| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Axad, January 20, 2002

Ibn Taymiyah
Horey waxaan uga hadalnay, in Maxamad Bin Cabdilwahhab mad-habtiisa wahhabiyada ka qaatay Ibn Taymiyah wadaad loo yaqiin oo ka mid ah wadaaddada maanta fikirkoodii muslimiinta aad u saameeyay, marka inta aanan fikirkii Ibn Taymiyah, iyo sababaha keenay in uu maanta sidan qaabka xun ugu saameeyo muslimiinta ka hadlin, waxaa marka hore inala quman in aan akhristaha figrad guud ka siinno nolosha iyo taariikhda Ibn Taymiya.

Magaca Ibn Taymiya
Magaciisa waxaa la yiraahdaa: Taqiyuddin Abul Cabbaas Axmad bin Cabdilxaliim Ibn Taymiyah al-Xarraani, wuxuu ku dhashay magaalo yar oo dadka deggan kirishtaan iyo yahuud u badnaayeen oo Ciraaq ku taalla lana yiraahdo Xarraan sanadku markuu ahaa 1263kii Miilaadiga ama 661kii Hijriyada, halkaas ayuu ku soo koray, kolkii uu qaangaaray ayuu u qaxay Suuriya kadib markii ciidamadii Maquulku soo weerareen Ciraaq oo qabsadeen Baqdaad. Ibn Taymiyah, Dimishiq ayuu culuumta Islaamka ku bartay, wuxuu aad u bartay xadiiska, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ninka muslimiinta oo dhan ugu aqoon badan kolka xadiiska laga hadlayo.

Ibn Taymiyah waxaa kale ee uu bartay culuum kale oo jaadad kaladuwan leh, sida caqiidada, falsafadda, tafsiirka, laakiin labada mowduuc oo uu aad u dersay waa xaddiiska iyo caqiidada, falsafadda wax badan kama baran, laakiin xoogoo buu ka akhristay, wuxuu sidoo kale xoogoo ka bartay cilmul-kalaamka iyo tasawufka.

Intaa kabacdi Ibn Taymiyah wuxuu si fiican u akhriyay fiqhiga Xambaliyada, kadibna wuxuu billaabay in uu wax ka dhigo iskuullada Dimishiq iyo masaajiddeeda, hase ahaatee waxay foodda isdareen culumadii waagaas madaxda ka ahayd caalamka Islaamka oo kala joogay Dimishiq iyo Qaahira.

Khilaafka Ibn Taymiya iyo Culumadii Casrigiisa
Ibn Taymiya markii ugu horreysay ee khilaaf dhexmaro asiga iyo culumadii Dimishiq, waxay ahayd kadib kolkii uu ka dooday xukun lagu qaaday nin kirishtaan ahaa, kaas oo ugu muuqday Ibn Taymiyah mid aanan gar ahayn.

Intaa waxaa la jirtay ayada oo Ibn Taymiya uu waligiisba dadka bari jiray uguna yeeri jiray madhabta caqiidada ee ay raacsanaayeen koox xambaliyo ah oo reer ciraaq ah oo aad asalraac u ahaa kana dambaysay kooxihii mujasimada.

Kutubtiisa siiba (Fataawaa ibn Taymiyah) kuwa loo yaqaan, oo ah kutub badan oo wahhaabiyadu ku soo aruurisay wararkii iyo figradihii wadaadkaas, wuxuu ku falaanqeeyay dhammaan kooxaha iyo madaahibta caqiidada ee caalamka Islaamka ka jiray wixii asiga ka horreeyay.

Kitaabkiisa (Minhaaj as-sunnah) ayuu aad ugu dersay madaahibtaas, wuxuuna ka doortay mad-habtii "Karaamiyada", taas oo ahayd mad-hab ka soo horjeedday tii Muctasilada waagii uu noolaa Axmad Bin Xambal.

Dib ayaan ka faahfaahin doonnaa mad-habta Karaamiyada, laakiin guud ahaan waxay aaminsanaayeen waxyaabaha hadda Wahhaabiyadu aaminsantahay oo ay ka mid yihiin in Ilaahay Carshiga dushiisa ku suganyahay shakhsi ahaan, waxayna ahaayeen kooxo badan Karaamiyadu oo gaaraya ilaa 12 kooxood oo uu ku sheegay Shuhristaani kitaabkiisa "al-Milal wan-nixal"

Karaamiyadu waxay ka mid ahaayeen koox loo yaqaan "Sifaatiyo" oo sifooyinka Ilaahay dadka ku dhegganaa ahaa, had iyo jeerna ku andacooda in sifooyinka Eebbe ay yihiin kuwa sida loogu dhawaaqayo u sugan, waxaana kooxdan madax u ahaa Ibn Xambal iyo Ibn Kulaab iyo Ibn Karaam iyo qaar kale oo badan oo mujasimada ka mid ahaa.

Ibn Taymiya mad-habtan ayuu la dhacay, ayada ayuuna ka doortay madaahibtii caqiidada ee uu dersay, wuxuuna billaabay in uu ku fidsho Dimishiq una sharxo ardaydii uu wax u dhigayay taasina waxay keentay in ay madaxa isla galaan wadaadadii Ashcariyada ee waagaa haystay madaxnimada diinta Islaamka.

Suuriya iyo Masar labadaba waxaa joogay guddiyo ay dowladdii waagaa halkaa ka jirtay dhistay, kuwaas oo ka koobnaa wadaaddo fuqaho ah oo ka kooban afarta mad-habadood (Xanafiyada, Maalikiyada, Shaaficiyada iyo Xambaliyada), dhinaca caqiidadana waxaa la raacsanaa oo rasmi ahaa caqiidada Ashcariyada ee Ilaa iyo maanta caalamka Islaamka badankiisa ah caqiidada rasmiga ah.

Ibn Taymiya 1306dii Miilaadiga ayaa guddiga culumada Dimishiq u yeereen, lagana codsaday in uu caddeeyo caqiidadiisa, kadib markii ay dhegaysteen wixii uu ku hadlay ayay Masar u direen, dabadeedna guddi kale ayaa loo saaray, oo dhegaystay wixii uu ku andacoonaayay, dabadeedna xabsi ayaa lagu xukumay muddo sanad iyo lix bilood ah.

Kolkii uu xabsiga ka soo baxay dhowr bilood ayaa mar labaad la xiray kadib markii uu khilaaf dhexmaray asiga iyo kooxo Suufiyo ah. Ibn Taymiyah sanadihii ugu dambeeyay noloshiisa wuxuu maamule ka ahaa dugsi ku yaalla Suuriya, halkaas ayuuna mad-habtiisa ku fidshay, waxaana ardaydiisa ugu caansanaa "Ibn Qayim", hase ahaatee, Ibn Taymiyah wuxuu ku dhintay xabsiga kadib markii Masar lagu xiray sanadkii 1326kii Miilaadiga, sababta xabsiga loogu celshay waxay ahayd asiga oo diiday in uu ka haro waxyaabihii bidcada ahaa ee uu weday ee looga digay in uu dadka la dhexmaro, kuwaas oo ahaa mad-habtiisa tajsiimka ah ee ka soo horjeedday caqiidadii ah-lu sunnada iyo Jamaacada.

Xiriirka ka dhexeeya mad-habta Ibn Taymiya iyo Taariikhda Muslimiinta
Si aan u fahamno Taariikhda wadaadkan iyo mad-habtiisa, waxaa inala gudboon in aan gadaal u raadraacno taariikhda muslimiinta iyo madaahibta noocan ah ee ka soo baxay caalamka Islaamka iyo sababihii keenay ee ama siyaasiga ahaa ama dhaqaalaha ahaa ama Ijtimaaciga ahaa.

Kolka haddii aan dib ugu laabanno taariikhda muslimiinta waxaan arkaynaa in Nabi Muxamad NNK uu ahaa nin Carab ah, ciidankiisa iyo Asaxaabtiisuna ay Carab ayaaheen kolka laga reebo dhowr nin oo caan ahaa sida Bilaal iyo Salmaan al-faarisi, taas macnaheedu waa in Islaamku ahaa diin Carbeed oo carab ku soo degay in kasta oo si cad loogu sheegay Kitaabka in diinku ummadaha oo dhan u soo degay, taasina waxay keentay in carabi is lahaysiiso diinta sida maantaba aan ka garanayno dadyawga carbeed.

Kolkii muslimiintu qabsadeen dowladdii Furus (Iiraan), diinta islaamka waxaa soo galay dad badan oo reer faaris ah oo aad wax u yaqiin ilbaxna ahaa, wax yar kadibna ayaga ayaa maamulkii dowladdii Islaamka la wareegay, kadib markii ay dhammaatay dowladdii khilaafada iyo tii Ummawiyiinta oo labaduba ahaa dowlado Carbeed.

Dowladihii Khilaafada iyo tii Umawiyiinta maamulka waxaa ku loollami jiray qabaa'ilka Carabta, kolkii ay dowladahaasi dheceen, waxaa billowday loollan kale oo ah xagg siyaasadeed iyo xag ijtimaaci iyo dhaqaale intaba, oo ay isaga soo horjeesteen Carabta iyo Muslimiinta intooda kale oo kolkaa ku wada jiray xukunkii dowladdii Islaamka, loolankii hore ee qabaa'ilka carabtu wuxuu ku salaysnaa, sida loo kala gobsanyahay iyo sida loo kala badan yahay qabiil ahaan, tusaale ahaan (quraysh, reer banii haashim, Muhaajiriin , ansaar, reer banii umaya iwm), laakiin loollanka hadda billowday wuu ka duwan yahay kaas, wuxuuna ku salaysan yahay Carabta oo Caqiidada, Dhaqanka iyo Gobanimada aasaas ka dhigatay iyo Muslimiinta ajaanibta ah oo (Fikirka iyo Siyaasadda iyo aqoonta diinta inteeda kale iyo cilmi kaleba, iyo waliba dhaqamadoodii hore, aasaas ka dhigtay), halkaasna waxaa ka billowday towrado fikri iyo ijtimaaci intaba leh, waxaana ugu muhiimsanaa dhinaca carabta kuwan:

Towraddii Axmad Bin Xambal
(Towraddan waxaa looga horjeeday towraddii shucuubiyada faarisiyiinta)
Kolkii la dilay al-ammiin, oo hooyadiis carabiyad ahayd, xukunkiina uu la wareegay al-ma'muun oo hooyadiis cajam ahayd, xukunkiina gacanta u galay Ma'muun abtiyaalkiis, ayaa carabtu waxay galeen derejada labaad, derejada 1aadna waxaa galay faarisiyiinta, taasina waxay dhalisay towraddii carabta ee uu hoggaaminayay Axmad Bin Xambal, si uu u soo celsho jagadii carabtu ku lahayd mujtamaca Islaamka dhexdiisa.

Badanaaba wadaaddadu towradda Axmad waxay ku tilmaamaan in ay ahayd mid diimeed, laakiin run ahaantii waxay ahayd towrad ijtimaaci ah oo hugan dhar diimeed, maxaa yeelay al-Ma'muun abtiyaalkiis oo ahaa culumadii cajamta asalkoodu ahaa, waxay caqiido ka dhigteen mad-habtii muctasilada, Axmad iyo dhammaan fuqahada carabta waxay billaabeen towrad cusub oo loo baxshay (Sifaatiyo), taas oo asalkeedu ahaa in Nabi Muxamad xadiiskiisii mooyee iyo Quraanka inta kale la iska dhaafo, macnaha in loo laabto diintii Carabta ee asliga ahayd, maxaa yeelay carabtu xadaarad kale malahayn ee waxaa ugu horreeyay xadaarad iyo fikir qoran (Quraanka) iyo (Xaddiiska oo waliba markaas aanan la wada qorin.

Axmad towraddiisii kolkii ay hirgashay oo xukunkii carabtu la wareegtay, waxaa cirka isku shareeray figradihii ay carabtu dhaqan ahaan u haysan jirtay oo islaamka lagu lifaaqay, kuwaas oo u badnaa figrado "tajsiim ah" oo mufasiriintu horey u faafsheen sida "muqaatil bin sulaymaan" kitaabkiisa tafsiirka ah ugu caddeeyay, figradahaas badankoodu waxay ahaayeen kuwo salka ku haya caadooyinkii carabta, sida aan ognahayna carabtu dhagaxyo ahay caabudi jireen, taasina waxay keentay in ay soo baxdo, mad-hab caqiido oo cusub oo ay wadeen kooxdii Axmad horjoogaha u ahaa, mad-habtaasina waxay ahayd isku-lifaaq dhaqan Carbeed caqiido iyo figrado diinta Islaamka ah ku yimid.

Mad-habta Karaamiyada
Cabdullaahi Bin Maxamad Bin Karaam oo ahaa nin ka mid ah wadaaddadii firfircoonaa ayaa ka mid ahaa raggii la soo baxay madhabta aan kor ku soo sheegnay ee ah dhaqan-caqiido-carbeed ah oo lagu shaandheeyay figrado diinta Islaamka laga qaatay, caqiidadaas oo Ilaahay u masawiraysa sidii nin wayn oo kursi samada kula fadhiya halkaasna habeenkii ka soo degaya khalqigana la soo xiriiraya oo taabanaya mararka qaarkood, sifooyinka ay siiyeenna waxay ahaayeen kuwa la mid ah kuwa uu qofka geesiga ah ku sifoobo ayada oo loo eegayo dhaqanka carabta.

Axmad Ibn Xambal towraddiisii kadib, waxaa billowday towrad kale oo ay soo qaadeen muslimiintii aanan Carabta ahayn, taasina waxay keentay in caalamka Islaamku kala furfurmo oo ay billowdaan dowlado yaryar sida dowladdii "buwayhiyiinta" ee reer iiraan iyo tii "salaajiqada" ee turkiga iyo tii "maqoolka" ee ay wadeen dad xoolo dhaqato ahaa oo ka yimid dhulka hadda muslimiinta ruushku degganyihiin.

Taasi kolka waxay keentay in ay carabtii halkaas ku wayso xukunkii mar labaad, Ibn Taymiya markii uu u qaxay Dimishiq weerar ayaa maqoolku (muslimiin ajaanib ah oo iiraan xaggeeda ka yimid) ku soo qaaday ciraaq kadibna waxay qabsadeen Suuriya.

Tawraddii Ibn Taymiyah
(Waxaa looga horjeeday weerarkii iyo towraddii qaraamidada ama maquulka)
Ibn Taymiya kolka wuxuu ahaa inan yar oo Carbeed, oo qoyskiisii u soo qaxeen Suuriya, kolka wuxuu ku dadaalay in uu ka hortago weerarkii ay maqoolku soo qaadayeen, xataa wuxuu isku deyay in uu taba baro dhallinyaradii ardayda ahaa ee uu wax u dhigayay, laakiin ma uusan lahayn awood wayn oo uu ku dagaal galo.

Ibn Taymiya towraddiisu waxay la mid ahayd tii Axmad Bin Xambal, kolkii wuu wax kale waayay, oo uu arkay in mujtamicii carbeed xukunkii ka sii lumayo, wuxuu billaabay in uu raadsho dariiq uu dib ugu soo nooleeyo dhaqankii iyo caqiidadii carabta, waxaa kale oo uu raacay dariiqii Axmad laftiisii, wuxuuna baxshay fatwo leh in ay gaalo yihiin nimanka soo weeraraya Ciraaq iyo Suuriya iyo waliba culumada la socota ee taageersan, waxaanna ognahay in ay dhammaan ahaayeen dad muslim ah laakiin waxay ahaayeen ajaanib ee ma ahayn carab!

Waa tabtii uu yeelay Axmad Bin Xambal kolkii Ma'muun xukunka qabsaday, oo uu soo dhawaystay reer abtigiis oo wattay caqiidadii muctasilada, Axmad wuxuu yiri, caqiidada muctasiladu waa bidco, islaamkana kuma jirto, halkaas ayuu ka weeraray, waana arrin la garan karo, maxaa yeelay waa dagaal siyasadeed iyo mid aydoloojiyo iyo mid ijtimaaci.

Towraddii Maxamad Ibn Cabdulwahhab
(Waxaa looga horjeeday waxa ay carabtu ku tilmaameen gumaysigii cusmaaniyada - Turkiga)
Towraddii Ibn Taymiya waxaa ku soo xigay tii uu Iba cabdulwahhaab ku qaaday dowladdii Turkiga ama Cusmaaniyada, taas oo ahayd mid muslim ah laakiin aanan carabi xoog ku lahayn, wuxuuna dagaalkiisa ka billaabay isla meeshii ay ka billaabeen Ibn Xambal iyo Ibn Taymiyah, wuxuuna raacay isla dariiqii ay raaceen.

Tiirarka ay cuskanyihiin towradahaasi
Towradahan aan soo sheegnay oo runtii aan aad u soo gaabshay, kana fogaaday xusidda taariikhaha iyo magacyada, kana booday qaar kale oo badan oo muhiim ahaa oo towrado kuwan la mid ah sameeyay, sida Daa'uud ad-daahiri iyo Ibn Xisam iyo qaar kale, waxay ku salaysnaayeen figradaha ama tiirarkan:

1.In Caqiidada Cadawga la weeraro, oo lagu tilmaamo mid aanan Islaamka usuushiisa waafaqsanayn.

2.In la gaaleeyo ama la bidceeyo dadka caqiidadaas wata oo markaas ah dadka dowladda gacanta ku haya, haddii ay doonaan muslimiin ha ahaadeene.

3.In lagu dhego dhaqanka iyo taqaaliidda Carabta ayada oo lagu gabbanayo xaddiiska Nabiga NNK.

4.In loo bandhigo muslimiinta mad-hab caqiido oo dhaqan carbeed ku lifaaqan, ayna ka dhadhemayso caqiidadii hore ee carabta ee dhagaxya caabudka ahyd sida "Tajsiimka iyo Tashbiiha iyo tash-khiiska" waxa loo yaqaan.

5.In lagu magacaabo mad-habtaas noocaas ah (salafi) ama mid "asalow" ah si loo tilmaamo asalka carbeed ee mad-habtu salka ku hayso.

5.In la diido figrad kasta oo qof soo hindisay ama caqliga aadanaha ka timid, noocii ay doonto ha ahaatee, ayada oo isla markaa lagu andacoonayo in la qaato kaliya inta kitaabka iyo sunnada ku xusan.

Haddii aad intaas fahamto, waxaa kuu caddaanaya sababta ay u fashilantay towraddii Ikhwaanka siiba tii Sayyid Qutub, iyo Sababta ay u guulaysatay Towradduu Imaam al-Mowduudi iyo Jamaacah al-Islaamiyah, iyo sidoo kale, sababta ay u guulaysatay towraddii Aayatullaahi.

Haddii aadan fahmin, sabataas, waa in towradahaas guulaystay sida tii Ibn Xambal, Ibn Taymiyah, Ibn Cabdilwahhaab, Mowduudi iyo Aayatullaahi ay ahaayeen kuwo uu ku lifaaqanyahay cunsurka qowmiyada ah ee aanan diin kaliya salka ku hayn.

Kuwa fashilmayna dhammaan waxaa ka maqnaa cunsurkaas muhiimka ah, waxayna ahaayeen towrado diimeed iyo kuwa siyaasadeed oo kaliya, kuna lifaaqnayn cunsur qowmiyadeed ama mid dhaqan. Marka middaas u fiirso.

F.G: Qoraalkan aad ayuu u gaabanyahay, waxaanna ugu talagalnay dadka aanan takhasuska u lahayn arrimaha caqiidada iyo taariikhda fikirka muslimiinta, haddaba qofkii doonaya qoraal faahfaahsan oo cilmiyaysan, ha eego kitaabkeenna aan carabiga ku qornay (at-Tadawur at-Taariikhii lil Caqiidati wal falsafati fi al-Islaam) siiba (fasalka 7, 8, 20, 21 iyo 22, bogga: 183, 190, 209, 217, 234 ilaa 242).

< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]