AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: xukunka taariku salaadka
    Assalamu alaykum; walaal (qaadicu salaad) ma waxaad ka waddaa (taariku salaad)? mise (qaadicu dariiq?) Haddii aad rabto xukunka (Taariku salaadka) faahfaahinteedu waa sidan: 1. Haddii qofku salaadda kaga tago caajis awgiis iyo sahlasho uuna ogyahay in ay waajib tahay oo ay aasaaska Islaamka ka mid tahay, kufrin maayo laakiin waa caasi wuuna dambaabayaa? nusuusta ku soo aroortay in qofkii salaadda ka taga kufrinayo waxay culumadu ku fasireen in looga jeedo qofkii inkira waajibnimada salaadda ee aan laga wedin qofkii ka caajisa.

    Sidaa darteed, qofkii salaadda inkira oo yiraahda salaadu waajib maaha ama aniga la'igama rabo, waa kaafir, qofkii ka caajisa laakiin aaminsan in ay waajib tahay, ama qofkii marna tukanaya marna iska dhaafaya ee ka caajisaya asiga oo og in ay waajib tahay kaafir maaha ee waa caasi faasiq ah.

    Midda kale haddii aad uga jeeddo (Qaadicu dariiq) oo ah tuugga jidka goynaya ee xoolaha boobaya dadkana cabsiinaya sida kuwa soomaaliya jooga ee isbaarooyinka jidka dhiganaya, saddex xukun oo kala duwan bay leeyihiin:
    1. Haddii uu dadka cabsiiyo asiga oo aan xoola boobin dadna dilin, waa la xirayaa ama la tacsiirayaa hadba sida qaalligu u arko.
    2. Haddii uu dadka cabsiiyo ee xoolo boobo, gacan iyo lug baa laga goynayaa, hadba sida qaalligu u arko xaalkiisa. 3. Haddii uu dadka cabsiiyo oo xoolaha boobo oo dad dilo, waa la dilayaa lana deldelayaa oo maydkiisa la warayaa.

    Waxaan rejaynayaa in aan su'aashaadii ka jawaabay. Mahadsanid.
    Sheekh Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, May 10, 2005 at 18:12:56 (CDT)


  2. Suaal:
    Salaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh; sheekhoow waxaan rabay in aan wax ka ogaado xukunka qaadicu salaadka waa maxay xukunka qaadicu salaadka? jazaakumullaahu khayra ljazaa'
    Axmed Aweys <naajix>
    - Tuesday, May 10, 2005 at 11:32:58 (CDT)
  3. Jawaab
    Walaal waan haynaa qoraalladii ku saabsanaa hoggaamiye kooxeedka soomaaliya, laakiin waxaan doorbidnay in aanan webka soo gelin hadda, maxaa yeelay waxaa inagu jirta rejo ah in ay wax hagaajiyaan oo xaalkoodu isbedelo.
    Mahadsanid
    Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, May 03, 2005 at 19:21:02 (CDT)
  4. Su'aal
    waxaan idiin weydiinayaa taarikhda hogaamiya kooxeedyada xageebey ku danbeysa
    nadir <nadiir83@hotmai.com>
    - Tuesday, May 03, 2005 at 13:26:32 (CDT)
  5. Jawaab: Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
    Assalamu Calaykum, Walaal Khadro salaan kabacdi; Horta waxaad ogaataa in aanan Islaamku u kala eexan ragga iyo haweenka ee si caddaalad ah oo sinaan ah uu labadaba ula hadlay.

    Tusaale ahaan, waajibaadka oo dhan, sida salaadda iyo soonka iyo xajka iyo wixii la mid ah Islaamku si isku mid ah ayuu ula hadlay ragga iyo haweenka, quraankana waad ku aragtay in meelo badan la isla xusay (mu'miniinta iyo mu'minaad-ka, Muslimiinta iyo Muslimaad-ka) taas ayaana daliil cad u ah in diintu sintay ragga iyo haweenka.

    Waxyaabo yaryar oo waxaa jira ay ku kala duwanyihiin ragga iyo haweenku, kolka laga hadlayo markhaatiga iyo dhaxalka iyo nuujinta iwm.

    Meelahaa qolo kasta waxay leedahay takhasus u gaar ah, raggu wixii ku habboon ayaa dheeraad looga dhigay sida maamulka qoyska iyo ilaalinta ammaanka iyo nabadgelyada haweenayda qaraabadiisa ah iwm, haweenkana meelo ay ku habboonyihiin ayaa lagu aaddiyay, sida amuuraha ku saabsan Nuujinta iyo markhaatiga amuuraha haweenka (hal naag ah ayaa ku filan oo caadil ah) tusaale ahaan, haddii loo baahdo in la ogaado gabadhani bikaaro miyaa mise ma aha? (Hal haweeneey ah oo caadilad ah ayaa ku filan markhaatigaas) toban nin haddii ay ka markhaati kacaan laga aqbali maayo maxaa yeelay arrinkaas waxba kama yaqaannaan.

    Haweenka Maxaa wahhaabiyadu u liiddaa?
    Waa su'aal adag, waxaa fiicnaan lahayd in ayaga laftooda la waydiiyo, sacuudiga haweenka jooga way u diideen in ay baabuurta wadaan, ayaga oo ku marmarsimoonaya fitno ayay kicinayaan!!

    Waxay soo daliishadeen aayadda (Wa qarna fii biyuutikunna) ee macnaheedu yahay (aqalkiinna ku nagaada) oo culumada oo dhan isku raacday in looga jeedo haweenka Nabiga N.N.K aanayna khusayn haweenka kale ee muslimiinta iyo gaalada intaba.

    Midda aad sheegtay ee ah maxay u dhahaan haweenka (gadaal) ragga dabadiisa soo socda! waxaa u geeyay jaahilnimo iyo cunsurinimo ee islaamku marna ma dhihin meel ay ku qorantahayna ma jirto in haweenaydu ninka 30 tillaabo ka dambayso, waa bidco ay ayagu jeebkooda kala soo baxeen.

    Hadaba walaal waxaan rejaynayaa in aanay kuwaasi diinka ku nacsiin, diinta Islaamku waa diin aad u dhawrtay xuquuqda aadanaha ama rag ha ahaado ama dumare, fidna walayaasha wahhaabiyadana Ilaahay ha idinka qabto shartooda kana digtoonaada meel ay joogaanna ha tegina.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, April 26, 2005 at 22:42:09 (CDT)
  6. Suaal: Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
    Assalamu cal. Diktoor kheer allaha ku siiyo sida wanaagsan ee u sharaxday mashaakilka wahaabiga, run ahaan qolooyikaas waa dad aad u dhedheg ah. Waxaa maalin kasto ka dhalshaan dagaal meeshin aan joogo.

    Waxaan kaa codsanaa in aa inoo sharaxdo maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda? Mxaase u takooraan hawweenka?

    Waxaa kale oon rabaa in aan ogaado maxay mowlidka nabiga udiidayaan? kheyr allaha idin siiyo. Kadaroon.
    Khadro <k_trees.uk>
    - Tuesday, April 26, 2005 at 22:08:06 (CDT)
  7. Jawaab: Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba.
    Walaal Omar, salaan kabacdi, aad baan uga xumahay in aadan wax ku qaadan fatwooyinkii iyo cilmibaarista la yaabka leh ee aan webkan soo gelshay kuna saabsan kooxahaas lunsan sida wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iwm.

    Tan labaad waad ogtahay sida aad adiguba sheegtay in aan 1991kii turjumay kitaabka Towxiidak ee uu qoray Maxamad bin Cabdulwahhaab, oo ah ninkii wahhaabiyada keenay una sabab ahaa lumitaankii malaayiin muslim ah, iyo dhicitaankii khilaafadii Islaamka iyo dhammaan hoogga qabsaday umadda islaamka 100 kii sano ee la soo dhaafay.

    Waad ogtahay in aan dhowr buug oo carabi ku qoran iyo maqaalado iyo daraaso aad u faahfaahsan ka sameeyay arrinkan, intaas oo dhan waad la socotaa, waxaa la yaab leh in aadan midna ka akhrin qoraalladaas, oo aadan xataa su'aal iga waydiin wixii humaag kaa galo!! Marka walaalow inta aadan iigu gooddin Naarta, illeen adigu naarta malihide, horta akhri qoraallada aan qoray ee ku qoran Carabi iyo Soomaali iyo English intaba, kuwaas oo ah qoraallo aan muxaadarooyin qaar ka jeedshay oo aan dad waawayn oo culumo ah kala dooday.

    Marka walaalow waan ku jecelahay, khayrka ayaan la jecelahay soomaalida oo dhan iyo intii muslim ah, waxaan kaa codsanayaa "inta aadan i naarin" oo aadan i "inkaarin" horta wax baro oo wax akhri, subxaana laahi!! Sidee aad walaalow xaqa iyo baadilka ku kala soocaysaa haddii aadan nuurka cilmiga raacin?!

    Waxaan dhammaan walaalaha soo booqda halkan ka codsanaynaa in ay horta wax akhriyaan oo dersaan daraasada aan sameeyay 15kii sano ee la soo dhaafay ee halkan ku jirta, haddii ay wax kale u baahdaan waa ila soo xiriiri karaan, haddii ay su'aal qabaan sidoo kale, har iyo habeen baan u taaganahay sidii aan u caawin lahaa ummadda Islaamka ah gaar ahaan Soomaalida oo aan ogahay in ay yihiin dad aad loo marin habowshay, aqoonna aan lahayn, oo aad u lumay, oo diintoodii rag ku ciyaaray.

    Waxaan Ilaah ka rajaynayaa in uu soo hanuunsho Soomaalida oo diintoodii iyo caqiidadoodii toosnayd u soo celsho, soomalida oo dhan maaha ee waxaan u jeedaa kuwa ku khaldamay diinta wahhaabiyada iyo khuraafaadka Ikhwaanka iwm, sida walaalkeen Omar, marka dadaalkayga kolley joojin maayo, ajirkaygana Ilaah baa bixinaya oo aan ka filayaa in uu iga abaal mariyo dadaalkayga, towfiiqdana inagu toosiyo.
    Wassalamu Calaykum.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Thursday, April 21, 2005 at 19:14:51 (CDT)
  8. Aragti
    asalaamu calaykum Waxaa maanta bartay in ay hadii aqligu habaabo ay aqoontuna habaabeyso. Cidii uu ilaahey hanuuniyo uun baa hanuunsan ciduu dhumiyana u helimaysid cid hanuuniso. Waxaad heesataa titelka "DR" waad aqridey kitaabka towxiidka oo waqti badan ayaa siisey. laakiin markii aad aqrineysay ma aadan u aqrin alle dartiis iyo in aad runta ogaatid allena wuu kaa abaal mariyey waana luntay lumid weyn waad hadii markii hore muslim eheyd. hadiise aad gaal eheyd waxaad ogaatta in ilaahey diintiisa fidi aadba nactidee. wuxuu alle doono wee noqon cid is hortaagi kartana ma jirto jini iyo insi dhamaan. Gaaladu waxay rabaan nuurka Alle ku baqtitaan afafkooda, Allena wuu dhameystiri nurrkiisa habe naceen gaaladuye. Waxuuna alle u balan qaadey kuwa is hortaaga xaqa oo dadka jidka ka lexxiya labo cadaab waxaana kuu malayn in aad ka mid tahay kuwaas. Laakiin towbada Alle markasta wee furan tahay waxaana kugu lee yahay haka quusan naxriista Alle una soo Laabo Aqrina mar kale Kitaabka Towxiidka Adigoo u ula jeeda dar Alle. Hadii aadan saas falin ogoow in aad Alle daalin karin . Wasalaamu calaykum
    Omar faradar <faradar>
    - Thursday, April 21, 2005 at 09:54:12 (CDT)
  9. Jawaab: nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
    Walaal Maxamad Cali, salaan kabacdi horta dhowr su'aalood ayay su'aashaadu ka koobantahay, laakiin midda hore ee aad i waydiisay ayaan kaaga jawaabayaa.

    Wiilka aad sheegtay iyo gabadha horta in ay isguursadaan hadda oo si xalaal ah sharcigana waafaqsan isu guursadaan waa wax wanaagsan waana loo baahanyahay, ceebta in la qariyana waa nalafaray oo qofka muslimka ah in xumaantiisa la asturo waa waajib.

    Canugga yar ee dhashay ninka ayaa aabbe u ah maxaa yeelay waa gabadhiisii (safaax) ku dhalatay, culumada madaahibta afarta ah intaan shaafici ka ahayn waxay qabaan in aysan gayn oo ay gabadhiisii tahay, laakiin Imaam shaafici ayaa yiri sharcan way gaysaa, waana lagu diiday oo dad badan ayaa ku dhaleeceeyay Imaamka warkaas.

    Sidaa darteed, waxyaabaha Imaam shaafici lagu duro waxaa ugu caansan mas'aladan, taas uu banneeyay in gabadha safaaxa ku dhalatay uu aabaheed geeyo. Laakiin Imaamku dambigiisa allaha dhaafee wuxuu ka eegay mas'alada dhinaca xukunka fiqhiga oo kaliya, isla markaana wuxuu yiri, way dambaabayaan labaduba (ninka iyo naagta) safaaxa ku dhalay carruurta.

    Sikastaba ha ahaatee, halkan kuma ballaarin karo Madaahibta Culumada Islaamku ay mas'aladan ka dhaheen, laakiin waxaan kuugu soo koobayaa hadalka, waxaa quman in labada qof la isku mehriyo, carruurtuna waa carruurtoodii, xumaantoodana la asturo, Ilaahna ay u towbadkeenaan oo aanay ayagu is fadeexadayn oo ceebtooda qarshaan.

    Islaamku ma ogola in dadka fadeexooyinkooda iyo ceebahooda la qodqodo ee wuxuu faray in ceebaha la asturo, kolka ninkii ama naagtii si khalad ah u fasha dambi sida kan oo kale ah waa in aanay isfadeexayn ee ay arrinkooda daboolaan kadibna alle u tawbad keenaan oo ka shallaayaan wixii xumaan ahaa ee ay faleen xaalkoodana toosiyaan inta noloshooda ka hartay, Ilaahna dambidhaaf waydiistaan.

    Qofkii xaalkooda ka warhayana waa in uu qarsho arrinkooda oo uusan fadeexayn, tan kale xadka sinada ama ha ahaado midka muxsinka ama ha ahaado midka aan muxsinka ahayne, laguma oogayo qofka haddii aanuu asigu is sheegin ama aanan qaalli caadil ah oo markhaatigiisa haystaa ku caddayn, sidaa darteed marnaba hadda xadkii sinada labadaa qof laguma oogi karo.
    Mahadsanid.
    Dr.Hersi <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, April 12, 2005 at 19:45:56 (CDT)
  10. Su'aal:
    saxiib xirsi waxa aan ku waydiin lahaa, suaal ah, nin ayaa gabar si xarana ugu tagay kadibna waa ay uraysatay isla markana reerkii inanta dhalay ayaa waxa ay wiilkii leyihiin aarkan aada leh isna ma didin oo kolay gabadha wax kaga tage,marka reerkii gabadha dhalay ayaa leh gabadha anu kuu meherino si aan ceebta inanta u asturno oo anu u niraahno nin ayaa wahore mehesaday,arintasi maxay ayay sharecada noqonaysa amma ilmaha yar ee dhashaa abaha ma loogu abtirinaya gabadhasi oo ahayd mid nin hore soo furay wiilkana waxa uu ahaa mid aan hore u guursan
    maxamad cali <jokar123>
    - Tuesday, April 12, 2005 at 14:09:30 (CDT)
  11. Jawaab: Salaan iyo Bogaadin..
    Waad mahadsantahay C/raxman, waxaan kuu rejaynayaa in aad dadaalka halkaaga ka sii waddo, sida aad adiguba sheegtay musjtamaca soomaalida jaahilnimo iyo saboolnimo awgeed ayuu u galay diinta wahhaabiyada, ee haddii ay baran lahaayeen xadaaraddooda iyo caqiidadii iyo diintii islaamka ahayd ee saxa ahayd ee ay ka dhaxleen aabbayaashood sidaa ma noqdeen diintaas waalanna ma galeen.

    Sidaa oo ay tahay, dadka diinta wahhaabiyada galay ee soomaalida ah waa dad yar oo sacuudigu mushaar siiyo ama lacag yar oo kaalme ah ka hela kooxda wahhaabiyada, laakiin soomaalida badankeedu ma garanayaan waxa looga jeedu diinta wahhaabiyada iyo waxa ay xaqeeqadeedu tahay.

    Sidaa darteed waajibku wuxuu saaranyahay waxgaradka iyo aqoonyahanka soomaalida si loo badbaadsho inta hadda ka hartay bulshada soomaalida. Waxaa loo baahanyahay in dadkaa loo sheego waxa ay tahay xaqeeqada wahhaabiyada.

    Waalidiinteen ma gaalo bay ahaayeen?
    Waxaan la sheekaystay qaar soomaalida ka mid ah oo isku sheegaya in ay islaamka fahmayaan, dhammaantood waxay ii sheegeen in aabayaashood iyo hooyooyinkood ay gaalo kufaar ah ahaayeen!! waxaan ku iri, mowlidka nabiga ka warrama, waxay dheheen waxaasi waa wixii waa hore laga soo tegay!! waxaa kolkaa ii caddaatay in aanay diinta haba yaraatee fahamsanayn, bal ninka leh nabiga xusiddiisa waa hore ayaa laga tegay, oo aabihiis iyo hooyadiis gaalnimo ku xukumaya ma diin buu haystaa?!

    Dacwada wahhaabiyada
    Dacwada wahhaabiyadu kolka walaal waxay ku saabsantahay nacayb iyo kufrin iyo cayda nabiga, waxaa wax lala yaabo ah in aanay soomaalidu fahamsanayn haba yaraatee waxa ay tahay diintan waalani, waxaan ka qoray diintan iyo taariikhdeeda daraaso badan oo afcarabi iyo ingiriis iyo soomaali intaba ku qoran, marka waxaan ka codsanayaa qofkii wax akhrinkara in uu akhriyo kutubta ku jirta webkan 2garre.com si uu u fahmo waxa xaqeeqada wahhaabiyadu tahay.

    Qofkii aanan wax akhrin waxaan ka codsanayaa in uu iisoo diro email iyo cinwaankiisa si aan ugu soo diro cajal uu dhagaysto oo duuban oo duruus fara badan ku jirto.

    Diin Been ku dhisan
    Diinta wahhaabiyadu waa diin been ku salaysan, waxaana taas u daliil ah in haddii aad la hadasho kuwa Eebbe ku fidneeyay diintan ay kaa cararayaan oo dhuumanayaan aanayna kula hadli karin, kolka aad sii jeesatana dadka waxay ku leeyihiin caqiidadiisa ayaa fasahaadsan, marka aad ka soo horjeesato way kala cararayaan, marka waa diin raadsanaysa dadka caamada ah ee beenta loo sheegi karo laakiin meesha culumada iyo aqoonyahanku isugu imaanayo ku arki maysid.

    Habeen dhawayd waxaan ka qaybqaatay seminaar looga hadlayay Islaamka oo lagu qabtay magaalada Sydney degmada Paramata hoteel ku yaalla oo ay yimideen 400 oo qof ku dhawaad gaalo iyo muslim intaba isugu jira, kolkaas baa la soo hadal qaaday wahhaabiyada iyo dhibka ay ku hayso muslimiinta iyo sida ay sumcadda Islaamka u dishay diintaasi iyo nacaybka ay Islaamka u soo jiidday. Ma aanan arag qof ka mid ah kuwa diintaa wahhaabiyada raacsan oo halkaa ka hadlaya, oo ka jawaabi kara su'aalihii gaalada iyo Muslimku waydiinayeen ee ku saabsanaa kooxdaa fallaagada ah.

    Haddaba waxaan muslimiinta uga digaynaa diintaas cusub ee fasahaadsan, ee 3 boqol oo sano kahor uu keenay nin la yiraahdo bin Cabdul wahhaab oo u dhashay qabiilkii uu ka dhashay Musaylamatu al-Kaddaab ee ahaa banuu tamiin.
    Dr. Hersi < hersi@2garre.com>
    - Tuesday, April 12, 2005 at 18:58:29 (CDT)
  12. Salaan iyo Bogaadin
    Marka hore waxa kuugu salamay salaanta islaamka asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuhu marka labaad aniga maanta ma aqaano wax aan ku dhaho waana raadinayay nin sidaada oo kale ah oo wax badan fahamsan diinka iyo kuwa fidnada ah ee aad nasoo bartay anaga waxa ka mid ah jiilka soo baxaayo ee ku sugan gudaha wadanka hada ka hor ayaa mar aan ka aqriyay qormo aad qortay balse ee soo gudbisay webka qandala.com aana isku dayay in aan kula soo xiriiro balse dhambaal tahniyad aan kuu soo diray waxa lagu soo qoray isla qoraalkaaga hoostiisa balse waxa an jeclahay in xiriir gaar ah aan kula sameeyo aniga oo kasoo jeedo qoys diinka aad loogu ciseeyo isla markaana degan somalia gaar ahaan shabeelha dhexe deg warshiikh xiriirin wacan maanta waxa ka bixi la ahay aqrinta ducumentska sirta ah ee u qarsan kuwa sharwadayaasha ah wabilaahi towfiiq kuwa kula midka ah bulshada alaah ku badiyo
    C/raxman Sh: C/llaahi <farxad95>
    - Wednesday, April 06, 2005 at 07:06:51 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. xukunka taariku salaadka
  2. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  3. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  4. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  5. Salaan iyo Bogaadin..

  6. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  7. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  8. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  9. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  10. Sheekhow iisoo ducee...
  11. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  12. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  13. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  14. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  15. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  16. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  17. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  18. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  19. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  20. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  21. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  22. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  23. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  24. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  25. ma haboon tahay nin aan..?
  26. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  27. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  28. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  29. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  30. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  31. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  32. Mahadnaq iyo bogaadin
  33. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  34. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  35. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  36. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  37. Qof dhintay mala baryi karaa?
  38. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  39. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  40. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  41. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  42. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  43. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  44. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  45. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  46. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  47. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  48. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  49. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  50. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  51. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  52. Is Khat Haram or Halal?!
  53. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  54. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  55. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  56. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  57. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  58. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  59. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  60. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  61. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  62. waxaa jira in leeyga digay..!
  63. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  64. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  65. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  66. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  67. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  68. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  69. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  70. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  71. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  72. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  73. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  74. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  75. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  76. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  77. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  78. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  79. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  80. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  81. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  82. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  83. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  84. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  85. zakada dahabka laga bixiyo..
  86. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  87. members of one of the Somali clans..
  88. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  89. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  90. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  91. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  92. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  93. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  94. qoladasi isku diin ma nihin..
  95. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  96. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  97. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]