| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Khamiis, December 27, 2001

Caqiidada Wahhabiyada
3. Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka
Haddii aan u soo laabanno qaybtii saddexaad ee towxiidka, sida wahhaabiyadu rumaysantahay, waxaan arkaynaa in Ibn Taymiya iyo Ibn Cabdulwahhaab labaduba kutubtooda sida Al-caqiidah al-waasidiyah, iyo kitaab at-tawxiid iyo rasaa'ilka ibn Cabdulwahhaab iyo fataawaha ibn Taymiya, ay ku sharxeen arrinkan, waana in Ilaahay loo sugo magacyada iyo sifaadka uu asigu isu sugay, kuwaas oo quraanka iyo axaadiista qaar lagu sheegay.

Maxay yihiin magacyada iyo Sifooyinku?
Muslimiintu way isku raacsanyihiin dhammaantood in Ilaahay leeyahay magacyo iyo sifooyin, wayna wada rumeeyeen, laakiin su'aasha meesha taalla waxay tahay, maxay yihiin magacyadaasi iyo sifooyinkaasi, sideese Ilaah ugu sugnaadeen?

Labadaas su'aalood waahore ayaa khilaafkoodu billowday, midda hore ee ah "sifooyinkaas iyo magacyadaasi maxay yihiin?" waxaa loogu qaybsamay jawaabteeda saddex kooxood, kooxi waxay tiri, "waa Ilaahay laftiisa" ama "Daatu al-laahi", macnaha sifooyinka iyo magacyadu maaha wax Ilaahay laftirkiisa dheeraad ku ah ee waa asiga laftiisa, kooxdan waa Muctasilada.

Qolada labaadna waxay dheheen ma aha ee sifooyinku way ka duwan yihiin Ilaaha laftiisa, waana kooxda Ibn Kulaab iyo Mujasimada qaarkood. Halkaasna waxaa ka dhashay muran dheer oo aan dhammaad lahayn, xalna laga gaarin ilaa iyo maanta.

Intaa kadib waxaa soo baxay qarnigii afaraad ee Hijriga koox saddexaad oo tiri, magacyadaas iyo sifooyinkaasi, Ilaahayna maaha, wax kalena maaha, qoladan waxay isku dayeen in ay kulmiyaan labada kooxood ee hore, laakiin sida muuqata xal ma keenin, kooxdanina waa Ashcariyada.

Sidee loo sugaa magacyada iyo sifooyinka Alle?
Su'aasha labaad ee ah "sidee loo sugaa magacyadaas iyo sifooyinkaas" waxaa loogu qaybsamay saddex qolo. Qolo waxay tiri, waa iska aaminaynaa ujeeddadoodana Ilaah baa og, waxaana loo yaqaan mad-habtan "at-tafwiid", waxaana loo malaynayaa in qaar badan oo asaxaabta iyo taabiciinta ka mid ah ay mad-habtan aaminsanaayeen, inkasta oo aanan la sugi karin, maxaa yeelay culumadii cilmigan soo qoray waxay noolaayeen qarnigii 4aad ee hijriga sida Baqdaadi iyo Shuhristaani, wixii ka horreeyayna wax micna leh lagama qorin cilmigan.

Qolada labaadna waxay tiri "waannu ta'wiilaynaa, waxaanna u ta'wiilaynaa si ku habboon Ilaahay oo u qalanta" waxaana mad-habtan qaatay kooxaha Muctasilada iyo maaturiidiyada, kuwaas oo yiri, Ilaahay iyo sifooyinkiisa iyo magacyadiisu waa isku mid, waxayna sidaa u dheheen shirki ka carar bay ahaayeen, maxaa yeelay haddii ay dhahaan Ilaahay iyo Sifooyinkiisa iyo magacyadiisu waa kala duwan yihiin, waxay ka baqeen in la yiraahdo haddaba shirki baad ku dhacdeen, maxaa yeelay magacyada Ilaah iyo Sifooyinkiisa iyo Ilaahay intuba waa soo jireen "qadiim", marka waxaad qiraysaan soojireenno badan! halkaas ayaadna shirki ku gasheen.

Kooxda saddexaad waxay dheheen, magacyadaas iyo sifooyinkaas waxaan u sugaynaa sida ay u soo fuleen, macnaha Ilaahay waa mutakallim oo wuu hadlaa, wuu hadlaa baan leenahay, macnaha hadal-hadal ah, kuwa sidan yirina waxay ahaayeen fuqahada sida Shaafici iyo Ibn Xambal iyo Ashcariyada, kadibna waxay u qaybsameen laba kooxood.

Koox tiri, hadalkiisu waa xuruuf iyo erayo, waxayna ahaayeen kuwa sidan yiri, ahlul xaddiiska iyo Xambaliyada iyo Mujasimada. Qolada labaad oo Ashcariyada ahna waxay dhaheen, hadal nafsi ah buu ku hadlaa, oo hadalkiisu maaha xuruuf iyo erayo. Sifooyinka kalena sidoo kale bay isugu khilaafeen, tusaale ahaan "wajiga Ilaahay", "Gacanta Ilaahay" iwm, dhammaan way isku khilaafeen, oo qaarna wuxuu ku tilmaamay macnayaal ay u arkayeen in ay munaasib yihiin, Xambaliyada iyo fuqahada qaarna waxay dheheen waa sida loo dhigay lafteeda oo Ilaahay waji wuu leeyahay, laakiin keenna oo kale maaha.

Mad-habta Wahhaabiyada
Wahhaabiyadu kolka waxay qaateen mad-habtii Ibn Kulaab, ee fuqahada qaar iyo Ibn Xambal qaateen, taas oo sugaysay sifooyinka iyo magacyada Ilaahay, una sugaysay sida ay yihiin, oo dhahaysa wajiga Ilaahay waa waji run ah, laakiin keenna wuu ka duwan yahay, hadalka Ilaahay waa hadal run ah oo xarfo iyo erayo ah, laakiin keenna wuu ka duwan yahay iwm.

Dhammaan sifooyinka iyo magacyada Alle, wahhaabiyadu sida ay yihiin bay u sugayaan, waana mad-habtii Ibn Xambal iyo Ibn Kulaab iyo Ibn Taymiyah, iyo qaar badan oo Mujasimada ka mid ahaa, waxa u dhexeeya sifooyinkeenna sida maqalka iyo aragga iyo hadalka iwm iyo kuwa Ilaahay sida ay aaminsanyihiin waa in ay dheheen way kala duwanyihiin! haddii la waydiiyo sidee u kala duwanyihiin, garan maayaan ayey dhahaan, kaliya waxay leeyihiin, Ilahay wax la mid ah ma jiraan.

Kooxaha muslimiinta ah intooda kale, mad-habkan way ka cabsadeen, sababtuna waxay ahayd, in ay dheheen, haddii aan sugno wax aanan kasayn, oo aan dhahno Ilaahay waji buu leeyahay, dabadeedna aan dhahno garanmayno, taas wax macne ah samaynmayso, maxaa yeelay baabka cilmiga kuma jirto in la sugo wax aadan garanayn. Tan kale, haddii aad sugto, hadal aanan hadalkeenna oo kale ahayn, iyo gacan aanan gacanteenna oo kale ahayn, iyo waji aanan wajigeenna oo kale ahayn, oo aadna magacyadaas ku magacaabayso, taasi waxay burrinaysaa cilmiga aasaaskiisa, maxaa yeelay, haddii aad sugto gacan aanan gacanaha la yaqaan la mid ahayn, halkaas waxaa ku lumaya dariiqii gacmaha lagu aqoonsanjiray, kaas oo ahaa in gacantu faro iyo xusul iyo cucun iwm leedahay, kana mid tahay jismiga intiisa kale iwm ee gacan lagu yaqiin.

Cajaa'ibka Wahhaabiyada
Haddaba mad-habta Wahhaabiyadu waa mad-habtii Mujasimada, kuwaas oo Ilaahay u sugi jiray, xubno iyo sifooyin la mid ah kuwa aadanaha iyo uunka intiisa kale, waxa kaliya ee ay ku kordhiyeen in ay dheheen garanmayno waxa looga jeedo, waana ka duwan yihiin kuwa uunka intiisa kale. marka waxaa halkaa kaaga cad in ay Mujasimada ka sii liitaan, maxaa yeelay kuwaasi si geesinimo leh oo cilmiyaysan bayba u sugeen xubnahaas, shirkiba haku dheceene, laakiin Wahhaabiyadu waxay ku tageen albaab xiran, kolkaas bay mad-hab isburrinaysa la soo bexeen, oo shirki iyo jaahilnimo isugu jirta!

Waxaa taas kaaga daran, maxaa kaa bi'i lahaa haddii ay jaahilnimadooda ogyihiin, waxay isu malaynayaan in ay khalqiga Ilaahay ugu cilmi badanyihiin, kolkaas bay kufri ku xukumayaan muslimiinta intooda kale ee raacday madaahibta kale. Tusaale ahaan, waxay leeyihiin waa lunsanaan in la ta'wiilo magacyada iyo sifooyinka Ilaahay kuwa laysku khilaafay, waana mad-habka Ashcariyada ee muslimiintu rumaysned in ka badan 800 oo sano walina muslimiinta badankoodu rumaysanyahay, sidoo kale madaahibta kale ee kooxaha kale raaceen dhammaan waxay wahhaabiyadu u haysataa in ay lunsanaan yihiin oo tooda kaliya saxantahay!

Gabagabada Mas'aladan
Kolka waxaan arrinkan ku soo gabagabayn karnaa, in muslimiintu isku khilaafeen mas'alada magacyada iyo sifooyinka Eebbe sugiddooda ah iyo waxa ay yihiin, ayna isku raaceen in Ilaahay leeyahay magacyo iyo sifooyin. Khilaafkaasina waa mid dabiici ah maxaa yeelay wuxuu ka dhashay tafsiirka erayada quraanka ama xaddiiska iyo maskaxda culumada laftooda, mana aha mid cusub oo maanta soo baxay ee wuxuu jiray tan iyo casrigii taabiciinta, wixii intaa ka horreeyayna lama oga in uu jiray iyo in kale, maxaa yeelay cidna maba soo sheegin mana ka sheekayn, danna kama gelin, laysmana waraysan, maxaa yeelay asaxaabta nabigu waxyaabo kale bay ku mashquulsanaayeen oo waqti uma aysan hayn su'aalahaas.

Kolka halkaas waxaa kaaga cad in culumada muslimiintu ku ijtihaaddeen masaa'ilkaas khilaafiga ah, ayna dhowr mad-habood ugu kala jabeen, mid waa tan loo yaqaan "Tafwiidka" oo uu qofku leeyahay Ilaah baa og waxa looga jeedo, halkaasna uu ku joogsado, asiga oo aanan hadalka badin, qalbigana ka rumeeyo in Ilaahay leeyahay magacyada iyo sifooyinka quraanka lagu sheegay.

Mad-hab kalena waa tan loo yaqaan "Ta'wiilka" oo culumadu dheheen waxaan macnaha u duwaynaa qaab u qalma mudnaanta Ilaah iyo derejadiisa, kolkaas bay dheheen "gacanta Ilaahay" waa "awooddiisa" iwm. Taasina waa mad-hab kale oo caan ah muslimiintuna tan ayay u badanyihiin una badnaayeen ilaa iyo qarnigii 4aad ee hijriyada.

Mad-hab kalena waa midda loo yaqaan "Ithbaat" ama "sugidda" waana in loo sugo magacyadaas sida ay yihiin, macnaha "gacanta Ilaahay" waa gacan run ah, magacyada iyo sifooyinka kalena sidoo kale.

Qoladan dambe ayaa kolka laba kooxood ah, koox leh, "gacan run ah waaye, laakiin teenna ka duwan", sida wahhaabiyada, iyo koox leh "gacan run ah waaye oo teenna la mid ah" sida Mujasimada inteeda kale.

Kolka qofka muslimka ah waxaa u bannaan in uu madaahibtaas midda ugu saxsan qaato, haddii uu cilmi leeyahay inta si fiican u derso, haddii uu caamo yahay, oo uusan garanayn mad-hab kasta iyo daliilkeeda, waa in uu raaco culumada uu ku kalsoonyahay waxa ay dheheen iyo mad-habta ay doorteen.

(Waa socotaa..)
< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]