AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    AXKAAMTA XAJKA
    AXKAAMTA XAJKA
    Xajka iyo cimraduna waxay qofka muslimka ah ee xorka ah ee qaangaarka ah ee awooda ku waajibayaan hal mar inta uu noolyahay. Ee ka dheeraad ah dayntiisa iyo degaankiisa iyo hugiisa ku habboon iyo dheefta dadka dheeftoodu saarantahay inta uu sii socdo iyo inta uu soo socdo.

    Tiirarka Xajka:
    Kan koowaad: waa xirashada, waana in uu laabtiisa ka yiraahdo: waxaan galay howshii xajka ama cumrada.
    Kan labaad: waa istaagidda carafa inta u dhaxaysa wereegidda qorraxda harki maalinta carrafa inta laga gaaro waaberiga habeenka ciidda.
    Kan saddexaad: waa kacbada oo lagu dawaafo.
    Kan afaraad: waa socodka inta safa iyo marwo u dhaxaysa toddoba jeer gees ka gees.
    Kan shanaad: waa xiirashada ama jarashada.
    Kan lixaad: waa isku xejinta tiirarka badankooda.

    Sidookale, intaan joogsiga ahayn tiirar bay u yihiin cumrada, arkaantaasina waxay leedahay waajibaad iyo shuruud ay lagama maarmaan tahay in la dhawro. Waxaana dawaafka shardi u ah in la gooyo fogaan waana laga billaabo dhagaxa madow oo lagu yimaado isla dhagaxa madow toddoba jeer.

    Shuruudda Dawaafka:

  • Dedidda xumaysta (cawrada).
  • Iyo iscalasaynta (dahaarada).
  • Waana in uu kacbada bidixdiisa ka dhigo, kana soo horjeesan kana sii jeesan.

    Qofkii xirtana (xajka ama cumrada) waxaa ka xaaraan ah:

  • Iscarfinta.
  • Iyo in madaxa iyo garka saliid lagu subkado ama jinfi ama miid malab oo dareeraya.
  • Iyo cidiyaha iyo timaha jarashadooda.
  • Iyo isutagga (ragga iyo haweenka),iyo waxyaabaha la xiriira.
  • Iyo guursashada.
  • Iyo ugaarsiga ugaar duurjoog ah oo la cuno.
  • Ninkana waxaa ka reebban in uu madaxiisa dedo iyo in uu gashado dhar wareegsan oo tolan ama buste iwm.
  • Haweenayda xiratayna waxaa ka reebban in ay wajigeeda deddo iyo gacma gashiga.

    Qofkii fala wax ka mid ah waxyaabahaas la diiday waxaa korkiisa ahaaday dambi iyo isfurasho. Haweenka u tegiddooduna waxay badinaysaa buridda waxaana waajib ah qallayntiisa si degdeg ah. Qofkii xajkiisa ku buriya haweenay uu u tegay wuu dhammaystirayaa mana goynayo xajkiisa kadibna wuxuu qallaynayaa sanadka ku xiga.

    Waajibaadka Xajka
    1. Waxaana waajib ah in uu miiqaadka ka xirto, miiqaadkuna waa meesha uu magacaabay Nabigii Ilaahay si uu uga xirto sida dhulka loo yaqaan dalxaliifah ee reer Madiino loogu talagalay iyo wixii ayaga ku jid ah.
    2. Xajkana waxaa ka mid ah ku nagaashada Musdalifa sida culumada qaar qabaan.
    3. Iyo mina sida culumada qaar qabaan, waajibna maaha sida culumada qaar qabaan.
    4. Iyo in la tuuro jamrada caqaba maalinta loogidda (naxriga).
    5. Iyo tuurista saddexda dhagax maalmaha durraamada (tashriiqa).
    6. Iyo dawaafka sagootiska (wadaca) oo ah aragti culumada mad-habta shaaficiyada qaar qabaan.

    Arrimahaa lixda ah qofkii aan la imaan xajkiisu buri mayo waxaase korkiisa ahaanaya dambi iyo isfurasho (fidyo), mana aha sida arkaanta hore loo soo sheegay, maxaa wacay la'aanteed xajku ansixi mayo qofkii ka tagana kuma kabi karyo waqdhaacin oo ah ri uu gowraco.

    Waxyaabaha ka reebban Xaajiga:
    Waxaana ka reebban in la dilo ugaarta labada xaram ama la gooyo dhirtooda mid xiranaya iyo mid kaleba, makana waxaa u dheeraad ah isfurashada (fidyada), isfurashana malaha ugaarta xaramka madiino iyo goynta dhirteedu. Xaramka madiinana waa inta u dhaxaysa buurta Cayr iyo buurta tawr.



  • | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]