| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Arbaca, December 26, 2001

Caqiidada Wahhabiyada
Kooxda Wahhabiyadu waa koox isku sheegta in ay dadka ugu yeerayaan caqiidadii Islaamka ee saxda ahayd, sida sheekhoodu Maxamad Ibn Cabdulwahhab sheegtay, taas macnaheedu waa in aanay Wahhabiyadu ahayn mad-hab fiqhi ah, sida Shaaficiyada ama Maalikiyada ama Xanafiyada iyo Xambaliyada.

Mad-habka fiqhiga ah ee ay raacsanyihiin sida ay sheeganayaan waa fiqhigii xambaliyada, kolka halkaa waxaa ka cad in aanay lahayn wax fiqhi ah oo u gaar ah. Sidaa darteed waxaad arkaysaa in ay badanaa xoogga saarayaan daraasada xaddiiska oo ay isku magacaabayaan "Ahlu Sunno" waxayna ka wadaan "Ahlu Xaddiis" ee kama wadaan Ahlu sunnadii la yaqiin ee ahayd caqiidadii saxaabada iyo imaamyadii muslimiinta ee caanka ahaa ee noolaa 3dii qarni ee barakaysneed.

Caqiidada Wahhabiyada
Haddaba waa maxay caqiidada Wahhabiyadu?
Caqiidada Wahhabiyadu waxay ku salaysantahay (3)qodob oo aad ka helayso kutubtooda siiba kutubtii maxamad Bin Cabdulwahhab, saddexdaa qodob waa:
1.Towxiidka Uluuhiyada. 2.Towxiidka Rubuubiyada. 3.Towxiidka Sifooyinka Ilaahay iyo Magacyadiisa.

Saddexdaas waaye arkaanta towxiidka Wahhabiyada waxayna ka soo qaateen Ibn Taymiya saddexdaba, ee ma aha wax uu fikiray Ibn Cabdulwahhab, kolka waxaa inala gudboon in aan meesha ku soo darno Ibn Taymiya in kasta oo uusan ahayn Wahhabi, laakiin asiga ayaa wahhaabiyadu ka soo qaadatay tafsiirkan sidan loo fasirayo caqiidada.

Taas macnaheedu waa in aanuu jirin tafsiir noocan ah oo caqiidada lagu fasiro wixii ka horreeyay Ibn Taymiyah. Fadeexooyinka Ibn Taymiya iyo qaladka uu caqiidada Islaamka ka galay mar kale ayaan sharxi doonnaa, laakiin halkan waxaan doonaynaa in aan yara ku faahfaahino waxa ay wahaabiyadu uga jeedaan saddexdaas qodob ee ay ku magacaabeen asaaska towxiidka.

1.Towxiid al-Uluuhiya
Sida Ibn Cabdulwahhab ku sheegay buuggiisa "Kitaab Attowxiid" Towxiid al-Uluuhiya waxaa looga jeedaa in cibaadada loola jeesto Ilaah xaggiis oo kaliya, cibaadana wuxuu ka wadaa wax kasta oo Ilaah jecelyahay kana raalli noqonayo, halkaas marka waxaa ka dhashay mushkiladdo badan dib ayaanna ka faahfaahin doonnaa.

Waxaa kale oo Ibn Cabdulwahhab ku yiri kutubtiisa in qofkii aanan rumayn Towxiid al-Uluuhiya uusan diinta muslimka soo gelayn, xattaa haddii uu rumeeyo Towxiid Ar-Rubuubiya iyo Towxiid Al-asmaa wa sifaat. Halkaasna waxaa ka dhashay su'aasha ah maxaa u dhexeeya Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Ar-rubuubiyah? Muxuuse yahay daliilkiinnu, marka aad sidan u qaybinaysaan towxiidka? Illeen nabi Muxamad (NNK) ma uusan ina farin in saddex nooc oo towxiid ah la rumeeyee?

Towxiid Al-Uluuhiya waxaa Ibn Taymiya ku magacaabay "Towxiid Al-Cibaada", mararka qaarna wuxuu ku magacaabay "Towxiid Al-Uluuhiyah" Ibn Cabdulwahhaabna asiga ayuu ka soo baawsaday oo kutubta Ibn Taymiya iyo fataawihiisa ayuu waxaas ka akhriyay, laakiin su'aashu waxay tahay, yuu Ibn Taymiya ka soo maqlay waxan?, ma culumo asiga ka horreysay ayaa sidan u qaybisay Towxiidka? Mise nabiga (NNK) ayaa ina faray in sidan loo qaybsho? mise quraanka ayaa ina faray? mise Ibn Taymiya ayaa jeebkiisa kala soo baxay?

Ibn Taymiya wuxuu figraddan ka qaatay Kirishtaanka, ayaga ayaa sadex u qaybsha towxiidka oo yiraahda (Ruux al-qudus, Rab iyo Ibin), waana saddex wajji oo uu leeyahay towxiidkoodu, ee saddex Ilaah maaha sida badanaa caamada muslimiintu u maleeyeen.

Ibn Taymiya wuxuu kolka ka soo qaatay figraddaas sedaxlayda ah Kirishtaanka, kolkaas buu Islaamka ku dabaqay, halkaas ayaana wahhaabiyadu ka qalindaaratay. Ibn Taymiya ka hor, lama maqal lamana arag qof sidaas Towxiidka u qaybsha, xataa kooxihii Qadariyada iyo Muctasilada iyo Khawaarijta iyo wixii kale ee lumay, midna ma dhihin waxaas Ibn taymiya sheegay, ee dhammaantood way isku raacsanaayeen in Towxiidku yahay kelimadda shahaadada ee ah in la rumeeyo "Ilaahay iyo Nabigiisa" taas oo qofku diinta Islaamka ku soo gelayo, haddii uu inkirana ama diidana uu diinta kaga baxayo.

(Waa socotaa..)
< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]