Qaybta: 1aad
Hordhac:
Mahadi Eebbe ayay u sugnaatay, Eebbana ha u naxariisto Sayyidkeennii Muxamad ahaa ee Nabiga Ummigaa ahaa iyo ahalkiisii iyo asaxaabtiisii nabadna korkooda ha yeelo.
Kolka Wahhaabiyadu waa koox raacsan Maxamad Bin Cabdulwahhaab oo dhintay sanadkii 1206H. Xisbiga Akhwaankuna waxay raacsanyihiin Sayyid Qutub oo Masri ah. Xisbiga Taxriirkuna waxay raacsanyihiin Taqiyuddin an-Nabahaani oo Falastiini ah.
Maxamad Bin Cabdulwahhaab iyo Wahhaabiyada
Kolka Maxamad Bin Cabdulwahhaab wuxuu ahaa nin aanan cid ka mid ah culumadii waagiisa aanay uga markhaatikicin in uu caalim yahay, taa daaye, walaalkiis Sulaymaan Bin Cabdulwahhaab ayaa reddiyay laba jeer maxaa yeelay wuxuu khilaafay wixii Muslimiintu aaminsanaayeen ee ay ka mid ahaayeen kuwii ay isku degaanka ahaayeen iyo qaar kaleba ee Xanaabilada ahaa iyo kuwa kaleba, labada redi mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa "as-Sawaaciq al-Muxriqah), raddiga kalena waxaa lagu magacaabaa (Faslul khitaab firraddi calaa Maxamad Bin Cabdilwahhaab".
Reddinta Maxamad Bin Cabdulwahhaab
Waxaa sidoo kale reddiyay caalimkii caanka ahaa muftigii Maka ee Xanaabilada Maxamad Bin Xumayd, mana uusan ku xisaabin Maxamad Bin Cabdulwahhaab culumada xanaabilada, wuxuuna sheegay in ku dhaw siddeetan caalim iyo caalimad oo mad-habta Xambaliyada raacsan, taa daaye wuxuu xusay aabihiis Cabdulwahhaab oo uu ku ammaanay cilmiga, wuxuuna sheegay in (Maxamad Bin Cabdulwahhaab) aabbihiis uu u caraysnaa oo uu ka digay wuxuuna dhihi jiray: "Badanaa waxyaabaha aad maxamad ku arki doontaan ee sharta ah" Sheekh Muxamad Bin Xumaydna wuxuu dhintay Maxamad Bin Cabdulwahhaab kadib siddeesan sano qiyaastii.
Diin Cusub oo bidco ah
Maxamad Bin Cabdulwahhaab kaas, diin bidco ah oo cusub ayuu keenay oo uu baray dadkii asiga raacsanaa diinkaasna wuxuu ku salaysanyahay shabbihidda Eebbe lagu shabbahayo khalqigiisa, iyo ictiqaadka ah in Eebbe uu jismi yahay oo uu carshiga ku fadhiyo, taasina waa ekaysiin Eebbe loo ekaysiinayo uunkiisa, maxaa yeelay fadhigu waa astaamaha adanaha lagu yaqaan wuxuuna halkaa ku khilaafay qowlkii Eebbe kor ahaayee: ?Wax ekaankiis ah ma jiraan?[as-Shuuraa:11]. Salafkii suubbanaana waxay isku raaceen in qofkii Eebbe ku asteeya wax ka mid ah astaamaha aadanaha uu kufriyay sida uu yiri Imaamkii Muxadiska ahaa ee Selefiga ahaa ad-Daxaawi kuna sheegay caqiidadiisa caanka ah ee loo yaqaan "Caqiidada Daxaawiyada" wuxuu yiri: "Qofkii Eebbe ku asteeya wax ka mid ah astaamaha aadanaha wuu kufriyay".
Caqiidada Wahhaabiyada
Waxaana ka mid ah caqiidada kooxdan Wahhaabiyada in ay kufriyaan qofkii yiraahda "yaa Muxammad" iyo kufrinta qofkii soo booqda qabuuraha Nabiyaasha iyo Awliyada eek u barakaysta iyo kufrinta qofkii taabsada qabri asiga oo ku barakaysanaya iyo kufrinta qofkii qoortiisa ku xira xirsi uu ku qoranyahay Quraan iyo xusidda Ilaahay waxayna waxaa ka dhigayaan cibaadada sanamka iyo dhagaxa waxayna taa ku khilaafeen wixii asaxaabtu haysteen iyo salafkii suubbanaa, maxaa yeelay waxaa sugnaaday in ay bannaantahay in la dhihi karo "yaa Muxammad" marka dhibaato timaado waxayna taa ka sugnaatay asaxaabta iyo intii ka dambaysay ee selefka suubban ahaa iyo wixii ka dambeeyay dhammaan quruumihii ay soo mareen Muslimiintu.
Imaam Axmad ayaa banneeyay tawasulka
Wuxuuna caddeeyay Imaam Axmad Bin Xambal, oo ah midka ay sheeganayaan dalkooda dhexdiisa, in ay bannaantahay taabashada qabriga nabiga iyo taabashada mimbarkiisa iyo dhunkashadooda haddii ay tahay mid Eebbe loogu dhawaanayo ayada oo lagu barakaysanayo wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa caanka ah. Waxayna ka fallaagoobeen (Wahhaabiyadu) Ummadda kolkii ay kufriyeen qofkii waydiista kaalme Rasuulka ee ku tawasula dhimashadiisa ka dib, waxay dhaheen tawasulka aan ahayn midka lagu tawasulo qof nool oo jooga waa kufri, kolka ayaga oo qaacidadaas ay ayagu dhigteen ku howlgelaya ayay bannaysteen kufrinta qofkii arrinkaa ku khilaafa oo ay dilkiisa bannaysanayaan, maxaa wacay kii madaxda u ahaa ee ahaa Maxamad Bin cabdulwahhaab ayaa yiri: "qofkii soo gala diinteenna wuxuu leeyahay wixii aan annagu leenahay (ee xaquuq ah) wixii nalaku leeyahayna waa lagu leeyahay, qofkii aanan soo gelinna waa kaafir dhiiggiisu bannaanyahay".
Addillada burrinaysa hadalkooda
Qofkii doona in uu ogaado addillada burrinaysa hadalkoodaas ha akhriyo kutubta lagu raddiyay sida kitaabka "ar-Raddu al-Muxkamu al-Matiinu" iyo kitaabka "al-Maqaalaatu as-Sunniyadu fi kashfi dalaalaati Axmad Bin Taymiyah" kaas oo dhintay sanadkii 728H. Inkasta oo Ibn Taymiyah jeclaystay in qofkii uu ku dhaco qallal lugtiisa uu yiraahdo "yaa Muxammad", taasina waa arrin sugan oo Ibn Taymiyyah ku yiri kitaabkiisa "al-Kelim ad-Dayyib" wuxuuna halkaa ku khilaafay wuxuu ku yiri kitaabkiisa "at-Tawasul wal-Wasiilah", kolka Maxamad Bin Cabdulwahhaab wuxuu ku raacay waxa ku qoran kitaabka "at-Tawasul wal-Wasiilah" wuxuuna ku khilaafay waxa ku yaalla kitaabka "al-Kelim ad-Dayyib" qallalkuna waa jirro ay dhaqaatiirtu taqaan oo ku dhaca lugta.
Xisbiga Ikhwaanka
Xisbiga Ikhwaanku waxay waxay ku raaceen Sayid Quddub hadalkiisii ahaa qofkii wax aan quraanka ahayn wax ku xukuma hal xukunba ha ahaadee wuxuu diiday Ilaahnimada Eebbe wuxuuna sheegtay Ilaahnimo asiga oo ku murmay qowlkii Ilaahay kor ahaayee: ?Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Eebbe soo dejiyay (ee Quraanka ah) kuwaasi waa kaafiriin?[al-Maa'idah:44]. Sidaas ayuuna ku xalaalaystay dhiigga madaxda wax ku xukumaya qaanuunka iyo dhiigga dadwaynaha intaba, tafsiirka uu aayadda fasirayna wuxuu khilaafsanyahay tafsiirkii uu aayaddan ku fasiray Cabdullaahi Bin Cabbaas asiga iyo aabbihiiba Allaha ka raalli noqdee, kaas oo ah Nabiga ina adeerkiis, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku can baxay (Cabdullaahi Bin Cabbaas) in uu yahay turjumaankii quraanka, Rasuulka Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ayaana ugu duceeyay fahmada quraanka. Kitaabka saxiixul Bukhaari, Mujalladka koobaad, baalka 25aad, baabka qowlkii Nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee: "Eebbow kitaabka bar", ayay ku taal in uu Nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu wadan jiryay oo yiri: "Eebbow kitaabka bar" waxaa kale ee uu yiri: "Eebbow fahamsii diinka ta'wiilkana bar" oo ah tafsiirka quraanka, kaasina waa xaddiis saxiix ah oo uu soo weriyay Ibn Xibbaan.
Kufriga aan kufriga wayn ahayn
Waxaa kale oo uu khilaafsanyahay (tafsiirka Sayyid quddub) tafsiirrada aan ahayn tafsiirka Ibn Cabbaas ee ka mid ah tafsiirkii asaxaabta iyo intii raacday ilaa maantadan ee culumada Islaamka, maxaa wacay waxaa ka sugnaaday cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee warka uu ku soo weriyay al-Xaakim kitaabkiisa al-Mustadrak, juska labaad, baalka 313 ee xarfahiisu yihiin: "wuxuu inoo warramay Axmad Bin Sulaymaan al-Musiliyi, waxaa inoo sheegay Cali Bin Xarb, waxaa inoo sheegay Sufyaan Bin Cuyaynah, can Hashim Bin Xujayr, can Daawuus, wuxuu yiri: Ibn Cabbaas wuxuu yiri Allaha ka raalli noqdee: kufrigaasi ma aha kufriga ay u malaynayaan, ma aha kufriga diinta looga baxayo ?Qofkii aan wax ku xukumin wuxuu Eebbe soo dejiyay (ee Quraanka ah) kuwaasi waa kaafiriin? waa kufri kaa ka sokeeya". Kanina waa xaddiis sanadkiisu sax yahay.
Hadalka Ibn Cabbaas ee ah "waa kufri kaa ka sokeeya" waa sida istustuska maxaa yeelay nabiga ayaa ku magacaabay shirki yar in uu yahay (istustusku) ujeedaduna waa in uusan shirkiga wayn ahayn kaas oo diinta qofka ka saaraya, oo ah in la caabudo cid aan Eebbe ahayn, maxaa yeelay shirkigan ayaa ah midka qofka diinta ka saaraya, Xaakim ayaana uga soo weriyay kitaabkiisa Mustadrak Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee in uu yiri: "
Axaadiis Saxiix ah ayaa kufri ku tilmaantay
Dambiyada waawayn (kabaa'irta) laakiin
ma aha kufri qofka diinta ka bixinaya
Taas caddaynteeduna waa in dambiyada kabaa'irta ah sida qof Muslim ah oo la dilo iyo salaadda oo laga tago waxaa soo arooray in ay kufri yihiin axaadiis sanadkoodu saxiix yahay, nabiga ujeeddadiisuna ma ahayn kufriga diinta ka bixinaya qofka taas oo ah in qofkii fala waxaa uu diinka ka baxayo, waxaase looga jeedaa in dambiyada jaadkaas ah loo ekaysiiyay kufriga, sidi midka laga soo weriyay nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ah in uu ku yiri qofkii aada faalshoga ee rumaysta, kaas oo ah qowlkiisii nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Qofkii u yimaada faalshow ama saaciye ee rumaysta waxa uu sheegayo wuu kufriyay wixii lagu soo dejiyay Muxammad" waana xaddiis saxiix ah.
Akhri Qaybta Labaad