Waxaad ogaataa walaalkayga Muslimka ahow in ay jiraan ictiqaadyo iyo falal iyo oraahyo burrinaya labada ashahaatin kuna ridaya (qofka) kufri, maxaa yeelay kufrigu waa saddex jaad: kufri ictiqaad ah iyo kufri fal ah iyo kufri oraah (qowl) ah, waana isku raacsanyihiin afarta mad-habadood sida nawawi iyo ibn al-Muqri oo shaaficiyo ah iyo ibn Caabidiin oo xanafiyo ah iyo al-Buhuuti oo xambali ah iyo sheikh Maxamaded Caleesh oo maaliki ah iyo qaar kale kolka qofkii doona ha eego. Sidoo kale culumada aan ahayn kuwa afarta mad-habadood ee ka mid ah mujtahidiintii hore sida Awsaaci wuxuu ahaa mujtahid mad-hab lagu howlgalo leh kadibna ardaydiisii way la'deen.
Kufriga ictiqaadiga ah: meeshiisu waa laabta (qalbiga), sida inkiridda sifo ka mid ah sifooyinka Eebbe kor ahaayee ee u waajibtay oo la isku raacsanyahay, sida jiritaankiisa iyo in uu yahay mid awooda iyo in uu yahay mid wax maqla, oo arka, ama ictiqaadka ah in nuur yahay oo looga jeedo ilays ama in uu yahay ruux, wuxuu yiri sheikh Cabdulqani an-Naabulisi: Qofkii ictiqaada in Eebbe ekeeyay (buuxshay) samooyinka iyo dhulka ama uu jismi yahay fadhiya carshiga dushiisa waa kaafir si kasta oo uu u sheegto in uu muslim yahay.
Kufriga falka ah: sida musxafka oo lagu tuuro qashinka, wuxuu yiri ibn Caabidiin: haddii uu doono yuusan liidid u yeelin maxaa yeelay falkiisa ayaa tusaya liididda. Ama warqado ay ku qoranyihiin culuumta sharciga ah, ama warqad kasta oo magac ka mid ah magacyada Eebbe kor ahaayee ayada oo la ogyahay in magacaasi ku qoranyahay.
Qofkii ka laalaadsha calaamadda kufriga korkiisa daruuro la'aan haddii uu u yeelay si uu ugu barakaysto ama uu u wayneeyo ama u xalaalaysto wuxuu noqonayaa murtad (diinta ka noqday).
Kufriga hadalka ah (qowliga): sida qofkii caaya Eebbe kor ahaayee –Ilaah baan ka magangalney kufrigee – sida (hadduu yiraahdo) "Eebbahaa walaashii" ama "inankii Ilaahay" kufri buu ku dhacayaa haddii uu doono yuusan rumaysnaan in Eebbe waynaayee walaal iyo wiil leeyahay.
Haddii uu muslim u yeero muslim kale asiga oo leh: "Kaafirow" ayada oo aan maldahaad ahayn wuu kufrinayaa midka sidaa yiri maxaa yeelay Islaamka ayuu kufri ku magacaabay.
Waxaa kale oo kufrinaya qofkii muslim ku yiraahda "Yahuudiyahow" ama wixii la mid ah ee erayo ah asiga oo uga jeeda in uusan muslim ahayn haddii uusan uga dan lahayn in uu yahuudda u egyahay, kolka taas ku kufrin maayo.
Haddii qof xaaskiisa ku yiraahdo: "adiga ayaan kaa jecelahay Ilaahay" ama "waan ku caabudayaa" wuu kufrinayaa haddii uu uga jeeday cibaadada gaarka u ah Eebbe kor ahaayee.
Haddii uu qof ku yiraahdo qof kale "Eebbe ayaa kuu dulminaya sidii aad ii dulmisay" wuu kufrinayaa midka sidaa yiri, maxaa yeelay wuxuu u saarshay dulmiga Eebbe waynaayee, haddii uusan uga jeedin in ujeeddada "wuu ku dulminayaa" uu yahay "wuu kaa abaal marinayaa" kolkaa la kufrin mayno hase ahaatee waa laga reebayaa –hadalkaa.
Haddii uu qof ku yiraahdo qof kale –Eebbe ayaan ka magan galnee- "nacalad baa Eebbahaaga ku taalla" waa la kufrinayaa. Sidoo kale waa la kufrinayaa qofkii ku yiraahda muslim "nacalad baa diintaada ku taalla" waxay dhaheen qaar fuqahada ka mid ah, haddii uu taariikhdiisa uga jeeday la kufrin maayo.
Sidoo kale waxaa la kufrinayaa qofkii yiraahda -Eebbe ayaan ka magangalnee- "Hebel wuxuu nuuxshay Eebbahay" maxaa yeelay taas waxaa ku jira in uu u saarshay Eebbe nuuxsiga iyo meesha. Sidoo kale waa la kufrinayaa qofkii yiraahda –Eeebe ayaan ka magangalnee- "Eebbe in la eg" asiga oo uga jeeda la ekaansho. Sidoo kale waxaa la kufrinayaa qofkii Eebbe u saarsha xubin xubnaha ka mid ah sida hadalka dabbaallada qaarkood (Caarkii Ilaahayow) waa hadal cad oo kufri ah oo aan yeelayn maldahaad.
Sidoo kale waxaa la kufrinayaa qofkii yiraahda: "aniga ayaa Eebbe u ah qofkii sidaa fala", sidoo kale waa la kufrinayaa qofkii yiraahda – Eebbe ayaan ka magangalnee- "Eebbahay baad waashay" ama ku yiraahda mid kaafir ah "Eebbe ha kuu gargaaro" asiga oo uga jeeda in uu Eebbe jeclaado waa la kufrinayaa maxaa yeelay Eebbe kor ahaayee ma jecla kufaarta sida uu u yiri kor ahaayee: (Haddii ay jeestaan Eebbe ma jecla kaafiriinta) [aali-Cimraan:32]. Sidoo kale hadii gaal lagu yiraahdo "Eebbe ayaa kuu dambi dhaafaya" haddii uu uga jeedo in Eebbe kor ahaayee uu u dambidhaafayo haddii uu gaalnimada ku dhinto.
Sidoo kale waa la kufrinayaa qofkii ku yiraahda qof kufri ku dhimatay (Allaha u naxariisto) asiga oo uga jeeda in loogu raaxeeyo qabrigiisa oo aan uga jeedin in cadaabta laga yareeyo asiga oo aan helayn naxariis haddii uu sidaa yiraahdo asiga oo sidaa uga jeeda waxaa dhici karta in aanan la kufrin.
Waa la kufrinayaa qofkii adeegsada erayga "uumid" ee u saarsha dadka halka macnaheedu yahay abuurista jiritaanla'aan laga abuurayom, sida haddii uu yiraahdo: "ii uun waxaa sidii Eebbe kuu uumay".
Waa la kufrinayaa qofkii caaya Casraa'iil nabadgelyo korkiisa ha ahaatee sida uu ugu sheegay Ibn Farxoon (Tabsiratul Xukaam) ama malak ka mid ah malaa'ikta nabadgelyo korkooda ha ahaatee.
Sidoo kale (waa la kufrinayaa) qofkii yiraahda (anigu Eebeb ayaanba nacay), oo ah Eebbe ayaan necebahay. Waana la kufrinayaa qofkii yiraahda (Eebbe hebel uma dulqaadan karo) haddii u u malaynayo in Eebbe uusan awoodin ama in Eebbe uu ka xanaaqayo qofkaas, haddiise uu ka wado eraygaas in Eebbe necebyahay la kufrin maayo. Waana la kufrinayaa qofkii yiraahda (Nacalad baa samada Eebbehaa ku taal) maxaa yeelay Eebbe ayuu fududaystay.
Sidoo kale (waa la kufrinayaa) qofkii ku magacaaba meelaha ay gaaladu wax ku caabudaan (gurigii Ilaahay), hase ahaatee, Eebbe qowlkiisa kor ahaayee: (Haddii uusan ku reebeen Eebbe dadka qaarkood qaarka kale waxaa la dumin lahaa golaha cibaadada (Yahuudda) iyo golaha cibaadada (Nasaarada) iyo kaniisadaha (yahuudda) iyo masaajidda) [al-Xaj:40]. Waxaa looga jeedaa meelaha ay wax ku caabudi jireen Yahuudda iyo Nasaaradu intii ay diinka toosan haysteen, maxaa yeelay waxay ahayd sidi masaajidaa umadda nabi Muxamad maxaa yeelay dhammaan waxaa loo dhisay towxiidka Eebbe iyo xusiddiisa ee looma dhisin in lagu caabudo cid aan Eebbe ahayn maxaa yeelay Eebbe wuxuu masjidka al-Aqsa ku magacaabay "Masjid" kana mid ma aha waxyaabihii ay dhistay umadda nabi Muxamad.
Kolka Eebbe qof waliba haka baqo hana ka digtoonaado in uu ku magacaabo meelo shar awgeed loo dhisay guryo Ilaahay qofkii aan Eebbe ka baqinna wixii uu doono ayuu dhahaa. Sidoo kale (waa la kufrinayaa) qofkii hadal been ah ku hadla asiga oo og in uu been yahay ee yiraahda: Eebbe ayaa ka markhaati ah waxa aan leeyahay asiga oo uga jeeda in Eebe ogyahay in arrinku sida uu u sheegay yahay, maxaa yeelay Eebbe ayuu jaahilnimo u saarshay kor ahaayee maxaa yeelay Eebbe wuxuu ogyahay in uu beenlow yahay oo aanuu runlow ahayn.
Sidoo kale ma bannaana in la yiraahdo (qof waliba diintiisa ayuu haystaa, Eebbe ha ugu kaalmeeyo) asiga oo ducada labada kooxood ka wada. Waana la kufrinayaa qofkii yiraahda asiga oo hadalkiisa si guud u dhahaya: Eyga ayaa ka wanaagsan bani aadamka.
Ama qofkii yiraahda (Carabtu waa cadho), haddiise uu hadalkiisa koobo xarfihiisa ama astaan markaa lagu garanayo sida haddii uu yiraahdo: maanta carabtu way fasahaadday kadibna uu yiraahdo carabtu waa cadho, la kufrin maayo.
Waa la kufrinayaa qofkii shaydaanka ku magacaaba (bismillaahi ar-Raxmaani ar-Raxiimi) mana aha haddii uu xuso bisinka asiga oo doonaya in uu Eebbe ka megangalo shartiisa.
Waxaa jira qaar gabyayga ka mid ah iyo qoraayaasha oo qoraya erayo kufri ah sida midkood u qoray (Eebbe wuu cararay) marka waxan oo kale waa arab xumo Eebbe loo gaystay oo kufri qofka ku ridaya, wuxuuna yiri qaadigii Cayyaad kitaabkiisii ash-Shifaa': (layskuma khulaafsana in qofkii Eebbe caaya kor ahaayee ee muslimiinta ka mid ah uu kaafir yahay). Waana la kufrinayaa qofkii ku hadla warkaas iyo erayadaas, aad bayna ugu fidsanyihiin kutubta badan dhexdood.
Adab darrada loo gaysto nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayada oo lagu jeesjeeso wax ka mid ah arrimihiisa ama fal ka mid ah falalkiisa waa kufri. Iyo in lagu jeesjeeso wax ay ku qoranyihiin quraanka kariimka ah, ama nabiyaashu nabadgelyo korkooda ha ahaatee, ama astaamaha Islaamka ama xukun ka mid ah xukumada Ilaahay kor ahaayee waa la kufrinayaa hubaal. Sidoo kale ubegidda kufriga dadka kale waa kufri maxaa yeelay in lagu raallinoqdo kufri waa kufrinimo.
Lana kufrin maayo qofkii ka soo sheega cid kale wax kufri ah oo uu falay asiga oo aan u bergayn uu yiraahdo: Hebel baa yiri sidaa. Haddii uu doono oo uu dib u dhigo weedha wuxuu yiri: iyo inta ku xigta ee jumlada ah waxaa shardi u ah: in niyaddiisu ahaato xusidda erayga sheekada oo dib looga dhigay billowgii jumlada.
Waxyaabaha laga reebayo erayada kufriga oraahda ah
Waxaa laga reebayaa erayada kufriga ah:
Haddii qofka afku ka boobo (hadalka): oo ah haddii uu ku hadlo wax ka mid ah waxyaabahaa asiga oo aan ula jeedin ee uu afku ka boobay uusanna marnaba ulakac u dhihin.
Haddii qofku suuxo: oo ah marka aan ogaalku joogin.
Haddii lagu dirqiyo: kolka qofkii carrabkiisu ku dhawaaqo kufri asiga oo lagu dirqiyay oo dil loogu goodiyay iwm qalbigiisuna ku qabowyahay iimaanka kufrin maayo. Wuxuu yiri Eebbe: (Qofkii kufriya Eebbe kadib markii uu rumeeyay intaan ahayn qof lagu dirqiyay oo qalbigiisu ku qabowsanaa iimaanka hase ahaatee qofkii ku baahsha kufriga laabta kolkaa korkooda waxaa ahaaday caro xag Eebbe ka ahaatay) [an-Naxl:106].
Kolka la soo tebinayo kufriga dadka kale: marka la kufrin maayo qofka soo sheegaya kufriga dad kale asiga oo aan ka raalli ahayn oo aan jeclaysanayn, daliilkeenna aan kaga saarnay mas'alada soo tebintana waa qowlkii Ilaahay kor ahaayee: (Yahuuddii waxay tiri Cusayr waa inankii Ilaahay Nasaaradiina waxay tiri Masiixu waa inankii Ilaahay) [at-Towbah:30]. (Yahuuddii waxay tiri gacanta Eebbe way laabantahay) [al-Maa'idah:64].
Tusaale waxaa u ah kuwa aan la kufrinayn haddii ay wax ta'wiilaan, sidi ta'wiilkii kuwii diiday sekada waagii Abuu Bakar ee u fahmay in sekadu ku waajibtay waagii Nabiga maxaa yeelay salaaddiisa ayaa korkooda mid qaboojisa oo daahirisa ahayd – oo ah naxariis iyo qaboobid- iyo in taasi joogsatay kolkii uu dhintay nabigu, kolka asaxaabtu ma aysan kufrin (kuwaa) sidaa darted, maxaa yeelay kuwaasi waxay ka fahmeen qowlkii Ilaahay (Ka qaad xoolahooda sadaqo daahirinaysa oo taskiyaynaysa kuna salli salaaddaadu waxay u tahay degganaasho ayagee) [at-Tawbah:103], ujeedada hadalkiisa "ka qaad" Muxamadow sekada si ay u noqoto haddii ay kuu dhiibaan adiga mid qaboojisa ayaga, oo ay u qaateen in aysan taasi dhacayn kadib markii Nabigii dhintay, sidaa darted ku waajib ma aha in ay dhiibaan maxaa yeelay wuuba dhintay (nabigii) asiga ayaana ahaa kii la faray in uu ayaga ka qaado, mana aanay fahmin in xukunku uu mid guud yahay inta uu noolyahay iyo geeridiisa ka dib.
Waxaana la mid ah kuwii fasiray qowlkii Eebbe kor ahaayee: (kolka adinku ma reebtoomaysaan) [al-Maa'idah:91]. Ee u qaatay in uu yahay duursiin ee aanuu ahayn xaaraamaynta khamriga, maxaa yeelay Cumar kufri kuma xukumin ee wuxuu yiri: "Karbaasha siddeetan siddeetan, markaa haddii ay u laabtaan dila kolkaa". Waxaa soo weriyay Ibn Abii Shaybah.
Marka waxay kufriyeen kuwii kale ee ka noqday Islaamka (riddoobay) ee rumeeyay Musaylamata al-Kaddaab kaas oo sheegtay rasuulnimada, hadaba la dagaallankooda kuwaa ta'wiishay diidmada sekada sida jaadkaa ah wuxuu ahaa si looga qaado xaqii ku waajibay xoolahooda, waana sidii la dagaallankii kuwii fallaagada ahaa (buqaat) ayaguba kaafirnimo toodaa loola dagaali maayo ee waxaa loola dagaalayaa si loogu soo celsho daacada khaliifada, sidi kuwii uu ku la dagaalay sayyidinaa Cali goobihii saddexda ahaa: goobtii al-Jamal, iyo goobtii Siffiin ee Mucaawiya, iyo goobtii an-Nahrawaan ee Khawaarijta, inkasta oo khawaarijta ay ka mid yihiin qayb kufaar ah dhab ahaan kuwaas waxay leeyihihiin xukunkooda gaarka ah.
Wuxuu ku yiri xaafidkii Abuu Zurcah al-Ciraaqi qoraaladiisii: Sheekheennii al-Bulqiini wuxuu yiri: Waxaa habboon in la yiraahdo "ta'wiil la'aan" si ay uga baxaan kuwa fallaagada "buqaadda" ah iyo Khawaarijta bannaysanaya dhiigga kuwa xaqa ku taagan iyo hantidooda ee rumaysan in ayaga dhiiggoodu ka xaaraansanyahay kuwa xaqa ku taagan, iyo kuwii diiday (inkiray) sekada ku waajibaysa korkooda ka dib nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayag oo ta'wiilinaya, maxaa yeelay asaxaabtu Eebbe ha ka raalli noqdee ma aysan kufrin kuwaas" kanina waa daliil laga soo guurshay mad-habta ee ku saabsan mas'alada laqbaynta (ta'wiilidda) dadaalka (ijtihaadka) ah.
Waxyaabaha daliilka u ah ee la soo weriyay ee ku saabsan mas'alada ku dadaalidda (ijtihaadidda) laqbaynta (ta'wiilka) iyo arrinka kufriga hadalkii Shamsuddiin ar-Ramli ee sharaxiisa uu saaray Minhaaj ad-Daalibiin billowga baabka riddada sharaxa weedhii Nawawi: Riddadu waa Islaamka oo la gooyo niyad ahaan ama hadal kufri ah wuxuu yiri: wax saamayn ah kuma laha haddii hafyada iyo dirqintu, ama uu ku ijtihaado ama uu kufri soo sheego.
Iyo hadalkii midkii faahfaahshay – oo ah kii qoray faahfaahinta sharaxa – Nuuruddiin Cali as-Shabramulisii ee geeryooday sanadkii kun iyo doddoba boqol iyo siddeetan, kolkii uu marayay hadalkii ar-Ramli: "iyo Ijtihaad" wuxuu yiri: oo ah in uusan mid guud ahayn sida muuqata oo dib laga sheegi doono sida kufrinta kuwii dhahay adduunku waa soo jireen inkasta oo uu ijtihaad ahaa iyo daliilsi. Wuxuu yiri midkii kale ee faahfaahshay (sharaxa) ar-Ramli Axmad bin Cabdurrazaq ee loo yaqiin al-Maqribi ar-Rashiidi ee geeryooday sanadkii kun iyo sagaashan iyo lix wuxuu yiri:"waxaa laga wadaa wixii aan daliil cad ku soo aroorin geddiskooda waxaana daliil u ah kufrinta sidi kuwii yiri dunidu waa soo jireen inkasta oo uu ijtihaad ahaa".
Halkan ayaa kolka laga ogaanayaa in aanan qof kasta oo wax ta'wiisha aanuu ta'wiilkiisu ka celinayn kufrinta, marka haka dhigto ardayga cilmidoonka ahi hadalka ar-Rashiidi ee la soo sheegay "wixii aan daliil cad loo hayn" xusuus – oo laga wado ha xusuusto weedhaas, maxaa yeelay aradyga cilmi doonka ah waxaa la gudboon in uu laabta ku hayo oo xusuusto, maxaa yeelay waa lagama maarmaan – maxaa wacay ta'wiilku haddii daliil cad jiro, ka fakin maayo qofkiisa kufrinta.
Iyo hadalka aan ka dhahnay Khawaarijta marka laga reebo qaarkood aan la kufrin maxaa yeelay waxaa sugnaaday arrimo lagama maarmaan ka dhigaya in la kufriyo qaarkood sida uu taageerayo hadalka asaxaabta qaar ka mid ah kuwaa oo soo weriyay axaadiista Khawaarijta.
Hase ahaatee waxa laga soo weriyay Sayyidinaa Cali in uu yiri: "Walaalaheen way inagu fallaagoobeen" xujo ma aha si loogu xukmiyo dhammaantood islaamnimo, maxaa yeelay sanadkiisu kama sugnaan Cali, waxaana gooyay xaafidkii mujtahidka ahaa ee Ibn Jariir ad-Dabari kaafirnimadooda iyo qaar kale, waxayna xadiiska Cali u qaateen in xaalka Khawaarijtu kala duwanaa oo qaarkood ay heer kufri ah gaareen qaarna aanay heerkaa gaarin.
Mas'aladan qaarkood wuxuu ku tilmaamay in ay ijtihaad tahay qaarna wuxuu ku tilmaamay in ay ta'wiil tahay, kolka kuwii u qaatay in ay ta'wiil tahay waxaa ka mid ahaa xaafidkii faqiiha ahaa ee shaaficiga ahaa Siraajuddiin al-Bulqiini kaas oo uu ka yiri kii qaamuuska qoray: (waa caalimkii adduunyada) qaarna ka mid ah kuwa sharxay Minhaaj ad-Daalibiin ayaa ayaguna u qaatay in uu ijtihaad yahay labada aragtina waxaa lagama maarmaan ah in ay soohdin muuqata leeyihiin.
Halkan ayaana laga ogaanayaa in mid kasta oo wax ta'wiilsha uusan ka celinayn ta'wiilkiisu kufrinta kolka qofna yuusan u malaynin in arrinkaasi uusan soohdin lahayn maxaa yeelay soohdin la'aantiisa waxaa ku sugan furfurashada iyo ka bixidda diinka. Miyaadan arkayn in qaar badan oo ka mid ah kuwa islaamka sheegta ee ka bartay falsafadda ay ka baxeen diinka kolkii ay rumeeyeen arrinka soojireennimada adduunka ayaga oo ijtihaadaya isla markaana muslimiintu waxay isku raaceen in la kufriyo sida uu ugu sheegay arrinkaas muxaddiskii faqiiha ahaa Bedriddiin as-Zarakshi sharaxiisa kitaabka jamculjawaamic, wuxuu yiri kadib markii uu xusay labada kooxood eel eh in adduunku azali yahay qiradiisa iyo qaabkiisuba iyo kooxda kale ee leh in uu adduunku azali yahay qiro ahaan oo ah jinsigiisa oo kaliya wuxuu yiri: "Waxay isku raaceen muslimiintu in ay lunsanyihiin iyo kufrintooda".
Sidoo kale waxaa ah Murji'ada leh dambi wax dhibi maayo haddii imaan la leeyahay sida aanay u anfacayn xasanadu haddii la kufriyo, waxayna sidaa u dheheen ijtihaad awgiis iyo ta'wiilka nusuusta qaarkeed qaab aan ahayn kii loogu talagalay kolkaa looma cudurdaarin, sidoo kale waxaa lumay kooxo aan kuwaa ahayn oo Islaamka usheegta lumiddoodu waxay ahayd mid ku salaysan ijtihaadkaa ta'wiilka, waxaan Eebbe waydiisanaynaa ku sugnaanta xaqa.
Xusuusnow:Eraygu haddii uu laba ujeeddo leeyahay oo midkood yahay jaad kufriga ka mid ah midka kalena uusan kufri ahayn, oo kolka ujeeddada kufriga ah ay muuqato hase ahaatee aanay caddayn, la kufri maayo qofkii yiraahda inta laga hubsado labada ujeeddo kii uu ula danlahaa, haddii uu kolkaa yiraahdo waxaan ka wadaa ujeeddada kufriga ah waxaa lagu xukumayaa kufri waxaana lagu socdosiinayaa axkaamta riddada haddii kalena lagu xukumi maayo kufri.
Sidoo kale haddii Eraygu leeyahay ujeeddooyin badan oo ay ujeeddooyinkiisa oo dhan kufri yihiin ooh al ujeeddo oo ka mid ah aanay kufri ahayn la kufrin maayo inta laga ogaanayo in uu ka weday ujeeddada kufriga ah, waana kaas midka ay ku xuseen qaar Xanafiyada ka mid ah kutubtooda.
Qofkii huba in aanuu wax kufri ah ku hadlin hase ahaatee ay laabtiisa ka dareemaya wax kale ku waajibi mayso in uu ashahaatinka la yimaado kuna waajibi mayso in uu nikaaxiisa cusboonaysiiyo shakigaas dartiis hase ahaatee way wanaagsantahay.
Waxyaabaha dadka qaar leeyihiih oo in haddii eraygu uu leeyahay sagaashan iyo sagaal ujeeddo oo lagu kufrinayo iyo hal ujeeddo oo aan lagu kufrinayn in la qaadanayo kufrin la'aanta wax macna ah malaha, mana ansaxayso in waxaa loo saarsho Maalik iyo inloo saarsho Abuu Xaniifah sida uu Sayid saabiq ugu saarshay Maalik, waana ku badanyahay arrinkaasi afka aqoonyahannada waayahan ee Eebbe haka cabsadeen.
Culumadu waxay dhaheen (kufriga) qayaxan oo ah midka aan wax hal ujeedo ah ka badan lahayn waxuu mudanyahay kufrin oo qofkii ku dhawaaqa waxaa lagu xukumayaa kufri sida haddii uu yiraahdo "aniga ayaa Eebbe ah" haddii uu hadalkan yiraahdo qof wali ah asiga oo jadbaysan waa la ganaaxayaa inkasta oo aan xilsaarrayn waqtigaas, waxaa sidaa yiri Ciziddiin bin Cabdi Salaam, maxaa yeelay ganaaxu wuu saamaynayaa qofka caqligiisu maqanyahay sida uu u saamaynayo qofka caqligiisu joogo ee waxgaradka ah iyo sida uu u saamaynayo xoolahaba maxaa yeelay haddii ay fiigaan oo la garaaco way joojinayaan fiigtaalnimada inkasta oo aanay caqli lahayn.
Sidaa oo kale kii ku dhawaaqa kufri asiga oo ogaalkiisu maqanyahay kolka la uleeyo ama lagu qaylsho wuu ka joogsanayaa qofkaa caadiga ah ee reebaya. Inkasta oo waliga uusan ka soo yeerayn kufri kolka uu caqligiisu joogo haddii uusan ka dafin carrabku ama uusan caqligiisu tegin, maxaa yeelay waligu wuu ka dhowrsanyahay kufriga kaas oo ka duwan dambiyada kabaa'irta ah ama kuwa yaryar kuwaasi way ka dhici karaan qofka waliga ah hase ahaatee sidaa ku socon maayo ee dhawaanba wuu ka toobadkeenayaa.
Waxaa dhacda in waligu dambi wayn falo inta uusan dhiman wax yar ka hor, hase ahaatee ma dhimanayo asiga oo aan towbad keenin sida Talxa bin Cubaydillaahi, iyo as-Subayr bin al-Cawaam Eebbe ha ka raalli noqdee, waxay ka soo horjeesteen Amiirul Mu'miniin Cali Eebbe ha ka raalli noqdee, ayaga oo la saftay dadkii ku la dagaalay Basra, kolkaas baa Cali xusuusiyay labadoodaba xaddiis, kolkaas ayuu as-Subayr ku yiri: Miyaanuu Nabigii Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- kugu dhihin: "Adigu waxaad la dagaalidoontaa Cali adiga oo ka gardaran" kolkaas buu yiri: waan illoobay, kolkaas buu baxay asiga oo ka tegay dagaalkii, kadibna waxaa uga daba tegay waddada nin ka mid ah ciidankii Cali kolkaas buu dilay. Marka wuxuu ku towbad keenay xusuusintaas Cali xusuusiyay mana uusan dhiman asiga oo aan towbad keenin.
Talxana wuxuu Cali ku yiri: miyaanuu Nabigii Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- dhihin:"Ninkii aan waligiisa ahay Calina waa waligiisa" kolkaas buu iska tegay markaas baa waxaa dilay Marwaan bin al-Xakam oo wuu dhintay. Asiguna sodoo kale wuu towbad keenay oo shallaayay kolkii Cali xaddiiskaa xusuusiyay. Marka mid kasta oo labadaa ka mid ah ma uusan dhiman asiga oo aan towbad keenin. Labada xaddiisna waa sax, taa daaye, xaddiiska labaad waa mutawaatir. Wuxuuna sheegay Imaam Abul Xasan al-Ashcari in Talxa iyo as-Subayr loo dambidhaafay bishaaradii awgeed uu ugu bishaareeyay Rasuulku -nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ayaga iyo siddeed kale oo isla meel joogay, marka taasi waa caddayn uu sugay Imaam Abul Xasan al-Ashcari in ay dambaabeen labadaasi.
Sidoo kale, wuxuu ka yiri Caa'isha, maxaa yeelay ayada waa loo bishaareeyay, waxayna ahayd mid aad uga shallaysay la jirsashada ay la jirsatay kuwii Cali la dagaalay, markaas bay kolkii taariikhdeeda ay basra ku la hayd la xuso iyo la jirsiga ay la jirsatay kuwii Cali la dagaalay way ooyijirtay ooyin aad u badan oo uu qoyijiray garbasaarkeedu. Arrinkaasina waa mutawaatir. Wuxuu ka yiri kuwa kale ee ka mid ahaa kuwii la dagaalay Cali ee kooxdii goobtii al-Jamal iyo kooxdii goobtii Sifiin ee Mucaawiyo la saftay Calina la dagaalay "Waxaa bannaan in loo dambi dhaafo oo la cafiyo" sida uu ka soo sheegay al-Imaam Abuu Bakar ibn Fuurak abii al-Xasan al-Ashcari waana anuu al-Xasan al-Baahili Eebbe haka raalli noqdee dhammaantood. Waxa ay u malaynayaan qaar aqoon laawayaasha ka mid ah in waligu uusan ku dhacayn dambi waa jaahilnimo xun. Marka kuwaa saddexda ah ee Talxa iyo as-Subayr iyo Caa'isho waxay ka mid yihiin awliyada kuwa ugu waawayn.
Wuxuu Yiri Imaamul Xaramayn al-Juwayni: Waxay culumada caqiidadu isku raacday in qofkii ku dhawaaqa erayga riddada ah –oo kufriga ah- ee sheegta in uu ka wado maldahaad waa la kufrinayaa kor iyo hoosba waana lagu sugayaa taas, waxna ku tari maayo ta'wiilka fog sida midkii dhahaya: "Nacalad baa ku taal Rasuulka Ilaahay" eel eh waxaan uga jeedaa Rasuulka Ilaahay biriqda.
Waxayna tirsheen qaar badan oo ka mid ah fuqahada sida faqiihii xanafiga ahaa Badri ar-Rashiid -wuxuuna ku dhawaa qarnigii siddeedaad ee hijriyada- waxyaabo badan, kolka waxaa habboon in la akhriyo, maxaa yeelay qofkii aan sharta aqoonsan wuu ku dhacayaa ee halaga digtoonaado, waxaana ka sugnaaday mid ka mid ah asaxaabta in uu carrabkiisa qabtay oo la hadlay: Carrabow khayr dheh aad guulaysatide, shartana ka aamus aad nabad gashide, inta aadan shallayn, anigu waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- oo leh:"Gafafka aadanaha badankoodu waxay ka yimaadaan carrabkooda" [waxaa ku soo weriyay ad-Dabaraani sanad saxiix ah wuxuuna ka mid yahay xaddiiskii Cabdullaahi bin Mascuud].
Xaddiis kalena oo nabiga laga soo weriyay –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ayah leh: "Addoonku waxaa laga yaabaa in uu ku hadlo eray oo aanuu ka fiirsanayn uuna kula dhacayo naarta in ka fog inta u dhaxaysa bariga iyo galbeedka" waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Muslim wuxuuna ka mid yahay xaddiiskii Abii Hurayra.
Waxyaabaha kufriga soo raacaya
Xukunka qofkii la yimaada mid ka mid ah waxyaabahaa kufriga ah waa in ay burayaan falalkiisa wanaagsan iyo dhammaan xasanaadkiisa oo dhan, markaa loo xisaabi maayo wax yar oo xasanaadkiisi ka mid ah kaas oo ah kuwii uu horey u sameeyay ee saddaqo ahaa ama xaj ama soon ama salad iwm.
Laakiin waxaa loo xisaabinayaa xasanaadka cusub ee uu falay kadib markii uu iimaankiisa cusboonaysiiyay, Eebbe wuxuu yiri: (qofkii iimaanka ku kufriya hubaal waxaa buray falkiisii)
Haddii uu yiraahdo "Eebbow ii dambi dhaaf" inta uusan cusboonaysiin iimaankiisa asiga oo dhahaya "waxaan ka markhaati kacayaa in aanan Ilaah jirin aan Ilaahay ahayn, iyo waxaan ka markhaati ahay in Muxammad rasuulkii Eebbe yahay, asiga oo sidaa ah, ku kordhin maayo hadalkiisa "Ilaahow ii dambi dhaaf ah" wax aan dambi ahayn iyo kufrinimo, maxaa yeelay wuxuu beeninayaa weedhii Eebbe kor ahaayee: (Kuwa gaaloobay ee ka leexshay dadka jidka Eebbe ee kadibna dhintay ayaga oo kufaar ah u dambidhaafi maayo Eebbe) [Muxamad:34]. Iyo qowlkiisa kor ahaayee: (Kuwa gaaloobay ee dulmiyay Eebbe ma ahaanin mid u dambidhaafa ama mid ku toosiya waddada) [an-Nisaa':169].
Waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan can Cimraan bin al-Xasiin: waxaa u yimid rasuulka Ilaahay nin, kolkaas buu yiri: Muxamadow Cabdulmuddalib ayaa tolkiisa kaaga roonaa, wuxuu quudinjiray beer iyo kurus adiguna waa biraynaysaa. Kolkaas baa nabigii Ilaahay yiri: Maashaa allaah – asiga oo ugu jawaabaya- kolkii uu doonay (ninkii) in uu iska tago ayuu yiri: Maxaan dhahaa? Kolkaas buu yiri (Nabigu) dheh: "Eebbow iga kori sharta naftayda oo igu toosi arrinkayga kii u roon" kolkaas baa ninkii baxay mana uusan Islaamin, kolkaas buu ku yiri rasuulkii Ilaahay hadana: "Anigu waan kuu imid, waxaanna ku dhahay wax I bar, kolkaas baad tiri: "Waxaad dhahdaa Eebbow iga kori sharta naftayda oo igu toosi arrinkayga kii u roon" kolka hadda maxaan dhahaa marka aan islaamay? wuxuu yiri: "waxaad dhahdaa: Eebbow iga kori sharta naftayda oo igu toosi arrinkayga kii u roon, Eebbow ii dhambi dhaaf wixii aan qarsaday iyo wixii aan qayaxay iyo wixii aan gafay iyo wixii aan u kasay iyo wixii aan ka jaahil ahaa".
Waxaa ka mid ah axkaamta riddada in nikaaxa naagtiisu furmo oo ah heshiiskii guurka ee sharciga ahaa, kolkaas baa xiriirka ka dhaxeeya labadooda kadib markii uu kufriyay noqonaysaa xiriir aan sharci ahayn, lakulanka uu la kulmana dhillaysi buu noqonayaa, waxna uma dhaxeeyaan in ninku kufriyo iyo in ay naagtu kufriso.
Faahfaahin ku saabsan qaybaha kufriga
Waxaad ogaataa in kufrigu saddex qaybood yahay: Ekeysiin (tashbiih), ama beenin ama inkirid (tacdiil).
Midka 1aad waa ekaysiinya: oo ah Eebbe oo loo ekaysiiyo uunkiisa sida qofkii ku asteeya in uu wax soo derriyay yahay ama uu dhammaanayo ama jismi ama midab ama qaab ama mug oo ah beeg, hase ahaatee arrinka xaddiiska ku soo arooray ee ah "Eebbe wuu qurxoonyahay" loogama jeedo qaabkiisa ayaa qurxoon ee waxaa laga wadaa astaamihiisa ayaa wanaagsan ama waa wanaajiye.
Kan 2aad waa beeninta: oo ah beeninta wixii ku soo arooray Qur'aanka Kariimka ah ama wixii uu la yimid rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ee sugnaaday oo ka mid ah wax la ogaaday in ay ka mid yihiin lagama maarmaanka diinka sida ictiqaadka ah in jannada iyo naartu dhammaanayaan, ama in jannadu ay raaxo aan la darrmayn tahay, ama naartu tahay xanuun nafsi ah tahay
Kaasi wuu ka duwanyahay qofkii aaminsan in salaaddu ku waajib tahay laakiin aanan tukanayn, kolka kaasi waa caasi ee kaafir ma aha sida qofka aaminsan in aanay ku waajibin salaaddu korkiisa.
Tan saddexaad: waa inkiryada, oo ah inkiridda jiritaanka Eebbe waana kufriga kan ugu daran. Xukunka qofkii Ilaahay ekaan u yeelayana waa in la kufriyo shaki la'aan.
Sida ekeysiinta (tashbiiha) looga taagsankarana waa qaacidadan: "Inkasta oo aad malayso Eebbe wuu ka duwanyahay maladaada" waana qaacido la isku raacsanyahay sida ahlul xaqu qabaan, waxaana laga soo qaatay qowlkii Ilaahay: (Wax Ekaankiisa ahi ma jiraan) [as-shuuraa:11].
Iyo hadalka ay dhaheen dadka qaar: Eebbe xaqiiqadiisa ma oga cid aan Eebbe ahayn kor ahaayee. Aqoonteenna annaga Eebbe ku saabsan ma aha mid koobaysa ee waa aqoon ku saabsan waxayaabaha Eebbe u waajibaaya kor ahaayee, sida waajibidda horrayntiisa oo kale. Iyo ka nasahiddiisa waxyaabah ka mustaxiilka ah kor ahaayee, sida in uu shirko lahaado iyo waxyaabaha ku bannaan xaqiisa kor ahaayee sida uumidda iyo iska dhaafiddeeda. Wuxuu yiri Imaam ar-Rufaaci: "Danta laga leeyahay aqoonsiga Eebbe waa in la hubsado jiritaankiisa kor ahaayee qaab la'aan iyo meel la'aan".
Fiiro gaar ah:
Wuxuu ku yiri al-Gazali "Ixyaa Culuum ad-Diin" waa soo jireen "Eebbe" jiritaankiisu billow ma laha, dhammaadna malaha. Mana aha jowhar meelaysan taa daaye wuu ka sarreeyaa wuuna ka dhowrsanyahay in uu u ekaado dhacdooyinka, mana aha jismi ka kooban jowharado, haddii ay bannaanlahayd in la rumaysto in caalamka kii sameeyay uu jismi yahay waxaa bannaanaan lahaa in loo rumeeyo Ilaahnimo qorraxda iyo bisha ama waxyaabo kale oo ka mid ah qaybaha jismiyaalka, kolka uma eka waxba, wax asiga u egna ma jiraan, sidee ugu ekaanayaa lal uumuhu uumihiisa, kan la qadderayna kii qadderay, kii la sawirayna kii sawiray.
Marka kan ma aha kalaamka ay caayeen culumadu, ee waxay salafku caayeen hadalka ay mubtadicadu ka dheheen caqiidada sida tashbiiha iyo Muctasilada iyo Khawaarijta iyo dhammaan kooxaha kale ee ka baxay wixii uu ku sugnaayeen Nabigu –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- iyo asaxaabtu, kooxahaas oo u qaybsamay 72 kooxood sidii uu Rasuulku inoo sheegay –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- xaddiiskiisii saxiixa ahaa ee sugnaa kaas oo uu soo weriyay Ibn Xibbaan oo sanadkiisa cusjiyay Mucaawiyo, wuxuu yiri: wuxuu yiri rasuulkii Ilaahay –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- Waxay u qaybsantay yahuudi kow iyo toddobaatan kooxood, Nasaaraduna waxay u qaybsantay laba iyo toddobaatan kooxood, ummaddayduna waxay u qaybsami doontaa saddex iyo toddobaatan kooxood, dhammaantood waa reera naareed intaan mid ka ahayn, taas oo ah jamaacada – oo ah badankooda-.
Cilmul-kalaamka ay ahlusunnadu adeegsanayaanna, oo ah Ashcariyada iyo Maaturiidiyada, waxaa la adeegsanjiray Ashcari iyo Maaturiidi ka hor sida Abii Xaniifa wuxuu leeyahay shan qoraal oo arrinkaas ku saabsan, iyo Imaam Shaafici oo aad u bartay oo dhahay: "waxaan kaas baranay, midkan ka hor" wuxuu ka wadaa cilmul-kalaamka ayaan barannay fiqhiga intaanan baran.