|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Word of the Day
Article of the Day
This Day in History
In the News
Quotation of the Day
Match Up
Match each word in the left column with its synonym on the right. When finished, click Answer to see the results. Good luck!

 
Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada ayaa Maanta loogu dhawaaqay Magaalada Muqdisho

W/D: C/raxman Sh: Claahi Sh: Max’ed
Wakiilka Ahlusunnah wal Jamaacah ee Somalia

Waxaa maanta kulan ballaaran isugu yimid xarunta Wasiirka Amniga Qaran-ka ee degmada Dayniile xubno ka tirsan Wasiirada xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysan ayna ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed (Cumar Filish), xubno ka mid ah ganacsatada Muqdisho oo ay ku jiraan Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, & Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xersi & Ciise Cusmaan Cali, waxaana xubnahan geba-gebadii shirkooda ay soo saareen warsaxaafadeed u qornaa sidatan:

1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku qoran yihiin, waxaan nahay Isbaheysi Soomaali ah oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada & la-dagaalanka argagixisada caalamiga ah (Counter terrorisim) ee wadankeena joogat & kuwa u kaalmeynaya dembiilayaasha ajnebiga ah.

Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono dib u dhiska wadanka, sida iskuulada, isbitaalada, masaajida & taakuleynta culumaa'udiinka, waddooyinka, siinta biyo nadiif ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la hormarinayo

2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil, jufo ama qoys kama soo horjeedno, mana metelno reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo badan oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada & sharci darrada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal nabadgelyo leh wadankeeda & caruurteena, howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.

3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo aanu u wadajirno sidii looga shaqeyn lahaa danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn mustaqbalka qoysaskeena.

4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan waa in aan u midoownaa sidii aan dalkeena hooyo uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga soo nacay, fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in ay na burburiyaan, xorriyadeeniina lumiyaan.

5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka, kuna dhimanaya hadduu ALLE Idmo oo aaminsan ALLE & Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis korkiisa ha ahaateen, mana aqbaleyno in iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo dalkeena & dadkeena si guracan.

6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay bulshada muddooyinkan dambe ka dhex-muuqdeen iyagoo isku muujinaya in ay shacabka nabadgelyadiisa ka shaqeynayaan, ayna ku dhex wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda dembiyada ka soo galay.

Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa gacanta ku haya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto dalkeena maadaama aysan ku noolaan karin dal uu sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka soo carareen.

Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo isticmaalo qarbudaad & in lagu fuliyo afkaaro aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka bini'aadamka ee nabadgelyada ku dhisan.

Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan aadna u fool xun oo lagula kacayo ciddii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn fikradaha kulul ee argagixiso-nimo, dilalkaas waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, ciddii wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo laga xalai jiray, hase yeeshee inkastoo ay is qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa sharciga haddii ALLE Idmo.

Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo isugu jira culumaa'udiin aan aaminsaneyn in dil & burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano, saraakiil & waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii la leeyo waa loo jeedaa waxa lala damacsan yahay wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka aan la xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo aqoonsado hoy argagixisadu ku noolaan karto, sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la kulmo, sida annagoo xorriyadeena ku weyna.

Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee weligeen horay wadankeena looga arag waa in meel aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah lagu aaso miinooyin, si nolosha dadka loo argagax geliyo, waxaa iyadana la arko bambooyin mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu qarxinayo magaalada dhexdeeda iyadoo la doonayo in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa kaloo calaamadooda ka mid ah in ay bambooyin ku tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo sheeganaya anshax toosin, hase yeeshee waxaa la wada ogsoon yahay in aan ciddina baneysan karin dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin maxkamad la wada aqoonsan yahay.

Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah 1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha xag jirka ah ee ku been abuuranaya magaca diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah

2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan Soomaaliya oo dhan kuwa biira-qaatayaasha ah oo taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo siinaya meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga & waxyaabaha wax lagu qarxiyo.

3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim ah, diintoodana aan cid kale wax ugu dhimin, iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka ayaa ah diin la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku dilo, laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo gaaray rag afkaaro xag jira xambaarsan kuna gambanaya diinta Islaamka.

4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna caanbaxay in dalka Soomaaliya ay joogaan argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo dhibaatooyin kala duwan oo dhimasho keenay ka soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.

5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer & dabagalna ku sameynay aragnayna sida macna darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka, saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii & indheer-garatadii in inta hartay la daba-qabto, kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan afkaarta dhoofiska ah.

6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena Soomaaliya maanta oo uu ku sugan yahay marxalado qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin abaaraha & macluusha & kuwo bini'aadamku sababo sida dagaalada & nabadgelyo darrida, miyuu dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo dalalkooda ama wadamo kale dembiyo ka soo galay, kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya.

7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa taageero & in gacan laga siiyo sidii sharcigii & kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo celin lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah ka galno caalamka intiisa kale oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaan soo jeedineynaa

1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu jooga meel looga soo wada jeesato, lagana foojignaado waxyeeladooda.

2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo duubtay ay soo wargeliyaan Isbaheysiga meesha ugu dhow.

3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo waxyeelo geysanaya haddii ay arkaan

4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan in Islaamka ay ka xaaraan tahay in uu wax argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci ah aysan xukumin

5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib uga fikiraan waxyaabaha loo sheegay oo ay ka mid tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo idinla mid ah oo aysan garaneyn waxa uu ka haleeyey Islaamka.

6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka argagixisada ee sida qof loogu dhaco gurigiisa laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in howshaasu tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab mudanayo.

7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada wadankeena ay ka tanaasulaan nidaamkan qatarta ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto dhibaatooyin ka culeys badan waxa ay maleysan karaan.

Marka saxaafadda loo aqriyey qoraalka ay soo saareen xubnahaasi ayaa waxaa su'aalo ay saxaafadu weydiiyeen xubnahaasi Jawaabihii ay ka bixiyeen ay u dhaceen sidatan:

Max'ed Qanyare wuxuu yiri:
"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la yiri aqoonyahanadeey dileen, shaqsiyaadkaasina waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo rogayaan dalka oo la mid ah Iiraan & Daalibaan oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara ma lahan, waxey furteen maxkamado, afkeeyo duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma jirto, fikirkaan annaga ayaa iska leh, balse fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda laga keenay sida bariiskii & baasatadii, waxaana la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay yiraahdaan argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama Bin Ladin, Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan, annaga dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto, damiirkeena & shacabka Soomaaliyeed rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray, Muqdisho & agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan & hay'adihii wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada Soomaaliya waa la caawiyaa laakiin Muqdisho waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"

Muuse Suudi wuxuu yiri:
"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu daboolanaayo , muslim ayaan nahay, Islaamka in wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay nimanka saraakiisha & aqoonyahanada inta guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare, Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir Yaxye ayaa gurigiisa loogu dhacay, waxaan ku midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan aragnay in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya madaxa laga goynayo, annaga nimankii hubeysnaa ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee naga maqal, idinka saxaafadda ah waxaan ognahay in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma jiraa weriyeyaashiina hal nin oo inta aan la soo hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid waan dagaaleynaa aan niri maan leenahay, dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay ma yara, annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo guryaha dadka ugu dhici kara oo tababar buuxa dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii & dhibaatadii dalka ka dhacday cid u soo gurmata ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka towbad keenta waan soo dhoweyneynaa,

Cumar Filish, wuxuu yiri:
"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen dad badan oo la dilay, balse nasiib darro cidda dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka duwan wixii horay dalka uga dhici jiray Muqdisho & Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub dalka & dalka, kana timid shisheeye, haddana shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan in aan ka soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena annaga oo la kaashaneyna ummadda Soomaaliyeed, waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta leh"

Ganacsade Bashiir Raage wuxuu yiri:
"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa ka soconeysa, waxaanan la hureyn in la sheego runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu tegayo berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee manhajkan aan la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa nimankaas, annagu waxaan nahay dad Muslim ah ku dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana dooneyno nimankaan cusub ee howsha soo galay ee loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan argagixiso, waxaana aaminsanahay dariiqada suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee waxaan u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal, waxaan u midoobeynana aan iyaga iska dhicinaa, huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada berjo mid u dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa oo aan laga baaqsaneyn nimankaan Wahaabiyada la yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan u naqaan culimadaan suufiyada ah anaga waxa nalagu dhalay oo aan wiligeen maqli jirnay diinkana nasoo gaarsiiyay culimada dariiqada sida Qaadariya, iyo Axmadiya, rufaaciyo I.W.M waxaan ka soo horjeednana waa Wahaabiyada, oo ah manhaj marin habaawsan ee nasoo galay sanadihi sideetameeyadii dagaalka dhawaan aan galnay waxa aan la dagaalnay waa ayaga oo ilmaha aan dhalnay ayeey rabaan afkaar aan fikir islaam aheen in ay ku shubaan Xamar na waa lagu kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon doonaa, marka ciddii rabta ALLAAHU maa balaqto in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna dhabarkeenaan ka fiirineynaa"

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]