| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Bogga Fatwada iyo Su'aalaha
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
Baro Diinta Islaamka
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • at-Tartil (Alif Waxmaleh)
  • Mukhtasar al-Harari
  • At-tasawwuf wal Aqidah
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)

  • Mowliidka Nabiga calayhi as-salatu was-salaam
    Taariikh Gaaban
    Imaam Sayuudi wuxuu ku yiri kitaabkiisa (al-xaawi lil-fataawaa, mujalladka 1aad baalka 189) mowliidka nabiga ayaa su'aalo la iska waydiiyay ma bannyahay oo wax la mahadshay ma yahay mise waa wax aan la mahadin? qofkii sameeyana wax abaal maris ah maka helayaa? Jawaabtayduna waa in asalka falka mowlidka uu yahay dadka oo kulma oo la akhriyo aayado quraanka ka mid ah, lana sheego akhbaarta ku saabsan siirada nabiga iyo billowga dacwadiisi iyo mucjisooyinkii la arkay kolkii uu dhashay, kadibna dadka cunto la siiyo intaa kadibna ay kala tagaan ayada oo aan waxyaabo kale lagu derin intaas, falkaasi waa fiicanyahay, qofkii sidaa yeelana waa laga abaal marinayaa, maxaa yeelay qaderka nabiga ayuu wayneeyay, farxad iyo bishaarana wuu muujiyay mowlidkii Nabiga.

    Qofkii ugu horreeyay ee sidaa yeelana wuxuu ahaa boqorkii Arbil ee loo yaqiin al-Muzafar abu Siciid al-kokbari, wuxuuna ahaa boqor leh acmaal farabadan oo fiican wuxuuna dhisay masjidka ku yaalla buurta qasyuun dusheeda (waa jabal ku yaalla magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya). .

    Wuxuu yiri Ibn Kathiir (kitaabkiisa al-bidaaya wan-nihaaya, juska 3aad, baalka 136) Boqorkaasi wuxuu samayn jiray xafalad mowlidka bisha Rabiicul-awal, wuxuuna u dabbaaldegi jiray si layaab leh, wuxuuna ahaa boqr deeqsi ah oo geesi ah. .

    Imaam Sayuudi wuxuu yiri: (al-xaawi lil-fataawaa, juska 1aad, bogga 190) Waxaana kitaab mowlidka ku saabsan u qoray caalimkii Ibn Dixyah, wuxuuna ku magacaabay "at-tanwiiro fil mowlid al-bashiiri an-nadiiri) kolkaas baa boqorku ugu abaalguday kun diinaar, boqorkaasna muddo dheer ayuu dalkaa xukumayay wuxuuna ku dhintay asiga oo la jihaadaya gaalada magaalada Caka (ee dalka falastiin) sanadkii 630H asiga oo taariikh fiican iyo magac fiican ka tegay. .

    Imaam Sayuudi wuxuu yiri: Waxaanna asal fiican mowliidka uga helay sharciga xaafidkii Axmad bin Xajar ahaa, aniguna (sayuudi) asal kale oo labaad ayaan ka helay sharciga.

    Kolka halkaa waxaa ka cad in Mowlidka Nabigu Calayhi as-salaatu wassalaam uu sunno wanaagsan yahay oo uusan ahayn bidco sida dadka qaarkood leeyihiin.

    Mowliidku Bidco miyaa?
    Dadka leh waa bidco, waa qaar Ilaahay qalbigood ka baxshay jacaylkii nabigeenii Suubanaa Muxammed calayhi as-salaatu wasslaam. Waxay ku leeyihiin nabigu ma ogayn, waxayna intaa samaynayaan waxyaabo badan oo aan nabigu ogayn.

    Nabigu Calayhi as-salaam ma ogayn quraanka shaqliddiisa iyo dhibcayntiisa. Kuwa diiddan Mowliidka Nabiga waxay soo daliilsanayaan Xadiiska laga soo weriyay Cumar bin al-Khitaab allaha ka raalli noqde ee Nabigu calayhi as-salaam ku yiri: "Ha I buun buunina sida nasaaradu ciise u buunbunisay, waxkale maahee, anigu addoon baan ahay, ee dhaha: addoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisi" waxaa soo weriyay Imaam Axmad iyo Ibn Xibbaan.

    Xadiiskan sida ka muuqata wax xiriir ah lama laha Mowlidka Nabiga ee wuxuu ka hadlayaa, khaladka ay ku dhaceen Nasaaradu kolkii ay buunbuunsheen Nabi Ciise ayaga oo yiri Ciise waa Inankii Ilaahay, sida ay caddaynayso aayadda 30aad ee suuradda at-towba ee leh: {Nasaaraduna waxay dheheen: Masiixu waa inankii Ilaah}(at-tawbah:30)

    Marka halkaa waxaa ka cad in xadiisku fasirayo aayaddaas sheegtay in Nasaaradu dhaheen Masiixu waa inankii Ilaahay, ee aanuu marnaba xaddiisku ku luglahayn mowliidka nabigeenna nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.

    Sidee Xafladda loo qabtaa?
    Marka walaalayaal sida aad ogtihiin mowliidka Nabigu waa fal wanaagsan oo waalidiinteenii iyo culumadeennii ay waligood samayn jireen, Soomaaliyana Ilaa maanta waa laga xusaa Nabiga dhalashadiisa, waligeedna waa laga xusi jiray intii aanay imaan wahhaabiyada shaqada ka dhigatay kufrinta dadka iyo caayda nabigeenna calayhi as-salaam.

    Waxaa kale oo walaalayaal loo baahanyahay in aan fahamno waxa laga wado xuska nabiga. Ujeeddadu ma aha in la isu yimaado oo music la shito la niikiyo ama la ciyaaro ama la qaylsho badar iyo cuntana la iska badsho.

    Mowliidka nabiga sida muslimiinta oo dhan yeelaan oo aan ku aragnay Soomaaliya iyo meelo kale sida Jordan iyo Suriya iyo waddama kale oo badan, waa xaflad lagu maamuusayo laguna xasuusanayo dhalashadii Nabigeennii Sharafta badnaa Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, waxyaabaha xafladdaas lagu samaynayo sida uu inoo sheegay Imaam sayuudi waa: .

    1. In la jeedsho duruus ku saabsan siiradii nabiga oo dadka la xasuusiyo sida ay lagama maarmaanka u tahay barashada siirada Nabigeenna iyo barashada diinta Islaamka ah ee Nabigu inoo keenay.

    2. In laga sheekeeyo Siirada nabiga iyo dhalashadiisii iyo sidii xaalka carabtu ahaa inta uusan nabigu soo bixin iyo mucjisooyinkii la arkay kolkii uu dhalanayay nabigu.

    3. In la xasuusiyo dadka isu imaanaya sida ay lagama maarmaanka u tahay ku dhegganaashaha diinta Islaamka iyo qabsashada kitaabka iyo sunnada uu inooga tegay nabigeennu uuna yiri haddii aad labadaa aan idinkaga tegay qabsataan waligiin lumi maysaan iga dib. .

    4. In looga digo muslimiinta meeshaa imaanaya, fasahaadda kooxaha bidciga ah ee lunsan sida "wahhaabiyada" ee diidaya fadliga nabigeenna, caayayana nabiga ee leh nabigu qiime malaha, boostaale ayuu ahaa, sida uu ku andacooday Sheekhoodii hore, Maxamad bin Cabdul Wahhaab.

    5. In la muujiyo farxad iyo raynrayn iyo isku duubni oo la iloobo wixii khilaaf ah ee dhexyaalla umadda Islaamka ah, Isla markaana la iscafiyo.

    6. In la siiyo waxii deeq ah ama cunto ah ee la heli karo dadka xafladdaas isugu imaanaya.

    7. In aanan wax xumaan ah ama Islaamka khilaafaya halkaa laga samayn.

    8. Waxaa bannaan in la qaado Heeso ama Gabayo ama Buraanburro Nabi ammaan ah, waana in aan lagu xedgudbin ammaanta nabiga oo aan la dhihin wuxuu ogyahay Gaybka iyo waa inankii Ilaah iwm.

    9. In aan waqti badan lagu lumin xafladda oo kolkii ay duruusta siirada iyo wacdiga iyo heesaha ama gabayada ama buraanburrada nabi ammaanka ahi dhammaadaan oo wax la cuno markiiba si tartiib ah loogu kala tago goobta.

    10. In la badsho salliga nabiga inta goobtaa la joogo iyo marka laga tago intaba. Back

    How to Unsubscribe from our list

    To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


    Add to Somali Links
    Your Name:
    News Link:
    Insert your news here!

    To Check Click here

    English-Somali Vocabulary
    Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
    Copyright 1998 - All rights reserved.
    Contact Us
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    Contact Us
    Webmaster - All rights reserved]