Fatwo ka soo baxday culumada wahhaabiyada ee saldhiggoodu yahay waxa loo yaqaan Raabidada caalamka islaamka iyo Majmaca Fiqhiga Islaamiga ee ku yaalla Magaalada Maka ee dalkaasi sacuudiga, kalfadhigiisii 18aad ee la qabtay 8-12kii/4/2006, oo looga hadlay amuuraha guurka iyo nikaaxa ayaa waxaa ka soo baxay go'aamada soo socda:
##pidorpidor##1. In uu bannaanyahay nikaaxa loo yaqaan "misyaarka" kaas oo ah, in naagtu ninka ku tiraahdo, nafaqo iyo guri kaama rabo, ee goortii aad doonto habeen ama maalin gurigayga iigu imaaw, sidaas ayay ku heshiinayaan, dabadeedna nikaax caadi ah ayaa dhexmaraya, marka ninkaas waxaa laga yaabaa in aysan naagtiisa kale ogayn ama xataa dadka kale ogayn, wuxuuna u egyahay midka ay soomaalidu u taqaan (qudbo sirada).
##pidorpidor##2. In uu bannaanyahay nikaaxa loo yaqaan: Nikaaxa (Girl Friend) ee gabadha iyo wiilku ku heshiinayaan in ay isnikaaxsadaan laakiin qof kasta gurigiisa iska joogayo oo wiilkuna reerkiisa la seexanayo, gabadhuna reerkeeda la seexanayso, oo aanay marasho iyo nafaqo iyo guri aanay gabadhu helayn! Nikaaxan waxaa horey u banneeyay Shiikh zanadaani oo ka mid ah culumada Yaman, waxaana loo baxshay (Boy Friend cala sunnati laahi wa rasuulihi) sida wargaysyadu u qoreen! Waana jaad qudbo-sirada ka mid ah. Shiikh Zanadaani waa madaxa kooxda Ikhwaanka yaman, wuxuu ku jiraa baarlamaanka, fatwadaasna wuxuu u baxshay si uu cod uga helo ardayda jaamicadda oo loo doorto!
##pidorpidor##3. In uu xaaraan yahay nikaaxa loo yaqaan (an-nikaax bi niyati dalaaq) kaas oo ah in ninku gabadha guursado, laakiin niyadda ku haysto in uu bil ama laba bilood ama sanad kadib iska furo, nikaaxan waxaa horey u banneeyay (muftigii hore ee wahhaabiyada: Ibn Baaz), culumada wahhaabiyada ee fatwadan ka bixisay waxay dheheen, inkasta oo horey loo banneeyay, hadda waan xaaraamaynay, maxaa yeelay khayaano iyo dhagar ayaa ku jirta.
##pidorpidor##4. Waxaa kale oo ay xaaraameeyeen nikaaxa uu ninku ku xirayo shardiga dhalidda ama dhalid la'aanta, tusaale ahaan haddii uu yiraahdo ninku anigu carruur ma rabo, ee haddii ay naagtani carruur dhasho way iga furantahay. Waxaana loo yaqaan carabiga (az-zawaaj al-mu'aqat bil injaab).
##pidorpidor##
TACLIIQA SH. DR. HERSI AW MOHAMED
##pidorpidor##Assalaamu calaykum: Akhristayaasha waxaan xusuusinaynaa in ay ka digtoonaadaan fatwooyinka jaadkaan ah ee ay baxshaan culumada u shaqeeya wahhaabiyada iyo dowladda sacuudiga, maxaa yeelay badanaa fatwadaas waxaa ka dambeeya arrimo siyaasadeed ama dhaqaale, oo dowladda sacuudigu mushaar badan ayay wadaadadaas ku siisaa howshan, marka waxaa laga yaabaa in aanay culumadaasi si xaq ah wax u dhihin, inkasta oo ay aad wax u yaqaaniin.
##pidorpidor##Midda labaad mas'alada hore ee ah (nikaaxa misyaarka) iyo Midda Xigta ee ah (Nikaaxa Girl Friend)-ga ah in kasta oo caqdigu saxiix yahay hadana xuquuqdii gabadha ayaa meesha ka maqan sida aad aragtaanba, islaamkuna ma bannayn in haweenka xuquuqdooda la duudsado ayada oo laga faa'iidaysanayo duruufta ay ku jiraan.
##pidorpidor##Fatwadan waxaa loo baxshay si loo dherjiyo shahwada nimanka sacuudiga ah ee lacagta badan haysta, ayada oo isla markaa layska dhegatirayo duruufta adag ee ka haysata guurka gabdha ku nool dalka sacuudiga, sida aan wada ognahay haweenayda sacuudiga ah looma ogola in ay ajnabiga guursadaan, looma ogola in ay dalka dibadda uga baxaan, looma ogola in ay gawaarida wadaan oo la kulmaan dhallinyarada, taasina waxay keentay in gabdho badan ay gabarnimada ku gaboobaan.
##pidorpidor##Ragga sacuudiga ayaga oo fursaddaas ka faa'iidaysanaya ayay gabadha ku leeyihiin, hoos baan iska guursanaynaa, maalintii 2 saac ama habeenkii 2saac ayaan gurigaaga kuugu imaanayaa, naagtaydana ha u sheegin iyo cid kale arrinkaas, waana kaas midka loo yaqaan (misyaarka), sida kuu muuqatana dulmi badan ayaa ku jira oo xuquuqdii gabadha oo dhan way lumaysaa.
##pidorpidor##
Tan kale, Islaamku wuxuu caddeeyay in naagtu ninka nafaqo ku leedqahay iyo degaan iyo marasho, haddii ay kolka naagtu ninka u qabsato oo tiraahdo isii nafaqadaydii iyo marashadaydii iyo degaankaygii muddadii aan isqabnay oo dhan, xaq bay ugu leedahay, inkasta oo ay markii hore tiri waan kuu cafiyay, hadana culumada oo dhan waxay isku raacsanyihiin in ay xaq u leedahay in ay ka soo noqoto oo tiraahdo kuuma cafin ee hadda i sii, marka sidee nikaaxaas saxiix ku noqonayaa?!
##pidorpidor##Culumada bannaysay nikaaxa misyaarka iyo nikaaxa (Girl-Friend) ee ah wahhaabiyada, xisaabta kuma derin xuquuqda ay leedahay qofka haweeneyda ah, xaqeediina way dulmeen, nikaaxaas ay banneeyeenna wali shaki ayaa ku jira sidii uu ku suurtoobayay inkasta oo qaabka kore haddii laga eego uu saxiix u egyahay.
##pidorpidor##Nikaaxa kale ee loo yaqaan (an-nikaax biniyati dalaaq) waxaan horey u sheegay in uu mutcada ka daranyahay, oo ay wahhaabiyadu bannaysay, oo uu fatwooday Ibn Baaz oo xalaaleeyay, waxaana fatwadaas laga heli karaa kitaabkiisa (Majmuucu fataawaa, juska 4aad), maanta kolka waa mahad Ilaahay haddii ay wahhaabiyadu ka soo noqdeen baadilkaas, oo xaqa haleeleen, oo xaaraameeyeen nikaaxa jaadkaas ah, marka taana akhristayaashu ha u fiiro lahaadeen.
##pidorpidor##
Dadka qaar ayaa ku murma in nikaaxan ay banneeyeen culumadii hore qaar ka mid ah sida Imaam nawawi uu ku xusay sharaxa Saxiixul Muslim, uuna ka sheegay Imaam Baaqillaani in uu yiri Imaam al-Qaadii Cayyaad ayaa yiri waa ijmaac, laakiin taasi xujo noqon mayso, hadalka Imaam Nawawina macnihiisu ma aha sida ay doonayaan kuwa bannaynaya nikaaxan sida Ibn Baaz, ee wuxuu ka waday in ninka gabadha guursanaya qalbigiisa waxa ku jira aanan la ogaan karin, kolka haddii uu ku qarsado qalbigiisa in uu naagta iska furo bil kadib, xukunka fiqhiga ah taas waxba kama qaban karo, nikaaxa daahirkiisuna waa saxiix, laakiin sharci ahaan ma bannaana waxaasi.
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Qofkii hadalkiisa u fiirsada Imaam Nawawi wuxuu xataa xusay kolkii uu mas'aladan sharxay: in Imaam maalik yiri: waxani ma aha akhlaaqda dadka, iyo in uu yiri Imaam owzaaci nikaaxani mutcada waxba ma dhaamo. Khayr ayaan idiin rejaynayaa.
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
KOOX WAHHAABIYADA AUSTRALIA KA MID AH OO SHEEGATAY IN AY KHILAAFADII ISLAAMKA SOO CELIN DOONTO SANADKA 2006!
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Cajaa'ibka kooxda fallaagada ah ee wahhaabiyada loo yaqaan wax dhamaanaya ma aha, waxaana ugu dambeeyay cajaa'ibkoodii in ay sheegatay koox ka mid ah wahhaabiyada Australia ee ku nool magaalada Sydney oo isku magacawda (United Muslims of Australia) ayaa shaagtay in khilaafadii Islaamku soo noqon doonto sanadkan 2006da! Sikastaba ha ahaatee, kooxdaasi ma sheegin sida ku suurta gelayso sanadkan soo noqoshadii khilaafada islaamka!!
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
MAHADNAQ IYO BOGAADIN
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Bahda ahlusunnah wal jamaacah waxay u mahadcelinaysaa Eng. Abdille Abdullaahi kaalintii uu ka qaatay dib u cusboonaysiinta webka ahlusunnah wal jamaacah, sidoo kale waxaa mahadcelin mudan dhammaan dhallinyarada ka qaybqaata howlaha qoraalka iyo tifaftirka iyo sixidda, dhammaantood waxaan ugu ducaynaynaa in Ilaahay camalkooda saalixa ah ajar iyo xasanaad ka siiyo. Aamiin.
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
DIGNIIN KU SOCOTA AKRISTAYAASHA BOGGA AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Nabigu nnk wuxuu yiri: "Diinku waa naseexo"
##pidorpidor##
##pidorpidor##Walaalaheenna Muslimka ahow, waxaan idinku baraarujinayaa in ay maalmahan dambe bateen dadka internetka wax ku qoraya ee diinta islaamka ka hadlaya, dadkaas waxaa ka mid ah soomaalida iyo umado kaleba, hadaba waxaan ku baraarujinayaa akhristayaasha in ay ka digtoonaadaan akhrinta waxyaabaha dadka caamada ah ku qoraan internetka.
##pidorpidor##Islaamku waa climi, cilmi kastana wuxuu leeyahay dugsiyo iyo jaamicado iyo macaahid iyo mashaa'iikh laga qaato oo laga barto, qof aanan wax soobaranna marnaba ma bannaana in uu ka hadlo wax uusan aqoon u lahayn.
##pidorpidor##Hadaba walaalaha muslimka ah waxaan kula dardaarmaynaa in aanay waqtiga isaga lumin waxyaabah ay qoreen dadka caamada ah ee aanan wax ay soo barteen aanay jirin. Qofku inta uusan Islaamka wax ka qorin waxaa fiican in uu asigu marka hore wax soo barto, marka waxaan idinkula dardaarmayaa in aad marka hore eegtaan qofka derejadiisa cilmiga ah, iyo meesha uu wax ka bartay iyo waxa uu bartay.
##pidorpidor##Haddii uusan qorin derejadiisa cilmiga ah qofka wax qoraya marnaba ma wanaagsana in la akhriyo waxa uu qorayo. Culumadii hore sanadkooda ayay qori jireen, maantana culumadu shahaadooyinkooda ayay qoraan iyo jaamicadihii ay wax ka soo barteen oo taas ayaa gashay booskii sanadka, marka waxaa lagama maarmaan ah in uu qofka wax qoraya is sheego, waxa uu soobartay iyo derajadiisa cilmiga ah iyo meeshii uu wax ku bartay iyo culumadii uu wax ka bartay.
##pidorpidor##Khayr baan idiin rejaynayaa.
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
W/D: C/raxman Sh: Claahi Sh: Max’ed
##pidorpidor## Wakiilka Ahlusunnah wal Jamaacah ee Somalia
##pidorpidor##Waxaa maanta kulan ballaaran isugu yimid xarunta Wasiirka Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsan Wasiirada xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysan ayna ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), xubno ka mid ah ganacsatada Muqdisho oo ay ku jiraan Bashiir Raage Shiiraar, C/rashiid Ilqeyte, & Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xersi & Ciise Cusmaan Cali, waxaana xubnahan geba-gebadii shirkooda ay soo saareen warsaxaafadeed u qornaa sidatan: Halkan ka akhri tafaasiisha
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
DHIBAATOOYINKA FATWADA CULUMADA SIYAASIYIINTA AH
##pidorpidor##
Fatwadii Dr. Xassan al-Turaabi
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Fatwadii Dr. Turaabi uu ka jeedshay shir lagu qabtay magaalada Khurtuum ee caasimadda Suudaan bishii April horraanteedii oo caalamka Islaamka meelo ka mid ah xamaasad wayn ka dhalisay ayaan akhristaha halkan ugu soo koobaynaa, kadibna tacliiqii Sh. Dr. Hersi ayaa xigi doona:
##pidorpidor##
Fatwadii Dr. Turaabi oo kooban
##pidorpidor## 1. In aanay jirin wax daliil ah oo diidaya in naagta muslimka ah aanay guursan karin ninka aanan muslimka ahayn, aayad iyo xaddiis diidayana aanay jirin, dadka arrinkaas xaaraameeyayna hadalkoodu uu kutiri-kuteenyahay.
##pidorpidor##
2. In ay bannaantahay in naagtu imaam noqoto, oo ay ragga iyo dumarkaba imaam u noqoto haddii ay cilmi leedahay, taasna uu nabigu banneeyay oo naag ka mid ah culumadii asaxaabta amray in ay reerkeeda imaam u noqoto, in naagtu ragga la tukatana aanay waxba ku jabnayn maadaama aanan laysku xoqanayn.
##pidorpidor##
3. Qawaamada (madaxnimada) nimanka la siiyay ee naagaha madax looga dhigay ma aha mid marwalba taagan, taasna macnaheedu ma aha in raggu naagaha ka fadli badanyihiin.
##pidorpidor##
4. Markhaatiga labada naagood lama eka marqaatiga hal nin, ee waa figrado loogu tala galay in haweenka lagu lugjiido, xaddiiska iyo quraankana daliil looguma hayo.
##pidorpidor##
5. Aayadda xijaabku waxay khusaysaa haweenka nabiga, khimaarka la sheegayna waa mid ay naaguhu ku qarinayaan horaadahooda, figradda maanta khimaarka laga haystana khalad baa ku jira.
##pidorpidor##
6. Khamriga cabiddiisu dambi wayn ma aha, haddii aanan qofku sakhraamin oo dad dilin.
##pidorpidor##
7. Xuurulcaynta la sheegayaa waa naagaha saalinxiinta ah ee adduunyada jooga.
##pidorpidor##
Tacliiqa Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed:
##pidorpidor##Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatuh: Marka hore akhristayaasha waxaan ka codsanaynaa in aanay dhaygagin haddii ay arkaan masaa'il adag oo la yaab leh oo aanay horey
u maqal sida kuwa uu Dr. Turaabi fatwooday.
##pidorpidor##
Midda labaad waa in aan fahamno yuu yahay Dr. Turaabi inta aanan fatwadiisa wax ka sheegin: Dr. Turaabi waa caalim islaami ah, wuxuu PhD ka soo qaatay Jaamicadda Surboon ee Faransiiska, fiqhiga iyo diintana wuxuu ka bartay aabbihiis oo qaalli caana ka ahaa dalka Suudaan, wuxuu ku takhasusay qaanuunka, wuxuuna la soo shaqeeyay dowladdii Numayri, wuxuu qabtay guddoomiyanimada kooxda Ikhwaanka suudaan.
##pidorpidor##
Dr. Turaabi waxaa lagu tirshaa in uu yahay muslimiinta iyo carabta maanta joogta kuwa ugu aqoon badan, wuxuu ku hadlaa dhowr af oo ay ka mid yihiin Englishka iyo Faransiiska, Carabigana waa u dhashay.
##pidorpidor##
Dr. Turaabi asiga ayaa aasaasay dowladda Suudaan ee maanta uu madaxda ka yahay al-Bashiir, kadib markii uu inqilaab ku rogay dowladdii dimuquraadiga ahayd ee la soo doortay ee suudaan asiga oo ku andacoonaya in uu dowlad islaami ah samayn doono.
##pidorpidor##
Sikastaba ha ahaatee Dr. Turaabi xaalkiisu wuxuu ku dambeeyay xabsi in loo taxaabay kadib markii asiga iyo kooxdiisii ay iskhilaafeen oo al-Bashiir oo ardaygiisii ahaa ku soo jeestay, dabadeedna la xiray lagana saaray xisbigii dalka xukumayay.
##pidorpidor##
Ujeedada Fatwada Dr. Turaabi
##pidorpidor##Hadii aan u soo laabano fatwada Dr. Turaabi, waxaan leenahay hadalkaasi ma aha mid cusub, waxyaabaha uu fatwoodayna ma aha wax cusub laakiin wuxuu doonayaa in uu soo jiito rayilcaamka caalamka islaamka maxaa yeelay maalmahanba hadalkiisu wuu qarsoomay oo wuxuu galay buul.
##pidorpidor##
Taas waxaa la jirta in waxa uu fatwooday ay yihiin mas'alooyin caam ah, hadalkana wuxuu u yiri si isku duub ah ee ma bayaanin masaa'ilka, sidaa darteed culumadu iskuma dhibin redintiisa, sababtuna waa in ay ogyihiin in masaa'ilkaas qaar badan oo ka mid ah ay yihiin sida uu u yiri, qaarna ay xoogaa faahfaahin ah u baahanyihiin.
##pidorpidor##
Sidaa darteed, waxaan leenahay Dr. Turaabi waa nin siyaasi ah fatwadiisana siyaasad ayuu ula danlahaa, ee alle ka cabsi kama ahayn, masaa'ilka uu sheegayna wax la yaab leh ma aha, culumaduna way ogyihiin in ay sida uu u sheegay yihiin, laakiin xoogoo faahfaahin ah meesha ku jirto.
##pidorpidor##
Midda labaad Dr. Turaabi wuxuu ka mid yahay kooxda ikhwaanka, shalay markii uu dowladda suudaan ku jiray wuxuu ahaa ninkii gabdhaha ku khasbayay in ay isdaboolaan, dowladdii Numayri intii uu wasiirka ka ahaayna asiga ayaa Numayri ku khasbay in khamriga wabiga niil lagu shubo oo cabiddiisa laga mamnuuco Suudaan! maantana wuxuu leeyahay xijaabku waajib ma aha! Khamriguna xaaraan ma aha!! Marka taasi waa calaamad lagu yaqaan madaxda kooxaha ikhwaanka iyo kuwa la midka ah ee wahhaabiyada iyo dhammaan xarakaadka fallaagada ah ee aanan diinku alle ka cabsi ka ahayn.
##pidorpidor##
Haddaba qofkii faahfaahinta mas'aladahaas doonaya, waxaan ka codsanaynaa in uu si gaar ah inoola soo xiriiro ama webka inoogu soo qoro mas'alada uu doonayo si aan ugu faahfaahino uguna caddayno xukunka sharciga ah, addilladiisana ugu sheegno. Khayr baan idiin rejaynayaa.
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
MAXKAMADEHEE ISLAAMI AH?!
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
##pidorpidor##
Maxkamdahee islaami ah?
##pidorpidor##Waa barnaamij aan ku sahmineyno waxa ka jira magaca maxkamadaha islaamiga ey labaxeen mase u qalmaan magacaas, mase bannatahay in ey iclaamiyaan waxa ey ugu yeereen jihad, kaas oo dhexmaraya umad muslim ah, mase macquultahay in diinta ey u isticmaalaan siyaasadda, Markey arrintu kafariisato.
##pidorpidor##Maqaaladaan ayaan ku falnqeendoonaa dhamaan umuurahaas oo dhan in kastoo aan rabo in aan soo aruuriyo warbixino dheer oo aan ka soo xiganeyno ilo muhiim ah oo aan waliba, si muujas ah uga jawaabno su’aalo dhowr ah, waxaan kamid ah si aan u fahmno cidda maamul ahaan gacanta ku heysa maxkamdaha in tabadan waxaa muhiim ah in la is weydiiyo.
##pidorpidor##
##pidorpidor##1. Waa ayo hormuud wadayaasha maxkmadaha? waa suaal jawaab kooban, marka hore waxa wada maamulka maxkamdaha waa ururka layiraahdo alitixaad, waxaan rabnaa in aan taariikhda alitixaad waxyar ka xusno.
##pidorpidor##
##pidorpidor##2. Siyaad bare Waqtigii Muqdisho laga saarayey ee Sagaashameeyinkii wuxuu Al-itixaad ahaa urur kamid ah ururada siyaasadda dalka somaliya ku loolama wuxuuna la safnaa ururo ey isku siyaasad ahaayeen. Inkasta oo ururka Alitixaad aad u xoog badnaa hadana wuxuu ogaa in uunan isaga kaligiis wali Qaangaar u ahayn in uu holiyo in uu la wareego Awoodda Dalka wuxuuna dan biday intii uu xididaysanayo in uu ka dheeraado in ay isku dhacaan Ururada xooga badan ee Qaabka Qabiileed u dhisan sida USC iyo SNM, wuxuuna is tusiyey Alitixaad in ay isbahaysi Ururada la samaystaan kuna dhaqmaan Siyaasada ah (Gacantaadan goynkarin waa la Dhunkadaa).
##pidorpidor##
##pidorpidor##3. Madaama ay marka USC Caasumadii qabsatay waxay Alitixaad go´aansadeen in ay USC isbahaysi la samaystaan, iyagoo waliba istusiyey in isbahaysigaasi u suurto galinkaro in ay u dusaan awooda Dalka iyaga oo aan la dareemin.
##pidorpidor##
##pidorpidor##4. Kala Jabkii USC wuxuu ku kalifay Alitixaad in ay iyana kala jabaan si aanay dhinacyada Siyaasada Xamar dhinacna u seegin iyadoo haddana wada shaqayn ka dhaxaysay labada garab ee alitixaad, sidaas ayey Siyaasiyin iyo Odayaal Alitixaad ka mid ah ula safteen Cali Mahdi, meesha rag uu Xasan Awees ka mid yahay oo u badan dhilinyaro iyo Ciidankii Alitixaad Caydiid ula safnaayeen.
##pidorpidor##