Qaybta 3aad:
Falalka oo dhan Eebbe ayaa abuuray
Eebbe ayaa ka dhigay salaadda iyo saddaqada oo ka mid ah falalka addoomuhu ay u madax bannaanyihiin iyo nolosha iyo geerida oo aan ka mid ahayn falka addoonku uu u madax bannaanyahay dhammaan (Eebbe wuxuu ka dhigay) uunkiisa, cidi kulama shirkowdo waxaa ujeeddaduna waa in uu asigu usoo baxshay nolosha jiritaan la'aan. Kolka aayadahaas waxay tusayaan in dhammaan waxa jiritaanka soo gala ee jismi ah ama dhaqaaq ama nagaadi ama midab ama fikirid ama xanuun ama macaan ama fahmid ama caajisnimo ama liidashao dhammaantood waxaasi waxay ku ahaadeen uumidda Eebbe kor ahaayee cidkalena maaha, hase ahaatee addoomuhu way falayaan amana uumaan. Arrinkaasina muslimiinta oo dhan baa isku raacsan oo ay haysteen muslimiintii qarnigii koobaad iyo culumada oo dhan laga soo gaaro maalintan aan joogno oo rumaysnaa sidaa.
Addoonku marnaba falalkiisa ma abuuro
Waxaa ka mid ah aayadaha caddaynaya in aanan addoonku abuurayn falalkiisa guud ahaan ama ha ahaadeen kuwa uu u madax bannaanyahay ama kuwa kale e', Weedha Eebbe kor ahaaye: ?Ma aadan dilina ee Eebbe ayaa dilay?[al-Anfaal:17]. Inkasta oo muslimiintu ay dagaallameen oo ay dileen, Eebbe ayaase sheegay in aanay ayagu wax dilin dhab ahaantii maxaa wacay dilkan ay asaxaabtu (gaalada) dileen wuu dhacay, hase ahaatee, ayagu dilkoodaas ma aysan uumin, laakiin Eebbe ayaa uumay, ayagu way faleen oo way kasbadeen sida muuqata, Eebbe ayaana uumay ujeeddadu waa asiga ayaa aheeysiiyay la'aan oo jiritaanka u soo saaray kadibna Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee, oraahdaa ka dib: ?Ma aadan tuurin kolkii aad tuurtay laakiin Eebbe ayaa tuuray?[al-Anfal:17].
Tusaale Nabiga ku saabsan
Wuxuu (Eebbe) caddeeyay in aan Nabiga Alle tuurin dhab ahaantii iyo abuuris ahaan oo ah soo bixinta la'aantood jiritaanka loo soo bixinayo, ujeedaduna waa in aadan adigu uumin (Nabiyow) tuuriddaas adiga kaa ahaatay laakiin Eebbe ayaa abuuray ujeeddadu waa in uu asigu ahaysiiyay tuuriddaas aad adigu samaysay, kolka Eebbe waynaayee, tuuridda dhinacna wuu ka diiday dhinacna wuu ka sugay, wuxuu diiday in tuuriddaasi ay ahaato mid Nabigu uumay, wuxuuna sugay in ay tahay kasbashadiisi, taas oo ah in uu falay asiga oo aan uumin. Kolka Xisbiga Taxriirku in ay labadaa aayadood khilaafeen way caddahay, aayadda kalena waaba ka sii daranyahay (khilaafkoodu).
Abuuristaanka uumidda ah
Imaam Abuu Xaniifa wuxuu yiri:
Wuxuu yiri Imaam Abuu Xaniifa: "Falka addoomuhu waa Waxqabadka ay sameeyeen, wuxuuna uun u yahay Eebbe" culumadii horena sidaa ayay aaminsanaayeen iyo waliba kuwa dambe, wixii taa ka duwanna waa wax ka baxsan kitaabka Eebbe kana baxsan xadiiska Nabiga Eebbe, Maxaa wacay waxaa soo weriyay Bukhaari iyo qaar kale In Nabigu nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu dhihi jiray haddii uu ka soo laabto xajka ama cumrada ama duullaanka: "Ilaahay Ilaah aan ahayn ma jiro oo kali ah aan shirko lahayn, addoonkiisa wuu u gargaaray, ciidankiisana wuu xoojiyay axsaabtana wuu jebiyay kaligiis" kolka wuxuu ka dhigay Nabiga Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, jebinta xisbiyada uun Eebbe leeyahay kaligiis kor ahaayee oo aanan cid kale oo aan asiga ahayn kula shirkoobin, inkasta oo muuqaalka kore uu ayaga (Nabiga iyo Asaxaabta) ka dhacay falka ah jebinta cadawga, kaan ayaana ah kan ugu muuqda caddaymaha. Waxaa kale oo jira aayado kale oo tusayda in addoomuhu aanay uumayn falalkooda marnaba sida oraahda Eebbe: ?oo dulqaado dulqaadkaaguna Eebbe uun buu ku ahaan?[al-Naxal:127] iyo Oraahdiisa: ?Towfiiqdayduna Eebbe uun bay ku ahaan? [Huud:88].
Macnayaal kale oo abuuristaanku leeyahay
Kaasi waa haddiin uu yahay uunku soo bixin jiritaan la'aan wax ku ujeeddo ah oo loosoo bixinayo jiritaanka, laakiin abuurista haddii looga jeedo masawir sawiriddiis ama been sheegiddeed ama qaderidda waxaa dhici karta in addoomaha loo saarsho wuxuuna Eebbe yiri kor ahaayee asiga oo (Nabi) Ciisa ka hadlaya: ?Iyo goortii aad ka uumaysay dhoobada qaabka shimbireed? [al-Maa'idah]. Kolka ujeeddada waad uumaysay halkan waa waxaad samaynaysay masawir ee maaha in uu ka soo bixinayay shimbirka jiritaan la'aan una soo bixinayay jiritaanka. Waxaana kaa la mid ah weedhii Eebbe kor ahaayee: ?kolka waxaa nasahnaaday Eebbe kan ugu wanaagsan kuwa wax uuma?[al-Mu'miniin:14].
Ujeeddada uumidda ee aayaddan ku timid
Ujeeddada uumitaanka ee aayaddan ku soo aroortay waa qadderidda mana aha uumista ujeedadeedu tahay ka soo bixinta jiritaan la'aan ee jiritaanka loo soo saarayo, ee ujeeddada aayadda waa Eebbe ayaa ugu wanaagsan kuwa wax qadera, waxaa kale ee Eebbe yiri: ?Waxaad uumaysaan been?[al-Cankabuut:18]. Wuxuu u saarshay mushrikiinta abuuritaanka beenta taas oo ah sheegiddeeda ujeeddaduna maaha in ay ayagu uumayaan beenta oo ah in ay ka soo bixinayaan jiritaan la'aan una soo bixinayaan jiritaanka. Ku imaashada ay uumistu ku timid ujeeddada qadderidda waa arrin ay carabtii hore taqiin, waxay dhaheen gabyaaga qaar ka mid ah:
Adiga ayaa fulsha waxaad uuntay ----- raga qaarna wuu uumaa mana fulshaan.
Wuxuu ku leeyahay gabyaagu qofkii uu ammaanayay: adigu waad qadderaysaa kadibna waad fulinaysaa, qaar kalena way qadderayaan fulinna maayaan.
Munkarka in la diido waa faral
Kolka waajibka uu Eebbe saaray muslimiinta ee ah in xumaanta la diido waxaa ka mid ah in kuwaa (xisbiga taxriirka ah) la diido oo dadkana looga digo iyo koox kasta oo khilaafta wixii ay muslimiintu ku socdeen laga soo billaabo casrigii asaxaabta ilaa laga soo gaaro casrigan kuwaas oo ah jumhuurka ummadda, kuwaa fallaagada ahna waa koox yar kolka loo eego tirade badan ee ahlusunnada, wuuna ka dardaarmay Nabigii Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee in la lajiro jamaacada waxaana sax ah oo laga soo weriyay Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, in uu yiri: "waxaan idinku ogahay jamaacada waxaanna idinkaga digayaa kala tegidda maxaa yeelay shaydaanku wuxuu la jiraa kalida labadana wuu ka fogyahay, kolka qofkii doona raaxada jannada ha qabsado jamaacada" waxaa soo weriyay Tirmizi kitaabkiisa jaamica ah wuxuuna yiri waa xadiis wanaagsan oo sax ah (waxaa kale oo soo weriyay) Ibn Xibbaan iyo ibn Maajah iyo qaar kale.
Waano ku socota kooxahaas iyo wixii iska daba socda
ee Muslimiin ah Sida Soomaalida Qaarkeed
Intaa kadib waxaan ku waaninaynaa kooxahaa saddexda ah in ay bartaan cilmiga diinka oo ka qaataan ahlusunnada aanayna ka qaadan kutubtii Maxamad Bin Cabdulwahhaab oo aanay ka qaadan kutubtii sayyid Qudub oo aanay ka qaadan kutubtii Taqiyuddiin an-Nabahaani, taa daaye, waa in ay ka bartaan culumada kutubta culumada la aqoonsanyahay sida kitaabka Bukhaari ee lagu magacaabo "Khalqu Afcaalil Cibaad" iyo Kitaabka Abii Jacfar ad-Daxaawi ee lagu magacaabo Caqiidada daxaawiyada iyo kitaabka "Tafsiirka Magacyada iyo Sifooyinka" ee uu leeyahay Imaam Abuu Mansuur Cabdul Qaahir al-Baqdaadi. Kolka haddii aad ka hartaan caqiidooyinkiinna oo aad caqiidadaa qaadataan waad hanuunaysaan Eebbe xaggiis ayaadna umuuruhu u noqdaan xaggiisa ayaana loo iilanayaan oo ururayaa. Eebbe nasahnaayee oo kor ahaayee ayaana ogaal badan.
Laabo