|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    Tirsiyadii SEJ
    2 0 0 0
    02.01.2000 09.01.2000
    16.01.2000 23.01.2000
    30.01.2000 13.02.2000
    20.02.2000 27.02.2000
    05.03.2000 12.03.2000
    19.03.2000 26.03.2000
    02.04.2000 09.04.2000

    1 9 9 9
    22.08.1999 15.08.1999
    08.08.1999 01.08.1999
    25.07.1999 18.07.1999
    11.07.1999 04.07.1999
    20.06.1999 13.06.1999
    25.04.1999 11.04.1999
    28.03.1999 21.03.1999
    14.03.1999 07.03.1999
    28.02.1999 28.02.1999
    20.02.1999 14.02.1999
    01.02.1999 25.01.1999
    17.01.1999 10.01.1999
    04.01.1999 28.12.1998

    1 9 9 8
    21.12.1998 14.12.1998
    06.12.1998 29.11.1998
    05.10.1998 28.09.1998
    21.09.1998 13.09.1998
    07.09.1998 31.08.1998
    24.08.1998 17.08.1998
    10.08.1998 03.08.1998
    27.07.1998 19.07.1998
    12.07.1998 05.07.1998
    28.06.1998 21.06.1998
    14.06.1998 07.06.1998
    01.06.1998

    Kulunkii Culumada Masjidul Darul Quba Iyo Maamulka Gegida (Airport) ee Minneapolis

    Markey saacadu ahayd 1:00 pm ee Bisha Janaayo 2-dii ayaa Maamulaha (Steve) iyo Ku xigeenka(Arlie) Gegida diyaaradaha ee Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa waxay la kulmeen Culimada iyo Muslimiinta Masaajidka Daarul Quba. Shirkaas oo ka dhacay Masaajidka Darul Quba ayaa waxaa looga wada hadlay dhibaatada ay ka cabanayaan darawalada tagaasida ka wada Gegida Diyaaradaha iyo sidii meel lagu tugado loogu sameyn lahaa Muslimiinta ka dhoofeysa ama ka soo degeysa Gegidaas.

    Tagaasileyda ayaa waxay inta badan ka cawdaan in lagu qasbo inay qaadaan khamriga iyaga oo ay inbadan diideen. Waxaa sanado badan soo jiitamayey cabashooyinka iyo dacwooyinka ay tagaasileydu ka bixinayeen Maamulayaasha Gegida diyaaradaha, waxaana Culumada Masjidka Daarul Quba ay ka dhaadhiciyeen inaysan Diinta Islaamku ogoleyn in khamriga la cabo, la iibsado, la qaado, laga ganacsado iwm, taasoo ay Culumadu usoo daliishadeen Aayado iyo Axaadiis fara badan.

    Waxaa kaloo laga codsaday Maamulaha in Gegida Diyaaradaha afafka wax lagu ogeysiiyo lagu daro afka soomaaliga maadaama ay Magaalooyinkan mataanaha ah ay ku badan yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed. Guud ahaan shirku wuxuu u dhacay si wanaagsan iyo in la sii wado xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa Masjidka Daarul Quba iyo Gegida Diyaaradaha (Airport).
    Sh. Ahmed: magteyn1711@hotmail.com

    CAJAA'IBKA KOOXDA WAHHAABIYADA!
    MARIN HABAABINTA AY HIIRAAN.COM KU HAYSO MUSLIMIINTA SOOMAALIDA YAA KA MAS'UUL AH!?

    Assalamu calaykum: Walaalayaal, waxaan maantay inoo suurta gashay in aan caalimka islaamiga ah ee ku xeeldheeraaday reddinta iyo fadeexaynta firqooyinka lunsan ee ku adeegta magaca Islaamka Sh. Dr. Hersi aw Mohamed waydiinno, sababta ku kalliftay webka hiiraan.com in uu ammaan u soo jeedsho shakhsiyaad ka mid ahaa madaxdii kooxdii wahhaabiyada ee Muqdishu laga saaray sida Shariif Axmad kuna magacaabaan in uu yahay shakhsiyadda sanadka?

    Shiikha oo arrinkaas ka jawaabaya wuxuu yiri:
    Assalaamu calaykum: Way jiraan website-yo ku hadla afka kooxaha habowsan ee soomaaliya dagaalka ka wada sida kooxda al-Ittixaad iyo wixii la halmaala sida Ikhwaanka soomaaliya iyo xisbiga taxriirka iyo qaar ka mid ah kooxda tabliiqa loo yaqaan.

    Website-yadaas waa la yaqaan tawajuhooda, waana la garanayaa in ay u dhuun-daloolaan figradaha argagixisada caalamiga ah ee huwan magaca Islaamka, laakiin webkan Hiiraan.com ee aad i waydiiseen, wuxuu kasbaday shacbiyad badan, sababtuna ma aha in ay dadka ka shaqeeyaa yihiin dad khibrad iyo aqoon warfaafineed dadka kale dheer, ee waxaa webkani ku xiranyahay qaar BBC-da u shaqeeya oo halkaas ayay warka ka soo xadaan sida aan maqlay.

    Taas waxaa idiin sii caddaynaya, in Idaacadda BBc-du ay maalmihii wahaabiyaduqasayeen Muqdishu aad ugu xaglin jirtay oo ay aad ula hayeen, waxaana taas xataa dareemay fannaanka wayn ee Amiin caamir oo tacliiq fiican ka baxshay sawir wanaagsan oo arrinkaas ka turjumayana webkiisa ku dhejiyay.

    Marka maadaama Hiiraan.com ay markii horeba ku dulnoolayd BBC-da qaar u shaqeeya wararka ay soo tebiyaan, ayaa waxaa ii muuqata in dani ka fogayn waysay in ay wahaabiyada u xusulduubaan.

    Waxaa kale oo ayana lama huraan ah in la xuso in qaar ka mid ah maamulayaasha webkaas ay wahhaabiyada ama Ittixaadka ka tirsanyihiin, taasina ay keentay in caadifadu qaaddo oo ay xaqiiqadoodii ay dadwaynaha webkaas akhrista ka qarinjireen haatan soo bandhigaan.

    Marka walaalayaal, Ilaahay in uu ina soo toosiyo ayaan ka baryaynaa, qofkii maamula website caan ah sida hiiraan.com oo dad badan ku tixanyihiin, waxaa wanaagsan in uu ahaado qof mas'uul ah oo xil iska saara shucuurta akhristayaashiisa uuna ixtiraamo akhristayaashiisa.

    Waxaa kale oo loo baahanyahay in Ilaahay laga cabsado oo aan baadilka xaq laga dhigin, xaqana baadil loo rogin. Taas waxaan uga jeedaa, Shariif Axmad ma aha shakhsiyad Islaami ah oo mudan in la ammaano, wuxuu ahaa wiil yar oo tolkiisii iyo culumadii qaraabadiisa ahayd ku gacansayray, khibrad xumo iyo dhallinyaronimo ayaa u gaysay in uu Xasan Aways ku daba tukado asiga oo ka soo jeeda qoys ahlu cilmi ah oo gob ah oo la yaqaan.

    Marka waxaan leenahay ma bannaana in shakhisgaas oo kale loo magacaabo shakhsiyadda sanadka, taasi sharcan ma bannaana waana xaaraan, waana dambi ay galeen maamulka hiiraan.com Ilaahay ayaana xisaabinaya maxaa yeelay dadwaynaha iyo caamada ayay marin habaabinayaan. Jawaabtaydiina intaas ayay ku egtahay, wassalaamu calaykum.
    W/D. Sh. Cabdullaahi Xasan Maalin
    Xoghaynta webka ahlusunnah waljamaacah

    WAHHAABIYO AMA AL-ITTIXAAD AYAA JABAY EE ISLAAMKU MA JEBIN
    BEESHA AHLUSUNNAH WAXAY UGU TAHNIYADAYNAYSAA UMMADDA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA DOWLADDU QABSATAY MAGAALADA MUQDISHU IYO DALKA INTIISA KALEBA
    Xasan Awaysow
    Shan maalmood shiikh ma lagu noqdaa? Markii horeba Askeri baad ahayd ahlu cilmina ma ahayn! Haddana xaqeeqadaadii baa soo baxday!

    Sharif Axmadow
    Tolkaaga in aad waanadiisa maqasho oo aad wahhaabiyo iyo Ittixaad ka harto ayaa kula qumanayd, laakiin maanta haddaad dhimatana ceeb baad ka tegaysaa, haddaad noolaatana waa ceeb!!

    Assalaamu Calaykum walaalayaal, waxaa beesha Ahlusunnah wal Jamaacah farxad wayn u ah in ay Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba ugu tahniyadayso, munaasabadda wayn ee taariikhiga ah, ee qabsashada dowladda kumeelgaarka ahi qabsatay magaalada Muqdishu iyo dalka intiisa kaleba, taas oo la rejaynayo in ay billow u noqoto nabadgelyo waarta iyo dowladnimadii Soomaaliya oo soo laabata.

    Waxaa beesha ahlusunnah wal-jamaacah farxad u ah in ay kala qayb qaadato ummadda soomaaliyeed, guushaas u soo hoyatay ee lagaga badbaadshay dalka argagixisadii wahhaabiyada iyo Ittixaadka iyo ikhwaanka iyo kooxaha ajnabiga ah ee ay salka ku wateen. Waxaanna Ilaahay ka rejaynaynaa in kuwaas dalka laga ciribtiro, si ummadda soomaaliyeed ugu waarto bashbash iyo barwaaqo.

    Ugu dambaystii waxaa beesha ahlusunnah wal jamaacah xusuusinaysaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba in aanay kooxahaas islaamka marnaba matelin, meelna aanay ka soo gelin, ayna markii horeba khilaafsanaayeen, sidii aan halkan dhowr jeer arrinkaas uga caddaynay annaga oo adeegsanayna addillo cilmi ah oo cuskan kitaabka iyo sunnada. Marka jabka ku dhacay kooxahaas ma aha jab ku dhacay Islaamka ama diinta. Hadaba waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa in aanay ku kedsoomin caqiidada wahhaabiyada iyo ittixaadka iwm oo ay qabsadaan diinta islaamka ee saxda ah, taas oo ah middii aan culumadeenii hore ka soo gaarnay kuna salaysneed kitaabka iyo sunnada. Khayr baan idiin rejaynaynaa.

    BEESHA AHLUSUNNAH OO JAALIYADDA SOOMAALIYEED UGU TAHNIYADAYNAYSA MUNAASABADDA CIIDUL-ADXA

    Assalaamu Calaykum walaalayaal, waxaa beesha Ahlusunnah wal Jamaacah farxad wayn u ah in ay jaaliyadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ugu bishaarayso munaasabadda dCiidul ad-xa, Waxaan idin leennahay dhammaan Ilaahay cibaadada iyo xajka ha idinka aqbalo. Aamiin.

    MAXKAMADEHEE ISLAAMI AH?!

    Maxkamdahee islaami ah? (Q. 1aad)
    Waa barnaamij aan ku sahmineyno waxa ka jira magaca maxkamadaha islaamiga ey labaxeen mase u qalmaan magacaas, mase bannatahay in ey iclaamiyaan waxa ey ugu yeereen jihad, kaas oo dhexmaraya umad muslim ah, mase macquultahay in diinta ey u isticmaalaan siyaasadda, Markey arrintu kafariisato. Maqaaladaan ayaan ku falnqeendoonaa dhamaan umuurahaas oo dhan in kastoo aan rabo in aan soo aruuriyo warbixino dheer oo aan ka soo xiganeyno ilo muhiim ah oo aan waliba, si muujas ah uga jawaabno su’aalo dhowr ah, waxaan kamid ah si aan u fahmno cidda maamul ahaan gacanta ku heysa maxkamdaha in tabadan waxaa muhiim ah in la is weydiiyo.

    1. Waa ayo hormuud wadayaasha maxkmadaha? waa suaal jawaab kooban, marka hore waxa wada maamulka maxkamdaha waa ururka layiraahdo alitixaad, waxaan rabnaa in aan taariikhda alitixaad waxyar ka xusno.

    2. Siyaad bare Waqtigii Muqdisho laga saarayey ee Sagaashameeyinkii wuxuu Al-itixaad ahaa urur kamid ah ururada siyaasadda dalka somaliya ku loolama wuxuuna la safnaa ururo ey isku siyaasad ahaayeen. Inkasta oo ururka Alitixaad aad u xoog badnaa hadana wuxuu ogaa in uunan isaga kaligiis wali Qaangaar u ahayn in uu holiyo in uu la wareego Awoodda Dalka wuxuuna dan biday intii uu xididaysanayo in uu ka dheeraado in ay isku dhacaan Ururada xooga badan ee Qaabka Qabiileed u dhisan sida USC iyo SNM, wuxuuna is tusiyey Alitixaad in ay isbahaysi Ururada la samaystaan kuna dhaqmaan Siyaasada ah (Gacantaadan goynkarin waa la Dhunkadaa).

    3. Madaama ay marka USC Caasumadii qabsatay waxay Alitixaad goŽaansadeen in ay USC isbahaysi la samaystaan, iyagoo waliba istusiyey in isbahaysigaasi u suurto galinkaro in ay u dusaan awooda Dalka iyaga oo aan la dareemin.

    4. Kala Jabkii USC wuxuu ku kalifay Alitixaad in ay iyana kala jabaan si aanay dhinacyada Siyaasada Xamar dhinacna u seegin iyadoo haddana wada shaqayn ka dhaxaysay labada garab ee alitixaad, sidaas ayey Siyaasiyin iyo Odayaal Alitixaad ka mid ah ula safteen Cali Mahdi, meesha rag uu Xasan Awees ka mid yahay oo u badan dhilinyaro iyo Ciidankii Alitixaad Caydiid ula safnaayeen.

    Waa socotaa xalqadii-1aad Waxaa soodiyaariyay (xasan macalim maxmuud samatar) xasanalbasri e-mail xalbisri2@Hotmail.com
    F.g: Qoraalku wuxuu u taaganyahay aragtida qoraaga asiga ayaana u qoolan

    MAXKAMADEHEE ISLAAMI AH?! (1)

    Maxkamdahee islaami ah? (Q. 2aad)
    Waatahay, Waxaan ka soo hadalnay taariikhda aasaasayaasha maxkamdaha qeeb kamid ah, waxaana manta jecelahay in aan milicsado xalqadaan munaafiqnimada maxkamaduhu ku dhaqaaqeen, iyo adeegsiga xeeladaha dhagarta oo ay huwiyeen shaar diimeed. Ururka midowga maxkamadaha (xulifada wahaabiyada) waxa ey si argagax leh u adeegsadeen, fahan khaldana oo ay diinta islaamka ka bixiyeen markii ey dileen dad daawanaya ciyaaraha kubadda cagta, taas oo aan laga malaysan karin dad diin sheeganaya.

    Waxaana xusid mudan in aan la soo aruurinkarin dhamaandood khaladaadkii ey sida cad ugu dhaceen ayaga oo diinta si khaldan ufasireen Sida uu wariye cumar kahiye u sootabiyay wakaaladda wararka ee al-arabiyah net waxa ey dileen ciidamada islamiyiinta dad daawanaya koobka caalamka ciyaar dhexmareysay taliyaaniga iyo jarmalka kadib markii ey iskudayeen in ey joojiyan daawashada ciyaarta halkaas oo ey kudileen labo qofood oo kamid ahaa daawadayaashii ciyaraha markaas ayay kufureen risaas arxan la'aan ah oo aan loo aaba yeelin dadkii ciyaarta dawanayay arrinkan oo ah wax lalayaabay.

    Marka waxaa su'aashu tahay ma orankarnaa ku waa iyo wax lamid ah waa islaamiyiin, islaamka ushaqeeyay? mar haddii ey sidaas dhaqankoodu yihiin? oo ey dadka iska xabadeenayaan micno la'aan? mase waxan dhahnaa waa miliishooyin qabiil oo huwan shaar diimeed oo u loolamaya jago iyo mansib adduunyo oo aan aqoon sidaas ah u laheen islaamka.

    Adeegsiga xeeladaha dhagarta: ururka midowga maxkamadaha waxa aw ku ciyaaray magca islaamka markii ey isticmaaleen falal argagax leh ee ay u adeegsadeen khiyaanooyinka, taasoo aan laga malaysan karin dad diin sheeganaya waana ey iska caddahay in ey isticmaaleen. Waxaana kamid ah: In Dhaqaalihii ummada somaliyeed loo soo dhiibay qaab caawinad ah ay weeciyeen ayna ka faaiidaysteen qaybaha wahaabiyada ee Al-itixaadku hormuudka u yahay siiba hawlgalkoodii la magac baxay midawga maxaakiimta islaamiga!!

    Waa cajiib in caawinaad masaakin loo wado hab siyaasad iyo hungiriweyni ah looleexiyo oo waliba shaar diin loo huwiyey. marka miyaan dhihikarnaa waa maxkamad islaami ah? Mar haddii sidaa ey ku dhaqmeen.

    xasanalbasri e-mail xalbisri2@Hotmail.com
    F.g: Qoraalku wuxuu u taaganyahay aragtida qoraaga asiga ayaana u qoolan


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]