AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    AASAASKA CAQIIDADA ISLAAMKA

    CAQIIDADA MUSLIMIINTA
    Su'aalo iyo Jawaabo ku saabsan Caqiidada Islaamka

    1. Su'aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
    Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
    Xadiiska: "Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta" waxaa weriyay al-Bayhaqi.

    2. Su'aal: Maxay tahay xigmadda ku jirta abuurista jinniga iyo aadanaha?
    Jawaab: Waa in uu Eebbe faro cibaadadiisa. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Uma uumin Jinniga iyo Insiga in ay I caabudaan mooyee) ad-Daariyat:56.
    Xadiiska: "Xaqa uu Eebbe ku leeyahay addoomaha waa in ay caabudaan oo aanay ula shirko yeelin wax kale" waxaa weriyay labada sheikh.

    3. Su'aal: Cibaadadu sidee ku ansaxaysaa?
    Jawaab: Cibaadada Eebbe waxay ka ansaxaysaa qofkii rumaysan jiritaanka Ilaahay ee aan cid uunkiisa ka mid ah ku shabbahayn. Wuxuu Eebbe yiri kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan)as-Shuuraa:11. Nabiguna nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yiri: "Fikirku haleeli maayo Eebbe" Waxaa soo weriyay Abul Qaasim al-Ansaari. Wuxuu yiri Al-Gasali: "Ansixi mayso cibaadadu kolka Eebbe la aqoonsado kadib haddii aanay ahayn".

    4. Su'aal: Maxaa Eebbe u soo diray nabiyaasha?
    Jawaab: Wuxuu Eebbe u soo diray nabiyaasha si ay u baraan dadka arrimaha diintooda iyo adduunyadooda, iyo in ay dadka ugu yeeraan cibaadada Eebbe iyo in aysan Eebbe wax kale ula shirko yeelin. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Wuxuu soo diray Eebbe Nabiyaalka ayaga oo bishaaraynaya oo digaya) al-Baqarah: 213.
    Xadiiska: "Waxaa ugu fadli badan wixii aan dhahnay aniga iyo nabiyaashii iga horreeyay: Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    5. Su'aal: Towxiidka Maxaa macnihiisu yahay?
    Jawaab: Waa in Ilaaha soo jireenka ah laga reebo waxyaabaha dhacdooyinka ah sida uu u sheegay al-imaam al-Junayd, wuxuuna uga jeedaa kan soo jireenka ah Eebbaha aan jiritaankiisu billowga lahayn, dhacdooyinkuna waa uunka. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Ma jiraan wax Ekaankiisa ah) ash-shuuraa:11.
    Xadiiska: waxaa la waydiiyay nabiga nabadgelyo iyo naxarisii korkiisa ha ahaatee: falkee ugu fadli badan falalka kolkaas buu yiri: Eebbe iyo Nabigiisa oo la rumeeyo" Waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

    6. Su'aal: Ka hadal jiritaanka Eebbe.
    Jawaab: Eebbe jiritaankiisa shaki kuma jiro, wuxuuna jiraa qaab la'aan iyo meel la'aan iyo aag la'aan, mana u eka wax ka mid ah uunkiisa wax uunkiisa ah oo asiga u egna ma jiraan. Wuxuu yiri kor ahaayee: (Ma Eebbe ayaa shaki ku jiraa) Ibraahiim: 10.
    Xadiiska: "Eebbe wuxuu jiray ayada oo aan wax kale jirin" waxaa soo weriyay Bukhaari iyo qaar kale.

    7. Su'aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe (Wuu idinla joogaa meel aad ahaataanba) al-xadiid: 4.
    Jawaab: Waxaa looga jeedaa in uu aqoontiisa ku koobay, waxaa sidaa yiri: ath-thawri iyo ash-shafici iyo Axmad iyo Maalik iyo qaar kale. Wuxuu yiri Eebbe: (Eebbana wuxuu ku koobay wax kasta cilmigiisa) ad-dalaaq:12.
    Xadiiska: "Naftiinna ha kadeedina maxaa yeelay adinku baryi maysaan wax dhegoole ah ama mid maqan, waxaadse baryaysaan mid wax maqla oo dhaw" waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Waxaa laga wadaa, wax Eebbe ka qarsooni ma jiraan.

    8. Su'aal: Muxuu yahay dambiyada midka ugu wayn?
    Jawaab: Dambiyada waxaa ugu wayn kufriga, kufrigana waxaa ka mid ah shirkiga oo macnihiisu yahay in la caabudo cid aan Eebbe ahayn, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee asiga oo Luqmaan ka sheekaynaya: "Inankaygow ha u shirko yeelin Eebbe shirkigu waa dulmi wayne) Luqmaan: 13.
    Xadiiska: Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa la waydiiyay: dambiyada keebaa ugu wayn? Wuxuu yiri: in aad Eebbe u shirko yeesho asiga oo ah kii ku uumay" waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo qaar kale.

    9. Su'aal: Waa maxay macnaha cibaadadu?
    Jawaab: Cibaadadu waa khushuucidda iyo khuduucidda meesha ugu sarraysa sida uu yiri: xaafidkii as-Subki. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe ma jiro aan aniga ahayn ee I caabuda) al-Anbiyaa': 25.

    10. Su'aal: Ducadu cibaadada oo kale ma noqon kartaa?
    Jawaab: Haah, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa wax kale ma ahee, Eebbahay baan baryayaa, shirkana uga dhigi maayo cid kale) al-Jinni: 18.
    Xadiiska: "Ducadu waa cibaadada" waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Cibaadana halkan waxaa looga jeedaa xasanaadka.

    11. Su'aal: Ma noqonkartaa ducadu macne aan cibaado ahayn?
    Jawaab: Haah, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Hakadhigina ducada (uyeeridda) Rasuulka dhexdiinna sida ducada (uyeeridda) qaarkiin qaarka kale) an-Nuur:63.

    12. Su'aal: muxuu yahay xukunka in loo yeero Nabi ama Wali haddii uu doono ha maqnaadee ama in laga codsado wax aanan caadi ahayn?
    Jawaab: Arrinkaasi wuu bannaanyahay maxaa yeelay taas cibaado la caabudo cid aan Eebbe ahayn ma aha, weedha "yaa rasuulu laahi" oo kaliyana shirki Eebbe ma aha, waxaana sugnaaday in Bilaal bin al-Xaarith al-Muzani uu yimid qabriga Nabiga sanad jiilaal ah maalmihii imam Cumar kolkaas buu yiri: "Nabigii Ilaahayow u roobdoon ummaddaada maxaa yeelsy way abaarsadeen" waxaa soo weriyay al-Bayhaqi iyo qaar kale, Cumar ama cid kalena kuma diidin, taa daaye wuuba u bogay falkiisa. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Haddii ay kolka ay naftooda dulmiyaan kuu imaan lahaayeen ee ay Eebbe dambidhaaf waydiistaan uuna u dambi dhaaf waydiisto rasuulku waxay heli lahaayeen Eebbe towbada aqbala oo naxariista) an-Nisaa': 64. Waxaa kale oo sugnaaday in Ibn Cumar uu yiri: "Muxamadow" kolkii ay lugtiisu qallashay. Waxaa soo weriyay al-Bukhaari kitaabkiisa al-adab al-mufrad.

    13. Su'aal: Cadee Macnaha istiqaathada iyo isticaanada iyo daliilkooda.
    Jawaab: istiqaathadu (baryda) waa in kaalme la doono kolka cariiri la galo, isticaanada (kaalmaysiga) ayaana ka sii ballaaran wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Kaalmaysta Sabarka iyo Salaadda) al-Baqarah: 45.
    Xadiiska: "Qorraxda ayaa u soo dhawaan doonta madaxyada dadka maalinta qiyaamaha, ayaga oo kolka sidaa ah ayay waxay baryi (istiqaatho) doonaan Aadam" waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Taasina waxay caddaynaysaa in cid aan Eebbe ahayn in wax la waydiisto ay bannaantahay hase ahatee waa in la ogaado in aan cid aan Eebbe ahayn waxna dhibayn waxna anfacayn run ahaantii.

    14. Su'aal: Ka hadal tawasulka Nabiyaasha lagu tawasulo.
    Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo culumaduna way isku raacsanyihiin. Tawasulkuna waa in la waydiisto Eebbe in manfaco laguu soo jiido ama in lagaa fogeeyo dhibaato ayada oo la xusayo nabi ama wali ayada oo lagu karaamaynayo qofkaas lagu tawasulay, ayada oo isla markaa la ictiqaadsanyahay in uu Eebbe yahay midka wax tara ama wax dhiba xaqiiqo ahaan, wuxuu yiri Eebbe: (doona waxaad –Eebbe- ugu dhawaanaysaan) al-Maa'idah:35.
    Xadiiska: "Wuxuu rasuulku baray ninkii indhoolka ahaa in uu ku tawasulo kolkaas buu falay asiga oo aanan nabiga la joogin kolkaas baa Ilaahay u soo celshay araggiisii" waxaa soo weriyay ad-Dabaraani oo saxay.

    15. Su'al: Ka hadal Tawasulka Awliyada.
    Jawaab: Way bannaantahay in lagu tawasulo mana jirto cid isku khilaafsan arrinkaas oo ahlulxaqa ka mid ah salafka iyo khalafka intaba.
    Xadiiska: Imaam Cumar ayaa ku tawasulay al-Cabbaas asiga oo leh: "Eebbow waxaan kuugu soo tawasulaynayaa Nabigaaga Adeerkiis" waxaa soo weriyay al-Bukhaari.

    16. Su'aal: Caddee waxa looga jeedo xaddiiskii jaariyadda.
    Jawaab: Waa xaddiis aan xasilloonayn (mud-darib ah), ciddii saxdayna ugama jeeddin in Ilaahay uu samada degganyahay. Wuxuu yiri Imaam Nawawi sharaxii uu xaddiiskan saaray "Hadalka ah: xagee Eebbe jiraa" waa su'aal ku saabsan "mudnaanta" ee ma aha mid ku saabsan "meesha", waxaana looga jeedaa: "maxaad rumaysantahay (gabadhyahay) arrinka waynaynta Eebbe ku saabsan" hadalkeeda ah "samada" ama (fissamaa'i) waxaa looga jeedaa "derejadiisa ayaa aad u sarraysa" mana bannaana in la ictiqaado in Rasuulku gabadhaa waydiiyay "meesha" uu Eebbe jiro, waxaa kale oo aan bannaanayn in la ictiqaado in ay sidoo kale gabadhu hadalkeedaa ula jeedday in uu Eebbe samada degganyahay, wuxuu yiri Imaam Cali –kitaabka ar-Risaalah al-Qushayriyyah, ee uu qoray Abii al-Qaasim al-Qushayri - "lama yiraahdo xagee jiraa, kii xagga (meesha) ahaysiiyay", Abu Xaniifa-na wuxuu yiri – kitaabka al-Fiqh al-Absat – (Eebbe wuxuu jiray intaan "meeli" jirin. wuu jiray ayada oo aan "meeli" jirin, lamana uumin, asiga ayaana ah uumaha wax kasta. Eebbe wuxuu yiri: (Wax ekaankiisa ah ma jiraan) as-Shuraa: 11.
    Xadiiska: "Eebbe wuxuu jiray ayada oo aanan wax kale oo aan asiga ahayn aanay jirin" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    17. Su'aal: Qofkii Eebbe caaya xukunkiisu waa kaafir, arrinkaas caddee adiga oo daliilka xusaya.
    Jawaab: Wuxuu soo sheegay al-Qaadii Cayyaad in la isku raacay in qofkii Eebbe caaya uu gaalyahay haddii uu doono ha caraysnaadee ama ha kaftamee ama yuusan ula kicine. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Haddii aad waydiiso waxay leeyihiin waxkale ma ahee waannu kaftamaynay oo ciyaaraynay waxaad dhahdaa ma Eebbe iyo aayadihiisa iyo rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesaydaan. Ha cudurdaarana hubaal waad kufrideen rumayseen kadibe) at-Tawbah:65-66.
    Xadiiska: "Addoonka waxaa laga yaabaa in uu ku hadlo eray asiga oo aanan wax dhib ah u arag kaas oo laga yaabo in uu ku fogayo naarta toddobaatan gu'". Waxaa weriyay at-Tirmidi.

    18. Su'aal: Waa maxay daliilka caddaynaya in ay bannaantahay in ay xabaalaha soo booqdaan raga iyo haweenka intuba?
    Jawaab: Xaddiiska "Soo booqda xabaalaha maxaa yeelay waxay xusuus u tahay qiyaamaha". Waxaa weriyay al-Bayhaqi.

    19. Su'aal: Sidee Islaamka loo soo gelayaa?
    Jawaab: Ayada oo lagu dhawaaqo labada ashahaatin ayaa Islaamka lagu soo gelayaa, mana aha in la yiraahdo "istaqfurullaah" (ilaahow I cafi), Laakiin hadalka uu Eebbe ka sheegay Nabi Nuux ee yiri: (Waxaan iri: Eebbe dambidhaaf waydiista) Nuux:10. Ujeeddadiisu waa in Nuux ka codsaday qoonkiisii in ay Islaamka soo galaan ayaga oo Eebbe rumaynaya iyo Nabigiisa Nuux ah si Eebbe ugu dambi dhaafo.
    Xadiiska: "Waxaa la I faray in aan dadka la dagaalo inta ay ka markhaati kacayaan in aanan Eebbe mooyee ilaah kale jirin aniguna aan Nabigii Ilaahay ahay" Waa la isku raacsanyahay.

    20. Su'aal: Waxaad caddaysaa xukunka ammaanidda nabiga nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
    Jawaab: Waa ay bannaantahay oo waa laysku raacay. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Adiguna –Nabiyow- waxaad leedahay akhlaaq wayn) al-Qalam:4. Waxaa kale oo uu Eebbe yiri: (Wayna ammaaneen wayna gargaareen) al-Acraaf: 157. Waxaana looga jeedaa "ammaaneen" wanaag bay ku sheegeen oo faansheen
    Xadiiska: "Qaar haweenka ka mid ah ayaa faanshay Nabiga nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, ayaga oo ka dhahay Nabiga hortiisa: Alla maxaa ka wacan la dersidda Muxamad" waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan. Waxaa kale oo sugnaaday in qaar ka mid ah asaxaabta ay faansheen (Nabiga) Sida Xasaan Bin Thaabit iyo al-Cabbaas iyo qaar kale, Nabiguna ma uusan ku diidin arrinkaas, taadaaye wuuba jeclaystay.

    21. Su'aal: Waxaad ka hadashaa cadaabta qabriga.
    Jawaab:Waxaa waajib ah in la rumeeyo cadaabta qabriga kaas oo ku sugnaaday ijmaaca qofkii beenshana waa la gaalaynayaa. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Naarta ayaa loo soo bandhigaa maalin iyo habeen maalinta ay ooganto qiyaamuhuna (waxaa la dhahaa) gelsha reer Fircoon tan ugu daran cadaabta) Gaafir:46.
    Xadiiska: "Ka magangala Eebbe cadaabta qabriga" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    22. Su'aal: Maxay ahaayeen uunka wixii ugu horreeyay ee la abuuray?
    Jawab: uunka wixii ugu horreeyay ee la abuuray waa biyaha, Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Waxaan ka yeelnay biyaha wax kasta oo nool) al-Anbiyaa':30.
    Xadiiska: "Wax kasta waxaa laga abuuray biyo" waxaa weriyay Ibn Xibbaan.

    23. Su'aal: Ka hadal jaadadka bidcada, maxaase daliil u ah in ay jirto bidco wanaagsan "Bidcah xasanah".
    Jawaab: Bidcadu luqad ahaan waa wax kasta oo la sameeyo oo aan horey u jirin, dhinaca sharcigana waxay u qaybsantaa bidco hanuun ah iyo bidco lumid ah: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (iyo adduun ka jeedsi –Rahbaaniyad- ay ayagu billowdeen oo aynaan annagu ku waajibin kuna doonayeen raallinimada Eebbe) al-Xadiid: 27. Kolka Eebbe wuxuu ammaanay falka kuwii raacsanaa Ciise ee Eebbe rumaysnaa oo ahaa in ay ka go'een adduunyada raaxaysigeeda taas oo aanan Ilaahay ku waajibin laakiin ay ku doonayeen in Eebbe ka raalli noqdo.
    Xadiiska: "Qofkii Islaamka ku soo kordhiya fal wanaagsan wuxuu leeyahay ajirkiisa iyo ajirka qofkii fala asiga kadib" waxaa weriyay Muslim. Asaxaabta Nabiguna waxyaabo ayay soo kordhiyeen muslimiintii ayaga ka dambaysayna sidoo kale ayay waxyaabo badan oo diinka ku fiican u faleen umadduna way ka aqbashay waxaana ka mid ah: Mixraabyada (masjidka loo sameeyo) iyo aadaanka labaad ee salaadda jumcada, iyo shaqlidda musxafka, iyo xusidda mowlidka Nabiga sharafta leh.

    24. Su'aal: ka hadal falidda sixirka.
    Jawaab: Sixirka faliddiisu waa xaraan. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Sulaymaan ma kufrin laakiin shayaadiinta ayaa kufriyay waxay barayaan dadka sixirka) al-Baqarah:102.
    Xadiiska: "Ka fogaada toddobada wax hoojisa: waxaa la yiri: Maxay tahay rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yiri: Eebbe oo loo shirko yeelo iyo sixirka.." waxaa soo weriyay Muslim.

    25. Su'aal: Maxaa u daliil ah in uu kufrinayo qof kasta oo ku tuura qashinka warqad uu ku yaallo korkeeda magaca Ilaahay.
    Jawaab: Ma bannaana in warqad uu magaca Ilaahay ku yaallo lagu tuuro qashinka, qofkii sidaa yeela asiga oo fududaysanaya waa la kufrinayaa. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa: Ma Ilaahay iyo Aayadihiisa iyo Rasuulkiisa ayaad ku jeesjeesaydeen. Ha cudurdaarana hubaal waad kufrideen rumayen kadibe" at-Tawbah:65-66. Ibn Caabidiin wuxuu yiri: Waa la kufrinayaa qofkii kitaabka ku tuura qashinka haddii uu dano yuusan u kasin fududaysasho e', maxaa yeelay falkiisa ayaa fududaysasho tusaya.

    26. Su'aal: Waa maxay xukunka yabooha (nadarka)?
    Jawaab: Waa bannaanyahay yaboohu wixii Eebbe u dhawaasho ku jirto, waxaana waajib ah in la oofiyo, wixii xaaraan ahna ma bannaana in la yabooho, in la oofiyana waajib maaha. Eebbe wuxuu yiri: (Waxay oofinaayaan Nadarka) al-Insaan:7.
    Xadiiska: "Qofkii nadra in uu Eebbe adeeco ha adeeco, qofkii nadra in uu Eebbe caasiyana yaanuu caasin" Waxaa weriyay al-Bukhaari.

    27. Su'aal: Maxaa u daliil ah in aanan codka haweenku cowro ahayn?
    Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaadna dhahdaan hadal macruuf ah) al-Axzaab:32.
    Xadiiska: Wuxuu yiri al-Axnaf bin Qays: waxaan ka maqlay xaddiiska afka Abuu Bakar iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Cali umana maqal sida aan uga maqlay afka Caa'isha". Waxaa soo weriyay al-Xaakim, kitaabkiisa al-Mustadrak.

    28. Su'aal: Ka hadal sifada Eebbe ee hadalka ah.
    Jawaab: Eebbe wuu hadlaa hadalkeenna oo kalena ma aha, hadalkiisu ma aha eray, codna maaha afna maaha. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbana wuu la warramay Muuse hadal ahaan) an-Nisaa': 164. Wuxuu ku yiri Imaam Abuu Xaniifa kitaabkiisa al-Fiqh al-Absat: "Wuu hadlaa, hadalkeenna oo kalena ma aha, annaguna waxaan ku hadlaynaa xubno -carrabka iyo faruuryaha iwm- iyo xuruuf Eebbana kor ahaayee wuxuu hadlaa xubno la'aan iyo xarfo la'aan.

    29. Su'aal: Maxaa looga jeedaa weedhii Ilaahay kor ahaayee: (Eebbe wuxuu ku istawooday carshiga dushiisa)?
    Jawaab: Wuxuu yiri Imaam Maalik: wuxuu u istawooday sidii uu asigu naftiisa ku sheegay lamana yiraahdo "sidee bay ahayd", (maxaa yeelay) "sidee bay ahayd" asiga way ka reebbantahay. "Siduna" waa astaanta uunka, waxaana ka mid ah astaanta uunka fariisashada iyo nagaashada iyo meesha iyo aagga, wuxuu yiri al-Qushayri: wuu istawooday waxaa looga jeedaa: wuu dhowray wuuna hantay wuuna nooleeyay, mana bannaana in la ictiqaado in uu Eebbe ku fadhiyo carshiga maxaa yeelay taasi waa caqiidada Yahuudda waxayna beeninaysaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Eebbe ha u yeelina Ekaanno) an-Naxal:74. Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee: (Waxay u soo bandhigmeen Eebbaha kalida ah ee wax qabta "qahra") Ibraahiim:48. Wuxuuna yiri Imaam Cali: "Eebbe wuxuu u abuuray Carshiga si uu awooddiisa u muujiyo mana uusan ka dhigan meel uu asigu dego" waxaa soo weriyay Abuu Mansuur al-Baqdaadii.

    30. Su'aal: Ka hadal Qaderka.
    Jawaab: Wax kasta oo adduunkan dhexdiisa ka dhaca ee khayr ah ama shar ah ama cibaado ah ama macsi ah ama iimaan ah ama kufri ah waxay ku ahaadeen qaderka Ilaahay iyo doonistiisa iyo ogaalkiisa. Khayrka iyo iimaanka iyo cibaadadu waxay ku ahaadeen qaderiddiisa iyo jeclaantiisa iyo raallinimadiisa, hase ahaatee, sharta iyo macsida iyo kufriga waxay ayaguna ku ahaadeen qaderidda Eebbe kumana aanay ahaan jeclaantiisa iyo raallinimadiisa, lagumana tilmaamo qaderidda Ilaahay oo ah sifadiisa shar in ay tahay. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Annaga ayaa wax kasta uunnay qadar ahaan) al-Qamar:49.
    Xadiiska: "Wax kasta waxay ku ahaadeen qadderka awoodyarida iyo caqlibadnaantaba ha ahaadeene" waxaa weriyay Muslim.

    31. Su'aal: Maxaa daliil u ah in gacanqaadka ninka iyo naagta kala ajnabiga ah uu xaaraan yahay?
    Jawaab:
    Xadiiska: "In looga mudo midkiin bir madaxa ayaa uga khayr roon in uu taabto naag aan u xalaal ahayn" waxaa weriyay ad-Daaraqudhni. Waxaa kale ee uu yiri nabigu Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee: "Gacanta sinadeedu waa taabashada" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    32. Su'aal: Ka hadal quraanka lagu akhrinayo maydka dushiisa.
    Jawaab: In qur'aanka maydka korkiisa lagu akhriyo way bannaantahay, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Fala khayrka) al-Xaj:77.
    Xadiiska: "ku akhriya maydkiinna dushiisa suuradda yaasiin" waxaa soo weriyay Ibn Xibbaan wuuna saxay. Waxaana si ijmaac ahaan ah u ogolaaday culumada in uu bannaanyahay oo faa'iido leeyahay. Wuxuu yiri Imaam Shaafici: "Haddii ay ku akhriyaan qabrigiisa aktiisa qaar ka mid ah quraanka way wanaagsanaan lahayd, haddii ay quraanka oo dhan ku akhriyaanna way ka sii fiicnaan lahayd" waxaa soo sheegay an-Nawawi kitaabkiisa Riyaad as-Saalixiin.

    33. Su'aal: Maxaa u daliil ah in qofka dhintay saddaqada wax ku dheefayo?
    Jawaab:
    Xadiiska: "Haddii uu geeryoodo aadanuhu camalkiisu wuu joogsadaa intaan saddex ahayn: saddaqo socota, iyo cilmi lagu dheefsanayo, iyo dhal suubban oo u soo ducaynaysa" waxaa soo weriyay Muslim. Ujeedadiisuna waa in ay waxaasi yihiin waxyaabaha uu ku dheefsanayo qofka muslimka ah (kolka uu dhinto kadib) kuwaas oo ah waxyaabihii uu asigu sababta u ahaa. Sidoo kale qowlkii Ilaahay kor ahaayee: (Ma laha qofku wax aan ahayn wixii uu falay" an-Najam:39. Oo looga jeedo waxyaabihii uu sameeyay ee khayrka ahaa wuu ku dheefsanayaa, waxyaabaha wanaagsan ee dadka kale u sameeyeen asigana wuu ku dheefsanayaa, oo waa fadliga Ilaahay, sida salaadda janaasada, ma aha wax uu falay qofka dhintay, wuuna ku dheefsanayaa, iyo sida ducadii rasuulku dadka kale u duceeyay, ma aysan ahayn wax dadkaasi faleen wayna ku dheefsadeen sida ducadii uu ugu duceeyay Ibn Cabbaas ee yiri:"Eebbow xigmada bar iyo ta'wiilka kitaabka" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    34. Su'aal: Maxaa u daliil ah in uu bannaan yahay qiyaamka (salaadda) bisha rabadaan kow iyo toban ragco wax ka badan?
    Jawaab: Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (fala khayrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaane) al-Xaj:77.
    Xadiiska: "Salaatullaylku waa laba-laba ragco" waxaa weriyay al-Bukhaari. Muslimna wuxuu soo weriyay: "Salaaddu (sunnada ah) waa khayr, qofkii doonana wuu yaraysan qofkii doonana wuu badsan".

    35. Su'aal: Maxaa u daliil ah adeegsiga durbaanka?
    Jawaab:
    Xadiiska: "Naag ayaa nabiga ku tiri: Waxaan yaboohay in haddii Eebbe ku soo aruursho adiga oo nabad ah aan durbaan ku tumo hortaada, wuxuu yiri: haddii aad yaboohday, yaboohaaga oofi" Waxaa weriyay: Abuu Daa'uud.

    36. Su'aal: Nabiyaasha iyo Rasuullada kii ugu horreeyay yuu ahaa?
    Jawaab: Nabiyaasha iyo Rasuullada kii ugu horreeyay waa Aadam nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Eebbe wuxuu doortay Aadam) al-Cimraan:33.
    Xadiiska: "Aadam iyo inta kale ee nabiyaasha ah waxay hoos imaanayaan calankayga maalinta qiyaamaha" Waxaa weriyay at-Tirmizi.

    37. Su'aal: Maxaa u waajibaya nabiyaasha maxaase ka mustaxiil ah?
    Jawaab: Waxaa waajib ah in ay ku sifoobaan runlownimo iyo dhowrsanaan, iyo geesinimo, iyo codkarnimo, waxaana ka mustaxiil ah beenta iyo dhagarta iyo doqonnimada, iyo dhillaynimada iyo dhammaan dambiyada waawayn iyo kufriga nabinimada ka hor iyo kadib intaba. Eebbe wuxuu yiri: Dhammaantood waxaan ka fadli yeelnay umadaha) al-Ancaam: 86.
    Xadiiska: "Eebbe nabi sooma dirin aanan waji qurxoonayn oo aan cod qurxoonayn" waxaa weriyay at-Tirmidi.

    38. Su'aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe: (Ma uusan dhalin mana la dhalin) al-Ikhlas: 3?
    Jawaab: Waxaa looga jeedaa in aanan Eebbe ahayn jismi iyo in uusan tarmayn. Marka Eebbe wax uu dhexgelayo ma jiraan wax asiga ka soo tarmayana ma jiraan. Wuxuu yiri Imaam Jacfar al-Saadiq: "Qofkii ku andacooda in Ilaahay wax ku dhexjiro ama uu wax ka soo tarmay ama uu meel dul saaranyahay waxaa hubaal ah in uu shirki yeelay" Waxaa ku soo weriyay al-Qushayri kitaabkiisa ar-Risaalah.

    39. Su'aal: Maxaa daliil u ah in ay bannaantahay Nabiga oo lagu salliyo addinka ka dib?
    Jawaab: Way bannaantahay in lagu salliyo Nabiga addinka kadib, qofkii waa xaaraan yiraahda arrinkaasna hadalkiisu wax ka soo qaad malaha. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Eebbe iyo malaa'iktiisu waxay ku sallinayaan Nabiga, kuwa Eebbe rumeeyow ku salliya dushiisa oo salaama salaam) al-Axsaab:56.
    Xadiiska: "Haddii aad maqashaan midka addimaya, dhaha waxa uu dhahayo oo kale, kadibna igu salliya" Waxaa soo weriyay Muslim. Iyo Xadiiska: "Qofkii I xusaahi ha igu salliyo" waxaa soo weriyay al-Xaafid as-Sakhaawi.

    40. Su'aal: Waa maxay riddadu imisa qaybood ayayse u qaybsantaa?
    Jawaab: Riddadu waa Islaamka oo lagu gooyo kufri, waxayna u qaybsantaa saddex qaybood: Riddada hadalka ah: sida caayidda Eebbe ama nabiyaasha ama Islaamka, haddii uu doono qofku ha caraysnaadee. Riddada falka ah: Sida musxafka oo lagu tuuro qashinqubka ama lagu istaago. Riddada qalbiga ah: sida in la rumaysto in Eebbe jismi yahay ama uu ruux yahay ama uu fadhiyo carshiga dushiisa ama uu degganyahay samada ama naf ahaan uu joogo meel kasta ama uu aag leeyahay. Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Hubaal waxay dhaheen weedhii kufriga, oo way kufriyeen kadib kolkii ay islaameen) at-Tawbah:74. Waxaa kale ee uu yiri Eebbe kor ahaayee: (Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa) Fusilat: 37.
    Xadiiska: "Addoonku wuxuu ku hadlaa Eray asiga oo aan u fiirsan, kaas oo naarta ku rida in dhererkeedu ka sii fogyahay inta u dhaxaysa bariga iyo galbeedka". Waxaa weriyay Muslim iyo al-Bukhaari.

    41. Su'aal: Maxaa u daliil ah in ay bannaantahay mowliidka Nabiga sharafta leh oo loo dabbaaldego?
    Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Fala khayrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaane) al-Xaj: 77.
    Xadiiska: "Qofkii Islaamka ka billaaba sunno wanaagsan wuxuu leeyahay ajarkeeda" waxaa weriyay Muslim.

    42. Su'aal: Maxaa looga jeedaa hadalkii Rasuulka: "Haddii aad wax waydiisato, Eebbe waydiiso, haddii aad cid kaalmaysatana Eebbe kaalmayso"?
    Jawaab: Ujeeddadu waa in ay fiicantahay in haddii cid wax la waydiisanayo Eebbe la waydiisto, haddii cid la kaalmaysanayana Eebbe la kaalmaysto. Laakiin ujeeddadu maaha, ha waydiisan cid aan Eebbe ahayn hana kaalmaysan cid aan Eebbe ahayn, waxaana arrinkani la mid yahay xaddiiskii Ibn Xibbaan: "Ha la saaxibin cid aan mu'min ahayn, cuntadaadana yuusan cunin qof aan taqi ahayn" ujeeddaduna waa in ay fiicantahay in quudsho qofka taqiga ah oo lala saaxiibo mu'minka, laakiin ma aha in taas looga jeedo in ay xaaraan tahay in la quudsho cid aan mu'min ahayn ama lala saaxiibo, Eebbana kor ahaayee wuxuuba quraankiisa ku ammaanay muslimiinta asiga oo yiri: "Waxay quudinaayaan cuntada wanaagsan miskiinka iyo agoonka iyo qafaalka) al-Insaan:8. Qafaalka halkan waxaa looga jeedaa gaalka -dagaalka laga soo qabtay- waxaana ku soo arooray Saxiixa al-Bukhaari iyo Muslim in saddex qof ay Eebbe camalkooda wanaagsan kaalme ku waydiisteen kolkaas baa Eebbe badbaadshay.

    43. Su'aal: Maxaa u daliil ah in ay raga iyo haweenkaba u bannaantahay booqashada qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee?
    Jwaab: Waxaa sunno ah in la soo booqdo qabriga nabiga waana la isku raacsanyahay –ijmaac- waxaana sidaa soo sheegay al-Qaadi Cayyaad iyo an-Nawawi. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Haddii kolka ay naftooda dulmiyaan kuu imaan lahaayeen oo Eebbe dambidhaaf waydiistaan uuna u dambidhaaf waydiiyo Rasuulku waxay heli lahaayeen Eebbe oo mid dambidhaaf badan oo naxariis badan ah) al-Nisaa':64.
    Xadiiska: "Qofkii qabrigayga soo booqda waxaa u waajibay shafaacadayda" waxaa weriyay ad-Daraqudni waxaana xoojiyay al-xaafid as-Subki. Hase ahaatee Xadiiska "Looma safro wax aan ahayn saddex masjid" waxaa looga jeedaa –qofkii doona in uu u safro salad tukashadeed awgeed waxaa wanaagsan in uu saddexdaas masjid u safro- maxaa yeelay salaadda lagu tukado waa la labanlaabaa, waxaana looga jeedaa habboonaan "nadb" ee waajib ma aha. Kolka xaddiisku wuxuu u gaar yahay kolka salad tukashadeed awgeed loo safrayo tusina maayo in aanay bannaanayn in la soo booqdo qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

    44. Su'aal: Maxaa u daliil ah in uu barakaysigu –tabarruk- bannaanyahay?
    Jawaab: Nabiga oo lagu tabarugo ama waxyaabihii laga dhaxlay (sida timihiisa, dharkiisa iwm) way bannaantahay, Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaad qaaddaan qamiiskaygan ee ku tuura aabbahay foolkiisa wuxuu noqon mid wax arka eh) Yuusuf::82.
    Xadiiska: "Rasuulku wuxuu qaybshay timihiisa wuxuuna u qaybshay dadka si ay ugu barakaystaan" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    45. Su'aal: Maxaa daliil u ah in ay bannaantahay in xirsi la xirto haddii quraan ku qoranyahay iwm oo aanay ku qorayn waxyaabo kutiri-kuteen ah oo xaaraan ah?
    Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Waxaan soo dejinaynaa qaar Qur'aanka ka mid ah oo daawo iyo naxariis u ah mu'miniinta) al-Israa': 82.
    Xadiiska: "Wuxuu yiri Cabdullaahi bin Cumar: Waxaan bari jirnay carruurteenna aayado quraanka ka mid ah qofkii aanan qaan gaarinna warqad baan ugu qori jirnay oo qoorta u suri jirnay" waxaa weriyay at-Tirmidi.

    46. Su'aal: Ka hadal xusitaanka Eebbe kolka janaasada la joogo?
    Jawaab: In Eebbe la xuso kolka janaasada la joogo way bannaantahay layskumana khilaafin. Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwa rumeeyayow Eebbe xusa xusitaan badan) al-Axsaab:41. Waxaa kale ee uu Eebbe kor ahaayee yiri: (Kuwa Eebbe xusa joog iyo jiif intaba) ali-Cimraan:191.
    Xadiiska: "Nabigu wuxuu xusi jiray Eebbe goor kastaba" waxaa soo weriyay Muslim.

    47. Su'aal: Wax inooga sheeg Ta'wiilka.
    Jawaab: Ta'wiilku waa in naska laga saaro daahirkiisa wuuna ku bannaanyahay aayadaha iyo axaadiista daahirkooda loo malaynayo in Eebbe uu gacan xubin ah leeyahay, ama uu ku fariisanayo carshiga ama uu degganyahay aag ama lagu sifeeyo sifo ka mid ah sifooyinka uunka, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Ma oga ta'wiilkiisa cid aan Eebbe ahayn iyo kuwa cilmiga ku xeel dheer) ali-Cimraan: 7.
    Xadiiska: Ducadi Ibn Cabbaas loo duceeyay: "Eebbow xigmadda bar iyo ta'wiilka kitaabka" waxaa weriyay al-Bukhaari iyo Ibn Maajah iyo Xaafidkii Ibn al-Jawsi.

    48. Su'aal: Maxaa u daliil ah in iimaanku shardi u yahay aqbalidda falalka wanaagsan?
    Jawaab: Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Qofkii fala qaar ka mid ah falalka wanaagsan ee lab ah ama dhedig ah asiga oo mu'min ah kuwaasi jannada ayay gelayaan lana dulmin maayo findhicil) an-Nisaa':124. Xadiiskana: "Waxaa ugu fadli badan falalka, Eebbe oo la rumeeyo iyo Rasuulkiisa" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    49. Su'aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Ilaahay: (wax kasta way ba'ayaan intaan wajigiisa ahayn) al-Qisas:124?
    Jawaab: Wuxuu ka yiri Imaam al-Bukhaari qowlkii Ilaahay: (wajigiisa mooyaane) waxaa laga wadaa: Hantidiisa mooyaane. Wuxuu sidoo kale ka yiri Imaam Sufyaan ath-Thawri: (wajigiisa mooyaane) waxaa laga wadaa: wixii Ilaahay wajigiisa loo sameeyo mooyaane oo ah falalka wanaagsan.

    50. Su'aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Ma waxaad rumayseen mid samada jooga in uu idinla rogo dhulka) al-Mulk: 16.
    Jawaab: Wuxuu ku yiri mufasirkii al-Fakhr al-Raazi tafsiirkiisa iyo Abuu Xayyaan al-Andalosi kitaabkiisa al-Baxr al-Muxiid: waxaa looga jeedaa "mid samada jooga" Malaa'ikta, ujeeddaduna ma aha in Eebbe degganyahay cirka.

    51. Su'aal: Maxaa looga jeedaa qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Samada waxaan ku dhisnay gacmo annaga ayaana ballaarinayna) al-Daariyaat:47?
    Jawaab: Wuxuu yiri Ibn Cabbaas: "Gacmo" waxaa looga jeedaa "awood" loogamana jeedo "gacan" halkan gacanta xubinta ah ee inagu taalla Eebbana wuu ka nasahanyahay waxaa.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]