Habeenka kalabarka bisha Shacbaan
Iyo usoo jeesashada Cibaadada Eebbe
Mahad Eebbe ayay u sugnaatay nabadgelyo iyo naxariisina ha ahaato Nabiga korkiisa iyo ahalkiisa iyo asaxaabtiisa:
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: ?Fala wanaagga waxaad mudantihiin in aad guulaysataane? [al-Xaj:77]. Nabigi Eebbana Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Haddii la gaaro habeenka kalabara bisha Shacbaan, habeenkiisana salad u istaaga maalintiisana sooma" waxaa soo weriyay ibn Maajah. Waxaa kale ee Rasuulku yiri: Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Salaadaha waxaa ugu fadli badan, kuwa faradka ah ka dib, salaadda habeenkii –)salaatul laylka)" waxaa soo weriyay Muslim.
Habeenka kala bara bisha shacbaan waa habeen barakaysan qofkana wax uu sameeyo waxaa ugu wanaagsan habeenkaas in uu salaatullayl tukado maalintiina soomo uuna Eebbe ka cabsado. Akhriska suuradda Yaasiin habeenkan la akhrinayo waxaa ku jira ajar badan sida habeennada kaleba, hase ahaatee, wax daliil ah lagama soo werin nabiga in akhriskeedu mustaxab yahay habeenkaas gaar ahaan.
Waxaa kale oo dadka caamada ah qaar rumaysanyihiin in habeenkaa shacbaanka kala bara uu yahay habeenkii uu Eebbe ku yiri: ?Dhexdeeda ayaa lakala saaraa arrin kasta oo xigmad leh? [ad-Dukhaan:4]. Kolka arrinkaasi sax ma aha, aayaddanna waxay ku soo aroortay habeenka Laylatul Qadarka ah, ujeeddaduna waa in Eebbe habeenka laylatul Qadarka tusi doono Malaa'iktiisa waxyaabaha dhici doona laga billaabo habeenkaas inta lagagaarayo habeenkiisa kale sanadka xiga oo ah dhimashada iyo nolosha iyo dhalasho iyo quudinta iwm.
Ducada ay dadka qaar caadaysteen in ay akhristaan oo ku celcelshaan habeenkan oo ah habeenka kala barka bisha Shacbaan, ee ah: "Eebbow haddii aad iigu qortay ummul kitaabka agtaada in aan ahay mid wax loo diiday ama la fogeeyay ama risqiga lagu cariirshay, Eebbow fadligaaga iiga tir dhurdarsigayga iyo diidmadayda iyo fogayntayda iyo faqiirnimadayda..".
Ducada jaadkaas ah ma sugna, waxaana ku jira marin habaabin loo malaynayo in Eebbe uu beddelayo wixii uu doonay, qofkii rumaysta in Eebbe wixii uu doonay bedelayana caqiidadiisu way fasahaadday, maxaa yeelay amarka ilaahay waa soo jireen sii jireen ah soona geli maayo isbeddel ama doorsoomid sida ay sifooyinkiisa kaleba yihiin sida cilmigiisa iyo awooddiisa iyo qadderkiisa iwm.
Kolka isku beddeli mayso doonista Eebbe baryo uu qof baryay ama saddaqo uu qof la baxay ama yabooh dartiis iwm.
Waxaana run sheegay qofkii yiri: Waxaa nasahnaaday midka wax beddelaya ee aan asigu isbedelayn, haddii uu Eebbe ahaan lahaa mid u beddelaya doonitaankiisa duco awgeed wuxuu u bedeli lahaa nabigiisa uu doortay nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkii uu nabigu yiri: "Waxaan Eebbehay waydiistay afar, wuxuuna I siiyay saddex midna wuu iga diiday, waxaan waydiistay in aanan ummaddaydu gaaloobin dhammaantood wuuna isiiyay, waxaan waydiistay in uusan ku gumaadin wixii ummadihii hore lagu gumaaday wuuna isiiyay, waxaa kale ee aan waydiistay in aan cadaw ka adag lagu soo dirin oo kolkaa ka adkaada oo dabargooya wuuna iga yeelay, waxaa kale ee aan waydiistay in aanay ayagu dhexdooda islayn kolkaas buu iga diiday" Riwaayada muslimna waxaa ku jiray: "Wuxuu igu yiri: Muxammadow anigu haddii aan xukmiyo xukun kaasi lama soo celsho".
Khilaafka Wahhaabiyada
Sidii caadada u ahayd wahhaabiyadu waxay ku khilaaftay Muslimiinta intooda kale arrinka fadliga habeenka kalabadhka bisha Shacbaan ayaga oo leh waa bidco oo ku andacoonaya in aanan wax daliil ah oo sugan ku soo aroorin fadliga habeenkaas!
Waxaa ila soo xiriiray dhowr ka mid ah dhallinyarada Soomaalida deggan Yurub iyo Maraykanka iyo meelo kale oo ka eedsheeganaya wareerka wahhaabiyadu ku hayso bulshadooda iyo khilaafka ay ka dhalsheen arrinka ku saabsan Shacbaanka.
Waxaa sidoo kale email iisoo qoray qaar wahhaabiyada soo booqda webka www.2garre.com ka mid ah, oo igu yiri: (Suufi bidci ah ayaad tahay ee cilmiga baro!!) marka waxaan ugu jawaabaynaa sedan:
1. Horta waa in la ogaado Xaddiiska aan kor ku shegnay ee uu soo weriyay Ibn Xibbaan Eebbe ha ka raalli noqdee, waa xaddiis Mursal ah oo xoogleh, sida la ogyahayna axaadiista noocaan ah waa loo adeegsan karaa (tarqiibka iyo tarhiibka) sida uu u xusay al-Imaam al-Mundiri kitaabkiisa (at-Tarqiib wat-Tarhiib).
2. Midda labaad xaddiiskan wuxuu ku xiran yahay axaadiis kale oo saxiix ah oo ay soo weriyeen Imaam Muslim iyo Bukhaari iyo Axmad iyo qaar kale oo badan, axaadiistaas waxay caddaynaysaa in "naxariista Eebbe ama Malaa'igtiisu soo degayso oo dunida u soo degayso habeen kasta siiba gelinka dambe, oo uu Eebbe u dambi dhaafayo umaddiisa intii uu doono" (macnaha axaadiistu waa sidaas ee lafdigoodii maaha), marka xaddiiska wuxuu ka mid yahay axaadiistaas sheegtay in Malaa'ikta Eebbe ama Naxariistiisu soo degayso habeenkii, laakiin wuxuu ku xaddiday habeenka kala badhka bisha Shacbaan, marka maadaama xaddiiska macnihiisu asal fiican oo saxiixa leeyahay ayay culumadu u adeegsadeen waxyaabaha ku saabsan (ku dhiirrigelinta dadka lagu dhiirrigelinayo cibaadada iyo daacada Ilaahay).
3. Marka halkaa waxaa ka cad in aanan meesha wax bidco ah ama khuraafaad ah aysan jirin, ee wahhaabiyada ayaa fahmi waysay arrinka xaddiisku ka hadlayo maxaa yeelay waxay garan waayeen in ay fahmaan xiriirka ka dhaxeeya xaddiiskan iyo axaadiista kale ee saxiixa ah ee isla arrinkaas ka hadlaya.
Marka waxaan Ilaahay ka rejaynayaa in uu akhlaaq wanaagsan idin siiyo wahhaabiyoy, oo aad iska dhaaftaan aflagaaddada, oo aad cilmiga barataan, qof jaahil ah haddii uu caalim isu maleeyo waa mashaakil, intii ay waxbaranlahaayeen ayay culumada iyo dadka tacliinta u go'ay ee derejooyinka waawayn ka gaaray afka ku taagayaan, Ilaahay ha idin soo hanuunsho asiga ayaa qaadir ahe.