Qaybta: 2aad
Qofkii Faalshow Rumaysta Islaamka ma ka baxayaa?
Ujeeddada Nabiguna maaha in qofka muslimka ah haddiiba uu qoladaa faalshowga ah aado oo uu rumaysto uu Islaamka ka baxayo, taa ma aha e' ujeeddada nabigu waa in taasi dambi wayn tahay oo u eg gaalnimada. Waxaa kale ee uu yiri: "Cayda qofka muslimka ah waa faasiqnimo la dagaallankiisuna waa kufri" kolka weedhiisa ah "la dagaallankiisuna waa kufri" ugama jeedo in la dagaallanka muslimku uu la dagaallayo muslim kale ay kufri tahay qofka diinta ka bixinaya ee waxaa looga jeedaa in uu dambi wayn yahay oo kufriga u eg, maxaa yeelay quraanka kariimka ah ayaa labadii kooxood ee isdagaalaya ee muslimiint ka mid ah ku magacaabay mu'miniin, wuxuu yiri (Eebbe) kor ahaayee: ?Haddii laba kooxood oo mu'miniinta ka mid ah dagaallamaan?[al-Xujuraat:9].
Xaddiiska Fasiraya Aayaddan
Intaa kadib waxaa ku soo arooray Saxiixul Muslim oo laga soo weriyay al-Baraa' bin Caasib oo ah saxaabi caan ah in uu yiri: Aayaddan ?Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Eebbe soo dejiyay (ee Quraanka ah) kuwaasi waa kaafiriin? iyo labada aayadood ee ka dambaysa ee middood ay ku jirto ?kuwaasi waa dulmilowsho? midda kale ay ku jirto ?kuwaasi waa faasiqiin? waxay ku soo degeen dhammaantood gaalada oo ah kuwa ku xukumaya wax aanan Ilaahay soo dejin mana aha Muslimiinta ku xukumaya wax aan Eebbe soo dejin ee waa yahuudda iyo wixii la mid ah.
Qofkii ku madax adayga dambiyada waawayn
Kitaabkii (Axkaam an-Nisaa') ee Imaam Axmad Bin Xambal waxaa ku yiilay waxa Xaakim ka soo weriyay Ibn Cabbaas, waxaa ku soo arooray bogga 44aad: waxaa iiwarramay Muuse Bin Sahal wuxuu yiri: waxaa inoo sheegay Muuse Bin Axmad al-Asadi, waxaa inoo warramay Ibraahiim Bin Yacquub oo ka sheegay Ismaaciil bin Saciid wuxuu yiri: waxaan waydiiyay Axmad qofkii ku madax adayga dambiyada waawayn (kabaa'irta) eek u dheggan, laakiin aan ka tegayn salaadda iyo soonka iyo sekada iyo xajka iyo jimcada, miyuu noqonayaa sidi kii ku madax adayga sida waxa uu sheegay (Nabigu) nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Dhillaygu kolka uu dhillaysanayo ma dhillaysto asiga oo mu'min ah, khamrada kolka uu cabbayana ma cabbo asiga oo mu'min ah, kolka uu xadayana ma xado asiga oo mu'min ah" iyo waxi la mid ah tafsiirkii Ibn Cabbaas ee: ?Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Eebbe soo dejiyay (ee Quraanka ah) kuwaasi waa kaafiriin? waxan iri: muxuu yahay kufrigani? Wuxuu yiri (Imaam Axmad): waa kufri aanan diinta qofka ka saarayn kolka waa rerejooyin (kufrigu) qaarkood qaarka kale ka daranyihiin, inta laga gaarayo wax aanan dadku isku khilaafsanayn. Kolkaas baan ku iri: ka warran haddii uu ka cabsanayo madaxadayggiisa oo uu doonayo in uu towbad keeno oo uu sidaa waydiinayo uusanna ka tegayn falidda (falidda dambiyada uusan ka tegayn), wuxuu yiri: midka cabsanaya ayaaba roon. Halkaas ayay ku dhamaadeen wixii ku qorraa kitaabkii Imaam Axmad Allaha ka raalli noqdee.
Labada Tafsiir ee aan soo sheegnay wax aan ahayn Asaxaabtu ma sheegin
Kuma sugnaan sanad sax ah oo asaxaabta laga soo weriyay tafsiirka aayaddan wax aan ahayn labadaa tafsiir ee Cabdullaahi Bin Cabbaas iyo tafsiirka al-Baraa' sidaa darted taas ayay raaceen culumada Islaamku intii laga soo gaaray mar u dhow kala barkii qarnigii afar iyo tobnaad ee hijriga, kadibna waxaa ka soo baxay Masar ninkan Sayid Qudub kolkaas buu qoray tafsiirka quraanka kaas oo uu ku kufriyay qofkii wax ku xukuma wax aanan quraanka ahayn mas'alo kaligeed ahba ha ahaatee asiga oo sharciga ku xukumaya axkaamta kale oo dhan, wuxuuna kufriyay bulshada xaakimkaas, maantana lagama helo caalamka Islaamka xaakim aanan wax ku xukumayn qaanuunka arrimo farabadan isla markaana ay sharciga ku xukumayaan arrimo kale sida furitaanka iyo dhaxalka iyo guurka iyo dardaaranka waxay ku xukumayaan xukunka quraanka.
Kufrinta Madaxda iyo Bulshada
Ayada oo sidaa ah Sayid Qudub iyo kuwa raacsan kufrinayaan (madaxdaas), waxaa kale ee ay kufrinayaan bulshadooda, waxayna bannaysanayaan dilkooda sikasta oo ay u awoodaan ama hub ha ahaato ama qarxin iwm, qofkii ayaga raaca ee madaxda ka soo horjeesta intaan ahayn. Sayid Qudubna cidi ugama horreyn waxaas aan ahayn Khwaarijta maxaa yeelay ayaga ayaa kufrin jiray muslimka falaya dambiyada sida dhillaysiga iyo khamra cabidda ama sharciga wax aan ahayn oo wax lagu xukumo laaluush dartiis ama saaxiibtinimo ama qaraabo ahaan, kolka sayid Qudub wuxuu ku soo jiray gaalnimo kow iyo toban sano asiga ayaana qirtay kadibna wuxuu soo galay xisbigii Ikhwaanka kaas oo uu abuuray Sheekh Xasan al-Bannaa Allaha u naxariistee, kadibna intii Xasan al-Bannaa noolaay ayaa Sayid Qudub habaabay iyo qaar kale oo ka leexdeen jidkii uu u dhigay (Sheekh Xasan), kaas oo ahaa jid toosan oo aan kufrinta Muslimka ku jirin haddii uu wax ku xukumo wax aanan sharciga ahayn, kolkaas baa Sheekh Xasan ka war helay leexadkoodaas, kolkaas buu yiri: kuwaasi ikhwaan maaha muslimiinna maaha.
Xaqeeqada Kooxda Ikhwaanka
Waxaana taa caddeeyay Sheekh Maxamad al-Qasaali oo ka mid ahaa dadkii raacsanaa Xasan al-Bannaa, wuxuuna ku yiri kitaabkiisa "Min Macaalim al-Xaq" baalka 264 sidan: "Wuxuuna ahaa Sheekh Xasan al-Bannaa laftirkiisu asiga oo ururinaya jamaacadiisa waagii hore mid baraya in madaxda iyo gobta iyo kuwa bulshada madadaaladeeda doonaya ee ku badan qaabankaa kuma habboona waqtiyada dhabta ah. Kolkaas buu qoray waxa loo yaqaan maamulka gaarka ah waana maamul koobaya dhallinyaro loo tababaray dagaalka, waxaana loogu tala galay habayntooda si loogula dagaallamo kuwii soo duulay ee meesha qabsaday. Waxayna ku noqdeen jamaacada dhallinyaradaas qarsoon shar hoog ah markaa kadib, maxaa yeelay qaarkoodba qaarkii kale ayay dileen, waxayna isu bedeleen qalab wax khariba iyo argagixiso kolkay hoos yimaadeen maamulka qaar aan Islaamka fahamsanayn oo aanan garaadkooda laygu halayn Karin maslaxadda guud. Xasan al-Bannaana wuxuu ka yiri kuwaa intii uusan dhiman, kuwaasi ikhwaan maaha muslimiinna maaha".
Fidnada Tafsiirka Sayyid Qutub
Intaa kadib dad badan ayaa ku fidnoobay tafsiirkii Sayid Qudub oo ku howlgalay fulintiisa oo dad aad u badan ku dilay dalka Masar iyo Jasaa'ir iyo Suuriya iyo qaar kale, ayaga oo u malaynaya dilka ay dadkaa dadka ayaga khilaafsan in ay Eebbe ugu dhawaanayaan, taas waxaa ka mid ah dadka ay ku laayeen magaalada Xalab ee Suuriya Sheekh mufti ka ahaa tuulo ka tirsan Xalab oo lagu magacaabo Cifriina oo kilaafsanaa warkooda kolkaas bay ugu galeen masjidka salaaddii cishaha ka dib kolkii dadkii ka kala tageen masjidka oo ay ku hareen asiga iyo nin kale, kadibna xabbad bay ku toogteen dabadeedna qofkii la joogay ayaa sheekha isku aadiyay kolkaas bay dileen kadibna sheekhii bay dileen, sheekhan waxaa lagu magacaabaa Sheekh Maxamad Ashaami Allaha u naxariistee. Madaxda muslimiintuna waayihii hore iyo haddaba way dhici jirtay in ay wax aan quraanka ahayn wax ku xukumaan ama laaluush dartiis ha ahaato ama qaraabo darted ha ahaato ama raalligelin ay dadka awoodda leh raalligelinayaan ha ahaatee muslimiintuna ma aysan kufrin taa ay quraanka wax aan ahayn wax ku xukumeen awgeed waxayse u qaateen in ay faasiqiin yihiin.
Xisbiga Sayyid Qutub
Intaa kadib, kuwaa Sayyid Qutub raacsan waxay kooxdooda ula baxeen magacyo badan, afartan sano ka hor waxaa loo yaqiin laba magac, Masar iyo meelo kale oo looga yaqiin Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, iyo Lubnaan oo looga yaqiin magaca Cibaadur-Raxmaan, kadibna waxay la baxeen magac kale oo saddexaad oo guud ah kaas oo ah Jamaacada Islaamka si ay dadku ugu maleeyaan in ay yihiin kuwa ugu yeeraya dadka Islaamka xaqiiqadiisa caqiido ahaan iyo ku howlgal ahaanba, ayaga oo xaalkoodu sidaa ka duwanyahay.
Xisbu at-Taxriir
Xisbu taxriirku waxyaabaha ay ummadda ku khilaafeen waxaa ka mid ah weedhooda ah: qofkii dhinta asiga oo aan ballan qaadin "baayicin" khaliifada dhimashadiisu waa mid jaahili ah, oo ay uga jeedaan waa sidi sanamya caabudka, kolka hadalkoodaas haddii la raaco, qof kasta oo muslim ah ee dhintay boqolkii sano iyo dheeraadkii la soo dhaafay dhimashadiisu waa jaahiliyo maxaa yeelay ma uusan jirin khaliifo waqtigaas ilaa manta, khilaafada guudna ee maamulaysa amuuraha muslimiinta oo dhan waxay joogsatay muddo dheer ka hor. Kolka muslimiintu kategidda ay ka tageen khaliifada doorashadiisa waxay u leeyihiin manta cudurdaar, ujeeddadu waa bulshada, bulshadu ma awooddo manta in ay doortaan khaliifo kolka dambigoodu muxuu yahay, Ilaahayna wuxuu yiri: ?Kuma Kallifo Eebbe naf wax aan awooddeeda ahayn? [al-Baqarah:286].
Addoonku ma asiga ayaa falkiisa abuura?
Waxaana taas ka sii lunsanaan badan oraahdooda: addoonku wuxuu abuurayaa falalkiisa ikhtiyaadka uu u leeyahay abuurina maayo kuwa uu ku khasbanyahay, waxayna ku khilaafeen qowlkii Eebbe: ?Eebbe ayaa ah abuuraha wax kasta? [zumar:62]. Maxaa wacay erayga "shay" wuxuu koobayaa wixii jismi ah iyo falka jismiga, iyo qowlkii Eebbe: ?Miyuu jiraa abuure aan Eebbe ahayn?[Faadir:3]. Iyo qowlkiisa: ?Waxaad dhahdaa salaaddayda iyo saddaqadayda iyo noloshayda iyo dhimashadaydaba Eebbe ayaa leh caalamiinta Eebbahoodi aan shirkada lahayn? [al-Ancaam: 162].
Akhri Qaybta 3aad