Eebbe wuxuu yiri: (Wuxuu Rasuulku idiinla yimaado qaata, wuxuu idinka reebana ka reebtooma, Eebbana ka dhowrsada Eebbe wuu cadaab daranyahaye) [al-Xashr:7]. Nabigeenniina nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu inooga tegay xujo cad oo habeenkeedu maalinteeda oo kale yahay.
Kolka Soonka bisha Soon waa cibaado wayn oo uu ku filanyahay caddaynta fadligeeda xaddiiska qudsiga ah ee uu soo weriyay al-Bukhaari: "Fal kasta ee aadane falo asigaa leh soonka intaan ahayn, kaa anigaa leh, aniga ayaana ka abaalmarinaya". Kolka waa cibaadooyinka midka ugu fadliga badan waxyaabaha Eebbe loogu dhawaanayana ugu wayn, waana arrimaha Islaamka waxyaabaha ugu mudan mid ka mid ah sida ku soo aroortay xaddiiskii labada sheikh ee ahaa: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan walxaato" waxaana ku jiray "soonka bisha Rabadaan".
Waxayna culumada madaahibta afarta ah isku raaceen, in waxa aasaaska u ah aqoonsashada billowga bisha soon ay yihiin sedan:
In la fiirsho bisha dhalashadeeda kolka qorraxdu dhacdo maalinta sagaal iyo labaatanaad ee bisha Shacbaan, haddii bishii la arko maalinta ku xigta ayaa noqonaya soon billowgiisa, haddii aan la arkin dayaxana maalinta ku xigta waxay ahaanaysaa Shacbaan soddonkeedii, maalinta ku sii xigtana bishii soon kowdeedii.
Sidaa ayaana muslimiintu ku soconjireen dhammaan dalalkeenna, sidaa ayayna fatwoodeen fuqahada waxayna caddeeyeen in arrinkan ay taasi aasaas u tahay oo aanan la eegayn hadalka kuwa wax xisaabsha iyo kuwa xiddigiya, hadalkooduna wax kasoo qaad malaha haddii la ogaanayo billowga iyo dhammaadka rabadaanka.
Wuxuu Imaam Axmad ku soo weriyay musnadkiisa oo Imaam Muslimna ku soo weriyay saxiixiisa oo an-Nasaa'i iyo Ibn Maajah ku soo weriyeen sunnooyinkooda mid ka mid ah xaddiiskii Abuu hurayra wuxuu yiri: Wuxuu yiri Rasuulkii Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Haddii aad aragtaan dayaxa sooma, haddii aad aragtaanna afura, haddii humaag idin ka qarsho soddon maalmood sooma".
Waxaana Bukhaari ka soo weriyay nabiga Eebbe nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee in uu yiri: "Ku sooma aragtidiisa (dayaxa) kuna afura aragtidiisa, haddii humaag idinka qarshana dhamaystira tirada shacbaan soddon". Muslim riwaayadiisana waxaa ku yimid: "Ku sooma aragtidiisa, kuna afura aragtidiisa, haddii humaag dayaxa idinka qarshana ku qiyaasa soddon (shacbaanka)".
Hadalka Culumada Mad-habta Shaaficiyada
Waxaa ku soo arooray kitaabka "asna al-madaalib sharx rowdu ad-daalib", ee uu qoray Sheekh Zakariyaa al- Ansaari ee geeryooday sanadkii 925kii (H) juszka 1aad, bogga 410aad: "Wax ka soo qaad malaha hadalka kuwa xiddigiyeenka ah, soonkuna sidaa ku waajibi maayo mana ku bannaana, ujeeddada laga leeyahay aayadda: (Xiddigga ayayna ku hanuunaan) [an-Naxl:16] waa hanuunka lagu garanayo qiblada aaggeeda iyo kolka la safrayo.
Hadalka Culumada Mad-habta Xanafiyada
Waxaa ku soo arooray kitaabka "Redd al-Muxtaar cala ad-Durri al-Mukhtaar" ee uu qoray faqiihii xanafiga ahaa Ibn Caabidiin ee geeryooday sanadkii 1252kii(H) juszka 3aad, baalka 354aad: "Wax ka soo qaad malaha hadalka kuwa waqtiga xisaabsha, kolka loo eego waajibinta soonka uu dadka ku waajibayo, taa daaye (kitaabka al-Micraaj)-na waxaa ku yimid: waxaa culumadu isku raaceen in aanuu waxkasoo qaad lahayn hadalkoodu (kuwa xiddigiya), mana u banana xiddigiyaha in uu ku camalfalo xisaabtiisa (uu bisha xisaabay)".
Hadalka Culumada Mad-habta Maalikiyada
Waxaa ku soo arooray kitaabka "ad-Durr athamiin wal mawrid al-maciin" ee uu qoray Sheekh abii Cabdullaahi Muxammad Bin Axmad Mayyaara al-Maaliki ee dhintay sanadkii 1072kii(H) baalka 327aad: "Wuxuu yiri al-Shihaab al-Qaraafi, ee geeryooday 684H, oo ka soo weriyay Sanad oo dhintay 541H, haddii uu Imaamku rumaysanyahay xisaab (in lagu garankaro soonka) ee uu sidaa ku caddeeyo dhalashada bisha taas lagu raaci maayo maxaa yeelay salafkii ayaa isku raacay diididdeeda".
Kitaabkii as-Sharx al-Kabiir ee uu qoray Axmad ad-Dardeeri al-Maaliki al-Azhari ee geeryooday 1201kii(H), juzka 1aad, baalka 462aad, wuxuu yiri mad-habtii Maalik waxaa ku cad in "Soonkuna ku sugnaan maayo hadal qof xiddigiyeen ah, oo uu uga jeedo, in uusan soonku sidaa ugu waajibayn dadka iyo xidigiyeenka korkooda intaba".
Hadalka Culumada Mad-habta Xanbaliyada
Kitaabka "Kashaaf al-Qinaac" ee uu qoray al-Buhuuti al-Xambali ee geeryooday 1051kii(H) juzka 2aad, baalka 302: waxaa ku yimid: "Haddii uu niyaysto soonka maalinta soddonka shacbaan asiga oo aan haysan sanad sharci ah oo ama ah bishii oo la arkay ama shacbaan oo dhammaaday ama caad cirka qarshay ee uu ku soomo xisaab ama cirbixin si kasta oo u saxanyahay ansixi maayo soonkiisu maxaa yeelay ma cuskan sanad sharci ah".
Kolka sida hadalka culumada afarta madhabadood ku cad oo axaadiista aan kor ku soo sheegnay caddaysay, waxaa waajib ah in lagu soomo bisha arkiddeeda laguna afuro bisha arkiddeeda, haddii la arki waayo bisha waxaa la dhamaystirayaa soddonka bisha shacbaan, maalinta ku xigta ayaa kolkaa soon noqonaysa. Mana bannaana sida culumada madaahibta afarta ah sheegeen in cirbixin ama xisaabin xiddigaha la xisaabsho lagu soomo ama lagu afuro.