|
Wahhaabiyo wax la yiraa ma jiraan?
Qaar ka mid ah kuwa Ilaahay ku fidneeyay caqiidada habowsan ee wahhaabiyada ayaa waxay ku murmaan (Waxaabiyo wax la yiraahdo miyaa jira?). Jawaabtaydu waa sidan:
Wahhaabiyo waxaa loo yaqaan kooxdii uu aasaasay Maxamad Bin Cabdilwahhaab, taas oo ka soo baxday saxaraha sacuudiga ee loo yaqaan Najid qarnigii 18aad bartamihiisii, kooxdaas waxaa aasaasay Ingiriiska si uu ugu jebsho Khilaafadii Islaamka ee Turkiga ka taagnayd.
Hadaba kuwa ku madax adayga (Wahhaabiyo ma jirto) waxaan leenahay akhriya kutubta laga qoray kooxdaas ee kumanyaalka ah, xataa waxaa qoray kitaab, maxamad bin cabdulwahhaab walaalkiis (Sheekh Sulaymaan bin Cabdulwahhaab) oo naqdiyay caqiidada kooxdaas kuna tilmaamay in ay bidco lunsan tahay, kitaabkaas wuu yaal suuqa ee akhrista haddii aad wax akhrin kartaan, magaciisa waxaa la yiraahdaa (as-sawaaciq al-Ilaahiyyah, fi arrad calal wahhaabiyyah).
Ninka dhahaya wahhaabiyo wax la yiraahdo ma jiraan waa jaahil aan akhrin kutubta ama waa mucaanid madax adag. Sidoo kale waxay isku magacaabaan salafiyo, ayaga oo doonaya in taariikhdooda qarshaan oo muslimiinta dhagraan.
Kooxda wahhaabiyada waxaa lacag farabadan ku shubay dowladda sacuudiga, maxaa yeelay way ku shaqaysataa oo jawaasiis bay u yihiin dowladda, caalamka Islaamka ayay u tiftifaan oo sirta ka soo aruurshaan ayaga oo leh, dacwo ayaan wadnaa, meel kasta xafiis iyo iskuul bay ka furteen iyo masaajid, hadaba waxaan leenahay halaga digtoonaado kooxdaas maraykanka u shaqaysa iyo yahuudda.
Culumo ma leedahay wahhaabiyadu?
Wahhaabiyadu waxay isku tilmaantaa in ay tahay koox salafi ah oo xaqii ku taagan, intii aan wahhaabiyo ahayn waxay u haystaan in ay yihiin kufaar, waagii hore waxay isku magacaabi jireen (Ikhwaan) kadibna waxay isku magacaabeen (muwaxidiin) kadibna (salafiyo) kadibna (Ahlu sunno) magacyadaas oo dhan way hirgeli waayeen, maxaa yeelay culumada ahlusunnada ayaa xaalkooda kashiftay oo raadkooda caddaysay oo taariikhdooda sheegtay.
Marka wali waxaa loo yaqaan magacii rasmiga u ahaa ee dadku u baxsheen waagii ay soo baxday firqadan lunsan kaas oo ahaa (Wahhaabiyo) oo laga soo qaatay magacii ninkii aasaasay (Maxamad bin Cabdulwahhaab al-najidi).
Culumo malaha kooxdani, waxaa ugu caansan dadka ay culumada ka dhigtaan koox indhoolayaal ah oo Ilaahay indhaha ka riday si aanay u arag quruxda Kacbadiisa iyo quruxda Qabriga iyo Masaajidka nabigeennii suubanaa nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Kooxdaas Indhoolayaalka ah, waxaa ka mid ah kii baqtiyay ee loo yaqiin (Ibn Baaz) iyo Midka hadda u madaxda ah oo asiguna Indhool ah. Ilaahay baa sidaa ka dhigay, maxaa yeelay qalbigooda ayaa sidaa u indha la', aakhirana indhoole ayaay ahaan doonaan.
Waxaa kale oo ay qabaan qaar jabhad ah, sida reer Cuthaymiin iyo kuwa fallaagada ah sida Sifir al-xawaali iyo Salmaan al-coodah oo Ikhwaan iyo wahhaabiyo isku daran ah, waxaana ugu afdheer midka loo yaqaan (Sifr al-Xawaali) sifir allaha ka dhigee!
Waa ninka ku andacooday in aan ibn Xajar iyo Nawawi iyo Gazaali aanay ahlusunno ahayn, ee ku magacaabay kooxdiisa fallaagada ah ee jabhadka ah ee Ingiriiska xafiiska ku leh (ahlu sunno!!) cajaa'ib, adduunow xaalkaa ba'
Waxaa kale oo wahhaabiyadu culumo ka dhigataa mid la yiraahdo al-Baani oo asiguna lunsan, oo hadda baqtiyay, oo xadiiska nabiga dhibaato badan u gaystay. asalkiisu wuxuu ahaa nin saacadaha hagaajiya, wuxuu ka soo haajiray al-baaniya dalka loo yaqaan, kolkaas buu dimishiq degay, kadibna dhowr kitaab buu akhriyay, kadibna muxadis ayuu isku sheegay, kutub badan buu qoray oo uu dhammaantood ka soo koobiyay kutubta xadiiska waxaa u fidshay mid saaxiibkiis ahaa oo maktabad ku lahaa suuriya, kadibna lacagtii bay ku dagaaleen labadoodu.
Wax kale oo culumo ah malaha kooxdan, ayaga oo xaalkoodu sidaa yahay ayay doonayaan in ay Muslimiinta oo dhan madaxa ka qabsadaan, ayaga oo adeegsanaya lacagta batroolka sacuudiga. Sikastaba ha ahaatee, lacagi cilmi noqon mayso, aqoonna noqonmayso caqiidana noqon mayso.
Taariikhdana been lagama sheegi karo, oo kutubtii muslimiinta ayaa taalla maanta, dhammaan kutubtaas waxay si fiican u qortay culuumta islaamka jaadkasta ha ahaatee. Wahhaabiyadu waxay fursad ka dhigatay jaahilnimada haysata muslimiinta maanta, laakiin haddii muslimiintu wax baranlahaayeen dhibkaas oo dhan ma dhaceen, oo xaqeeqada wahhaabiyada ayay arki lahaayeen.
Wahhaabiyadu ma kuffaar baa?
Wahhaabiyadu dad badan bay ka koobantahay, qaar badan oo ka mid ah lama socdaan xaalka kooxdaas ee way iska daba socdaan oo waxaa lagu khalday magacayada sida (ahlu sunno, ikhwaan, muwaxidiin, salafiyo) iwm oo kooxdaasi isku magacowdo, sidaa darteed wahhaabiyada xukunkeedu waa sidi xukunka Muctazilada, muctasilada culumadu way kufriyeen, laakiin waxay kufrinta uga jeedaan qofkii aaminsan arkaanta muctasilada ee shanta ah ee macruufka ah. Wahhaabiyaduna waa sidoo kale qofkii aaminsan arkaanta wahhaabiyada waa kaafir, arkaantooduna waa:
1. In ay u arkaan gaalo muslimiinta oo dhan inta aan wahhaabiyo ahayn, ayaga oo isku magacaabaya (Muwaxidiin ama Ikhwaan ama Salafiyo ama Ahlusunno) inta kale ee muslimiinta ahna waxay ku magacaabaan (ahlu dacwo) oo ay kawadaan in ay yihiin dad gaalo ah oo loo baahanyahay in dacwada Islaamka loogu yeero.
2. Towxiidka oo loo qaybsho saddex sida Nasaaradu yeelayaan, oo ay ku magacaabeen (Uluuhiyo, Rubuubiyo iyo Asmaa wassifaat).
3. Cayda nabiga nnk, ayaga oo aaminsan in aanan nabigu qiime wayn lahayn oo uu ahaa sidi nin boostaale ah oo uu diinka ka keenay xag alle, kadibna uu dhintay, dabadeedna uusan qiimo lahayn.
4. In Ilaahay Cirka kursi wayn kula fadhiyo meesha ku aaddan kacbada dusheeda, oo uu habeenkii soo degayo.
5. In Carshigu Azali yahay oo uu sidi Ilaahay qadiim yahay, sida uu sheegay Ibn Taymiya oo sheekhoodii waynaa ah, qofkii sidaa aaminsan, culumadu waxay isku raaceen in uu mushrik cad yahay.
6. In ay quraanka beensheen, ayaga oo yiri Naartu way dhammaanaysaa, kolka la cadaabo gaalada, taasina waxay sicad u burrinaysaa kitaabka kariimka ah oo caddeeyay in gaaladu naarta ku waari doonto waligood, mu'miniintuna jannada ku waari doonaan walidood.
7. In saaxiib la yihiin Yahuudda iyo Maraykanka oo ay had iyo jeer dhagar u dhigayaan muslimiinta, taasna waxaa caddeeyay oo si cad looga ogaan karaa kutubta ay taariikhdoodu ku qorantahay ee caddaynaya in ay asalka wahhaabiyadu ahaa koox ay taageereen reergalbeedku si loogu jebsho khilaafada islaamka. Ilaa iyo maantana saaxiib ayay la yihiin maraykanka oo ayaga ayaa u samaynaya fidnooyinka uu Maraykanku ka dhigtay dhabbaqo si uu ugu duulo caalamka islaamka.
Waxyaabahaa ayaa ugu waawayn, caqiidada wahhaabiyada, hadaba ninkii waxyaabahaas aaminsan ee og in wahhaabiyadu sidaa tahay ee wali u danaaninaya oo taageeraya waa gaal dhiiggiisu waa mubaax, salaadna laguma daba tukan karo, xoolihii uu gowracana waa xaaraan, gabdhaha muslimkana ma geeyo, qabuuraha islaamkana lagu duugi maayo, laguna tukan maayo haddii uu dhinto, dhaxlina maayo muslimiinta.
Ninkii Jaahil ka ah Usuusha wahhaabiyada..
Sikastaba ha ahaatee, maanta jaahilnimo laysugu cudurdaari maayo, maxaa yeelay kutubtii iyo qoraalladii oo badan ayaa meel kasta yaalla, aqoontiina way korortay, idaacadaha iyo telefishinada ayaana maalin kasta culuumta laga akhriyaa, internetka sidoo kale wuxuu noqday qalab aad u muhiim ah oo waxbarashada door fiican ka qaatay, intaa oo dhan oo taalla qofkii jaahil baan ka ahaa yiraahda loo cudurdaari maayo, sidaa darteed ninkii raaca wahhaabiyada caqiidadeeda ee ku adkaysta waa kaafir Islaamkana meelna kama soo galo.
Kutubta wahhaabiyada
Waxaan horey uga dignay kooxda wahhaabiyada, waxaana sidoo kale inagu waajib ah in aan kutubtooda ka digno, siiba midda ay u turjumeen Soomaaliga, maxaa yeelay, maadaama aan soomaali ahay, aniga waxaa i khuseeya soomaalida marka hore, muslimiinta kale waxay leeyihiin culumo u digtay oo wahhaabiyada hor istaagtay, soomaalidu culumo badan ma lahayn kolkii wahhaabiyadu timid, markaas bay si sahlan afka ugu ridatay wahhaabiyadu bulshadii soomaalida.
Hadaba maanta Soomaali waxay yeelatay culumo oo sidii hore maaha, culumo jaamicado ka soo qaadatay derejooyin sarsare ayay soomaaldii yeelatahay, waxay yeelatay culumo aanan diinkeeda riyaalaad macduud ah ku iibinayn sida ay yeelayaan wadaaddada wahaabiyada u dabadhaqa, ee ka luflufta sacuudiga iyo meelaha kale ee ay lacagta batroolka ka qaybshaan, kuwaasi waa kuwa uu eebbe ku sheegay suuradda al-Baqara ee aayadihiisa ku iibsaday daraahim macduud ah, Ilaahay ayaa xisabin doona kuwaas.
Hadaba waxaa annaga inagu waajib ah in aan ka digno fasahaadda kooxda wahhaabiyada iyo caqiidadeeda lunsan ee maasooniyada ah, Ilaahay baa og in aanan ku qaadan howshan hal doollaar, ee liwajhillaahi iyo mas'uuliyadda Islaamku i farayo awgeed ayaan u falaynaa.
Sidaa darteed, maadaama aanay soomaalidu dad waxyaqaanna oo badan lahayn waagii hore, qaar dhuuni qaatayaal ah oo calooshood u shaqaystayaal ah ayaa waxay turjumeen buug ay afsoomaali khalad ah oo afsuuq ah ku turjumeen, buugtaas waxaa qoray qaarkood niman aan ahayn kuwa dusha uga qoran.
Tusaale ahaan, kitaabka (Towxiidka) ee ay turjumeen dhuuniqaatayaashu ee afsoomaaliga ku qoran, waxaa qoray (Maxamad bin Cabdilwahhaab) oo ah ninkii keenay diinta wahhaabiyada. Laakiin bal akhristow fiiri waxa kitaabka dusha looga qoray, hadalkayga haddii aad been u malaynayso fiiri waxa kitaabka dushiisa ku qoran, webkan ayuu ku jiraa ee halkan riix ee akhri waxa ku qoran korkiisa (waxaa lagu qoray: Maxamad al-Qasaali)!
Maxamad al-qasaali yuu yahay?
Waa Imaam Abu Xaamid Maxamad al-Qasaali, ninkii qoray kitaabkii caanka ahaa ee (Ixyaa Culuum ad-Diin) iyo kutub kale oo badan ee dhintay qarnigii toddobaad ee hijriga bartamihiisii! Ninkaas soomaalidu aad bay u ixtiraamtaa, maxaa yeelay waa shaafici ashcari ah oo ahlusunno ah kutubtiisa dalkeenna aad baa looga akhristaa, marka wahhaabiyadu si ay soomaalida u khaladdo ayay magaciisa ku qoreen kitaabkaas.
Maxaa yeelay waxay ogyihiin in haddii ay ku qoraan (Maxamad bin Cabdilwahhaab al-Najidi) aanan cidna akhrinayn, oo xaalkooda la ogaanayo, in ay yihiin dadkii ka yimid dhulkii uu ka yimid (Musaylama al-Kaddaab) oo maxamad bin cabdulwahhaab uu nabinimo sheegan jiray.
|
Tarjamada Macnaha Quraanka kariimka ah!
Intaas kaliya maahee, kutub kale oo badan ayaa la turjumay oo uu ka mid yahay kitaabka Quraanka kariimka ah, fasahaadda kooxdan waxay gaartay ilaa heer ay ku tacadiyaan kitaabkii Ilaahay ee loo soo dejiyay khalqiga oo dhan. Kitaabka ay turjumeen ee ay ku magacaabeen Tarjamada Quraanka iyo Macnihiisa baal kasta oo aad furto waxaad ku arkaysaa khalad, ama ha ahaado khalad manhaji ah ama khalad macnawi ah, ama mid luqadda ah ama mid caqiidada ah, ama mid ay ka boodeen oo ay kaba tageen iyo qaar kale oo tekniko ah, taasna waxay kuu caddaynaysaa in aanan dadka turjumay ahayn dad cilmibaarista wax ka yaqaan. Halkan riix si aad u aragto tusaale ku saabsan khaladadka ku soo arooray kitaabka tarjamada macnaha Quraanka. Maxaa badiil ah oo aan haynaa..? Qaar dhallinyarada ka mid ah ayaa i waydiiyay, ayaga oo leh, waxaad tiri: yaan la akhrin kutubta wahhaabiyada! hadaba maxaan akhrisanaa? Waxaan ugu jawaabayaa, kutubta wahhaabiyada sababta aan u dhahnay yaan la akhrin waa sabab sharci ah ee maaha macnuhu in aan jecelahay ama aanan jeclayn! arrintu waa arrin diini ah, waa caqiido, waa Islaam iyo Islaam la'aan, sidaa darteed ninkii kutubtooda akhrista ee ictiqaada waxa ay ictiqaadsanyihiin waa gaal asiga ayaana iska mas'uul ah, jaahilnimana loogu cudurdaari maayo. Midda kale, yaayiri kutub kale oo la akhristo ma taallo, haddii aadan carabiga aqoon, aniga isoo waydii kitaabkii aad doonto aniga ayaa kuu turjumaya ama mas'aladii aad doonto aniga ayaa kuu turjumaya, aniga oo aan shilin ku waydiisan, liwajhillaahi ayaan sidaa u yeelayaa. Intaa waxaa dheer in aan qoraallo badan halkan ku qornay, oo qofkii akhrista uu aad uga dheefsanayo, uuna arkayo iftiinka iyo ilayska aqoonta iyo cilmiga, dad badan ayaana ka dheefsaday al-xamdu lilaahi, oo aad wax uga faa'iidaystay webkan iyo qoraallada aan soo gelshay iyo fatwooyinka. Haddii Ilaahay idmo, waxaan soo gelin doonaa dhawaan kitaab koobaya waxyaabaha daruuriga ah ee qofku uga baahanyahay diintiisa Caqiido iyo Fiqh iyo Akhlaaq iwm oo afsoomaali ah. Intii carabiga taqaan waxay akhrisan karaan kutubta culumadeenni qoreen siiba: Nasb arraayah oo uu qoray al-Xaafiz Cabdullaahi Zaylici. Tabyiin al-Xaqaaiq oo uu qoray Imaam Cumar zaylici. Izhaar al-caqiidah as-sunniyah oo uu qoray al-callaamah sheekh cabdullaahi al-harari. Waxaa kale ee aan soo habeeyay oo aan webkan soo geliyay (Alif waxmaleh) duruustii loo yaqiin ee ahaa sagaal dersi oo loo billaabo carruurta oo loo akhriyo si ay quraanka u xafidaan, taas oo uu habeeyay imaamkii caanka ahaa (Yuusuf al-Kownayn). Soomaalidu waxay leedahay xadaarad dheer iyo culumo badan, waxaa la soo gaaray waqtigii aan xadaaraddeenii iyo culumadeennii dib ugu laaban lahayn, waxa dalkeennu la baaba'ay waa wahhaabiyadaas aan daba ordayno iyo kufrigeeda iyo shirkigeeda. Culumadeennu yay tahay..? Qaar baa waxay i waydiiyeen culumadiinnu yahay tahay, jawaabtaydu waa midda kor ku xusan: 1. Quraanka sida loo baro dadka waxaan ka qaadanaynaa (Sheekh Yuusuf al-Kownayn) dariiqadiisii oo aan soo habeeyay oo hadda webkan ku jirta la soo deg halkan riixe 2. Caqiidada waxaan ka baranaynaa kitaabka uu qoray al-Callaamah Sheekh Cabdullaahi al-Harari oo ah culumadii reer Harar ee dhulka Soomaaliya oo aan anigu soo gaabshay oo mukhtasar ka dhigay ee halkan riix si aad ula soo degto. 3. Xadiiska waxaan ka baranaynaa kitaabka uu qoray al-Xaafiz Sheekh Cabdullaahi az-Zaylici ee cinwaankiisu yahay (Nasb ar-raayah fi takhriij axaadiis al-hidaayah), sheekh cabdullaahi az-zaylici haddii aadan aqoonin waa sheekhii axmad ibn xajar. 4. Fiqhiga waxaan ka qaadanaynaa al-Imaam Cumar az-Zaylici, kitaabkiisa waxaa la yiraahdaa (Tabyiin al-xaqaa'iq) waa siddeed mujallad oo waawayn. Imaam cumar waa sheekhii xaafiz az-zaylici, wuxuu noolaa 700 oo sano ka hor. Intaa kadib waxaa inoo sii dheer kutubta ay qoreen culumada ahlusunnada ciddii ay doonaan ha ahaadeene, maxaa yeelay cilmiga meeshii aad doonto ayaad ka akhrisan kartaa mar haddii uu kuu billaabanyahay, laakiin billowga waa in aad ka qaadato qof aad taqaan oo aad ku kalsoon tahay. Hadaba culumadeennu waa taas haddii aan soomaali nahay, kutubtaasi waa kutub waawayn oo aanan ciddii la arko akhrin karin, laakiin waan soo gaabinaynaa, oo waan soo turjumi karnaa haddii la helo niyad saadiq ah iyo ikhlaas iyo daacadnimo. Cid ina taageerta oo dacwada inagu taageersan ma jirtaa..? Al-Xamdu lillaahi, muslimiinta soomaalida ah oo dhan meel kasta ha joogeene, ayaa maalin kasta tahniyad iyo bogaadin inoo soo dira, oo inooga mahadcelsha sida wanaagsan ee aan shaaca uga qaadnay fasahaadda kooxaha lunsan, una caddaynay dariiqa toosan ee shareecada Islaamka iyo sida sahlan ee aan u xasuusinnay culumadii soomaalida una soo noolaynay kutubtoodii iyo cilmigoodii. Intaa waxaan ahayn, Ilaah baa markhaati ka ah, innagu Maraykan iyo Ingiriis uma shaqayno sida wahhaabiyada iyo Ikhwaanka maasooniyada caalamiga ah u shaqeeya, xarako baadini ahna maahin oo hadalkeennu waa cadyahay, waxaan dadka ugu yeeraynaa caqiidadii ahlusunnada ee xaqa ahayd ee muslimiinta oo dhan ay haystaan. Asaxaabteennu waxay joogaan meelo badan oo caalamka ka mid ah, Soomaaliya ka soo billow, ee ku imaw Australia iyo Yurub iyo Maraykanka iyo Kanada dhammaan bogaadin ayaa nalakaga soo diray, walina ma arag wax xumaan ina dhahay, Ilaah mahaddiis. Khibraddiinna iyo Cilmigiinnu muxuu yahay? yaase idin tazkiyeeyay? Qaar ayaa ina waydiiyay, khibraddeenna aan dacwada u leenahay iyo aqoonteenna iyo cidda ina tazkiyaysay!! Waxaan leeyahay, khibrad dheer oo inagu filan ayaan leenahay Ilaah mahaddiis, dacwada Islaamka waxaan ka qoray cilmi baaris aad u badan oo afcarabi iyo ingiriis iyo soomaali intaba aan ku qoray oo aan jaamicado ka jeedshay muxaadarooyin. Sidoo kale 20 sano ayaan ku jiray howshan 5 sano oo aan macallin ka ahaa soomaaliya iyo 15 sano oo aan jaamicadaha south east asia wax ka dhigayay iyo hadda oo aan dacwada ka wado Australia, mar intaa oo dhan waxaan wadnay howsha dacwada Islaamka waxaanna dhigayay Islaamka iyo wixii la xiriira. Xagga waxbarashada iyo takhasuska waxaan u malaynayaa in dadka badankiisu i maqleen, qofkii aan i maqalna wuxuu si sahlan u ogaan karaa taariikhdayda haddii uu isoowaydiiyo, si gaaban waxaan u leeyahay anigu waxaan (Diploma iyo Bejolar ka soo qaatay Jordan), Mastar iyo PhD Islamic Studies ahna waxaan ka qaatay National University of Malaysia, asalkayguna waxaan ka soo baxay Sheekh Suufi iyo Mac-had al-mucallimiin - Soomaaliya, marka Ilaah mahaddiis, xoogoo ayaa inoo billaaban, haddana cilmiga waan raacanaa wali. Dhinaca tazkiyada, horta sideeduba cilmigu tazkiyo maaha, laakiin tazkiyo waxaa laga wadaa xagga akhlaaqda, waxaana ina tazkiyeeyay macalimiintii wax ina bartay oo shahaadooyinkaas sare ina siisay, waxaanna nahay xaal mastuur, cidna ma xadin, cidna ma xoogin, qof wanaag mooyee xumaan inagu sheegaysana ma maqal, Ilaah mahaddiis. Maxaad Internetka uun u adeegsataan maad dadka u timaadaan..? Qaar baa waxay i waydiiyeen, maxaad inoogu imaan waysay, waadiga internetka uun wax inoogu soo qorayee! waxaan leeyahay: walaalayaal, anigu sida wahhaabiyada ma haysto lacag farabadan, dowladina ima taageerto, ee waxaan ahay, wadaad faqiir ah, oo asalkiisuna qoys faqiir ah ka dhashay, waan xamaashaa, waqti aan dunida ku dawaafo iyo xoolo aan diyaarado ku fuulo ma haysto, laakiin haddii Ilaahay idmo, oo aan awoodo, waxba kama qabo in aan idin soo booqdo, oo aan meelaha aad joogtaan idinkugu imaado. Sikastaba ha ahaatee, waxaan ku xiriiri karnaa internetka oo ah aalad aad u qiima badan oo aad looga faa'iidaystay maanta, dacwadana aad munaasab ugu ah, maanta wallaahi kumanyaal aanan waligood ila kulmin ayaa iga yaqaan internetka dhexdiisa oo aan xataa walaalkood uga sokeeyaa. Muhiim waxaa ah in layskaashado sidii aan u badbaadin lahayn dadkeenna iyo dalkeenna iyo diinteenna, intaa ayaan maanta ku soo gabagabaynaynaa qoraalkeennii, wa billaahi at-towfiiq wal hidaayah wassalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuh.
|
Copyright 1998 - All rights reserved. |
|
|
|
|
|
|