AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
    Walaal culumada Islaamku way isku raacsanyihiin in qofka dhintay loo ducayn karo oo quraan loo akhrin karo saddaqana loo bixin karo uuna wax ku dheefayo ducadaas ama saddaqadaas ama quraanka loo soo akhriyay ama xaj iyo cumro laga guday iwm, dhammaan wax sharciga khilaafsan maaha afarta mad-habadood ee Islaamkuna way ogolyihiin.

    Wahhaabiyada waxaa u sheekh ah Ibn Taymiya, xataa asiga laftiisu taas wuu ogolyahay, laakiin wahhaabiyadu waa qoon lunsan, xataa shiikhooda ay ku magacaabeen (Sheekhul Islaam) taas way ku khilaafeen, marka dadkan waa dad lunsan oo Ilaahay uu qalbiga iyo Indhaha ka madoobeeyay, sidee kolka wax loogu sheegaa? qof uu Ilaahay cama indhoole ah qalbigiisa iyo indhihiisa ka dhigay!

    Waxay xujo ka dhigteen aayadda ku soo aroortay suuradda an-Najam 39: ee leh (Aadanuhu malaha wax aan camalkiisa ahayn), marka illee waa wax aan wax aqoone, khalad bay ka fahmeen, kolkaas bay dhaheen, "aadanuhu wuxuu leeyahay wixii uu falo oo kaliya)!

    Laakiin qof kasta oo caqli leh wuu kala garan karaa waxa qofku leeyahay ee milkigiisa ah iyo waxa qofku wax ku dheefi karo, annagu ma aanan dhihin dadku waxay leeyihiin camalka dad kale, ee waxaan dhahnay way ku dheefsan karaan, bal u fiirso aayaddaas iyo fahamka wahaabiyada ee jahliga ku salaysan.

    Kolka adiga oo hadalka u soo gaabinaya, waxaad ku dhahdaa, Ibn Taymiya shiikhiinna mayahay mise maya? haddii ay haa dhahaan. Ku dheh: ma raacsantahay oo hadalkiisa ma ku go'daa? haddii ay haa dhahaan. Ku dheh: Ibn Taymiyaha aad ku sheegaysaan in uu yahay (Shiikhul Islaam) wuxuu ku yiri kitaabkiisa -Majmuucul Fataawaa, mujalladka 24, bogga 300 iyo 324- (qofkii akhriya quraan asiga oo Ilaah dartiis u yeelaya, ee u hadiyadeeya qof dhintay wuu anfacayaa).

    Haddii uu ku yiraahdo Ibn Taymiya kuma go'o oo hadalkiisu waa been oo rumaysan maayo, waxaad ku tiraahdaa: ma ku go'daa culumada afarta mad-habadood middii aad rabto sheego: Haddii uu ku yiraahdo waan ku go'aa culumada afarta mad-habadood ee Islaamku waxay dhaheen. Waxaad ku tiraahdaa Imaam Nawawi oo ka mid ah Shaaficiyada ayaa ku yiri kitaabka Sharaxa Saxiixa Muslim, mujalladka 3aad, baalka 202, sidan:" Culumaduna waxay jeclaysteen quraanka lagu akhrinayo qabriga".

    Ibn Qudaama oo (xambali) ahna wuxuu ku sheegay kitaabkiisa (al-Muqni) juzka 2aad, baalka 424: faslun:"Waxna kuma jabna in qabriga quraan lagu akhriyo".

    Wuxuu yiri Ibn al-Xaaji oo (Maaliki ah) kitaabkiisa (al-Madkhal): "Haddii uu gurigiisa ku akhriyo ee uu u hadiyeeyo way gaaraysaa".

    Waxaa kale oo ku soo arooray Musnadka Abuu Daa'uud ad-dayaaliisi baalka 117: in Nabigu laan soo goyay kadib markuu ogaaday in la cadaabayo in la cadaabayo kuwa qabri ku jiray oo uu jabba mid saaray oo yiri: waa laga khafiifinayaa cadaabta inta ay laamahaasi qoyanyihiin". waxay culumadu tiri: waxaa abuurista laamahaas laga ogaanayaa (ee uu nabigu ku dul abuuray qabuuraha) iyo quraanka lagu akhrinayo in maydku wax ku dheefayaan oo cadaabka looga khafiifinayo. Waxay dhaheen culumado: asalka mas'aladan waa sadaqada, sadaqaduna waa arrin mashruuc ah oo aan laysku khilaafsanayn.

    Waxaa kale oo Ibn Caabidiin (oo Xanafi) ah ku yiri kitaabkiisa (shifaa' al-caliil)mujalladka 1aad, baalka 165:"Waxaa bannaan in qofku thawaabta camalkiisa uu u hadiyadeeyo qof kale, asiga uu ku sadaqaysanaya".

    Intaa kadib, walaal halkan kuma xusi karo hadalka culumada madaahibta Islaamka, wallaahi waxaan sheegi karaa boqollaal caalim oo aan mid kasta kitaabkiisa ka soo guurin karaa hadalkiisi, laakiin waxaas oo dhan dadkani ku cibra qaadan maayaan, maxaa yeelay waxay u haystaan in dadkaas oo dhan gaalo yihiin, muslimna uma arkaan wax aan naftooda ahayn.

    Waxaad ku dhahdaa -Ilaahay ha soo hanuunshee- Imaam Bukhaari xadiiska uu soo weriyay ma ku go'diin oo ma rumaysanaysiin?

    Haddii ay haa dhahaan. Waxaad dhahdaa:"Imaam Bukhaari ayaa saxiixiisa ku soo weriyay, kitaabka wasiyada, baabu ithaa qaala ar-dii wa bustaanii sadaqatun..-can ibn cabbaas allaha ka raalli noqdee, in sacad bin cubaadata allaha ka raalli noqdee ay hooyadiis dhimatay asiga oo maqan, kolkaas buu nabiga nnk ku yiri: Nabi allow, hooyaday waxay geeryootay aniga oo ka maqan, ma anfacayaan haddii aan wax u sadaqaysto, kolkaas buu yiri: Haah. Kolkaas buu yiri: Sacad: waxaad ka markhaati ahaataa in aan beertayda u sadaqeeyay hooyadeey". Bukhaari.

    Kolley ku yalmi maayaan waxaas, waxay leeyihiin, Albaani baa sidaa iyo sidaa yiri, maxaa yeelay, waxay aaminsanyihiin in Al-Baani ka cilmi badanyahay Bukhaari!! Subxaana laahi, Ilaahow soo hanuuni adigaa qaadir ahe.

    Intaas haddi ay ku go'i waayaan, waxaad dhahdaa Imaam Axmad bin Xambal ma ku go'diin haddii aad bukhaari diiddiin ama aad durteen? Haddii ay dhahaan waa ku go'naa Imaamka Xambaliyada (Wahhaabiyaduna waxay sheegataa mararka qaar in ay Xambaliyo tahay, mararka qaarna waa diidaan!!) ee waxaad dhahdaa: Ma ogtihiin in Imaam Axmad Kitaabkiisa al-Musnad juzka 3aad, baalka 330; iyo Imaam Xaakim, kitaabkiisa al-Mustadrak, juzka 2aad, baalka 58, iyo Imaam Bayhaqi, kitaabkiisa as-sanan al-kubraa, juzka 6aad, baalka 57, saddexdaas Imaam, ma ogtihiin in ay soo weriyeen xaddiska jaabir ee leh:" in nin dhintay oo ay dhaqeen oo kafan saareen, ee ay dhigeen meesha janaasada la dhigo si nabigu ugu tukado, dabadeedna nabigu yiri: waxaa laga yaabaa in saaxiibkiin dayn lagu leeyahay, kadibna ay dhaheen waa run, waa laba diinaar, dabadeedna uu ballan qaaday in uu baxsho nin la yiraahdo Qataada, oo ka dhiibo ninkaas..". Kolleey, way diidayaan, oo waxay leeyihiin waa been, waxba lama aha in ay beenshaan hadalka saddexdaas Imaam, ayaga waa la fududdahay.

    Kolka walaal, dadkaas Ilaahay uun baa qancin kara, maxaa yeelay iimaanka Ilaah baa addoomiyeesa ku suga, dadkan wahhaabiyada ahi waa dad uu Ilaahay iimaanka ka qaaday, wax ay ku go'aan malaha, haddi aad kitaabka sheegto wuu diidayaa, haddi aad xaddiis sheegto wuu diidayaa, haddii aad culumo warkeed sheegto wuu diidayaa, taa daaye, haddii aad sheegto kuwa ay caabudaan ee ay imaamyada ku magacaabeen sida (Ibn Cabdulwahhaab iyo Ibn taymiyyah), wallaahi haddii aad kuwaas sheegto way diidayaan! dadkani waa kuffaar, maaha dad iimaan leh, Ibn Cabdulwahhaab, wuxuu Rasaa'ilkiisa ku caddeeyay in Tawasulku bannaanyahay, Ibn Taymiyana wuxuu kitaabkiisa (al-kelim ad-dayyib) ku yiri sidaas oo kale, laakiin bal wahhaabiyada waydii, waxay leeyihiin waxaasi ma jiraan, waxaana ugu wacan jahliga, xataa culumadooda ay caabudaan waxa ay dhaheen ma yaqaanaan, laaxowla walaa quwata ilaa billaahi.

    Haddii ay ku dhahaan - iimaanka allaha ka qaadee- waxaa jira xaddiis uu Muslim soo weriyay ee leh: "Haddii uu dhinto aadanuhu camalkiisu wuu go'ayaa intaan saddex walxaato ahayn: Saddaqo socota, ama cilmi lagu dheefsanayo, ama dhal suubban oo u soo ducaynaysa", xaddiiskaas haddii ay soo daliilsadaan waxaad ku dhahdaa: Xaddiisku wuxuu sheegayaa in camalka qofku go'ayo, oo aanuu sii soconayn, taasna caqliga ayaaba lagu fahmi karaa, maxaa yeelay qofkii dhinta, camalkiisu siima socon karo, ee wuu joogsanayaa, laakiin taas macnaheedu maaha in aanan qofku ku dheefsan karin camalka dadka kale iyo waxa ay u soo saddaqaynayaan!

    Bal u fiirso, hadday waxfahmayaan, waxay fahmi lahaayeen, qaybta dambe ee xaddiiska ee leh, (dhal suubban oo u soo ducaynaysa..) taasina waxayba tusaysaa in dhasha qofku haddii ay toosanyihiin ay u soo ducaynayaan waalidka oo saddaqo u soo bixinayaan, maxaa yeelay saddaqadu waxay sabab u noqonaysaa ducada.

    Hadal iyo dhammaantiis, dadkaas warkooda iska daay, wallaahi haddii aan boqolka iyo tobanka iyo afarta halkan ku soo qoro, waxay leeyihiin waa beentiis, marka rejo malaha (khatama laahu calaaquluubihim, wacalaasamcihim wa calaa absaarihim), marka walaalay wixii aad samayn rabtay samee, kuwaas wax ay ogyihiin malaha, waa dameeri dhaan raacday, waxay maqleen sharci iyo diin baa laga hadlaa, ayaga oo aan kicin karin xarfaha afcarabiga ayay fatwoonayaan.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi <Hersi@2garre.com>
    - Wednesday, May 25, 2005 at 23:17:52 (CDT)
  2. Suaal: dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
    Asalamu calaykum, sheikh waad ku mahadsantahy jawaabta waan ku faraxsanahay, khayr Allah ha kaa siiyo. Waxaan kaloo ku weeydiin lahaa aniga waalidka la xuso oo loo duceeyo quraan loo aqriyo oo sadaqo loo bixiyo waan aaminsanahay marka dad wahaabiyada u warantay baa wexey tiri waa dambi xuska qof dhintay marka maxaan ugu jawaabi karaa qofkaas? mahadsanid
    Ladan <baxarsaaf114>
    - Wednesday, May 25, 2005 at 10:45:12 (CDT)
  3. Jawaab: Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
    Walaal waad mahadsantahay; Mowlidka nabiga waa loo dabaaldegi karaa, haddii la ilaalsho aadaabtiisa, oo aanan wax sharciga khilaafsan lagu derin, culumada Islaamka qof diidday ma garanayo arrinkaas, xataa Yuusuf al-Qaradaawi oo la waydiiyay sanadkan arrinkaas wuxuu yiri asiga oo ka hadlaya Telefishanka al-Jaziira, waan u baahannahay xuska mowliidka nabiga, maxaa yeelay carruurteenna ayaan doonaynaa in aan xasuusinno siiradii nabiga iyo siiradii asaxaabtiisa iyo taariikhda diinka Islaamka.

    Sida mowlidka looga dabbaaldegay sanadkan dunida
    sanadkan mowlidka nabiga meel kasta waa looga dabbaaldegay, caalamka oo dhan inta muslimiintu ku nooshahay, waxaa kaliya oo aan xaflad dhigin dowladda sacuudiga iyo dowladda Qadar, labadaa dowladood inkasta oo aanay xaflad dhigin, hadana xaalkoodii hore waa isbedelay, maxaa yeelay waagii hore, wadaaddada wahhaabiyadu digniin ayay bixin jireen kolka mowlidku soo dhawaado, oo waxay dhihi jireen waa xaaraan, waa bidco, iwm.

    Sanadkan way aamuseen, oo wax digniin ah ma bixin, Ilaahay ayaa soo hanuunshay laakiin sidaa ay tahay labadaa dowlo wax xaflad ah lagama dhigin, laakiin wax diidmo ah ma aysan dhin wadaaddadooda oo ahaa kuwii ugu darraa oo arrinkaas ka soo horjeeday.

    Wadamada kale oo dhan xataa Kuwayt si fiican ayaa Nabiga looga xusay oo loo xasuustay, Ilaah mahaddiis, taasina waxay ku tusaysaa in wahhaabiyadu hadda is garawsatay oo ay ogaadeen in ay lunsanaayeen, oo baadil ku taagnaayeen.

    Nasiib darro wahhaabiyada sacuudiga oo isgaratay mooyee, wahhaabiyada dibadda joogta sida midda soomaaliya iyo kuwa dibadda sacuudiga uga nool wali ma baraarugin ee dalaalkoodii bay ku jiraan, Ilaahay ha soo hanuunsho.

    Xuska Mowlidka Nabiga sidee loo qabtaa
    Sida aan kuu sheegay, culumada Islaamka ee muctabarka ah nin diiday qabashada xuska dhalashada nabiga ma jiro, kutubta oo dhan akhri, wahhaabiyada oo aan muctabar ahayn uun baa diidday, muctabarna maaha maxaa yeelay waa firqo daallo ah oo lunsan, waxaa muctabar ah culumada madaahibta afarta ah ee Islaamka iyo wixii raacsan.

    Hadaba sida uu sheegay Imaam sayuudi iyo Ibn Xajar, iyo nawawi, xusku waa in uu ahaado mid aan lagu dheehin wax sharciga khilaafaya, oo uu ka koobnaado muxaadarooyin ku saabsan siirada nabiga, iyo gabayo ama heeso ama hadal nabiga lagu ammaanayo, iyo cunto ama saddaqo lala baxayo oo dadka lagu quudinayo, wixii intaa ku eg waa la ogolyahay sida imaamyada aan soo sheegay caddeeyeen.

    Marka walaal cilmiga waxaan ka baranaynaa culumadaas, Ibn Xajar, Zaylici, al-Xaafid al-Ciraaqi, Nawawi, Gazali iyo kumanyaal kale, laakiin afar wahhaabiyo ah oo juhalo ah miyaan hadalkooda qaadanaynaa, annaga oo kategayna hadalkii culumada islaamka oo dhan?? acuudu billaahi!!.

    Khayr baan kuu rejaynayaa. Tuesday, May 24, 2005 at 16:55:07 (CDT)
  4. Su'aal: Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
    salamu calaykum, sheekh waxaan rabay in aan ogaado in aan Mowliidka nabiga (NNK) u dabaal dagi karo iyo in kale? hadaan u dabaal dagi karona sidee? wabillaahi tawfiiq.
    Axmed Aweys <naajix>
    - Tuesday, May 24, 2005 at 16:55:07 (CDT)
  5. Jawaab: Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
    Walaal Ladan, aad baad ugu mahadsantahay su'aashaada, sidoo kale ku mahadsanid bogaadintaada, annagu wahhaabiyada waxaan ku kufrinay daliil cad oo ah in ay muslimiinta kufriyeen, qofkii muslimiinta kufriyana asiga ayaa kaafir ah, maxaa yeelay xaddiiska nabigeenna nnk ayaa caddaynaya in aan ummadda nabigeennu kulligeed dalaalo ama kufri ku dhecayn.

    Intaa kadib, haddii aan u soo laabto suaashaada, nabi ammaanka iyo digrigu waa bannaanyihiin haddii aanan wax khalad ah ku jirin, macna nabiga waa la ammaani karaa, ama hadal caadi ah ha ahaato ama hees ama gabay, daliilna waxaa u ah, Quraanka oo ammaanay nabigeenna, iyo Gabayadii carabta sidi qasiidadii Xassaan bin thaabit iyo xabashadii masaajidka nabiga ku cawaysay ee ammaanay, dhammn addilladaas iyo qaar kale ayaa caddaynaya in nabiga ammaantiisu bannaantahay oo ay ajar badan leedahay.

    Waxaa laakiin lagama maarmaan ah in aan wax aan bannaanayn lagu sheegin ammaanta oo aan la dhihin (nabugu qaybka ayuu ogyahay, ama nuurkii Ilaahay baa nabiga laga abuuray, ama waa inankii Ilaahay iwm) waxyaabahaas lama ogola, laakiin wixii kale ee ammaan ah waa mustaxab fadli badan ayayna leedahay, quraanka ayaana lagu ammaanay nabiga oo ay ku soo arooreen dhowr aayadood oo ammaanaya eeg suuradda al-qalam aayadaha (1-11) oo dhammaantood ammaanaya nabiga.

    Sayliciyada iyo Qaadiriyada
    Xerta Qaadiriyadu waa jamaaco macruuf ah, waana dadkii diinta ku fidshay geeska Africa iyo bariga Africa intaba, taariikhdooduna waa macruuf, waana ahlu sunnadii dhabta ahaa, magaca ahlu sunno wahhaabiyada ayaa damacday in ay xoog ku marooqsadaan oo boobaan, laakiin taasi waxba ku tari mayso maxaa yeelay taariikhdoodu waa macruuf, dadka caamada ah uun bay khaldi karaan laakiin culumadu xaalkooda way ogtahay.

    Ahlu sunno waxaa loo yaqaan sida taariikhda ku qoran oo kutubta oo dhan qortay dadkii qaatay caqiidadii Imaam Ashcari iyo Imaam Maaturiidi, wuxuu yiri Imaam Gazaali; haddii ahlu sunno la yiraahdo, magacaas cid aan ashcariyo iyo maaturiidiyo ahayn laguma magacaabo.

    Caqiidadaas ay labadaas imaam qoreen oo ay sidoo kale qoreen imaamyo kale sida abuu xaniifa iyo Daxaawi iyo qaar kale oo badan sida Gazaali iyo Nawawi iyo Ibn Xajar iyo Zaylici iyo kumanyaal kale ayaa loo yaqaan caqiidadii ahlusunnada muslimiintuna taas ayay haysteen 1000kii sano ee la soo dhaafay.

    Wahhaabiyo: oo la ogyahay in Ingiriisku ku aasaasay saxaraha jasiiradda carabta 200 oo sano ka hor oo jawaasiista iskotlandiyaarku abuureen si loogu rido khilaafadii Islaamka ayaa maanta waxay rabtaa in ay magacaas la baxdo oo isku qariso, si ay u fasahaadiso caqiidada islaamka ayada oo u adeegaysa Maraykanka iyo Ingiriiska iyo yahuudda.

    dadka caamada ah ma fahmayaan dhagarta kooxdaas, kooxdaas waxay u shaqaysaa maraykanka waxay gacan saar la leeyihiin Yahuudda ayaga ayaana ka dambeeya dhibaatada muslimiinta maanta haysata, ayaga ayaana riday khilaafadii Islaamka ee Turkiga, intaas oo dhan kutubta taariikhda ayay ku caddahay, laakiin caamada dadka ah iyo kuwa aan waxbaran arrimahaas lama socdaan, marka waa waajib ina saaran in aan dadka xaqeeqada kooxdaas tusno si ay uga feejignaadaan.

    Qaadiriyada iyo Zayliciyada Haddii aan u soo laabto, Qaadiriyada iyo Zayliciyada, walaal waa dad ahlusunno ah oo la yaqaan caqiidadooda, waana culumo aan kasayno, kutubtoodii ayaana taalla, Sayliciyadu waxay u nisbo sheegtaan Sheekh Cabdullaahi Zaylici oo ahaa nin aad u caan ahaa. Waxaa jira dhowr caalim oo lagu magacaabo Zaylici, halkana taariikhdooda ugama sheekayn karo laakiin mar kale ayaan kuu faahfaahin doonaa, culumada zaylac waa badanyihiin waana dhammaantood ahlusunno.

    Qaadiriyada waxaa keenay Sheekh Aways dhinaca koofureed ee dalka soomaaliya, dhinaca galbeedna culumadii Zaylac ayaa keentay, ninkii yiraahda Sheekh Cabdulqaadir ahlu sunno ma ahayn, waa nin jaahil ah, hadalkiisuna wax laqabto malaha, maxaa yeelay sheekh cabdulqaadir kutubtiisi ayaa taal oo caddaynaysa manhajkiisii Sunniga ahaa.

    Waxaan rejaynayaa in aan ka jawaabay su'aashaadii, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad i waydiin kartaa inshaa allaahu.. Tuesday, May 24, 2005 at 12:44:26 (CDT)
  6. Suaal: Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
    Ass''wr''wb walaalayaal waan ku faraxsanahay sida wahaabiyada wexeey yihiin aad dadka u fahansiiseen waad ku mahadsantihiin.
    Suaasheeyda wexeey tahay: xerta mise dadka nabi amaanta qaado mise digriyo maxaad u aragtaan sida culumada qaadiriyada iyo saayliciyada iyo kuwa la mid ah
    Ladan <baxarsaaf114>
    - Tuesday, May 24, 2005 at 12:44:26 (CDT)
  7. Jawaab: Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
    Assalamu Calaykum; Walaal Samsam, Axmadiyada Indiya waa muslimiin, cid gaalaysay oo aan wahhaabiyada ahayn ma jirto, qofkii caqiidadooda haystana waa muslim inshaa Allaahu, annagu magaca Islaamka iyo iimaanka ka siibi mayno muslimiinta haddii aanan arag wax cad oo islaamka ka bixinaya oo kufri ah.

    Mana bannaana in dadka la kufriyo ayada oo aan daliil loo haysan, ama aad kufriso haddii aanay mad-habtaada soo raacayn sida wahhaabiyadu yeelayso.

    Qofkii muslimiinta kufriya, sida wahhaabiyada, asiga ayaa kaafir ah, sida xaddiiska nabigeennu caddeeyay (NNK).
    Tuesday, May 24, 2005 at 06:53:13 (CDT)
  8. Suaal: Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
    Horta waad ku mahdasantahay jawaabtaadi alana qeyr ha kaa siiyo.
    1. Waxaan Rabaa in aan ku waydiiyo qof aaminsanaa axmadiyada Indiya joogto ma in uu sidii qof gaal ah oo soo islaamayo sameeyaa mise si gale ?example in uu meerto oo qiro allah iyo rasuulkiisa muxamed S.C.W?
    Wabilaahi towfiiq
    zamzam <lubi_maxamed>
    - Tuesday, May 24, 2005 at 06:53:13 (CDT)
  9. Jawaab: waxaa jira in leeyga digay..
    Assalamu Calaykum; Walaal aad baad u mahadsantahay, su'aashaadana waan ku faraxnay maxaa jira waa waajib in xaqeeqada la doono oo la dalbo runta. Haddii aan marka kaaga jawaabo su'aashaadii ahayd webkan yaa leh? waxaan walaal ku leeyahay, kuwa dadka ku leh webkan ha akhrina waa dad doonaya in ay dadka indhaha ka xiraan, oo indha saabaan, maxaa yeelay dadka lama yiraahdo wax ha akhrina ee waxaa la yiraahdaa xaqa doona oo cilmiga raacda.

    Marka walaal annagu haddii aan isu kaa sheegno waxaan nahay koox muslimiin ah oo soomaali ah oo ahlusunno ah oo hadafkoodu yahay sidii aan ummadda soomaaliyeed uga badbaadin lahayn wahhaabiyada iyo Ikhwaanka barabagaandhahooda. Islamarkaana aan ugu baraarujin lahayn umaddeenna sidii ay ugu laaban lahaayeen dhaqankoodii iyo hiddahoodii iyo diintii ahlusunnada ee dhabta ahayd ee aan abkeen iyo adoogeen ka soo gaarnay.

    Sida aad ogtihiinba labadaas kooxood waxay dalkeenna yimaadeen wixii ka dambeeyay 1975kii, Ikhwaanku wuxuu ka yimid Masar, Wahhaabiyaduna waxay ka timid Sacuudiga, labaduba waa laba kooxood oo fasahaadsan, waxay la mid yihiin ishtiraakiyadii Ruushka inooga timid.

    Caqiidadeennu waa caqiidadii hore ee salafka ee uu qoray imaam ashcari oo ay haysteen culumadii hore ee soomaaliya, muslimiinta oo dhanna ay maanta haystaan, fiqhigeennuna waa shaaficiyo, inkasta oo aan madaahibta muslimiinta ee muctabarka ah aan ka qaaddanno wixii ina anfacaya.

    Haddii aan kuu sheego kutubta marjica inoo ah qaar ka mid ah waa:
    1. Kitaabka xaddiiska ee uu qoray sheekh Cabdullaahi Zaylici (600) oo sano ka hor, ee loo yaqaan [Nasb ar-Raayah] waa afar mujallad.

    2. Kitaabka Fiqhiga ah ee uu qoray Sheekh Cumar Zaylici (700) oo sano ka hor, ee loo yaqaan [Tabyiin al-Xaqaaiq] waa 8 mujallad.

    3. Kitaabka uu qoray Sheekh Cabdullaahi al-Harari ee loo yaqaan (Izhaar al-Caqiidah as-Sunniyyah) oo ah kitaab sharx u ah kitaabkii (al-Caqiidah al-Daxaawiyah) oo aan anigu mukhtasar ka sameeyay haddana webka ku jira oo aad la soo degi karto.

    4. Kutubta uu qoray Dr. Hersi oo ah qaar badan oo isugu jira fiqh, Caqiido, Tasawuf, iyo Akhlaaq, oo badankoodu carabi ku qoran qaarna Ingiriis ku qoranyahay.

    4. Fatwooyinka uu baxsho Dr. Hersi ee webka ku jira iyo qoraallo badan oo duruus ah oo loogu tala galay dadka aan akhrin afafka ajnabiga ah ee soomaalida ah.

    Tan labaad waxaan nahay dad mutakhasisiin ah oo daraasaadka Islaamka ku soo qaatay shahaadooyin sare ee maahin dad diinta baawsaday, waxaana ka mid ah diktoorradaas, Dr. Hersi, Dr. Xaashi, Dr. Cabdi, Dr. Mustafa, Dr. Faaruuq iyo Qaar kale oo badan oo dhammaantood ah dad aad wax u bartay aanna ahayn sida wahhaabiyada baawsiga ka dhigatay cilmiga.

    Marka walaalayaal, waxaan idinka codsanaynaa in aad horta wax akhrisaan oo aad cilmiga nuurkiisa raacdaan. Webkan dad aad u badan ayaa ka faa'iidaystay oo indhaha furay kana xuroobay gumaysigii wahhaabiyada iyo ikhwaanka, oo dhammaantood inala soo xiriira oo aad inoogu mahadcelshay, waana ku faraxsanahay in soomaalidu indhaha furtay oo aanay maanta ahayn sidii ay waagii hore u indha xirreed.

    Walaal haddii aad su'aal dheeraad ah wali qabto, igala soo hadal taleefankayga oo ah sidan: 612-9707-3322 (guriga), 6104-013-86920 (Mobile), 612-9793-3330 (xafiiska), Haddii kale aniga ayaa ku soo wacaya ee taleefankaaga iisoo sheeg.

    Aad baad u mahadsantahay mar labaad.

    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, May 22, 2005 at 20:08:31 (CDT)
  10. Suaal: waxaa jira in leeyga digay web kaan!
    asalamacaleeykum waraxmatulaahi wabarakatu waxaa su,aal waxaa jira in leeyga digay web kaan oo aadna aheeynina ahlu suna alaahu aclam xaqiiqada marka waxaan jeclaan laaa waxa leeydiku eeydeeynayo maxaa kajira mise dhicikartaa in aad tihiin daad in xiraafinayo muslimiinta adinka oo raali ah qof kajawaabayo waxaan jeclahay in uu bixiyo jawaab cad si aan ugu qanciyo dadka shakiga galiyaay webkaan hadii aan idiin sheego meesha aan ka helay magaciina waa islamic dacwal center ee paltalk marka iiga soo jawaaba walala adinkoo mahadsan hadii aan su.aal qalad ah idin weeydiiyane iga raali ahdo oo ii soo sheego
    seeylici <umarabdi>
    - Saturday, May 21, 2005 at 17:38:26 (CDT)
  11. Jawaab: Sidee Download ugu Sameeyaa...
    Mahad walaal si aad u furto file-ka ku jira webka 2garre.com waxaad u baahantahay program la yiraahdo (acrobat Reader) oo free ah oo webka laga soo downloadgreeyo, asiga ayaana kuu akhrinaya filasha. Si aad ula soo degto acrobat reader halkan riix: http://www.adobe.com/products/acrobat/alternate.html#reader70full
    Friday, May 20, 2005 at 12:50:25 (CDT)
  12. Suaal: Sidee Download ugu Sameeyaa Filesha!
    salama calaykum walaalayaal waxaan rabay inaan idin waydiiyo waxaan samaynaa dhawlod sidaa dardeet maiifurmayaan kuwa aan ahayn Wotd ka marka sidee ann ufuraa
    mahad barre <mahad33>
    - Friday, May 20, 2005 at 12:50:25 (CDT)
  13. Jawaab: Ahmadiyyada qolada la dhahaayo islaam miya?
    Axmad bin Idris bin Mohamed Bin Ali (1760-1837): Waxaa kale oo loo yaqaan (idrisiya), Waxaa aasaasay sheikhaas oo ku dhashay meel loo yaqaan Miisuuriya oo ka tirsan magaalada Faas ee dalkaasi Marooko, wuxuu u safray 1779 Makka asiga oo xajka u socda kadibna wuxuu aaday Masar si uu cilmiga u raacdo kadibna Makka ayuu u soo laabtay oo noqday Sheekh ka mid ah mashaa'iikhdeeda.

    Waxaa lagu eedeeyay in caqiidadiisu fasahaadsantahay maxaa yeelay wuxuu ka baawsaday waxyaabo kooxda wahhaabiyada oo markaas billow ahayd, kadibna wuxuu u cararay dalka Yaman kabacdina Najid (Riyaad iyo dhulka la xiriira) ee saxaraha sacuudiga ah.

    Dariiqooyinka suufiyada ah ee ay saamaysay Axmadiyadu ama Idriisiyadu waxaa ka mid ah: Sanuusiyada Liibiya iyo Marqaniyada Suudaan iyo Saalixiyada Soomaaliya.

    Saalixiyada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sayyid Maxamad Cabdullaahi Xassan (1920) iyo Sheekh Maxamad Guuleed (1918) iyo Sheekh Cali Maye (1917).

    Kolka walaal haddii axmadiyada aad sheegayso yihiin kuwaas, inshaa allaahu caqiidadoodu waa toosantahay, maxaa yeelay wahhaabiyadu aad uma saamayn sida aan ognahay wadaaddada aan hadda soo sheegay dhammaantood soomaaliya aad baa looga ixtiraamaa waana ahlu sunno.

    Haddii aad sheegayso axmadiyada Hindiya ee asalkeedu ahaa Diyooband meesha loo yaqaan ee uu aasaasay ninka la yiraahdo Axmad Reza Khan al-Qaadiri ee dhashay 14th June 1856, wuxuuna geeryooday 28 October 1921.

    Jamaacadiisu waxay ku fidsanyihiin Hindiga iyo Baakistaan iyo South Africa iyo Maraykanka, kolka walaal haddii aad ninkan sheegayso, waa nin ay wahhaabiyadu ka soo horjeedday waxaa la sheegay in ay is khilaafeen culumada Diyooband, wahhaabiyaduna kufri bay ku xukuntay sidii caadada u ahaydba.

    Si kastaba ha ahaatee, anigu kutubtiisii in aan akhriyo fursad uma helin oo wali ma arkin kitaab uu qoray, laakiin kooxdiisu waxay u egyihiin ahlu sunno oo waxaan arkay website ay ku qoraan afkaartooda iyo caqiidadooda waxna ugama bedelna caqiidada Ashcariyada iyo Maaturiidiyada oo ah caqiidadii ahlusunnada ee muslimiintu haysteen 1000kii sano ee la soo dhaafay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, May 19, 2005 at 21:10:04 (CDT)
  14. Suaal:
    Asalaamu calaykum; sheeq ahmadiyyada qolada la dhahaayo islaam miya? mise may? wasalaamu calykum
    zazam <lubi_maxamed>
    - Thursday, May 19, 2005 at 08:55:37 (CDT)
  15. Jawaab:qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?
    Assalamu calaykum walaal Axmad Aways:
    Waxaad i waydiisay (qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha) toddobaadkii hore, waxaanna kuugu jawaabay si kooban in uu qofkaasi labo xaaladood leeyahay:
    1. Haddii uu inkiro salaadda oo uu yiraahdo waajib maaha ama diinta kuma jirto ama uu ku jeesjeeso oo yaraysto waajibnimadeeda wuu kufrinayaa culumaduna way isku raacsanyihiin arrinkaas.

    2. Waxaa kuu soo haray qofkii aaminsan in salaaddu waajib tahay laakiin caajisnimo iyo mashquulsanaan iyo jaahilnimo u gaysay in uu salaadda ka tago oo ama marna tukado marna ka tago, ama uusan xataa tukan marnaba ilaa uu ka dhintay, qofkaasi gaal ma aha, culumada madaahibta afarta ah inta aan Imaam Axmad bin Xambal ahayn way isku raacsanyihiin in uu faasiq caasi ah yahay laakiin wali muslim yahay aakhirana la cadaabayo laakiin uu jannada geli doono inshaa allaahu kolka uu cadaabtiisa qaatto, maxaa yeelay wali qalbigiisa iimaan baa ku jira.

    Axmad bin Xambal wuxuu leeyahay laba ra'yi oo laga soo weriyay:
    a. Mar wuxuu yiri: waa gaal.
    b. Ra'yiga kalena waa in uu yiri: gaal ma aha ee waa faasiq.

    Daliilka culumada madaahibta ee Xambaliyada iyo Xanafiyada iyo Maalikiyadu waa xaddiis uu soo weriyay Maalik oo uu ku soo weriyay kitaabkiisa al-Muwad' oo Axmadna ku soo weriyay kitaabkiisa al-Musnad xadiiskaas oo macnihiisu yahay (in ilaahay ku waajibshay addoomihiisa shan salaadood, qofkii la yimaadana uu ka ballan qaaday in uu jannada gelsho, qofkii aan la immaanna uu haddii doonana cadaabo haddii uu doonana jannadiisa gelsho) culumadu waxay dhaheen xaddiisakan ayaa caddaynaya in taarikusalaadku uusan kaafir ahayn maxaa yeelay haddii uu kaafir yahay lama dheheen (haddii uu doonana wuu cadaabayaa, haddii uu doonana jannada ayuu gelinayaa) maxaa yeelay haddii uu kaafir yahay janno marnaba lamaba gelsheen.

    Waxay isla markaa culumadaasi ku fasireen axaadiista kale ee sheegaysa in taarikusalaadku gaal yahay in laga wado taarikusalaadka inkirsan salaadda, sida xaddiisaka muslim soo weriyay ee leh (Islaamka iyo kufriga salaadda ayaa u dhaxaysa) iyo xaddiiska kale ee leh (ballanka aniga iyo adinka inoo dhaxeeya waa salaadda qofkii ka tagana waa kufriyay) axaadiistaas waxaa laga wadaa qofka inkira salaadda ee lagama wado qofkii ka caajisa asiga oo qirsan oo aaminsan in ay waajib layska rabo tahay.

    Sidoo kale, waxaa jira axaadiis sheegaysa in qofkii qalbigiisa iimaan ku jiro haba yaraadee aanan naarta lagu waarinayn, iyo aayado caddeeyay in Ilaahay uu cafinayo dambiyada oo dhan haddii uu doono intaan kufriga ka ahayn, marka culumadu waxay isu fiirsheen dhammaan addilladaas ee hal xaddiis kuma dhegin sidi ay dadka qaar yeelayaan.

    Kooxda Wahhaabiyada
    Kooxda wahhaabiyada ayaa kolka khilaaftay culumadii madaahibta afarta ah ee Islaamka kolkaas bay waxay dhaheen qofkii salaadda ka taga waa gaal, xataa waxay taas ku khilaafeen imaam Axmad, maxaa yeelay sida aan horeyba kuugu sheegay imaam Axmad laba qowl ayuu arrinkan ku leeyahay.

    Marka walaal ka digtoonow wahhaabiyada, dadkaasi dad cilmi yaqaan maaha caqiidadooduna ma toosna, diinkana si khalad ah ayay u fasirayaan, culumadana ma ixtiraamaan, bal u fiirso, Maalik iyo Shaafici iyo Axmad iyo Abuu Xaniifa wixii ay isku raaceen miyaan qaadanaynaa mise afar wahhaabiyo ah oo jaahiliin ah ayaan hadalkooda raacnaa?

    Muslimiinta soomaalida ah waxaa loo baahanyahay in ay diinta bartaan oo ka feejignaadaan wahhaabiyada iyo kufrigeeda. Bal u fiirso, wahhaabiyadu waayaga leh taarikusalaadka ka caajisa salaadda waa kaafir e, ayagu miyaanay arkin midda ay ka tegayaan, qaar badan oo ka mid ah salaadda maba tukadaan, taas waxaa kaaga daran, waxay leeyihiin qofkii taarikusalaad ah ee ka caajisa salaadda lagama guursan karo, gabadhii salaadda ka tagtana lama guursan karo iwm, oo dhammaantood ah khusacbalaad aan diinta meelna ka soo gelin.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, May 18, 2005 at 19:21:17 (CDT)
  16. Suaal:
    salaamu calaykum, sheekh waxaan rabay si faahfaahsan u fahmo xukunkii taariku salaadka, waxaad tiri waa caasi qofkii salaad sahal ama caajis dartii uga taga, marka ma waxaad ka wadaa hal mar oo ay si sahlan kaaga fakatay, mise hadii uu maalin tukanaayo maalinna tukanayn?
    Axmed Aweys <naajix>
    - Wednesday, May 18, 2005 at 16:09:22 (CDT)
  17. Jawaab:Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
    Walaal suleeqo Assalaamu Calaykum, haddii aan kaaga jawaabo su'aashaadi ahayd indhasaarku ma waajib baa, waxaan ku leeyahay in culumada Islaamku guud ahaan isku raacsanyihiin in aanan wajiga iyo gacmaha haweenku cawro ahayn, sidaa darteed waxaan ku leeyahay waajib maaha in aad wajigaada deddid ama aad gacmahaaga deddid ama meel shaqo joog ama hajoogin.

    Indha saarku waa sunno ayay dhaheen culumado, qaar yiri waa waajib way jiraan laakiin ra'yigaasi ma aha mid loo badanyahay ee qaar yar ayaa sidaa qaba.

    Jumhuurka culumada madaahibta Islaamku waxay qabaan in aanan wajiga haweenku cawro ahayn, sidaa darteed lagaagama baahna in aad wajigaada deddid marnaba.

    Mahadsanid.

    Sheekh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, May 15, 2005 at 18:16:29 (CDT)
  18. Suaal:Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
    sheekh waxaan ahay gabar ku nool yurub waxaan qaataa indhashareer meelaha laga shaqeeyana looma ogola marka hadaan iska dhigo xiliga shaqada qaatana mararka kale muxuu noqonayaa shiiqoow hadii aad biloowdo ma waajib buu noqonayaa iiga soo jawaab wabilaahitowfiiq
    suleeqo <suleeqosiciid1>
    - Friday, May 13, 2005 at 06:36:40 (CDT)
    Jawaab: wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn
    Assalamu Calaykum;
    Walaal qofkii quraanka bartay waa qof nasiib badan oo Ilaahay khayr badan siiyay. Quraanka barashadiisuna waa fal aad u fiican oo wanaagsan. Falka wanaagsan in la burriyana ma bannaana oo Ilaahay kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwii rumeeyayow Eebbe Adeeca oo Nabiga addeeca falkiinana ha burrina)[Suuradda Muxammad: 33].

    Quraanka barashadiisa iyo akhriskiisu waxay ka mid yihiin daacada Eebbe iyo Daacada Nabigiisa NNK, Quraanka Illoobiddiisa iyo ka tegiddiisuna waxay ka mid tahay burrinta camalka ama falka wanaagsan, waana naloo diiday sida aayaddu sheegtay in aan falkeenna burrino, sidaa darteed qofkii quraanka bartay ee ka taga ee aan akhrinayn xukunkiisu waa sidan:

    1. Haddii uu Quraanka akhriskiisa iyo xafididdiisa uga tegay asiga oo aaminsan in aanay taasi waqtiga maanta la joogo iyo siiba waddamada galbeedka aanay muhiim u ahayn wuu kufrinayaa. Ujeeddadu waa qofkii quraanka ka taga asiga oo aaminsan in aanan quraanka barashadiisu maanta muhiim u ahayn dadka ku nool waddamada gaalada, ninkii sidaa aaminsan wuu kufrinayaa.

    2. Ninkii quraanka akhriskiisa ka tegay ee mashquul noqday ee sidaa ku illoobay khayr badan ayaa ka lumay waxaana la gudboon in uu usoo laabto quraanka akhriskiisa. Quraanka barashadiisa iyo xafididdiisu waa fardukifaayo, qofkii katagana faasiq iyo caasi midna lama yiraahdo, laakiin khayr baradan ayaa dhaafay.

    3. Qofkii quraanku ka lumay xusuustiisa oo xumaatay awgiis, kadib kolkii uu dhulka gaalada tegay oo dhibaatooyin badan la kulmay, qofkaasi caasi maaha, laakin waa in uu dadaalo oo isku dayo intii tabartiis ah in uu xusuusto wixii uu bartay, had iyo jeerna naqtiinsho quraanka oo waqti kasta akhriyo si uu u xusuusto, maxaa wacay akhriska quraanka ajar badan ayaa ku jira, thawaab badanna wuu leeyahay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sheekh Dr.Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, May 11, 2005 at 19:18:30 (CDT)
  19. Suaal:wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn
    Salaamu calaykum jazaakumullaah sida wanaagsan ee aad iigu sharaxday suaasheydii hore. Sheekh waxaa hadana rabaa in aad wax iiga sheegto xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn ilaa uu ka lumay (qur'aankii)isgoo jooga wadan gaal? maxaadna kula talinlahayd? jazaakumullaahu khayraljazaa'
    Axmed Aweys <naajix>
    - Wednesday, May 11, 2005 at 15:41:54 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  2. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  3. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  4. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  5. waxaa jira in leeyga digay..!
  6. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  7. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  8. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  9. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  10. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  11. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  12. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  13. Sheekhow iisoo ducee...
  14. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  15. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  16. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  17. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  18. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  19. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  20. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  21. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  22. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  23. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  24. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  25. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  26. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  27. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  28. ma haboon tahay nin aan..?
  29. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  30. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  31. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  32. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  33. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  34. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  35. Mahadnaq iyo bogaadin
  36. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  37. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  38. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  39. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  40. Qof dhintay mala baryi karaa?
  41. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  42. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  43. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  44. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  45. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  46. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  47. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  48. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  49. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  50. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  51. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  52. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  53. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  54. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  55. Is Khat Haram or Halal?!
  56. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  57. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  58. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  59. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  60. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  61. xukunka taariku salaadka
  62. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  63. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  64. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  65. Salaan iyo Bogaadin..

  66. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  67. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  68. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  69. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  70. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  71. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  72. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  73. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  74. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  75. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  76. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  77. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  78. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  79. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  80. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  81. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  82. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  83. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  84. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  85. zakada dahabka laga bixiyo..
  86. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  87. members of one of the Somali clans..
  88. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  89. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  90. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  91. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  92. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  93. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  94. qoladasi isku diin ma nihin..
  95. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  96. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  97. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]