AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA

    KELIMADDA ASHAHAATINKA
    Dhammaan dadka qaangaarka ah waxaa ku waajib ah in ay soo galaan diinta Islaamka uguna sugnaadaan si joogto ah, iyo gudashada wixii axkaam ah ee laga rabo. Waxaana ka mid ah waxyaabaha ay waajib tahay in la ogaado oo la rumeeyo xadla'aan laguna dhawaaqo isla markiiba haddii qofku kaafir ahaa, haddii kalena salaadda dhexdeeda lagu dhaho, kuwaas oo ah: Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee, waxaanna ka markhaati kacayaa in Muxammad (NNK) uu Rasuulkii Alle yahay.

    UJEEDDADA ASHAHAATINKA
    Ujeeddada "Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee" waa laabta ayaan ka ogahay kana rumaysanahay, carrabkana waan ka dhahayaa in aanan mid xaq lagu caabudaahi jirin Allaha kaliga ah ee midka ah mooyaane, kaas oo ah mid, kali, billow, horreeye, noole, maamule, daaim, abuure, quudshe, caalim, qaddere, falana wixii uu doono, wixii uu doono ayaa ahaada, wixii uusan dooninna ma ahaadaan, kaas oo aanan xeelad iyo awood la lahayn la'aantiisa, kuna astaysan dhammays ku habboon oo idil, kana hufan mudankiisu xumaan oo dhan. "Wax la mid ahna ma jiraan, waana maqle arka"[as-shuuraa:11].

    Kolka Eebbe waa horreeye, inta kalena waa dhacdo, asiguna waa abuure, inta kalena waa uun. Kolka dhacdo kasta oo jiritaanka soo gasha oo ka mid ah waxyaabaha iyo falalalka, dhuuracaso laga billaabo oo carshiga lagu tago, iyo dhaqaaq iyo nagaadi kasta ee addoomuhu falaan, ama wax kasta oo la niyaysto ama qalbiga ku soo dhaca waa wax eebbe uumay, cid aanan asiga ahaynna ma abuurin, dabiicaduna ma abuurin, sabab kalena ma abuurin, taadaaye, soo gelitaanka uu jiritaanka soo galay Alle doonistiisa bay ku ahaatay iyo awooddiisa iyo qadderiddiisa iyo cilmigiisa horreeyay, sida uu Eebbe kor ahaayee u yiri: "Wax walbana wuu abuuray" [al-Furqan: 2]. Oo ah in uu uunka meran ka sameeyay uu jiritaanka u soo saaray. Abuuritaanka jaadkan ah Eebbe cid aan ahayn uma sugnaanin, Eebbana kor ahaayee wuxuu yiri: "Ku wax abuura oo aan Eebbe ahayn ma jiro" [al-Fadir: 3]. Nasafi wuxuu yiri: Haddii qofi dhagax ku dhufto dhalo ee uu jebsho, kudhufashada iyo jabka iyo jebiddu waxay ku ahaadeen abuurista Alle kor ahaayee. Addoonkuna kuma laha wax aanan kasbashada ahayn, abuuristuna cid aanan Alle ahayn uma sugnaan, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: "Naf kasta waxay leedahay wixii ay kasbatay, waxaana lagu leeyahay waxay gaysatay" [al-Baqarah: 28]. Hadalka Eebbana wuu horreeyay sida astaamihiisa oo kale. Maxaa yeelay nasahnaayee, uunka oo dhan wuu ka duwanyahay nafta iyo astaamaha iyo falalkaba. Eebbana wuu ka nasahanyahay oo ka korreeyaa waxa ay leeyihiin kuwa dulmiga fala korrayn wayne.

    SIFOOYINKA EEBBE KOR AHAAYEE
    Kolka waxaa lagu soo koobi karaa wixii aan kor ku soo xusnay in Ilaahay waynaayee saddex iyo toban astaamood (sifo) loo sugo, kuwaas oo sheegiddooda quraanka ku soo noqnoqotay in badan, lafdi ahaan ama macne ahaan waxayna yihiin:

    Jiritaanka iyo mid ahaanta, iyo horraynta oo ah billow la'aanta, iyo baaqi ahaanta, iyo in uu naftiisa u taaganyahay, iyo awoodda, iyo doonista, iyo aqoonta, iyo maqalka, iyo aragga, iyo nolosha, iyo hadalka, iyo in uu dhacdooyinka ka duwan yahay. Kolka markii astaamahaas in badan lagu xusay kutubta sharciga, ayaa culumadu dheheen: Waxaa waajib ah in uu qof kastaa bartaa sifooyinkaas.

    Haddaba kolkii ay billow la'aantu (azali) Eebbe u sugnaatay ayaa waxaa waajib noqday in ay astaamihiisu (sifooyinkiisu) kuwo aan billow lahayn (azali ah) ahaadaan, maxaa wacay asataantu haddii ay wax dhacay tahay (xaadith), naftuna (thaat) waxay noqonaysaa wax dhacay.

    MACNAHA QAYBTA LABAAD EE ASHAHAATINKA
    Ujeedada "waxaan ka markhaati ahay in Muxamad rasuulkii Alle yahay" waa waxaan ogahay oo rumaysnahay oo aan sugayaa in Muxamad ina Cabdullaahi ina Cabdul Mudalib ina Hashim ina Cabdul Manaaf ee reer Quraysh Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yahay addoonkii Alle iyo nabigiisi kaas oo loo soo diray dhammaan uunka. Waxaana intaa raacaya, in la rumeeyo, in uu Maka ku dhashay halkaasna laga soo baxshay, uuna Madiina u haajiray halkaasna lagu aasay.

    WAXYAABAHA SOO RAACAYA KELIMADDA ASHAHAATINKA
    Waxaa kale oo kaasi caddaynayaa in uu runlow ku ahaa dhammaan wixii uu shaagay oo uu Eebbe waynaayee xaggiisa inaga soo gaarsiiyay: Waxaana ka mid ah: cadaabta qabriga iyo barwaaqadiisa, iyo su'aasha labada malak Munkar iyo Nakiir, iyo soo bixinta (bacthiga), iyo kulminta (xashriga), iyo qiyaamaha, iyo xisaabta iyo abaalmarinta (thawaabta) iyo cadaabta, iyo miisaanka iyo naarta iyo waddada (siraadka) iyo xawdka iyo shafaacada iyo jannada iyo aragtida Eebbe waynaayee isha lagu arkayo aakhiro qaab la'aan iyo meel laan iyo aag la'aan si aan ahayn sida loo arko uunka. Iyo in Jannada iyo Naarta dhexdooda lagu waarayo.

    Iyo malaa'ikta Alle oo la rumeeyo, iyo Nabiyaashiisa iyo kutubtiisa iyo qadderka khayrkiisa iyo shartiisa. Iyo in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yahay nabiyaasha kii lagu dhammaystiray iyo in uu yahay sayyidkii intii nabi Aadam dhalay dhammaan. Waxaa waajib ah in la rumeeyo in nabi kasta oo nabiyada Alle ka mid ah ay waajib tahay in uu ahaado mid runlow ah, oo ammaano leh, oo caqlilow ah, kolka waxaa ka reebban beenta iyo khayaanada iyo ardaalnimada iyo dabbaalnimada iyo garaad yarida, iyo fulaynimada iyo wax kasta oo diidaya dacwada ka aqbaliddooda, waxaana u waajibaya Alle ka magangelsho kaafirnimada iyo dambiyada waawayn iyo dambiyada yaryar nabinimada ka hor iyo kadibba.

    GAFAFKA KA DHICI KARA NABIYAASHA
    Waxaa bannaan in ay nabiyaasha ka dhacaan gafaf kale oo aan ahayn kuwa kor lagu soo sheegay, hase ahaatee, si degdeg ah ayaa loogu baraarujiyaa si ay u towba keenaan inta aaney ku dayan dadka kale.

    Halkan ayaana laga ogaan karaa in aanay nabinimadu u suurtoobayn nabi Yuusuf walaalihiis, kuwaas oo falay falalkii xumaa, waxayna ahaayeen Binyaamiin mooyee inta kale. Asbaadda (dhasha) waxyiga lagu soo dejiyayna waa inta loo waxyooday ee dhashooda ahayd.

    DHOWRIDDA CAQIIDADU WAA WAAJIB
    Waxaa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah in uu dhowro islaamkiisa kana ilaalsho wixii doorinaya oo duminaya oo goynaya waana riddada Eebbe kor ahaayee baannu ka magangalnee, Nawawi wuxuu yiri: "Riddadu way tan ugu xun jaadadka kufriga". waxaana batay waayahan fududaysiga hadalka dadka qaar afkooda ka soo baxayo erayo ka bixinaysa Islaamka aanayna u arag waxaa dambi iskaba daa in uu ahaado kufriye, taasina waa dhabtii hadalkii nabigeenna (NNK) Ee ahaa:

    "Addoonku waxaa dhacda in uu ku hadlo weedh aanuu u arag wax belo ah kuna hoobisa naarta toddobaatan gu'" oo looga jeedo in fogaanteedu tahay toddobaatan sano in loo socdo oo hoobad ah halkaasina waa jahannama salkeeda oo ah meel u gaar ah kufaarta. Xadiiskana waxaa soo weriyay Tirmadi wuuna wanaajiyay, waxaana la ujeeddo ah xadiis ay soo weriyeen Bukhaari iyo Muslim. Xadiiskan ayaana u daliil ah in aaney shardi u ahayn kufri ku dhicidda xukumka aqoontiisu ama qalbi qaboojinta ama ictiqaadka macnaha erayga sida uu sheegay kitaabka "Fiqh as-Sunnah" .

    Sidoo kale shardi uma aha kufriga ku dhiciddiisa carala la'aantu sida uu Nawawi sheegay, wuxuu yiri: "Haddii nin ku xanaaqo wiilkiisa ama qowsaarkiisa ee uu dilo dil aad u daran ee kolkaa nin ku yiraahdo: miyaadan muslim ahayn? Ee uu yiraahdo: maya, asiga oo u kasaya wuu gaaloobay" sidaa ayayna dhaheen kuwa kale oo xanafiyada ka mid ah iyo kuwo kale.

    QAYBAHA RIDDADA
    Riddaduna waa saddex qaybood, sidii uu u qaybshay nawawi iyo qaar kale oo shaaficiyo iyo xanafiyo ah, waana: waxyaabaha la rumaysanyahay, iyo falalka iyo oraahda, dhammaanna waxay u kala baxaan qaybo kale.

    Qaybta hore: waxaa ka mid ah: in Alle laga shakiyo ama nabigiisa ama quraanka ama maalinta qiyaamaha ama jannada ama naarta ama abaalmarinta ama ciqaabta iyo wixii la mid ah oo ka mid ah waxyaabaha la isku raacsanyahay ama in la rumeeyo in dunidu soo jireen tahay nooceeda iyo qaabkeeduba ama nooceeda oo kaliya.

    Ama diididda astaan ka mid ah astaamaha Ilaahay u waajibay ee la isku raacsanyahay, sida in Alle yahay ogaal-badne (caalim), ama in loo saarsho waxyaabaha ay waajibka tahay in laga hufo ee la isku raacsanyahay sida jismiga .

    Ama xalaalaynta wax xaaraan ah, oo la isku raacsanyahay waxyaabaha diinka lama huraankiisa ahna ka mid ah, oo ah waxyaabaha aanan qofka ka qarsoomayn, sida dhillaysiga iyo qaniisnimada iyo dilka muslimka iyo boobka iyo xatooyada, ama xaaraamaynta wax xalaal muuqata ah sida ganacsiga iyo guurka. Ama diididda wax waajib ah oo la isku raacsanyahay. Sida Salaadaha shanta ah ama sujuud ka mid ah salaadahaas, ama sekada iyo soonka iyo xajka iyo waysada ama in waajibinta wax aanan waajib laysku raacsanyahay ahayn.

    Ama diididda wax sharci ah oo la isku raacsanyahay, ama inla doono in la kufriyo mustaqbalka ama in la falo qaar ka mid ah waxyaabaha la soo sheegay ama laga laba labeeyo, kufrina maaha haddii waxyaabahaasi laabta ku soo dhacaan ayada oo aanan kas loo doonan. Ama beensha saxaabinimada Abu Bakar allaha ka raalli noqdee ama nabinimada mid ka mid ah nabiyaasha la isku raacsanyahay nabinimadooda.

    Ama diididda eray ka mid ah erayada quraanka ee la isku raacsanyahay amaku dara eray la isku raacsanyahay diidmadiisa asiga oo rumaysan in uu quraanka ka mid ayahay. Ama uu beensho nabi ama hoos u dhigo ama magaciisa yareeyo asiga oo liidid ula jeeda. Ama uu banneeyo nabinimada qof kale nabigeennii Muxamad ahaa kadib, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

    Qaybta labaadna: waa falalka sida sanam ama qorrax in loo sujuudo, haddii cibaadadooda looga jeedo ama wax kale, ama wax kale loo sujuudo haddii cibaado looga jeedo, sida sujuudda ay aqoonlaawayaasha qaarkood u sujuudayaan sheekhyadooda suufiyada ah, taas oo ah haddii sujuuddu tahay mid cibaado sheekhyadooda la caabudayo looga jeedo waxay noqonaysaa kufti haddii uusan mid cibaado looga jeedo ahaynna kufri noqon maayo laakiin waa xaaraan.

    Qaybta saddexaadna: waa oraahda aad ayuuna u badantahay, waxaana ka mid ah in qofku ku yiraahdo qof muslim ah: gaalyahow, ama yahuudiyahow, ama kirishtaanyahow, ama diinlaawayahow, asiga oo taas uga jeeda in qofka uu la hadlayo uu gaaloobay ama yahuudiyoobay ama kirishtaamay ama uusan diinba haysan, kaftanna aanuu uga jeedin.

    Ama uu ku jeesjeeso magic ka mid ah magacyada Eebbe kor ahaayee, ama ballanqaadka Eebbe ama goodintiisa, qofkii aanay waxyaabahaas in Eebbe nasahnaayee loo saarsho ka qarsoonayn. Ama uu yiraahdo: haddii Eebbe I fari lahaa sidaa ma faleen, ama haddii qibladu aagg hebel xigi lahayd umaba tukadeen, ama haddii Eebbe jannada isiin lahaa ma galeen, asiga oo ku jeesjeesaya ama madax adayg uga jeeda waxaas oo dhan.

    Ama uu yiraahdo: Haddii Ilaahay ii cadaabo salaadda aan ka tegay aniga oo jirradani I hayso, wuu I dulmiyay. Ama uu fal dhacay yiraahdo kani kani qadder Alle kuma dhicin. Ama uu yiraahdo: Haddii ay nabayaasha iyo malaa'iktu ka markhaati kacaan waxaa ama muslimiinta oo dhan kama yeeleen.

    Ama uu yiraahdo: Waxaas fali mayo sunnaba haddii ay doonaan ha ahaadeene, asiga oo ku jeesjeesaya. Ama uu yiraahdo: haddii uu hebel nabi ahaan lahaa ma rumeeyeen. Ama uu caalim culumada ka mid ah fatwa siiyo ee kolkaa yiraahdo: waa maxay sharcigani, asiga oo uga danleh in uu xukunka sharciga ku jeesjeeso.

    Ama uu yiraahdo: culumada oo dhan nacladi ha ku dhacdo, asiga oo culumada oo dhan uga jeeda. Qofkii aanan uga in uu kobo culumada oo dhan ee doona in uu nacalado culumadii waagiisa noolayd ayna jirto tusmo caddaynaysa waxa lagu malaynayo ee ah in ay fasahaadsanaayeen, qofkaasi kufrin mayo, inkasta oo hadalkiisu uusan gaf ka marnayn.

    Ama uu yiraahdo anigu Eebbe beri baan ka ahay, ama malaa'ikta, ama nabiga, ama shareecada, ama islaamka, ama yiraahdo garan mayo xukunka asiga oo ku jeesjeesaya xukunka Eebbe. Ama intuu weel buuxsho yiraahdo: "cabid wanaagsan"[an-naba':34], ama cabitaan weel ka banneeyay ee yiri: "waxayna noqon dhalanteed"[an-naba':20]. Ama marka wax la miisaamayo yiraahdo: "markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya"[al-mudafifiin:3].

    Ama uu arkay dad badan ee yiri: "waan soo kulminay dadkii annagoon cidna ka tegin"[al-kahf:47]. Jeesjees ahaan dhammaan aayadahaa macnahooda, sidoo kale dhammaan meelaha lagu adeegsaday quraanka ujeeddadaas oo kale, haddiise ujeeddadu taa ka duwantahay qofku kufrin mayo, hase ahaatee, sheikh Axmad bin Xajar allaha u naxariistee ayaa yiri: ma foga in hadalkaasi xaaraan yahay.

    Sidoo kale waa kufrinayaa qofkii nabi caaya ama malak ama yiraahda: waxaan noqonayaa dhillay haddaan tukado ama khayr ma arag intii aan tukanayay ama salaaddu iguma habboona jeesjees ahaan.

    Ama uu muslim ku yiraahdo: anigu nacabkaaga ayaan ahay iyo nacabka nabigaaga, ama shariif ku yiraahda anigu nacabkaaga ayaan ahay iyo nacabka awowgaa asiga oo uga jeeda nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ama uu yiraahdo waxyaabo la mid ah erayadaa xunxun ee cambaaraynta ah.

    Fuqaho badan sida faqiihii xanafiga ahaa Bedru ar-Rashiid iyo al-qaadi Cayyaad ee maalikiyada ahaa labadaba allaha u naxariistee ayaa tirshay waxyaabo badan (oo waxyaabaha lagu kufrinayo ka mid ah), kolka waxaa gudboon in la akhristo maxaa yeelay qofkii aanan sharta aqoonsan wuu ku dhacaa.

    Waxaana qaacido ah: in ictiqaad kasta ama fal ama oraah tusaya leedidda ama ku jeesjeesid Ilaahay ama kutubtiisa ama nabiyaashiisa ama malaa'iktiisa ama cibaadadiisa ama astaamaha diintiisa ama axkaamtiisa ama ballanqaadkiisa ama gooddintiisa uu kufri yahay marka haka digtoonaado dadku arrinkaas si kasta oo ay ahaataba.

    XUKUNKA QOFKII RIDDOOBA
    Qofkii riddooba waxaa ku waajib ah in uu islaamka u soo laabto si degdeg ah asiga oo ku dhawaaqaya laba shahaado kana fogaanaya wixii riddada ku riday, waxaa kale oo ku waajibayay in uu ka shallaayo wixii uu falay iyo in uu niyaysto in aanuu mar labaad u noqon waxaa oo kale.

    Haddii uusan kufriga ka soo laaban asiga oo ashahaadanaya waxaa waajib ah in towbad keen la yiraahdo lagamana aqbalayo wax aan Islaam ahayn ama waa la dilayaa waxaana fulinaya dilka khaliifada kadib kolka uu u bandhigo in uu u soo laabto Islaamka, khaliifaduna wuxuu arrinkaan u cuskanayaa markhaati ah laba qof oo caadil ah ama qofku asigu ictiraafo kufrigiisa taasna waxaa caddaynaya xadiiskii Bukhaari ee ahaa "Qofkii diintiisa beddela dila".

    WAXYAABAHA KA IMAANAYA RIDDADA
    Riddadu waxay burrinaysaa soonka qofka iyo tayamumkiisa iyo nikaaxiisa inta uusan aqalgelin iyo kolka uu aqalgalo kadibba haddii uusan Islaamka u soo laaban inta cuddada lagu jiro, haweeney muslimad ah ama mid kalena in uu guursado ma bannaana, waxaa kale oo xaaraan noqonaya wixii uu gawraco, mana dhaxlayo lamina dhaxlayo, lagumana tukanayo, lamana dhaqayo , kafanna la saari maayo , muslimiinta qabuurahoodana lagu aasi mayo, maalkiisana muslimiinta ayaa leh.

    Ujeeddadu waa in baytulmaalku leeyahay haddii baytulmaal toosani jiro, haddii uusan jirinna, haddii uu awoodo nin wanaagsani in uu hantidaa qabto oo ku baxsho maslaxadda muslimiinta waa in uu sidaa yeelo, maantana ma jiro baytulmaal toosan. Madaxda islaamka sheegta qaar badan oo ka mid ah ma garanayaan axkaamta shareecada, kii gartana hantida dhigi mayo meesheedii, sidaa darted haddii uu awoodo nin aqoon leh in uu hantida murtadka (qofka diinta ka noqda) qaato waa in uu qaato waana in uu ku baxsho maslaxadda muslimiinta.

    MUSLIMIINTA IYO ISLAAM SHEEGATADA
    MuslimiinTu waa kuwii rumeeyay Ilaahay iyo Rasuulkiisa kufrigiina ka tegay. Islaam-sheegadkana ujeeddadiisu waa ku islaamka ku abtirsanaya ayaga oo caqiidadoodu toosantahay ama aysan caqiidadoodu toosnayn sida ibn Siinaa iyo al-Faaraabi iyo ibn Rushud kii inanka ahaa iyo wixii la mid ah waxayna isu haystaan muslimiin ayaga oo aan muslimiin ahayn maxaa yeelay way kufriyeen hase ahaatee waxay ku abtirsanayaan islaamka mana aysan sheegan diin kale.

    QOFKA QAANGAARKA AH (MUKALLAF)
    Qof kasta oo qaan gaar ah waxaa ku waajib ah in uu la yimaado wixii uu Eebbe ku waajibiyay, waxaa kale oo ku waajibaya in uu ula yimaado siduu Eebbe u faray ee ah in uu la yimaado wax walba tiirarkooda iyo shuruudahooda iyo in uu ka fogaado wixii burrinaya.

    Waxaa qofka ku waajib ah in haddii uu arko qof waajibaadkiisa ka tegaya uu faro, ama uu arko qof sidii loogu talagalay si ka duwan u samanaya uu arko in uu fao in qofkaasi si toosan u gutto waajibaadkiisa. Waxaa kale oo ku waajib ah in uu qofkaas ku khasbo si uu u guto waajibkiisa haddii uu awood u leeyahay.

    Haddii uu wax kale awoodi waayo waxaa ku waajib ah in uu qalbigiisa ka kahdo, taasina waa iimaanka midka ugu liita waana waxa ugu yar ee qofka looga baahanyahay haddii uu wax kale awoodi waayo.

    Waxaa kale oo waajib ah in laga fogaado dhammaan waxyaabaha xaaraanta ah, iyo in laga reebo qofkii falaya oo loo diido lana khasbo haddii uu awoodo, haddi kalena waxaa qofka ku waajib ah in uu arrinkaas qalbiga ka kahdo. Xaaraantuna waa waxyaabaha Ilaahay uu ugu goodiyay qofkii fala in uu ciqaabayo, qofkii ka fogaadana uu u ballan qaaday abaal marin waana kasoo horjeedka waajibka.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]