Toddobaadkii hore waxaa
ballankeennu ahaa in aan ka gudubno daraasada mowduuca Wahhaabiyada
una gudubno kooxda Ikhwaanka loo yaqaan, annaga oo ballanteennii
oofinayna ayaan akhristaha xasuusinayaa in ay lagama maarmaantahay
in aan u laabanno marlabaad kooxdii Wahhaabiyada si aan u fahamno
kooxda Akhwaanka, sidaa darteed, toddobaadkan waxaan dulmar ku
samaynaynaa Manhajka Wahhaabiyada (Macnaha qaabkii wahhaabiyadu ula
dhaqantay, culumada iyo cilmiga).
Manhajka Wahhabiyada: wuxuu ku salaysnaa qodobadda soo
socda.
1. Xulashada Culumada qaarkood.
In laga
xusho culumada muslimiinta intii ayaga dookhooda cajibenaysa
dabadeedna lagu magacaabo magacyo been ah oo waawayn sida (Shaykh
al-Islaam, Xujatul Islaam, Callama, iwm) si dadka caamada ah loogu
sabo magacyadaas beenta ah. Tusaale ahaan, Wahhaabiyadu culumada
Islaamka ee kumanyaalka ah ee caanka ah oo dhan waxay ka doorteen
dhowr qof sida Ibn Taymiya, Ibn Qayim, Ibn Kathiir iyo Ibn
Cabdilwahhab kolkaas bay waxay ku magacaabeen magacyo waawayn oo
caamadu haddii ay maqasho ay ku sirmayaan sida (Sheekhul Islaam).
2. Xulashada kutubta qaarkood.
Waxay sidoo kale
xuleen dhowr kutub oo ay qoreen wadaaddada ay horey u xusheen, sida
kitaabka tafsiirak Ibn Kathiir, iyo Kutubta Ibn Taymiya iyo Ibn
Qayim iyo Ibn Cabdilwahhab. Kutubta kale ee ay qoreen culumada kale
ee caanka ah sida Abii Xaniifa iyo Maalik iyo Shaafici ama kutubta
ay qoreen culumadii Caqiidada sida Ashcari iyo Maaturiidi iyo
Muctasilada iyo kooxaha kale, dhammaan midna ka arki maysid oo way
qarsheen, suuqa in lagu iibshana lama ogola.
Sanadkii 1987kii ayaan tegay jaamicadda Madiina ee Islaamiga
ah, oo ah meesha wahhaabiyada laga fidsho, aniga oo Jordan ka imid
oo cimraysanaya, kolkas baan waydiiyay kutubta halkaas laga dhigto
waxa ay tahay - wallaahi in aanan been sheegayn - waxay ii soo
baxsheen dhowr kitaab oo uu qoray ibn Cabdulwahhab oo kaliya, sida
kitaabkiisa Towxiidka iyo Mukhtasarka Siirada iyo risaalooyin kale
oo yaryar, aad baan uga naxay dhallinyaradii waagaas aan ku arkay
jaamicaddaas, waxaa ii caddaatay in aanay wax cilmi ah haba yaraatee
baran ee oryantayshan wahhaabiyo oo kaliya meesha lagu hayo.
Kolkii aan Maka tegay ayaan aaday xafiiska dacwada laga
fidsho ee wasaaradda diinta sacuudiga oo kacbada agteeda ku yaalla,
kolkaas baan wadaadkii masuulka ka ahaa waydiistay in uu i tuso
kutubta dacwada loogu tala galay ee ay muslimiinta u qaybinayaan -
Ilaah baan ku dhaartay - wuxuu i tusay dhowr kitaab oo la mid ah
kuwii aan Madiina ku soo arkay!
Waxaan ku iri ma haysaa kitaabkii Riyaadusaalixiinka ee
Sheekh Nawawi? Kolkaas buu iigu jawaabay "wuu dhammaaday oo nuskho
kama taallo!". Halkaas waxaa iiga caddaatay in aanan meesha dacwo
Islaam lagu hayn ee ay woxoodu yihiin sidii dacwadii Shuuciyada, oo
la fidinayo figrado kooxo gaar ah leeyihiin. Dacwada Islaamka sida
aan ognahay, waxay ku salaysantahay Xurriyadda Ra'yiga iyo Daraaso
Cilmiyaysan, iyo Fikir saxiix ah oo aanan ku koobnayn nin iyo laba
nin oo si gaar ah afkaartooda loo caabudayo sida kuwa wahhaabiyada.
3. Leexinta Tafsiirka Quraanka
Wahhaabiyadu waxay
turjumeen kitaabka Quraanka ah, luqado aanan carabi ahaynna way ku
fasireen, falkaas waa fal wanaagsan oo looga mahadcelinayo, laakiin
mushkiladi waxay ka dhacday leexinta ay leexsheen macnihii saxda
ahaa ee aayaduhu lahaayeen.
Tusaale ahaan Kitaabka Quraanka ah ee Afsoomaaliga loo
turjumay, waxaad arkaysaa in aayadaha caqiidada iyo kuwa siyaasadda
dhammaan loo fasiray siyaabo khalad ah oo u janjeera manhajka
Wahhaabiga ah.
Tusaale gaaban haddii aan kuu soo qaado bal fiiri kitaabkaas,
waxaad arkaysaa wadaaddada turjumay in ay ay erayga (inna ladiina
aamanuu) u turjumayaan (Kuwii xaqqa rumeeyay), waana tarjamad khalad
ah, wayna ogyihiin laakiin kas bay u yeelayaan, tarjamada saxda ah
waa (kuwii rumeeyay) erayga (xaqqa) ayaga ayaa kas ugu deray waana
eray ay isla yaqaannaan oo ay uga jeedaan (mad-habta wahhaabiyada).
Sidaa darteed waxaad arkaysaa kooxaha Itixaadka soomaalida
waxaa halkudheg u ah (waagii aan xaqqa bartay..) ama (Xaqqa
rumaynay.. ) iwm, macnaha waagii aan Itixaad noqday, maxaa yeelay
Islaamku Itixaadka ka hor buu jiray.
Kitaabka Quraanka ah ee Soomaaliga loo turjumay
khaladaadkiisa halkan uga hadli mayno, inshaa allaahu duruus kale
baan kaga hadli doonnaa (Naqdiga) kitaabkaas, laakiin halkan tusaale
ahaan baan ugu soo qaatay si aan akhristaha u tuso qaabka manhajka
wahhaabigu diinta u fasirayo ama u dersayo.
4. Leexinta manhajka daraasada Sunnada
nabiga
Sunnada nabigu waxay ka mid tahay usuusha diinta
aasaaska u ah, kolka daraasadeedu waa in ay ahaataa mid cuskan
manhaj saxiix ah oo cilmiga waafaqsan. Culumada Wahhaabiyada ama
Salafiyada ee dersay Sunnada waxaa ugu caansan Naasir addin
al-albaani, marka asiga ayaan tusaale u soo qaadanaynaa manhajkiisa
sida uu u dersay Sunnada Nabiga.
Halkan laguma soo koobi karo manhajkii Naasiruddin, laakiin
figrad guud ayaan ka siinayaa akhristaha sida ninkaasi xaddiiska ugu
ciyaaray, tusaale ahaan, haddii uu derso sanadka xadiiska oo uu arko
in qayb xadiiska ka mid ah ay sanad sax ah leedahay, qaybtaas buu
qaadanayaa inta kalena wuu ka tegayaa, kolkaas buu xadiis kale u
gudbayaa, kolkaas buu hadana dersayaa sanadkiisa, haddii uu arko
qayb sanad sax ah leh wuu qaadanayaa inta kalena wuu ka tegayaa, mid
kale ayuu hadana u gudbayaa haddii arko qayb sax ah wuu qaadanayaa..
sidaas ayuu ku soconayaa, kadibna qaybihii saxda ahaa ee uu soo
qaatay buu isu gaynayaa oo xadiis cusub ka samaynayaa! oo xukun
cusub ku salaynayaa!
Su'aasha meesha taal waxay tahay, ma bannaantahay in xaddiis
cusub oo uusan nabiguba dhihin la sameeyao, kaas oo ka kooban erayo
goosgoos ah oo laga soo qaatay axaadiis kale? Mise bannaantahay in
Sharci lagu saleeyo xaddiis asiguba noocaas ah oo aanan sal iyo baar
lahayn?
Way adagtahay si aan halkan ugu sharaxno mowduucan, laakiin
macnaha guud waa figradda doorashada aan idiin soo sheegay, wixii
ayaga dookhooda cajebsha way soo xulanayaan ama aayad ha ahaado ama
xaddiis ha ahaado ama kitaab nin qoray ha ahaado, wixii aanan
dookhooda cajebinaynna way diidayaan oo inkirayaan xattaa haddii uu
quraan cad yahay ama sunno qayaxan tahay dan ka geli mayaan, marka
manhajkoodu wuxuu ku salaysanyahay "xulasho".
5. Sheegashada Mad-habtii Salafka Saalixa
ah
Wahhaabiyada ama Ittixaadka iyo Salafiyadu waxay caado ka
dhigteen in ay si mintidnimo leh ugu nisbeeyaan falalkooda fooshaxun
Salafkii Saalixa ahaa ee Muslimiinta. Falkasta oo ay ku kacaan ama
tafsiir kasta oo ay keenaan ama ha saxnaado ama ha khaldanaadee
waxay leeyihiin waa falkii salafka saalixa ah.
Salaf assaalixiin waxaa looga jeedaa culumadii muslimiinta ee
noolayd 3 dii qarni ee ugu horreysay sanadka hijriga, kuwaas oo la
aaminsanyahay in ay ugu fadli badnaayeen ummadda muslimiinta ah,
sida xaddiiska lagu sheegay.
Kolka wahhaabiyadu si ay u sharciyayso figradaheeda habaowsan
waxay mar kasta isku daydaa in ay ku sahdaan salafka salixa ah, taas
ayaana daliil u ah in ay lunsanyihiin, maxaa yeelay haddii ay
ogyihiin in ay toosanyihiin maxaa ku khasbaya in ay la darooryaamaan
salafkii baan waafaqsannahay, umadda Islaamka ah iyo culumadeeda
kaleba waxaas ma dhahaane?!
6. Kufrinta Muslimiinta aanan ayaga
raacsanayn
Wahhaabiyada, Ittixaadka iyo Salafiyada inteeda
kaleba waxay caado ka dhigteen in ay dadka aanan mad-habtooda
raacsanayn kufri ku xukumaan, waxaana caadadaas ay ka barteen
culumadooda sida Ibn Taymiya iyo Ibn Cabdulwahhaab.
Qarnigii 18aad kolkii wahhaabiyadu ka soo baxday jasiiradda
carabta ayaa Ibn Cabdulwahhaab ku andacoon jiray in "muslimiinta
maanta joogta ay ka kaafirsanyihiin kufaartii quraysh ee joogtay
casrigii jaahilga" wuxuu intaas ku deray in "lixdii boqol ee la soo
dhaafay ay ummadda islaamku kufri ku jirtay" wuxuu ka wadaa wixii ka
dambeeyay qarnigii 3aad ee hijriga dadku kufaar bay noqdeen.
Hadalkaas waxaa maqlay muslimiintii xajka imaanaysay siiba
muslimiinta Hindiya oo ah kuwa hadda Pakistaan loo yaqaanno.
Dabadeedna culumadoodii waxay u qaateen in Carabtii ay diintii ka
noqotay oo jasiiradda carabta aanan hadda dad muslim ahaba aanay
joogin ee waxa joogaa ay yihiin dad ka sii liita kufaartii quraysh
ee joogtay waagii nabi Muxamad.
Culumadii Hindiga ee sidaa u qaatay hadalka Ibn Cabdulwahhaab
waxaa ka mid ahaa (Mowduudi iyo Imam Nadawi) Nimankaas ayaana soo
saaray figradaha jamaacada Ikhwaanka.
Back
Dr. Hersi Aw. Mohamed