AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    Axkaamta Soonka

    Eebbe wuxuu yiri: (Kuwa "Eebbe iyo Nabiga" rumeeyoow waxaa korkiinna lagu waajibshay soonka sidii loogu waajibshay kuwii idinka horreeyay waxaad mudantihiin in aad dhowrsataane" [al-Baqarah:183].

    Nabiguna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri: "Qofkii sooma Rabadaan iimaan ahaan iyo asiga oo Eebbe dartiis u yeelaya waxaa loo dhaafaa wixii dambi ah ee uu hore u falay" Waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim.

    Kolka walaalayaal, soonku sida ay yihiin cibaadooyinka kaleba wuxuu leeyahay waajibaad iyo shuruudo iyo waxyaabo burrinaya ay waajib ku tahay qofka sooman in uu barto si soonkiisu u ahaado mid sax ah loogana aqbalo Eebbe agtiisa nasahnaayee oo kor ahaayee.

    Waajibinta Soonka
    Soonka waxaa la waajibshay sanadkii labaad ee Hijriyada Rasuulkuna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- wuxuu soomay sagaal sano kadibna wuu geeryooday. Soonka bisha rabadaan waajibnimadiisuna waa mid la ogyahay oo diinka lamahuraankiisa ka mid ah.

    Shuruudaha uu soonku ku waajibayo
    Soonku wuxuu ku waajibayaa qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah oo caqliqab ah oo awooda in uu soomo oo aan ahayn midda xaylka qabta ama nifaaska iyo qofka jirran ee aan la filayn in uu raysandoono, iyo qofka waayeelka ah ee aan soomi Karin waayeelnimo awgeed.

    Kolka soonku ka ansixi maayo qof gaal ah asalkiisu iyo qofka diinta ka noqday (murtad), kana ansixi maayo haweenayda xaylka qabta ama nifaaska. Haddii ay soomaan inta dhiiggu ka socdo way dambaabeen waana in ay qalleeyaan.

    Soonkuna ku waajibi maayo carruurta aanan qaangaarin, hase ahaatee, haddii toddoba sano uu dhamaysto oo sanadka dayaxa lagu xisaabo ah, waxaa ku waajib ah qofka ka gacanta ku haya in uu faro soonka haddii uu awoodo.

    Soonkuna ku waajibi maayo qof waalan in uu qalleeyana loogama baahna, waajibna kuma aha qofka jirran in uu soomo haddii uu dhibayo, qofka safarka ahna ku waajibi maayo haddii uu safar dheer ku jiro, waana in ay soo qalleeyaan (kan jirran iyo kan safarka ah). Haddii uu soomo kan jirran ama midka safarka ah wuu ka ansaxayaa, haddii uu dhibana waa ka xaaraan (in ay soomaan), soonkuna ku waajibi maayo qof waayeel ah oo wayn cabsi laga qabo in uu baaba'o ama dhinto darted.

    Waajibaadka Soonka
    1. Niyada: oo qalbiga ah, shardina ma aha in uu qofku ku dhawaaqo, waana waajib maalin kasta oo soon ah habeenkiisa, mana ansaxayo soonku niyad la'aan, wuxuu laabtiisa ku leeyahay: "waxaan niyaystay in aan soomo burrito oo ka mid ah bisha Rabadaan" .

    Waxaana ku waajib ah midda xaylka qabta iyo tan nifaaska qabta haddii dhiiggu ka joogsado habeenka soonka in ay niyaysato soonka maalinta burrito ee rabadaanka ah inkasta oo aanay dhiiggii ka qabaysan.

    2. Afqabsiga: Waana in afka laga qabsado cuntada iyo cabidda iyo in aan caloosha ama madaxa ama mindhicirada la gelin wax jirmi leh inkasta uu yaryahay oo aan meel furan laga gelin sida afka ama sanka ama horey ama gadaal laga billaabo waaberiga (kolka salaadda subax gasho) inta ay qorraxdu ka dhacayso.

    Qofkii cuna ama caba asiga oo illowsan sikasta oo ay u badanyihiin afurimaayo, haddii uu doono soon sunno ah ha ku jiree, maxaa wacay Nabiga –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ayaa yiri: "Qofkii illooba asiga oo sooman ee cuna ama caba hadhamaystiro soonkiisa Eebbe ayaa quudshay oo waraabshaye" waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Waxaa kale oo waajib ah in laga reebtoomo isutagga raga iyo haweenka iyo manida oo la iska keeno ayada oo la booraysanayo ama la begsaarsanayo maxaa yeelay wuu afurinayaa.

    3. Waqtiga oo la aqoonsado: kol haddii waqtiga soonku yahay waaberiga iyo qorraxdhaca inta u dhaxaysa waxaa waajib ah in la aqoonsado waqtiga labadiisa dhinac oo qofkasta oo qaangaar ah oo soomaya ku waajib ah.

    Qofkii cuna waaberiga kadib asiga oo u malaynaya in aanan waagii wali beryin oo u malaynaya in aanan waqtigii salaadda subax wali la gaarin soonkiisii wuu buray waxaana laga rabaa in uu qalleeyo, waana in uu afka ka qabsado waxyaabaha lagu afurayo inta maalintaa ka hartay. Waxaana taa la mid ah haddii uu cuno inta aanan qorraxdu dhicin asiga oo u malaynaya in ay qorraxdii dhacday kadibna waxaa u caddaatay in aysan dhicin, soonkiisii wuu buray waana in uu qalleeyo maalintaas. Eebbe wuxuu yiri kor ahaayee: "Kadibna soonka dhamaystira taniyo habeenkii" [al-Baqarah:187]. Qorraxda dhiciddeeduna waxay astaan u tahay habeenka soo geliddiisa.

    4. Islaamka in lagu nagaado: Waxaa ku waajib ah qofka muslimka ah in uu ku nagaado diinta Islaamka si joogto ah inta bisha Rabadaan lagu jiro sida mararka kaleba. Kolka waxaa ku waajib ah in uu ka fogaado waxyaabaha kufriga ah jaadadkooda saddexda ah:

    - Kufriga ictiqaadiga ah, sida qofkii rumaysta in Eebbe jismi yahay ama ilays yahay ama ruux yahay ama diidaya waajibnimada salaadda ama soonka ama xalaalaysanaya qamrada cabiddeeda.

    - Kufriga falka ah (Ficliga ah) sida kitaabka Quraanka ah oo qashinka lagu tuuro.

    - Kufriga hadalka ah (qowliga) sida qofkii caaya nabi nabiyaasha ka mid ah ama malak malaa'ikta ka mid ah ama ku jeesjeesaya salaadda ama soonka ama axkaanta diinka. Maxaa yeelay qofka soomani in uu imaantoosan lahaado waxay shardi u tahay ansixidda soonkiisa, kufriguna wuxuu burrinayaa soonka. Kolka qofkii kufri ku dhaca asiga oo sooman soonkiisii wuu buray waxaana laga rabaa in uu degdeg diinka ku soo laabto asiga oo ku dhawaaqaya labada shahaado kadibana waa in uu afka haystaa inta maalinta ka dhiman asiga oo ixtiraamaya soonka kadibna uu qalleeyo maalintaas ciidda kadib si degdeg ah.

    Waxyaabaha Soonka burrinaya
    1. Cunitaanka haddii uu doono ha ahaado xabbad sinsin ah wax la eg ama wax ka sii yar asiga oo u kasaya oo aan lagu dirqin oo og in ay xaraantahay iyo cabitaanka dhibicba ha ahaatee biyo ah ama daawo.

    2. Wixii sanka lagu dhibciyo iyo dhegaha iyo sidoo kale wixii horey lagu shubo. Mad-habta shaaficiyada culmadeeda qaar ka mid ahna waxay qabaan in aanay burrinayn soonka dhibicda sanka lagu dhibciyo. Wixii isha lagu dhibciyana burrinmayaan, cirbadda la isku durayana burrinmayso.

    3. Waxaa kale oo soonka burrinaya isutagga raga iyo haweenka maalinnimada ayaga oo u kasaya oo ikhtiyaar u leh oo xasuusta in ay soomanyihiin haddii ay doonaan yaanay biyo ka imaane.

    4. Naagtana haddii uu ku dhaco xayl ama nifaas qorraxdhaca horraantiisaba ha ahaatee way afuraysaa.

    Waxyaabaha soonka ku habboon (Mustaxab)
    Waxaa ku habboon soonka amuurahan: 1. Afurka oo la dedejiyo: haddii la hubsado qorraxdu in ay dhacday maxaa yeelay Nabiga –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ayaa yiri: "Dadku khayr bay ku sugnaan doonaan inta ay afurka soo dedejinayaan" waxaa soo weriyay al-Bukhaari. Waxaana habboon in la yiraahdo kolka la afuritago: "Eebbow adiga ayaan kuu soomay, dheeftaada ayaanna ku afuray".

    2. Saxuurta oo dib loo dhigo: In saxuurta dib loo dhigo inta laga gaarayo habeenka dabayaaqadiisa inta aanan waaberiga la gaarin biyo la kabbadaba ha ahaatee.

    3. Saddaqada iyo Xiriirinta Qaraabada: Waxaa sidoo kale wanaagsan in uu qofku aad wax u saddaqaysto iyo quraanka akhriskiisa iyo masjidka oo lagu ictikaafo (nagaado) gaar ahaan tobanka dambe ee bisha soon iyo dadka sooman oo la afursho. Haddii uu mid dabbaal ah caayana uu yiraahdo: anigu waan soomanahay.

    4. Carrabka oo la dhowro: Waxaa habboon in uu ku dadaalo qofka soomani in uu afkiisa ka reebo xanta iyo diradiraha iyo hadalka xun iwm ee xaaraanta ah. Wuxuu yiri nabigu –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- "Waxaa lagayaabaa in mid soomani uusan soonkiisa ka helin wax aan gaajo ahayn" waxaa soo weriyay Ibn Maajah. Maxaa yeelay kabaa'irta qaakeed soonka xasanaadkiisa maalintaas bay tiraysaa, kolka qofkii aan ka dhowrsan diradiraha iyo xanta iyo cayda xaqdarrada ah iyo markhaatiga beenta ah xasanaadka soonkiisa maalintaas waa lumi ogyihiin.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]