| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]
Bogga Fatwada iyo Su'aalaha
  • Waydii Fatwo
  • Su'aal iyo Jawaab
  • Baro Diinta Islaamka
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • at-Tartil (Alif Waxmaleh)
  • Mukhtasar al-Harari
  • At-tasawwuf wal Aqidah
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)

  • TAARIIKHDA KOOXDA AKHWAANKA
    Inta aanan u gudbin ka hadlidda fikirka diimeed ee kooxda Akhwaanka waxaa marka hore habboon in aan figrad gaaban ka siinno akhristaha taariikhda kooxdan iyo heerarkii ay soo martay.

    SHEEKH XASSAN AL-BANNA:
    As-Shaykh Xassan al-Bannaa: Wuxuu ku dhashay magaalo yar loo yaqiin Muxamadiyah (waa magac ay lahayd xer suufiyo ah oo meesha deganaan jirtay kadibna magaalo ayay noqotay xertii) oo ku taalla waqooyiga dalka Masar, sanadku kolkuu ahaa 1905kii, waxaana la dilay 1949kii. Wuxuu ahaa nin ku soo dhex koray xer suufiyo ah oo dhinaca akhlaaqda iyo tacliinta aad uga dhisan, wuxuu wax ku soo bartay maca-hadka macallimiinta Qahira iyo Jaamicadda al-Azhar, kadibna macallin ayuu ka noqday dugsiyada Ismaaciiliya.

    AASAASIDDA URURKII "WALAALAHA ISLAAMKA":
    Bishii maarso 1928kii ayuu aasaasay ururkii (walaalaha islaamka) asiga iyo lix kale oo walaalkiis ka mid yahay, ururkaas oo hadafkiisu ahaa in la xoojiyo akhlaaqda dhallinyarada iyo fidinta dacwada islaamka. Intii u dhaxaysay 1928kii iyo 1948kii Xassan wuxuu si aanan kala go'lahayn u fidshay dacwadiisii, asiga oo soo booqday degmooyin iyo magaalooyin aad u badan oo dalka masar iyo dibaddiisaba leh.

    DILKII XASAN AL-BANNAA:
    1949kii, 12kii Feberwary ayaa Xassan lagu toogtay magaalada qaahira. Waxaana dilkiisa loo eedaynayaa dhowr arrimood.

    1. Xassan al-bannaa oo eeddii jabkii carabta ka soo gaaray 1948kii dagaalkii yahuudda dowladda masar si toos ah dusha uga saaray isla markaana ku eedeeyay khayaano iyo in aysan daacad u ahayn dalka.

    2. Dilkii Ra'iisalwasaarihii Masar ee ay kooxdiisu ka dambaysay, kaas oo keenay in ay qolyihii taageersanaa dowladda iyo ra'iisalwasaarihii hore aargoosad ahaan u dilaan xassan al-bannaa.
    Kolka halkaas waxaa ka cad in sababta Xassan al-Bannaa loo dilay ay ahayd mid aargoosad ah, ee aysan mid siyaasadeed iyo mid diimeed toona ahayn sida ay kooxa aha akhwaanku ku andacoonayaan.

    KOOXDA AKHWAANKA:
    1928: Xassan al-Banna oo ahaa wadaad Suufi ah oo macallin dugsi ahaa ayaa aasaasay koox dhallinyaro ah oo hadafkoodu ahaa in xoogga la saaro dhinaca akhlaaqda bulshada iyo dacwada Islaamka, wuxuuna kooxdaas ku magacaabay (walaalaha muslimka ah).

    1939: Ururkii (walaalaha islaamka ah) wuxuu shaaca ka qaaday in uu isu bedelay xisbi siyaasi ah oo dastuurkiisu ahaandoono kitaabka quraanka ah iyo sunnada nabiga.

    1940: Xisbiga akhwaanku wuxuu furtay 500 oo xafiis oo midkasta masjid iyo iskuul iyo xarun u gaar ah.

    1948: Xisbiga akhwaanku wuxuu ka qaybgalay dagaalkii carabta iyo yahuudda, kolkii dagaalkii carabta lagujebshayna waxay eedda dusha ka saareen dowladda masar, isla markaasna waxay billaabeen in ay weerarro argagixiso ah dalka dalka dhexdiisa ka billaabaan. Arrinkaasi wuxuu keenay in dowladdu xaaraantinimayso xisbiga akhwaanka, xisbiguna ayaga oo arrinkaas ka jawaabaya ayay si argagixiso ahaan ah u dileen Prime Ministerkii dalka Mahmud Fahmi Nokrashi, taas oo keentay in halkaas colaad cusub oo dowladda iyo xisbiga akhwaanka u dhexaysa ka aloosanto.

    1949: Bishii febaraayo ayaa Xassan al-Bannaa la toogtay, cid dishay lama garanayn, laakiin waxaa loo malaynayaa in ay dilkiisa ka dambeeyeen dadkii taageersanaa Ra'iisalwasaarihii masar ee kooxda akhwaanku dileen. Dilkii Xassan al-bannaa wuxuu keenay khilaafaad badan oo ka dhexdhasha kooxda, kaas oo aanan xal laga gaarin.

    Madaxdii kooxda iyo raggii xooxda wax ka aasaasay oo ay ka mid ahaayeen Maxamad al-Gazali iyo Sayid saabiq, iyo Xassan al-bannaa walaalkiis iyo qaar kale ayaa isku afgaranwaayay cidda loo dhiibayo hoggaanka kooxda waxayna u kala jabeen laba kooxood, koox tiri Xassan al-bannaa walaalkiis ha loo dhiibo kooxda, kuwa sidan yiri waxay ahaayeen odayaashii kooxda wax ka aasaasay, koox kalena waxay dheheen waxaan xisbiga u dhiibaynaa Xassan al-Hudaybi oo ahaa xubin cusub oo dhawaan kooxda ku soo biirtay.

    Kolkii laysku afgaran waayay dooddii ayaa koox hubaysan oo Hudaybi taageersan habeennimadii ku duushay xaruntii xisbiga ee Iskandariya dabadeedna way qabsadeen kadibna Hudaybi ayay madax ka dhigteen. Kooxdii kale ee xisbiga aasaasay kolkii ay arkeen xaalku sida uu u dhacay ayay isaga baxeen xisbiga akhwaanka oo qof waliba iskiis u billaabay dacwada.

    1951: Xisbigii akhwaanka Xasan al-Hudaybi ayaa madax looga dhigay, isla markiina dowladda ayuu aqoonsi ka helay xisbigu.

    1952: Xisbiga akhwaanku wuxuu ka qayb qaatay inqilaabkii ay sameeyeen kooxdii loo yaqiin (saraakiisha xorta ah) ee uu madaxda u ahaa Jamal Cabdinaasir. Sababaha keentay isafgaradka dhexmaray kooxda saraakiisha iyo akhwaanka waxay ahayd:

    1. Kolkii uu akhwaanku ka qaybgalay dagaalkii 1948kii ee Carabta iyo Yahuudda, halkaas oo ay saraakiisha badankooda isku barteen iskuna dayeen in ay ka dhaadhacshaan aydaloojiyadooda, halkaasna waxaa ka dhashay isafgarad dhexmara ayaga iyo saraakiisha qaar ka mid ah.

    2. Arrinka labaad wuxuu ahaa fikirka kalitalinta ah ee akhwaanka iyo saraakiishu ay aaminsanaayeen, iyo figradaha towriga ah ee ay labada kooxood aaminsanaayeen.

    1954: Khilaaf xoogleh ayaa dhex maray kooxdii saraakiisha iyo kooxdii Akhwaanka, sababuhuna waxay ahaayeen:

    1.Xukunkii oo sidii loo qaybsan lahaa lagu heshiin waayay, maxaa wacay kooxdii saraakiisha ahayd kolkii ay xukunka gacanta ku dhigeen ayaga ayaa isku ekeeyay ee akhwaanka jagooinkii muhiimka ahaa wax kama siin.

    2. Aydaloojiyadda labada kooxood oo aan iswaafaqsanayn, maxaa yeelay kooxda askarta ah waxay aaminsanaayeen (ishtiraakiyad carbeed), wadaaddaduna waxay rabeen (dowlad diimeed oo islaami ah).

    Khilaafkaas dhexmaray labada kooxood wuxuu ku dhamaaday kooxdii akhwaanka oo xisbigoodii la xaaraameeyay oo loo diiday in ay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan. Back

    Dr. Hersi Aw. Mohamed

    How to Unsubscribe from our list

    To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


    Add to Somali Links
    Your Name:
    News Link:
    Insert your news here!

    To Check Click here

    English-Somali Vocabulary
    Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
    Copyright 1998 - All rights reserved.
    Contact Us
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    Contact Us
    Webmaster - All rights reserved]