AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin

Al-Quraan Al-Kariim
Sh. M. Kh. Al-Husri

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114

Islam in Somalia
Loox iyo Dugsilow

Masjidka Abdilaziz
Masjidka Abdilaziz
Soomaalidu waa ummad Islaam ah, caqiidadoodu waa Ashcariyo, mad-habtooda fiqhigana waa Shaaficiyo, Islaamkuna taariikh dheer buu ku leeyahay dalkeenna ee hadda sooma gelin sida ay wahhaabiyadu ku andacoonayso

Makkah
Pictures of Makkah

al_Madiinah
Pictures of Madiinah

Ma'thuuraat
More Islamic Pictures

Islamic Architecture
More Islamic Pictures

Radio Stations
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Somali Related Sites
    [OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]
    Google
    MUCJISOOYINKA MOWLIIDKII LAGU QABTAY MINNEAPOLIS!

    Xafladda dhalashada Suubanaha ee sanadkan ayaa lagu qabtay dhammaan dacalada dunidan aynu ku nool nahay. Waxaa si aad ah ummada Islaamku ugu riyaaqday Mowliidkii lagu qabtay Wadamada Iskandaneefiyanka oo iyagu ah kuwa inta badan Suubanaha lagu aflagaadeeyo. Tani waxay tusaysaa dadyoowga dhayalsada Nebigeena(csw) in ay muslimiintu Maalkooda, Naftooda, Awlaadooda, Waalidkood iyo Ehelkoodaba ay ka jecelyihiin Suubanaha(csw). Haddaba aynu wax yar ka tilmaamno Xafladdii Dhalashda Suubanaha ee lagu qabtay Magaalooyinka Mataanaha ee Gobolka Minnesota. Waxaa Moowliidka lagu qabtay meelo kala duwan oo kala ah Masaajidka Darul-Quba iyo Madarasada Nuurul-iiman. Waxaase xafladdii ugu weyneyd oo ummad badan oo Soomaaliyeed iyo Ajaanib ahiba ka soo qayb galeen lagu qabtay Hooka weyn ee Shirarka lagu qabto ee ku yaal Magaalada Minneapolis.

    Waxaa halkaa isugu yimid Carruur, Waayeel, Dhallinyaro, Gar madoobe, Haween iyo Culumo badan oo ka kala timid Gobolada Mareykanka. Waxaa halkaa markii u horeysey laga qaaday Saligga Suubanaha iyo Siiradiisa. Waxaa Muxaadarooyin aysan dadku weligood maqlin kasoo jeediyey Culumo kala duwan oo ka tirsan Culumada Ahlu Sunnah Waljamaaca oo ay ka midka yihiin. Waxaa dadka dhegahooda ka qayliyey Nebi Amaanka iyo Taariikhdii Suubanaha. Waxaa aad ay Ummadu uga dhergeen addilooyinka iyo waxyaabaha ay Shareecada Islaamku ka qabto Xafladda Mowliidka. Waxaa Markii u horeysey aan la yaabay sida dadka Kumaankunka ah ee meesha isugu yimid aan mar qudha loo oran aamusa, carruurtiina ceshta, fariista, xishooda, ixtiraama, lacag bixiya iwm. Hoolkan oo aad u ballaaran oo ku yaal dhisme isagu lagu magacaabo Convention Center oo ku yaala farasmagaalaha Magaalada Minneapolis ayaa waxaa sanooyinkii hore lagu qaban jirey Mu’tamarada ka dhaca Magaalooyinkan, haatanse waa markii ugu horeysey ee lagu qabto Xafladda Mowliidka.

    Waxaa si aad ah loogu dheeraaday Muftiyiintii iyo Muxadisiintii Ahlusunnah Wal-Jamaaca ee sida aadka ah uga hadashay Xafladda Mowliidka iyo 4-tii Imaam sida ay u qeexeen waxa maanta dadka lagu waalay ee loo yaqaan BIDCA! Waxaa halkaa aad looga muujiyey in ay jiraan waxyaaba badan oo Diinta ka mid ah maanta sida Taraawiixda, Axaadiista, Madaarista, Kitaabka Quraanka ah, Tawjiidka, Shaqalka Quraanka, iwm. oo uusan Suubanuhu ogayn haddana maanta ay Muslimiinta dunida oo dhan ay sameeyaan ama isticmaalaan. Waxaa jira dad iyagu iska maqiiqan oo marka aysan dooneyn inay xaqqa maqlaan yiraahda RASUULKU HADUUSAN SAMEYN WAXAAS MA SAMEYNAYNO! SELEFKII WAXAY SAMEEYEEN oo keliya ayaanu ogol nahay. 4-ta MADHABOOD iyo Culumadii MUXADISIINTA ahayd warkooda ma rabno.

    Markaa waxaa haboon in kuwa sidan leh ay joojiyaan magacyada Imaamyada iyo Muxadisiinta ay sheegsheegayaan ama ay soo daliishanayaan marka ay dadka beer jileecsanayaan: Shaafici baa yidhi, Bukhaari baa yidhi, Imam Subki, Imaam Dahabi, Imaam Ibnu Xajar, Imaam Maalik, Muslim baa yidhi, Imaam Nawawi ayaa sheegay iwm. Waxaa khalad ah oo aan Diinta ku banaaneyn inaad marna tiraahdid RASUUL IYO ASXAAB KELIYA ayaan daliishanayaa marna aad tiraahdo INTII KA DANBEYSAYNA WAAN SOO DALIISHANAYAA. Waa uun sidii marba dani kuu jirto iska samee! Taasi waa calaamadihii uu SUUBANUHU ka bixiyey Qoowmka soo bixi doona Aakhiru Zamanka ee Axaadiista tirada badi noo cadeynayaa.

    Haddaba Imaamyada iyo Muxadisiinta Moowliidka la dhacay waxaa ka mid ah Imaam Al-Suyuti, Imam Shamsu Din bin Nasir Al Dimashqi, Imam Ibn Al Jawzi, Imam Abu Shama, Imam Al Shihab Al Qastalani, Mufti of Mecca Ahmad ibn Zayni Dahlan, Imam Subki, Hafiz al-Dhahabi, Imam Shawkani, Hafiz Ibn Hajar al-Haytami, Imam Ibn Kathir, Ibn Dahya, Muhy Ed-Deen Ibn Al-`Arabi, Ibn Taghrabik, Ahmad Al-Cazli, Imam Mohammed bin Abu Bak, Abdullah Al Qaisi Al Dimashqi, Imam Al Ciraqi, Mulla Ali Al Qari, Imam Ibn Dahiya, Imam Shamsu Din Ibn Al Jazri, Ibn al-Jawzi, Taaj Ad-Deen Umar Ibn Al-Lakhmi Al-Sakandari, Imam Al Sakhawi, Imam Wajihu Din bin Ali bin al Dayba' al Shaybani al Zubaidi, Dr. Isa al-Manic al-Humayri. Waxaaba intaa kasii yaab badan in xataa Shiikhyada Wahaabiyada ama Salafiyada oo kala ah Ibn Taimiyah, Ibn Qayyim al Jawziyyah, Mohamed Ibn Abdiwahab iyo Sheikh Yusuf Al-Qaradawi ay iyaguna sheegeen in Xafladda Mowliidku ay tahay wax wanaagsan oo ajar laga helayo. Haddaba dadka wax walba leh waa BIDCO yaa u Shiikh ah? Haddii Culumadii Islaamka ee ilaa Salafkii wax ka soo akhristay oo dhan ay diideen, kuwoodii Wahaabiyada ahaa ee Ibn Taymiyah wax ka soo akhristayna ay diideen waa yaabe xagey ka shidaal qaataan? Malaha Waxyi gooniya ayaa kusoo degey!

    Mu’tamaradii hore ee lagu qaban jirey Hoolkan ayaa waxaa inta badan wakhtigu ku dhammaan jirey in dadka iyo carruurta la aamusiyo, in dadka la yiraahdo wax dhegeysta oo Hoolka ha ka bixina iyo ta ugu daran oo ah in Ummada saacado dhan lagac la weydiiyo oo lagu qasbo inay lacag bixiyaan. Shaqaalihii ka shaqaynayey Hoolka iyo Booliskii ayaa aad u yaabay oo su’aalo aad u badan weydiiney Abaabulashii iyo Garwadeenadii Xafladda dhalashada Mowliidka. Su’aalaha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: “ Waxaa na soo maray Soomaali badan oo weligood halkan ku qabsan jirey Shirar iyo Muxaadarooyin kala duwan laakiin idinku waxaad tihiin dad ka duwan waayo ismaqal, aadaab, buuq yaraan, agaasin iyo abaabul wanaagsan oo aanan weligeen ku arag kuwii idinka horeeyey ayaad leedihiin ee maxaad tihiin idinku? Carruurtiinu xataa ka degan oo ka edaab wanaagsan kuwii na soo maray! Meel xanaano oo carruurta lagu hayo meydaan sameyn isla markaasna carruurtu Xafladda dhexdeeda ayay joogeen buuq la’aan iyo carcarar la’aan.

    Waxaan kaloo la yaabnay bay yiraahdeen Sida wanaagsan ee Xafladdu u socota iyo sida niyad loogu hayo dhegeysigeeda, markaa bal noo sheega waxa aad ka hadlaysaan? Midda kale, hore umaanan arag carruur yar yar oo sidan wanaagsan u lebisan oo sidan wanaagsan ugu luuqaynaysa Qasiidooyinkan ay akhrinayaan? Tii noogu darneyd ee aanu la yaabno waxay ahayd bay yiraahdeen markii Hoolkii uu isla dhawaaaqay mar qudha oo Aadaan lagu dhuftay, kadibna bilaa shanqadh iyo buuq yari ayaa inta Salaadii loo tugaday haddana si fudud uu nin waliba kursigiisii ugu soo noqday anagoo la yaabnay oo weyney carruur Hoolka dhexdiisa ku carcarata iyo dad dibadda iska tuban ama kuwa loogu yeedhayo inay dib ugu soo noqdaan Hoolka si ay wax u dhegeystaan! Su’aalahaas oo dhan ayaa waxaa loo fasiray dadkii ku wareersanaa oo loo sheegay in Maxabadda, Ixtiraamka iyo Jacaylka Suubanuhu iyo bulaan iyo qaylo aysan isku meel geli Karin.! Nin Oday ah oo xagga farsamada u qaabilsanaa Hoolka ayaaba iska muusooday:” My God! My God! Waar maxaad Hoolka ku sameyseen caraf iyo udgoon badanaa. Weligeey ma arag nooca barfuumada isaaqay ee Hoolka ka soo carfaya”. Waxaaba wareegaya dhoowr qof oo dadka ku saydhaya cadar iyo barfuumo.

    Waxaa kaloo Xafladda kasoo qayb galay Warbaahin kala duwan iyo Joornaalada Magaalada kasoo baxa oo iyaguna ka qaatay qaybtii kaga aadaneyd ee ahayd in ay warbixin dheer ka bixiyaan sabata ay Musllimiintani meesha isugu yimaadeen iyadoo ay tahay Maalin qaboow oo ay carruurtooda ay wataan. Gabagabadii Waxaa ummada Islaamka ah lagu baraarujiyey inay:
  • Diintooda bartaan oo aysan cidna u daba fariisan. Inaan Rasuulkooda lagu dirin oo la necbeysiinin.
  • Inaan wixii Diinta Islaamka ku banaana oo Culumada Islaamku jideeyeen aaan Xaaraan looga dhigin. iyo ta ugu daran ee maanta taagan oo ah.
  • In carruurta la baro salawaadka, jacelka iyo siirada Suubanaha(csw), haddii aan sidaa la yeelina ay baran doonaan qasiidooyin iyo waxyaabe kale oo diimo iyo dhaqama kale sal ku leh.
  • Dadku bartaan waxa la yiraahdo BIDCO iyo waxa la yiraahdo SHIRKI! Haddii qofku uu barto sida ay labadaa erey u fasireen Salafkii, Taabiciyiintii iyo Culumadii Islaamka wax badan oo maanta lagu khalday oo looga dhigay Diin la’aan ayay ka jaahil bixi doonaan, wax badan oo Diin looga dhigay laakiin aan Diinta sal ku lahayna way baran doonaan!

  • | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]