AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    KOW IYO KONTON MAS’ALO (51),
    OO AY WAHHAABIYADU KU KUFRISAY
    Nabigu nnk wuxuu yiri: "Diinku waa naseexo"
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed oo ka jawaabaya dalab uga yimid akhristayaasha iyo culumada soomaalida qaar ka mid ah, kuna saabsan mas'alada kufriga firqada wahhaabiyada, ayaa qoraalkan ku caddeeyay konton iyo kow (51) mas'alo oo wahhaabiyadu ku kufrisay.

    Skiikhu wuxuu mas'alo kasta xusay masdarkeeda, ciddii tiri ama qortayna wuu u nisbeeyay, daliilka caddaynaya kufrigoodana wuu caddeeyay, hadaba waxaan rejaynaynaa in ay dad badan jawaab shaafi ah ka siin doonto una caddayn doonto xukunka sharciga ah ee wahhaabiyada.

    Intaa waxaa la jirta in ay haddii ay caddaato in wahhaabiyadu kufaartahay sida sheekhu caddeeyay, ay waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah in uu kufriyo kufaarta, qofkii mad-habtooda saxa ama ka joogsada ee yiraahda anigu kufrin maayo asiga ayaa kaafir ah sida culumadu isku raacsanyihiin.

    Sidoo kale waxaa kufrinaya qofkii taageeraya, ama lacag ugu tabarucaya ama xoolo siinaya, ama dagaalka ku garab taagan, maxaa yeelay kufaarta in la taageero oo la wilaayo saarto ma bannaana, qofkii wilaaya saartana asiga ayaa kaafir ah ayaga ayuuna ku xukun yahay.
    W/D. Cabdullaahi Xasan
    Xoghaynta webka ahlusunnah waljamaacah
    Wuxuu yiri Shiikhu: Wahhaabiyadu waxay ku kufrisay masaa'il badan hase ahaatee waxaan halkan ku soo koobay kow iyo konton (51) mas'alo oo kufriyaadkooda ah oo iska muuqda, waana kuwan:

    1. Kooxda wahhaabiyada waxaa aasaasay nin la dhihi jiray Maxamad bin Cabdulwahhaab muddo hadda laga joogo 250 sano qiyaastii, wuxuuna ka soo baxay dhulka najid ee saxaraha Sacuudiga, ninkaas waxaa la yaab leh in aanay jirin qof ka mid ah culumadii casrigiisa noolayd oo ammaantay, taa daaye, xataa ma jirto cid culumo ahaan u ictiraafsanayd, dhammaantoodna way reddiyeen oo diideen hadalkiisa. Waxaana taas caddaynaya in Shiikh Maxamad bin Cabdullaahi bin Xumayd an-Najidi al-Xambali uu qoray kitaab cinwaankiisu yahay as-Suxub al-waabilah calaa adrixatil xanaabilah, kitaabkaas wuxuu shiikhu ku xusay dhammaan culumadii xanaabilada ee noolayd casrigiisa, kumana derin Maxamad bin cabdulwahhaab ee Aabihiis oo kaliya ayuu sheegay iyo walaalkiis Shiikh Sulaymaan bin Cabdulwahhaab, Ibn Cabdulwahhaabna wuu ka tegay, wuxuuna ku magacaabay in dacwadiisu ahayd shar (fiiri baalka 277). Marka caqiidada habowsan ee ninkaas keenay ciddii caqiido ka dhigata waxaa hubaal ah in aanan diinkeedu toosnayn.

    2. Kooxda wahaabiyadu waxaa diinkeedu ku salaysanyahay kufrinta ummadda Islaamka ah oo dhan, qofkii mad-habkooda khilaafanna way dilayaan oo shirqool bay ku dilayaan, sidaasna shiikhooda Ibn Cabdulwahhaab ayaa ku tarbiyeeyay. (Fiiri: assuxub al-waabilah: bogga 276, iyo al-xarakah al-wahhaabiyah, Mustafa as-sadxaan.)

    3. Maxamad bin Cabdulwahhaab, culumadii casrigiisa joogtay oo dhan ayaa ka digtay diinka cusub ee uu la yimid, xataa aabihiis iyo walaalkiis ayaa ka digay. (eeg, kitaabka assuxub alwaabilah, bogga 276, iyo Fitnatul wahhaabiyah, Shiikh Axmad daxlaan.). Marka taasi waxay daliil u tahay in fikirkiisu munxarif yahay, Islaamkana uusan sal ku lahayn.

    4. Taariikhda kooxda wahhaabiyada ayaa caddaynaysa in aanay wahhaabiyadu waligeed la dagaalin cid aanan muslimiinta ahayn. (eeg. Jariidadda: as-safaa', tirsiga: 1934/6/21/906 iyo wathiiqooyinka Haashimiyiinta.).

    5. Wahhaabiyadu waxay rumaysantahay caqiidada Tashbiiha iyo Tajsiimka, waxayna ka qaateen shiikhooda Ibn Taymiyah. (eeg. Majmuucul fataawaa, Ibn Taymiyyah: Wuxuu yiri: Muxamad rasuulka Ilaahay nnk wuxuu Eebbe kula fariisan doonaa carshiga" Waxaa kale oo uu yiri: "Eebbe carshiga ayuu ka soo degayaa, asiga oo walina ku fadhiya!" eeg: mujalladka 4aad, baalka:374, mujalladka 5aad, baalka: 131, 415, 527.)

    6. Wahaabiyadu waxay leexisay tafsiirkii Quraanka Kariimka ah ayada oo aayadaha u fasirtay sidii hadba ku habboon danahooda gaarka ah iyo dookhooda, tusaale ahaan waxay erayga "al-istiwaa" ku fasireen "istiqraar" qofkii diidana way gaalaynayaan. Inkasta oo culumada waawayn oo dhan ay diideen tafsiirka noocaas ah sida Imaam Bayhaqi oo kitaabkiisa al-Ictiqaad ku yiri: "Waxaa waajib ah in la ogaado in aanan istwaha Ilaahay ahayn iska toosin qallooc ama istiqaraar –nagaasho- meel lagu nagaanayo, ama taabasho khalqigiisa uu taabanayo.." ka eeg hadalka wahhaabiyada kitaabka Tambiihaat ee Ibn Baaz, baalka 84).

    7. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in salafkii saalixa ahaa aanay Ilaahay jismi maaha dhihin, waxaana beeninaya hadalkii Imaam Cali laga soo weriyay ee ahaa in uu yiri: "Eebbe waynaayee, asiga ayaa horreeyay, kama billaaban wax kale, kumana milmin waxyaabo kale, maladuna gaarimayso, jismina ma aha, meelna kuma dhexjiro, mana uusan ahaanin ahaansho la'aan kadib" waxaa kale oo uu yiri: "qofkii u maleeya in Ilaaheen xuduud leeyahay, wuxuu ka jaahil ahaaday khaaliqa la caabudo" macnaha wuxuu caabudaa cid aanan Eebbe ahayn, maxaa yeelay Eebbe ma yaqaano. Waxaa soo weriyay abuu Naciim, fiiri Xulyatul awliyaa', juska 1aad, baalka 73.), marka wahhaabiyadu kas cad ayay ugu been abuuranayaan salafka saalixa ah, diinka Ilaahayna been bay ka sheegayaan ayaga oo ulakac u yeelaya, arrinkaasna waa kufri cad oo qayaxan.

    8. Wahhaabiyadu waxay aaminsantahay in Ilaahay suurad leeyahay (eeg. Kitaabka, at-Tanbiihaat, Saalix bin Fowsaan iyo Ibn Baas), waxaana Imaam Bayhaqi iyo Imaam Axmad intaba laga soo weriyay in ay dheheen Ilaahay wax maskaxda lagu sawiri karo ma aha. (Fiiri Kitaabka al-Asmaa' was sifaat, baalka 420)

    9. Wahaabiyadu waxay aaminsanyihiin in Ilaahay caalamka ka fuqsanyahay ama ka go'anyahay ama ka fogyahay! (eeg. Majalladdooda ay ku magacaabeen: Majallatul al-Xaj, Jumaadil al-Uulaa, 1415H, baalka 73-74). Wuxuu yiri Cabdul Casiis Ibn Baas: "Eebbe wuxuu ku nagaaday carshigiisa shaqsi ahaantiisa asiga oo aan caalamka ku dhexjirin taa daaye waaba ka go'anyahay oo ka fogyahay!!), waxaana ku filan reddinta hadakooda aayadda quraanka ah ee leh: "Wax Ekaankiisa ah ma jiraan" ash-shuuraa:11.

    10. Wahaabiyadu waxay Ilaahay ku shabbaheen qaanso-roobaad caalamka ku wareegsan! (Eeg. Albaani waxa uu ku qoray kitaabka uu u baxshay Saxiix at-Tarqiib wat-Tarhiib, juska 1aad, baalka 116).

    11. Wahaabiyadu waxay Ilaahay u nisbeeyeen Jiho. Wuxuu yiri al-Baani (qofkii yiraahda Ilaahay jiho malaha waa waalanyahay)!! Hadalkaasna wuxuu ka soo qaatay mujasimadii hore, (eeg. Tacliiqa uu saaray al-baani kitaabka al-caqiidah ad-daxaawiyah, baalka 27). Culumada Islaamkuna waxay dheheen Ilaahay jiho malaha, sida uu Imaam Abuu xaniifa iyo Imaam ad-Daxaawi u caddeeyeen: (Wuxuu yiri Imaam Daxaawi: Eebbe Koobi maayaan jihooyinka lixda ah sida makhluuqaadka kale) eeg. Caqiidada Daxaawiyada. Sidoo kale wuxuu Yiri Imaam Abuu Xaniifa: (Eebbe waxaa la arkayaa aakhirada waxaana arkaya mu'miniita ayaga oo jannada jooga, indhahooda ayay ku arkayaan shabbihid la'aan iyo qaab la'aan iyo qiro la'aan khalqigiisa iyo asigana aanay u dhexayn masaafio) eeg. Al-Fiqh al-Akbar, baalka 136.

    12. Caqiidada wahhaabiyadu waxay ku dhisantahay hadalka carruurta, kumana salaysna kitaabka iyo sunnada. (eeg. Kitaabka uu qoray shiikhooda Maxamad bin Jumail: wuxuu yiri: (Haddii aad carruurta waydiiso Ilaahay aaway waxay ku leeyihiin cirka ayuu joogaa)! Subxaana laah, bal goormaa la arkay caqiido carruurta laga qaadanayo!! Eeg. Kitaabkiisa Towjiihaatun Islaamiyatun, baalka 22.

    13. Wahhaabiyadu waxay inkirayaan Ta'wiilka iyo tafsiirka quraanka, sida uu Ibn Baas ku caddeeyay fataawihiisa mujalladka 4aad, al-Baanina ku sheegay tacliiqiisa Sharaxa caqiidada Daxaawiyada, baalka 18aad. Waxaana hadalkooda burrinaya, xaddiiskii nabiga uu ugu duceeyay Ibn Cabbaas ee uu yiri: (Allaahumma Callimhu al-Xikmata wa Ta'wiilal al-Kitaab) (Eebbow, bar –Ibn Cabbaas- Xigmadda iyo Ta'wiilka Kitaabka –Quraanka.). Waxaa soo weriyay Ibn Maajah, Sunan Ibn Maajah. Wuxuu yiri Ibn Baas, (eeg. Fataawihiisa tirsiga 19606, taariikhda 24/4/1418, wuxuu yiri: "Ta'wiilka nusuusta quraanka iyo sunnada ee sifooyinka ku saabsan waxay khilaafsantahay wixii culumadu isku raaceen"! hadalkaas waxaa burrinaya hadalka Imaam Nawawi ee ah: "Wax khilaaf ah kama taagna muslimiinta dhexdooda dhammaantood, fiqiihooda iyo muxadiskooda iyo mutakallimkooda iyo culumadooda iyo muqaliddiintooda in meelaha Eebbe lagu xusay ee ku soo arooray nusuusta ee sheegaya in Eebbe Samada jiro sida aayadda "ma waxaad rumayseen mid samada jooga" suuradda al-mulk aayadda 16, iwm aanay ahayn sida daahirkoodu tusayo, oo dhammaan ay ta'wiilinayaan." Ka eeg hadalka Imaam Nawawi Sharaxa saxiixul Muslim, juska 5aad, baalka 24aad. Marka yaan rumaysanaa? Ma Ibn Baas oo Indhool ahaa oo kutubta indho uu ku akhriyo lahayn, isla markaana haysta caqiidada wahhaabiyada ah ee fasahaadsan, mise waxaan rumaysnaa Imaam nawawi oo ummadda oo dhan isku raacsantahay in uu xujo yahay! Jawaabtu way iska caddahay, waxaanna annagu ku kalsoonnahay Imaam Nawawi, hadalkiisa ayaana xaq ah asiga ayaana lagu kalsoon yahay.

    14. Wahaabiyadu waxay kufrisay Imaam Bukhaari!, kadib markii ay dheheen muslim ma aha ninkii ta'wiila aayadda "kullu shay'in haalikun illaa wajhah" (wax kasta way halaagmayaan intaan wajigiisa ahayn) suuradda al-qasas, aayadda 88. Imaam al-Bukhaarina wuxuu saxiixiisa ku yiri: "Illaa Mulkah" (intaan mulkigiisa ahayn)! Marka yaa kaafir ah? Ma Imaam Bukhaari mise wahhaabiyada?!! Sidoo kale ta'wiilkaas waxaa sheegay Imaam Sufyaan al-Thwori oo yiri: "Intaan ahayn wixii wajiga Ilaahay loola baxay ee acmaasha saalixa ka mid ah". (ka eeg hadalka wahhaabiyada: Majalladooda ay ku magacaabeen majallatul al-Xaj, Jumaadil al-Uulaa, sanadka 1415H, baalka 74.) Ta'wiilka Imaam Bukhaarina ka fiiri, Saxiixiisa, kitaabka Tafsiirka, baabka suuradda al-qasas.

    15. Wahhaabiyadu waxay aaminsantahay in Caalamka asalkiisu qadiim yahay! (fiiri kitaabka: Muwaafaqatu Sariixul Macquul, ee Ibn Taymiyyah, juska 1aad, baalka: 245, iyo juska 2aad baalka 75, iyo kitaabka Minhaaju as-sunnah ee Ibn Taymiyah, juska 1aad, baalka 224, iyo baalka 109, iyo kitaabkiisa Sharaxa xaddiiska Cumraan bin Xasiin, baalka 193, iyo majmuuciisa fataawaha, juska 18aad, baalka 239, kutubtaas oo dhan wuu ku sheegay hadalkaas ah in caalamku qadiim yahay oo uu soo jireen yahay sida Ilaahay!!). Hadalkaasina waa kufri iyo shirki sida culumada oo dhan isku raacsanyihiin, ma jiraan wax qadiim ah oo soo jireen ah oo aan Ilaahay ahayn, inta kalena waa wax la uumay oo khalqi ah.

    16. Wahaabiyadu waxay leedahay Abuu Jahal iyo Abuu Lahab ayaa Muslimiinta ka caqiido toosnaa!! (eeg. Kitaabka –kayfa nafhamu at-towxiid, ee uu qoray, shiiqooda maxamad baa shamiil, baalka 16aad. iyo kitaabka towxiidka, ee Ibn Cabdulwahhaab fasalka 19aad.) Waxaana la yaab leh in aanan waxaa oo kale qof ku hadashay oo muslimiinta culumadeeda ka mid ah aanay jirin, haddii abuu Jahal iyo Abuu Lahab ka caqiido toosnaayeen Muslimiinta Maxay gaalnimo ugu dhinteen?!

    17. Wahhaabiyadu waxay aaminsantahay in Naartu dhamaanayso, (eeg: Kitaabka uu qoray shiikhoodu Ibn Qayyim, Xaadii al-Arwaax, baalasha: 582, 591) Ilaahayna wuxuu quraankiisa ku sheegay in gaaladu naarta ku waaridoonaan abadkood, oo aanan laga soo bixinayn, marka ma wahhaabiyada ayaan rumaysnaa mise Ilaahay!! Subxaana Allaah.

    18. Wahhaabiyadu waxay aaminsanyihiin in afarta mad-habadood ee ay ahlu sunnadu haystaa ay shirki yihiin, (eeg kitaabka uu qoray shiikhooda maxamad al-Macsuumi, hal al-muslim multasimun.., baalka 76aad). Ummadda Islaamka ah ee Ahlusunnada ah dhammaanteedna waxay isku raaceen in afartaas mad-habadood ay xaq yihiin, oo laga soo gaaray culumadii salafka, qofka muslimka ah ee caamiga ah ama caalimka ahna ay u bannaantahay in uu qaato tii uu doono. Muslimiintii qarnigii 1aad joogtay ilaa maantana madaahibtaas ayay haysteen dhammaantood. Marka wahhaabiyadu ma waxay ina leedahay Muslimiintaas oo dhan shirki bay ku sugnaayeen! sida shiikhooda Ibn Cabdulwahhaab hore ugu sheegay kutubtiisa iyo rasaa'ilkiisa!! Waxaan ugu jawaabaynaa, Taa daaye, wahaabiyooy adinka ayaa kufaar ah oo mushrikiin ah, muslimiintuna madaahib xaq ah bay haystaan ee xaqdarro ha ku kufrina shirkigiinnana ha ku tuurina muslimiinta.

    19. Wahhaabiyadu waxay kufriyeen Ahlusunnah wal jamaacah oo ah dadka haysta caqiidada Imaam Ashcari iyo Imaam maaturiidi, (eeg. Fatxul Majiidka: baalka 353), Wuxuuna yiri Imaam Murtada al-Zubaydi: (Haddii ahlusunnah wal-jamaacah la sheego waxaa looga jeedaa Ashaacirada iyo maaturiidiyada caqiidadooda dadka haysta) Ka fiiri hadalka Imaam Murtada, Kitaabka Itxaaf as-Saadatil Mutaqiin, Juska 2aad, baalka 6aad).

    20. Wahhaabiyadu waxay kufrinayaan Suufiyada ahlu taqwada ah ee caqiidada saxiixa ah haysta, waxayna muslimiinta ku dheheen "haddii aadan la dagaalina suufiyada inta aadan yahuudda la dagaalin caqiidadiinnu toosi mayso" ka eeg hadalkooda kitaabka (al-Majmuuc al-Mufiid, ee uu ururshay, shiikhooda Cali bin Maxamad bin Sinaan, baalka 55aad).

    21. Wahhaabiyadu waxay inkireen Nabiyaasha Ilaahay, waxayna aaminsanyihiin in Nabi Aadam iyo Nabi Idiriis iyo Nabi shayth nabadgelyo korkooda ha ahaatee aanay nabiyaal ahayn!

    22. Wahhaabiyadu waxay kufriyeen awliyada Ilaahay sida Badawi iyo Dasuuqi waxayna dheheen in kuwaas oo kale ay mushrikiintu aqoon jireen. Kolka awliyada Ilaahay ayay mushrikiinta kala mid dhigeen.

    23. Wahhaabiyadu waxay kufriyeen Abooto (ayeeyo) Xaawo (hooyadii aadanaha oo dhan ka soo askunmay) waxayna aaminsanyihiin in ay shaydaan ahayd, oo ay shirkiga oo dhan ayadu keentay, naagaha oo dhanna figraddaas bay ka haystaan oo waxay aaminsanyihiin in naaguhu shar socota yihiin oo ay shayaadiin yihiin, taas ayaana ugu wacan in aanay naagaha ixtiraamayn oo ay xaqooda dafirayaan oo ay ka sinaysanayaan oo ay mutcadooda bannaysanayaan ayaga oo waxaas oo dhan ku magacaabaya "nikaax bi niyati dalaaq" iyo "nikaaxul misyaar" iwm. Waxaana u fatwooday shiikhooda Ibn Baas sida uu ku xusay mujalladka afaraad ee fataawihiisa. (eeg kitaabka uu qoray shiikhooda Maxamad al-Qanuuji, addiin al-khaalis, juska 1aad, baalka 16aad).

    24. Wahaabiyadu waxay kufrisay dadka reer Masar iyo kuwa reer Yaman iyo Ciraaq iyo reer Shaam, ayaga oo leh in reer masar caabudaan Badawi, reer shaamna Ibn carabi reer Ciraaqna Cabdulqaadir al-jiilaani, Yammanna Qutbul Yaman!! (eeg. Fatxul majiidkooda, baalka 213).

    25. Wahhaabiyadu waxay kufrisay reer Dubay iyo reer Abuu dabi oo ay ku magacaabeen in ay yihiin "Eeyaha Naarta Jahannama!" (eeg kitaabka uu qoray shiikhoodu: Cabdulcasiis bin cabdullaah, Ahlusunnah annabawiyyah.. baalka 51, 101, 102, 124).

    26. Wahhaabiyadu waxay bidci ku sheegeen Imaamka Xaafidka ah Ibn Xajar al-casqalaani iyo Imaam Nawawi, waxayna ku andacoodeen in aanay ahlu sunno ahayn labadaa Imaam!! (eeg. Kitaabkooda, Liqaa' al-baab al-maftuux, baalka 42, sidoo kale eeg maqaaladaha uu internetka ku qoray shiikhooda Sifr al-Xawaali).

    27. Wahhaabiyadu waxay durtay caqiidada Imaam xaakim, ninkii qoray kitaabka al-Mustadrak. (eeg. Kitaabka Tad-hiir al-jinaan, ee uu qoray shiikhooda Axmad bin Xajar aala buu daami, baalka 64).

    28. Wahhaabiyadu waxay kufrisay jamaacada Tabliiqa iyo mashaa'iikhdooda, (eeg. Kitaabka uu qoray shiikhoodu, al-qaowl al-baliiq).

    29. Wahhaabiyadu waxay kufrisay Imaam Xasan al-Bannaa, (eeg. Majallada al-Majallah, tirsiga: 830, 1996kii).

    30. Wahhaabiyadu waxay xabadeeyeen dad mayto ah oo waahore dhintay iyo qabuuro!! Kolkii ay yaman gaareen intii ay dagaalka ka wadeen jasiiradda carabta, ayay kolkii ay arkeen qabuuradii awliyada xabbad ku fureen ayaga oo adeegsanaya madaafiic iyo sawaariikh!! sida ay qortay jariidadda Nidaa' al-Wadan, 3/9/1994kii.

    31. Wahaabiyadu waxay bannaysanayaan dhiigga qofkii ku salliya nabiga nnk aadaanka kadib, waxayna ku tilmaamayaan in uu sinada ka daranyahay! (eeg. Kitaabka taariikhda saldana Cummaan) wxaa kale oo uu dil ku xukumay shiikhooda Ibn cabdulwahhaab nin aadaanka kadib nabiga ku salliyay. (eeg. Al-futuuxaat al-islaamiyah, juska 2aad, baalka 68).

    32. Wahhaabiyadu waxay isku khaldayaan macnaha Tawasulka iyo Macnaha Cibaadada, kolkaas bay kufrinayaan qofkii ku tawasula awliyada iyo nabiyaalka! (eeg. Kitaabka albaani ku magacaabay kitaabka tawasulka baalka 70, 74, 25). Ahlusunnaduna waxay aaminsanyihiin in tawasulku banaanyahay sida quraanka iyo xaddiiska nabiga nnk lagu caddeeyay, cibaadada iyo tawasulkuna kala duwanyihiin.

    33. Wahaabiyadu "istiqaathada" shirki wayn bay ka dhigtay! Hase ahaatee xaddiiska uu imaam bukhaari soo weriyay ayaa caddeeyay in maalinta qiyaamaha dadku nabigeenna istiqaatho ka dalbi doonaan! (ka eeg hadalka wahhaabiyada kitaabka fataawaha ibn baas iyo ibn Cuthaymiin, juska 1aad, baalka 3aad) Xaddiiskana ka eeg: (Saxiixul bukhaari, kitaabka sekada, xaddiiska nambarkiisu yahay 1475.)

    34. Wahhaabiyadu waxay kufriyeen shiiqooda Ibn taymiyah, maxaa yeelay waxay leeyihiin waa shirki mana bannaana in la yiraahdo "yaa muxamad" shiiqooda ibn taymiyyahna wuu banneeyey!! (eeg. Kitaabka tawjiihaatun Islaamiyyah, ee uu qoray shiikhoodu Maxamad Zaynu, baalka 9aad.)

    35. Wahhaabiyadu waxay kufriyeen Imaam Cumar Bin Khattaab iyo Axmad Bin Xambal, maxaayeelay waxay shirki ku xukumeen qofkii istiqaatho waydiista qof nool si loo roobdoono, taasna waxaa falay Imaam Cumar iyo Imaam Axmad. (eeg. Hadalka wahhaabiyada kitaabka al-qowl al-mufiid, juska 1aad, baalka 335).

    36. Wahhaabiyadu asaxaabta Nabiga nnk ayay kufrisay oo falkoodii shirki ku tilmaameen, kadib markii ay qofkii qof maqan ku tawasula ama istiqaatho waydiista ku tilmaameen falkiisa shirki (hadalkooda ka eeg: tacliiqa Ibn Baaz, uu fatxul baari saaray, juska 2aad, baalka 495)

    37. Wahhaabiyadu waxay kufrisay asaxaabiga wayn ee Rabiicah binu Kacab al-Aslami, markii ay shirki ku tuureen qofkii waydiista xaajadiisa ama wixii uu u baahanyahay nabiyaasha iyo awliyada (eeg, hadalka wahhaabiyada ee uu yiri Ibn Baas. Hase ahaatee hadalkiisa waxaa burrinaya xaddiiska saxiixa ah ee Imaam muslim soo weriyay, ee Nabigu ku yiri saxaabigaas wixii aad doonto waydiiso, kadib markii uu khidmo u sameeyay asaxaabigaas nabiga nnk, kolkaas baa asaxaabigu yiri: Waxaan ku waydiisanayaa in aan rafiiqaaga noqdo jannada dhexdeeda (macnaha kula socdo markaad jannada gasho), kolkaas baa nabigu nnk yiri: intaas mooyee wax kale miyaad doonaysaa, kolkaas buu yiri asaxaabigii, maya ee intaas uun. Kolkaas baa nabigu yiri: hadaba iigu kaalmee sujuudda oo aad badiso. Marka wahhaabiyadu heer waxay gaartay ay asaxaabta iyo nabiga nnk shirki ku tuurto oo aflagadayso.

    38. Wahhaabiyadu waxay kufrinaysaa qofkii wax aan Ilaahay ahayn kaalmaysta!! (eeg kitaabka ibn Cabdulwahhaab, ee majmuucatul towxiid, baalka 24) waxaana hadalkooda beeninaya qowlkii Ilaahay (Kaalmaysta Sabarka iyo Salaadda) aayadda 45aad, suuradda al-Baqarah! Iyo Xaddiiskii nabiga nnk, ee ahaa (Ilaahay wuxuu leeyahay malaa'ik dawaafaysa dhulka oo aan kuwa xafadada ah ahayn … ee haddii qofkiin dhibaato ku qabsato meel cidla ah ha u yeero asiga oo aleh addoomada Ilaaheeyow ii kaalmeeya) waxaa soo weriyay ad-Dabaraani, rijaalkiisuna waa thiqo.

    39. Wahhaabiyadu waxay u qaybsheen towxiidka saddex qaybood sida nasaarada iyo yahuudda, sida uu qoray shiikhooda Ibn Taymiyyah iyo shiikhooda Ibn cabdulwahhaab. Qaybintaasna cid muslimiinta tiri ama sheegtay oo aan ayaga ahayn ma jirto, waana qaybin shirki ku suganyahay.

    40. Wahhaabiyadu waxay been ka sheegeen Nabiga nnk ayaga oo yiri: In Nabigu la dagaalay dad mu'miniin ah oo rumaysan in Ilaahay kali aan shirko lahayn yahay! Oo uu asigu kaligiis wax quudiyo oo dilo oo nooleeyo, sida shiikhooda Ibn cabdul wahhaab ku sheegay kitaabkiisa Kashf ashubuhaat, baalka 3aad ilaa kan 6aad. Nabiguna nnk wuxuu yiri: (waxaa la I faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaati kacayaan in aanan Ilaah aan Eebbe ahayn uusan jirin aniguna aan rasuulkii Ilaahay ahay, kolka haddii ay sidaa yeelaan waxay magangelsheen dhiiggooda iyo maalkooda) ka (eeg: xaddiiska Saxiixu Muslim, kitaabka iimaanka, xaddiiska 22aad.)

    41. Wahhaabiyadu waxay xaaraamaysay siyaarada qabriga Nabiga nnk iyo qabuuraha awliyada in loo safro, ayaga oo khalad ka fahmay xaddiiska nabiga ee ku soo arooray saxiixul bukhaari kitaabka fadliga salaadda masjidka makka iyo madiina ee lambarkiisu yahay 1190. Kolkaas bay qofkii sidaa fala shirki iyo kufri ku tuurayaan.

    42. Wahhaabiyadu waxay xaaraamaysay in lagu barakaysto qabriga nabiga iyo qabuuraha awliyada, waxayna halkaa ku kufriyeen asaxaabta nabiga oo sidaa yeelay sida imaam xaakim ku caddeeyay kitaabkiisa al-Mustadrak, juzka afaraad, bogga 515aad, arrinkaasi wuu bannaanyahay, marka wahhaabiyadu qofkii ku barakaysta qabriga nabiga way kufrinayaan oo waxay ku tuurayaan shirki. Imaam Axmadna wuxuu soo weriyay in arrinkaasi bannaanyahay oo aanan waxba ku jabnayn in lagu barakaysto qabriga nabiga nnk sida musnadkiisa ku cad juska 5aad, baalka 422, sidoo kale waxaa soo weriyay ad-dabaraani, sida ku cad kitaabkiis al-mucjam al-kabiir, juska 4aad, baalka 158.

    43. Wahhaabiyadu waxay shirki ku tilmaantay falkii asaxaabiga wayn Cabdullaahi bin Cumar, kaas oo ku dadaali jiray sidii uu u raaci lahaa saantii nabiga nnk, kuna tukan jiray meelihii uu nabigu nnk ku tukan jiray. (eeg. Ibn Taymiyyah, iqtidaa' as-siraat al-mustaqiim, baalka 390). Sidoo kale (eeg hadalka al-baani ku qoray kitaabkiisa taxdiir al-masaajid, baalka 34.).

    44. Wahhaabiyadu waxay xaaraameeyeen in la xuso mowliidka nabiga nnk, waxayna falkaas ku magacaabeen in uu bidco iyo ku dayasho yahuudda lagu dayanayo yahay!! (eeg waxa uu qoray shiikhooda axmad bin xajar aala buudaami, kitaabkiisa al-ajwibah al-jaliyah, baalka 4, iyo 118). Iyo (Ibn baas fataawihiisa baalka 145). Taasna waxay ku dhaceen kufri kolkii ay xaaraameeyeen wax Ilaahay banneeyay, in xuska mowlidku bannaanyahayna waxaa caddeeyay xaafidkii Ibn Xajar iyo Imaam sayuudi iyo culumo kale, sida ku cad kitaabka al-xaawii lil fataawaa ee Imaam Sayuuti qoray.

    45. Wahhaabiyadu qofkii Nabiga nnk ammaana way kufrinayaan, sida ay sheegeen qasiidada uu tirshay imaam Buusiri ee Burdaha loo yaqaan ee uu Nabiga nnk ku ammaanay waxay ku tilmaameen in ay kufri tahay, marka waxaan ugu jawaabaynaa in nabiga ammaantiisu aanay kufri ahayn quraanka ayaa caddeeyey oo ammaanay nabiga nnk sida ku cad suuradda al-qalam. Marka adinka ayaa kufaar ah ee qofkii nabiga ammaana kaafir ma aha.

    46. Wahhaabiyadu waxay kufrinayaan qofkii yiraahda (allaahu rabbii, nabii muxammad) kolka la qaadayo janaasada, ama yiraahda "waxiduu allaah". (eeg. Fataawaha al-baani, baalka 61aad).

    47. Wahhaabiyadu waxay xaaraameeyeen in haweenku soo siyaartaan qabuuraha, taasna waxay ku caddahay xaddiska nabiga "waxaan idnka reebay in aad qabuuraha booqataan, ee hadda soo booqda" waxaa soo weriyay Imaam Muslim. Eeg. (saxiixul muslim kitaab al-janaa'is, xaddiiska 977).

    48. Wahhaabiyadu waxay xaaraameeyeen quraanka loo akhrinayo dadka dhintay sida ay ku qoreen kitaabka (macaalim al-hudaa: baalka 54), waxaanna ugu jawaabaynaa: Imaam Nawawi oo ka mid ah Shaaficiyada ayaa ku yiri kitaabka Sharaxa Saxiixa Muslim, mujalladka 3aad, baalka 202, sidan:" Culumaduna waxay jeclaysteen quraanka lagu akhrinayo qabriga". Ibn Qudaama oo (xambali) ahna wuxuu ku sheegay kitaabkiisa (al-Muqni) juzka 2aad, baalka 424: faslun:"Waxna kuma jabna in qabriga quraan lagu akhriyo". Wuxuu yiri Ibn al-Xaaji oo (Maaliki ah) kitaabkiisa (al-Madkhal): "Haddii uu gurigiisa ku akhriyo ee uu u hadiyeeyo way gaaraysaa". Waxaa kale oo Ibn Caabidiin (oo Xanafi) ah ku yiri kitaabkiisa (shifaa' al-caliil) mujalladka 1aad, baalka 165:"Waxaa bannaan in qofku thawaabta camalkiisa uu u hadiyadeeyo qof kale, asiga oo ku sadaqaysanaya". Marka wahhaabiyadu waxay xaaraamaynayaan wax uusan Ilaahay iyo nabigiisa iyo culumada islaamka midna aanay xaaraamayn! Mana oga in taasi kufri noqonayso, maxaa yeelay xaaraamaynta iyo xalaalayntu waa arrin Ilaahay waynaayee kaligiis u gaar ah oo aanan cidna la wadaagin, ciiddi kale ee sheegatana waa sidi cid Ilaahnimo sheegatay.

    49. Wahhaabiyadu waxay beensheen qowlkii Ilaahay (Ilaahay ma dhaafo in loo shirko yeelo) suuradda an-Nisaa': 48. Waxayna ku andacoodeen in Ilaahay shirkiga qaarkiis dadka u dhaafayo, eeg. (al-Baani, kitaab fataawaa al-albaani, baalka 351).

    50. Wahhaabiyadu waxay iftootay in ay waajib tahay in la toogto qofkii yiraahda "dhulku wuu wareegayaa"! sida ibn Baas ku caddeeyay (majalat al-carabi, tirsiga 904, sanadkii 1995kii. Ilaahayna wuxuu leeyahay (dhammaantood "meerayaashu" waxay ku wareegayaan falak) suuradda Yaasiin: 40. mana bannaana in la yiraahdo "aayadda " qorraxda iyo dayaxa oo kaliya ayaa looga jeedaa, maxaa yeelay erayga "kullun" laba waxyaabood loogama jeedo afcarabica, ee wadar buu tilmaan u yahay, haddii qorraxda iyo dayaxa aayadda lagu sheegay oo kaliya looga jeedo waxaa la dhihi lahaa"kilaahumaa" "kullun" lama dhaheen. Marka halkaa wxaan ka fahmaynaa in meerayaasha oo dhan looga jeedo aayadda.

    51. Wahhaabiyadu waxay aflagaadaysay asaxaabta Nabiga nnk, sida imaam Cali oo ay dabbaalnimo iyo faa'iido la'aan ku tilmaameen dagaalkiisii uu ku qaaday kooxdii ahlu baqyiga ahayd ee khawaarijta iyo kooxdii Mucaawiyo, sida ku taalla kitaabka ay ku magacaabeen minhaaj assunnah, juska 2aad, baalka 203, 204, 214.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]