W.Q: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed Labagarre
Sydney, Australia
Wahhaabiyada Soomaalida oo xisbi Siyaasi ah u xuubsiibatay!
Wahhaabiyada soomaalidu waxay maalmahan dambe wadday xusulduub xoog leh oo ay ugu jiraan sidii ay u aasaasi lahaayeen xisbi cusub oo siyaasi ah oo ay ku magacaabeen "Xisbiga badbaadada Qaranka".
Xisbigaas waxaa la aasaasay kadib markii olole xoogleh uu sameeyay Itixaadku toddobaadyadii la soo dhaafay, ololahaas oo ku saabsanaa sidii loosoo shaacbixin lahaa "wanaaggii"!! uu gaystay xisbigaasi intii uu waddanka kadhashay wixii ka dambeeyay. Itxaadku ayaga oo adeegsanaya idaacadaha qaar falsafaddooda u dhuun daloola, ayay ayaamahan oo dhan buunbuuninayeen qabqablayaashooda oo uu u horreeyo Kornayl Xasan Daahir iyo qaar kale.
Sida magaca ka muuqata waxaad garan kartaa in uu yahay magac la soo xaday oo laga soo xaday "jabhadda badbaada qaranka" ama "jabhat al-inqaad al-wadanii" ee Suudaan ee uu xasan al-Turaabi aasaasay waqti hadda laga joogo toban iyo dhowr sano.
Su'aalo Jawaab u baahan!!
Hadaba su'aasha layaabka leh waxay tahay: xagee wahhaabiyadu jirtay intii uu waddanku sidan noqonayay? Maxayse tahay waxa ay badbaadinayaan? ma waddan la badbaadsho ayaa meesha yaalla? yayse ka badbaadinayaan sow ayagu maaha kuwii kharibay?
Su'aalahaas ayaa horta u baahan in laga jawaabo intii aanan la dhihin xisbi baan aasaasaynaa. Taas waxaa kasii daran, xisbigani waa siyaasi, salafiyada iyo wahhaabiyada iyo itixaadkuna waxay waa hore fatwoodeen in ay xaaraan tahay in xisbi siyaasi ah la galo, sida ay fatwoodeen wahhaabiyada soomaaliya 1988dii iyo Albaani 1989kii iyo Ibn Baaz iyo qaar kale oo badan, dhammaantood waxay ku andacoodeen waagaas in ay xaaraan tahay in la galo xisbi aan ahayn xisbiga wahhaabiyada oo ay ku magacaabeen (Islaami). Xataa kuwa qurbaha inala jooga wali waxaas bay aaminsanyihiin, oo waxay leeyihiin xisbi aan islaami ahayn (wahhaabi ayay ka wadaan ee islaamka oo dhan kama wadaan) geli mayno!!
Daliilka Cusub ee wahhaabiyada!!
Marka haddii xaalkoodu sidaa yahay, waxaa layaab leh, daliilka cusub ee ay hadda la soo baxeen ee u banneeyay in la galo xisbi aan wahhaabi ahayn. Waa wax lala yaabo! sikastaba ha ahaatee, waxaan halkaas ka fahmaynaa in Itixaadka soomaaliya uu u xuubsiibtay Ikhwaanka, maxaa yeelay sida aan ognahay Ikhwaanka ayaa falsafadda Siyaasadda aaminsan oo aan caqiido iyo diin kale lahayn, marka awelba Itixaadku waxay ahaayeen askar iyo xubnihii xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed, marka la yaab malaha in ay caqiidadooda bedelaan dhowrkii sanaba mar, waxayba ka dhaxleen wahhaabiyada wayn ee sacuudiga oo markii hore isku magacawday Muwaxidiin, kadibna Ikhwaan, kadibna Salafiyo, kadibna Ahlusunno, kadibna waxay u qaybsameen laba jabhadood, koox taageersan dowladda sacuudiga oo munaafiqiin ah oo isku magacaaba "al-firqah al-naajiyah" iyo koox qaadatay afkaartii Ikhwaanka qaar ka mid ah oo lagu magacaabo "wahhaabiga Jihaadiga ah" ama "al-qaacida" oo ingiriiska xafiis ku leh joornaalna ka soo saara. Laakiin labada kooxoodba waxay isku raacsanyihiin in ay u arkaan muslimiinta intii aan ayaga ahayn in ay gaalo yihiin.
Wahhaabiyada Soomaalida xaalkeedu waa dameeri dhaan raacday!
Wahhaabiyada soomaalida ayaa ayaguna ku raad jooga wahhaabiyada sacuudiga, maxaa yeelay halkaas ayay ka qalindaartaan, oo dabadhilif bay u yihiin, oo ayaga ayaa fuliya mashaariicdooda, maxaa yeelay riyaal ayay ku iibsadeen diinkoodii iyo caqiidadoodii, waxaana arrinkaa caddaynaya magaca cusub ee ay la baxeen wahhaabiyada Muqdisho "Xisbiga badbaadada qaranka" oo ah mid laga soo baawsaday kooxdii xasan al-turaabi, oo ahayd Ikhwaan cabay figradaha wahhaabiyada qaarkood, marka sida wahhaabiyada sacuudigu u cabtay figradihii ikhwaanka masar qaar ka mid ah, ayaa Ikhwaanka suudaan u cabeen figradihii wahhaabiyada sacuudiga qaar ka mid ah, wahhaabiyada soomaaliyana sidoo kale waxay cabeen figradihii ikhwaanka suudaan qaar ka mid ah.
Marka sida kuu muuqata kooxahaas fallaagada ahi way isu xuubsiibanayaan, maxaa yeelay waxaa ka dhaxeeya falsafad habowsan oo aasaas ay u yihiin laba arrimood.
1. Xukun jacaylka Ikhwaanka.
2. Iyo Caqiidada habowsan ee wahhaabiyada.
Labadaa qodob ayaa aasaas u ah kooxahaas, markaas bay isu xuubsiibtaan, oo akhwaanku marmar qaataa caqiidada wahhaabiyada, marmarna wahhaabiyada ayaa qaadata xukun jacaylka Ikhwaanka.
Waxaanna wada ognahay in labadaa kooxood ay aasaaseen Ingiriiska iyo Maraykanka, Wahhaabiyada waxaa aasaasay Ingiriiska, Ikhwaankana waxaa aasaasay Maraykanka iyo Maasooniyada caalamiga ah, kolka dadkaa qofkii aan xaalkooda ogayn waa in uu ka feejignaado.