Kolka ujeeddada ashahaatinka in aan Ilaah jirin Eebbe mooyee guud ahaan waa waxaan ku qiranayaa carrabkayga oo qalbiga ka rumaysanahay in midka xaq lagu caabudo uu Eebbe yahay kor ahaayee kaligiis.
Ujeeddada ashahaatinka in Muxammad rasuulkii Ilaah yahayna waa waxaan carabka ka qiranayaa oo qalbiga ka rumaysanahay in sayyidkeennii Muxammad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yahay mid laga soo diray Eebbe xaggiisa oo loo soo diray uunka oo dhan jinni iyo insi intaba. Oo uu run ka sheegay dhammaan wixii uu ka soo sheegay Eebbe xaggiisa si ay u rumeeyaan sharcigiisa oo u raacaan.
Labada ashahaatinna waxaa looga jeedaa in laga reebo Ilaahnimada inta aan Eebbe ahayn loona sugo Eebbe kor ahaayee ayada oo la qiranayo soo diritaankii sayyidkeennii Muxammad nabadgelyo iyo naxariisi korkoosa ha ahaatee.
Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Ciddii aan rumayn Eebbe iyo Rasuulkiisa annagu waxaan u samaynay kaafiriinta Saciiro) [al-Fatx:13].
Kolka aayaddan waxay caddaynaysaa kufrinta ciddii aan rumayn Muxammad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolka qofkii ku dooda arrinkan wuxuu ahaanayaa mid ku madax adaygay quraanka qofkii quraanka ku madax adaygana wuu kufriyay.
Waxaana culumada Islaamku isku raaceen in la kufrinaayo ciddii diin ka dhigata wax aan Islaamka ahayn. Iyo in la kufrinayo ciddii aan kufrin qofkaas ama ka shakiya ama ka joogsada, sida haddii uu yiraahdo: anigu dhihi maayo waa gaal ama gaal ma aha.
Waxaadna hubaal ahaan u ogaataa in aanuu ansaxayn iimaanka iyo Islaamka aanna la aqbalayn falalka wanaagsan ashahaatinka la'aantiis kaas oo ah dhawaqa: waxaan ka markhaati ahay in aan Ilaah jirin Eebbe mooyee iyo In Muxammad rasuulkii Eebbe yahay ama wixii la macne ah haba ahaato af aan af carabi ahayne. Waxaana ku filan si Islaamku u saxnaado in lagu dhawaaqo mar kaliya inta la noolyahay, waxayna waajib tahay salad kasta in lagu dhawaaqo si salaaddu u ansaxdo, kaasi waa qofkii aan muslim ahayn ee kadib doonay in uu Islaamka soo galo.
Qofkiise ku dhashay Islaamka ee rumaysnaa labada ashahaatin lagama maarmaan uma aha in uu ku dhawaaqo labada ashahaatin waana muslim haddii uusan haddii doono yuusan ku dhawaaqine. Wuxuu yiri (Nabigu) Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee: " Eebbe wuxuu yiri: Waajibaadka kan ugu fadli badan oo ugu horreeya waa rumaynta Eebbe iyo Rasuulkiisa".
In la rumeeyo in Ilaah kale uusan jirin Eebbe mooyaane oo kaliya kuma filna haddii uusan dhihin in uu rumaysanyahay in Muxammad rasuulkii Eebbe yahay, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa adeeca Eebbe iyo Rasuulka haddii ay jeestaan Eebbe ma jecla kaafiriinta) [ali-Cimraan:32] oo ah in aanan Eebbe jeclayn qofkii ka jeesta rumaynta Eebbe iyo rasuulka kufrinimadiisa awgeed, daacada Eebb iyo rasuulkana aayaddan waxaa looga jeedaa rumayntooda.
Kolka kaas ayaa daliil ah in qofkii aanan rumayn Eebbe iyo rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu kaafir yahay, Eebbana kor ahaayee uusan jeclayn kufrigiisa awgiis, kolka qofkii yiraahda Eebbe wuxuu jecelyahay mu'miniinta iyo kufaarta maxaa yeelay wuu uumay dhammaantood hubaal quraanka ayuu beenshay, waxaana lagu yiraahdaa Eebbe wuu uumay dhammaan hase ahaatee ma jecla dhammaan.
Waajibka saran qof kasta oo qaangaar ah
Ogow in ku dhawaaqidda labada ashahaatin qaangaarka kadib ay waajib ku tahay mar kali ah qof kasta oo qaangaar ah inta uu noolyahay asiga oo niyaysanaya waajib ahaan Maalikiyadu sida ay qabto maxaa yeelay waajibin maayaan ayagu attaxiyaadka salaadda ee waxay u haystaan sunno ahaan, kuwa kale sida Shaaficiyada iyo Xanbaliyada iyo Xanafiyada waxay waajibaysaa salad kasta si salaaddu u ansaxdo.