalmood namana taaban wax daal ah?[Qaaf:38].
Oo ah inama haleelin wax daal ah, maxaa yeelay kan daalaya waa midka ku shaqaynaya xubnaha iyo murqaha, Ilaahayse wuu ka nazahanyahay u ekaanshaha uunka.
Haddii la yiraahdo: Maxaa Eebbe u uumay samooyinka iyo dhulka lix maalmood gudahood, oo uusan u uumin maalmo intaa ka yar gudahood?
Jawaabtu waa in la yiraahdo: Waa si uu inoo baro kaadsi wax u qabadka.
Nabiyaasha kii ugu horreeyay
Aadam nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ayaa ah uunkii ugu horreeyay jaadadkii ugu dambeeyay ee Eebbe uumay, oo ah jinsiga aadanaha, waana nabigii ugu horreeyay ee uu soo diray Eebbe kor ahaayee si uu carruurtiisa u baro diinta islaamka iyo kelimadda shahaadada.
Kolka nabiyaasha lagu billaabay sayyidinaa Aadam ee lagu dhammeeyay sayyidinaa Muxammad oo ah kan ugu fadliga badan, ayada oo la soo marayo Nuux iyo Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Yuusuf iyo Haaruun iyo Muuse iyo Ciise iyo kuwa kale nabadgelyadii Eebbe iyo naxariistiisii korkooda ha ahaatee, dhammaantood waxay dadka ugu yeereen towxiidka Eebbe kor ahaayee iyo in kaligiis la caabudo, dhammaantoodna walaalo ayay diinka ku yihiin, Eebbe ayaa ka megangelshay kufriga iyo dambiyada waawayn, iyo dambiyada yaryar ee keenaya akhlaaqxumada iyo dadnimaxunada, nabinimada kahor iyo kadibba, wuxuuna ku qurxiyay Eebbahood dulqaad iyo aqoon iyo fahmo iyo deeqsinimo iyo aqlilownimo iyo fadli iyo dhowrsanaan iyo geesinimo iyo aaminnimo iyo akhlaaqda wanaagsan.
Xagee baa loo iilanayaa
Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee: (Miyaad u malayseen in aan idiin uunnay ciyaar oo aan xaggayaga la idiin soo celinayn)[al-Mu'minuun:115]. Wuxuu yiri Eebbaheen sidoo kale: (Dabadeedna waxaa laydin waydiin maalintaas barwaaqadii)[at-Takaathur:8].
Kolka waxa wacan addoonka fala wixii Eebbe raalligelinaya, maxaa yeelay Eebbe wuxuu ugu sameeyay fadligiisa mu'miniinta cabsada janno barwaaqo ah, waxaana hoogay addoon ka jeestay cibaadada Eebbe, Eebbana wuxuu ugu sameeyay caddaaladdiisa kuwa ku caasiya ee dulmiga fala naar kulayl badan…
Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Taasi waa golihi aakhriro oo aan u yeelnay kuwa aan doonayn islasarraynta dhulka iyo fasaadda cidhibtana waxaa leh kuwa dhowrsada)[al-Qasas:83], wuxuuna yiri: (Wuxuu gelshaa ciddii uu doono naxariistiisa kuwa dulmiga falana wuxuu u sameeyay cadaab xanuun badan)[al-Insaan:31].
| |
Dhammaan wixii uu Muxammad la yimid waa xaq
Wuxuu yiri Eebbe Nasahnaayee oo kor ahaayee: (Wuxuu Nabigu idiinla yimaado qaata wuxuu idinka reebayna kahara Eebbana ka baqa Eebbe way adagtahay ciqaabtiisue') [al-xashr:7].
Kolka waxaa waajib ah in la rumaysto in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu run ka sheegay dhammaan wixii uu sheegay ee ay ka mid yihiin waxayaabaha ka dhex dhacaya adduunyadan iyo aakhiraba, ama wixii xaaraamayn ah ama xalaalayn ee falalka qaar iyo hadalka addoomaha.
Wuxuu yiri (Eebbe) kor ahaayee: (Kuna hadli maayo hawo xaggeed. Wax aan waxyi loo waxyooday ahaynna ma aha)[an-Najm:3-4]. Waxyaabaha uu Rasuulka Alle inoo sheegayna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatrr – waxaa ka mid ah:
1. Cadaabta qabriga
Waxaa waajib ah in la rumeeyo cadaabta qabriga, qofka kaafirka ah ee qaangaarka ah ee towbad la'aan ku dhintay asiga oo kaafir ah waxaa lagu cadaabayaa qabrigiisa, waxaana ka mid ah (cadaabtaas): in naarta loo soo bandhigo maalinkasta laba jeer, mar gelinka hore marna gelinka dambe, iyo qabriga oo lagu cariirsho inta feerihiisu isdhaafaan, iyo dilka ay labada malak Munkar iyo Nakiir dilayaan ayaga oo ku dhufanaya burris bir ah labadiisa dhegood dhexdooda, iyo waxyaabe kale oo cadaab ah.
Sidoo kale qaar ka mid ah dambiilayaasha muslimiinta kuwaas oo dhintay ayaga oo aan towbad keenin waxaa lagu cadaabayaa qabriyadooda cadaab ka yar cadaabta kufaarta, kolkaas baa tusaale ahaan waxaa ku dhacaya cariiriga qabriga iyo naxdinta mugdigiisa iyo cidladiisa.
Hadaba qofkii inkira cadaabta qabriga wuu kufriyay. Wuxuu yiri kor ahaayee (Eebbe): (Naarta ayaa loo bandhigaa subax iyo galabba, maalintay kacayso saacadduna (qiyaamada): gelsha reer fircown kan ugu daran cadaabka)[Gaafir:46]
Wuxuuna yiri: (Nabigu) Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa aha ahaatee: "Addoonka haddii la dhigo qabrigiisa dhexdiisa oo ay ka soo tagaan saaxiibadiis wuxuu maqlayaa dhawaaqa kabihiisa, haddii ay ka soo tagaan waxaa u imaanaya laba malak kolkaas bay fariisinayaan oo ku dhahayaan: Maxaad ka dhihi jirtay ninkan Muxamad? Kolka mu'minku wuxuu dhayaa: Waxaan ka markhaati ahay in uu addoonkii Ilaah yahay iyo rasuulkiisi, kolkaas baa lagu yiraahdaa: Fiiri fadhigii aad ku lahayd naarta wuxuu kuugu bedelay Eebbe fadhi jannada ah, kolkaas buu labadoobada arkayaa.
Kaafirkuna ama munaafiqa wuxuu dhahayaa: garan maayo waxaan dhihi jiray waxa dadku ka leeyihiin, kolkaas baa lagu yiraahdaa: ha ogaanin oo ha akhrinin, kolkaas baa lagu dhuftaa burris bir ah labadiisa dhegood dhexdooda, kolkaas buu qaylshaa qaylo ay maqlayaan wixii ku dhaw inta aan jinni iyo insi ahayn" waxaa Anas oo Nabiga ka maqlay, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ka soo weriyay Bukhaari iyo Muslim.
Nicmada Qabriga
Waxaa waajib ah in la rumeeyo nicmada qabriga, maxaa wacay nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa sheegay, waxaana ka mid ah qabriga u ballaarintiisa toddobaatan dhudhun oo lagu dhuftay toddobaatan dhudhun qofka mu'minka ah ee cabsada iyo qofkii uu Eebbe la doono ee aan ahayn kuwa Alla kacabsiga badan sida qaar ka mid ah shahiidyada ee shahaadada helay laakiin aan ahayn kuwa Alla kacabsi badan, iyo (qabriga) iftiimintiisa lagu iftiiminayo ilays u eg kan dayaxa habeenka uu dhanyahay, iyo waxyaabo kale sida urinta carafta jannada.
Wuxuuna yiri: (Nabigu) Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa aha ahaatee: "Haddii la duugo maydka ama dadka waxaa u yimaada laba malak oo madow oo boor ah, midkood waxaa la yiraahdaa Munkar, kan kalena Nakiir, kolkaas bay ku dhahaan:
Maxaad ka dhihi jirtay ninkan Muxamad? Kolkaas buu dhahaa wixii uu dhihi jiray.
Haddii uu mu'min ahaa wuxuu dhayaa: Waa addoonkii Ilaah iyo Rasuulkiisii, Waxaan ka markhaati ahay in uu addoonkii Ilaah yahay iyo rasuulkiisi, waxaan ka markhaati ahay in aan ilaah kale jirin Eebbe mooyee, waxaa kale oo aan ka markhaati ahay in Muxamad addoonkii Ilaah iyo Rasuulkiisi yahay, kolkaas bay ku dhahaan: Waan ogayn in aad sidaa dhahayso, kolkaas baa qabrigiisa loo ballaariyaa toddobaatan dhudhun, oo loo nuurshaa dhexdiisa, oo lagu yiraahdaa: hurud, kolkaas buu hurdaa, sida hurdada (qofka) arooska ah oo aanay toosinayn ciddiisa kuwa ugu jecel wax aan ahayn, inta uu Eebbe ka soo baxsho jiifkiisaa." Waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan.
3- Suaasha labada malak Munkar iyo nakiir
Waxaa waajib ah in la rumeeyo su'aasha labada malak Munkar iyo Nakiir, waxaana la waydiinayaa muslimka iyo kaafirkaba. Kadibna mu'minka dhamaystiran haleelimaydo cabsida iyo dhibaatada su'aashoodu, maxaa yeelay Eebbe ayaa qalbigiisa sugaya matka ka nixi maayo araggooda cabsida leh, maxaa yeelay sidii ku soo aroortay xaddiiska waa madowyihiin oo booranyihiin, waxaanna marayn su'aashaa nabiyaalka iyo carruurta iyo shahiidyada, waxaana carruurta looga jeedaa qofkii dhinta inta uusan qaangaarin, shahiidkuna waa kan goobta dagaalka.
4- Soobixinta (Bacthiga)
Waa dadka dhintay oo qabuuraha ka soo baxa kadib markii la soo celshay jirkii ay carradu cuntay, haddii uu ka mid ahaa jirka ay carradu cunayso, waana jirka inta aan nabiyada ahayn iyo shahiidyada dagaalka, iyo sidookale qaar awliyada ka mid ah jirkooda carradu cunimayso. Wuxuu yiri: (Eebbe) kor ahaayee: (Saacadduna way iman shaki la'aan Eebbana wuu soo bixin kuwa qabuuraha ku jira)[al-Xaj:7].
5- Kulanka
Waa soo kaxaynta dadka qabuuraha ka soo baxaya loosoo kexaynayo meesha lagu kulmayo, dadkuna kulanka maka la tago waxay ahaanayaan saddex qaybood, qayb ka mid ah dhar bay xiranyihiin wayna fuushanyihiin wayna dherganyihiin waana kuwa Eebbe kacabsiga badan, qaarna way kabala'yihiin oo qaawanyihiin waana faasiqiinta, qaarna waa qaawanyihiin kolkaas baa foolka ayaga oo dhulka ku haya la jiidayaa waana kufaarta, kolka dadka waa la kulminayaa jinninga iyo xooluhuna sidoo kale. Wuxuu yiri: (Eebbe) kor ahaayee: (Kana cabsada Eebbe ogaadana in adinka xaggiisa la idiin soo kulminaayo)[al-Baqarah:203].
6- Qiyaamaha
Qiyaamaha billowgiisu waa dadku kolka ay qubuuraha ka soo baxaan inta ay ahlu jannadu jannada dhexdeeda ku sugnaanayaan halu naarkuna naarta dhexdeeda, qiyaamaha dhererkeeduna waa kontonkun oo sano oo kuwa aan tirinayno la mid ah. Wuxuu yiri: (Eebbe) kor ahaayee: (maalin dhererkeedu yahay konton kun oo sano)[al-Macaarij:4].
7- Xisaabta
Waa soo bandhigidda addoomuhu wixii ay faleen iyo tusiddooda kadib markii ay qaateen kutubtoodii, kan mu'minka ahi wuxuu kitaabkiisa ku qaadanayaa midigtiisa, kaafirkuna wuxuu kitaabkiisa ku qaadanayaa bidixdiisa ayada oo laga siinayo.
Kitaabkanina waa kitaabkii ay qoreen labada malak Raqiib iyo Catiit intii dunida la joogay, Wuxuu yiri (Eebbe) Kor ahaayee: (Qofkiise kitaabkiisa midigta laga siiyay. Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud. Wuxuuna u noqon doonaa reerkiisi asiga oo faraxsan. Qofkiise kitaabkiisa laga siiyay gadaashiisa. Wuxuu ku cataabi doonaa hoog. Wuxuuna lagu gubi doonaa (naarta) Saciiro)[al-inshiqaaq:7-12].
8- Abaalmarinta iyo Ciqaabta
Abaalmarintu waa abaalgudka loogu abaalgudayo mu'minka aakhirada wax ka farxinaya, cadaabkuna waa waxa xumaynaya addoonka maalintaas ee ah gelidda naarta iyo wixii la xiriira.
9- Miisaanka
Miisaanku waa waxa lagu miisaamayo falalka, wuxuu yiri (Eebbe) kor ahaayee: (Miisaankuna maalintaas waa xaq qofkiise ay culusaado miisaankiisu kuwaasi waaye kuwa liibaanay)[al-Acraaf:8].
Kolka kaafirku malaha xasanaad maalinta qiyaamaha ee waxaa la dhigayaa dambiyadiisa dhinac ka mid ah miisaanka labadiisa dhinac, mu'minkana waxaa la dhigaa xasanaadkiisa dhinac xumaantiisana dhinaca kale, haddii ay kolkaa ka badato xasanaadkiisu xumaantiisa wuxuu gala jannada cadaab la'aan, haddii xumaantiisu badnaato Eebbe ayaa sidii uu doono yeelaya, haddii uu doono wuu u cafin haddii uu doonana wuu cadaabi, kadibna jannada ayuu gelin.
Wuxuu yiri (Eebbe) Kor ahaayee: (Qofkiise uu culusaado miisaankiisu. Wuxuu gala nolol uu u bego. Qofkiise miisaankiisu fududaado. Hooyadiis waa (Naarta) Haawiyo)[al-Qaaricah:6-9].
10- Naarta
Naarta oo ah jahannamo way uumantahay hadda, wuxuu yiri (Eeebbe) Kor ahaayee: (Ka baqa naarta taas oo shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxyada oo gaalada loo sameeyay)[al-baqarah:24], waana midda ugu xoogga badan oo ugu daran intii Eeebe naar abuuray, degaankeeduna waa dhulka toddobaad hoostiisa, waxayna jiraysaa waligeed dhammaad la'aan, Wuxuu yiri (Eebbe) Kor ahaayee: (Eebbe wuu fogeeyay gaalada wuxuuna u sameeyay saciiro. Ayaga oo ku waaraya dhexdeeda waligood oo aan helayn gargaare iyo mid kaalmeeya) [al-axsaab:64-65]
11- Siraadka (Jidka)
Siraadku waa jid "buundo" ah oo maraya Jahannamo korkeeda oo dadku marayo, darfihiisa mid ka mid ah wuxuu jiraa dhulkii la bedelay, darafta kalena dhinaca jannada xigta naarta kadib, kolkaas baa dadku soo marayaa dhinaca jidkaas. Mu'miniintuna markaas qaar ka mid ah ku joogsan maayaan jidkaas, waxaase ka mid ah qaar ku joogsanaya, qaar kuwaa ka mid ahna waa lagu dhex ridayaa, qaarna Eebbe ayaa ka badbaadinaya kolkaas bay ka gudbayaan.
Gaaladuna dhammaantood way ku dhacayaan, wuxuu yiri (Eebbe) Kor ahaayee: (Qof kasta oo idinka mid ah wuu soo marayaa)[Maryam:71].
12. Xawdka (Harada)
Xawdku waa meel uu ugu sameeyay Eebbe dhexdiisa cabitaan dadka reera jannada ah, oo ay ka cabayaan inta aysan jannada gelin kaas oo aanay kadib oomayn, nabi kasta oo nabiyada Eebbe ka mid ahna xowd ayuu leeyahay ay ummaddiisu ka cabayso, xowdka ugu waynna waa xowdka nabigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, waxaana dushiisa yaalla koobab tiradoodu gaarayso tirada xidigaha cirka, waxaana laga waraabinayaa biyaha jannada.
13- Shafaacada
Shafaacadu waa in khayr loowaydiiyo qof cid kale, shafaacadana waxaa leh muslimiinta oo kaliya, kolka nabiyaashu way shafeecayaan, culumada wanaagsanna waa sidoo kale, iyo shahiidyada iyo malaa'ikta.
Wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Shafeecadayda waxaay u sugnaatay dadka dambiyada waawayn fala ee umaddayda ka mid ah" waxaa soo weriyay Xaakim oo saxay. Kolka gaaladu shafeeco malaha maalinta qiyaamaha, wuxuu yiri (Eebbe) Kor ahaayee: (Wuxuu ogyahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah una shafeeca qaadi maayaan cid aan ahayn kuwa uu ka raalli yahay ayaga oo cabsidiisa ka naxaya)[al-Anbiyaa':28].
14- Jannada
Waa guriga nabadda, wayna abuurantahay hadda, wuxuu yiri (Eebbe) kor ahaayee: (Udhaqsada dambidhaaf Eebbe xaggiis ka ahaaday iyo janno ballarkeedu yahay samooyinka iyo dhulka oo loo sameeyay kuwa dhowrsada)[ali-Cimraan:133]. Dadkeedana waxaa u badan saboolka, wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee:"Waxaan eegay jannada dhexdeeda kolkaas baan arkay in dadkeeda kuwa ugu badani yihiin kuwa saboolka ah" waxaa soo weriyay Bukhaari iyo Muslim.
Waxaa kale ee uu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Wuxuu yiri Eebbe waynaayee oo kor ahaayee: Waxaan u sameeyay addoomahayga suubban wax aan ili arag dhegina maqal aadani uurkiisna aan ku soo dhicin" waxaa soo weriyay Bukhaari.
Naxariista Eebbe Adduun iyo Aakhiro
Naxariista Eebbaheen inta dunida la joogo way gaaraysaa cidwalba, kolka wuu u naxariisanayaa mu'miniinta iyo gaalada, hase ahaatee aakhiro naxariistiisu waxay u gaar tahay mu'miniinta, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Naxariistaydu waxay kaartay wax kasta waxaanna u qorayaa kuwa dhowrsanaya)[al-Acraaf:156].
Ujeeddadu waa in ay gaarayso inta adduunka la joogo muslim iyo gaal intaba, wuxuu yiri: "waxaanse u qorayaa" oo ah aakhiro dhexdeeda, "kuwa dhowrsanaya" oo ah in uu u gaar yeelayo ciddii ka dhowrsata shirkiga iyo jaadadka kale ee kufriga.
Wuxuu yiri (Eebbe) kor ahaayee: (Way u yeereen reera naareedki reera jannadii: in aad ku soo shubtaan korkeenna biyaha qaar ama waxa Eebbe idinku dheefshay qaar, waxay dhaheen Eebbe wuu ka xaaraameeyay gaalada)[al-Acraaf:50]. Ujeedaduna waa in Eebbe ka xaaraameeyay gaalada dheefta wanaagsan iyo biyaha oonbeelka leh aakhira dhexdeeda, taasina waa in ay lunsheen wixii ugu waynaa xaquuda Ilaahay kaas oo aan wax lagu doorshaahi jirin, waana iimaanka Eebbe iyo Nabigiisa.
Intaa kadib Eebbe wuxuu ka dhigay soo gelitaanka islaamka oo nicmooyinka Eebbe kan ugu wanaagsan mid fudud, kaas oo ah in lagu dhawaaqo labada shahaado kadib marka la aqoonsado Eebbe iyo Nabigiisa.
Waxaa kale oo uu fududeeyay gaalnimada, kolka weedh kaliya oo tusaysa liididda Eebbe ama shareecadiisa ayaa ka bixinaysa qofkii ku dhawaaqa iimaanka kuna ridaysa gaalnimada kaas oo ah waxyaabaha oo dhan kan ugu xun, inta uu ka noqdo Eebbe agtiis wax ka liita cayayaanka iyo dugaagga, waana isku mid ama ha ku hadlo asiga oo u kasaya ama kaftamaya ama cadhaysan.
Waxaana lagu sharxay arrinkaas kutubta fiqhiga ee madaahibta la aqoonsanyahay, waxayna xugmiyeen in ku dhawaaqiddeedu ay kufri tahay. Wuxuu yiri Eebbe Nasahnaayee oo kor ahaayee: (Dhab ahaan waxay dhaheen weedhii kufriga wayna kufriyeen kadib islaamnimadoodi) [at-tawbah:74].
Waxaa kale oo uu yiri Eebbe kor ahaayee: (Noolaha waxaa ugu shar badan Ilaahay agtiisa kuwa kufriyay mana ay rumaunayaan)[al-Anfaal:55].
Noolaha aayadda lagu sheegayna waa wax kasta oo ku socda dhulka dushiisa ee ah dad ama xoolo ama cayayaan.
Kufrigu waa dambiyada kan ugu wayn oo ugu xun sharta
Wuxuu yiri Eebbe waynaayee oo kor ahaayee: (Maalinkaas ayaa laydin soo bandhigi mana qarsoomayaan qaar idinka mid ah. Qofkiisa kitaabkiisa laga siiyay midigtiisa wuxuu dhihi kaalooy akhriya kitaabkayga. Waxaan hubsaday in aan la kulmi xisaabtayda.Qofkaasi wuxuu ku noolaan nolal laga raalli yahay. Wuxuuna geli janno sarreysa. Miraheeduna ay dhaw iyhiin.Cuna oo cabba adinka oo dhergaya wixi aad hormarsateen awgood maalmihii tegay.
Qofkiise laga siiyo kitaabkiisa bidixdiisa waxa uu dhahayaa shallaytadeydaay la ima siin kitaabkaygi. Mana ogaan xisaabkaygu waxa uu yahay.
Shalaytadaydaay hadday noqonlahayd dhammaad. Xoolahaygii waxba iguma tarin. Waxaa ba'ay awooddaydi. Qaada oo xira. Kadibna jaxiima gaarsiiya. Kolkaas silsilad balladhkeedu yahay toddobaatan dhudhun ku mara. Maxaa yeelay wuxuu ahaa mid aan rumayn Eebbe wayne)[18-33]
Kolka kufriga cidhibtiisu waa naarta oo lagu waaro, waana dambiga ugu xun ee aadanuhu falo, waana iimaanka ka soo horjeedkiisa oo ah falalka kan ugu wanaagsan taas oo sharfaysa aadanaha.
Culumaduna waxay u qaybisay kufriga saddex qaybood:
Kufriga dhawaqa ah ee carrabka: sida Eebbe caydiis ama nabi ama malak, ama fududaysiga wax ka mid ah arrimaha diinka iyo astaamaha islaamka.
Kufriga falka ah ee xubnaha: sida musxafka oo lagu tuuro qashinka, Magan Allee, ama sanam loo sujuudo.
Kufriga rumaysiga ah ee qalbiga: sida rumaynta in Eebbe carshiga dushiisa ku fadhiyo ama uu samada degganyahay ama uu ku jiro meel ama uu ilays yahay ama ruux.
Waxaana kufriga looga badbaadayaa in lagu dhawaaqo labada shahaado "Waxaan ka markhaati ahay in aan aan Ilaah xaq ah jirin Eebbe mooyee, waxaanna ka markhaati ahay in Muxammad Rasuulkii Eebbe yahay", mana aha in la yiraahdo "istaqfurullaah" sidoo kale kaftanka iyo carada iyo aqoon la'aanta cudurdaar kufrinta uma aha.
Dhamaad iyo Gabagabo
Towxiidka wayninkiisa, iyo iimaanka mudnaantiisa, iyo ilayska hubsashada, iyo shafta ay leedahay addoonnimada Eebbaha kalida ah ee awwoodda badan, iyo laabfurraanta uu leeyahay sabarku, iyo degganaanta ay leedahay Eebbe tala saarashadiisu, iyo saafinimada daacadnimada, iyo sarraynta ay leedahay akhlaaq wanaaggu… waa macnayaal wayn.. uu ka bartay aadanuhu macalimiinta khayrka iyo kuwa xigmadda fidiya, ee ah nabiyada Eebbe kor ahaayee.. ee mu'minow ku nagow waddadoodii iyo cilmigoodii inta aad ka dhimato, si aad ugu guulaysato raallinimada Eebbe kor ahaayee…
Sidaa ayuuna ugu caddaanayaa dadka, xigmaddii uu Eebbe u khalqay darteed, iyo waxa asiga looga baahanyahay adduunkan dhexdiisa, iyo waxa ay tahay danta ay habboontahay in uu higsado, iyo waxa ay ciribtiisu noqonayso haddii uu xumaan falo, iyo waxa ay ciribtiisu ahaan haddii wanaag falo…
Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Waxaad dhahdaa howlgala waxaa arkaya Eebbe falkiinna e' iyo rasuulkiisa iyo mu'miniinta waxaana la idiin celin doonaa aqoonyahanka waxa dahsoo xaggiisa iyo waxa danjoogga ah kolkaas buu idiin sheegi wixii aad falijirteen)[at-Tawbah:105]
Eebbe ayaana og oo haleeli og wixi toosan, xaggiisa ayaana noqosho iyo yu'asho ahaatay.
| |
|